Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa maanta qabsoontay doorashada Guddoomiyaha Midawga Afrika, oo si weyn muddooyinkii danbe indhaha loogu hayey, taas oo uu ku guulaystay Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Jabbuuti. Tartankan ayaa ay wada galeen mudane Raile Odina oo Kenya ka socday iyo Richard Randriamandrato oo Madagascar ka socday. Wareeggii koowaad oo hoggaanka Raila qabtay, waxaa lagala wareegay wareegggii labaad ee tartankaas. Xilli uu wareegggii saddexaad tartanka ka hadhay musharraxii ka socday Madagascar. Halka Railla oo haystay 22 cod iyo Maxamed oo helay 26 uu wareeggii lixaad ee tartankaas uu ka hadhay mudane Raila Odinga. Taas oo sahashay in wareeggii u danbeeyey uu keligii u tartamay musharrax Maxamed Cali Yusuf, isaga o ku guulaystay 33 cod. Doorashadan ayaa looga baahnaa musharraxa guulaysanaya inuu helo laba meeloow saddex meelood afartan iyo lixda dal ee Afrika ee codaynaya. Waxaana la aada toddoba wareeg mar kasta oo hore loo kala bixi waayo. Raila Odinga ayayna ka dhigan tahay in uu mar kale doorashadii lixaad guuldarraysanayo. Taas ooh ore loo xasuusto in shan jeer oo hore waayey madaxtinnimada dalka Kenya oo uu u tartamay. Mudane Maxamed ayaa baddalaya Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad. Dalalka qaaradda oo dhan ma ay ahayn kuwo codaynaya ee waxaa jira dalal aan ka qayb gali doonin codaynta. Dalalkaas oo ah lix dal waxay kala yihiin Niger, Mali, Guinea, Gabon, Burkina Faso iyo Sudan, waxaana dalalkaas looga joojiyey inay codeeyaan sababo la xiriira afgambi iyo dagaallo sokeeye. Xilka guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan Saalax Francis – Algeria, Selma Malika – Algeria, Maxamed Axmed Fatxi – Masar, Hanan Morsy – Masar, Najam M Elhajjaji – Libya, Latifa Akharbach – Morocco. Waa kuma Guddoomiyaha cusub? Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii “Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka” saaran qaaradda, ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore. Waxa uu sheegay in guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare. Marka laga soo tago ilaalinta nabadda iyo amniga qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada. Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo luqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta woqooyiga iyo koonfurta, bari iyo galbeed. Source
  2. Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay inuu Netanyahu ku riixayo madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump inuu taageerro weerar militari oo lagu qaado xarumaha Nukliyeerka ee Iran. Israa’iil waxay Iran u aragtaa mid nugul, kaddib duullaanka Qasa, Lubnaan iyo isbeddelka ka dhacay Suuriya , oo ay weheliso weerarkii bishii Oktoobar, 2024 ay Israa’iil ku qaaday gudaha Iran, markaa oo ay sheegatay inay burburisay nidaamka difaaca ee Iran. Warbixinta, waxaa lagu sheegay in xubnaha sare ee Israa’iil ay aaminsanyihi in haddii aan sidii Liibiya oo kale la burburin barnaamijkeeda Nukliyeerka, inay Iran la soo bixi doonto awood aan la joojin karin. Maraykanka ayaa horey ugu wareejiyay Israa’iil bambooyin dhumuc weyn, markii Trump uu xilka la wareegay, kuwaasoo awood u leh in lagu beegsado goobaha Nukliyeerka dhulka hoostiisa ee Iran, sida warbixintu ay sheegtay, iyadoo intaa lagu daray sirdoonka Mareykanka inay saadaaliyeen in Israa’iil ay duqayn doonto lix bilood gudahood xarumaha nukliyeerka Iran, haddii aan heshiis la gaarin…! Toddobaadkii hore, saraakiisha ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii u horreysay usoo jeediyay hoggaamiyaha sare, Ali Khamenei inuu dib u tirtiro fatwadii uu soo saaray sannadkii 2005, ee uu ku mamuuucay heysashada bambooyinka nukliyeerka Iran, markaa oo ay saraakiisha u sheegeen Khamenei, haddii uusan tan sameyn in maamulkiisa la cirib-tiri doono, sabab la xidhiidha hanjabaada Israa’iil iyo Mareykanka. Mowqifka saraakiisha Ilaalada Kacaan Iran, ma cadda inuu ku filan yahay inay ku xaqiijinayaan awoodda ay u leeyihiin inay bannaanka usoo saaraan bambooyinka nukliyeerka..! Source
  3. Xamaas, ayaa maanta mar kale dooratay meel aan ka fogeyn gurigii hoggaamiyahoodii Yaxye Sinwar, oo ku yaalla Khan Yonis ee koonfurta Qasa, si ay u sii daayaan saddex Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayaan 369 maxbuus oo Falastiiniyiin ah. Saddexda Israa’iiliyiinta ee maanta la sii daayay, ayaa kala ah ; Sagui Dekel-Chen, oo ah muwaadin Mareykan iyo Israa’iili ah, maxbuuska labaad ee la sii daayay, Alexander Trufanov, oo 29 jir ah,waa muwaadin Ruush iyo Israa’iili ah oo markii hore qoyskiisa ay ka soo haajireen Ruushka, Aabbihii waxaa lagu dilay weerarkii 7 Oktoobar, Hooyadiis iyo ayeeyadiis oo ka mid ahaa maxaabiistii la soo qabtay ayaa la sii daayay intii lagu jiray heshiiskii bishii November,2023. Maxbuuska saddexaad, waa ; Yair Horn, oo 46 jir ah oo ay qoyskiisa ka soo haajireen Argentina. 369 maxbuus oo falastiiniyiin ah ee la filayo in laga sii daayo xabsiyada Israa’iil, oo lagu beddelanayo saddexda maxbuus ayaa dhankooda loo kala qeybin doonaa; 29 ka mid ah maxaabiista ayaa ka soo jeeda Daanta Galbeed ee la haysto, halkaa oo dib loogu celinayo, 7 , waxaa la geynaya bariga Qudus oo ay ka soo jeedaan, 24 ayaa loo masaafurin doonaa dalka Masar – 333 maxbuus waxay ku laaban doonaan marinka Qasa. Source
  4. Dagaal Jarmalka ayaa sheegay in ninka Afgaaniga ah ee looga shakisan yahay inuu gaari ku jiiray dad ku sugnaa magaalada Munich laga yaabo inuu lahaa ujeeddooyin xagjirnimo Islaami ah. Afhayeenka booliska, Guido Limmer, ayaa wariyeyaasha u sheegay in baaritaannadii horudhaca ahaa ee lagu sameeyay qalabka elektarooniga ah ee eedeysanaha laga helay ay muujinayaan “aragti xagjirnimo Islaami ah oo cad.” Dacwad-ooge Gabriele Tilmann ayaa intaas ku dartay in ninka la tuhunsan yahay uu saraakiisha booliska ugu qeyliyey “Allahu Akbar”, isla markaana uu tukaday markii la qabtay. Ninkan 24-jirka ah, oo warbaahinta Jarmalku magaciisa ku sheegtay Farhad N., ayaa lagu eedeeyay inuu si kas ah ugu jiiray gaari nooca Mini Cooper dad ka qeyb galayay dibadbax ay qabanayeen shaqaalaha ururka ganacsiga ee Munich Khamiistii, taasoo ay hoggaamiyeyaasha Jarmalku ku tilmaameen “weerar.” Booliska ayaa sheegay in 36 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, labo ka mid ahna ay xaaladdoodu aad halis u tahay, oo uu ku jiro ilmo yar. Sidoo kale, siddeed qof oo kale ayaa qaba dhaawacyo culus, sida uu sheegay Limmer. Falka ayaa dhacay xilli magaalada Munich ay martigelinayso shir caalami ah oo amniga lagaga hadlayo, iyadoo dalka Jarmalka uu ku jiro dood kulul oo ku saabsan soo-galootiga, xilli la filayo doorashada 23-ka Febraayo. Tilmann ayaa sheegtay in eedeysanuhu qirtay inuu si kas ah babauurka ugu jiiray dadkii mudaaharaadayay, isaga oo sabab uga dhigay “wax aan ku soo koobayo dhiirrigelin diimeed.” Farhad N. wuxuu si sharci ah ku joogay Jarmalka, wuxuuna ka shaqeynayay ammaanka, iyadoo Tilmann xustay inuu aad ugu lug lahaa isboortiga jir-dhiska. “Wuxuu ahaa qof aad diinta ugu adag oo si cad u muujiya caqiidadiisa,” ayay tidhi, iyadoo intaas ku dartay inuu si joogto ah masaajid u tagi jiray isla markaana baraha bulshada ku faafin jiray “farriimo diimeed.” Tilmann ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in eedeysanaha uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ah sida Dowladda Islaamiga ah (IS). Source
  5. Following the fall of its central authority in 1991, the civil war that followed, and the ongoing reconstruction efforts, the nation has been struggling. A variety of internal and external political forces influence the process of establishing democracy, which is still challenging. There are methods for Somalia to move toward a more stable and democratic system of government in the face of major obstacles. Stress that finding answers requires an awareness of the nation’s political division and outside influences. Clan politics have been prevalent in Somalia in recent years, causing significant political fragmentation: Examine how Somalia’s political system is still dominated by clan-based politics, which results in power dynamics that are fragmented and characterized by clan competition for influence. Clannism hinders the development of a genuine national identity in addition to having an impact on political representation. The creation of federal member states also took a different approach, with each state aiming to further its own interests, which frequently function independently of the federal government. These states have different political views, and sometimes their interests seem to have conflict with the federal government’s interests. These consist of electoral models, the constitutional review process, and other national goals. Additionally, external forces have contributed to Somalia’s political change in both positive and occasionally negative ways. Even though they have sent peacekeeping troops and vital humanitarian and development support, their engagement hasn’t always matched Somalia’s internal demands. More significantly, foreign involvement occasionally calls into doubt Somalia’s national pride and sovereignty; it also occasionally makes the country dependent on outside assistance and calls into question how to strike a balance between external aid and sovereignty. Conflicting geopolitical goals, such as securing maritime trade routes or combating terrorism, may influence international actors’ approaches to Somalia’s political issues. That must emphasize the need for Somalia to fortify its institutions, particularly the public service sector, judiciary, and electoral authorities, to achieve a smooth transition to democracy. Supporting autonomous organizations capable of conducting fair and transparent elections is essential to the nation’s democratic destiny and recognizing the need for more inclusive governance that lessens the influence of clan-based politics and includes the opinions of all. An Appeal for Harmony and Compromise: The national interest must take precedence over personal or clan-based power battles for Somalia’s political actors at this crucial time. To achieve a political agreement that goes beyond factionalism, it is imperative that the government, regional leaders, traditional elders, and civil society organizations have meaningful conversations.The nation’s progress toward peace and prosperity has been halted by the division brought about by conflicting political interests as well as the enduring links to clans.To ensure that all societal segments, regardless of clan or region, are represented and have a say in determining the destiny of the country, a strong, participatory political system is essential. All Somalis must feel that they have a stake in the political, economic, and social advancement of their nation, but this is especially true for young people and marginalized groups. Increased national cohesion and a lower chance of alienation, which might result in instability, will result from their active involvement in decision-making. The federalism debate is one of Somalia’s most urgent problems: Tensions between the federal government and the regional governments have arisen because of political fragmentation, even though regional states have given a considerable amount of autonomy. Somalia needs to decide if a federal model, which gives regions freedom, is still the best way to run its government or if a less centralized or unified system would bring the country together better and reduce disagreements. The ultimate objective should be to establish a system that recognizes regional variety while guaranteeig a powerful, cohesive national government capable of upholding principles, preserving law and order, and promoting national prosperity. Somalia’s political success depends on striking a balance between unity and autonomy, which is not an effortless undertaking. Somalia requires a political structure that upholds democracy and good governance while allowing various areas to prosper within the framework of a single country. Building trust and having a common vision of what Somalia may become—a peaceful, prosperous democracy with equal rights and opportunities for all citizens—will be necessary or this. Path Ahead: Political leaders must show a sincere commitment to the country’s future, put aside conflicting interests, and cooperate for the common good if Somalia’s democratic transition is to be successful. Compromise is not enough. Reforming the constitution, establishing reliable institutions, and guaranteeing responsible leadership are all necessary to achieve this. By helping Somalia with these initiatives, providing technical support, and making sure that aid is used to create long-lasting institutions rather than perpetuating dependency, the international community may also contribute positively. Even if the path ahead may be difficult, Somalia has a clear chance of to change its direction. The future of the nation rests on its capacity to create a government that works for all its citizens, promotes inclusivity, and reaches consensus. Compromise, dialogue, and togetherness will be crucial to this endeavor. Dr. Mohamed Omar Bincof Asst. Prof. of Political Science and International Relations at Somali National University bincof@gmail.com
  6. Dagaal xoogan ayaa laga soo sheegay buuraha Ambassel ee Wollo Koonfur ee gobolka Amxaarada ee Itoobiya. Colaadda oo ku baahday deegaano kala duwan ayaa keentay in Ciidanka Difaaca Itoobiya ay cutubyo gaashaaman u diraan goobo badan oo ka tirsan aaggaas. Dagaalladan oo socda muddo laba maalmood ah ayaa la sheegay in xoogagga Fano ay guulo militari oo waaweyn ka gaareen, iyadoo ilo-wareedyo ay soo wariyeen in cutubyo hub culus oo dowladda ah la burburiyay, inkastoo aan weli la xaqiijin tirada rasmiga ah ee khasaaraha labada dhinac. Horumarkan ayaa muujinaya in xoogagga Fano ay dib u soo ceshadeen awooddooda, kadib bilooyin badan oo dagaalku ku koobnaa Wollo Waqooyi. Illaa iyo hadda, dowladda Itoobiya wax war rasmi ah kama aysan soo saarin xaaladdan. Ilo-wareedyo u warramay warbaahinta Borkena ee Itoobiya ayaa sheegay in gaadiidka u kala goosha Dessie iyo Wogel Tena uu joogsaday. Inkastoo xoogagga Fano aysan soo rogin xayiraado rasmi ah, haddana shirkadaha gaadiidka ayaa hakiyay adeegyadoodii sababo la xiriira amniga. Dagaallo kale ayaa laga soo sheegay koonfurta Kombolcha iyo Worebabo, halkaasoo la sheegay in ciidanka dowladda ay khasaare xooggan soo gaartay. Deegaanka Wollo Koonfur, gaar ahaan Amhara Saynet, ciidanka dowladda ma aysan sugin gacan-ku-haynta goobahaas, halka xoogagga Fano ay sheegeen inay la wareegeen magaalada Bokeksa. Gojjam gudaheeda, dagaallo ayaa ka dhacay agagaarka Dima Giorgis, iyadoo warbaahinta Ethio News ay sheegtay in Fano ay guulo ka gaareen dagaalka, taasoo keentay in dowladda ay ciidamo dheeraad ah u dirto goobaha dagaalka. Warbixinno kale ayaa tilmaamaya in ciidanka dowladda ay adeegsatay madaafiic culus oo lagu bartilmaameedsaday goobaha rayidka ah, isla markaana ay dhac u geysteen guryaha shacabka. Waqooyiga Gondar, dagaalladu waxay sii socdaan iyadoo ciidanka dowladda ay isku dayayaan mar kale inay sugaan marinka xuduudka Itoobiya iyo Suudaan — howlgal weli caqabado adag ay kala kulmayaan. Xoogagga Fano ayaa la sheegay inay gacanta ku hayaan 80 boqolkiiba gobolka Amxaarada. Todobaadkan, maamulka gobolka Amxaarada ayaa shaaca ka qaaday in ay ku guul-darreysteen ururinta 50 bilyan oo birr oo cashuur ah, sababo la xiriira colaadda ka taagan gobolka. Source
  7. President Sharif: “The Aim of Himilo Qaran is not to seek office but to maintain the functioning of federal institutions and the gradual process through which they were established.” Mogadishu (PP News Desk) — Himilo Qaran, a political party led by former Somali President Sharif Sheikh Ahmed, today held a conference in Mogadishu. The goal of the convention was to express objections to the policies of the Federal Government of Somalia, ranging from the “one person, one vote” electoral system to the eviction of squatters from government properties in Mogadishu. “We will reverse the decision to evict squatters from government properties that had been sold to businesspeople,” said one participant. “When we campaigned for President Hassan Sheikh Mohamud, we did not expect that he would evict families from their homes,” said another participant. “President Hassan Sheikh opposed the term extension of the previous government. He should not expect us to support an extension for his tenure,” said Dahir Amin Jessow, an MP. Another participant claimed that Himilo Qaran “is the only party capable of governing Somalia” despite the party opposing multiparty elections proposed by the Federal Government of Somalia. Abdirahsid Hiddig, a Federal MP from Jubaland, who is campaigning for Himilo Qaran, contended that Parliament was supposed to convene on 6 February. “I urge the Speaker of Parliament, Sheikh Adan, to convene it” he said. “The Aim of Himilo Qaran is not to seek office but to maintain the functioning of federal institutions and the gradual process through which they were established. People go to bed hungry in Mogadishu. Do we know what is happening in Bakara Market or Suuq Bacaad Market? The government uses force to collect taxes. I was shocked to learn that the tax on khat has doubled. Instead of government agencies collecting taxes, an illegally established private company owned by well-known individuals is doing so,” said Sharif Sheikh Ahmed. The Finance Ministry of the Federal Government of Somalia has not responded to the accusations by the former Somali president that unscrupulous private agencies have been tasked with tax collection in Mogadishu. © Puntland Post, 2025 The post Himilo Qaran Accuses the Somali Government of Tax Mismanagement appeared first on Puntland Post.
  8. Maxamuud Cali Yuusuf oo ahaa murashaxa dowladda Jabuuti ee guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa dhowaan ku guulaystay xilkaas, ka dib markii uu ka adkaaday Raila odinga oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya. Maxamuud Cali Yuusuf oo ah dublumaasi muddo dheer hayay xilka Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa uu dhashay sanadkii 1965, wuxuuna dugsiga sare ka baxay sanadkii 1985-tii. Intii uu dhexaysay sanadihii 1988-dii, waxa uu ka baxay Jaamacadda Liverpool ee dalka Ingiriiska, asagoo bartay cilmiga maamulka ganacsiga. 1995-tii, wuxuu shahaadada maamulka ka qaatay Université Laval ee dalka Canada, ka dibna waxa uu ku biiray siyaasadda dalkiisa Jamhuuriyadda Jabuuti. Xilalka uu soo qabtay danjire Maxamuud Cali Yuusuf waxaa kamid ah Wasiiru-dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo uu hayay intii u dhexaysay 2001-dii ilaa 2005-tii. Sidoo kale wuxuu muddo 19 sano ah oo ahayd intii u dhexaysay sanadihii 2005-tii ilaa 2024-kii ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Maxamuud Cali Yuusuf oo ah dublumaasi rugcaddaa ah ayaa ku hadla dhowr luuqadood oo ay kamid yihiin Ingiriiska iyo Faransiisku, waxaana loo arkaa nin karti iyo waaya-aragnimo ku filan u leh hoggaaminta iyo hagaajinta xariirada dublumaasiyadeed. Source: goobjoog.com
  9. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika kadib doorasho adag oo la galay 7 wareeg. Wareeggii ugu dambeeyay, Maxamuud ayaa helay 33 cod, isagoo ka adkaaday musharraxii ugu weynaa ee tartanka kula jiray, Raila Odinga oo ka socday Kenya. Doorashadan ayaa ahayd mid xiiso leh, iyadoo musharraxiin dhowr ah ay ku tartamayeen xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika. Maxamuud Cali Yuusuf oo muddo dheer ku soo jiray diblomaasiyadda, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay xilkan muhiimka ah. Guusha Maxamuud ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda gobolka iyo xiriirka dalalka Afrika. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in hoggaamintiisa ay horseedi doonto isbeddelo muhiim ah oo ka dhaca qaaradda. Waxaa xusid mudan in doorashadan ay ka dhacday xilli ay jireen tartamo adag iyo loollan siyaasadeed oo xooggan, balse ugu dambeyn Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku guuleystay cod aqlabiyad leh. Source: goobjoog.com
  10. Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka socata doorashada guddoomiyaha Midowga Afrika, oo ay hadda isugu soo hareen ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Jabuuti. Doorashada oo hadda gashay wareeggii 6-aad ayaa waxaa hoggaaminaya maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo haysta 26 cod, halka Raila odinga uu haysto 22 cod. Doorashada oo ah mid aad u adag ayaa la filayaa in dhowaan la soo gabagabeeyo, waxaana la saadaalinayaa in danjire Maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jabuuti uu xilka ku guulaysan doono, haddii aan wax is badelin. Jaan-goynta guusha ayaa ah in murashaxu uu helo seddax meelood laba meel codadka doorashada, taas oo aanu Maxamuud Cali Yuusuf weli xaqiijin, balse horreyntiisa ayaa saadaal weyn ka bixinaysa si ay natiijada ugu dambeysaahi noqan doonto. Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xoojinta midnimada iyo wadajirka Afrika, waxayna uga mahadcelinaysaa Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hawlgallada xasilinta. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka, Mudane Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si deg deg ah uga jawaabay tallaabadi ay maanta qaaday Maxkamadda Gobolka Banaadir oo isaga ku eedeysay dambiyo culus. Maxkamadda oo goor sii horreysay soo saartay warqad ayaa u yeertay Hanti-dhowraha, waxayna ku eedeysay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. “Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”. Axmed Ciise Guutaale oo soo jawaabay ayaa isaguna eedo culus u jeediyay Maxkamadaha dalka oo ay xittaa ku jirto Maxkamadda Sare, wuxuuna tilmaamay in gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka uu is-hortaag ku sameeyey baarista u hoggaansanaanta sharciga, gaar ahaan warbixinta sanadlaha ah ee xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka. Sidoo wuxuu ku eedeeyay in Maxkamaddu ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo. Hanti-dhowraha ayaa sidoo kale xusay in 2023-kii uu fal-dambiyeed lunsi hanti dadweyne ah iyo musuq maaliyadeed uu ka dhacay Maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Maxkamadda degmada Waabari ay sanadkii 2024-kii furatay koonto ka baxsan qasanadda mideysan ee dowlada, taas soo lagu qabtay lacag dhan 21,922.26, kana baxsan dakhlida adeegga kasoo xarooda.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si faahfaahsan uga hadashay booqashadii uu dhowaan madaxweynaha maamulkaasi, Cabdiraxmaan Cirro, ku tegay dalka Imaaraadka Carabta. Somaliland ayaa si weyn oo mug leh ugu mahadcelisay dowladda Imaaraadka, oo ay tilmaantay in soo dhoweyn diirran ay u samaysay madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Waxa ay intaa ku dartay in arrintani ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo sida ay uga go’an tahay inay iskaashi la sameyso beesha caalamka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale xustay in natiijo wanaagsan laga soo hooyay socdaalkaasi, isla markaana la gaaray guulo la taaban karo. “Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Mahadcelintan ayaa timid kadib markii dowladda Imaaraadka Isu Tegga Carabta ay ‘Dal ama Jamhuuriyad’ ugu yeertay maamulka Somaliland, iyadoo weli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida iyo qarannimada dhuleed ee Soomaaliya. Imaaraadka, oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, isaga oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay si weyn ugu mahadnaqday dowladda Imaaraadka Carabta soo dhaweynta ay u muujisay madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalkaasi. Warsaxaafadeedkan, oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu ka qayb galay Shirka Dowladaha Adduunka, isaga oo madaxda caalamka, maalgashadayaasha, iyo siyaasiyiinta jaangooya kala qayb galay horumarinta ajandayaasha diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland. Wadahadallada uu madaxda adduunka la yeeshay Madaxweyne Cirro ayaa iftiimiyay doorka istaraatiijiyadeed ee Somaliland iyo xidhiidhka ay la leedahay Imaaraadka Carabta, oo ah dal saaxiib ganacsi la ah Somaliland isla markaana kaalin weyn ka qaata ammaanka Geeska Afrika. War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro intii uu booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta Imaaraadka, madaxda xarunta ganacsiga, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka, iyo madaxda sare ee DP World, oo uu kala hadlay sidii loo kobcin lahaa ganacsiga, maalgashiga, iyo iskaashiga dhaqaale. Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay warbaahinta waaweyn ee caalamka, taasoo sii xoojisay himilada Somaliland ee dhinaca aqoonsi raadinta iyo kobcinta dhaqaalaha. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in soo dhawaynta diirran ee ay Dubai u samaysay madaxweynaha ay ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka, iyo inay ka go’an tahay inay iskaashi la samayso caalamka. “Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dabagal ku samaysa, oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahaasi, isla markaana sameeya istaraatiijiyad la raaco,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an kobcinta maalgashiga, xoojinta xidhiidhka labada dal, iyo horumarinta kobaca dhaqaale ee mustaqbalka fog. Waxaanu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa ku bogaadinaynaa sida ay uga qayb-gelayaan masraxa caalamiga ah, waxaana aanu mar kale xaqiijinaynaa dedaalka aanu ugu jirno sidii Somaliland ku heli lahayd maqaam caalami ah.”
  14. Mogadishu (HOL) – Djibouti's Foreign Minister Mohamoud Ali Youssouf has been elected as the African Union Commission (AUC) chairperson after securing the required 33 votes in a highly contested election on Saturday in Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka Meertada 38-aad ee shirka Madaxda Dowladaha iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Midowga Afrika, oo ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxda ayaa ku howllan doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo dowladda Federaalka ay ka qaadanayso doorkeeda ku aaddan isbeddelka hoggaanka Midowga iyo sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa hannaanka shaqo ee Hay’adaha Midwoga Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay Shirka Nabadda iyo Amniga Afrika oo lagu qiimeynayey caqabadaha iyo guulaha laga gaaray hawlgallada nabad-ilaalinta ee ka socda qaaradda Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Midowga Afrika ee xal u helidda caqabadaha kajira Qaaradda si looga wadashaqeeyo horumarka iyo xasilloonida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb-galay Shirka dalalka Midowga Afrika oo Itoobiya ka furmay appeared first on Puntland Post.
  16. Somaliland is moving closer to international recognition as Africa’s 55th sovereign nation. After three decades of effective self-governance, this (re)recognition would acknowledge both the will of its people and its significant potential in global trade. A proposed trade route through Somaliland could transform global commerce. This new corridor would create a path from India through Somaliland, Ethiopia, South Sudan, Chad, and Eastern Libya. The route would offer faster shipping times to Europe while providing an alternative to the Suez Canal, ultimately strengthening economic ties between Africa and Asia. Somaliland has built a stable foundation while neighboring Somalia faces ongoing challenges. Where Somalia struggles, Somaliland has achieved remarkable success in establishing functioning democratic institutions and holding regular free elections. The nation has protected human rights, including women’s participation in governance, and accomplished this development without relying on major foreign aid. The country’s commitment to security and stability stands out in the region. Somaliland has maintained internal security and successfully countered extremist threats, creating a safe environment that attracts business and investment. This success demonstrates how an African state can thrive through democratic governance, economic self-reliance, and dedication to regional stability. The international community now faces a clear choice between supporting Somaliland’s proven model of stability and democracy or maintaining the status quo in a strategically important region. Somaliland’s achievements show that sustainable development and democratic governance are possible even in a challenging regional context. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan adeegga xajka ee sanadkan. Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan koox tuugo ah oo ka dhex faa’iideysanaya wasaaradda iyo xujeyda, wuxuuna tilmaamay in sanadkii lasoo dhaafay ay arkeen dad adeegsanayo magaca wasaaradda, isla markaana lacago ka qaatay xujey badan oo Soomaaliyeed. “Waxaan aragnay sanadkii hore kooxo tuugo ah oo raba inay magaca wasaaradda isticmaalaan ku qarabaanayo oo dadkii dhahayo Viso iib ah ayaan haynaa wasaaradda ayaana nahay” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya. Roobow ayaa xusay in mid kamid ah dadkaasi dhacay xujeyda uu ku jiray mas’uu ka tirsanaa wasaaradda oo uu tilmaamay inuu dhacay 42 kun oo dollar, kadibna uu aaday Mareykanka. ”Nin wasaaraddan ka tirsanaa shaqadaas cid u dirsatayna aan la arag baa dad ay is yaqaaneen inta uu u tegay ku yiri fiisooyin la iibinayo ayaan hayaa ee keena lacag, isaga oo ka aruursaday 42 kun oo dollar kadibna wuxuu u galay Mareykanka” ayuu sii raaciyay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli kiiskaasi uu taagan yahay, ninkaasina ay dacwad ka geeyeen maxkamad, isla markaana ay ku daba joogto dowladda Soomaaliyeed. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hadalkiisa sii wat ayaa digniin culus u diray dadka xujeyda ka qaadaya lacagaha ka baxsan jaangoynta adeegga xajka, wuxuuna shaaca ka qaaday in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan, si loola xisaabtamo. “Taas oo kale hadda ma jirto Viso ay leedahay dowladda oo la iibinayo haba yaraatee ma jirto mana dhaceyso, waxaan rabnaa dadkaas tuugada ah in aysan idin sirin” ayuu yiri.
  18. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kusimaha Safiirka Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya Ketema Haile Minuta. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan Baarlamaanada labada dal, Waxaana Kusimaha Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada Wadan. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kusimaha safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka Baarlamaanada labada dal. Source: goobjoog.com
  19. Luuq (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa maanta soo bandhigtay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo usoo gacan-galay taliska NISA ee degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo. Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa hay’addu waxa ay magaciisa ku sheegtay Abuukar Aadan Buulle, kaas oo laga qaaday wareysi ay baahisay warbaahinta dowladda. Abuukar ayaa sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2015-kii, kadib markii ay ku tashkiiliyeen qaar kamid ah saaxibadiisa oo weli ka tirsan maleeshiyaadka kooxda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu tababar ku qaaday tuulada Wargaduudo, uuna ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Waxaa kale oo uu wareysiga ku sheegay in uu soo noqday taliyihii amniga ee deegaanka Ceel Cadde, balse kadib loo bedalay qaybta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Fursaanta. “Tababarka waxaa kusoo qaaday meel la yiraahdo Wargaduudo, kadib Ceel Cadde ayaa ka shaqeynayay muddo 3 sanno ah, sidoo kale waxaa muddo soo joogay taliyaha amniga ee Ceel Cadde” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday Horjooge Abuukar Aadan Buulle. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu isagu go’aansaday inuu isaga soo baxo Al-Shabaab, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii kale oo uu ugu baaqay inay ka faa’ideystaan cafiska ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fudisay xubnaha isa soo dhiibaya. Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay culeyska ay wajaheyso kooxda oo ay dagaal culus ku qaaday dowladda dhexe oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale oo loo haysto dambi culus, sida lagu sheegay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Cali Maxamuud. Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay madax-banaanida garsoorka dalka, sida lagu caddeeyay bayaanka. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay kamid yihiin fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga waydiiyo eedeymaha loo haysto. “Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Haddii aan ku horimaan wayso Maxkamadda mudada ay kuu qabatay waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan”. Go’aankan ayaa durbo dhaliyay hadal-heyn xooggan, wuxuuna bannaanka usoo saaray khilaaf cusub oo ka dhexeeya Hanti-dhowrka Qaranka iyo bahda garsoorka dalka. Horay labada xafiis ayaa u qaaday tallaabooyin isla xisaabtan ah oo lagu soo xiray mas’uuliyiin dowladeed oo qaarkood lagu helay musuq-maasuq, laakiin hadda waxa ay ka dhex-tafatay saddexda xafiis ee kala ah, Hanto-dhowrka, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa hada soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargaysa. Madaxweynaha oo ka soo laabtay dalka Imaaraadka oo uu kaga soo qayb galay shir caalami ah oo soo jiitay caalamka oo dhan. La soco warka oo faah faahsan Qaran News
  22. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar maxkamadeed oo ka dhan ah Axmed Ciise Guutaale, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, iyada oo ku eedeysay inuu hor-istaagay fulinta go’aammo maxkamadeed. Sida ku cad qoraal rasmi ah oo ay maxkamaddu dirtay, Axmed Ciise Guutaale ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay faragelin sharci-darro ah oo saameyn ku yeelatay go’aamada maxkamadaha. Waxaa lagu wargeliyay inuu hortago Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda, 16-ka Febraayo 2025, saacadda 10:00 subaxnimo, si wax looga weydiiyo eedaha loo soo jeediyay. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, ayaa faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in amarkan la dhaqan geliyo, islamarkaana la hubiyo in Axmed Ciise Guutaale uu hortago maxkamadda waqtiga loogu qabtay. Waxaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay khilaafka u dhexeeya qaar ka mid ah hay,addaha dowladda Soomaaliya ka dib markii xafiiska hanti dhowrka uu bilaabay baaritaano. Source: goobjoog.com
  23. Buuraha Calmiskaad Dagaallamayaasha Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya buuraha Calmiskaad ayaa sida wararku sheegayaan firxad bilaabay kaddib markii khasaare ba’an ku gaaray dagaalkii u danbeeyay ee todobaadkii hore. Ilo amni oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee u danbeeyay magaalada Boosaaso lagu qabtay dagaallamayaal ka tirsan ISIS oo ka soo firxaday dagaalkii u danbeeyay kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo ka muuqdaan. Ciidamada Ammaanka Puntland oo kaashanaya shacabka ayaa magaalada Boosaaso ka qabtay ilaa lix xubnood oo kamid ahaa dagaallamayaasha Daacish oo soo firxaday kaddib dagaalkii u danbeeyay oo ay si ba’an ugu jabeen mileeshiyaadka kooxdaasi oo ajaanib u badan. Saraakiisha laamaha Ammaanka Boosaaso ayaa sheegaya in weli su’aalo iyo baaritaan lagu hayo firxadka dagaallamayaasha ISIS ee lagu qabtay Boosaaso halka qaar kale oo xogtooda la helayna ciidamadu ku raad-joogaan. PUNTLAND POST The post Dagaallamayaasha Daacish oo firxad bilaabay kaddib dagaalkii u danbeeyay ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  24. Niarobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan culus oo la xiriira Soomaaliya, gaar ahaan qaadka Miirooga ee maalin walbo usoo dhoofiso dalka. Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay laba jibaartay qiimaha la’iibiyo qaadka Miirooga oo suuqiisa ugu wayn uu yahay Soomaaliya, maadaama diyaaradaha u badan loo soo duubulo. Sababta ugu wayn ee loo kordhiyay qiimaha qaadka ayaa waxaa lagu sheegay in haatan dib u qiimeyn lagu sameeyay Miirooga, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Kenya. Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dhowaan la gaaray heshiiskan cusub, isla markaana uu dhaqan-galayo sida uu ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in go’aankan uu dhaqan-galay isla maanta, waxaana faa’iidada ugu badan heleyso dowladda Kenya oo qaadkeeda keento dalka. “Qiimayaashan waxay dhaqan-galayaan isla markiiba,” taas oo ka dhigan in qiimaha cusub uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay uu hakad ku jiray qaadka laga keeno Kenya, kaas oo si weyn looga dareemay suuqyada lagu iibiyo Muqdisho, waxaana go’aanka hadda soo baxay uu sii kordhayaa saameynta qaadka ee Soomaaliya.