Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The 38th Ordinary Session of the African Union (AU) Assembly of the Heads of State and Government on Saturday elected Selma Haddadi as the new AU Commission deputy chairperson. Source: Hiiraan Online
  2. The leaders of Africa Union countries on Saturday chose a new chief for the branch that runs the organization’s daily operations, as conflicts persist in two of the largest three countries on the continent. Source: Hiiraan Online
  3. Magaalada Gqeberha ee dalka Koonfur Afrika waxaa lagu toogtay Muhsin Hendricks oo ahaa imaam Koonfur Afrikaan ah, sidoo kalena ahaa caalim Islaami ah oo dhaqdhaqaaqa dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ee loo yaqaanno LGBT. Nin oo maamuli jirey masaajid ayaa la toogtay, ka dib markii gaari uu la socday rasaas lagu furay, sida ay sheegeen booliiska gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Muhsin Hendricks ayaa loo arkaa imaamkii ugu horreeyay ee asagoo masaajid maamula, haddana ka tirsanaa kooxda LGBT, waxaana dilkiisa loo xiray laba tuhmane sida laga soo xigtay laamaha ammaanka Koonfur Afrika. Ninkan oo 57 jir ahaa ayaa Imaamka ka ahaa oo maamuli jiray masaajid loogu tala galay inuu gabaad u noqdo kooxaha isku jinsiga ah ee isku galmooda iyo Muslimiinta kale ee la hayb sooco, lamana oga waxa uu dilkiisu salka ku hayo. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ka digay in haddii Golaha Shacabka uu sii xirnaado, xildhibaannadu ay yeelan doonaan kulan madax-bannaan, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka siyaasadda inay si kas ah u hor istaageen shaqadii baarlamaanka. Xidig, oo la hadlayay saraakiisha Xisbiga Himilo Qaran, ayaa xusay in baarlamaanku la filayay inuu dib u furmo 6-dii Febraayo. Hase yeeshee, mas’uuliyiin sare ayaa hakiyay dib u furistiisa, iyagoo ka cabsi qaba in mooshin kalsooni kala noqosho ah la horgeeyo. “Ma bannaana in dad yar ay baarlamaanka qabsadaan cabsi mooshin darteed,” ayuu yiri Xidig. “Haddii golahu aan la furin, waxaan isugu imaan doonnaa meel kale. Mooshinka waa la saxiixay, cidda ay qusayso ayaana la horgeyn doonaa si waafaqsan sharciga.” Hakadka ku yimid shaqadii baarlamaanka ayaa sii xoojiyay xiisadda siyaasadeed ee dalka, iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ku eedeeyeen inuu la safan yahay xukuumadda si uu u xakameeyo doodaha iyo mooshinnada mucaaradka. Tanaasul la’aanta noocan oo kale ah ayaa horey u curyaamisay howlihii dowladeed, taasoo sii kordhisay loollanka u dhexeeya dowladda federaalka iyo xisbiyada mucaaradka. Dhanka kale, Xidig ayaa ku eedeeyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) in si khaldan loo adeegsaday, isagoo dowladda ku eedeeyay inay adeegsatay ciidamada ammaanka si ay cadaadis ugu saarto siyaasiyiinta mucaaradka. Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Jubbaland, halkaas oo uu sheegay in xiriirka dowladda federaalka iyo hoggaanka dowlad-goboleedka uu sii xumaaday. “Dowladdu ma adeegsan karto ciidamada si ay u cabburiso codadka mucaaradka,” ayuu yiri. “Haddii arrintan la sii wado, jawaab adag ayaa ka dhalan doonta.” Hakadka ku yimid shaqada baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Kooxaha mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ku baaqaya in la helo nidaam hufan oo ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda. Kulanka baarlamaanka ee xiga ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimaha maamulka iyo amniga, balse dib u dhacyada dhacay ayaa sii kordhiyay cabsida laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii daba dheeraado. Iyadoo aan wax war rasmi ah kasoo bixin hoggaanka baarlamaanka, weli lama oga haddii xildhibaannadu ay isku dayi doonaan inay si madax-bannaan u qabtaan kulan kale, taasoo laga yaabo inay sii huriso loollanka siyaasadeed ee taagan.
  5. Dowladda Sucuudiga ayaa todobaadka soo socda marti-gelin doonta shir u dhexeeya masuuliyiin sar sare oo ka kala socda dalalka Ruushka iyo Mareykanka, kaas oo hordhac u ah kulan bishan dhammaadkeeda dhex mari doona Trump iyo Putin. Shabakadda Bloomberg oo soo xiganaysa masuuliyiin sucuudiyaan ah ayaa sheegay in shirkan oo ka dhacaya magaalada madaxda Riyadh ay qaban-qaabisay Boqortooyada Sucuudigu, islamarkaana looga hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in kulan toos ahi uu dhex maro madaxweyneyaasha Mareykanka, Ruushka, iyo Ukraine, kaas oo la doonayo in xal looga gaaro dagaalka sanadkii seddaxaad ka socda dalka Ukraine. Source: goobjoog.com
  6. Brussels (Caasimada Online) – Yurub looguma yeeri doono miiska wadahadallada nabadda ee Ukraine, sida uu sheegay ergayga Donald Trump ee arrimaha Ukraine Sabtidii, kadib markii Washington ay su’aalo u dirtay caasimadaha Yurub si ay u ogaato kaalintooda ku aaddan dammaanad-qaadka ammaanka Kyiv. Waa tallaabo kale oo maamulka Trump ku bah-dilay reer Yurub, oo qarniyo ku daba feelnaa Mareykanka, una ahaa nacamleeyayaal. Trump ayaa si lama filaan ah u wacay madaxweyne Vladimir Putin isagoon la tashan Yurub ama Kyiv, wuxuuna ku dhawaaqay in wadahadallada nabadda la billaabayo si degdeg ah. Arrintan ayaa si weyn uga yaabisay xulafadiisa Yurub toddobaadkan. Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Trump ayaa sidoo kale caddeeyay inay filayaan in xulafada Yurub ee NATO ay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee gobolka, maadaama Maraykanku hadda diiradda saarayo arrimo kale, sida amniga xuduudaha iyo la dagaallanka Shiinaha. Tallaabooyinka Maraykanka ayaa kiciyay cabsi laga qabo in Yurub laga saaro heshiis nabadeed oo saameyn ku yeelan doona amnigeeda, gaar ahaan haddii uu heshiiskaasi u muuqdo mid u janjeera dhinaca Moscow. “Maraykanka ayaa wadahadalka hogaaminaya” Ergayga Trump, Keith Kellogg, oo ka hadlayay shirweynaha ammaanka caalamiga ah ee Munich, ayaa sheegay in Maraykanku ka dhex shaqeyn doono wadahadallada nabadda, halka Ukraine iyo Ruushku ay ahaan doonaan labada dhinac ee ugu muhiimsan. Markii la weydiiyay suurtagalnimada in Yurub lagu daro wadahadallada, Kellogg wuxuu yiri: “Anigu waxaan ka tirsanahay mad-habta xaqiiqada. Waxaan aaminsanahay in taasi dhici doonin.” Si kastaba ha ahaatee, mar uu hadal ka jeediyay munaasabad kale oo ka dhacday shirweynaha, Kellogg wuxuu isku dayay inuu cabsida ka dulqaado Yurub isagoo xusay in tani aysan la macno ahayn in “danahooda aan la tixgelinayn, la adeegsanayn ama la horumarinayn.” “Yurub waa inay ka qayb qaadataa” Madaxda Yurub ayaa ku adkeystay inaysan aqbali doonin in laga reebo wadahadallada. “Ma jiro waddo suurtagal ah oo lagaga hadli karo Ukraine, mustaqbalka Ukraine ama nidaamka amniga Yurub iyada oo aan la helin Yurub,” ayuu yiri madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, oo kula hadlayay wariyeyaasha Munich. “Laakiin tani waxay ka dhigan tahay in Yurub ay tahay inay is abaabusho. Waa inay hadalka yareeyaan oo ficil badan muujiyaan.” Stubb wuxuu sheegay in su’aalaha ay Maraykanku u direen Yurub ay ku qasbi doonaan in Yurub si qoto dheer uga fakarto mowqifkeeda. Diblomaasi ka tirsan Yurub ayaa sheegay in dokumentiga Maraykanka uu ka koobnaa lix su’aalood, mid ka mid ahna si gaar ah loogu talagalay dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub. “Maraykanku wuxuu la xiriirayaa caasimadaha Yurub isagoo waydiinaya inta askari ee ay diyaar u yihiin inay geeyaan,” ayuu yiri diblomaasi kale. Dowladda Faransiiska ayaa wadaxaajood kula jirta xulafadeeda si ay u qabato shir aan rasmi ahayn oo ay isugu yimaadaan madaxda Yurub si looga wada hadlo arrimahan, inkastoo aan weli wax go’aan ah laga gaarin, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska Sabtidii. Wasiirka arrimaha dibadda ee Poland, Radoslaw Sikorski, ayaa sheegay in kulankaasi la qaban doono Isniinta. Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa sidoo kale ku booriyay Yurub inay ficil muujiyaan. “Saaxiibbadayda Yurub, waxaan idinku dhiirrigelinayaa inaad wadahadalka gashaan. Halkii aad ka cataabi lahaydeen in miiska la idinku casuumi doono iyo in kale, waxaad la timaadaan talooyin cad, fikrado iyo miisaaniyad kor loo qaado oo la geliyo difaaca,” ayuu ka sheegay Munich. “Yurub waa inay dhisato ciidan u gaar ah” Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa horey ugu baaqay in Yurub ay yeelato ciidan u gaar ah, isagoo sheegay in qaaraddu aysan hadda hubin inay heli doonto difaac buuxa oo Maraykanku dammaanad qaado. Zelenskiy wuxuu intaa ku daray in Kyiv aysan waligeed aqbali doonin heshiis laga gaaro iyada oo aan la tixgelin. “Aan si daacad ah u sheegno – hadda ma dhayalsan karno suurtagalnimada in Maraykanku uu Yurub ka hor istaago arrimaha halista ku ah,” ayuu yiri Zelenskiy, isagoo xusay in dagaalka Ruushka uu galay sannadkiisii afaraad. Wuxuu intaa raaciyay in ciidanka Yurub – oo ay Ukraine qayb ka tahay – uu lagama maarmaan u yahay in mustaqbalka qaaradda “ay ka go’do Yurub lafteeda – ayna Yurub go’aanno u gaarto iyada oo aanay jirin wax faragelin ah.” Si kastaba ha ahaatee, dowladaha Yurub waxay haatan iskaashi ciidan ku leeyihiin NATO, waxayna marar badan diideen baaqyo kala duwan oo lagu doonayay in la dhiso ciidan midaysan oo Yurub leedahay, iyagoo ku doodaya in difaaca uu yahay arrin qaran oo gooni u taagan. Sarkaal sare oo ka tirsan mid ka mid ah dalalka Bariga Yurub ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa si aan toos ahayn uga horyimid fikradda Zelenskiy ee ciidanka Yurub, isagoo yiri: “Waxaa horey u jiray ciidan Yurub ah oo la yiraahdo NATO.” Si kastaba ha ahaatee, xitaa iyadoo isbeddelka siyaasadeed ee Maraykanka laga dareemayo Yurub, wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jiraan Maraykanka – ayaa Sabtidii ku heshiiyay bayaan ay ku ballan-qaadayaan inay sii wadaan wada-shaqeynta si loo helo heshiis nabadeed oo waara oo Ukraine lagu siiyo dammaanad ammaan oo xooggan.
  7. Introduction The Republic of Somaliland is on the brink of a historic transformation as it moves toward international recognition as Africa’s 55th sovereign state. Under the leadership of President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro and his visionary administration, Somaliland is poised to become a crucial geopolitical and economic hub in the Horn of Africa. Its strategic location along the Gulf of Aden makes it a key player in international trade, maritime security, and regional stability. With the anticipated establishment of a new trade corridor stretching from India to Somaliland, Ethiopia, South Sudan, Chad, and Eastern Libya—ultimately connecting to Europe—Somaliland is set to revolutionize commerce between Africa and Asia. However, as this progress unfolds, the region faces significant challenges, including threats from extremist factions and opposition from failed states. Yet, Somaliland’s resilience, democratic values, and commitment to peace and economic development set it apart, making it a critical partner in global trade and security. Upon its international recognition, Somaliland will become the 207th recognized state globally, the 194th member of the United Nations (UN), the 23rd member of the Arab League, and the 55th recognized country in Africa. This long-awaited acknowledgment will mark a turning point in African geopolitics, strengthening both regional stability and international trade networks. Somaliland’s Strategic Geopolitical Significance Somaliland occupies a prime location along one of the world’s most vital maritime routes—the Bab el-Mandeb Strait, which connects the Red Sea to the Indian Ocean. Approximately 12% of global trade passes through these waters, making Somaliland an essential player in ensuring the security of international shipping lanes. Unlike its volatile neighbor Somalia, Somaliland has maintained stability for over three decades, developing a functioning democratic government, strong institutions, and an inclusive political system. This stability makes Somaliland a reliable partner for global powers seeking to safeguard maritime trade against piracy and extremist threats. Its geopolitical significance is further amplified by its strategic partnerships with regional and international actors. The United Arab Emirates (UAE) has heavily invested in the modernization of the Port of Berbera, transforming it into a world-class trade and logistics hub. Ethiopia, a landlocked nation with a booming economy, has also turned to Somaliland as a vital trade gateway, further reinforcing its regional importance. The Game-Changing Trade Corridor: A New Silk Road for Africa and Asia A landmark trade corridor is emerging, promising to reshape global commerce by offering a faster and more cost-effective route between Asia and Europe. The corridor will begin in India and extend through Somaliland’s Berbera Port, linking Ethiopia, South Sudan, Chad, and Eastern Libya before reaching Europe. This route will significantly reduce shipping times, lower transportation costs, and enhance economic integration between Africa, the Middle East, and Asia. Key Benefits of the Trade Corridor: 1. Reduced Transit Time: The new route will cut shipping times to Europe by up to 40% compared to traditional routes via the Suez Canal. 2. Economic Growth for Africa: Landlocked nations like Ethiopia, South Sudan, and Chad will gain direct access to international markets, boosting regional economies. 3. Investment Opportunities: With global trade shifting towards faster, more efficient routes, Somaliland is set to attract billions of dollars in foreign direct investment across infrastructure, logistics, and manufacturing. 4. Strengthening Global Supply Chains: As the world seeks alternative trade routes to avoid congestion in traditional channels, Somaliland’s role in global trade will become increasingly crucial. Resilience Against Extremism and Regional Instability While many regions in the Horn of Africa are plagued by political instability and extremist violence, Somaliland has remained an oasis of stability and governance. The country has successfully held democratic elections, ensured political pluralism, and upheld women’s rights—a rarity in the region. However, extremist groups and factions from failed states seek to undermine Somaliland’s progress. These elements view Somaliland’s success as a direct threat to their influence. Yet, the Somaliland government and its people have consistently demonstrated resilience, securing their borders and reinforcing national unity. By partnering with international security organizations and regional allies, Somaliland has established itself as a stronghold against terrorism and piracy. This commitment to security makes it a critical ally for global powers, including the United States, the European Union, and the Gulf nations, in their efforts to maintain stability in the Horn of Africa. The Importance of International Recognition The recognition of Somaliland as an independent state is not just a political necessity—it is a strategic imperative for global stability and the well-being of the Somali people. 1. Global Stability and Security Somaliland’s official recognition would: • Enhance maritime security in the Gulf of Aden and Red Sea, reducing piracy and extremist threats. • Strengthen international counterterrorism efforts by ensuring a stable, cooperative government in the region. • Provide an alternative trade hub to reduce reliance on fragile states, ensuring uninterrupted global commerce. 2. Economic Transformation for the Somali People Recognition would unlock economic opportunities that would uplift millions of Somali people, including: • Foreign direct investment (FDI): With legal sovereignty, Somaliland could attract major global investors, leading to job creation and economic prosperity. • Infrastructure development: Recognition would accelerate roads, ports, and industrial zones, boosting regional commerce. • Access to international financial institutions: Somaliland could secure funding from the World Bank, IMF, and African Development Bank, fostering long-term growth. Conclusion: A New Era for Somaliland and Global Trade Somaliland stands on the threshold of a historic transformation. Its strategic location, economic potential, and commitment to democracy make it a rising powerhouse in the Horn of Africa. As global trade dynamics evolve, Somaliland’s role as a new trade gateway between Asia, Africa, and Europe will become even more pronounced. Despite challenges from extremist factions and its unrecognized status, Somaliland continues to prove its resilience. Its stable government, democratic institutions, and growing economic influence position it as a beacon of progress in a turbulent region. The world is witnessing the emergence of a new economic corridor and a geopolitical force that cannot be ignored. The recognition of Somaliland is not just a matter of political legitimacy—it is a necessity for regional and global stability. The Republic of Somaliland is ready. The question remains: Will the world recognize its rightful place among the community of nations? By Fu’aad Xusen Xamar Qaran News
  8. Wasiirka Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti danjire Maxamuud Cali Yuusuf ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib tartan adag oo uu la galay murashixiin ka kala socatay dalalka Kenya, Madagascar, iyo Muritaaniya. Danjire Maxamuud Cali Yuusuf waa rugcaddaa dublumaasiyadeed oo in ka badan 20 sano ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti, sidoo kalena xilal kale oo kala duwan ka soo qabtay dowlada dalkaas. Wuxuu si wanaagsan ugu hadlaa afafka ay inta badan dadka qaaradda Afrika ku hadlaan, sida Faransiiska, Ingiriiska, Carabiga, canfariga, iyo Af-soomaaliga, taas oo ah awood gaar ah oo uu dheeryahay guddoomiyaashii ka horreeyay. Haddaba caqabadaha qaaraddu hadda ay wajahayso ee xalkooda guddoomiyaha cusub laga sugaayo waxaa kamid ah colaadaha ragaadiyay dalal qaaradda kamid ah sida dagaalka Suudaan, xasradaha Congo DRC, iyo halis argagixiso ee ka jirta bariga, waqooyiga, iyo galbeedka Afrika. Sidoo kale waxyaabaha wax ka qabashada uga baahan waxaa kamid ah xallinta xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Afrika qaarkood, xal u helidda heerka saboolnimada iyo xakamaynta cudurrada faafa, kor u qaadidda wax soo saarka iyo hal-abuurka qaaradda. Afrika oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.2 bilyan oo qof ayaa u baahan hormar iyo dhex-gal bulsho oo nabadgelyada iyo dhaqaaluhu horseed u yihiin, guddoomiye Maxamuud Cali Yuusufna waxaa laga filayaa wax qabad ka baaxad weyn wixii qaaradda u hirgalay tobanaankii sanoo la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/7beb4c1ee2cfe0941852130629aa938b.mp4 Qaran News
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka sare ee shirkadda Telegram ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish, iyagoo gebi ahaanba hawada ka saaray bog ay kooxda ku lahayd barxadda Telegram-ka, oo lagu magacaabi jiray Iclaam. Boggan ayaa loo adeegsan jiray faafinta muuqaallo la xiriira howlgallada ay Daacish fuliso, oo ay ku jiraan dagaallada ka socda Puntland, iyo sidoo kale dacaayadaha kooxda. Wararka ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee ka dambeeya tallaabadan uu yahay xakameynta baraha bulshada ee kooxda Daacish, si loo wiiqo awooddeeda, gaar ahaan ololaha ay ku qoratay dhalinyarada caalamka iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Tallaabadan waxay kusoo beegmaysaa xilli Daacish ay cadaadis xooggan kala kulmayso ciidamada Puntland iyo xulafadeeda caalamiga ah, kuwaas oo si joogto ah u weerara xarumaha kooxda ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Ma cadda in go’aankan uu la xiriiro dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo horay u xirtay akoonnada ay baraha bulshada ku lahaayeen Al-Shabaab, tallaabo qayb ka ahayd dagaalka dowladda ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah. Dhanka kale, kooxda Daacish ayaa durba sameysatay warbaahin cusub oo ay kusoo bandhigtay Facebook, kanaalkaas oo lagu magacaabo Taageere Radio Hijratayn. Warbaahintan ayaa si joogto ah u faafisa dacaayadaha iyo dagaallada ay kooxda kula jirto ciidamada Puntland. Kooxda Daacish ayaa hadda wajahaysa xaaladdii ugu adkeyd, iyadoo xalay laga burburiyay warshaddii ay u adeegsan jirtay farsamaynta qaraxyada, kadib duqeyn culus oo ka dhacday aagga buuraha Calmiskaad. Weerarkan ayaa sidoo kale sababay in lagala wareego saldhigyo waaweyn oo kooxda ku lahayd halkaasi.
  11. WASHINGTON – A growing number of countries are convinced that Abduqadir Mumin, already the leader of the Islamic State (IS) group’s Somalia affiliate, is now also directing the organization’s global operations, according to a United Nations report. A recent report by the UN Security Council’s IS, al-Qaeda, and Taliban Sanctions Monitoring Team, drawing on intelligence from UN member states, indicates a “growing consensus” that Mumin has ascended to the top leadership role within IS. Previous intelligence assessments shared with the UN highlighted Mumin’s growing influence within the global IS network. He was previously identified as head of the “provinces” section, granting him command over IS branches across Africa. Late last year, US Africa Command (AFRICOM) officials also informed Voice of America (VOA) of their increasing belief in reports suggesting Mumin had become the group’s overall emir, or leader. This assessment is gaining wider acceptance as numerous UN member states concur that IS is adapting to territorial losses in Iraq and Syria by strategically redeploying key figures like Mumin to other regions. “This shift may signal a deliberate strategy to adopt a more decentralized and geographically dispersed operational model, moving away from the original conflict zones,” the UN report stated. However, this assessment is not universally accepted among all nations contributing intelligence. Some remain skeptical that IS would readily abandon its traditional strongholds in Iraq and Syria. Others question whether the group would permit a leader without a verifiable lineage to the Prophet Mohammed, a historical prerequisite for IS leadership. Nevertheless, the group’s survival instincts may be overriding such concerns. Since the death of former IS leader Abu Bakr al-Baghdadi in 2019 and his successor in 2022, IS has increasingly concealed the identities of its leaders, minimizing their public profiles. Currently, IS publicly identifies its leader by the assumed name Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi, a designation implying he meets the lineage requirement. “They may have now reconciled themselves to the reality that the emir, or caliph, will never be seen or heard,” Edmund Fitton-Brown, a former UN official with the Counter Extremism Project, told VOA. “They may have decided Abu Hafs al-Hashimi al-Qurashi is simply the name they have given to the caliph,” Fitton-Brown suggested. “No one will ever discover he is Somali. His East African accent will never be heard. No one will ever see an African.” Abu Hafs has already remained in the leadership role longer than his predecessor, who was killed six months after taking power. If Abu Hafs is indeed Mumin, he also survived a US airstrike targeting him in May 2024. The UN report indicates that since that strike, Mumin has been actively working to reduce the group’s visibility to external scrutiny. The report identifies Buur Dhecad as Mumin’s operational center. This complex of caves and fortified positions in the rugged Cal Miskad mountains within Somalia’s Golis range is believed to offer natural protection against Western airstrikes. However, recent US airstrikes this month targeting the same area are testing this assumption. US officials reported that these strikes killed Ahmed Maeleninine, a senior external operations leader, along with 13 other fighters. IS-Somalia: Expanding influence and revenue The UN report highlights the growing strength of IS-Somalia under Mumin’s command, noting its expanding influence and revenue streams. Intelligence from UN member states reveals that IS-Somalia has broadened its extortion activities within its controlled territories. The group is using these illicit funds to strengthen its military capabilities, including acquiring drones for reconnaissance and deploying suicide attacks. Despite this growth in resources and reach, IS-Somalia, once bolstered by foreign fighters, is now facing internal challenges. The report points to increasing defections within IS-Somalia, citing “grievances over the integration of clan-based fighters, socio-economic hardships, and harsh conditions” as primary drivers. Furthermore, intensified efforts to intercept foreign fighters before they reach Somalia also impact the group’s recruitment. Syria and Iraq remain IS focus While key IS leaders may be seeking refuge in Somalia, the group has not abandoned its ambitions to regain lost ground in Syria and Iraq. The UN report estimates that IS still maintains a significant presence of between 1,500 and 3,000 fighters across both countries, with the majority based in Syria. Emerging intelligence suggests IS may have exploited recent instability within Syria. According to some UN member states’ intelligence, IS fighters mobilized during a period of setbacks for the Syrian government in December, coinciding with attacks by Hayat Tahrir al-Sham (HTS), the dominant Islamist group in Syria. Intelligence indicates that one IS operative infiltrated the al-Hol displacement camp in northern Syria. From there, the operative reportedly extracted experienced fighters while recruiting younger individuals. This operative is believed to have reactivated an IS unit within al-Hol, which is responsible for intelligence gathering, youth training, recruitment, and financial administration. Additionally, the report warns of increasingly sophisticated attacks carried out by IS against the US-backed Syrian Democratic Forces. In Iraq, IS has been significantly weakened by sustained pressure from Iraqi security forces, including an operation in August that resulted in the death of the IS deputy leader and 13 other senior commanders. However, the UN report emphasizes that IS in Iraq retains “an ability to operate and replace its battlefield commanders,” indicating resilience despite leadership losses. Concerns over Afghan affiliate UN member states continue to express concern regarding the IS affiliate in Afghanistan, known as Islamic State Khorasan (IS-K). The report describes IS-K as the “most serious threat” within Afghanistan, highlighting its capacity to infiltrate the Taliban administration and exploit discontent among marginalized groups. These include hashish farmers and ethnic Tajiks, who have voiced grievances against Taliban rule. UN intelligence estimates IS-K possesses between 4,000 and 6,000 fighters in Afghanistan and is actively expanding its capabilities, seeking new recruits from Central Asia. The report details how IS-K has established human smuggling networks to facilitate the entry of fighters into Afghanistan through Türkiye and Iran. The report also emphasizes IS-K’s ability to reach into Europe and recruit young individuals. “The increasing number of foiled attempts highlights the group’s persistent intent and capacity to conduct high-profile attacks in European territory, particularly against vulnerable targets and crowded public spaces,” the report concludes.
  12. Odinga’s experience and stature have done little to dispel doubts over his commitment to the African Union Charter. Addis Ababa (PP News Desk) — The candidacy of Raila Odinga for the African Union Chairmanship ended today after Mahamoud Ali Youssouf, the Foreign Minister of Djibouti, won the selection. The outcome stunned analysts who had surmised that Youssouf had stood no chance of defeating Odinga, an elder African statesman, for the AU Chairmanship. Experience and stature have not proven advantageous for Odinga, whose commitment to the African Union Charter has been called into question. In 2016, at Chatham House, Raila Odinga expressed support for the secession claims of the Somaliland administration. “I am myself a strong supporter of the recognition of Somaliland, and I have said so without fear or contradiction” said Odinga. He claimed that he was one of the first leaders to visit Somaliland “when Mohamed [Ibrahim], Egal was still alive… and I know the history of the union between the South and Somaliland.” Odinga’s pro-secession stance put him at odds with Djibouti, a country renowned for its role in reconstituting the state in Somalia by organising successive reconciliation conferences for Somali political stakeholders between 1991 and 2008. President William Ruto of Kenya accompanied Odinga to the AU headquarters in Addis Ababa, where the selection for the AU Chairmanship was taking place. “While the outcome of this election did not favour Kenya’s candidate, I wish to convey my deepest gratitude to the entire leadership of our great continent” tweeted President Ruto. © Puntland Post, 2025 The post Odinga’s AU Chairmanship Bid Ends in Defeat appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — Telegram has removed Iclaam, a channel used by the Islamic State (ISIS) to disseminate propaganda, marking a significant step in efforts to curb extremist influence on social media. The channel, which regularly shared battlefield reports and ideological messaging, had been a key tool for ISIS operatives, particularly in Somalia’s Puntland region. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka hadlay waxyaabaha ay isku hayaan xukuumadda, isagoo cadeeyey in dadka Soomaaliyeed aan xoog iyo cagajugleyn lagu maamuli karin. “Ninka raba qori inuu dadka ku qabsado waxaan leeyahay qori dadkii wadaa iska dhigay ee iska dhig qoryahana waa lagaa badiyaa oo guri kasta ayey yaalaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Madaxweynihii hore ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uu maamuli karo siyaasi aan xigto aqoon oo qofkii qaldan, xitaa carruurtiisa. “Madaxdeena waan aqoonsanahay, laakiin qalad kuma taageereyno, waxaan ugu sheegeynaa kor iyo hoos qaladkiisa, wax kale ma jiraan, anigu waxaan aaminsanahay in la soo gaaray xiligii umadda Soomaaliyeed ay Tashan laheyd,” ayuu yiri. Sheekh Shariif ayaa dowladda ku eedeeyey in ay diiday in lagu shiro hoteellada, isagoo sheegay in guri ay ku shirayaan, balse aysan jirin cid dhihi karta “Maxaa ugu shirteen gurigaan.” “Xitaa waxaa noo muuqata in guryaha la isaga daba imaanayo, laakiin meeshaan meel aan ka noqon karno maaha, gurigeena korkiisa inaan ku shirno kama carari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Hadalkaan ayuu Sheekh Shariif ka sheegay goob u uku shiriyey maanta xubno kamid ah taageerayaashiisa, isagoo dowladda ugu baaqay in ay joojiso xoogga ay wax ku xalineyso oo talada dhexda soo dhigto, ogolaatana in laga saxo wixii ka qaldan. Kulankaan uu Sheekh Shariif qabtay ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor ciidamada ammaanka ay Muqdisho ka joojiyeen kulan ay qabsadeen xubno mucaarad ah, waxaana hoteellada Muqdisho laga mamnuucay in lagu qabto kulamo looga soo hor jeedo dowladda. Hoos ka daawo
  15. Mogadishu (HOL) — Somali lawmaker Abdirashid Hidig has warned that legislators will hold a parallel session if the House of the People remains closed, accusing political leaders of deliberately stalling parliamentary proceedings. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — Somalia’s National Auditor, Ahmed Iise Guutaale, has accused the judiciary of obstructing a national anti-corruption audit after multiple courts failed to acknowledge or respond to compliance review notices. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa amar yaba leh, oo dadka qaar u arkeen mid halis ah ku soo rogay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka. Amiir ayaa farriin rasmi ah u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, isagoo ku wargeliyay qabanqaabada banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish. Banaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isniinta, 17-ka Febraayo 2025, saacaddu marka ay tahay 8:00 subaxnimo, waxaana la qorsheeyay in lagu qabto Barxadda Taalada Daljirka Dahsoon, haddii aanay ka hor wax is-beddelin. Amarka Amiir Sida ku cad qoraal uu guddoomiyuhu u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka, oo ay heshay Caasimada Online tirada ka qeybgalayaasha ee laga filayo degmooyinka gobolka ayaa loo kala saaray laba qeybood: Degmooyinka waaweyn sida Wadajir, Kaxda, Dharkeynley, Deyniile, Howlwadaag, Hodon, Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaaraan, iyo Heliwaa, waxaa mid kasta laga rabaa inay soo hogaamiyaan 500 qof. Degmooyinka yar-yar sida Shingaani, Xamarweyne, Cabdicasiis, Bondhere, Waaberi, Xamar Jajab, Shibis, Garasbaaley, Daarusalaam, iyo Guulwade, waxaa mid kasta laga rabaa inay keenaan 300 qof. Arrintan ayaa waxaa culeys weyn ku tilmaamay guddoomiyeyaasha, maadaama ay adag tahay in ay soo ururiyaan tiro dad ah oo intaas la eg, sida ay yiraahdeen, si gaar ahna, marka la eego in shacabka ay ka baqayaan ka qeyb-galka dibad-baxyada ka dhanka ah argagixisada. Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkan, mana cadda in dibad-baxa uu qabsoomi doono iyo in kale. Guddoomiye Amiir ayaa tan iyo markii la magacaabay horraantii December, wuxuu waqti badan ku bixiyey dhacdooyin u muuqda in uu sare ugu qaadayo muuqaalkiisa, isaga oo booqashooyin badan ku tegay meelaha dadka isugu yimaadaan ee Muqdisho, ama qabtay xaflado loo sameeyey dad caan ah. Balse shacabka caasimadda ayaa weli sugaya in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed ee ay wajahayaan, si gaar ahna nadaafadda, lacago joogto ah oo lagu soo rogo, iyo amniga.
  18. Mogadishu (HOL) —A senior Al-Shabaab commander has surrendered to Somali security forces in the Gedo region, officials said Saturday, marking the latest in a growing trend of militant defections. Source: Hiiraan Online
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQN7Iw9K6bM_7ke9Ye5QwRhHdUApXtzkyzUujLOeTSfAETZdYGdy3lVAjRBNKI846a6PIHS8CHDKiYUY2OfVo8Js.mp4 Qaran News
  20. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo maanta loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu wax badan ka qabto arrimaha muhiimka ah ee horyaalla, asagoo sidoo kale bogaadiyay shaqadii uu soo qabtay Guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Muuse Faki Maxamed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay guusha Maxamuud Cali Yuusuf, isaga oo dadaal iyo olole xooggan ku garab istaagay. Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida maanta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika. Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taas oo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah. Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika. Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah.
  21. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf oo soo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ilaa 2005-tii ayaa tartan adag kala kulmay Raila Odinga oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Kenya, kaasi oo dowladdiisu ay si adag ugu ololeysay. Ilaa lix wareeg oo codeyn ah oo dhexmartay Yuusuf, Odinga, iyo Richard Randriamandrato oo ka socday Madagascar ayaa ahaa mid qaatay ilaa toddobo wareeg. Musharraxa Madagascar ayaa tartanka ka haray ka dib wareeggii saddexaad. Wareeggii lixaad ayaa kala reebta noqotay waxayna ku qasabtay in Odinga uu tartanka ka haro ka dib markii uu helay 22 cod halka uu Yuusuf helay 26 cod. Iyadoo ay qassab tahay in qofka Guddoomiyaha Midowga Afrika noqonayo laga rabo in uu helo saddex meelood laba meel codadka guud ee dalalka Afrika ayaa Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu kaligii u gudbay wareeggii toddobaad. Dad badan ayaa saadaalinayay in Raila Odinga oo si weyn looga yaqaanno Afrika uu yahay musharraxa la filayay in ay guusha raaci karto, laakin falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in Yuusuf uu si hoos ku waday ololihiisa. PUNTLAND POST The post Wasiirk Arrimaha Dibadda Jabuuti oo ku guuleystay Guddoomiyaha Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQMTyVaozqGkSaG19ft85NjSGu_-5fneY7no3IVlKy7U39o7iw5jttOa1zI-7WDk4dWJnC5prynGcIwvcB2XEts0.mp4 Qaran News
  23. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay doorashadii guddoomiyaha Midowga Afrika ee ku guulaystay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti ayaa hambalyo u dirtay dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti. War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo kal iyo laab ah u direysaa H.E. Mudane Mahamoud Ali Youssouf oo loo doortay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa. Guushan la taaban karo waxay ka tarjumaysaa hoggaankiisa ku dayashada leh iyo sida hagar la’aanta ah ee uu ugu huray horumarinta midnimada, nabadda, iyo horumarka qaaradda oo dhan. midab leh Soomaaliya waxa ay mar kale xaqiijinaysaa taageerada joogtada ah ee ay u hayso Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyada oo weli door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka wadajirka ah ee Afrika. Waxaan ku kalsoonahay in H.E. Hoggaanka Mahamoud Youssouf ee sharafta leh, Midowga Afrika wuxuu gaari doonaa guulo la taaban karo si loo xaqiijiyo rabitaanka dadka Afrikaanka ah. Waxaan rajeyneynaa inaan sii qoto dheereyno xiriirka wadajirka iyo iskaashiga aan la leenahay Jabuuti iyo Midowga Afrika si loo horumariyo yoolalka la wadaago ee Afrika oo barwaaqo ah oo midaysan”. Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo wefiga uu hoggaaminyo ee safarka shaqo kasoo guryo noqday waxa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa loo soo gelbiyey dhinaca Qasriga madaxtooyada oo qaar kamid ah madaxda iyo hormuudka qaranku bulshada uga jeediyey hadallo kala duwan oo ku saabsan muhiimadda uu shirkaasi u lahaa Jamhuuriyadda Somaliland. Madasha lagu soo dhaweynayey madaxweynaha qaranka iyo weftigiisa waxa ku sugnaa madax kala duwan oo ay kamid yihiin shirguddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, cuqaal, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya guusha weyn ee madaxweynaha qaranku uu kasoo hooyey shirkii caalamiga ahaa ee dawladaha dunida. Ugu horrayn, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in natiijadii shirkaas kasoo baxday si weyn wax uga beddeshay jihadii ay Somaliland ku socotay, una jiheeyey dhinaca horumarka iyo aqoonsiga. Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Giirre oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay guusha ballaadhan ee madaxweynuhu kasoo hooyey shirkii uu dalka Imaaraadka kaga qaybgalay, waxana ay shacabka ugu baaqeen inay garab galaan guusha midhaha shirka, lana shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa caddeeyey inuu madaxweynuhu ka qaybgalay abid shirkii ugu weynaa ee ay Somaliland si heer qaran ah uga qaybgasho, waxana uu xusay in guushaasi hore qiime gaar ah u yeelayso dedaalkii qarankani ugu jirey inuu kamid noqdo dawladaha dunida. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si ballaadhan shacabka ugu sharraxay qiimaha shirkii caalamiga ahaa ee ay ka qaybgaleen waxana uu si cad u sheegay inay meeqaam lamid ah dawladihii kale ee shirkaas lagu casuumay kaga qaybgaleen, waxana uu yidhi, “Waxannu ku baxnay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda aynnu saaxiibka nahay ee Imaaraadku ina marti qaadday, innaguna marti-qaadday magaceenna Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. ” Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu si gaar ah u xusay baaxadda uu shirkaasi lahaa iyo faa’iidooyinka ay Somaliland sida gaarka ah uga dheefayso,“Shirkaasi waxa uu ahaa madal weyn oo 12 sanno ka hor la bilaabay, waxana lagu casuumay madaxda Soddon dal oo aynnu kamid nahay, waxa kale oo ka qaybgalay 140 oo dal, 400 oo wasiir, 6000 oo ka qaybgalayaasha shirka ah waxana ay ahayd madal aad u weyn oo dunidu isugu timi. Dhawr fursadood baa halkaas ku jirey, midi waxa ay ahayd in innaga oo magaca Somaliland wadana la ina marti qaaday, la inaguna marti-qaaday madaxdii dunida kasoo qaybgashay ee magacii dalalkooda iyo madaxdooda lagu casuumay, midina waa fursad la inoo siiyey inaynu dunida kula hadalno iyo dadkii shirka joogayba,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiramaan Cirro. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in isaga oo shacabka ka wakiil ah uu farriintii iyo dooddii reer Somaliland ba gaadhsiiyey dunida inteeda kale iyo dadkii shirkaas ka qaybgalayba, waxana uu yidhi, “Annaga oo idinka wakiil ah oo shacbiga Somaliland ka wakiil ah waxa aanu farriintiinnii gaadhsiinay dadkii shirka kasoo qaybgalay, waxa aannu dooddiinnii gaadhsiinay dadkii shirka kasoo qaybgalay iyo dunidu sida ay u dhan tahayba.” Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey inuu yahay adeego bulshadu u igmatay inuu u shaqeeyo, sharafta bulshada wakiilatayna ilaalinteedu waajib ku tahay,“Annagu idinkaannu idinka wakiil nahay oo adeegayaal shacbiga u shaqeeyaanu nahay, madaxduna waa shacbiga annaguna adeegayaal baannu nahay, shacabkana waxanu ugu bushaaraynaynaa inaanu farriintii aad noo dhiibteen gudbinnay, midhaheedana aad arki doontaa,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). ???????????????????? ???????????????????? ????????????, ???????????????????????? ???????????????????? ???????????????? ( ???????????????? ) ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? Source
  25. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, kaas oo Sabtida manta ah loo doortay inuu hoggaamiyo guddiga fulinta Midowga Afrika. Maxamuud ayaa helay taageerada loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda oo ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah. Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay amaaneen ololihiisa xasilloon ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika. Siyaasigan oo si fiican ugu hadla Soomaali, Carabi, Ingiriisi iyo Faransiis – ayaa si dhow ula xiriira madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Jabuuti, oo ka mid ah dalalka ugu dadka yar qaaradda, iyadoo ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof, balse waxay leedahay goob istiraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama ay ku taallo badda u dhow marinka Bab-el-Mandeb, oo uu maro ganacsiga caalamiga ah. ‘Dhibaato dhanka maamul wanaagga ah’ Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay la daalaa dhacayaan “dhibaato dhanka maamul wanaagga ah,” gaar ahaan kuwa ay dhawaan ka dhaceen afgambi. “Qaaradda waxaa haatan ka taagan caqabado badan,” ayuu u sheegay AFP bishii December. Wuxuu xusay in haddii uu qabto xilka guddoomiyaha guddiga, “nabadda iyo amniga” ay noqon doonaan mudnaanta koowaad ee shaqadiisa. Waxa uu la tacaali doonaa colaadaha ba’an ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo iyo Suudaan, iyo sidoo kale dhimista baaxadda leh ee gargaarka horumarineed ee uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Dadka qaaradda ayaa si weyn uga walaacay go’aanka lagu dhimay maalgelinta hay’adda USAID, iyada oo khubaradu ka digayaan in tani ay dhibaato weyn ku keeni doonto dadaallada bani’aadantinimo ee Afrika. Maxamuud ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo Trump, isagoo u sheegay AFP bishii December – kahor inta uusan xilka la wareegin madaxweynaha Mareykanka – in siyaasaddiisa loo qiimeyn doono “si caddaalad ah oo aan eex lahayn.”