-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In ka badan In ka badan 70 urur diimeed oo gudaha Mareykan ka dhisan, islamarkaana u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Trump inuu ka laabto qorshaha lagu barakicinayo dadka reer Qasa. Ururradan ayaa walaac ka muujiyay qorshaha buuqa badan dhaliyay ee Trump uu ku doonayo inuu ku barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa, islamarkaana dhulkooda uu gacanta ku dhigay oo uu mashaariicda asaga u gaar ah ka sameysto sida uu horey u sheegay. Dalalka dunida intooda badan, gaar ahaan kuwa Islaamka iyo Carabta ayaa damaca madaxweyne Trump si weyn u diiddan, waxaana la filayaa in 27-ka bishan madaxda dalalka jaamcadda carabtu ay magaalada Qaahira ku yeeshaan shir degdeg oo arrintaas ku saabsan. Source: goobjoog.com
-
Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtida iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha, iyo ku xigeenka guddoomiyaha, ayadoo guddiga fulinta uu doortay komishanerrada uu golaha soo magacaabay. Komishanerrada oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu dhacday, muddada xil hayntoodana waa afar sano taas oo mar kaliya dib loo cusboonaysiin karo. Haddaba doorashadii dhacday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Eswatini waxa ay ku guulaysatay xafiiska beeraha, horumarinta reer miyiga, dhaqaalaha buluugga, iyo deegaanka ayadoo ka guulaysatay Congo-Brazzaville. Koofur Afrika waxay iyadana ku guulaysatay 41 cod, ayada oo qabanaysa xafiiska tamarta iyo kaabayaasha. Bankole Adeoye oo u dhashay Nigeria ayaa isna dib u hantay jagadiisa saamaynta badan leh ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amaanka, isagoo wareeggii ugu horreeyey helay aqlabiyad 3 meelood oo laba ah, kana guulaystay Jean Jacques Demafouth oo ka socday Jamhuuriyadda Afrikada dhexe. Morocco waxay iyadana xannibtay Algeria oo doonaysay inay la wareegto koontaroolka golaha nabadda iyo amaanka ee Afrika. Algeria waxay heshay 30 cod, halka Morocco ay heshay 15 cod, waxaana sidaa lagu waayey tiradii loo baahnaa. Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa isna la filayaa inuu xilka kala wareego madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Ghazouani, isagoo haynaya guddoomiyenimada wareegtada ah oo sannad-sannad ay u qabtaan madaxda qaaradda. Waxaa hadda aad loo eegayaa doorashada guddoomiyaha midowga Afrika iyo ku xigeenkiisa. “Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika. Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah. “Hanaanka cod bixinta ayaa ku bilaabanaya ayadoo murashaxiinta oo dhan ay aadayaan sanduuqa codaynta. Seddex goor ayaa la codaynayaa. Haddii codaynta 3aad ay noqon waydo mid lagu kala baxo, oo musharraxna uu heli waayo aqlabiyadda 3 meelood oo 2da ah, murashaxa ugu codadka yar ayaa ka baxaya, waxaana wareegga xiga u gudbaya murashaxiinta kale” ayuu sheegay midowga Afrika. Qoraalka sawirka,Bankole Adeoye wuxuu mar kale ku guulaystay jagadii uu hayey ee arrimaha siyaasadda nabadda iyo amniga Waxaa intaa lagu sii daray in haddii laba murashax oo kaliya ay tartamayaan, oo midkoodna uu heli waayo aqlabiyadda loo baahan yahay wixii ka dambeeya wareegga 3aad, in markaas uu murashaxa codadka yar hela uu ka bixi doono tartanka, ayadoo murashaxa soo hara uu u gudbi doono wareegga xiga. “Haddii murashaxa soo hara uu ku guul darraysto inuu helo aqlabiyadda loo baahan yahay ee 3 meelood oo 2 ah, guddoonka waxaa looga baahan yahay inuu joojiyo doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka midowha Afrika. Maxaa dhacaya haddii hal qof oo kaliya uu u tartamayo jagada? Midowga Afrika wuxuu sheegay in haddii arrintaas naadirka ah ay dhacdo, taasoo ah in hal qof uu jagada u sharraxan yahay, uuna keeni waayo 3 meelood oo 2, guddoonka markaas xilka haya ayaa looga baahan yahay inuu sidoo kale joojiyo doorashada. Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar. Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco. Qaran News
-
African leaders have started jetting into Ethiopia’s capital, Addis Ababa, to attend the 38th African Union summit which will be held on February 15 and 16, and will address several issues facing the continent, including the conflict in eastern Democratic Republic of Congo, where M23 rebels have gained territory. For VOA Africa, reporter Eskinder Firew has more. Source: Hiiraan Online
-
VIDEO: Brighton & Hove Albion 3-0 Chelsea, Premier League Source: Hiiraan Online
-
As the African Union Commission (AUC) elections draw closer, Kenya has reaffirmed its unwavering support and optimism in the candidature of Raila Odinga for the Chairmanship. Source: Hiiraan Online
-
Saacaddaha soo socda madaxda dalalka Afrika ayaa kulan-madaxeed uga bilaabanayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kulankaan waxaa lagu dooran doonnaa Gudoomiyaha Midowga Afrika. “Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray midowga Afrika. Wuxuu intaa ku daray in nidaamku yahay in doorashooyinka guddoomiyaha, ku xigeenka, iyo komishanarrada ay soconayaan ilaa iyo inta murashaxiintu ay ka helayaan aqlabiyad 3 meelood oo 2 ah. Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar. Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Laakinse ma aha dalalka qaaradda oo dhan kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco. Source: goobjoog.com
-
Sweden oo xukun ku riday nin u safray Daacish-ta Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukun saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah ku riday nin lagu helay inuu ku biiray kooxda Daacish (IS), taasoo ka dhigaysa kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo ka mid noqoshada koox argagixiso tan iyo markii la meel mariyay sharci cusub. Ninkan 22 jirka ah ayaa lagu helay dambi ah “ka qaybgalka urur argagixiso,” maalgelinta argagixisada, iyo saddex mar oo uu u safray dalal shisheeye ujeeddooyin argagixiso darteed, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maxkamadda. Maxkamaddu waxay caddeysay in dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ay la xiriireen Daacish, safarraduna ay dhammaantood ahaayeen Soomaaliya. Waxaa lagu riday saddex sano iyo saddex bil oo xabsi ah. Kiiskan ayaa ah kiiskii ugu horreeyay ee lagu xukumo “ka qaybgalka urur argagixiso” tan iyo markii baarlamaanka Sweden uu ansixiyay sharcigan sannadkii 2023. Sweden ayaa xoojineysay shuruucda la dagaallanka argagixisada tan iyo 2017, kadib markii qof u dhashay Uzbekistan oo daacad u ahaa Daacish uu gaari ku jiiray dad marayay waddo mashquul badan oo ku taalla Stockholm, halkaas oo ay ku dhinteen shan qof. Source: goobjoog.com -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa kulan-doceed gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abii Axmed, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen xasilloonida gobolka, iyo mideynta dadaallada ku aaddan dagaalka argagixisada, sida ay sheegtay villa Soomaaliya. Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida, waxayna madaxda labada dal adkeeyeen xoojinta xiriirka ay wadaagaan, ayadoo la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Addis Ababa u tagey ka qeyb-galka Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo la filayo inta uu socdo looga hadlo ajandayaal badan oo qaaradda u dan ah, sidoo kalena lagu doorto guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia’s top envoy to Somaliland, Ambassador Teshome Shunde, met with and discussed security cooperations with Commander of Somaliland’s National Army, Brigadier General Niman Yusuf Osman. The discussion took place on Thursday 13 February at the office of Brigadier General Niman in the capital Hargeisa. During their meeting, they discussed on ways of strengthening security cooperation between Ethiopia and Somaliland and enhancing collaboration on mutual security interests. Ethiopian military attachés in Somaliland were also present at the meeting. It is to be recalled that during his address at the World Government Summit in the United Arab Emirates (UAE), earlier this week, Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro) highlighted Somaliland’s commitment to regional cooperation, especially with with Ethiopia, with whom the President revealed of plans to finalize a crucial trade and transit agreement by the end of this year. AS Qaran News
-
Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay burburiyeen warshad kooxda Daacish ku lahaayeen deegaanka Sheebaab ee buuraleyda Calmiskaad, taas oo sameyn jirtay walxa qarxa iyo biraha baabuurta ismiidaaminta loo adeegsanayo lagu rakibo. War kooban oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaankaas lagu burburiyay warshadda, sidoo kalena lagu diley xubno ka tirsan Daacish oo goobta ku sugnaa. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ay wadaan ciidanka Puntland ayaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayadoo deegaanno badan oo kooxda fariisimo u ahaan jiray laga saaray, sidoo kalena la diley boqolaal dagaalame oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka Carabta ee Washington, Yousef al-Otaiba, ayaa taageeray qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka, kaas oo ku talinaya in Falastiiniyiinta laga raro Marinka Gaza, isaga oo sheegay inuusan arag “ikhtiyaar kale.” Hadalladan, oo uu ka jeediyay Shirweynaha Dowladda Adduunka ee Dubai Arbacadii, ayaa yimid xilli iska caabin xooggan oo caalami ah iyo mid goboleedba loo muujiyay qorshahaas, kaas oo lagu tilmaamay isir sifeyn. Intii lagu guda jiray shirka, al-Otaiba ayaa la weydiiyay haddii Abu Dhabi ay la jaanqaadi karto maamulka Trump marka ay noqoto arrinta Gaza. “Waan isku dayi doonnaa,” ayuu ku jawaabay, isaga oo qiray in Mareykanku si adag u wajahayo qalalaasaha Gaza. “Laakiin ugu dambeyn, dhammaanteen xal-baaris ayaan ku jirnaa, welina ma naqaan halka ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri diblumaasiga. Markii la weydiiyay haddii Imaaraadku ka shaqeynayo qorshe kale oo ka duwan kan Trump, al-Otaiba wuxuu ku jawaabay: “Ma arko wax kale oo lagu beddeli karo waxa la soo jeediyay. Haddii ay jiraan dad soo jeedin kara mid kale, diyaar baan u nahay inaan ka wada hadalno, balse weli lama soo bandhigin.” Hadalladan ayaa yimid iyadoo Masar ay Talaadadii ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo Gaza iyada oo aan la barakicin dadkeeda. Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee Masar iyo Boqor Abdullah II ee Urdun ayaa ku celceliyay diidmada ay ka qabaan in Falastiiniyiinta si khasab ah loo raro, iyaga oo carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee dib u dhiska Gaza iyada oo dadka reer Gaza ay ku sii negaanayaan dhulkooda. Arbacadii, Madaxweynaha Imaaraadka, Maxamed bin Zayed, ayaa telefoon ka helay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, kaas oo uu uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo “nabad cadaalad ah oo Bariga Dhexe laga gaaro” iyada oo lagu saleynayo xalka laba dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee WAM. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa weli ku sii haysa Gaza xannibaad adag oo socotay 18 sano, iyada oo xaddidaysa sahayda cuntada, biyaha iyo daawooyinka. Ku dhowaad 2 milyan oo ka mid ah 2.3 milyan oo qof oo reer Gaza ah ayaa hadda gudaha ku barakacay, taas oo ka dhalatay dagaalka. Qorshaha Trump ee barakicinta ayaa yimid xilli ay jirto xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis oo dhaqan galay 19-kii Janaayo. Xabbad-joojinta ayaa u muuqata mid sii wiiqmeysay maalmihii u dambeeyay, iyadoo Israa’iil ku hanjabtay inay dib u bilaabi doonto dagaalka, halka Xamaas ay hore u sheegtay inay dib u dhigi doonto sii deynta la haystayaasha haddii Israa’iil aysan fulin dhammaan shuruudaha heshiiska. In kasta oo xabbad-joojintu si ku-meel-gaar ah u hakisay duqeymihii Israa’iil, haddana in ka badan 61,709 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 2023, halka in ka badan 14,000 oo kale lagu tuhunsan yahay inay ku hoos jiraan burburka, lagana cabsi qabo inay dhinteen. Imaaraadka ayaa xoojiyay xiriirka uu la leeyahay Israa’iil 2020-kii, iyada oo la saxiixday Heshiiskii Abraham, kaas oo ay si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta iyo shacbiga Carabta. Tan iyo xilligaas, Imaaraadku wuxuu xiriir dhow la lahaa Israa’iil inkasta oo dagaalka Gaza uu socdo.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meeratada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, kulankaas ayaa ka dhacay Madaxtoyada Itoobiya ee Addis Ababa. Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Gobolka iyo mideynta dadaallada lagu cirib-tirayo argagixisada, sida ay baahisay Villa Somalia. Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta iskaashiga heer gobol ee ku aaddan nabadda, daris-wanaagga iyo adkaynta xasilloonida. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal. Labada masuul ayaa hoosta ka xariiqay in la dhiirri-gelinayo iskaashiga horumarineed ee ku salaysan daris-wanaagga iyo is-ixtiraamka, si waafaqsan danaha wadajirka ah ee labada dal, madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta. Midowga Afrika ayaa la filayaa in Sabtiga berri iyo Axadda ay qabtaan doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, ayadoo guddiga fulinta uu doortay xubnaha qabanaya doorashada, kuwaas oo Arbacadii iyo Khamiistii ay doorashadoodu ka dhacday Addis Ababa. “Golaha loo dhan yahay ee madaxda qaaradda ayaa dooranaya oo magacaabaya guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka marka ay fadhiga yeeshaan 15-16 Febraayo 2025,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Afrika. Xilka Guddoomiyenimada waxaa hadda u sharraxan Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Raila Amolo Odinga oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya iyo Richard Randriamandrato oo ah wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar. Musharraxii doonaya inuu ku guulaysto xilka guddoomiyenimada waxaa laga doonayaa inuu helo taageerada 3 meelood oo 2 dalalka qaaradda, wuxuu baddalayaa Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad, balse dalalka qaaradda oo dhan ma wada codey doonaan ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalka aan codey doonin waa lix dal, waxayna kala yihiin: Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye oo ka socda. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco.
-
MINNEAPOLIS, Minnesota (HOL) — As the first week of the trial of Feeding Our Future founder Aimee Bock and co-defendant Salim Said concluded, testimony and evidence presented in court shed further light on the scale and depth of the alleged $250 million fraud scheme that rocked Minnesota’s child nutrition program during the pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ciyaareed lagu soo dhaweeyey YouTuber-ka caanka ah ee Asad Xaajiyow ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, Asad ayaa heysta ‘Billada Adkeyga’ oo Madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey. Dhallinyarada ugu badan ee ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa halkaas isugu tegay galabta, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan weynihii galabta lagu qabtay Stadium Muqdisho. Kulan ciyaareedkaan waxaa soo abaabulay wasiirka dhallinyarada iyo cayaataha XFS Maxamed Barre oo kulanka kasoo qeyb galay, sidoo kale waxaa joogay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed. Hay’adaha Ammanka ayaa kaalin cajiib ah qaatay maanta, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday si nabad ah, taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa galabta ku sugnaa Stadium Muqdisho. Dhallinyaro iyo masuuliyiin is abaabulay oo goor hore soo bilaabay shaqadaan ayaa qabtay kulanka lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow, kaasi oo dhallinyarada lagu balamiyey Jimcihii maanta. Asad Xaajiyow oo qeybaha dambe ee jirkiisa ay ka naafeeyeen Al-Shabaab oo ku weeraray magaalada Marka ayaa dhowaan ka yimid dalka Malaysia, halkaas oo 12 sano uu ku sugnaa, kuna noqday Youtuber caan ah. Bandhiggaan lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ayaa ku soo aaday iyadoo xalay Muqdisho laga baajiyey Bandhig-faneed muran badan abuuray oo loo qaban rabay Fanaanadda Haboon Nuura oo ka timid magaalada Hargeysa, taasi oo loo dakaneeyey heestii ay wax ka qaaday ee “Malin Cadow Xamar ka daran.” Kulankii galabta lagu soo dhaweeyey Asad Xaajiyow ee lagu qabtay Stadium Muqdisho wuxuu diray dhowr farriimood oo muhiim ah, kalsooni badan oo dhanka amniga ah oo reer Muqdisho ku cusub ayaa jirtay, taas oo mar kasta lagu amaano ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Is-jaceyl bulsho oo aan caadi aheyn ayaa jiray, dadkii soo buux dhaafiyey fagaaraha Stadium Muqdisho waxay taageero, dhiirigelin iyo garab istaag buuxa u muujiyeen dhibane Asad Xaajiyow, oo dowladda Soomaaliya ay horay ugu aartay, kadib markii la dilay raggii weeraray. Sidoo kale, kulankii Stadium Muqdisho wuxuu muujiyey in reer Muqdisho ay isku xiran yihiin, maadaama wax caqabad ah uusan la kulmin kulankaas, iyadoo xalay la joojiyey Showgii Haboon Nuura oo iyadu diiday in reer Muqdisho ay ka raali geliso doorkii ay ku laheed heestii ay dhibsadeen ee lagu karbaashay xilli umadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya.
-
The Sultan of Afar Ahmed Alimirah issued a condemnation of the Republic of Djibouti’s security forces after a drone strike killed eleven villagers in the Afar territory on the Djibouti-Ethiopia border. “The victims of this brutal drone strike were unarmed civilians—women, children, and the elderly—mercilessly targeted in a remote village where they were already struggling to survive,” said the statement issued by the Sultan. The attack apparently took place on January 30, 2025 in the evening over a period of four hours. The area in which the villagers were targeted lacks access to clean drinking water, healthcare, education, and basic sustenance, according to the statement. The statement also condemned the neighboring country of Djibouti’s security forces as responsible for the attack. The Djibouti government claims they were targeting terrorists. The statement said, “For decades we have endured systematic persecution, state-sponsored violence, and deliberate neglect at the hands of the Djibouti government.” The statement also claims, “.. they are using peaceful Afar civilians as target practice, testing their deadly weapons on one of the most defenseless and abandoned populations.” The eleven Afar civilians lost in the attack are: Gamma Ali Orbiss Kako Ali Orbiss Mohamed Aydahis Ali Mohamed Kako Aisha Badul Ali and three children, ages 10-13 Mohamed Houmed Ali Daoud Louback Hamadou Gohar Ali Omar Several more people suffered injuries, including: Maryam Mohammed Abdallah Fatuma Camad Casasn Qali Mohammed Qali Qabdalla Qali Qabdalla Faarac Kadir Mohammed The Sultanate has evidence of the attack, including graphic images of the victims. Their statement says they are “prepared to provide them to human rights organizations, investigative bodies and international legal authorities” so that justice may be served. They further call upon such organizations and “the global community to investigate the crime, visit the affected areas and take steps to stop repeated atrocities against the nomadic Afar people.” Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sameynayo “xisaab qaldan” oo ku saabsan Bariga Dhexe, isagoo tilmaamay in rumeynta “beenta Sahayuuniyadda” ay sii hurinayso colaadaha. Turkiga ayaa si cad u diiday qorshaha Trump ee ah in in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah laga saaro Marinka Gaza, Mareykankana uu la wareego maamulka aaggaas, loona beddelo “Riviera-da Bariga Dhexe”. Sidoo kale, Turkiga wuxuu weerarka Israa’iil ee Gaza ku sifeeyay xasuuq, isagoo ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado dowladda Israa’iil. “Waxaan ka xumahay in Mareykanku sameynayo xisaab khaldan oo ku saabsan gobolka. Lagama maarmaan ma ahan in la qaato hab aan tixgelin siin taariikhda, qiyamka iyo xikmadda gobolka,” ayuu yiri Erdoğan, sida lagu sheegay hadal uu siiyey wariyeyaasha xilli uu kasoo laabtay safarro uu ku tegay Malaysia, Indonesia iyo Pakistan. “Barakicinta khasabka ah lama aqbali karo. Waa gaboodfall,” ayuu raaciyay Erdoğan. Erdoğan ayaa sheegay inuu filayo in Trump uu fuliyo ballamihii ololihiisa doorashada ee nabad raadinta, halkii uu hurin lahaa colaado hor leh. Waxa uu tilmaamay inuusan arkin wax calaamad ah oo muujinaysa xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza ka dhaqan gasha, inkastoo heshiis xabbad-joojin ah uu jiro oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, wuxuuna xusay in dunida Muslimku aysan weli qaadin tallaabo mideysan oo arrintan ku aaddan. Tan iyo xabbad-joojintii Janaayo 19, Israa’iil waxay duqeysay Bariga Rafax, dumisay guryaha Falastiiniyiinta, waxayna dishay 92 Falastiini ah, taasoo muujineysa in Israa’iil aysan rabin in xabbad-joojintu noqoto mid rasmi ah. “Xamaas ilaa hadda waxay fulisay ballamadeedii, halka Israa’iil, sida caadada u ah, aan lagu aamini karin hadalkeeda,” ayuu yiri Erdoğan. Xabbad-joojinta ayaa wajahday cadaadis tan iyo markii Trump soo jeediyay qorshihiisa. Xamaas ayaa toddobaadkan sheegtay inay hakisay sii-daynta laheysteyaasha sababo la xiriira jebinta heshiiska ee Israa’iil, iyadoo ku eedeysay inay hakisay keenista gargaarka iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka dagaalka. Cagaf-cagafyo ayaa ku sugan xadka Rafax oo sugaya in la geliyo Gaza. Kooxdu waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay xabbad-joojinta iyo fulinta wejiga xiga ee is-weydaarsiga maxaabiista “sida jadwalka loogu talagalay.” Wejigii koowaad ee lixda toddobaad ee xabbad-joojinta waxaa lagu sii daayay maxaabiis Israa’iiliyiin ah oo lagu beddeshay Falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil. Turkiga, oo taageero xooggan u haya Xamaas, ayaa ku tilmaama dhaqdhaqaaq iska-caabin ah, halka reer Galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso. Erdoğan ayaa sheegay in muuqaalada is-weydaarsiga laheysteyaasha Gaza ay muujinayaan in Xamaas weli “aad u xooggan tahay maskax ahaan,” isagoo xusay in isbeddellada ka dhalan doona is-weydaarsigan ay mudan yihiin in si dhow loola socdo, lana sii wado dadaallada nabadda.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, halkan oo uu kaga qeyb galayo Shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda. Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Waftiga Madaxweynaha ee ku wehelinayey safarkan shaqo ayaa waxaa ka mid ah, Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Agaasimaha Madaxtooyada Cabdixakiim Maxamed Yuusuf. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Addis Ababa on Friday afternoon to participate in the 38th Ordinary Session of the Assembly of Heads of State and Government of the African Union (AU) Summit, which is set to commence on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb-galaya shir-madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo lagaga arrinsanayo mustaqbalka iyo danaha guud ee qaaradda. Madaxda Afrika ayaa u ballansan doorashada hoggaanka cusub ee Midowga Afrika iyo ku-xigeennadiisa, xoojinta nabadda, midnimada iyo madaxbannaanida dalalka qaaradda iyo ajendayaal kale oo laf-dhabar u ah jihaynta Midowga Afrika, sanadaha soo socda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Adis Ababa, waxa uu kulan-doceedyo la yeelan doonaa Madaxda ka soo qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika. Masuuliyiinta safarka ku wehliya madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii xilkan loo magacaabay April 2024, xilligaas oo ay taagneyd xiisaddii u dhaxeysay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Fiqi ayaa si weyn loogu xusuustaa hadalladii adkaa ee uu Itoobiya ku weerari jiray, intii uu taagnaa khilaafkii labada dowladood. Magaalada Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar. Xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo hagaagay tan iyo markii ay Addis Ababa hoos u dhigtay malafka is-afgaradkii Somaliland ay gashay horraantii sanadkii tegay, kaasi oo si weyn uga careysiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.
-
Addis Abeba – The World Governments Summit 2025, held recently in Dubai, brought together world leaders, policymakers, and business leaders for discussions on governance in the digital age and economic expansion in a new era. Among the high-profile attendees was the President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro, whose presence underscored Somaliland’s growing influence in global politics. Somaliland has been sustaining political stability, democratic governance, and economic potential without official recognition, a self-reliant and resilient government that is a beacon of strength in a war-torn region of conflict. The summit was not a chance waiting to happen—it was a turning point for Somaliland to deepen diplomatic engagement, attract foreign investments, and become a permanent player in regional security and business. Diplomatic Milestone Somaliland’s independent participation at the summit was a strategic diplomatic triumph, reaffirming it as a responsible and active member of global governance. Interaction with UAE, African, and Gulf leadership opened doors to bilateral agreements and business cooperation. The presence also countered the narrative of Somalia to isolate Somaliland in global engagement. By highlighting its governance success story, Somaliland set a new example of a beacon of stability in a war-torn region of conflict. The summit reaffirmed a basic yet compelling reality: Somaliland is already a sovereign state in function, and its growing presence in global forums is just a stronger reason to be accepted as such. Dubai’s advanced system of e-governance is a useful guide towards better services to the public, simplification of government, and democratic institution strengthening in Somaliland. Digital banking and fintech technologies also become a focus in Somaliland, given its existing isolation in the financial system. The summit provided a platform to negotiate partnership agreements that would allow Somaliland to be integrated into the financial system of the world. Additionally, summit discussions also touched on artificial intelligence (AI) and smart technologies in governance. The interest of Somaliland in building digital infrastructure would be eased by knowledge-transfer programs with the UAE, paving the way for co-developments in technologies and digital economies. Investment in the digital revolution would not only revolutionize governance systems in Somaliland but also lure investors and facilitate diversification of its economy. Despite efforts of Somalia to restrict Somaliland’s inclusion in the international system, attendance in such a summit indicates that Somaliland is making independent diplomatic and economic linkages. Somaliland’s attendance at the summit was a challenge to Somalia’s efforts to isolate it diplomatically. Contact with lead countries, financial institutions, and business heads strengthened recognition of the case of Somaliland and its legitimacy. By making concrete security and economic partnerships, Somaliland is strengthening claims to recognition, making it more convincing day by day to be accepted in the international system. As a distant long-term objective, recognition is yet to be in sight, yet continued engagement in global forums enhances the credibility of Somaliland and brings it to a position of responsible self-reliant status. Somaliland’s participation in the World Governments Summit 2025 was more than a diplomatic win—it was a powerful message that Somaliland is open to business, security partnerships, and digital innovations. It brought Somaliland’s engagements to a broader international sphere, created new channels of investments, established it in regional security, and created channels of digital governance. From a strategic perspective, this summit was a turning point. It established that recognition is not a prerequisite to exercising influence. A country achieves its place in the international order through leadership, resilience, and vision of forward movement. As long as Somaliland continues to invest in its economic potential, diplomatic flexibility, and security role, it will not only survive in isolation but also force the world to take note of its place in the pantheon of sovereign states. AS Adam Daud Ahmed is a political security Analyst in the Horn of Africa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in si tuugo ah lagu daabacay buugga Adkaysi, oo dhawaan uu bandhig u sameeyay. Buuggan, oo uu Warsame ka qoray waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, caqabadaha ku gadaaman, iyo dhismaha dowladnimo, ayaa haatan si tuugo ah – qiimo aad uga jaban kan saxda ah – loogu iibinayaa gudaha magaalada Muqdisho. Dhibaatadan kuma koobna oo kaliya Xildhibaanka, balse sidoo kale waxaa la daalaa dhacaya qorayaasha Soomaaliyeed, taasoo quwad-jebinaysa hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, iyo farshaxanka. Sababta ugu weyn ee arrintan loo aanaynayo waa in aysan jirin ilaalin dhab ah oo lagu sugo xuquuqda daabacaadda. Taasi waxay sababaysaa in buug uu qof ku bixiyay maskax, waqti, tamar, iyo qarash si xatooyo ah dib loogu iibiyo. “Hal-abuurka fikirka, suugaanta, fanka, farshaxanka, iyo masraxa waa halka laga dheehdo ilbaxnimada ummadaha. Waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowro, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo, iyo dooqa qofnimo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kasoo saaray arrintan. Hoos ka aqriso qoraalka Hal abuurka fikir, suugaan, fan, farshaxan iyo masrax waa halka la dheehdo ilbaxnimada ummadaha, waa aqoonta uu bani’aadamku hiddihiisa ku dhowrto, iskuna dhaxalsiiyo dhaqanka, sooyaalka, qiyamka bulsho, anshaxa ummadnimo iyo dooqa qofnimo. Sababaha loo tiirin karo in ay bulshadeenna uga dhex guulaysan la’yihiin waxaa ka mid ah; 1- In aysan jirin ilaalinta xuquuqda alifaadda. Sida halkan idiinka muuqata labadan buug ee “Adkaysi” iyo “Waa Inoo Muqdisho” oo uu galay maanshiil, waqti, tamar, iyo qarash, ayaa si tuugaysi ah lagu koobiyeeyey, qiimo jabana lagu iibinayaa. Ma oga ka iibinaya iyo midka iibsanayaba in ay hanti dhacayaan. 2- Dhiirragelin la’aan ka timaadda bulshada. Soomaalidu dhaqan uma laha aqriska, iibsiga buuggaagtaaa waa arrin la xariirta dhaqan aqooneedka bulsho. Alifaadda, daabacaadda iyo aqriskaba bulshadeenna hiddo uma laha, inkastoo ay Gobbolada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) kaga horeeyaan inta kale. Daaro waawayn iyo dabaqyo dhaadheer ayaa meel walba laga dhisayaa, laakiin ma jiraan Maktabado dadwayne oo wax lagu aqristo, kuwa buuggaagta iibiyana hal qol oo ciriiri ah ayey ku yaalaan, mana haystaan kalyanti, iyo dad xiiso u haya aqriska. Waa fara ku tiris dadka aqoonyahanka ah ee jaamacada dhigta ama ka baxay in ay iibsadaan buug ka baxsan muqararka Jamaacadda. Taasi waxay ka dhigan tahay in inta badan qofka Soomaaliga ah uusan lahayn qorshe aqris iyo aqoon kororsi joogta ah 3- Shirkadaha iyo ganacstada oo aan maalgashanin hal abuurka iyo wax soo saarka fikirka, dhaqanka, sooyaalka, hiddaha iyo suugaanta umadda. Uma arkaan in ay ribix ama faa’iido maaddi ah ka helayaan, taas ayaana sabab u ah in la waayo ganacsato maalgelinaysa aaladaha daabacaadda iyo wax soo saarka fikirka iyo fanka. Daaruhu way dumayaan haddii aysan jirin aqoon, ilbaxnimo, sharci iyo xeerar lagu ilaaliyo.
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNsa9nfHXGUPOWJ-6b0oJp1ZGoG6D-d0bRYk-mrjYmiXomZeeNSetLBdwKzk2m34n8jxQmx3paYESwbHC00EOG6.mp4 Xaaskii Alle haw naxariiste Cabdinaasir Muuse Dahable iyo mid kamid ah Awlaaddii uu Ifka kaga tagay oo maanta hor tagay Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK, Marxuum Cabdinaasir oo ka soo jeeday Magaaladda Gabiley ee Dalka Somaliland ayaa si arxan daro ah loogu dilay Magaaladda Muqdisho Sanad ka hor. 21 bishan ayaa marxuumka London loogu qaban doona kulan u jeedkiisu yahay sidii ay Awlaaddiisa iyo Ooridiisu cadaalad u heli lahaayeen. Oxford House, Bethnal Green oo London ah ayuu ka dhici doonaa kulankaasi. @topfans Qaran News