Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga qaar kamid ah shacabka Muqdisho, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda. Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo. Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Masajidka Isbahaysiga Islaamka Salaadda Ciidda kula oogay Shacabka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQO_H49pbRn5S7LQqQRM_wh4yDPbO-cqm_iekgJ4-V_ex8EXpitwRAnAwvTBIRXV95shdJt8YxEe3DEs_yYhnCTf.mp4 Qaran News
  3. Qaar kamida ah madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo dhoweeyay gogashii uu fidiyay madaxweynaha dalku, ayagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab iyo Daacish, iyo xaaladda adag ee Soomaaliya ay ku jirto. Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa war saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ku sheegay inay soo dhoweynayaan gogasha uu madaxweynuhu fidiyay. Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland oo khudbaddii munaasabadda ciidda kaga hadlay arrimo dhowr ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb-galka gogol walba oo looga hadlayo danta ummada iyo dowladnimada dalka, asagoo tilmaamay in dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab si wadajir ah loo wajaho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan shaaciyay inuu gogol wada-hadal u fidinayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Xukuumadda, xilli Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sidoo kalena ay wajahayso faragelin dibedda ah oo wadajirka iyo madax-bannaanideeda halis ku ah. Source: goobjoog.com
  4. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amray hay’adda sirdoonka Mossad in ay aqoonsato waddamo oggolaan kara inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo laga rarayo Marinka Gaza, sida lagu sheegay warbixin la shaaciyay Jimcihii. Inkasta oo dalal dhowr ah ay horey u qaabileen tiro yar oo ah Falastiiniin xanuunsan — badankoodna carruur ah oo loo qaaday daaweyn — haddana weli ma jiro waddan aqbalay inuu martigeliyo tiro bada oo reer Gaza ah. Sidoo kale, dadka reer Gaza laftooda ma muujinayaan rabitaan ah inay si ballaaran u guuraan. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sii waddo dadaalka lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza, iyadoo taageero xooggan ka helaysa xubnaha xulafada midigta-fog ee xukuumadda Netanyahu, oo ay ka mid yihiin Bezalel Smotrich iyo Itamar Ben Gvir. Dadaalkaas ayaa helay dhiirrigelin siyaasadeed bishii hore markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe ah in Mareykanku la wareego Gaza oo uu meesha ka saaro dhammaan dadka ku nool — oo gaaraya laba milyan. Trump ayaa dib uga laabtay qorshahaas aan si buuxda loo qeexin, isagoo sheegay inaanay jirin Falastiiniin si khasab ah loo rarayo, isla markaana beeniyay in qorshahaasi uu la macno yahay nadiifin qowmiyadeed. Israaiil waxay iyaduna sheegtay inaysan dadka reer Gaza ku qasbi doonin inay baxaan. Si kastaba, weli lama caddeyn sida dadkaas loogu qancin karo inay si iskood ah u guuraan, iyo waxa dhici doona haddii dadaalkaasi guul-darro ku dhaco. Sida lagu sheegay warbixin uy qortay warbaahinta Axios, dowladda Mareykanka ma ahan mid si firfircoon u hirgelinaysa qorshaha Trump, iyadoo ergayga Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu xoogga saarayo sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad-joojinta iyo heshiiska lagu sii deynayo la-haysteyaasha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Xiriirka Israel ee Soomaaliya iyo dalal kale Israaiil ayaa isku dayday inay buuxiso kaalintaas, iyadoo la gashay wadahadallo ay la leedahay dalal ay colaado ragaadiyeen sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Indonesia iyo dalal kale, si loo eego suurtagalnimada inay qaabilaan Falastiiniin, sida lagu sheegay warbixinta Axios oo soo xiganaysa laba masuul oo Israa’iili ah iyo masuul hore oo Mareykan ah. Wadahadalladaasi illaa hadda wax natiijo ah lagama gaarin. Warbixinno hore ayaa sidoo kale muujinayay in Suuriya, Suudaan, iyo Somaliland — oo ah gobol gooni u goosed ah oo ka tirsan Soomaaliya — laga yaabo in loo arko meelaha suuragalka ah ee dadka reer Gaza loo raro, qorshe ay Israa’iil iyo Mareykanku si gaar ah isha ugu hayaan. Maamulka Falastiin iyo dalalka Carabta ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada lagu doonayo in dadka reer Gaza lagu raro meel ka baxsan dhulkooda, iyagoo ku doodaya in dadkaasi ay xaq u leeyihiin inay ku sii nagaadaan Gaza. Waxay sidoo kale ka digeen in qorshahani uu hurin karo dagaallo cusub iyo kororka xagjirnimada. Israaiil iyo Mareykanka waxay ku doodayaan in Gaza aysan mar dambe ammaan ahayn kaddib in ka badan sanad iyo bar oo weerarro Israa’iil ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Xamaas, sidaas darteedna dadka reer Gaza waa in la siiyo fursad ay ugu guuraan meel nabdoon. Hase yeeshee, diidmada Israa’iil ee ah inay si cad u ballanqaaddo in dadka baxaya loo oggolaan doono inay mar dambe ku soo noqdaan, ayaa sii xoojisay shakiga laga qabo ujeeddooyinkeeda. Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan xilligii Netanyahu uu booqday Aqalka Cad, intii lagu jiray dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojinta iyo sii-deynta la-haysteyaasha — heshiis ay hormuud ka ahaayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar. Heshiiskaasi wuxuu hakiyay dagaal socday 15 bilood oo ka socday Gaza, kaasoo bilowday 7-dii Oktoobar 2023, markii ururka Xamaas uu horkacay weerar ay ka qayb qaateen in ka badan 5,000 oo dagaalyahan oo ku duulay Koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, intooda badanna ay ahaayeen rayid, halka 251 kalena ay qafaasheen. Dagaalkaasi wuxuu Gaza u geystay burbur baaxad leh, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo qorshe dib-u-dhis dhammaystiran, kaasoo Israa’iil ay ku adkaysatay inuu ka koobnaado maamul cusub oo beddela xukunka Xamaas. Masar ayaa si degdeg ah u soo bandhigtay qorshe kale oo Carbeed, kadib markii dalalka Carabta ay ka cabsadeen soo-jeedintii Trump ee ahayd in Gaza dib loogu dhiso sidii “Riviera-da Bariga Dhexe.” Qorshaha Carabta wuxuu soo jeedinayaa in guddi madax-bannaan oo ka kooban khubaro farsamo ay muddo lix bilood ah si ku-meel-gaar ah u maamulaan Gaza, kadibna ay maamulka ugu wareejiyaan Maamulka Falastiin. Waxa kale oo uu qorshuhu oggolaanayaa in dadka reer Gaza ay sii joogaan dhulkooda inta dib-u-dhisku socdo — taasoo si cad uga duwan qorshaha Trump oo doonaya in dhammaan dadka la raro. Dowladda Trump ayaa ilaa hadda diraysa fariimo is burinaya oo ku saabsan qorshaha Masar.
  5. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysan Maarso 16, oo ay heshay Reuters, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran. Maxay diblomaasiyad ahaan ka dhigan tahay warqaddan? Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u sheegay in warqaddan ay ka muuqato “degdeg, tabardarri, iyo quus uu madaxweynaheennu qabo.” Wuxuu intaa raaciyey inaan loo baahnayn in la arko warqaddan. Danjire Cawad ayaa xusay inaysan muuqan in dalabku ka yimid dalka Maraykanka, oo ay ahayd inay muuqato doonistooda goobahan iyo in loo maro kanaallo diblomaasiyadeed oo labada dal ah. “Waraaqda ayaan ka garanaynaa haddii ay jirto. Warqaddu waxay ku bilaaban lahayd annigoo tixraacaya tixraacyo kulamo hore ama teleefoonkeenii hore, tixraac ayey yeelan lahayd, marka halkan tixraac kama muuqdo. Hadda qof kasta wuxuu doonayaa inuu Trump is jeclaysiiyo,” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad. Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan ku caawiya Soomaaliya, iyagoo sidoo kale tababara ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran. Madaxweyne Trump ayaa muddo xileedkiisii labaad ee Aqalka Cad qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalalka saboolka ah ee dunida. Maxaa ka dhalan kara warqadda? Inkasta oo aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin warqaddan ay aragtay Reuters, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qaba inaysan muuqan ilaa hadda waxa Soomaaliya ay ka helayso dhankeeda qorshahan. Cawad ayaa qaba in warqaddan ay ka dhalan karto “inay cod xooggan siiso oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland, oo ay ka faa’iidaysato,” ayuu BBC-da u sheegay. “Dalka Soomaaliya, bad, berri, iyo hawada sare, waxaa mas’uuliyad qaanuuni ah ka saaran tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan Dowladda Federaalka oo keliya ayaa heshiis u geli karta. Qasab ma ahan in ay dowladda dalka oo dhan ka taliso…. “Sharci ahaan, heshiis way la geli kartaa dal kale sida Maraykanka isticmaalka hawada, dekedaha, iyo gegida diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskaasna waxa uu noqonayaa mid qaanuun ahaan sax ah,” ayuu yiri Dr. Ahmed Ali Khayre, oo ah Lataliye Sharci, Bare Jaamacadeed, PhD. Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah. Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Boosaaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah. Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Boosaaso.
  6. Xilli maanta dalalka Islaamka intooda badan ay u tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga ayaa magaalooyin iyo deegaanno kamid ay Soomaaliya laga soomanyahay, ayadoo dadka ku nool qaarkood ay sheegeen inaysan bishii arkin, sidaas awgeedna ay 30-ka Ramadaan dhammeystirayaan. Magaalooyinkaas waxaa kamid ah Caabudwaaq, Guriceel, Gaalkacyo,magaalada Garoowe dadka ku nool qarkood, iyo meelo kale, sida ay inoo sheegeen xog-ogaal u waramay goobjoog. Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah laysugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka iyo Soon-furka, iyo xittaa ciidda Carafo, ayadoo dadka gobollada ku nool qaarkood ay maalinta labaad ciidaan. Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay warqad ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Maraykanka, taasoo lagu codsanayay in Washington la wareegto maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso xasillooni-darro siyaasadeed iyo dadaal kasta oo lagu horjoogsanayo aqoonsiga Somaliland. “Waa arrin muujinaysa in hoggaaminta Xasan Sheekh ay tahay mid aan culayska qaadi karin, khaasatan marka la eego arrimaha Somaliland. Mar kasta oo uu maqlo aqoonsiga Somaliland, nooc waali ah ayuu galayaa. Xusuuso waalida ka haysatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo gaadhay heer uu heshiis qarsoodi ah la galo Turkiga,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle. Waxa uu intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu yahay mid qoto dheer oo soo bilaabmay wakhti hore, gaar ahaan golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Wasiirka ayaa xusay in xeerka cusub ee difaaca Maraykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo, taasoo muujinaysa in Maraykanku noqon doono dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada. “Maraykanku wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle, isaga oo xusay in Somaliland diyaar u tahay inay noqoto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo gacan ka geysata dib u dhiska dalkaas. Wasiir Ayaanle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaariyay warqado badan oo uu u diray Washington si looga hor istaago aqoonsiga Somaliland. “Wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya oo dhan bixiyo si uu uga hortago aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Maraykanka. Jariiradda Semafor iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahiyay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maarso 16 u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasoo lagu codsaday in Maraykanka la wareego maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland. Warqadda ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo lagu maamulayo dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si loo xoojiyo saameynta Maraykanka ee gobolka, looga hortago tartamayaasha shisheeye, loona hubiyo marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah. Hase yeeshee, Wasiir Ayaanle ayaa sheegay in goobaha la xusay — dekedaha iyo saldhigyada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland — aanay ka hoos shaqaynin dowladda Soomaaliya. “Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran, balse xaqiiqadu waa in Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u maamulaan goobahaas,” ayuu yidhi. Wasiirka ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay maamulkii dalka, isla markaana warqadda ay u dirtay Trump waxba kama beddeli karto xaqiiqada ah in Somaliland ay heli doonto aqoonsi. “Haddii Somaliland hesho aqoonsi, waxay noqon doontaa dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
  8. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥-𝐟𝐢𝐝𝐫𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumanaan kun oo kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta la oogay. Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda, ayaa tukashada salaadda Ciidul-fidrida kala qayb-galay kumanaan qof oo ku tukanayey Masjid-Jaamaca Magaalada Hargeysa, waxanu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas ku salaysan muhiimadda ay leedahay nabada wada-jirka iyo isku duubnimada bulshadu. Ugu horrayn, Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta Ciidul-fidrida isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Qaran News
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha oo tuutaha dagaalka xirtay ayaa ku sii jeeda furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, asagoo sidoo kale booqan doona xerada ciidamada ee balli-doogle sida ila xog-ogaal ahi sheegayaan. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dhaqaaqyo ciidan iyo iska hor-imaadyo toos ahi. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo inta badan khudbadiisii Ciidda uga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo heerka ay gaarsiisan tahay ka go’naashihiisa in laga guuleysto kooxdaas, ayaa ugu horrayn aad u amaanay ciidamada qaranka, isagoo u sameeyey ballan-qaadyo muhiim ah. Xasan Sheekh ayaa khudbaddan ku caddeeyey in wax kasta ay uga muhiimsan tahay soo afjaridda kooxda Al-Shabaab, isagoo yiri: “Waxaa naga go’an wax kasta iyo qiimo kasta inaan u hurno sidii loo gaari lahaa dhammaadka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed, oo hadda maraya rajadii ugu dambeysay.” Madaxweynaha, oo si dadban u xusay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyadiisa, ayaa yiri: “Wax kasta oo dhaca nama cabsi gelinayso tallaabooyinka naf-la-caariga ah ee ay sameynayaan Khawaarijtu.” Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sii muujiyey sida uu dagaalkan uga go’an yahay, ayaa intaas ku sii daray: “Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda, suurtagal ma aha inaan aamino in karaamo madaxtinimo iyo sharaf aan yeelanayo inta qof argagixiso ah uu khatar ku yahay jiritaankeena, sharafteena, iyo midnimadeena.” Madaxweynaha ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay Ciidamada Qaranka oo ka adkaaday Khawaarijta. “Waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay, waxaana ugu baaqayaa ciidamadeenna joogtaynta jihaadka,” ayuu yiri. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay mudnaanta koowaad ilaa saddexaad sii doonto ciidamada qaranka, tayeyntooda, qalabeyntooda, iyo horumarintooda: “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeenow dadkeenu idinkey idinku jiifaan.” Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynuhu u sheegay in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray koox yar oo Khawaarij ah, oo aan ‘dalka, dadka, iyo diinta midna u naxaynin.’ “Waa ku mahadsan tihiin taageerada aad u heysaan, una muujiseen ciidamada qaranka,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in aysan jirin cid gabaad u noqon karta Khawaarijta. “Dhammaan ballamihii aan galnay waxay caddeynayaan in aysan jirin cid loogu dulqaadan doono garab siinta Khawaarijta. Ka fogaada goobaha ay joogaan, waa noo hadaf, waana la beegsanayaa,” ayuu yiri. “Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay oo mar dhow qormi doonta taariikh loo diiwaan gelin doono waagii Khawaarijta la jebiyey. Qof kasta ha raadsado halkii uu taariikhdaas uga qormi lahaa. Waxa is haya waa xaqa iyo baadilka, waxaana guuleysanaya xaqa, sida Ilaahey noogu caddeeyey Qur’aankiisa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
  11. Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay gogol ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si looga arrinsado dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo dhismaha dawladnimo casri ah. Tallaabadan ayaa la doonayaa in xal mideysan looga gaaro arrimaha amniga iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saari doono sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim ay tahay in la xoojiyo hannaanka dawlad-dhisidda, lana helo nidaam mideysan oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Fursadda Puntland iyo Jubbaland Shirkan ayaa fursad weyn u ah maamulada Jubbaland iyo Puntland si ay u soo bandhigaan tabashadooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya. Labadan maamul ayaa horey u muujiyay baahida loo qabo in la helo wadatashi qaran oo dhammaan dhinacyada ay ka qeyb qaataan, si xal waara loogu helo caqabadaha jira. Puntland iyo Jubbaland ayaa fursad u heli doona in ay miiska wadahadalka keenaan aragtidooda iyo doorkooda ku aaddan dhismaha dowladnimada. Saameynta Shirkan iyo Rajada Mustaqbalka Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid fursad u ah xal u helidda caqabadaha waaweyn ee haysta Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Shabaab iyo hanaanka doorashooyinka. Si loo xaqiijiyo midnimo qaran, waxaa muhiim ah in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay yeeshaan wadashaqeyn dhab ah, si loo helo isfaham buuxa oo lagu wada qanacsan yahay. Iyadoo xaaladdu ay weli cakiran tahay, waxa la sugayaa tallaabada xigta ee Madaxweynaha iyo sida ay Puntland iyo Jubbaland uga faa’iideysan doonaan fursaddan si ay u muujiyaan baahidooda iyo aragtidooda. Waxaana laga dhursugayaa in wadahadalladu suurtagal noqon karaan, iyo in uu shirkan horseedi karo is-afgarad qaran. sidoo kale Siyaasiyiinta diidan hanaanka doorashada qof iyo cod ayaa dhankooda loogu baaqay in ay ka qeyb galaan hanaanka wadatashiga ee Madaxweynaha si loogu heshiiyo hanaan lagu wada qanacsan yahay. Muddo dheer ayay Mucaaradka ugu baaqaayeen Madaxweynaha in uu furo hanaanka wadatashiga balse waxaa caqabad noqon doonta haddii aan laga faa’iideysan. Source: goobjoog.com
  12. Ceelgaras, Galmudug – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee bariga Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka qarxay, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay kooxda AS ku lahayd deegaanka. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan halkaasi, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hub culus, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya. Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka. Dowladda iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalkan, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galmudug. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka Ceelgaras, waan idinla socodsiin doonaa. Source: goobjoog.com
  13. Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay Sabtidii duqeymo kala duwan ka fuliyeen degaanno koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku sugan yihiin mileeshiyaad ka tirsan Daacish. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo si kooban u soo saaray qiimayn hordhac ah ayaa sheegay in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeymahan, islamarkaana aysan jirin wax khasaaare ah oo rayidka ka soo gaarin “qiimaynta hordhac ah waxay muujinaysa in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish ku dhinteen duqeymaha islamarkaana aysan jirin cid rayid ah o waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri Taliska AFRICOM. Dhinaca kale, bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada difaaca Puntland ee Calmiskaad ayaa lagu sheegay in mileeshiyaadka Daacish lagu beegsaday duqeymo xooggan oo ay fuliyeen saaxiibada Puntland ee Mareykanka gaar ahaanna Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM). Dowladda Puntland waxay sheegtay in duqeymahaasi oo ka dhacay degaanno jihada koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso ay sababeen khasaare gaaray mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, waxayna intaasi raacisay in dib laga sheegi doono faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray dagallamayaasha argagixisada ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Puntland oo ka warbixiyay khasaaraha duqeymihii shalay ka dhacay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbadda munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka dowladdiisa ee ku jihaysan ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sii raaciyay Hadalkiisa. Baaqyada maalmihii u dambeeyay ka imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa loogu jeedinayay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol u fidiyay Hoggaamiyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin hambalyo ah oo ku addaan ciiddul fidriga u diray dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, asagoo xusay in inta qof argagixiso ahi uu dalka joogo aanu dareemayb wax sharaf iyo gobannimo ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koobaad uu siinayo qalabaynta iyo tayaynta Ciidanka Qaranka, asagoo sheegay in koox tiro yari aysan cabsi gelin karin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay dadka cabsida ka muujinaya weerarada Alshabaab ayaa ku tilmaamay qolyo qalbiga ka jirin, asagoo intaas ku daray in lala xisaabtami doono kuwa u haysta in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo isku dhinac ah iyo Alshabaab ay yihiin laba kooxood oo loolamaya. Source: goobjoog.com
  16. The Leak That Ended a Presidency: How Washington Turned on Hassan Sheikh Mohamud The collapse of U.S. confidence in President Hassan Sheikh Mohamud didn’t come with a press release. It came with a leak—a cold, calculated release of a private letter from the Somali president to the U.S. President Donald J. Trump. The letter itself was unremarkable, but its disclosure was anything but accidental. It was a warning. Widely interpreted as a deliberate act of dissent from within the U.S. Embassy in Mogadishu, the leak signaled the end of Washington’s patience with Mohamud’s leadership—a relationship that had been steadily unraveling for months. The letter—intended to secure U.S. support—backfired. It exposed a weakened president pleading for help while his government lost credibility domestically and internationally. According to multiple sources, the leak originated from embassy officials fed up with President Mohamud’s defiance, paranoia, and inaction. “This was not an accident,” said one senior U.S. official. “It was a deliberate signal that the relationship is over.” That signal marked a decisive rupture between President Hassan Sheikh Mohamud and the American diplomatic establishment. U.S. and regional officials point to his failure to control Somalia’s security landscape and his obstruction of counterterrorism efforts. “The leak was a shot across the bow,” said another senior official. “We’re done covering for him.” The fallout follows months of unfulfilled commitments, strategic defiance, and a pattern of provocation. Tensions peaked when Mohamud’s government publicly dismissed a U.S. Embassy security advisory, calling it baseless—a move seen as both reckless and deliberately antagonistic. The final blow came when he delayed firing his Defense Minister despite repeated U.S. requests. When he finally acted, he blamed U.S. pressure, triggering backlash in Washington. Officials saw this as an attempt to undermine American diplomacy and shift accountability. Inside the White House, the verdict is clear: “He’s out of alignment with every key regional and security interest we have,” said a senior administration official. The Trump administration is now exploring alternative Somali leaders—those who can restore institutional credibility, rebuild trust, and cooperate on counterterrorism. Across the State Department, Pentagon, and National Security Council, officials describe Mohamud as unreliable, politically paralyzed, and self-interested. Within the U.S. Embassy in Mogadishu, the mood is described as one of cold hostility, driven by what many see as a pattern of lies, broken promises, veiled deals with foreign actors, and growing paranoia. “There’s a shared view now,” said one diplomat. “He is dangerous to Somalia, and he can’t be trusted. He says the right things behind closed doors but constantly undermines U.S. efforts on the ground.” With Washington’s patience exhausted, the policy conversation has shifted to contingency planning. Senior officials are engaged in internal discussions over a potential political realignment in Somalia. “The question is no longer if there will be a transition,” said a National Security Council official. “It’s when—and how soon.” No one is calling it regime change, but no one is defending Mohamud either. “His credibility is gone. So is our patience.” More broadly, regional partners have grown alarmed by Mohamud’s inconsistent and transactional diplomacy. Officials in Cairo, Riyadh, Abu Dhabi, Doha, Nairobi, and Addis Ababa, who have long expressed concern over his erratic posture, now view his leadership as a source of regional instability and confusion—not because of one specific alignment, but because of a broader pattern of half-truths, broken promises, contradictory deals, and amateur statecraft. • In Cairo, officials are frustrated by Mohamud’s simultaneous outreach to Ethiopia, a direct competitor, after having publicly committed to Egypt’s position on the Nile dispute—a move viewed as duplicitous and reckless. • In Abu Dhabi, diplomats cite repeated instances where Mohamud has agreed to regional security cooperation, only to later backtrack or sideline Gulf-led initiatives in favor of ad hoc bilateral deals elsewhere. • Even Riyadh and Doha, which had maintained more neutral ties, have begun to step back, describing Somalia’s foreign policy under Mohamud as chaotic, contradictory, and driven by short-term political needs rather than strategic vision. For now, President Hassan Sheikh Mohamud remains in office. But his government is isolated, his allies are vanishing, and his enemies—inside and outside the country—are circling. The letter meant to save his presidency may instead become the document that sealed its unraveling. https://www.reuters.com/world/africa/somalia-offers-us-exclusive-control-air-bases-ports-2025-03-28/ Qaran News
  17. Dubai: Saudi Arabia has announced that Sunday, March 30, 2025, will be the first day of Eid Al Fitr, after the Shawwal crescent moon was sighted on Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  18. Si looga dhigo Maraykanku waddan amaan ah, xooggan, oo barwaaqo ah, Madaxweyne Trump wuxuu xaqiijinayaa in sharciga socdaalka ee Maraykanka la raaco. Haddii aad isku daydo inaad si sharci darro ah ku soo gasho Maraykanka, aad been u sheegto si aad u hesho fiiso, aad ka shaqayso si aan sharci ahayn, ama aad sii joogto Maraykanka ka dib marka fiisahaaga ama muddada oggolaanshaha fiisaha dhammaato, waxaad la kulmi doontaa ganaaxayo culus. Waxaana ka mid ah xabsi, masaafurin, iyo mamnuuc joogto ah oo ka hor istaagaya helitaanka fiiso Maraykan ah mustaqbalka. Haddii aad leedahay qoys ama saaxiibo ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, hadda waa waqtigii aad u sheegi lahayd inay waddankooda ku soo laabtaan. Hadaa Isku Daydid Inaad Si Sharci Darro Ah Ku Gasho Ama Ku Joogto Maraykanka Waa lagu Qabaneyaa. Qaar ka mid ah dadka waxay aaminsan yihiin inay si dhuumaalaysi ah ku geli karaan Maraykanka oo aysan la kulmi doonin in la qabto. Taasi waa mid aan run ahayn. Maamulka Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyey ammaanka xuduudaha wuxuuna si weyn u kordhiyey tirada ajaaniibta sharci darrada ah ee la qabto lana masaafuriyo. Bishii Febraayo 2025, isku dayga in si sharci darro ah loo soo galo xadka ayaa hoos u dhacay 94% marka la barbar dhigo Febraayo 2024, halka qabashada dadka xadka si sharci darro ah uga soo gudbay ee ku sugan gudaha Maraykanka ay kordheen 627%. Haddii aad isku daydo inaad xadka Maraykanka si sharci darro ah uga soo gudubto ama aad sii joogto gudaha Maraykanka si sharci darro ah, waa laguu qaban doonaa, waxaana laguugu celin doonaa waddankaaga. Waxa kale oo laga yaabaa in lagaa mamnuuco soo laabashada mustaqbalka ama lagugu soo oogo ganaaxyo iyo dacwad ciqaabeed. Khayaanada Fiisaha Maraykanka Waxay Leedahay Cawaaqib Xumo Culus Habka lo helo fiisaha Maraykanka waa kan ugu fudud uguna amaansan caalamka. Hasa ahaate, qaar ka mid ah dadka ayaa weli si aan caqli gal ahayn isku dayaya inay khiyaameeyaan nidaamka iyagoo isticmaalaya dukumiintiyo been abuur ah, ku been sheegaya codsiyada, ama sii joogaya ka dib marka fiisahooda dhaco. Kuwani waa tusaalooyin khiyaano fiise, waana dembi culus. Haddii aad jebiso sharciga qaabkan, waa laguu ciqaabi doonaa, waana laga yaabaa in aanad mar dambe loguu ogolaanin in aad gasho Maraykanka. Safarka Xadka Maraykanka Waa Khatar Kuwa ka fikiraya inay qaadaan safarka halista ah si ay si sharci darro ah ugu gudbaan gudaha Maraykanka, waa muhiim inaad fahanto in amnigaaga – xataa naftaadu – ay khatar ku jirto. Kooxo dambiileyaal ah, kartelo (Muuriyaan), iyo dadka ka ganacsada bani’aadamka ayaa bartilmaameedsada muhaajiriinta sharci-darrada ah, iyaga oo u geysanaya rabshado, baad, iyo weeraro. Dad badan oo isku daya safarkan ayaan waligood gaarin meesha ay u socdaan. Maraykanku wuxuu la shaqeynayaa dalalka kale ee ka tirsan Hemisphere-ga Galbeed si loo joojiyo oo loo celiyo dadka isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan xadka ka hor inta aysan gaarin xadka Maraykanka. Adkeynta xuduudaheena, ma aha oo kaliya inaan ilaalineyno muwaadiniinta Maraykanka, laakiin sidoo kale waxaan ka hortageynaa dhibaatooyinka ay keenaan socdaalka sharci-darrada ah. Madaxweyne Trump wuxuu la xisaabtami dona Qof Kasta Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale tallaabo ka qaadaysaa kuwa ka caawiya dadka inay si sharci darro ah ku galaan dalka. Tan waxaa ku jira kuwa wax tahriibiya, kuwa ka ganacsada dadka, iyo xataa saraakiisha dowladaha shisheeye ee u oggolaada socdaalka sharci darrada ah inuu sii socdo. Dhawaantan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio wuxuu ku dhawaaqay sharci cusub oo xaddidaya fiisaha saraakiisha ajnabiga ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha laanta socdaalka, kastamka(furdadaha), iyo maamulka dekedaha – kuwaas oo ku guuldareysta inay caawiyaan joojinta socdaalka sharci darrada ah. Tani waxay ku dhisan tahay xaddidaadyo la mid ah oo horey u jiray oo loogu talagalay kuwa ku jira warshadaha gaadiidka iyo dalxiiska. Kuwa khatar ku ah ammaanka Maraykanka iyagoo fududeynaya socdaalka sharci darrada ah laguma soo dhoweyn doono dalkeenna. Goanka adigaa iskaleh– Raac Sharciga Khatarta isku dayga in si sharci darro ah loogu soo guuro Maraykanka way ka badan tahay faa’iido kasta oo macquul ah. Waxaad lumin kartaa noloshaada, waxaad noqon kartaa dhibbane u ah dambiilayaal, ama waxaad ku dambayn kartaa rikoodh dhaawacaya mustaqbalkaaga iyo mustaqbalka qoyskaaga. Soo galidda sharci darrada ah ma aha oo kaliya jebinta sharciyada Maraykanka, laakiin sidoo kale waxay khatar gelinaysaa badbaadadaada iyo wanaaggaaga. Ganaxu waa kuwo culus: xabsi, kala go’id qoyskaaga, iyo mamnuucid joogto ah oo ka hor istaagaysa soo gelidda Maraykanka mustaqbalka. Haddii aad taqaanid qof ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto waa inaad ku dhiirigeliso inuu hadda ka tago ka hor inta aan la qaban. Farriintu waa mid cad: dooro goanka saxda ah, raac sharciga, hana khatar gelin badbaadadaada, qoyskaaga, ama mustaqbalkaaga. Source: goobjoog.com
  19. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQPXwTF5Db6Bo3ya6G12PD8Thflb3urfN4PBxrOfexFx9yDUnxjlaJNtPl_L46h5RijDBUObHgWWN7hTEmnOtNxI.mp4 Qaran News
  20. Hargeisa, Somaliland, on 13 November 2024. He won the presidential election. Luis Tato/AFP via Getty Images As a child, I believed democracy belonged to Greece—and that only Greeks were naturally suited to practice it. In hindsight, that idea wasn’t far-fetched. I didn’t grow up in a democratic culture. I was raised in Ethiopia, a country long hostile to democratic governance. What I didn’t realize at the time was that a unique form of democracy was quietly taking root just across the border, in a place Google once described as one of the world’s most dangerous and corrupt: our tiny neighbor, Somaliland. Somaliland has yet to officially take its place among the community of nations. But its record of peaceful, transparent elections proves that democracy can thrive anywhere—big or small, east or west. Located in northern Somalia, Somaliland is a self-declared republic that unilaterally broke away from the rest of the country in 1991, following years of civil war and state collapse. It’s worth remembering that Somalia and Somaliland unified as one country in June 1960 after a collective victory against the Italian colony in the south and the British presence in the north. But in the years that followed, tensions grew. After seizing power in a 1969 coup, military ruler Siyad Barre sought to centralize his nascent authority in Mogadishu, leaving both southern (particularly Mogadishu Clan) and northern clans underrepresented in government. The share of seats and resources dissatisfied northern clans, which ultimately led to the defection of northern representatives from the south. While much of Africa fell under the grip of dictators, Siyad Barre pursued his own vision of a unified Somalia under his rule. But in 1991, northern leaders declared their separation from the south—delivering a final blow to his dream of forging a Greater Somalia under his control. His response to the stunning announcement of the northern leaders’ decision to decentralize his rule was to wage a devastating war against the north. Months of relentless ground fighting and aerial assault left the area in complete devastation. Hargeisa, the capital of the northern regions, was leveled to the ground. In the following months, millions fled to neighboring countries, while others undertook perilous journeys across deserts and seas—largely ignored by the global media. The rise of the Somaliland National Movement (SNM) As shelling rained down on the capital and the region, insurgencies had begun to take root. In the north, a new frontier, mercenary soldiers led by some of the current and deceased Somaliland leaders began to mobilize people and resources to confront some of the attacks. Even though the newly formed junta was ill-equipped and had no resources to withstand any attacks, their determination to fight back was a sign of hope for the people in the north. The liberation front was later joined by other clans in the region. The resistance continued to grow, and Somalia came under mounting domestic and international pressure to end the violence. Aid agencies warned that the conflict was pushing the region to the brink of humanitarian catastrophe. After nearly five years of bush warfare and a costly, collective struggle, northern leaders formally declared Somaliland’s separation from the south on May 18, 1991—giving birth to the self-declared republic that exists today. As Somalia descended into civil war following the collapse of the central government, Somaliland’s decision to break away spared it from further destruction. In a country leveled to the ground, rebuilding from the ashes of destruction required both sacrifice and resources. Refugees who had fled during the war began to return, while those who settled abroad—particularly in Europe and North America—sent remittances to help their families and communities rebuild. Slowly but steadily, Somaliland began to rise from the ashes, even as the rest of Somalia continued to fragment. Somaliland’s Rise to the World Three decades later, Somaliland has maintained relative peace and democratic order—despite lacking formal international recognition. It has held six peaceful, competitive elections, all witnessed by international observers and accepted by both winners and losers. Somaliland’s ballot box has become a symbol of political maturity in a continent where elections often spark unrest. A cornerstone of its economy is the Berbera Port, a vital commercial gateway on the Red Sea. In 2017, the UAE inked a landmark deal to develop the port, with Ethiopia securing a 19% stake in the venture. Then, in January 2024, Ethiopia signed a separate sea access agreement with Somaliland—triggering fierce opposition from Somalia, which denounced the move as a breach of its sovereignty. The deal has sparked regional and international concern that the Red Sea is becoming a point of competition. Somalia has condemned the deal and called it “a violation of its sovereignty.” The feud between Ethiopia and Somalia created tension in the Horn of Africa. On Tuesday, November 13, Somalilanders went to the polls to elect a new leader for the 5th straight time. The region was grappling with a host of domestic and international problems. In the east, the town of Las’anod had slipped from government control after Somaliland forces entered in August 2023. Local militias quickly organized, expelling troops in fierce clashes that left civilians dead. Meanwhile, economic challenges—often overlooked in public discourse—also shaped voter concerns. When the Somaliland National Electoral Commission finally announced the results, the opposition had won by a wide margin. The result that millions of Somalilanders were anxiously waiting for. The new leadership is expected to have major regional complications as their power progresses. The most enduring lesson from Somaliland’s democratic journey is its deeply participatory, grassroots nature. This is a democracy built from the ground up—driven by consensus, rooted in tradition, and powered by the people. International observers lauded the November elections. The U.S. Ambassador to Somalia even visited Somaliland to witness the vote firsthand. With broad acceptance across the political spectrum, the peaceful handover of power reinforced Somaliland’s democratic credentials. From forging its own government, currency, and security forces to sustaining peace and holding regular elections, Somaliland continues to defy expectations. It is asking to be recognized as Africa’s 55th nation. As Somaliland embraces a path toward democracy, questions remain about whether their unique exercise of democracy will pave the way for international recognition. Ahmed Abdi is a blogger, communications officer at New Ways Organization in Mogadishu and US Cultural Exchange Bureau’s Community Engagement Exchange alumni. In his blogs, Ahmed writes about contemporary issues in the Horn of Africa mainly Somalia and Ethiopia. He holds a bachelor’s degree in Social work and is passionate about storytelling. Qaran News
  21. Sida ay shaacisay dowladda Sacuudiga, bisha Shawwaal 1446 ayaa caawa laga arkay meelo kala duwan oo ka mid ah boqortooyada. Sidaas darteed, berri oo Axad ah, 30 Maarso 2025, waxaa loo asteeyay inay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitr, taasoo ka dhigan dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan. Dhammaan Muslimiinta ku nool Sacuudiga iyo dalalka raacsan waqtiga ay ku dhawaaqaan bisha Sacuudiga, sida Soomaaliya, waxaa la ciidi doonaa Axadda. Masaajidda iyo goobaha salaadda lagu tukado ayaa loo diyaarinayaa salaadda Ciidda subaxnimada hore. Waa maalin farxad, ducayso, is booqasho iyo u dabaaldegga guusha soonka Ramadaan. Ciid Mubarak! Ilaahay ha naga aqbalo cibaadada iyo ducada aan bixinay bishii Ramadaan. Source: goobjoog.com
  22. South Sudan's First Vice President Riek Machar is under arrest and will be investigated on charges of trying to stir up rebellion, the government said on Friday, the first confirmation of a detention that world powers fear could reignite civil war. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furinta hore ee dagaalka ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay gobollada Shabeellooyinka oo ay weli isku hayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn afhayeenka ayaa faah-faahiyay howlgallo iyo duqeymo culus oo saaka ka dhacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan deegaannadaasi ay dib ula wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna haatan ka wadaan howlgallo nadiifin ah. “Meel loo laabto ma jirto illaa dalka laga sifeeyo Al-Shabaab, Sabiib iyo Caanoole waxaa hadda gacanta ku haya ciidanka” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Howlgalka labaad ayaa sidoo kale ka dhacay deegaanka Ceelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna afhayeenka xaqiijiyay in halkaas lagu dilay ilaa 30 ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada ah, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgal saddexaad oo kale uu ka dhacay deegaanka Buus Caduur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal, kaas oo ay qaadeen ciidamada Macawiisleyda, wuxuuna shaaciyay in lagu dilay laba xubnood oo Shabaab ah, lagana soo furtay hubka ay wateen. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ka dhacay Shabeellooyinka ee ay guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Xaaladda deegaannada lagu dagaalamay ayaa weli kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, iyada oo mar kastaa ay suuragal tahay in dagaalladu ay dib u qarxaan. Si kastaba, ha’ahaateen dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda ay soo galeen gobollada Shabeelooyinka, sidoo kalena lagu arkay deegaanno aad ugu dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaannada Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, Ceel Cali Axmed, Masaajiid Cali Gaduud, Sabiid iyo Canoole, degmada Awdheegle iyo deegaanno kale, waxaana barbar socday duqeymo diyaaradeed oo xoogan. Duqeymaha cirka ah waxay ka mid yihiin istaraatiijiyadda dagaal ee lagu yareynayo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan, waxaana Soomaaliya ka caawiya dalal waa wayn sida Mareykanka, Turkiga iyo Itoobiya.
  24. Mogadishu (HOL) - U.S. Africa Command (AFRICOM) has conducted an airstrike targeting ISIS militants in northern Somalia's Al-Calmiskaad Mountains as part of ongoing operations to weaken the group's presence in the region. Source: Hiiraan Online
  25. Duqeymo xooggan oo dhawaqooda culus yahay ayaa maanta oo Sabti ah laga maqlayaa inta u dhexaysa togaga Miraale iyo Baalade sare, kuwaasi oo lagu beegsanayo Habqankii firxaday ee Argagixisada Daacish. Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan jiidda Miraale ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaqa culus ee duqeymaha oo ku hoobanaya degaannada u dhexeeya labada tog ee Miraale iyo Baalade, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan Habqankii mileeshiyaadka Daacish ee ka firxaday duqeymihii hore. Dowladda Puntland weli War Rasmi ah kama soo saarin cidda fulinaysa duqeymaha maanta ku socda kooxda Daacish, balse saraakiisha Ciidamada oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in saaxiibada Puntland ee Mareykanka ay fulinayaan duqeymahan culus si lamid ah kuwii habeeno ka hor ka dhacay Miraale oo lagu beegsaday Argagixisada. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Duqeymo culus oo maanta ku socda Argagixisada Daacish ee u firxaday Miraale iyo Baalade sare appeared first on Puntland Post.