Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,166
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay deegaannada lagu abaabulayo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaddib markii uu magaalada Muqdisho kulammo muhiim ah kula yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kula hadlay boqolaal ka mid ah halyeeyada Macawisleyda, oo door muuqda ka qaadanaya difaaca deegaannadooda. Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed. Intaa kaddib, Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Cadale, halkaas oo uu si toos ah uga hoggaamin doono abaabulka iyo howlgalka ballaaran ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyada oo taageero buuxda siinaysa shacabka iyo ciidanka dagaalka kula jira kooxaha nabad-diidka ah. Source: goobjoog.com
  2. ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta (25.03.2025) ka qayb galay Shirka Siyaasadda Caafimaadka Qaranka JSL oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, laguna qabtay Huteelka Ambassador magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa. Khudbada Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqday sida ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad uga goโ€™an tahay in si hagar laโ€™aan ah loo kordhiyo loona tayeeyo adeegyada caafimaadka aasaasiga ee bulshada JSL. Madaxweynaha waxa uu sheegay in helitaanka adeegyada caafimaadku ay tahay Xuquuq Aasaasi ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta reer Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba la hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa nidaamka caafimaadka dalkeena, iyada oo la ballaarinayo helitaanka daryeel caafimaad oo tayo leh, casriyeynta Xarumaha adeega Caafimaadka ee aasaasiga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka, iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. Waxa uu ku booriyay dhammaan daneeyayaasha โ€“ Hayโ€™adaha dawladda, Xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada โ€“ in ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha caafimaad si aynu u hiigsano horumar waara oo ah xagga adeegyada caafimaadka. Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid leh dhiiri-gelin, isla markaana yididiilo gelinaya kalsoonida ay muwaadiniinta JSL ku qabaan barnaamijka tayaynta adeegyada caafimaadka ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Dhinaca kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si qoto dheer oo farshaxannimo leh u faah-faahiyey ujeedada sugan ee Siyaadasada Guud ee Caafimaadka Qaranka ee xilliga dhaw iyo xilliga dheer. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay masuuliyiinta Wasaaraddu ku soo koobeen ujeedada Siyaasadda Caafimaadka Qaranka waxa ugu mudnaa: 1. Aasaaska iyo Hirgelinta Caymiska caafimaadka qaranka (National Health Insurance), 2. Qorsha Maalgalinta Caafimaadka Qaranka (National Health Financing Strategy), 3. Nidaamka Daadejinta Caafimaadka heer Degmo. (National health Decentralization Plan), 4. Xoojinta Xidhiidhka Iskaashi ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Daneeyayaasha Caafimaadka, 5. Fududaynta Adeegyada Caafimaad ee Dadka la nool Baahiyaha gaarka ah. 6. La Tacaalidda Xanuunnada Raaga, 7. Aasaaska Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Somaliland (Somaliland CDC) . ๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡, ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ), ๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐. Qaran News
  3. Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox. Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya. Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga. Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan. Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
  4. Soomaaliya ayaa tallaabo weyn u qaaday dhanka casriyeynta dhaqaalaha, kadib markii ay si rasmi ah u daah-furtay nidaamkeedii ugu horreeyay ee Lacag-bixinta Degdegga ah (SIPS), kaasoo suurtagal ka dhigaya in la sameeyo xawaalad degdeg ah iyo lacag-bixin QR ah oo isku xiraya bangiyada iyo adeegyada lacagaha moobaylka. Nidaamkan, oo ay hirgelisay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), ayaa loo dhisay si loo hagaajiyo isku-xirnaanta nidaamka maaliyadeed, loona fududeeyo helitaanka adeegyada lacag-bixinta casriga ah. Waxaa adeeggan farsamo ahaan taageeraya madal casri ah oo la yiraahdo SmartVista, taasoo ay sameysay shirkadda BPC. Muddo dheer, Soomaaliya waxay la tacaalaysey nidaam lacageed oo u badan lacag caddaan ah, taasoo caqabad ku noqotay amniga iyo helitaanka adeegyada maaliyadeed. Balse hadda, nidaamka cusub ee SIPS wuxuu buuxinayaa farqiga u dhexeeya bangiyada iyo adeegyada lacagaha moobaylka, isagoo bixiya xawaalad 24/7 ah, lacag-bixin QR ah, iyo suurtagalnimada in si toos ah lacagaha uga gudbaan akoonnada bangiyada iyo moobaylka. Kaabayaasha nidaamka waxaa ku jira ilaalin sare oo ka hortagaysa khiyaanada, taasoo lagu suurtageliyay Public Key Infrastructure (PKI), iyo madal xalinta khilaafaadka, si loo hubiyo amniga iyo waxtarka sare ee nidaamka. Nidaamkan markii hore waxaa lagu rakibay cloud-ka, balse dhawaan waxaa loo wareejin doonaa xarun xog ururin gudaha ah, si loo xoojiyo adkeysiga iyo xasilloonida. Tan iyo markii la daah-furay, toddobo bangi ayaa ku xirmay nidaamka, halka lix bangi oo kale iyo shirkadaha waaweyn ee lacagaha moobaylka ay qorsheynayaan inay ku biiraan sanadkan. Ballaarintaas waxay dhameystiri doontaa isku-xirka nidaamka maaliyadeed ee dalka, taasoo markii ugu horreysay suurtagal ka dhigaysa in bangiyada iyo lacagaha moobaylka si toos ah isugu gudbi karaan lacagaha. Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) iyo Guddoomiyaha Somalia Payment Switch (SPS), Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi, ayaa ku tilmaamay hirgelinta SIPS mid is-beddel taariikhi ah oo wax weyn ka beddeli doona nidaamka lacag-bixinta ee Soomaaliya. โ€œHorumarkani wuxuu keenayaa xawaare, amni iyo waxtar sare oo dhanka lacag-bixinta ah, wuxuuna awood siinayaa ganacsatada iyo shacabka inay si buuxda u qaataan dhaqaalaha aan lacagta caddaanka la isticmaalin,โ€ ayuu yiri Cabdullaahi. Angelo Bertini, oo ah Madaxweyne ku-xigeenka sare ee shirkadda BPC, ayaa xusay in nidaamkan cusub uu muhiim u yahay horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah ay tahay furaha isbeddelka dhaqaale. Iyadoo Bangiga Dhexe iyo SPS ay dadaal ugu jiraan in la gaaro nidaam dhammaystiran oo digital ah, Soomaaliya waxay kusii socotaa waddadii ay ku noqon lahayd dal hormuud ka ah xalka lacag-bixinta casriga ah ee gobolka. Iyada oo bangiyada iyo shirkadaha lacagaha moobaylka ay sii biirayaan SIPS, dalka waxaa sugaya adeegyo maaliyadeed oo si fudud loo heli karo, ammaan ah, isla markaana kor u qaadaya dhaqaalaha bulshada oo dhan. Hirgelinta nidaamkan waa in ka badan horumarin; waa tallaabo geesinimo leh oo horseedi doonta isku-xirnaanta dhaqaalaha, awood-siinta maaliyadeed, iyo mustaqbal ay dhammaan Soomaalidu heli karaan lacag-bixinno degdeg ah oo sugan. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) โ€” A large number of Al-Shabaab militants, accompanied by combat vehicles, have moved into the Bay and Bakool regions in recent weeks following their defeat in ongoing military operations in the Middle Shabelle region, military officials confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
  6. Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay degaanka Guryo-samo ee nawaaxiga Buqo (Calmiskaad) ayaa halkaasi ku dilay 4 miinayste oo ka tirsan mileeshiyaadka argagixisada ah. Hawlgal qorshaysan oo saaka ka bilowday aagga Buqo-Caleed ayay ciidamadu ku guulaysteen in ay soo af-jaraan koox miinaystayaal ah oo ka kooban 4 xubnood kuwaasi oo jidadka gelin jiray miinooyinka rimoodka laga hago si ay waxyeello u gaarsiiyaan ciidamada dowladda ee ka hawl gala aaggaasi. โ€œ4-kamida kooxaha khawaariijta argagixisada Daacish gaar ahaan kuwa miinooyinka dhiga waddooyinka ayaa lagu guulaystay in la dilo hawlgal ay sameeyeen ciidamada geesiyaasha difaaca Puntlandโ€ ayaa lagu yiri warbixin laga soo xigtay Taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland. Warbixinta laga soo xigtay ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale muujinaysa in kooxda laga furtay hub iyo agab kale islamarkaana laga burburiyay talis weyn oo ay ku diyaarin jireen miinooyinka โ€ sidookale waxaa lasoo bur buriyay Talis wayn oo miinooyinka ay kudiyaarin jireenโ€ ayay sii raacisay warbixintaasi. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay miinaystayaal ka tirsan argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) โ€” Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre participated in a virtual joint meeting of heads of state from the East African Community (EAC) and the Southern African Development Community (SADC) to discuss the deteriorating security situation in eastern Democratic Republic of the Congo (DRC). Source: Hiiraan Online
  8. Garowe (HOL) โ€” At least one Puntland soldier was killed, and nine others were injured in an attack by ISIS militants in the Xabley area of Ufayn district, Bari region, on Monday night. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) โ€” Several people, including police officer Hussein Haji Mohamed, known as Aw Koombe, were killed in a mortar attack in Afgooye district, Lower Shabelle region, on Monday. Source: Hiiraan Online
  10. A bomb attack perpetrated by terrorist group Al-Shabaab claimed the life of journalist Mohamed Abukar Mohamed, also known as Dabaashe, among other casualties, on 18 March in the Hamar Jajab district of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  11. Kenyan President William Ruto hailed the safe conclusion of the 2025 World Rally Championship (WRC) Safari Rally on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. Laced with terms such as โ€œcensorshipโ€ and โ€œpolitical interferenceโ€, the Belgium-based jobs advert was far from typical. The promise of academic freedom, however, hinted at who it was aimed at: researchers in the US looking to flee the funding freezes, cuts and ideological impositions ushered in by Donald Trumpโ€™s administration. Source: Hiiraan Online
  13. Maamulka Trump ayaa wajahaya mowjado fadeexado ah, ka dib markii saraakiisha ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanku ay bannaanka u saareen xogo sir ah oo ku saabsan qorshe dagaal oo ay la maaganaayeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen. Kooxdan ka tirsan aqalka cad isugu jiray wasiirro, madaxda sirdoonka, iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa ku sheekanayay madal (group) ay ka sameysteen aaladda signal, balse midkood ayaa si kamaโ€™ ah wada-hadalka ugu soo daray wariye ka tirsan wargeyska Atlantic, kaas oo bannaanka soo dhigay dhammaan xogihii ay is dhaafsadeen. Xogaha la baahiyay ayaa waxaa ku jira qorshe ah in Masar, Sucuudiga, iyo midowga Yurub lagu qasbo inay bixiyaan qarash walba oo ku baxaya la dagaallanka kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa xilliga dagaalka la billaabayo iyo goobaha la bartilmaameedsan doono. Xogahan dibed u baxay ayaa kashifay qorsheyaal gurracan oo Trump iyo kooxdiisu ay maaganaayeen iyo sida ixtiraam darrada ah ee ay doonayaan inay ula dhaqmaan dalalka xulufada la ah. Source: goobjoog.com
  14. Missed disbursements from the International Monetary Fund complicate the Kenyan government's strategy of lowering its debt-servicing costs and could delay other funding, ratings agency S&P said on Monday. Source: Hiiraan Online
  15. Inta la xaqijiyay laba qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay Kantaroolka Galbeedka ee Magaalada Gabiley ee gobolka waqooyi galbeed/ maroodi-jeex. Shilka gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaanno Vitiz ayaa Labada qof ee ku geeriyooday waxay kala ahaa darawalkii iyo gabar la socotay, sida laga soo xigtay goobjoogeyaal iyo masuuliyiinta gobolka. Shilkan ayaa dhacay Kadib markii ay isku dhaceen gaadhi wayn oo nooca Xamuulka qaada ah iyo baabuurkan yar ee labada qofi ay saarnaayeen. Source: goobjoog.com
  16. Israaโ€™iil oo ku dhawaaqday hayโ€™ad gaar ah oo u qaabilsan barakicinta dadka reer Qasa Maamulka Israaโ€™iil ayaa ku dhawaaqay inuu dhisayo hayโ€™ad gaar ah oo ka shaqayn doonta barakicinta dadka ku nool marinka Qasa, kuwaas oo la doonayo in dalal kale loo musaafiriyo, dhulkoodana xoog lagu qaato. Afhayeen u hadashay raโ€™iisul wasaare Israaโ€™iil Benjamin Netanyahu ayaa xaqiijisay in hayโ€™addan la dhisayo ka dib markii golaha ammaanka ee Israaโ€™iil ay ansixiyeen qorshe uu soo bandhigay wasiirka gaashaandhigga maamulkaas Israel Katz. Dowlaha carab oo ay kamid tahay Masar ayaa durbadiiba cambaareeyay ku dhawaaqista Israel ee hayโ€™addan, waxayna sheegeen inuu lama-taabtaan yahay dhulka dadka falastiiniyiinta gaar ahaan Qasa, ayagoo beesha caalamka iyo golaha ammaanka ugu baaqay inay mowqif adag ka qaataan xadgudubyada iyo daandaansiga Israaโ€™iil. Israaโ€™iil ayaa taageero xooggan oo ku aaddan gumaadka iyo barakicinta dadka reer Qasa ka helaysa maamulka Trump, waxayna laba dhinac dunida ka baadi-goobayaan dal oggolaada in dhulkiisa qasab loogu raro Falastiiniyiinta. Source: goobjoog.com
  17. Madaxdii hore ee dalka iyo waxgaradka bulshada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in loo midoobayo dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab iyo halisaha kale ee dalku uu xilligan wajahayo. Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo horay u soo noqday Raโ€™iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dhibaatooyinka haysta oo dagaalku kamid yahay iyo halista ka imaanaysa shisheeyaha doonaya inuu kala qeybiyo kheyraadkoodana qaato. Cabdiweli Gaas oo baaqiisa ku adkeeyay maahmaahdii ahayd โ€œmarkii cadowgaagu bato cududdaadaa la mideeyaaโ€ ayaa sheegay in kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay ku baraareen kala qeybsanaanta dadka iyo maamullada dalka, sidaas darteedna loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto. Sidoo kale professor Cabdiwaab Shiikh Cabdisamad oo kamid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa maqaal dheer oo uu dhowaan qoray dadka Soomaaliyeed ugu jeediyay inay dowlad ku garab istaagaan dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab, asagoo siyaayisiinta ugu baaqay mucaaradnimada iyo badbaadada dalka kala saaraan. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta dagaalka xooggan oo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, ayadoo dhanka kale wajahaysa mowjado faragelin shisheeye ah oo halis gelinaya midnimada iyo qaranimada dalkan ka soo kabanaya burburka muddada dheer ragaadiyay. Source: goobjoog.com
  18. Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si xoog leh u qabsatay sheekada gabar oo 8 jir lagu sheegay, taas oo nin aad uga daโ€™ weyni uu muddo ku haystay guri ku yaalla magaalada Carma ee gobolka Bari sida qoyskeedu xaqiijiyeen. Gabadhan yar oo lagu magacaabo Faadumo ayaa waxbarasho loo geeyay magaalada Boosaaso, ayadoo laga keenay deegaanka Hurdiya ee gobolka Bari, balse markii muddo 20 beri ku siman ay joogtay ayaa waxaa u yimid nin adeer ugu aaddan, kaas oo codsaday inuu xigtadeeda dhanka aabbe soo barayo, ka dibna wuxuu geystay magaalada Carmo halkaas oo uu ku guursaday. Gabadhan yar oo ay hooyadeed dhimatay ayadoo aad u yar, ayaa waxaa korinaysay ayaydeed hooyo, balse waxaa la sheegay in guurkeeda uu aabeheed wax ka ogaa oo uu asagu ninka ku daray, sida qoyskiisu ay ku doodayaan. Cod la sheegay in laga soo duubay aabaha dhalay gabadha, balse goobjoog aysan xaqiijin karin dhab ahaantiisa ayuu ku yiri โ€ gabadhu waa 12 jirkana anigaa siiyay oo ku mehriyay, si uu u korsado, waxna u baro, markay weynaatona xaas uga dhigtoโ€, asagoo intaas ku daray in ninka uu gabadha siiyay uu yahay adeerkeed oo aanu wax dhib ah kula kacayn Dhanka kale ninka gabadhan yar guursaday ayaa ah wadaad caanka ka ah magaalada Carmo, waxayna xogaha qaar tilmaamayaan in buunbuuninta dhacdadan ay wadaan dad asaga aragti diimeed uga soo horjeeda, balse doodda qoyska gabadhu middaa way ka duwan tahay. Si kastaba ha ahaatee gabadhan yar ee lagu magacaabo Faadumo ayaa hadda xaaladeeda lagu baarayaa magaalada Boosaaso, ayadoo kiiskeedu uu hadal xooggan ka abuuray baraha bulshada iyo fagaareyaasha kale ee dadweynaha, ayadoo lagu tilmaamay mid kamida dhacdooyinkii ugu argagaxa badnaa markii la eego guurka qasabka ee carruurta yar yar. Source: goobjoog.com
  19. Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayaa tan iyo xalay ilaa saaka ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari. Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley ayaa bilowday, kaddib markii koox ka tirsan firxadka ISIL soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku lee yihiin Dhaban-qooxle. Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa si adag isaga difaacay weerarkii argagixisada ISIL ku soo qaaday saldhiga ciidanka ee ceelka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, halkaasi oo ay ciidamadu ku dileen dagaallamayaal ka tirsan argagixisada islamarkaana weli kula dagaallamayaan kooxdaasi. Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 askari oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay wararku sheegayaan. PUNTLAND POST The post Dagaal u dhexeeya ciidamada Puntland iyo argagixisada ISIL oo xalay ilaa saaka ka socda buuraha Xabley appeared first on Puntland Post.
  20. UAE Brokers U.S. Recognition of Somaliland for Israeli Military Base Against Houthi Threats A Strategic Shift in the Horn of Africa: How U.S. Recognition of Somaliland Could Reshape Regional Alliances, Impact the Yemen War, and Counter Chinaโ€™s Influence. UAE Pressures Trump Administration to Undermine Gaza Peace Plan and Support Israelโ€™s War Efforts Watan-In a surprising move, U.S. President-elect Donald Trump is preparing to officially recognize Somaliland as an independent state, according to a report published by The Cradle. This unprecedented decision, revealed by former British Defense Secretary Gavin Williamson and reported by media outlets such as Semafor, could reshape the geopolitical landscape of the Horn of Africa and the maritime routes in West Asia. Somaliland is located near the Arabian Peninsula, and Western recognition of it would provide a new strategic foothold in the war against Yemen, especially after Sanaa imposed a blockade on ships bound for Israel since October 2023. However, this move could strain U.S. relations with key regional allies such as Egypt and Turkey, both of which have strong ties with Somalia. Trump foreign policy 2025 A Longstanding Quest for Recognition Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not yet received official recognition from any country. Nevertheless, it has managed to build a distinct political and economic identity, housing one-third of Somaliaโ€™s population and covering an area equivalent to the U.S. state of Florida. Unlike its war-torn neighbor Somalia, Somaliland enjoys relative stability, despite some armed clashes in its eastern regions since 2023. The region holds a strategic location near the Gulf of Aden, serving as a crucial passage for ships heading to the Suez Canal and Yemen. Since the start of the war in Yemen in 2014, the UAE has sought to expand its influence in the Horn of Africa to counter the Sanaa government. In 2016, the UAE signed a $442 million deal to build a port in the Somaliland city of Berbera, which is only 260 kilometers from Yemenโ€™s Aden. A year later, the port was expanded to include a naval and air base, which has been used since 2018 for launching strikes inside Yemen. The military expansion in the port continues, with new aircraft hangars under construction. Towards a Possible Normalization with Israel? The UAE is currently working to secure an agreement between Somaliland and Israel. Since 2010, Israel has been one of the few countries to establish diplomatic ties with Somaliland, despite not officially recognizing it. Israeli interest in the region has increased after Yemen began directly targeting Israel in response to ongoing massacres in Gaza. Israel already maintains joint intelligence and military cooperation with the UAE on the occupied Yemeni island of Socotra. According to reports, the UAE-brokered deal includes the establishment of an Israeli military base in Somaliland in exchange for its recognition as an independent state. This military presence would allow Tel Aviv to directly respond to Yemeni attacks instead of relying on Western nations to do so. US. UAE relation U.S. Military Presence in the Horn of Africa Historically, the United States has played a significant military role in the Horn of Africa. In 1993, U.S. forces invaded Somaliaโ€™s capital, Mogadishu, in an attempt to overthrow the government. However, the battle, which saw the bodies of American soldiers dragged through the streets, was described by PBS as โ€œthe deadliest battle for the U.S. military since Vietnam.โ€ A few months later, Washington completely withdrew its troops. The U.S. military returned to Somalia in 2007 with naval operations against pirates and airstrikes against the Somali militant group Al-Shabaab. Despite these efforts, attacks on U.S. forces continued. In 2021, Trump decided to withdraw American troops from Somalia, but Biden redeployed 500 U.S. soldiers in 2022. Despite U.S. military aid, the Somali army has failed to achieve significant gains against Al-Shabaab. In 2024, Puntland declared independence from Somalia, while the Jubaland region witnessed violent clashes that resulted in 600 Somali soldiers surrendering to Kenya. Countering Chinese Influence in the Horn of Africa Chinaโ€™s growing presence in the region has become a concern for Washington. Since 2017, China has operated its largest overseas military base in Djibouti, a neighboring country to Somaliland. Djibouti has shifted from being a Western stronghold to becoming a close partner of Beijing, supporting China on issues like Hong Kong and allowing Iranian ships to use its ports. Washington sees the recognition of Somaliland as a tool to counter Chinaโ€™s influence, a strategy mentioned in the Project 2025 report, which outlines Trumpโ€™s upcoming policies. The report advocates recognizing Somaliland as a โ€œmeans to strengthen U.S. influence against China in Djibouti.โ€ The Israeli ship detained by the Houthis Potential Risks to U.S. Regional Relations However, recognizing Somaliland could have significant consequences for U.S. relations in the region. Egypt, a key U.S. ally, has strong ties with Somalia due to its concerns over Ethiopiaโ€™s Grand Renaissance Dam. In response to Ethiopiaโ€™s agreement with Somaliland over the Berbera port, Egypt signed a defense pact with Mogadishu. Likewise, Turkeyโ€”a major NATO memberโ€”views Somalia as a strategic partner. Between 2011 and 2022, Turkey invested over $1 billion in Somalia and established its largest overseas military base in Mogadishu. Ankara has also secured exclusive oil exploration rights in Somalia, and recognizing Somaliland could weaken Turkeyโ€™s influence in the region. Although Turkish President Recep Tayyip ErdoฤŸan brought Ethiopian and Somali leaders together in the โ€œAnkara Declaration,โ€ the agreement does not prevent Ethiopia from accessing the Berbera port. However, it reduces the likelihood of Addis Ababa recognizing Somaliland as an independent state. U.S. and Israeli Interests Potential Impact on U.S. and Israeli Interests Recognizing Somaliland could strain U.S. relations with Egypt and Turkey, two key allies in supporting Israeli interests. Egypt has played a crucial role in facilitating Israeli trade through the Suez Canal, while Turkey continues to supply steel and essential materials to Israel. Any deterioration in relations with these countries could impact Israel, especially amid the escalating war in Gaza. At the same time, Russiaโ€™s influence continues to expand in Africa, with Moscow building a naval base in Port Sudan and recently offering military assistance to Mogadishu against Al-Shabaab. Amid the war in Gaza and the conflict in Yemen, Somaliland has emerged as a new battleground for global powers. Trumpโ€™s recognition of Somaliland would secure a strategic base for the UAE and Israel while bolstering U.S. efforts against China. However, this move carries significant risks, as it could lead to the loss of Egyptian and Turkish support, posing major challenges to U.S. policy in the region. Source Watan Qaran News
  21. Dr Abdiweli M. Ali (left) and Mohamed Abdirizak M. Abubakar. Mogadishu (PP Editorial) โ€” The former Somali Prime Minister Dr Abdiweli Mohamed Ali recently stated in a speech that the United States โ€œis interested in the port of Berberaโ€. A similar opinion was expressed by Mohamed Abdirizak Mahmoud Abubakar, who was a former Minister of Foreign Affairs of Somalia. Both of them indicated that they do not fully understand the fact that the United States does not wish to entangle itself in a country that has suffered prolonged conflict and went through state collapse in 1991. The United States once had a small military base in Eritrea when the latter was still part of Ethiopia. It was known as Kagnew Station. One of the reasons the United States no longer needed the base was the advancement of satellite technology, which facilitated intelligence gathering. At present, the United States has a military base in Djibouti, a politically stable country. In Africa, the United States also maintains small bases in Ghana, Senegal and Gabon. In Somalia, the United States has presence in the South and cannot act against the policies of the Federal Government of Somalia. It is worth noting that the United States strongly opposed the maritime memorandum of understanding signed between the self-declared secessionist administration of Somaliland and Ethiopia in January 2024. Recently, Marco Rubio, the U.S. Secretary of State, stated that his countryโ€™s influence had been used in a manner contrary to American interests. The dissolution of USAID and the Voice of America (VOA) was among the measures taken by President Donald Trumpโ€™s administration after realising that China had surpassed the United States in direct investment in Africa between 2013 and 2022. The British government has published a statement on its website that can be interpreted as recognising Somaliland as a state independent of Somalia. This constitutes a violation of international law by the British government. The Berbera Corridor project, which Britain had intended to help Ethiopia reduce its dependence on Djibouti Ports, has now been discontinued after Ethiopia declared that it does not want a port from which to import goods but rather a port it owns. The British government also opposed the memorandum of understanding signed between Muse Bihi and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed in 2024. It is the responsibility of the Federal Government of Somalia to address the violations committed against Somaliaโ€™s sovereignty by Britain and Taiwan. The Federal Government of Somalia successfully compelled Ethiopia to withdraw from the illegal maritime MoU. The Federal Government of Somalia must also hold Britain and Taiwan accountable for violating the political and territorial integrity of Somalia. ยฉ Puntland Post, 2025 The post Somalia Must Confront UK & Taiwan on Sovereignty Violations appeared first on Puntland Post.
  22. DIMUQRAADIYADDU XAALAD ABUUR DALKA LAGU DUMIYO MAAHA SHILIMMO SHISHEEYE LAGA QAATO MAAHA. Dimuquradiyadu xaalad abuur dalka lagu dumiyo ma aha Somaliland d markasta oo ay wax u kordhaan cadowgeedu wuxuu bilaabaa xaalad abuur isagoo adeegsanaya dadkeeda oo aad mooddo inay belaayo sugayaan. Taariikhda dib u raac ilaa 1991kii Somaliland dadkeedaa loo adeegsanayay, waqtigan oo uu dadku Waayo arkay oo ay dhibaatadu saamaysay gobollada qaar weli waxa jira xaalad abuur qorshaysan oo kii hore ka xoog weyn sidaas awgeed goballadii cadowga u dhegaha nuglaa dadweynahooda waxa la farayaa inay wixii hore wax ku qaataan dawladda Somaliland cadowgeedii wuxuu isugu tegay Muqdisho oo teedii la ciirciiraysa iyagoo ka tashanaya sidii loo carqaladayn lahaa aqoonsiga Somaliland Xaalad abuurkii dhaxalkiisa waynu aragnaa Laascaanood maanta iyo maalintay qarxiyeen GARAADDADU bal isu eega waxay doonayeen inuu dalkuba caynkaas wada noqdo iminkana tiibay wadaan. Shilimay GADAR soo bixisay oo ay basaaskii FAHAD YAASIIN u soo dhiibtay ee hallaga digtoonaado fawaaxishka. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  23. Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qaybgalay kulan madaxeed wadajir ah oo ay yeeshaan dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedyada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee EAC iyo SADC. Kulanka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan-aragga, ayaa looga hadlay xaaladda amni darro ee ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay kulanka ayaa waxa uu sheegay in xaaladda biniโ€™aadanimo ee ka jirta Bariga Congo ay masuuliyad ka saaran tahay dalalka gobolka in ay xal u helaan, isla markaana si degdeg ah wax looga qabto. Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in nabad waarta oo laga gaaro DRC lagu heli karo qorshe dhameystiran, oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada is haya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika si xal kama dambeys ah oo amni loogu helo dagaalka. War murtiyeed ka soo baxay shirka wadajirka ah ee labada urur ee EAC iyo SADC ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo ah Madaxweynayaal hore kuwaasi oo ka shaqeyn doona xal u helidda arrinta DRC, waxaana ay kala yihiin: 1. Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo 2. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta 3. Madaxweynihii hore ee South Africa, Kgalema Motlanthe 4. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Catherine Samba Panza 5. Iyo Madaxweynihii hore ee Ethiopia, Sahle-Work Zewde Source: goobjoog.com
  24. Dr Gaas iyo Maxamed Cabdirisaaq waxay muujiyeen inaysan aad u fahansanayn in Maraykanku uusan doonaynin inuu lugaha la soo galo dal dagaallo muddo dheer ku jiray oo burbur dowladeed la kulmay 1991kii. Garoowe (Faallo PP) โ€” Dhowaan Ra;iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo meel ka hadlay ayaa sheegay in Maraykanku danaynayo dekedda Berbera. Fikrad taas la mid ah waxaa dhiibtay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, oo mar ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya. Labadooduba waxay muujiyeen inaysan aad u fahansanayn in Maraykanku uusan doonaynin inuu lugaha la soo galo dal dagaallo muddo dheer ku jiray oo burbur dowladeed la kulmay 1991kii. Maraykanku wuxuu mar saldhig yar ku lahaa meel ka tirsan Eritreeya markii ay ka mid ahayd Itoobiya. Meeshaas waxaa loo yaqaannaa Kagnew Station. Sababihii Maraykanku uga maarmay salhiggaas waxaa ka mid ahaa in teknoolajiyada dayaxgacmeedyadu sahashay xog ururin. Hadda Maraykanku wuxuu saldhig ku leeyahay Jabuuti oo ah dal xasiloonni siyaasadeed ay ka jirto; Afrika wuxuu Maraykanku saldhigyo yaryar ku leeyahay Gaana, Senagal iyo Gaboon. Soomaaliya Maraykanku wuxuu ka joogaa Koonfurta, mana ka hor iman karo siyaasadda dowlada federaalka Soomaaliya. Waxaa xusud mudan in Maraynkanku si adag uga hor yimid heshiiskii Is afgard ee badda uu maamulka goosasho-doonka Somaliland la galay Itoobiya 2024kii. Dhowaan Marco Rubio, Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sheegay in saameynta dalkiisa loo adeegsaday si lid ku ah danaha Maraykanka. Baabiโ€™inta hayโ€™adda USAID iyo idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa ka mid ah tallaabooyinka maamulka Madaxweyne Donald Trump qaaday kaddib markii uu ogaaday in Shiinuhu kaga dheerayay Maraykanka maalgelinta tooska ay labada dal geliyeen Afrika 2013kii- 2022kii. Jaantus muujinaya in Shiinuhu kaga dheereeyay Maraykanka maalgashiga tooska ah ee Afrika Waa siyaasadda dalka Biritayn tan u eg mid halis ku ah danaha Soomaaliya waayo dhowaan dalka Biritayn wuxuu, isaga oo aan oggolaansho ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, sheegay inuu maalgalinayo Dekedda Berbera hase ahaatee maalgelintaas weli si sharci uma dhaqangelin; waa ballanqaad ku xiran xaaladda siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika. Dowladda Biritayn waxay ku qortay boggeeda hadal loo fasiran karo inay u aragto Somaliland dal ka goโ€™ay Soomaaliya. Taasi waa jebinta sharciga caalamiga oo ay dowladda Biritayn ku kacday. Mashruucii Berbera Corridor, oo ay Biritayn ku doonaysay in Itoobiya ay kaga maaranto Jabuuti, ayaa xirmay kaddib markii Itoobiya sheegtay inaysan doonaynin deked ay wax kala soo degto ayse doonayso deked ay leedahay. Dowladda Biritayn way ka soo horjeesatay heshiiskii is afgarad uu Muuse Bixii la saxiixday Abiy Ahmed, Raโ€™iisal Wasaaraha Itoobiya 2024kii. Waa dhab in xil ka saaran yahay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hadasho xadgudubyada Biritayn iyo Taiwan ku samaynayaan qarannimada Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya way ku guulaysatay inay ku qasabtay Itoobiya ka noqoshada heshiiskii is afgarad ay doonaysay in Lughaya kaga samaysato saldhig ciidan bad iyo deked ganacsi, waxaase dowladda federaalka Soomaaliya la gudboon inay sidaas si la mid ah ula xisaabtanto Biritayn iyo Taiwan. ยฉ Puntland Post, 2025 The post Maraykanku Dan Gaar Ah Kama Laha Berbera appeared first on Puntland Post.