-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac uu maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. “Guddoomiyaha oo booqasho shaqo ku yimid dalka ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Mudane Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya waxaana dowladdu sheegtay in uu Kulamo la yeelan doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamse. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shan qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay galabinamadii Sabtida, meel ku dhow 24 kiiloomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA). Diyaaradda dhacday oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, islamarkaana lahayd summadda diiwaangelinta 5Y-RBA, waxaa lahayd shirkadda duulimaadyada ee Trident Aviation Ltd. Waxay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Dhoobley (HCDB) oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, waxayna kusii jeedday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (HCMM) ee magaalada Muqdisho. Shilku wuxuu dhacay qiyaastii 5:43 galabnimo xilliga maxalliga ah. War hordhac ah oo kasoo baxay SCAA ayaa xaqiijiyay in dhammaan shantii qof ee diyaaradda saarnaa ay geeriyoodeen. Hay’adda ma aysan sheegin dhalashada shanta qof, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in ay ahaayeen Kenyan. Hay’adaha dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya ayaa durba billaabay howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta goobta shilka. Waxaa sidoo kale socda baaritaan hordhac ah si loo ogaado sababta shilka keentay. Diyaaradda DHC-5 Buffalo ayaa inta badan loo isticmaalaa howlaha gaadiidka iyo gargaarka bani’aadamnimo, gaar ahaan goobaha fogfog iyo deegaanada ay adag tahay in lagu safro. Waxaa caan ka dhigay awoodeeda inay ka duusho ama ku degto garoomada yaryar, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon xaaladaha adag ee Soomaaliya. Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika. Garoonka Dhoobley oo ku dhow xadka Kenya ayaa isna inta badan qaabbila duulimaadyada la xiriira howlaha gargaarka caalamiga ah. War rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu gaartay, waxaana lagu yiri: “Waxaan la qaybsanaynaa murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ay masiibadu haleeshay.” Ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin. Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah marka ay mas’uuliyiintu soo gebagebeeyaan baaritaannada socda.
-
Mogadishu (HOL) – Top leaders of the Al-Shabaab militant group have begun fleeing from their longtime stronghold of Jilib in the Middle Jubba region following a series of intensified airstrikes by Somali government forces and international partners, military officials said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay qorshaha dagaal ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu haatan ugu sugan yahay furimaha gobolka Shabeellaha Dhexe. Fahad ayaa marka hore bogaadiyay dadaalka iyo garab galka uu madaxweynaha Soomaaliya siinayo labada maamul ee HirShabelle iyo Galmudug, isagoo dhinaca kale dhaliilay qorshaha dagaalka loogu soo koobay labadan deegaan. “Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter). Fahad ayaa sheegay in madaxweynaha loo dhaariyay inuu gaashaan u noqdo guud ahaan dalka, ayna sidaas darteed waajib tahay inuu usoo jeesto dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad; Madaxweynaha Jamhuuriyada waan ku boogaadinaynaa dadaalka iyo garab galka joogtada ah ee uu siinayao labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, isagoo furimaha dagaalka naftiisa gaynaya. Waxaanse Madaxweynaha xusuusinayaa, xilka loo dhaariyey wuxuu farayaa inuu garab iyo gaashaan u noqdo dalka oo idil. Sidaas awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inuu usoo jeesta dhanka Koonfur Galbeed iyo Puntland. Madaxweynaha hal mar hana tuso isagoo si isku mid ah uga hortagaya argagixisada dhibta ku haya meelo kala duwan oo dalka kamid ah. Fadlan soo booqo furimaha kala duwan ee Jamhuuriyada, saxna maahan in qorshaha dagaalka lagu soo koobo laba deegaan oo kaliya muddo ku dhaw saddex sano.
-
Trump revokes legal status for 530,000 immigrants in the US
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
United States President Donald Trump’s administration will revoke the temporary legal status of 530,000 people including Cubans, Haitians, Nicaraguans and Venezuelans in the United States, according to a Federal Register notice. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo loo guurayo, isla markaana ku aadan dhismaha maamullada degmooyinka gobolka Banaadir. Amiir ayaa shaaca a qaaday in haatan wixii ka dambeeya uu meesha ka saarayo in la qabiileeyo maamullada degmooyinka, wuxuuna tilmaamay in qofka lasoo magcaabayo la’eegi doono shaqadiisa iyo waxa uu qaban karo, si looga gudbo nidaamka qabaa’ilka. “Degmooyinkan la qabiileystay ma shaqeyn karto reer hebel ayaa degmadaan leh masii jiri doonto. Shan qof oo walaalo ah hadday shaqeynayaan kuwaas ayaan qaadanayaa ” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu shuruud ku xiray in guddoomiye kasta laga rabo inuu aad u yaqaano degmadiisa, maadaama ay saaran tahay mas’uuliyad wayn, taasina lagula xisaabtami doono. “Qof dool ah oo aan aqoon degmadiisa xil looma dhiibayo, guddoomiyeyaasha degmooyinka haddii aysan aqoon mas’uuliyadooda xilka waa laga qaadayaa” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa idinka rabaa qof weliba degmada aad mas’uulka ka tahay in aad ka war qabtid dadka adiga ayaa ka mas’uul ah yaan la dhibin”. Dhinaca kale hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ee la xiriira in laga guurayo nidaamla 4.5 ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa dhaliyay hadal-heyn xoogan iyo fal-celin, waxayna dadka su’aallo ka keeneen arrintan, maadaama isaguba metalaad qabiil uu ku yimid kursiga, laguna soo magacaabay. Axmed Cumar Daacad: “Asagaaba qabiil ku yimid! One man one vote ha la aado si gudoomiyaal sax ah loo helo”. Cabdulqaadir Maxamuud Jeelle: “Wuu saxan yahay qofkii qabiil inuu guddoomiye degmo ku helo rabo gobolkiisa ha ulaabto halkan waa caasimada dalka. Saajid Axmed: “Wuu iska hadlay sida ay wax uga socdan gobolka wax kama beddali karo asigaba magac qabiil buuku yimid meesha”. Ifraax Cabdulle: “Waa saxan yahay qofkii qabiil xiiso kuhaayo tuuladiisa oday dhaqameed haka naqdo”.
-
Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha maamulka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka billowday magaalada Tel Aviv, waxaana laga digayaa in xaaladdu ay faraha ka baxdo oo dibadbaxyadu ay kacdoonno hubaysan isku badelaan. Dibad-baxayaashu waxay sheegeen in Netanyahu uu meesha ka saaray heshiiskii Qasa, isla markaana uu burburiyay kooxihii wada xaajoodka waday, asagoo sidoo kale xilka ka qaaday madixii amniga guud ee Israa’iil. Dibadbaxayaasha oo kumanaan kun gaaraya ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee xarunta wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil ee magaalada Tel Aviv, ayagoo ka caraysan go’aankii xilka looga qaaday madaxa hay’adda Shin Bet, asagoo sidoo kale dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qasa iyo in la soo celiyo maxaabiista Israa’iil ee ku jirta gacanta Xamaas. Maamulka Netanyahu ayaa wajahaya culaysyo badan oo gudaha ah, ayadoo ay muuqato in dadku aanay la dhacsanayn sida uu wax ku wado, dagaalka marinka Qasa wax natiijo ah aanu ka gaarin markii laga reebo Xasuuqa rayidka falastiiniyiinta. Source: goobjoog.com
-
Sawirka kore waa hooyo reer Berbera ah oo shalay u soo baxday in ay soo dhawayso madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Hoiyada iyo ilmaheeda yari waxa uu noqday sawir soo jiitay caalamka oo dhan waana sawirka aanu u xulanay in uu yahay sawirka todobaadka. Qaran News
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay dileen in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Fano, oo horey ula safnayd dowladda dagaalkii ka dhanka ahaa fallaagada TPLF ee gobolka Tigray, kaddib laba maalmood oo ay dagaallo ka socdeen gobolka waqooyi ee Amxaarada. War-saxaafadeed ay ciidamada soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada Fano ay weerarro ka fuliyeen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Amxaarada, balse ay ciidamada “baabi’iyeen” intii lagu guda jiray dagaalladaas. Taliska milatariga ayaa sheegay in 317 dagaalyahan oo Fano ah la dilay, halka 125 kalena la dhaawacay. Si kastaba, Abebe Fantahun, afhayeenka Fano ee Wollo Bete-Amxaaro, ayaa si cad u diiday tirada ay sheegtay dowladda, wuxuuna u sheegay wakaaladda Reuters in ciidamada aysan dilin xitaa 30 ka mid ah dagaalyahanadooda. Dhanka kale, Yohannes Nigusu, afhayeenka Fano ee gobolka Gondar, ayaa sheegay in 602 askari oo ka tirsan ciidamada federaalka lagu dilay dagaalka, 430 kalena lagu dhaawacay, halka 98 askarina la qabtay, isla markaana laga furtay hub. Xulafe hore oo kala irdhoobay Kooxda Fano waxay horey uga dhinac dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea intii uu socday dagaalkii laba sano qaatay ee lagula jiray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), taasoo gacanta ku haysa gobolka waqooyi ee Tigray. Tan iyo markaas, xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa xumaaday, iyadoo Eritrea laga saaray wadahadalladii lagu soo afjaray dagaalka bishii Nofeembar 2022. Dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo Fano ayaa dib u qarxay bishii Luulyo 2023, kaddib markii ay dadka gobolka Amxaarada dareemeen in lagu khiyaamay qodobbadii heshiiskii nabadeed ee 2022. Sannadkii hore, TPLF ayaa u kala jabtay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Debretsion Gebremichael iyo Getachew Reda, kuwaasoo mid walba sheeganaya inuu yahay hoggaamiyaha rasmiga ah ee xisbiga. Warbixintii ciidanka ee Jimcihii ayaa eedeyn u jeedisay Jeneraalka sare ee milatariga, Migbey Haile, oo lagu tilmaamay inuu ka tirsan yahay garabka Debretsion, iyadoo lagu tuhunsan yahay inuu taageeray weerarrada Fano ee gobolka Amxaarada. “Jeneraal Migbey Haile waa shaqsi kasoo horjeeda nabadda iyo horumarka, wuxuuna horey shacabka Tigreega ugu riday dagaallo isagoo aan lahayn aqoon ciidan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Si kastaba ha ahaatee, Abebe ayaa u sheegay Reuters in arrintaasi ay tahay “been cad”, isagoo ku adkeystay in Jeneraalka uusan wax xiriir ah la lahayn kooxda Fano. ‘Ciidan xadgudub sameynaya’ Cabsi laga qabo dagaal hor leh ayaa isa soo tarayay toddobaadyadii la soo dhaafay, kaddib markii Eritrea lagu warramay inay ku dhawaaqday isugu yeerid ciidan qaran, halka Itoobiya ay ciidamo u daabushay xadka labada dal. Dhinaca kale, hay’adda Human Rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal intii uu socday dagaalka ay kula jiraan kooxda Fano. Sannadkii hore, Human Rights Watch ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo Itoobiyaan ah ay toogasho ku dileen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Merawi ee gobolka waqooyi-galbeed ee Amxaarada. “La dagaallanka ciidamada Itoobiya ay kula jiraan rayidka gobolka Amxaarada waxay meesha ka saaraysaa sheegashada dowladda ee ah in ay doonayso inay sharci iyo kala dambeyn kusoo celiso gobolka,” ayay tiri Laetitia Bader, ku-xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch. “Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kooxda Fano, shacabka ayaa mar kale noqday kuwa ugu badan ee dhibbanayaal u noqda ciidan si xadgudub ah u dhaqmaya, iyadoo aan laga cabsi qabin ciqaab,” ayay sii raacisay.
-
Faysal Shiikh Cali Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa ka horyimid go’aanka hay’adda u qaabilsan dowladda Soomaaliya diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA, kaasi oo ku saabsan in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban ay hay’addaasi u diiwawangelisay kuwa ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug. Guddoomiye Faysal Shiikh Cali oo si adag cambaareeyay tallaabadaasi ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay degaannada gobolka Mudug ka hurinayso colaad ka dhex dhacda labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, kaddib markii ay degmooyin ka tirsan Puntland si qaldan ugu dartay dhinaca Galmudug, waxaana uu ka digay in aysan marna aqbali doonin in colaad iyo isku dhacyo hubaysan laga abaabulo gobolka Mudug. “Maamulka gobolka Mudug wuxuu si cad u cambaaraynayaa go’aanka sharci darrada ah ee ay qaaday hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga DFS ee NIRA, kaasi oo degmooyinka Galdogob iyo Jarriibam ee Puntland uu gebi ahaanba ugu daray maamulka Galmudug.Tallaabooyinkaan soo noqnoqday waa kuwo ka hor imaanaya dastuurka dalka, waxaana u aragnaa fal khatar gelinaya nabadda, wadajirka, darisnimada iyo xasiloonida bulshada ku dhaqan deegaanada Gobolka Mudug ee labada maamul.” “Qoraalkaan oo aan helnay waxa uu salka ku hayaa xaqiraad lagula kacayo dad iyo degaan ka tirsan Puntland, waxaana si buuxda halkaan uga cadaynaynaa in degmooyinka Jariiban, Goldogob iyo Gaalkacyo oo iyada lawadadagan yahay ay yihiin degmooyin ka tirsan Maamulka Puntland ee Soomaaliya. Ma aha wax la aqbali karo in mar walba la maqlo qoraalo caynkaas ah oo salka ku haya dano siyaasadeed iyo xaqiraad joogta” ayuu yiri guddoomiye Faysal Shiikh Cali. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee NIRA in ay waantoobaan go’aankaasi ku saabsan in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban lagu daro Galmudug, isla markaana ay ixtiraamaan Jiritaanka dowladda Puntland iyo xuduudaheeda dastuuriga ah. PUNTLAND POST The post Puntland oo Villa Somalia ku eedaysay in ay Galdogob iyo Jarriiban ku dartay Galmudug si ay colaad uga abaabusho labada dhinac appeared first on Puntland Post.
-
XAALADDII XAMAR WAY ADKAATAY REER PUNTLANDNA SHIR DEGDEG AH AYUU CABDI WELI GAAS OO AHAAN JIRAY RAYSAL WASAARE UGU QABTAY MANASOTA USA. Xaaladdii Muqdisho way sii adkaatay Xasan Shiikh wuxuu ku maqanyay CADALE si uu u dhiirri geliyo ciidanka difaaca Muqdisho. Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi ayaa isaguna abaabul iyo guubaabo ka wada Muqdisho gudaheeda sidii laysaga celin lahaa khawaariijta Shabaabka. Waxa dhinac socda shir degdeg ah oo ay reer puntland ku qabsadeen maanasoto USA kaas oo lagu lafo guray saamaynta ay ku yeelanayaan reer Puntland burburka ku soo wajahan Muqdisho. Cabdiweli Gaas hadal in yar laga sii daayay oo uu ku canbaaraynayay dawladda Ingiriiska ayaa waxay ilo xogogaal ahi sheegeen inuu ahaa hadal laysku guubaabiyay in dadka Hartiga Somaliland tacab badan oo dhaqso ah la geliyo si aan loo aqoonsan Somaliland. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia – Five people were killed after an aircraft crashed on Saturday afternoon approximately 24 kilometers southwest of Somalia’s capital, Mogadishu, according to the Somali Civil Aviation Authority (SCAA). The crashed plane, a DHC-5D Buffalo aircraft with registration 5Y-RBA, was operated by Trident Aviation Ltd. It was traveling from Dhobley Airport (HCDB) in southern Somalia to Aden Abdulle International Airport (HCMM) in Mogadishu. The crash occurred around 5:43 PM local time. Preliminary information provided by the SCAA confirms five people were on board, none of whom survived. Local government agencies, emergency services, and partners are already conducting search and rescue operations at the crash site and have begun preliminary investigations to determine the cause of the crash. The DHC-5 Buffalo aircraft is typically used for transport and humanitarian aid missions in challenging environments and is known for its short take-off and landing capabilities, which make it suited for operations in Somalia’s remote regions. Aden Abdulle International Airport is Somalia’s busiest airport and serves as a key hub for humanitarian and diplomatic missions in the Horn of Africa. Dhobley Airport, located near the Kenyan border, frequently supports flights connected to international humanitarian efforts. In their official statement, the Somali Civil Aviation Authority expressed condolences: “Our thoughts are with the families and loved ones of those affected.” Further updates are expected as authorities continue their investigation into the tragic incident.
-
Hoggaamiyayaasha mucaaridka Israa’iil ayaa billaabay inay ka digaan dagaal sokeeye oo ka dhici kara gudaha Israa’iil, kaddib markii Netanyahu uu si lama filaan ah xilka uga qaaday madaxii hay’adda amniga guud ee Israa’iil oo loogu yeero Shin Bet , Ronen Bar, balse xil ka qaadista waxaa diidday maxkamadda sare ee Israa’iil. Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in uusan sii shaqeyn karin ,Ronen Bar oo wax dagaal sokeeya ah uusan ka dhici karin gudaha Israa’iil, waxaa kaloo uu tilmaamay inuu daahqaadi doono xaqiiqooyin dadka ka yaabin doona oo uu ku lug leeyahay madaxa hay’adda amniga guud , Ronen Bar! Laakin taa dhinaceeda xubno hore oo ka tirsan sirdoonka iyo hay’adaha amniga Israa’iil ayaa dhankooda ku hanjabay inay bannaanka soo dhigi doonaan siro badan oo ku saabsan Netanyahu , haddii uu ku dhaqaaqo inuu soo bandhigo ceebaha , Ronen Bar . Netanyahu ayaa la sheegay in uu xil ka qaadista sameeyay , kaddib markii uu ogaaday hay’adda Shin Bet, in ay baaritaan gaar ah ku sameyn doonto oo ay ku jirto lacag uu horey dawladda Qatar uga helay Netanyahu , oo la baarayo ujeeddada lacagta iyo sida Netanyahu ay ku soo gaartay! Tan labaad waa in uu diyaarinayo Netanyahu , sidii hay’adan oo ah midda ugu awoodda badan amniga Israa’iil madax uga dhigi lahaa shaqsiyaad taabacsan oo fulin kara qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Qasa iyo burburinta xerada Jenin ee waqooyiga Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta la heysto. PUNTLAND POST The post Netanyahu oo laga digayo in uu dagaal sokeeye ka rido gudaha Israa’iil kaddib xilka qaadis deg deg ah oo uu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta xaqiijisay in diyaarad nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, diiwaangelinteeduna ahayd 5Y-RBA, ay ku burburtay meel qiyaastii 24km u jirta koonfur-galbeed Muqdisho. War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay SCAA ayaa lagu sheegay in shilku dhacay 14:43Z (5:43 galabnimo xilliga Muqdisho), iyadoo diyaaradda ay saarnaayeen shan qof, dhammaantoodna ay geeriyoodeen. Duullimaadka ayaa ka yimid Dhobley (HCDB), isaga oo kusii jeeday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde (HCMM). Diyaaradda ayaa waxaa maamuleysay shirkadda Trident Aviation Ltd, halka hay’adaha dowladda iyo la-hawlgalayaasheeda ay durba ka howlgaleen goobta shilka si ay u fuliyaan hawlaha baaritaanka iyo samatabbixinta. Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday shilka, iyagoo ballan qaaday in ay si dhow ula socon doonaan wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa baaritaanka shilkan. Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya goobta shilka ayaa xaqiijinaya in shan qof oo saarnaa diyaarad burburtay ay dhammaantood ku geeriyoodeen shilkaas. Diyaaraddan, oo markii hore la sheegay in ay saarnaayeen afar qof, ayaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay watey shan ruux, kuwaas oo dhammaantood u dhashay dalka Kenya. Ciidamada gurmadka ayaa durbadiiba u gurmaday goobta shilka, iyaga oo dadaal dheer kadib maydadka ka soo saaray burburka diyaaradda. Waxaa la sheegay in meydadka la geeyay magaalada Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, kahor inta aan loo gudbin dalkooda hooyo. Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay shilka, balse hay’adaha amniga iyo kuwa duulista hawada ayaa wada baaritaan si ay u caddeeyaan wixii sababay musiibadan naxdinta leh. Source: goobjoog.com
-
Burco (Caasimada Online) – Weriye hore Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo waayihii dambe ahaa samafale caawiya dadka danyarta ah, ayaa laga shaki qabaa inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab, kaddib markii uu shaaciyey inuu isaga tegay magaaladii uu ku noolaa ee Burco. Coldoon ayaa sheegay inuu ogaaday in la doonayo in la xiro, isla markaana uu magaalada ka baxay xalay saqdii dhexe. Arrinta shakiga badan abuurtay ee qoraalkiisa ku jirtay waxay ahayd inuu sheegay inuu tegay “goob uu ku dareemayo ammaan.” Qoraalka Cabdimaalik Coldoon oo aad u kooban ayaa u dhignaa sidan: “Waan ka tagey Burco. Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco, kaddib markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xiro. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan.” Dadka aragtidooda ka dhiibtay qoraalka Coldoon ayaa weydiinaya halka uu aaday, iyagoo si cad u dhahaya: “Ma Jilib baa aaday?” Cabdimaalik ayaa marar badan bartiisa Facebook ku soo qoray hadallo muujinaya xagjirnimo iyo inuu la dhacsan yahay dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Al-Shabaab. Wuxuu horey si cad u sheegay in ciidamada iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Khawaarijta ay yihiin “gaalo raac”, islamarkaana askarigii ay Shabaab dilaan aan loogu yeeri karin “shahiid.” Coldoon ayaa la sheegay inuu saaxiib dhow la ahaa abwaan Nageeye, oo Shabaab aaday sanad iyo dhowr bilood ka hor. Waxaa sidoo kale jira shaki laga qabo inay lasoo xiriirayaan Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab, sida Aadan Sunni oo ay Coldoon is yaqaaneen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii dhowaan ay Ciidamada Qalabka Sida ka fuliyeen degmada Jilib ayaa sheegaya in jahwareer xooggan uu soo wajahay horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee halkaasi ka soo maleegi jiray waxyeelada shacabka Soomaaliyeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in horjoogeyaasha Khawaarijta ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada, iyaga iyo qoysaskooda, isla markaana ay raadinayaan goobo cusub oo ay ku dhuumaaleystaan. Maleeshiyaadka kooxda ayaa iyaguna ku dayanaya horjoogeyaasha, iyagoo dhankooda bilaabay inay ka goostaan kooxda, una baxsadaan goobo ay doonayaan inay kaga badbaadaan weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay halkaasi ka wadaan. Waxaa la rumeysan yahay in tiro horjoogeyaal ah iyo boqollaal Khawaarij ah ay ku dhinteen weerarrada Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen degmada Jilib, halka boqollaal kale oo dhaawac ah ay ku dayacan yihiin magaaladaas. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa maleeshiyaadka Khawaarijta in fursadda keliya ee ay haystaan ay tahay inay isku soo dhiibaan dowladda, isla markaana ay tusaale ka qaataan dhalinyarada la soo marin habaabiyey ee ku qabsaday Jilib, kuwaas oo boqollaal naftooda ku waayeen, qaar intaas ka badanna ay dhaawacyo halis ah soo gaareen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Qoraalka dowladda ayaa intaas kusii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celineysaa in degmada Jilib iyo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijtu yihiin bartilmaameed militari oo waqti kasta weerarro lala beegsan karo, waxaana shacabka laga codsanayaa inay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijtu joogaan.” Sidoo kale dowladda ayaa shacabka faraysa inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan firxadka horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka baxsanaya ee soo gaaraya deegaannadooda, si looga hortago in waxyeello soo gaarto shacabka marka ay Ciidamada Qalabka Sida beegsanayaan horjoogeyaasha baxsadka ah. Toddobaadkii tegay waxaa degmada Jilib ka dhacay duqeymo is daba-joog ah, waxaana la aaminsan yahay in la laayay madax iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin natiijada kama dambaysta ah ee howlgallada dhacay. Dowladda ayaa sheegtay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan.
-
Gatekeepers: From left — the incumbent Somaliland administration president Abdirahman Irro, Muse Bihi, Mohamed Kahin, former interior minister, and Saleban M. Adam, the Speaker of the Elders’ Council. Hargeisa (PP Report) — A senior journalist in Hargeisa criticised septuagenarian and octogenarian politicians of the Somaliland administration for being out of touch with the political realities of the Horn of Africa. “They pursued a quixotic secessionist war in the North, only to underscore the presence of a strong unionist constituency in what was once known as the ex-British Somaliland,” said the journalist. The Somaliland administration had been banking on strong support from Mogadishu elites, who entertained North-South dialogue as a means to isolate Puntland State of Somalia. Muse Bihi Abdi, the former President of Somaliland administration, realised that Mogadishu viewed the secessionist administration as being in a weaker position after the Goja’dde defeat. As a face-saving measure, Bihi agreed to a hastily arranged summit in Djibouti to revive past Mogadishu-Hargeisa agreements. He leveraged the clause on the “non-politicisation of aid” as a stepping stone to signing a maritime Memorandum of Understanding with Ethiopia, in an attempt to grant the landlocked country a naval base. The maritime MoU underscored Bihi’s wiliness, as he inadvertently triggered a geopolitical crisis that gave Egypt a much sought-after foothold in Somalia. Ethiopia was eventually forced to withdraw from the MoU after intense diplomatic pressure from Somalia. President Abdirahman Mohamed Abdullahi, Bihi’s successor, has treaded carefully, despite comments from his foreign minister, who implied in an interview with an Israeli radio station that the Somaliland administration would consider resettling Palestinians in the territories in North Somalia.” Unlike Mogadishu, which underwent an abrupt generational shift following the Union of Islamic Courts’ defeat of a coalition of warlords funded by the United States — paving the way for the emergence of a quasi-religious political class in 2006 — Hargeisa remains unable to disentangle itself from the grip of political leaders who worked with the pre-1991 military regime and the Somali National Movement (SNM), the former armed opposition to the regime. “The incumbent president of Somaliland was a senior diplomat in the Somali government before 1991; his predecessor was a colonel in the Somali army and later a senior member of the SNM, which he joined after defecting in the early 1980s; and the speaker of the Elders’ Council, Saleban Mohamud Adam, had served as a deputy education minister in the Somali government before joining the SNM in the late 1980s” a researcher in Hargeisa told Puntland Post. Even in Puntland State of Somalia, a discernible generational shift has taken place, with the vanguard leaders who founded Puntland being replaced by a new generation of politicians. Secessionist arguments, often based on legally indefensible claims—such as the inviolability of colonial borders under the African Union Charter—fail to hold weight when measured against the sound legal principles upon which the sovereignty of the Federal Republic of Somalia rests. “The ageing politicians of the Somaliland administration should not burden the younger generation with fatuous political commitments that undermine the political and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia” the researcher said. © Puntland Post, 2025 The post Senior Journalist Slams Ageing Politicians of Somaliland Administration appeared first on Puntland Post.
-
Berbera, a historic port city on Somaliland’s Gulf of Aden coastline, is emerging as a significant hub in the regional seafood industry. Home to some of the finest tuna stocks in the world, the city is positioning itself as a key supplier to both regional and global markets. At the forefront of this development is Somtuna Fishing Company, a subsidiary of the Dahabshil Group. Founded by entrepreneurs with deep knowledge of both Somali and international markets, the company has established itself as a leader in canned tuna production, fish processing, and seafood exports. Its operations adhere to international food safety standards, ensuring high-quality products at every stage of the value chain. Somtuna’s state-of-the-art processing facility in Berbera is equipped with modern technology to maintain premium quality and efficiency. The factory has also provided employment for hundreds of young people, boosting the local economy and supporting supply chains that include fishermen, logistics providers, and transport networks. Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia A recent sighting of Berbera Tuna Fish on supermarket shelves in Ethiopia underscores Somaliland’s growing role as a seafood supplier to its landlocked neighbor. The increasing availability of Berbera’s canned tuna in Ethiopia is a sign of deepening trade ties between the two economies, as Ethiopian consumers turn to Somaliland for high-quality seafood products. Berbera’s Role in Ethiopia’s Expanding Seafood Market Ethiopia, with a population of over 120 million, is witnessing a growing demand for seafood, driven by a shift towards protein-rich diets. For Somaliland’s fishing industry, this represents a lucrative opportunity. Somtuna is well-positioned to meet Ethiopia’s seafood needs, supplying hotels, restaurants, and households with a steady flow of high-quality fish. Berbera’s proximity to Ethiopia, coupled with efficient logistics and trade agreements, has made it a natural hub for seafood exports. As global fish consumption continues to rise, Somaliland’s fishing industry is poised for further expansion. Investment in sustainable fishing practices, modern techniques, and international trade partnerships will be crucial in strengthening Berbera’s position as a major player in the seafood market. With companies like Somtuna leading the way, Somaliland is not only catering to Ethiopia’s rising demand for fish but also carving out a place for itself on the global stage. Horn diplomat Qaran News
-
Ankara, Turkey – Somalia has firmly denied claims that external pressure from the United States influenced the recent dismissal of its Defence Minister, Abdulkadir Mohamed Nur. The Middle East Eye published a report on Tuesday suggesting Nur’s removal followed lobbying by the US military. According to the report, President Hassan Sheikh Mohamud reassigned Nur from the Defence Ministry to the Ministry of Ports on Sunday. The move allegedly stemmed from Washington’s concerns about Nur’s efforts to deepen Somalia’s cooperation with Turkey in military, energy, and aerospace fields, which might slow down US military support for Somalia’s ongoing battle against al-Shabab. Somalia-Turkey defense deal The controversy highlighted a significant naval, trade, and defense deal between Somalia and Turkey signed in February last year during Nur’s tenure. This agreement gave Turkey responsibility for protecting Somali waters, establishing a Somali navy, and assisting in exploring energy resources—an apparent reaction to Ethiopia’s naval agreement with Somaliland. The report also cited unnamed Somali officials who claimed that US military officers had repeatedly urged President Mohamud to dismiss Nur, alleging inadequate coordination with American forces and demanding access to the agreement with Turkey. In addition, recent US actions, including security alerts by the embassy in Mogadishu leading to flight cancellations, targeted airstrikes against ISIS leadership in Somalia, and cuts to funding for Somalia’s elite Danab Special Forces, were mentioned in the context of these tensions. While Ahmed Abdullahi Sheikh, a former Danab commander, reportedly supported Nur’s dismissal, Turkish officials have downplayed its impact on bilateral ties, emphasizing that their relations with Somalia remain institutionally robust. Somalia’s firm denial Responding forcefully to the allegations, Somalia’s ambassador to Turkey, Fathudin Ali Mohamed told Middle East Eye, described the claims as “baseless and offensive,” asserting Somalia’s sovereign right to make independent government decisions. In an emailed statement, Ambassador Mohamed said, “The insinuation that the United States dictated the dismissal of former Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur due to his ties with Turkey is not only baseless but also a grave affront to Somalia’s autonomy.” He further highlighted that viewing Somalia-Turkey relations through the lens of a single individual’s role was overly simplistic, undermining the deeper strategic partnership between the two nations. “We categorically reject the narrative that Somalia’s cabinet decisions are subject to foreign pressure. Such claims undermine credibility and distort the reality of our governance,” he stated, emphasizing that leadership changes in Somalia are guided solely by national interests and development priorities. The US government has yet to comment on these developments.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad xamuul ah oo ay saarnaayeen ugu yaraan afar shaqaale ah ayaa ku burburtay galabnimadii maanta meel qiyaastii 13km u jirta magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo iyo saraakiil Soomaaliyeed. Diyaaradda oo ah nooca De Havilland Canada DHC-5, laguna aqoonsaday lambarka 5Y-RPA, ayaa kasoo duushay degmada Dhoobley kuna wajahneyd Muqdisho xilligii ay dhacday. Dhammaan shaqaalaha diyaaradda la socday ayaa la sheegay inay yihiin muwaadiniin Kenyan ah. Ciidamada Gaashaan ayaa loo diray goobta si loo baadi goobo wax un haraadi ah oo diyaaradaas iyo rakaabkii la socday laga ceymin karo, aagga deegaanka Jazeera ayaa la qiyaasay in diyaaradaasi ay ku dhacday. Markii laga soo tago ciidamada dowladda oo safar dhulka ah Muqdisho uga baxay si goobta ay diyaaradaasi ku dhacday ay u raadiyaan, waxaa dhanka hawada ee aaggaas wareegayo diyaarado UN-ku leeyahay, welina lama helin goobta ay diyaaradaasi ku dhacday. Goobaha looga shakisan yahay in diyaaradaasi ay ku dhacday ayaa laga waayey wax burbur ama dab ka kacay ah, maadaama ay u badan tahay in diyaaradu gubato, markii ay dhulka ku soo dhacdo. Saraakiisha qaar waxay sheegeen in loo maleynayo in gudaha badda ay ku dhacday, intii baaritaanku socday waxaa la galay habeen, welina ma quusan Ciidamada ammaanka, kooxaha badbaadada iyo quburrada UN-ka ee goobta gaaray. Masuuliyiinta ayaa sheegay in la sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda kooxaha gaaray goobta shilku ka dhacay. Ilo-wareedyo ayaa intaas ku daray in diyaaradda ay dhibaato farsamo la kulantay subaxnimadii Sabtida iyadoo ku sugnayd Dhoobley, hase yeeshee ciladdaasi la sheegay in la xaliyay ka hor inta aysan duulin. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa iyadoo baaritaannadu ay socdaan.