Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed, Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Sidoo kale, Golaha ayaa meel-mariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq. Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen deegaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka­­, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay. Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa howl-galo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada dhulka miyigaa ah ee magaalada Jowle oo hoostagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamada ayaa Howl-galladan ku dilay cabdulaahi siciid bulxiye oo ahaa amiirki deegaanka Jowle u qaabilsanaa Alshabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Ninkan ayaa waxaa wehliyay oo wowl-galka lagu dilay 10 dagaalame oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay asaga ilaalo u ahaayeen. Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa sheegay inuu howlgalku weli socdo, waxaana la filayaa ij warar intaas ka faahfaahsani ay ka soo kordhaan. Source: goobjoog.com
  3. Vegetable vendors and customers at Bakara Market in Mogadishu adhering to regulations to prevent the spread of COVID-19 in 2020. Mogadishu (PP News Desk) — As the holy month of Ramadan draws closer, the prices of food and Liquefied petroleum gas (LPG) have sharply increased. In one week, the price of a 13kg LPG cylinder has jumped from $15 to $32, an increase of over 113%. Consumers are concerned that prices might rise further. There is a strong perception that the sudden price increase resulted from hoarding by retailers, who have stockpiled LPG to sell at higher prices ahead of Ramadan. The increasing consumer reliance on LPG has given suppliers an opportunity to exploit the situation through unwarranted price hikes. The prices of staple food items, particularly those commonly consumed during Ramadan, have also risen significantly. Consumers, already grappling with rising unemployment and market closures caused by the heavy taxes levied by the Federal Government of Somalia on businesses, are now worried about what they see as unethical business practices where the holy month of Ramadan “is associated with intentional price hikes on essential commodities”. More than five companies sell LPG in Mogadishu, yet all of them have raised the price of the cooking fuel that over 90% of Mogadishu residents rely on. A marketing lecturer in Mogadishu told Puntland Post that traders and LPG suppliers take advantage of consumer buying habits one to two weeks before Ramadan begins. Consumers buy large quantities of goods for Ramadan. They rush to the markets, causing certain items to fly off the shelves, a trend that traders and suppliers interpret as higher demand, which they then exploit by creating artificial scarcity. © Puntland Post, 2025 The post Mogadishu Consumers Struggle as Food and Fuel Costs Spike appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii sheegay inuu wada-hadal dheer oo wax-ku-ool ah la yeeshay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaas oo ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isku raacay inay booqashooyin is-weydaarsadaan, iyadoo Trump uu sheegay inuu aqbalay casuumaad uu Putin u fidiyay si uu u booqdo Moscow. Dhanka kale, Trump ayaa wada-hadallo la yeeshay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isagoo xaqiijiyay in Ukraine aysan laga saari doonin geeddi-socodka nabadda. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa tilmaamay in mararka qaar ay lagama maarmaan tahay in la qabto doorashooyin, isagoo xusay in taageerada shacabka ee Zelenskyy aysan aad u sarreyn. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in dib u soo celinta xuduudaha Ukraine ee ka hor 2014 ay tahay mid aan macquul ahayn, wuxuuna intaa ku daray in isku dayga lagu doonayo in lagu soo celiyo dhammaan dhulka la haysto uu kaliya sii dheereyn doono dagaalka oo uu sababi doono dhibaatooyin dheeraad ah. Hegseth ayaa sidoo kale cadeeyay in Mareykanku uusan taageereyn xubinnimada NATO ee Ukraine heshiiska nabadda gudaheeda, wuxuuna ku booriyay Yurub inay bixiso taageero dhaqaale iyo mid milateri oo dheeraad ah, iyadoo Mareykanku diiradda saarayo amnigiisa iyo loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Sidoo kale, ma jiro qorshe Mareykan ah oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine. Source: goobjoog.com
  5. Markab dagaal oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa badda ku sii daayay 8 nin oo Soomaali ah, kaddib markii uu markabkaasi xoog kaga furtay doon kalluumeysi oo ay dhawaan ka af-duubteen xeebaha gobolka Nugaal. Ciidamada badda ee dowladda Hindiya ayaa saacado kooban gacanta ku hayay 8-da nin oo dhammaantood ka soo jeeda degaannada Puntland, balse goor danbe iska fasaxay, kaddib markii laga furtay doontii ay qafaasheen oo laga lee yahay Yemen. Ciidamada Hindiya ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay raggaasi ka furteen hubkii iyo qalabkii Isgaarsiinta ee (Thuraya), kaddibna badda ku fasaxeen iyagoo fara-maran oo saxiimad yar saaran, sida ay tilmaamayaan ilo amni. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii kooxdaasi ku weerar tagaan doontii hore, islamarkaana isku dayeen in ay qabsadaan doon kalluumeysi oo laga lee yahay Hindiya, balse uu u soo gurmaday markab dagaal. PUNTLAND POST The post Ciidamada Hindiya oo badda ku sii daayay Rag Soomaali ah oo dhawaan doon kalluumeysi af-duubtay appeared first on Puntland Post.
  6. Xalay fiidkii ayaa labo duqeyn oo cirka ah ayaa laga fuliyey deegaanka Sheebaab ee Buuraha Calmiskaad, halkaas oo lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS). Sida wararku sheegayaan, inta badan dadka la dilay waxay ahaayeen ajaaniib ku sugnaa goobta la weeraray. Duqeyntan ayaa sidoo kale burburisay gaari sahay u siday kooxda, taasoo sii wiiqday awooddooda dagaal ee gobolka. Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd deegaanka. Wali faahfaahino rasmiga ah kama bixin howlgalkaan Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africom. Source: goobjoog.com
  7. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa aas qaran loogu sameeyay laba sargaal oo ku geeriyooday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaas. Guddoomiyaha degmada Bosaaso iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay aaska Allaha u naxariistee Gaashaanle Farxaan Cabdulqaadir Xasan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur oo dhowaan ku geeriyooday dagaalka Calmiskaad. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda gobolka bari ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo ciidamada Puntland ay dileen boqolaal dagaalame oo ajaanib u badan, balse dhanka kale askar iyo saraakiil muhiim ah ayaa naftooda ku waayay gulufkan ujeedkiisu yahay in gobolka iyo dalkoo dhan laga saaro Daacish. Source: goobjoog.com
  8. Ethiopia was on Wednesday elected to the African Union Peace and Security Council (AUPSC) during the 46th Executive Council meeting in Addis Ababa, securing a three-year term. With 38 votes, Ethiopia won the Eastern African seat, outpacing Rwanda and Somalia, which received one and ten votes, respectively. This victory bolsters Ethiopia’s diplomatic presence on the continent’s most influential security body. As the host nation of the African Union, Ethiopia traditionally faces limited options for what it can contest. Membership in the AUPSC now grants Addis Ababa significant leverage on matters of peace and security, particularly in Somalia and the broader Horn of Africa, a region that has been marked by persistent instability. Ethiopia’s election comes at a time when it seeks to cement its influence on the African Union Transition Mission in Somalia (AUSSOM). Somali officials recently confirmed that obstacles to Ethiopia’s full participation in AUSSOM had been resolved, with the final details on the composition and size of Ethiopian forces expected to be finalised soon. This development follows tense diplomatic exchanges earlier this year when Somalia threatened to expel Ethiopian troops from AUSSOM unless Addis Ababa renounced a controversial memorandum of understanding (MOU) with Somaliland. The MOU, which would grant Ethiopia access to a 20-kilometer stretch of Somaliland’s Gulf of Aden coastline for naval purposes, drew sharp criticism from Mogadishu. Somali officials viewed the agreement as undermining their sovereignty, especially given the potential implications for Somaliland’s push for formal independence. Horn of Africa security matters By securing a seat on the AUPSC, Ethiopia aims to shape discussions and decisions on critical security matters in the Horn of Africa and beyond. This includes influencing conflict management strategies and peacekeeping missions across the continent, at a time when Ethiopia itself is emerging from internal conflict in the Tigray region. The Peace and Security Council, established as the African Union’s standing organ for conflict prevention, management, and resolution, plays a central role in the continent’s security architecture. It was designed as a collective security mechanism with early-warning capabilities, tasked with facilitating timely responses to crises. Its functions range from preventive diplomacy and peace-making to peace support operations and humanitarian action in post-conflict settings. For Ethiopia, this seat is not just a diplomatic win — it’s a strategic tool. Addis Ababa will now have a front-row seat in shaping the continent’s security responses, particularly regarding interventions in fragile states and post-conflict reconstruction efforts. Yet, it also has its own fragilities. Given the growing geopolitical interest in the Horn of Africa, Ethiopia’s membership will allow it to counter external influence while promoting its own regional agenda. Eastleigh voice Qaran News
  9. Jamhuuriyadda Azerbaijan, waa dal laba qaaradle ah oo yaalla dhanka galbeedka ee qaaradda Aasiya iyo bariga Yurub, wuxuuna soohdin la leeyahay Armenia, Georgia, Iran, Russia, iyo Turkiga. Dalkani wuxuu dhacaa gobolka Caucasus, caasimadda iyo magaalada ugu weyn Azerbaijan waa baku, halka tirada dadweynaha lagu qayaaso 10,336,577, kuwaas oo ku dhowaad 3 milyan oo kamid ahi ay caasimadda ku noolyihiin. Azerbaijan inkastoo badda Caspian-ku ay marto , haddana waxaa lagu tiriyaa dal aan badda lahayn, maxaa yeelay badda Caspian-ku kuma darsanto ama ku xirna badweyn dunida kale ku xariirisa, sidaas awgeed wax weyn kama duwana harooyinka waaweyn ee caalamka. Jamhuuriyadda Azerbaijan waxaa la aas aasay 28-kii bishii May, sanadkii 1918-dii, ka dib burburkii Boqortooyada Ruushka, balse waxay laba sano ka dib ku biirtay midowgii Sofiyeeti oo ilaa 1991-kii ay ka tirsanayd, madaxweynaha dalkuna waa Ilham Aliyev oo ilaa 2003-dii talada hayay. Luuqadda rasmiga ah ee dalku waa Azerbaijani, waxaana qoymiyadaha ugu weyn ee dalkan ku nool kamid ah Azerbaijani, Lezgins, Kurds, Avars, Molokans, Budukh, and Shahdagh, diinta islaamka ayaana ah midda ugu badan ee dadweynuhu rumeysanyihiin, balse bulshooyinka qaar ayaa haysta caqiidooyinka kirishtaanka iyo yuhuudda. Dalkan dhaqaalihiisu wuxuu boqolkiiba sagaashan ku tiirsanyahay gas-ka iyo saliidda uu dibedda u dhoofiyo, waxaana dakhligiisa loo arkaa mid dhexdhexaad ah, markii la eego heerka nolosha bulshada. Dalkani wuxuu leeyahay cudud militari oo gobolka ka dhex muuqata, wuxuuna ku dhaqmaa siyaasad dhexdhaxaad ah, asagoo xulufo la ah Ruushka iyo Turkiga oo labaduba soohdin la leh. Source: goobjoog.com
  10. Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa laga yaabaa inay sii joogaan Soomaaliya muddo ka dheer intii hore loo qorsheeyay, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish-ta Soomaaliya iyo Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaato weyn ku haya gobolka Geeska Afrika. Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa si cad u sheegay inay suurtagal tahay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika, inkasta oo xilligii maamulka koowaad ee Donald Trump la qorsheynayay in la dhimo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee caalamka si loo yareeyo qarashaadka. “Afrika waa safka hore ee dagaalka ay wadaad-xagjiriintu wadaan,” ayuu yiri Hegseth. “Ma oggolaanayno inay saldhig ka samaystaan, gaar ahaan si ay u weeraraan Mareykanka.” Hadda, Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogaa ku dhawaad 500 askari, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dhibaato weyn u geysanaya ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan. “Waxaan rabaa in aan marka hore dhageysto talooyinka taliyeyaasha ku sugan goobaha dagaalka,” ayuu yiri Hegseth, isaga oo intaa ku daray in Mareykanku uu ciidan keeni doono meelaha lagama maarmaanka ah, balse uu doorbidayo in uu “ula dagaallamo argagixisada si wax ku ool ah xilli fog.” Horaantii bishan, duqayn dhanka cirka ah oo Mareykanku fuliyay ayaa lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Golis ee Soomaaliya. Talaadadii, Taliska AFRICOM wuxuu shaaca ka qaaday in sarkaalkaas lagu magacaabi jiray Ahmed Maeleninine, oo la aaminsan yahay inuu mas’uul ka ahaa qorista dagaalyahannada kooxda. Dhammaadkii sannadkii hore, ciidamada Mareykanka waxay sidoo kale fuliyeen tiro duqeymo ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu dilay dagaalyahanno badan. Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale bixiya sahanka cirka si uu u taageero ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilliyada dagaalka. Hegseth wuxuu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha caalamka ay khalad samaynayaan haddii ay u fasirtaan in qorshaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu dib u eegayo istiraatiijiyadda ciidamada caalamiga ah ee Mareykanka, taas oo muujinaysa in Washington ay dib uga gurayso caalamka. “Waxaa khalad noqon doonta in la maleeyo in Mareykanku wax ka tagayo ama ka baxayo,” ayuu yiri Hegseth. “Maya, Mareykanka waa inuu si xeel dheer u fiirsadaa, u qorsheeyaa, mudnaan siiyo, oo uu awoodiisa ka muujiyaa meelaha lagama maarmaanka u ah in laga hortago colaadaha,” ayuu raaciyay.
  11. Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo laga soo doorto Texas, kaasi oo toddobaadkii hore ku baaqay in la masaafuriyo Ilhaan Cumar, ayaa haatan sii xoojiyay dadaalkiisa, isagoo taageerayaashiisa ku dhiirrigelinaya inay saxiixaan codsi arrintaas la xiriira. Ololaha Brandon Gill ayaa diray fariin dhaqaale ururin ah oo cinwaankeedu yahay “Codsi: Masaafuri Ilhaan Cumar.” Fariintaasi waxay xustay in “waxay aheyd in aan marna ogolaan inay dalkeenna soo gasho,” iyadoo loola jeedo Ilhaan Cumar oo ah Somali-American. “Saxiix codsigeyga, aan dib ugu celinno Soomaaliya, halka ay asal ahaan ka timid,” ayaa lagu yiri qoraalka codsiga, sida ay werisay warbaahinta Axios. Fariinta sidoo kale waxay Cumar ku eedeysay inay “gacan ka geysaneyso duullaan ballaaran oo lagu hayo dalkeenna,” iyadoo lagu doodayo in “bulsho caadi ah arrintaas ugu yeeri lahayd khiyaano qaran.” Gill wuxuu u muuqday inuu ka jawaabayay muuqaal ay Ilhaan kula hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, iyada oo u sheegtay in aysan “waajib ku ahayn inay ka jawaabaan su’aalaha ay waydiinayaan saraakiisha ciidanka wax masaafuriya ee ICE.” Waxay sidoo kale ugu baaqday inay “bartaan sharciyada oo ay is diyaariyaan.” Ilhaan Cumar waxay si adag uga falcelisay weerarka, iyadoo bayaan ay soo saartay ku tilmaantay “wax laga yaqyaqsoodo in xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay si cad ugu dhiirradaan inay adeegsadaan hadallo cunsuriyad iyo xagjirnimo leh.” “Isku dayga Rep. Gill ee ah inuu sumcad ku kasbado hanjabaadda masaafurinta muwaadin Mareykan ah oo sharciyeysan, kaliya maxaa yeelay uu khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo, waa tallaabo toos uga timid buugga aragtida xagjirka ah ee Donald Trump,” ayey tiri Ilhaan. Waxay xustay in iyada oo qaxooti ah ay Mareykanka timid xilligii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya sanadkii 1995, ayna muwaadin Mareykan ah noqotay shan sano kadib. Xiisadda ayaa billaabatay toddobaadkii hore, kadib markii Gill uu bartiisa X kusoo qoray: “Mareykanka wuxuu noqon lahaa meel sidan ka wanaagsan haddii @IlhanMN dib loogu celiyo Soomaaliya.” Qoraalkaas waxaa la socday muuqaal lagu eedeeyay Ilhaan Cumar inay qaban-qaabinayso aqoon-is-weydaarsi lagu barayo Soomaalida sida ay uga fogaadaan in la masaafuriyo. Elon Musk ayaa isna wadaagay muuqaalkaas, isagoo ku doodaya in Cumar ay “jebisay sharciga,” taasoo keentay in xildhibaanaddu si toos ah uga falceliso. Ilhaan Cumar ayaa arrintaas uga jawaabtay iyadoo ku tilmaantay “wax laga xishoodo sida fudud ee dadkan loo marin-habaabiyo,” waxayna intaas ku dartay in “eeda joogtada ah ee lagu hayo ay fadeexeynayso kuwa weerarka wada.” “Waxaa talo iga ah: baaritaan sameeya oo ha rumaysan wax walba oo nacasnimo cunsuriyadeed ah. Anigu meelna ma aadayo,” ayey ku soo gaba-gabaysay.
  12. Mogadishu (HOL) – Security forces in Mogadishu apprehended three suspects, including one who was injured, during an operation in the Abdiaziz district on Wednesday following an attack on the Abdiaziz Police Station chief, who was enforcing a court order. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) – Somalia and Azerbaijan have signed a landmark defense cooperation agreement, marking a significant step in their bilateral relationship. Source: Hiiraan Online
  14. US Senate Foreign Relations Committee Chairman, Senator Jim Risch, has expressed strong opposition to the use of United Nations (UN) assessed contributions to fund the African Union (AU) Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). Source: Hiiraan Online
  15. Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in laba duqeymood oo xalay laga fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari lagu beegsaday dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada go’doonsan ee Daacish. Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland oo Warsaxaafadeedkaasi soo saaray ayaa sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS islamarkaana lagu burburiyay baabuurkii Saadka u siday kooxdaasi. “Labo duqeyn oo caawa hawlgalku ka fuliyey degaanka Shebaab ee buralayda Calmiskad, waxa lagu dilay in ka badan 30 Argagixiso Daacish ah oo Ajanabi u badan iyadoo lagubay gaarigii Saadka u waday. Hawlgalku waa Cir &Dhul” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Puntland. Ilo wareedyo amni ayaa sidoo kale sheegaya in xalay duqeymo dhawr ah laga maqlay degaannada Sheebaab iyo Gaatir Godan oo la rumaysan yahay in ay xarumo ciidan ku lee yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in 30 ka tirsan Argagixisada ISIS lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  16. A section of Garissa MCAs have told off critics opposing the abolishment of the Identity Card vetting process for citizens in the north eastern region arguing that the time has come for all Kenyans to be treated equally regardless of their ethnicity. Source: Hiiraan Online
  17. Maxkamadda degmadda waaberi ee gobolka Benaadir ayaa dhowaan u fariisatay mid kamida gal-dacwadeedyadii ugu yaabka badnaa, kaas oo ku saabsan lamaane ku noolaa degmadaas. Lamaanahan oo adeegsiga magacyadooda loo diiday warbaahinta ayaa lagu soo eedeeyay fal anshax-xumo ah, kaas oo bulshada Soomaaliyeed iyo bahda garsoorku noociisoo kale aanay horay u arag inta sida shaacsan loo ogyahay. Lamaanahan ayaa la sheegay in ay in ka badan 120 muuqaal oo anshax-xumo ah iska duubeen ka dibna ay lacago baad ah uga qaadan jireen qoyska gabadha ama xaaska oo dalka dibeddiisa ku nool. Maxkamadda degmada ayaa dhageysiga gar-maqalkooda ka dibna labadan qof ku riday xukun ah laba sano oo xarig ah, balse waxaa dadweynaha layaab ku noqatay sida ay gabar Soomaaliyeed ugu dhiiratay inay qoyskeeda ku handado in haddii waxay doonayso ay u sameyn waayaan ay muuqaalladeeda oo anshax-xumo ah baahinayso si sharaftooda ay u dhaawacdo. Source: goobjoog.com
  18. More than thirty fighters from the Somalia-based Daesh/ISIS terror group were killed Wednesday in new airstrikes in the northern Puntland province of Bari, according to security officials. Source: Hiiraan Online
  19. In a landmark visit, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia paid his first official visit to Azerbaijan, meeting with President Ilham Aliyev on Wednesday to discuss broadening bilateral ties, the Azerbaijani president's office said. Source: Hiiraan Online
  20. Four goals, four red cards and a last-gasp equalizer that will go down in English soccer lore. Source: Hiiraan Online
  21. Stockholm (Caasimada Online) – Qamar Hilowle, oo aheyd hooyo Soomaali ah oo saddex carruur ah dhashay iyo 38 jir, ayaa ka mid noqotay tobanka qof ee lagu dilay weerarkii toogasho ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Sweden, kaasi oo lagu qaaday iskuul ku yaalla Örebro. Weerarkan, oo ka dhacay Campus Risbergska 4-tii Febraayo, wuxuu argagax ku abuuray guud ahaan dalka, wuxuuna dib u kiciyey doodo xooggan oo la xiriira xagjirnimada iyo xakamaynta hubka. Dowladdu waxay sheegtay in ninka weerarka geystay uu yahay Rickard Andersson, oo 26 jir ah, horeyna looga diiwaangeliyay xiriir uu la lahaa kooxaha xagjirka ah. Waxa uu rasaas furay xilli duhur ah, isagoo si bareer ah u beegsaday arday iyo shaqaale kahor inta aysan booliisku xakameyn. Inta badan dhibbanayaasha, oo ay ku jirtay Qamar, waxay asal ahaan ka soo jeedeen qowmiyado kala duwan, taasoo sare u qaaday shakiga laga qabo in weerarku salka ku hayey naceyb iyo aragtiyo xagjir ah. Qamar waxay Sweden timid 17 sano ka hor, iyadoo ka soo carartay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Waxay qaadatay dhalashada Sweden, iyada oo dalka u aragtay hoy ammaan ah iyo fursad nololeed. Waxay daryeeshay saddex carruur ah—mid 15 jir ah, mid 11 jir ah, iyo mid 2 jir ah—iyadoo dadaal ugu jirtay inay ka shaqayso caafimaadka. “Waxay mar walba ahayd qof naxariis badan, daryeel leh, waxayna hubin jirtay in dadka kalena wanaagsanaadaan,” ayuu yiri walaalkeed, Cali. Inkasta oo ay ahayd hooyo keli ah, Qamar waxay si joogto ah u garab taagnayd saaxiibadeeda iyo qoyskeeda. Habaryarteed Anisa ayaa xustay in xitaa xilliyada ay dhibaato la kulanto ay hadana dhoolla-caddeyn jirtay. “Waxay ahayd qof farxad badan, mararka qaar xitaa kaftan badan. Xitaa xanuunkii foosha ugu darnaa, waxay la kaftantay dhakhtarka. Qamar waxay ahayd qof naadir ah—hooyada ugu fiican adduunka,” ayay tiri Anisa. Sanadihii u dambeeyay, dad badan oo Soomaali-Swedish ah ayaa dib ugu laabtay dalkoodii hooyo, balse Qamar marnaba ma aysan tegin. Waxay ka baqaysay hubka iyo in ay mar kale la kulanto rabshado. “Waxay aad u jeclaan lahayd inay waalidkeed aragto, laakiin waxay si aad ah uga baqaysay hubka iyo fursadda ah in la toogto,” ayay tiri Anisa. Nasiib-darro, cabsideedii ugu weynayd waxay uga timid meel ay u haysatay hoy nabdoon. Xilli ay ku sii socotay qadadeeda, Qamar waxay la kulantay xabbado, taasoo ka dhigtay mid kamid ah dadkii naftooda ku waayey weerarkii argagaxa lahaa ee dalka gilgilay. “Wali wax walba waxay u egyihiin riyo xun oo aan laga toosi karin,” ayuu yiri walaalkeed, Cali. Weerarkan ayaa sababay in bulshada Sweden ay si weyn u dalbato in la adkeeyo sharciga hubka, waxaana hadda baaritaan lagu hayaa taariikhda Andersson, iyadoo dalka uu wajahayo mid ka mid ah maalmahiisii ugu madoobaa. Dhibbanayaasha Weerarkii: Magacyadooda, dalalka ay ka soo jeedeen iyo da’dooda Salim Iskef, 29 (Suuriya): Shaqaale daryeel caafimaad ah oo wax ka baranayay caafimaadka. Wuxuu qorsheynayay inuu guursado bisha Luulyo. Bassam al Sheleh, 48 (Suuriya): Cunto kariye caan ah, oo lagu xasuusto farxadda uu faafin jiray. Wuxuu ku jiray barashada afka Swedish. Qamar Hilowle, 38 (Soomaaliya): Hooyo saddex carruur leh, wax ka baranaysay afka Swedish iyadoo ku riyoonaysay inay noqoto kalkaaliye caafimaad ama macallin carruurta. Elsa Teklay, 32 (Eritrea): Ardayad caafimaad oo rabtay inay noqoto dhakhtar, kana shaqeynaysay daryeelka dadka waayeelka ah. Ali Mohammed Jafari, 31 (Afghanistan): Shaqaale nadaafadeed, ku noolaa Karlskoga. Wuxuu ka tagay xaas iyo ilmo. Niloofar, 46 (Iiraan): Ardayad kalkaaliye caafimaad ah, waxay ka tagtay saygeeda, Hossein. Aziza, 68 (Ciraaq/Kurdistan): Macallimad xisaabeed muddo dheer ahayd, lehna kanaal YouTube ah oo leh in ka badan 120,000 subcribers. Haweeney aan la magacaabin, 52 (Sweden): Ku noolayd Glanshammar, waxay ka tagtay saygeeda iyo ilmo. Haweeney aan la magacaabin, 54 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay lahayd carruur qaangaar ah. Haweeney aan la magacaabin, 55 (Sweden): Ku noolayd Örebro, waxay ahayd qof keligeed noolaa.
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo dhowaan booqashadii ugu horreysa ee Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagey dalka Azerbaijan ayaa sheegay in labada dal ay yeelan doonaan iskaashi istiraatiiji ah oo guulo wax ku ool ah horseedi doona. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya iyo Azerbaijan ay wadaagaan himilo isku mid ah oo ku aaddan dhinaca hormarka, nabadgelyada, iyo barwaaqada, islamarkaana asaga iyo dhiggiisa dalkaas Ilham Aliyev ay si qoto-dheer uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal. Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa kalal saxiixday dhowr heshiis oo isugu jira dhinacyada amniga, waxbarashada, hal-abuurka, Tamarta, iyo warshadaha, wuxuuna safarka Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wefdigiisu noqanayaa booqashadii ugu horreysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkan aan badda rasmiga ah lahayn ee ku yaalla galbeedka qaaradda Aasiya. Source: goobjoog.com
  23. Somaliland’s ministry of information has on Wednesday officially withdrewn lisence from Universal TV, a UK based Somali TV in a letter addressed the persecutor, in a move that many say aims to tighten control over narratives that challenge their authority. The authorities accused the London-based broadcaster of undermining its “sovereignty and existence and violated a prior agreement with the Somaliland government, leading to the revocation of its operating license. “As of today, 12 February, 2025, after carefully studying how blatantly Universal TV violated the sovereignty and existence of Somaliland, we have withdrawn their operating license in Somaliland” Somaliland’s information ministry said. The move marks a fresh crackdown on the media in Somaliland, which has long sought international recognition. The ban follows after the television aired a report entitlled “The Somali government has given an unexpected response to the abusive step taken by the United Arab Emirates government” after UAE invited Somaliland president, Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro as head of state to the World Government Summit in Dubai from the 11th to the 13th of this month. The summit was attended by leaders from over 30 countries, focusing on global economic development, good governance, and modern technology. Somaliland uses the outdated Somalia’s penal code which criminalizes the media work, thus leading the media and the journalists to face legal harrasment, imprisonment or banning the media only to control the narrative and silence the critics. Source Horn Observer Qaran News
  24. Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa dhammaan dadka muslimiinta ah ee daafaha dunida ku kala nool ugu baaqday inay sameeyaan bannaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee lagu doonayo in Marinka Qasa dadka deggan looga barakiciyo. War qoraal ah oo ay soo saartay Xamaas ayaa dadweynaha musliimta ah ee daafaha dunida ku nool looga codsaday inay maalmaha sabtida iyo Axadda ah ee soo socda sameeyaan dibed-baxyo waaweyn oo lagu muujinayo diidmada qorshaha Trump ee ku wajahan Qasa. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu dadaal ugu jiro inuu dunida ka dhaadhiciyo damiciisa ah in dadka ku nool marinka Qasa dhulkooda laga saaro, islamarkaana Israa’iil iyo Mareykanka ay gacan ku haynta Qasa si buuxda ula wareegaan. Source: goobjoog.com