-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo kamid ah qeybaha uu ka koobanyahay xooggga dalku ayaa maanta u dabaaldegaya 65 sano guuradii ka soo wareegtay 15-kii Feebaraayo 1960-kii. Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ugu sarreysa ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidanka cirka Soomaaliyeed, ayagoo xusay inay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso, loona qalabeeyo cutubkaas muhiimka u ah difaaca dalka. Ciidanka cirka Soomaaliya oo magiciisa loo soo gaabiyo ( SAF) ayaa la aas-aasay sanadkii 1960-kii, wuxuuna kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dagaalladii Itoobiya iyo Soomaaliya ee sanadihii 1964-tii iyo 1977-kii. Dowladda Soomaaliya oo dhowaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka ayaa looga fadhiyaa inay qalabayn iyo dib u dhis ku samayso ciidanka oo lagu tiriyo qeybaha ugu muhiimsana xoogga dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Dhoobley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay howlgal culus si wadajir ah uga sameeyeen aagga degmada Dhoobley ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Lafo-gari oo hoostaga degmada Dhoobley, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka argagixisada ah. War kooban oo kasoo baxay dowladda dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda, isla markaana loo gaystay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in nolosha lagu soo qabtay sarkaal kale oo magaciisa lagu sheegay Macallin Maxamed, oo ahaa horjoogaha maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka. “Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay bartilmaameedsadaan xubno sare oo ka tirsan kooxaha Khawaarijta ah. Waxaana lagu khaarajiyey afar xubnood oo ka mid ahaa maleeshiyaadka khawaarijta, halka gacanta lagu dhigay dhagar-qabe Macallin Maxamed, oo ahaa horjooge maxkamad beenaad ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale weli sii wada howlallada ay ka wadaan aagga degmada Dhoobley, waxaana ujeedka uu yahay in dagaalyahannada Al-Shabaab laga saaro dhulkaasi. Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fulisaa weeraro ay ku qaado fariisimaha ciidamada ee ku yaaalla labadaasi gobol.
-
Kooxda wax iska caabinta falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa maanta sii daynaysa 3 kamid ah Israa’iiliyiinta ay ku hayaan marinka Qasa, taas oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ah ee labada dhinac. Muuqaal la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya cutubyo aad u hubaysan oo seddaxda la-hayste u sii wada goobta ay joogaan gaadiidka bisha cas ee is-waydaarsiga maxaabiista fududaynaya. 3-da la-hayste ee maanta la sii daynayo ayaa kala ah Alexander troufanov oo ah Israa’iili haysta dhalashada Ruushka, yair Horn oo asna haysta dhalashada Arjantiin, Sugai Dekel chem oo ah Israa’iili haysta dhalashada Mareykanka, waxayna Xamaas ku badelanaysaa 369 maxbuus oo ku jira xabsiyada Israa’iil. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay u sheegay in 15-ka Feebaraayo oo maanta ku beegan haddii ay Xamaas, maxaabiista oo dhan sii deyn wayso wax waliba ay is badeli doonaan, balse dadaal ay dhexdhaxaadiyaashu galeen ayaa suurta-galiyay in heshiisku aanu burburin. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa todobaadkii lasoo dhaafay qaaday arrin aad loogu riyaaqay, kadib markii ay tiirka cadaaladda geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Maxkamadda gobolka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii lasoo dhaafay toogasho ku fulisay saddex nin oo lagu helay dilal ay horay u geysteen, waxaana lagu qisaasay fagaare loogu yeeray dadweynaha reer Baydhaba. Ragga la toogtay waxaa ka mid ahaa Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo horay dil iyo kufsi ugu gaystay marxuumad Luul Cabdiladiif Macallin, falkaas oo argagax wayn ku abuuray bulshada deegaanka. Sidoo kale waxaa isna qisaas lagu fuliyay gacan ku dhiigle Isxaaq Aadan Ibraahim oo horey u dilay Aadan Maxamed Aadan. Dhammaan tallaabooyinkan ayaa si weyn loogu taageeray maamulka Laftagareen, waxaana wasaaradda diinta iyo awqaafta Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saartayay sheegtay inay inay taageersan tahay xukunnada qisaasta ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha. Hoos ka akhriso qoraalka;- WAR-SAXAAFADEED: BOGAADIN GO’AANADA CADAALADDA EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay si buuxda u taageereysaa xukunkii Qisaasta ahaa ee lagu Fuliyey Gacan ku dhiiglayaashii geestay Dilka Bareerka ahaa. Wasaaradda waxa ay si dhow ula socatay Xukunka Lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaasha geystay Falalka arxan darrada ah ee kafog Dhaqanka Islaamka, xeerarka iyo Dhaqanka Soomaalida u degsan. Wasaaradda waxay si buuxda ugarab istaageysaa Xukunkii Cadaaladda Ahaa ee lagu Fuliyey gacan ku dhiiglayaashii geestay Falalka arxan darada ah. Dhammaan Bulshada ku dhaqan Deegaanada Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ku boorineyna in ay si buuxda ugarab istaagaan dadaalada Dowladda koonfur Galbeed ay wado kuwaas ay ku xaqiijineyso Amniga iyo Cadaaladda. Ilaahay asagoo ka hadlaaya in ay Qisaasta ay Nolal tahay Quraankiisa waxa uu ku leeyahay: {وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} الآية:179 Dowladnimada Ha guuleysato
-
Ayadoo uu magaalada Addis Ababa ka socda shir madexeedka ururka midowga Afrika, ayaa dowlad Itoobiya waxay dhowaan kulan heer wasiir arrimo dibeed ah oo hordhac u ahaa midka hoggaamiyaasha qaaradda ee hadda socda ku soo bandhigtay khariiradda la yaab leh oo muran dhalisay. Khariiradda ay soo bandhigtay Itoobiya ayaa muujinaysa in ay Addis Ababa sheeganayso dhul ballaaran oo ka tirsan Soomaaliya, Jabuuti, iyo Eritrea, waxaana ku cad in Itoobiya ay qeyb ballaaran oo badda Soomaaliya kamid ah leedahay, sidoo kalena dhinaca Jabuuti ay ilaa badda cas soohdin la wadaagto. Sidoo kale khariidadda ayaa muujinaysa in Saxaraha galbeed oo ah dhul ay Aljeeriya iyo Morooko ku muransanyihiini uu yahay dal madax-bannaan, oo aan labadaas dowladood midna ka tirsanayn. Bandhigga khariiraddan ayaa caro xooggan abuuray, waxayna sheegeen mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay xigatay shabakadda First in loo baahanyahay in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa, maadaama ay dowladda Itoobiya ixtiraami wayday midnimada iyo madax-bannaanida dalalka qaaradda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, waxayna villa Soomaaliya sheegtay in madaxweynuhu kulan gaar ah oo uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed looga hadlay xoojinta xiriirka laba dal, ayadoo la dhowrayo daris-wanaagga, ixtiraamka, iyo madax-bannaanida qaran kasta. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha kooxda Daacish, si looga saaro deegaannadaasi. Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ahayd mid si aad ah loo soo qorsheeyay lagu beegsaday Warshad qaraxyada ay ku farsameyn jirtay kooxda Daacish, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland. Qoraalka oo uu saaray Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan lagu burburiyay Warshadda qaraxyada oo sidoo kale sameyn jirtay biraha gawaaerida ay adeegsato kooxda. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu xaqiijiyay in la dilay dhammaan xubnihii argagixsada ahaa ee ku sugnaa goobta la duqeeyay oo ahayd bartilmaameed muhiim ah. “Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Puntland waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in ujeedkeeda uu yahay inay ka hortagto firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, si aysan hoos ugu soo dagin buuraha hoostooda oo ay haatan ku dagaalamayaan labada dhinac. Si kastaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya Puntland iyo Daacish, iyadoo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, waxaana kamid ah Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladdiisu wadahadallo la yeelatay Mareykanka oo ku saabsan dib-u-dejinta qaxootiga Falastiiniyiinta ee Gaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in aan la soo bandhigin wax codsi rasmi ah. Wareysi uu siiyay Sky News Arabia, Cirro wuxuu ku sheegay in Somaliland aan loo tixgelinayn meel dib-u-dejin loogu sameeyo Falastiiniyiinta laga barakiciyay Gaza, kaddib hadallo uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsanaa dejinta qaxootiga dalal kale. “Somaliland waxay aad u qiimeysaa iskaashigeeda dhaqaale, milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, balse arrintan na lagama soo hadal-qaadin. Wax kasta oo miisaankaan leh waxay u baahan yihiin wada-hadal qoto dheer,” ayuu yiri Cirro. Cirro wuxuu mar kale caddeeyay taageerada Somaliland ee xuquuqda Falastiiniyiinta, wuxuuna ku baaqay xal diblomaasiyadeed oo waafaqsan mowqifka guud ee Carabta. Waxa uu intaa ku daray in Somaliland ay xiriir dhow la leedahay dalal badan oo Carbeed, isla markaana ay ka go’an tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato arrimaha gobolka. Hadalka Cirro ayaa yimid xilli sii kordhayaan wararka la xiriira hadalladii Donald Trump oo soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza loo raro dalal kale. Warbaahinta Israa’iil ayaa soo wariyay in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin meelaha la tixgelinayo, hase yeeshee, ma jiro wax xaqiijin rasmi ah oo ka yimid Washington ama Hargeysa. Hadalka Cirro ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran. Cirro oo dhawaan ka qeybgalay Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee Dubai, ayaa mar kale xaqiijiyay in maamulkiisu diiradda saarayo horumarinta dhaqaale, xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland, xilli Gobolka Geeska Afrika uu wajahayo xaalad aan degganeyn. Qorshaha Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay inta badan dalalka Carabta. Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda.
-
Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka socata doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaana ku tartamaysa 4 musharax oo ka ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga, Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Madagascar. Jagadan waxaa taniyo sanadkii 2017-kii hayay Muuse faki oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka Chad, waxaana hadda loo badinayaa in Jabuuti iyo Kenya midkood uu xilkaas ku guulaysan doono. Soomaaliya oo horay ugu dhawaaqday inay u taagantahay qabashada kursigan ayaan illaa hadda la ogeyn sababta ay ugu hartay tartanka, sidoo kale weligeed madaxda kama noqan ururkan oo dalalkii aas-aasay ay kamid ahayd sanadkii 1963-dii. Dhanka kale urur goboleedka IGAD oo la aas-aasay sanadkii 1986-dii, asagana Soomaaliya weligeed hoggaankiisa ma qaban, inkastoo dhismihiisii ay kaalinta ugu weyn ka qaadatay. Dalalka gobolka intooda badan ayaa xilal sar sare ka soo qabtay labadan urur, balse Soomaaliya waxa hoggaamintooda ka hortaagan ayaa ah weydiin aan cidina jawaab maan-gal ah u hayn. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met on Friday during the 38th African Union (AU) Summit in Addis Ababa. It was their first face-to-face talks since signing the Ankara Declaration in December 2024, a diplomatic breakthrough to ease apprehensions after a yearlong rift between the two nations. Source: Hiiraan Online
-
Sawir hore Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaan soo saaray ayaa shaaciyay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu gubay warshaddii qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay kooxda ISIS. Bayaan ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay duqeyntii xalay oo laga fuliyay degaanka Sheebaab ee buuraha Calmiskaad lagu gubay qaraxyada iyo biraha gawaarida u samayn jirtay mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Daacish. “Duqeynta caawa ee hawlgalka oo laga fuliyey deegaanka Sheebaab-Calmiskaad, waxaa lagu gubay warshadii Argagixisada Daacish Qaraxyada iyo biraha gawaarida ku sameyn jirtay iyadoo halkaasi lagu dilay xubnihii ku sugnaa” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada difaaca Puntland. Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland aya sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu dilay xubno ka tirsan dagaallamayaasha ISIS oo ku sugnaa warshadda la duqeeyay balse faahfaahin lagama bixin cidda fulisay duqeyntaasi. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in xalay duqeyn lagu gubay warshadii qaraxyada u samayn jirtay Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa laga soo sheegay buuraha Ambassel ee Wollo Koonfur ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya. Colaadda oo ku baahday deegaano kala duwan ayaa keentay in Ciidanka Difaaca Itoobiya ay cutubyo gaashaaman u diraan goobo badan oo ka tirsan aaggaas. Dagaalladan oo socda muddo laba maalmood ah ayaa la sheegay in xoogagga Fano ay guulo militari oo waaweyn ka gaareen, iyadoo ilo-wareedyo ay soo wariyeen in cutubyo hub culus oo dowladda ah la burburiyay, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha labada dhinac. Horumarkan ayaa muujinaya in xoogagga Fano ay dib u soo ceshadeen awooddooda, kadib bilooyin badan oo dagaalku ku koobnaa Wollo Waqooyi. Ilaa iyo hadda, dowladda Itoobiya wax war rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladdan. Ilo-wareedyo u warramay warbaahinta Borkena ee Itoobiya ayaa sheegay in gaadiidka u kala goosha Dessie iyo Wogel Tena uu joogsaday. Inkastoo xoogagga Fano aysan soo rogin xayiraado rasmi ah, haddana shirkadaha gaadiidka ayaa hakiyay adeegyadoodii sababo la xiriira amniga. Dagaallo kale ayaa laga soo sheegay koonfurta Kombolcha iyo Worebabo, halkaasoo la sheegay in ciidanka dowladda ay khasaare xooggan soo gaartay. Deegaanka Wollo Koonfur, gaar ahaan Amhara Saynet, ciidanka dowladda ma aysan sugin gacan-ku-haynta goobahaas, halka xoogagga Fano ay sheegeen inay la wareegeen magaalada Bokeksa. Gojjam gudaheeda, dagaallo ayaa ka dhacay agagaarka Dima Giorgis, iyadoo warbaahinta Ethio News ay sheegtay in Fano ay guulo ka gaareen dagaalka, taasoo keentay in dowladda ay ciidamo dheeraad ah u dirto goobaha dagaalka. Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in ciidanka dowladda ay adeegsatay madaafiic culus oo lagu bartilmaameedsaday goobaha rayidka ah, isla markaana ay dhac u geysteen guryaha shacabka. Waqooyiga Gondar, dagaalladu waxay sii socdaan iyadoo ciidanka dowladda ay isku dayayaan mar kale inay sugaan marinka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan — howlgal weli caqabado adag ay kala kulmayaan. Xoogagga Fano ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan 80 boqolkiiba gobolka Amxaarada. Todobaadkan, maamulka gobolka Amxaarada ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guul-darreysteen ururinta 50 bilyan oo birr oo cashuur ah, sababo la xiriira colaadda ka taagan gobolka.
-
In ka badan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykan ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer Qasa. Ururradan ayaa walaac ka muujiyay qorshaha buuqa badan dhaliyay ee Trump uu ku doonayo inuu ku barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa, islamarkaana dhulkooda uu gacanta ku dhigay oo uu mashaariicda asaga u gaar ah ka sameysto sida uu horey u sheegay. Dalalka dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta ayaa damaca madaxweyne Trump si weyn u diiddan, waxaana la filayaa in 27-ka bishan madaxda dalalka jaamcadda carabtu ay magaalada Qaahira ku yeeshaan shir degdeg oo arrintaas ku saabsan. Source: goobjoog.com
-
Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtida iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha, iyo ku xigeenka guddoomiyaha, ayadoo guddiga fulinta uu doortay komishanerrada uu golaha soo magacaabay. Komishanerrada oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu dhacday, muddada xil hayntoodana waa afar sano taas oo mar kaliya dib loo cusboonaysiin karo. Haddaba doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville. Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha. Bankole Adeoye oo u dhashay Nigeria ayaa isna dib u hantay jagadiisa saamaynta badan leh ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amaanka, isagoo wareeggii ugu horreeyey helay aqlabiyad 3 meelood oo laba ah, kana guulaystay Jean Jacques Demafouth oo ka socday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Morocco waxay iyadana xannibtay Algeria oo doonaysay inay la wareegto koontaroolka golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika. Algeria waxay heshay 30 cod, halka Morocco ay heshay 15 cod, waxaana sidaa lagu waayey tiradii loo baahnaa. Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa isna la filayaa inuu xilka kala wareego madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, isagoo haynaya guddoomiyenimada wareegtada ah oo sannad-sannad ay u qabtaan madaxda qaaradda. Waxaa hadda aad loo eegayaa doorashada guddoomiyaha midowga Afrika iyo ku xigeenkiisa. “Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika. Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah. “Hanaanka cod bixinta ayaa ku bilaabanaya ayadoo murashaxiinta oo dhan ay aadayaan sanduuqa codaynta. Seddex goor ayaa la codaynayaa. Haddii codaynta 3aad ay noqon waydo mid lagu kala baxo, oo musharraxna uu heli waayo aqlabiyadda 3 meelood oo 2da ah, murashaxa ugu codadka yar ayaa ka baxaya, waxaana wareegga xiga u gudbaya murashaxiinta kale” ayuu sheegay midowga Afrika. Qoraalka sawirka,Bankole Adeoye wuxuu mar kale ku guulaystay jagadii uu hayey ee arrimaha siyaasadda nabadda iyo amniga Waxaa intaa lagu sii daray in haddii laba murashax oo kaliya ay tartamayaan, oo midkoodna uu heli waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wixii ka dambeeya wareegga 3aad, in markaas uu murashaxa codadka yar hela uu ka bixi doono tartanka, ayadoo murashaxa soo hara uu u gudbi doono wareegga xiga. “Haddii murashaxa soo hara uu ku guul darraysto inuu helo aqlabiyadda loo baahan yahay ee 3 meelood oo 2 ah, guddoonka waxaa looga baahan yahay inuu joojiyo doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka midowha Afrika. Maxaa dhacaya haddii hal qof oo kaliya uu u tartamayo jagada? Midowga Afrika wuxuu sheegay in haddii arrintaas naadirka ah ay dhacdo, taasoo ah in hal qof uu jagada u sharraxan yahay, uuna keeni waayo 3 meelood oo 2, guddoonka markaas xilka haya ayaa looga baahan yahay inuu sidoo kale joojiyo doorashada. Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar. Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco. Qaran News
-
African leaders have started jetting into Ethiopia’s capital, Addis Ababa, to attend the 38th African Union summit which will be held on February 15 and 16, and will address several issues facing the continent, including the conflict in eastern Democratic Republic of Congo, where M23 rebels have gained territory. For VOA Africa, reporter Eskinder Firew has more. Source: Hiiraan Online
-
VIDEO: Brighton & Hove Albion 3-0 Chelsea, Premier League Source: Hiiraan Online
-
As the African Union Commission (AUC) elections draw closer, Kenya has reaffirmed its unwavering support and optimism in the candidature of Raila Odinga for the Chairmanship. Source: Hiiraan Online
-
Saacaddaha soo socda madaxda dalalka Afrika ayaa kulan-madaxeed uga bilaabanayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kulankaan waxaa lagu dooran doonnaa Gudoomiyaha Midowga Afrika. “Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika. Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah. Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar. Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco. Source: goobjoog.com
-
Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub. Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda. Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya. Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah. Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023. Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof. Source: goobjoog.com -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen xasilloonida gobolka, iyo mideynta dadaallada ku aaddan dagaalka argagixisada, sida ay sheegtay villa Soomaaliya. Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida, waxayna madaxda labada dal adkeeyeen xoojinta xiriirka ay wadaagaan, ayadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Addis Ababa u tagey ka qeyb-galka Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo la filayo inta uu socdo looga hadlo ajandayaal badan oo qaaradda u dan ah, sidoo kalena lagu doorto guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. Source: goobjoog.com