-
Content Count
211,244 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay howl-gal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose. Howl-galkan oo ay fuliyeen ururada 175-aad ee guutada 17-aad Gorgor iyo 146-aad ee guutada 14-ka October waxaa si gaar ah looga fuliyay tuulada Gumeysidiid oo kooxdu ku laheyd bar-koontarool, islamarkaana ay ku xayirnayeen gaadiid iyo shacab badan. Ciidanka ayaa ku guuleystay inay fasaxaan gaadiidkii iyo dadka shacabka ahaa ee ku xayirnaa halkaasi, iyagoo bur-buriyay dhamaan barihii koontarool ee kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, kuwaasi oo lacago looga qaadan jirey, laguna dhibaateyn jirey, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howl-galka. Gaashaanle sare Nuur Maxamed Gaabow, oo ah Taliyaha Guutada 14-ka October ee ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada cagta mariyeen dhamaan isbaarooyinkii ay kooxda dhigatay halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku dhibaateyn jirtay gaadiidka iyo dadka masaafurka ah. “Ma aqbaleyno inay Khawaarijta dulsaar kusii ahaadaan oo ay sii dhibaateeyaan bulshadeenna iyo qarannimadeenna, waxaan markasta diyaar u nahay inaan uga daba tagno goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan,” ayuu yiri Taliye Nuur Gaabow oo la hadlay warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxa uu yiri “Intuu howl-galka socday waxay Libaaxyada Qarankeenna ee xoogga dalka sii daayeen gaadiid iyo shacab ay Khawaarijta ku xayireen tuulada Gumeysidiid.” Taliye Gaabow ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howl-gallada looga hortagayo dhibaatooyinka kooxda ku hayaan gaadiidka iyo shacabka ku safra waddooyinka Shabeellaha Hoose. Kooxda Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa dhul ballaaro ayaa leh baro-kaantarool oo lagu baaro gaadiidka, islamarkaana looga qaato lacago baad ah, iyagoo ciddii ay rabaan kala dagta gaadiidka, taasi oo dhibaato xooggan kala kulmaan dadka shacabka ah.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s footballing ambitions took a major leap forward this week with the launch of the country’s first Youth Football Development Center in Baidoa, marking a significant investment in grassroots infrastructure. The initiative, spearheaded by the Somali Football Federation (SFF), aims to establish similar centers nationwide to nurture young talent and create a pathway to professional football. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Arbacadii uu kulan dhanka teleefoonka la yeeshay Vladimir Putin. Wicitaanka oo muddo “dheer qaatay” ayaa la sheegay inuu ahaa mid wax ku ool ah” kaas oo madaxdu ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wada xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine. Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha Ruushka ay “ku heshiiyeen in ay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodyada” uuna midba midka kale ku casuumo inuu booqdo caasimaddooda. Ka dib, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay inuu kala hadlay Trump “nabad waarta oo la isku halayn karo”. Baaqyada dhinacyada is haya ayaa yimid iyadoo Trump iyo xoghayihiisa gaashaandhigga ay labaduba sheegeen inaysan u badneyn in Ukraine ay ku biirto Nato, taasoo niyad jab weyn ku noqon doonta Kyiv. Zelensky wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio inta lagu guda jiro shir-madaxeedka difaaca Ukraine ee ka dhacaya Munich Jimcaha. Trump ayaa baraha bulshada ku soo qoray: “Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa dagaalkan qosolka leh, oo aan loo baahnayn inuu dhaco sababana dhimasho iyo burbur. Ilaah ha barakeeyo dadka Ruushka iyo Ukraine!” Ma uusan cayimin wakhti uu kulan fool ka fool ah la yeelanayo Putin, balse markii dambe waxa uu saxafiyiinta kula hadlay Aqalka Cad: “Waxaan ku kulmi doonnaa Sacuudiga”, ayuu u sheegay. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu taageeray fikradda Trump ee ah in la gaaray waqtigii la wada shaqeyn lahaa. Wadahadalka taleefoonka ee dhexmaray Putin iyo Trump ayaa qaatay ku dhawaad saacad iyo bar, iyadoo madaxweynaha Ruushka uu u fidiyay casuumaad uu ku tagayo Moscow, ayuu yiri Peskov. Trump ayaa sidoo kale weriyayaasha ugu sheegay Aqalka Cad in aysan u badneyn in Ukraine ay ku soo laabato xudduudaheeda ka hor 2014-kii, balse, isaga oo ka jawaabaya su’aal ay BBC-da weydiisay, wuxuu yiri “dhulkaas qaar ayaa soo laaban doona”. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku raacay Xoghayihiisa Difaaca Pete Hegseth, oo ka sheegay shir madaxeedka Nato horaantii Arbacada in aysan suurtagal ahayn in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga. “Waxaan u maleynayaa inay taasi run tahay,” ayuu yiri Trump. Dowladda UK ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay Ukraine ka siiso difaaca Ruushka, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Angela Rayner ay u sheegtay ITV in taageerada London ee Kyiv ay tahay mid “ku taagan”. Isagoo qiimaynaya niyadda dadka caasimadda Ukraine, weriyaha BBC-da James Waterhouse waxa uu sheegay in hadalka Hegseth uu dhaawac ku noqon doono Kyiv. Iyadoo muddo dheer la ogaa in maamulka cusub ee Maraykanku aanu u damqanayn Ukraine marka loo eego kii ka horreeyay, weriyahayagu wuxuu ku daray, hadal kasta oo Hegseth wuxuu u badan yahay inuu ka farxin doono Moscow oo keliya. Waxaa jiray diidmo ka mid ahaanshaha Nato, aragti ah in Ukraine aysan ku guuleysan karin. Zelensky waxa uu ku celceliyay in aan “wax wada hadal ah la yeelan karin Ukraine la’aanteed” – laakiin wadahadalka taleefoonka Trump iyo Putin ayaa dhacay isaga oo maqan. Hogaamiyaha Ukraine ayaa intaa ku daray: “Waxaan ku heshiinay inaan sii wadno xiriir dheeri ah oo aan qorsheyno shirarka soo socda.” Baaqa u dhexeeya madaxda Maraykanka iyo Ukraine ayaa qaatay saacad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP. Wareysi uu siiyay wargeyska The Guardian oo la daabacay Talaadadii, Zelensky waxa uu soo jeediyay in dhulka uu Ruushka haysto ee Ukraine lagu beddelo dhulka Ukraine ay haysto ee gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis nabadeed. Afhayeenka Putin Peskov ayaa sheegay in tani ay tahay “wax aan macquul ahayn”. “Ruushka waligiis kama hadlin, mana ka hadli doono beddelka dhulkiisa, ciidamada Ukraine waa laga saarayaa dhulkan.” Iskahorimaadku wuxuu qarxay dagaal dhan walba ah markii Ruushku soo galay Ukraine ku dhawaad saddex sano ka hor. Isku daygii Moscow ay ku dooneysay in ay kula wareegto caasimadda Kyiv waa la fashiliyay, balse ciidamada Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad shan meelood meel dhulka Ukraine ee bariga iyo koonfurta, waxaana ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dalkaasi. Ukraine ayaa ku aargudatay madaafiic iyo duqeymo diyaaradeed, iyadoo sidoo kale weerar dhanka dhulka ah ku qaaday gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka. Khasaaraha saxda ah waa ay adag tahay in la helo sababo la xiriira sirta labada dowladood ee Ruushka iyo Ukraine, laakiin waxaa lagu qiyaasaa in boqolaal kun oo qof oo u badan askar la dilay ama la dhaawacay, malaayiin rayid ah oo reer Ukraine ahna ay ka qaxeen guryahoodii. Isha: BBC
-
Mogadishu (HOL) — Somalia continues to rank among the world's most corrupt nations, according to Transparency International's 2024 Corruption Perceptions Index (CPI), which evaluates 180 countries based on perceived levels of public sector corruption. The latest report, released Wednesday, places Somalia at 179th place with a score of 9 out of 100, marking a decline of two points since 2023. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Ammaanka Puntland oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay 7 qof, oo ay ku jiraan xubno lagu raadjoogay oo xogtooda la hayay, sida ay dowladdu sheegtay. War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada Ammaanka ka sameeyeen Boosaaso lagu qabtay 7 qof, oo ay ku jiraaan xubno horay loogu raadjoogay oo xogtooda la hayay. “Boosaaso: hawlgaladii Ciidanka Amnigu caawa sameeyeen, waxa lagu qabtay ugu yaraan 7qof oo ay ku jiraan xubno hore loogu raadjoogay oo xogtooda lahayey” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay dowladda Puntland. Ciidamada Ammaanka Boosaaso oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa tan iyo bilowgii dagaalka Calmiskaad, waxay ku guulaysteen in ay fashiliyaan falal argagixiso oo ay kooxda ISIS ka abaabulaysay Boosaaso. PUNTLAND POST The post Ciidamada Ammaanka Puntland oo hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso ku qabtay xubno horay loo raadinayay appeared first on Puntland Post.
-
Somalia has undergone significant transformations, evolving through three republics. The current federal system, which was established in 2000 through the Djibouti settlement, is based on a parliamentary model, democratic system, clan power-sharing, and regional autonomy. Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa Khamiistii shaaciyay in ay hakiyeen xubinimada xisbiga hore u talin jiray ee Tigrayga (TPLF) sababo la xiriira jebinta heshiis siyaasadeed oo la gaaray labo sano ka dib dagaalkii dhiigga badnaa ee Tigray. Xisbiga TPLF, oo intii uu socday dagaalkii 2020-2022 lagu daray liiska kooxaha argagixisada, ayaa dib loogu aqoonsaday xisbi siyaasadeed kadib markii colaaddaasi dhammaatay. Heshiiskii 2024 ayaa farayay in TPLF ay qabato doorasho rasmi ah oo hoggaan cusub lagu soo doorto kahor 10-ka Febraayo ee sanadkan. Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya ayaa bayaan ay ku daabaceen barta X ku sheegay in xisbigu ku guuldareystay fulinta shuruuddaas, taasoo jebin cad ku ah heshiiskii la gaaray. “Xisbiga waxaa laga mamnuucay in uu qabto wax hawlo siyaasadeed ah muddo saddex bilood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Diiwaangelinta xisbiga waa la tirtiri doonaa haddii uusan muddadaas gudaheed qaadin tallaabooyin saxitaan ah,” ayaa lagu daray. Getachew Reda, oo ka mid ah hoggaanka sare ee TPLF, ayaan ka jawaabin codsi AFP ay uga dalbatay jawaab. Xisbiga TPLF ayaa Itoobiya xukumayay ku dhawaad 30 sano ilaa uu talada la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo aan ka soo jeedin qowmiyadda Tigray, sanadkii 2018. La wareegidda Abiy ayaa hurisay xiisado sii kordhay oo 2020-kii isu beddelay dagaal labo sano socday oo dhex maray dowladda iyo xoogagga Tigrayga, dagaalkaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof. Xiisado cusub ayaa hadda ka dhex curtay TPLF, gaar ahaan u dhexeeya Getachew, oo hoggaaminayay maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray ee ay soo magacowday Addis Ababa dagaalka kadib, iyo Debretsion Gebremichael, hoggaamiyihii muddada dheer soo maamulayay xisbiga. Hay’adda ACLED, oo ah urur aan dawli ahayn oo dabagasha khasaaraha colaadaha caalamka, ayaa toddobaadyo ka hor ka digtay in xiisadahan ay halis ugu jiraan in ay isku beddelaan rabshado hor leh.
-
Terrorist groups in the Middle East and Central Asia continue to pose a significant threat, while the volatile situation in Syria poses “the risk that stockpiles of advanced weapons could fall into the hands of terrorists,” according to the latest U.N. Secretary-General’s biannual strategic-level report on terrorism. Nonetheless, Africa, particularly Sub-Saharan Africa, has become the epicenter of global terrorism. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Israel ay u badan tahay inay bartamaha sanadkan weerar ku qaaddo barnaamijka nukliyeerka ee Iran, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Washington Post Arbacadii, ayada oo soo xiganeysa dhowr warbixin sirdoon. Weerarkaas ayaa dib u dhigi doona horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo toddobaadyo ama bilo ah, balse wuxuu sare u qaadi doonaa xiisadaha gobolka, isaga oo halis gelinaya in colaad ballaaran ay qaraxdo, sida ay tilmaameen warbixinnada sirdoonka ee dhammaadkii xukuumaddii Biden iyo bilowgii maamulkii Trump, sida uu qoray wargeyska. Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Israel, CIA, Hay’adda Sirdoonka Difaaca iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ay diideen inay ka hadlaan arrintan. Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Brian Hughes, ayaa u sheegay Washington Post in Madaxweyne Donald Trump uusan oggolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah. “Inkastoo uu doorbidayo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafaadka taariikhiga ah ee Mareykanka kala dhexeeya xukuumadda Iran, haddana ma sugi doonno haddii Iran aysan diyaar u ahayn inay wadaxaajood sameyso, gaar ahaan waqti dhow,” ayuu Hughes u sheegay Washington Post. Warbixinta ugu dhammaystiran ee sirdoonka ayaa la soo saaray horraantii Janaayo, waxaana diyaariyay waaxda sirdoonka ee Taliska Guud iyo Hay’adda Sirdoonka Difaaca, ayey tiri Washington Post. Warbixintaasi waxay ka digtay in Israel ay u badan tahay inay isku daydo weerar lagu qaado xarumaha nukliyeerka Iran ee Fordow iyo Natanz. Saraakiil Mareykan ah oo xogogaal u ah sirdoonka, kuwaas oo hadda shaqeeya iyo kuwo horey u soo shaqeeyay, ayaa u sheegay Washington Post in Israel ay rumeysan tahay in duqeyntii ay bishii October ku qaadday Iran ay wiiqday difaacyada cirka ee dalkaas, taasoo ka dhigtay mid u nugul weerar kale oo xiga, sida uu qoray wargeysku, inkastoo aan la magacaabin saraakiishaas. Iran iyo Israel ayaa sanadkii hore dhowr jeer is-weeraray, iyaga oo isku aargudanaya, xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayeen, gaar ahaan dagaalka Israel ka waddo Gaza. Warbixinnada sirdoonka ayaa saadaaliyay labo ikhtiyaar oo weerar ah, kuwaas oo midkoodna uu Mareykanka ku lug leeyahay, gaar ahaan taageero dhinaca sirdoonka ah iyo buuxinta shidaalka diyaaradaha, sida lagu yiri warbixinta Washington Post. Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu Isniintii siiyay Fox News ku sheegay inuu doorbidayo heshiis uu la gaaro Iran si looga hortago inay hesho hub nukliyeer ah, isaga oo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in Iran ay doorbidayso heshiis halkii ay dagaal geli lahayd. “Qof walba wuxuu aaminsan yahay in Israel, oo naga helaysa taageero ama oggolaansho, ay si ba’an u duqeyn doonto. Laakiin anigu waxaan doorbidayaa in taas aanay dhicin,” ayuu Trump yiri. Mareykanka, intii uu xilka hayay Madaxweyne Barack Obama, iyo xulafadiisa Yurub ayaa heshiis la galay Iran si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka, balse Trump, oo ay ku dhiirrigelisay dowladda Israel, gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas taariikhiga ah, isaga oo dib u soo rogay cunaqabateynta Iran sanadkii 2018. Tan iyo markaas, Iran ayaa dib u bilowday barnaamijkeedii nukliyeerka, iyada oo sare u qaadday heerka uruurinta uranium-ka, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA). Iran, Britain, France iyo Germany ayaa bishii Janaayo kulan ku yeeshay Geneva si ay ugu raad raacaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalladii nukliyeerka, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, oo la hadlay TV-ga dowladda Iran.
-
Baraha bulshada waxaa saacidihii la soo dhaafay si xoog leh u qabsatay hadal-heynta bandhig faneed ay Magaalada Muqdisho ku qaban lahaayeen laba hoobal oo dhowaan ka yimid Hargeysa. Labadan fannaan oo lagu kala magacaabo Habboon iyo marwaan yare ayaa doonayay inay bandhig faneed ku qabtaan huteel ku yaalla xeebta Liido, balse waxaa ka dhalatay Caro xooggan ka dib markii qaar kamid ah dadka baraha bulshada saameynta ku lihi ay dalbadeen inay hooballadaasi ay raali-gelin ka bixiyaan hees buuq weyn dhalisay oo ay horraantii sanadkii la soo dhaafay ka soo muuqdeen. Dalabkaas raali-gelinta ayaa keenay dood culus oo xoog u qabsatay baraha bulshada, taas oo dadka u kala qeybisay kuwo qabashada bandhiggaas diiddan iyo kuwo taageersan, sidoo xiisadda ka dhalatay arrintaas ayaa keentay in dhawaaqyo badan oo qabyaalad iyo kicin dadweyne ah laga maqlo qaar kamid ah adeegsatada baraha bulshada. Haddaba ciidanka nabad-gelyada ayaa ugu dambeyn joojiyay bandhig faneedkaas buuqa iyo kala qaybsanaanta bulasho ee xooggan horseeday, lamana oga waxa xigi doona intaas, balse booliska Soomaaliya ayaa horay u sheegay inaan la oggolaan doonin fal kasta oo kicin dadweyne, qabyaalad, iyo anshax-xumo midkood keeni kara. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Hoggaanada, qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta nabad-gelyada guud ee dalka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah ee Kooxaha Alshabaab iyo Daacish ay gaystaan, waxayna saraakiishu hoosta ka xariiqeen inay u diyaarsan yihiin in kaalinta uga aaddan ka qaataan Doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya dhawaan. Taliyaha ayaa sidoo kale Saraakiisha faray inay ka feejignaadaan Ciidamadu falalka amni darrada ah ee ay maleegayaan Alshabaab, waxaana uu shacabka ka codsaday in laamaha ammaanka ku wergeliyaan meelkasta oo ay joogaan cidda ay ka shakiyaan si markabiiba looga howlgalo. Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza. Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta. Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista. Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro. Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay. Bayaan ay soo saartay, Xamas waxay sheegtay in dhex-dhexaadiyeyaashu ay ballanqaadeen in “dhammaan caqabadaha la qaadi doono.” Daqiiqado kadib, afhayeenka Xamas, Cabdul Laahiif al-Qanuu, ayaa khadka taleefanka ugu xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in saddexda maxbuus la sii deyn doono Sabtida. Telefishinka qaranka Masar ee Qahera TV, oo si dhow ula shaqeeya hay’adaha ammaanka dalkaasi, ayaa ku warramay in Masar iyo Qatar ay ku guuleysteen xallinta khilaafka. Labada dal ee Carbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta Xamas, iyagoo fududeeyay heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay Janaayo, kadib 15 bilood oo dagaal ah. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa si kastaba wajahaya caqabado culus toddobaadyada soo socda. Wajiga koowaad ayaa dhammaan doona horraanta bisha Maarso, lamana gaarin weli wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan wejiga labaad, kaasoo Xamas ay ku sii deyn doonto tobannaan maxaabiis ah, iyada oo Israa’iil laga doonayo in ay soo afjarto dagaalka. Isha: VOA
-
ABU DHABI, UAE – The United Arab Emirates has ignited diplomatic tensions with Somalia by referring to Somaliland as a “republic,” challenging Somalia’s sovereignty over the self-declared autonomous region. The UAE’s state news agency WAM addressed Abdirahman Irro as the “President of the Republic of Somaliland” during the World Governments Summit in Abu Dhabi. While some initially speculated that the term was a clerical error, WAM’s consistent use of “Republic of Somaliland” suggests a deliberate shift in diplomatic posture. Somaliland, a region in northern Somalia, declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of Siad Barre’s regime. Despite operating with its government, military, and currency, Somaliland remains unrecognized by the international community. Its stability and democratic processes have drawn interest from foreign investors, particularly the UAE. The UAE has been expanding its influence in the Horn of Africa, investing in strategic ports and infrastructure to secure trade routes along the Red Sea. DP World’s involvement in Berbera Port has been a cornerstone of this strategy, enhancing maritime trade between the Gulf, Africa, and beyond. Growing UAE-Somaliland relations In an interview with WAM, President Irro expressed deep appreciation for the UAE’s sustained support, particularly in economic development. He highlighted DP World’s strategic investment in Berbera Port, transforming it into a key trade hub linking Somaliland with Ethiopia and other parts of the Horn of Africa. “The DP World investment has enhanced Berbera’s infrastructure, expanded the Berbera Free Zone, and bolstered our economic ties with Ethiopia, attracting further international investment,” Irro said. He also acknowledged the UAE’s funding of hospitals in Berbera and Burao, underscoring the healthcare sector’s financial struggles and the significance of these facilities in improving medical services for Somaliland’s population. Somaliland’s economic strengths are rooted in its livestock industry, with up to 50 million animals and around 4 million exported annually during Hajj. The region’s proximity to the Gulf makes it an attractive trade partner, particularly for food exports. Additionally, Somaliland’s unspoiled coastline, stretching 150 kilometers along the Gulf of Aden, offers significant potential for tourism development. Its proximity to Dubai, just a two-hour flight away, adds to its allure for investors. Geopolitical ramifications The UAE’s move to refer to Somaliland as a republic directly challenges Somalia’s territorial integrity. Somalia has consistently maintained that Somaliland is part of its territory despite Somaliland’s declaration of independence in 1991, which remains unrecognized internationally. The Somali government has vehemently opposed any actions that undermine its sovereignty. Ethiopia’s recent memorandum of understanding with Somaliland, granting port access in exchange for potential recognition, has further strained Somalia’s diplomatic relations with its neighbors. Some view the UAE’s growing regional footprint as a strategic maneuver to counter rival influences, particularly from Turkey and Qatar. As the UAE deepens its involvement in the Horn of Africa, this diplomatic gesture could reshape regional alliances and economic partnerships, further complicating a volatile geopolitical landscape.
-
WASHINGTON – The United States is considering extending the deployment of its Africa Command (AFRICOM) forces in Somalia as part of its ongoing counterterrorism efforts against al-Shabaab and Islamic State-linked militants, according to Defense Secretary Pete Hegseth. Speaking at a press conference on Tuesday, Hegseth emphasized the importance of maintaining US military presence in Africa despite previous plans under President Donald Trump to reduce troop deployments abroad. “Africa is the front line in the fight against jihadist extremism,” Hegseth said. “We will not allow terrorist groups to establish safe havens, particularly those that could threaten the United States.” Currently, approximately 500 US troops are stationed in Somalia, providing support to local forces in their battle against al-Shabaab and Islamic State affiliates. These groups have been responsible for numerous attacks on Somali security forces and civilians. Strategic importance Somalia The Horn of Africa has long been a focal point for US counterterrorism operations due to its proximity to the Middle East and the persistent threat posed by militant groups. Al-Shabaab, an al-Qaeda affiliate, has conducted deadly attacks across Somalia and neighboring countries, while Islamic State factions have established footholds in remote regions. Hegseth underscored the necessity of continued US military engagement: “I will consult with commanders on the ground to ensure that we deploy forces where they are most needed, but our objective remains long-term and effective counterterrorism operations.” Earlier this month, a US airstrike in the Golis Mountains region targeted Ahmed Maeleninine, a senior Islamic State recruiter in Somalia, according to AFRICOM officials. Maeleninine was believed responsible for recruiting fighters and coordinating attacks in the region. AFRICOM has intensified its aerial operations in Somalia over the past year, including strikes that killed numerous al-Shabaab militants. US forces also provide aerial reconnaissance to assist Somali National Army operations. Shifting US military strategy The Biden administration’s approach to military engagements abroad has evolved from the Trump-era doctrine that sought to minimize overseas deployments. Hegseth warned against interpreting the administration’s strategic reassessments as a sign of retreat. “It would be a mistake to assume that the US is pulling back,” he said. “We need to be deliberate, strategic, and assertive in preventing conflicts from escalating.” The decision to extend AFRICOM’s presence underscores Washington’s commitment to curbing terrorism in East Africa, where instability continues to pose a significant threat to regional and global security. Al-Shabaab has waged an insurgency in Somalia since 2006, aiming to establish an Islamic state governed by Sharia law. The group has targeted military and civilian infrastructure, including high-profile attacks in Mogadishu. Islamic State factions, though smaller, have gained ground in northern Somalia, particularly in the Golis Mountains, leveraging the region’s rugged terrain for operational cover. The US has been involved in counterterrorism operations in Somalia for over a decade, partnering with the Somali government and African Union forces to dismantle militant networks. Analysts suggest an extended US military presence could bolster Somalia’s counterterrorism capabilities. However, it may also draw criticism from those wary of prolonged foreign interventions.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku heyso madax-bannaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Imaaraadka oo horey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ugu casuumay Shirka Dowladaha Adduunka ee halkaas ka socda, ayada oo la siiyay darajada madaxweyne dal, ayaa haddana maanta wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka ee WAM waxay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.” Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo, balse waxaa hadda caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ku talogal ah. Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.” Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka. Wuxuu ammaanay doorka muhiimka ah ee maalgashiyada Imaaraadka, gaar ahaan kuwa Shirkadda DP World, oo xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo ka dhigay Dekedda Berbera xarun istiraatiiji ah oo isku xirta Somaliland iyo dalalka deriska la ah. Wuxuu sharxay in maalgashiga DP World ee Dekedda Berbera aanu ku koobnayn horumarinteeda oo keliya, balse uu ku fiday dhismaha Aagga Xorta ah ee Berbera iyo Waddada Ganacsiga Berbera, taasoo xoojisay xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya, kana dhigtay Berbera goob soo jiidata maalgashi. “Maalgashigan wuxuu xoojiyay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna kalsooni dheeraad ah siiyay xasilloonida Somaliland iyo soo jiidashada ganacsiga, taasoo dhiirigelisay shirkado iyo maalgashadeyaal badan inay yimaadaan dalka,” ayuu yiri. Isaga oo ka hadlayay isbitaallada ay maalgelisay Imaaraadka ee Berbera iyo Burco, ayuu xusay in adeegyada caafimaadka Somaliland ay la daalaa dhacayaan dhaqaale xumo, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhismaha isbitaalladan ay si weyn u horumarin doonto adeegyada caafimaadka ee bulshada. Markii la waydiiyay fursadaha maalgashiga Imaaraadka ee Somaliland, Cirro wuxuu sheegay in ay jiraan waaxyo badan oo leh awood sare, gaar ahaan xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland, maadaama ay Somaliland leedahay 40 ilaa 50 milyan oo neef, ayna sannad walba dhoofiso ilaa 4 milyan oo ido ah xilliga Xajka. Wuxuu sheegay in Somaliland ay noqon karto bakhaar cuntadeed oo ay ku tiirsan karaan dalalka Gacanka Carabta, gaar ahaan dhinaca dhoofinta hilibka. Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay leedahay goobo dalxiis oo gaar ah, sida 150km oo xeebaha dabiiciga ah ah, ayna Dubai u jirto labo saacadood oo kaliya, taasoo ka dhigaysa meel ku habboon maalgashiga sector-ka dalxiiska iyo martigelinta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa laga joojiyey bandhig-faneed ay qaban rabtay fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor ka timid magaalada Hargeysa ee Somaliland. Bandhig-faneedkan ay qaban rabtay fannaanaddan ayaa muran badan ka abuuray magaalada Muqdisho, waxaana dadka reer Muqdisho u kala qeybsameen labo dhinac: Qeyb diidan in bandhigga Haboon Nuura lagu qabto magaalada Muqdisho. Qeyb taageersan in bandhiggaas lagu qabto Muqdisho, iyagoo aaminsan in gabadhan aan ciil la dareensiin. Haddaba, maxay reer Muqdisho u dhibtay fannaanadda Haboon Nuura, maxaase sababay muranka hareeyey baraha bulshada? Fannaanaddan waxay hore uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho. Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya. Haboon Nuura, oo saddex maalmood ka hor timid Muqdisho, ayaa markii ay garoonka diyaaradaha kasoo degtay diiday in ay gacanta ku qabsato Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo uu qof kamid ah soo dhaweyntii u dhiibayay. Sidoo kale, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa ku goodisay in gabadhan aysan jirin cid hor istaagi karta bandhiggeeda. Waxaa kale oo la sheegay in Haboon Nuura ay diiday in ay iska duubto muuqaal ay ku cadeyneyso in ay reer Muqdisho u geftay, kuna raali-gelinayso doorkeedii heestii aflagaadada loo arkay, xilli ay dadka Soomaaliyeed iska difaacayeen cadowga Itoobiya. Arrimahaas oo is biirsaday ayaa sabab u noqday in caawa la baajiyo bandhiggii ay Haboon Nuura ku qaban lahayd Hotel Elate ee xeebta Liido, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda bixisay amarka lagu joojiyey, haddana waxaa la sheegay in hay’adaha ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojiyeen bandhiggii caawa la qaban lahaa.
-
Munich (Caasimada Online) – Booliska ayaa xabsiga dhigay qaxooti Afghaan ah oo lagu tuhunsan yahay weerar baabuur lagu jiiray dad, kaas oo 28 qof dhaawac u geystay, oo qaarkood ay xaaladdoodu daran tahay, magaalada Munich ee koonfurta Jarmalka Khamiistii. Falkan wuxuu yimid xilli magaalada Munich lagu qabanayo shir amni oo sare iyo xilli dood adag oo ku saabsan soo-galootiga ay ka taagan tahay dalka kahor doorashada 23-ka Febraayo. Baabuurka Mini Cooper-ka ah ayaa ku dhacay bannaanbax ay qabanayeen xubno ka tirsan ururka shaqaalaha, wuxuuna sababay dhaawacyo iyo burbur hantiyeed. Booliska goobta joogay ayaa rasaas ku furay baabuurka burburay waxayna xireen wadaha, oo ahaa 24-jir Afghaan ah, laguna sheegay magaciisa Farhad N., sida ay warbaahinta Jarmalku sheegtay. Ra’iisul Wasaare Olaf Scholz ayaa cambaareeyay weerarkan “xun” wuxuuna ballan qaaday cawaaqib adag. “Waa caddahay: qofka weerarkan geystay wax naxariis ah ma filan karo, waa in la ciqaabaa oo dalka laga saaraa,” ayuu Scholz u sheegay saxafiyiinta. Kabaha, muraayadaha iyo gaari carruureed ayaa goobta lagu arkay, taas oo dadka xasuusinaysa weerarkii baabuur ee dilaaga ahaa ee bishii December ka dhacay suuqa Kirismaska ee Magdeburg. ‘Waxay u egtahay mid kas ah’ Alexa Graef, oo goob-joog ahayd, ayaa sheegtay inay “naxdin” ku noqotay markii ay aragtay baabuurka oo dadkii jiiraya, “waxay u muuqatay mid si kas ah loo sameeyay.” “Waxaan rajaynayaa inaan mar kale arkin wax sidan oo kale ah,” ayay tiri Graef, oo xafiiskeedu ka soo horjeeday isgoyska uu shilku ka dhacay. Booliisku waxay baarayeen baabuurka caddaan-creamy ah oo la isticmaalay, iyagoo eeyaha wax uriyo ku wareejiyay Mini-ga. Ninka 24-jirka ah ee Afghaanka ah, oo ku noolaa Munich, ayaa goobta lagu xiray, sida ay booliisku sheegeen. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay hayaan “calaamado muujinaya in weerarku salka ku hayo fikir xagjir ah,” waxaana baaritaanka la wareegay xafiiska dacwad-oogaha gobolka. Wargeyska Der Spiegel, oo soo xiganaya ilo amni, ayaa sheegay in la rumeysan yahay inuu internet-ka ku faafiyay waxyaabo la xiriira Islaamiyiinta kahor weerarka. Afhayeen u hadlay adeegga dab-demiska ayaa AFP u sheegay in dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin “dhaawacyo halis gelinaya nolosha.” Carruur ayaa sidoo kale ku jiray dhibbanayaasha, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay. Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Jarmalka yimid sanadkii 2016, xilligii ay Yurub ku qulqulayeen qaxootiga badan. Codsigiisa magangalyada ayaa la diiday, hase yeeshee lama qorsheynin in la masaafuriyo. Madaxweynaha Bavaria, Markus Soeder, ayaa ku tilmaamay weerarka “xanuun badan” isagoo sheegay “waxay u muuqataa weerar.” “Tani ma ahan dhacdadii ugu horreysay… waa inaan muujinaa go’aan adag in wax ka beddel lagu sameeyo Jarmalka,” ayuu yiri Soeder, oo xisbigiisa CSU uu xulafo la yahay CDU-da raacsan midig. Doodda sii kululaatay Xulafada CDU/CSU, oo sahannadu muujinayaan inay ku guuleysan doonaan doorashada usbuuc ka dib dhaceysa, ayaa ku baaqay in la adkeeyo xeerarka soo-galootiga kaddib weerarradii ugu dambeeyay. Xukuumadda Scholz, oo cadaadis kala kulmeysay arrintan xitaa kahor iclaaminta doorashada, ayaa horay u qaaday tallaabooyin ay ku adkeyneyso sharciyada magangalyada iyo dedejinta masaafurinta, oo ay ku jirto Afghanistan. Scholz ayaa Khamiistii sheegay in dib u celinta “adagtahay in la abaabulo,” balse dowladda ay “ku guda jirto habka dib u celinta kiisas kale… si joogto ah.” Weerarkan ayaa yimid xilli doodda ku saabsan amniga iyo soo-galootiga ay xoogeysatay kaddib dhacdooyin la mid ah, oo ay ugu dambeysay weerar mindi bishii hore oo laba qof lagu dilay magaalada Aschaffenburg, oo uu ku jiray wiil 2-jir ah. Kadib weerarkaas, booliisku waxay xireen nin 28-jir ah oo Afghaan ah, oo la sheegay inuu lahaa taariikh caafimaad oo dhimirka la xiriirta. Bishii December, lix qof ayaa ku dhimatay kaddib markii baabuur lagu jiiray suuqa Kirismaska ee Magdeburg, waxaana la dhaawacay boqolaal qof. Nin Sacuudiyaan ah ayaa la xiray, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Nancy Faeser ay sheegtay inuu sidoo kale lahaa xanuun dhimir. Weerarka Khamiista ayaa dhacay xilli Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu yimid Munich si uu uga qeybgalo Shirka Amniga ee sannadlaha ah, oo Jimcaha bilaabanaya. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale u safraya Munich si uu kulan muhiim ah ula yeesho wakiillada Mareykanka oo looga hadlayo suuragalnimada in dagaalka Ruushka lagu soo afjaro.
-
DAWLADDII XASAN SHIIKH WAXA KU SOO WAJAHAN BURBUR IYO BOOBKII SHICIBKA OO BILAABMAY. Soomaaliya gaar ahaan Xamar waxa ka taagan baahiweyn oo kelliftay in mushaahaarooyinkii la waayo, ciidamadii raashinka qaydhin waxa looga uruuriyaa Shicibka suuqa fadhiya oo lagu xukumay qofka jawaan raashin ah iibinayaa inuu bixiyo 25kiilo, bakhaarradii iyo dukaamadii ayaa laga uruurinayaa. Dadka caynkaas ah madaxweynahooda waxa u yaalla SWITZERLAND & 200 million, wasiirradooda iyo xildhibaannadoodu waa maal qabeen maanta aan waxba ku tarayn oo ma naxayaal ah Waxa soo socota innagoo dawlad ah in la yidhaahdo lacagta u maamula way boobayaane oo aynu diidno Xamar oo aqoonsi doonaysa ayaa Hargeysa imandoona MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News