-
Content Count
211,254 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee haatan ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, sida ay shaacisay Puntland-Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu caddeeyay doorka Imaaraadka ee howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Daacish, isaga oo dhanka hawada ka taageeraya ciidamada Puntland ee dagaalka adag ku jira. Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka xalay ka gaystay aagga Buuraha Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 10 ka tirsanaa kooxda Daacish, sida ay sheegtay Puntland. “Duqeyntii labaad waxa hada lala beegtay, Darar-madoobe, In ka badan 12 Argagixiso ah oo xubno sarsare kujiraan ayaa lagu dilay, Gaari xamuul ahna waa laga gubay. Waxa iska kaashanaya duqeynta Puntland iyo saaxiibada UAE” ayaa lau yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taageerta ciidamada Puntland, waxayna ka gacan siiyaa dhaqaalaha, tababarka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin. Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish. Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay xalay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee Puntland lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan kooxda ISIS, iyadoo aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray in duqeyntan ay fuliyeen iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeyntan ayaa qeyb ka ah howlgallada isdaba-joogga ah ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha sar-sare ee kooxda ISIS ee ku sugan buuraha Calmiskaad. Bishan horraanteedii, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday 1-dii Febraayo lagu dilay Axmed Maeleninine, oo ahaa sarkaal sare oo u dhashay dalka Cumaan, kana tirsanaa kooxda ISIS. Maeleninine ayaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa askaraynta iyo maalgelinta howlgalada dibadda ee kooxda, oo ay ku jiraan weeraro laga fuliyo dalalka Mareykanka iyo Yurub. Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in duqeymo ka dhacay deegaanka Shebaab ee buuraha Calmiskaad lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ka tirsan ISIS, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Duqeyntan ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaari saadka u siday kooxda. Howlgalladan wadajirka ah ee ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lagu beegsanayaa xarumaha iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda ISIS, si loo wiiqo awooddooda iyo khatarta ay ku hayaan gobolka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) – The United States carried out an airstrike in northeastern Somalia on Sunday, killing two ISIS militants, U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement Monday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale qorsheynaya inay sii amba qaadaan wada-hadalladii u dhexeeyay ee ka socday magaalada Ankara ee dalka Turrkiga, kuwaas oo horay xal looga gaaray xiisadda labada dal oo haatan lasii dhammeystirayo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda Soomaaliya ay dirtay guddi farsamo oo ka qayb-galaya wajiga koowaad ee wada-hadallada dib uga bilaabanaya dalka Turkiga. Ujeedka ugu wayn ee wada-hadallada farsamo ee bilaabanayo ayaa ah sidii loo dhaqalin lahaa heshiiskii Ankara, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafintaSoomaaliya Daud Aweys. Qoraal uu wasiirka soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in uu hadda joogo Turkigan, uuna ka qayb-galayo wejiga 1-aad ee wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. “Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”. Dhinaca kale, Itoobiya ayaa iyaduna dirtay guddi kale oo farsamo oo ay is arki doonaan guddiga ay soo xushay dowladda Soomaaliya, waxaana diiradda la saari doonaan, sidii loo heli lahaa xal waara, Itoobiyana u heli lahayd marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda dhexe. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.
-
Dowladda Mareykanka oo warbixin soo saartay ayaa saaka oo Isniin ah ku dhawaaqday in ay duqeymo lagu beegsaday Argagixisada ISIS xalay ka fulisay buuraha Calmiskaad ee Puntland, sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM). Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 16 Feb oo ku beegan xalay lagu beegsaday dagaallamayaasha kooxda Argagixisada ah ee Daacish, kaddib iskaashi lala sameeyay dowladda Federaalka Soomaaliya. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qiimeynta hordhaca ah ee AFRICOM ay muujisay in laba Argagixiye oo ka tirsan dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeynta, islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray rayidka, sida ku xusan Warsaxaafadeedka ka soo baxay Militariga Mareykanka. Warsaxaafadeedka dowladda Mareykanka, gaar ahaanna Taliska AFRICOM ayaa intaasi raaciyay in Talisku weli qiimayn ku wado khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay oo ay wakhtiga ku habboon shaacin doonaan macluumaadka dheeriga ah ee soo baxa. PUNTLAND POST The post Milatariga Mareykanka oo warbixin ka soo saaray duqeyn uu xalay Daacish kula beegsaday buuraha Calmiskaad ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dab xooggan oo goordhow ka kacay suuq Bucaad oo ah suuqa labaad ee ugu wayn dalka. Dabka ayaa lasoo wariyay inuu qabsaday bakhaar ku yaalla gudaha suuqa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo horleh Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana haatan soconayo gurmad deg deg ah oo wadaan gaadiidka dab-damiska oo gaaray gudaha suuqa. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo qiic fara badan oo qabsaday hawada sare ee waqooyiga Muqdisho oo ah halka uu ku yaallo suuqa gubanayo. Xaaladda ayaa kacsan, mana cadda inta uu gaarsiisan yahay baaxdda khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuq Bacaad oo ku yaallo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.
-
Wararka laga helo Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaanno suuq-bacaad, kuna yaalla degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in dab xooggani uu qabsaday xarumo ganacsi oo halkaas ku yaalla, kuwaas oo burbur lixaad lihi soo gaaray. Goobjoogeyaal aan wareysannay ayaa inoo xaqiijiyay in dabku uu ka kacay goob ganacsi oo ku yaalla Suuqa, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo saliidda cuntada lagu karsado, islamarkaana uu ku faafay xarumo kale oo meesha ka ag dhawaa. Gaadiidka dab damiska ayaa xilli dambe goobta soo gaaray, kuwaas oo ugu dambeyn ku guulaystay daminta dabka, balse ilaa seddax goobood oo ganacsi ayaa basbeelay oo gebi ahaanba gubtay sida ay sheegeen goobjoogeyaashu. Dabka qabsada suuqyada dalka ayaa ah dhibaato soo noqnoqata ee si joogto ah u galaafata dhaqaalaha ganacsata Soomaaliyeed, xalkeedana cidina iskuma xil saarto. Source: goobjoog.com
-
Sida ay Puntland sheegtay Saadaasha roobka ee xilliga Gu’-ga ee sannadkan 2025 waxaa la filayaa in uu noqodo mid hooseeya ixtimaal ahaan inta badan degaanada Puntland suurta galna ay-tahay in uu ka curto xili-hore. Degmooyinka Qardho, Carmo, Qandala, iyo Caluula ayaa saadaashu sheegaysaa inay helikaraan 40% roobab xadi ahaan caadi ah sida ku cad khariidadda saadaasha roobka. Khariidad ay soo saartay dowladda Puntland ayaa muujineysaa celceliska roobka ee bilaha March, Abriil, iyo May, waaxaana la filayaa inuu siyaado 75% heerkul ku dhamaan goboladda Puntland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan daneeya-yaasha sida hay’aadaha Dawladda, Hay’adaha caalamiga ah, iyo bulshadu in ay diyaar garow ka sameeyaan suurtagalnimada khataraha ka dhalan kara roob yarida. Halkaan ka eeg khariirada Saadaasha Roobka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka deyrisay Saadaasha Roobabka gu’-ga ee Sannadkan 2025 appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale oo wareysi gaar ah siiyay Wariye Cabdijaliil Show ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka ka jira gudaha dalka. Aadan Barre Ducaale ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan u dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, taas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, kadib markii uu go’ay xiriirkii labada dhinac, sidoo kalena ay arrinta isku rogtay dagaal gacan ka hadal ah. Wasiirka ayaa sidoo kale shaaciyay mowqifka dowladda Kenya, wuxuuna tilmaamay in arrimaha gudaha Soomaaliya ay uga damabeyso dowladda Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna la shaqeyn doonaan. “Arrinka Jubbaland iyo DFS waa in lagu xalliyaa si diblumaasi ah, tan kale annagu waxaan ka dambeynaa Soomaaliya, muhiimaddeenu waxaa weeye in nabad-gelyadu annagoo walaal ah oo mideysan inaan u wajahno sidii loo xallin lahaa xiisadda” ayuu yiri wasiiku. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Madaxweyne William Ruto wuxuu aqoonsan yahay in laga dambeeyo dowladda ka dhisan Villa Soomaaliya, xiriir fiican ayuuna leeyahay Madaxweyne Xasan”. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dowladda Kenya ay haatan waddo dadaallo ay ku dhex-dhexaadineyso dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, si xal looga gaaro khilaafka taagan. Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday safarkii Madaxweyne Axmed Madoobe ee magaalada Nairobi, wuxuuna tilmaamay inuu la xiriiray arrin diblumaasiyadeed iyo dadaallada lagu dhex-dhexaadinta isaga iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Kenya kuma xad gudbin Soomaaliya, anagu waxaanu la simanahay DFS, booqashadii Axmed Madoobena waxay ahayd arrin diblumaasiyadeed, si looga wada-hadlo khilaafka ka taagan gudaha Soomaaliya, waxaana weli socda waa-waan” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisa uu yahay khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, kaas oo dhaliyay in xaalad adag ay gasho Jubbaland oo xayiraad xooggan ay saartay dowladda dhexe, waxaana sidoo kale labada dhinac dhex-maray dagaallo toos ah.
-
Turkey’s Ambassador to Somalia, Alper Aktaş, has embarked on a two-day visit to Somaliland, where he met with officials in Hargeisa to discuss development support, strengthen bilateral ties, and potentially mediate in the stalled Somalia-Somaliland talks. During his visit, Ambassador Aktaş met with Somaliland President Abdirahman Abdillahi Irro, Foreign Minister Abdirahman Dahir Adan, and Kaah political party leader Mohamud Hashi Abdi, a key government ally. A statement from the Somaliland presidency highlighted discussions on trade, investment, education, healthcare, and diplomacy. “The President emphasized the importance of direct and strategic cooperation,” the statement read. Similarly, President Irro’s foreign affairs adviser, Mohamed Hagi, described the visit as marking a “new chapter” in Turkey-Somaliland relations. “Somaliland and Türkiye share deep historical ties and cultural affinities, and with the Türkiye Ambassador’s fruitful discussions with H.E. the President, a new phase in their bilateral relations is set to begin,” he wrote on X. The Turkish Embassy also stated that discussions focused on Türkiye’s past support for Somaliland’s development and preparations for new projects in the near future. Türkiye’s Strategic Role in Regional Diplomacy Türkiye has been actively involved in regional mediation, notably hosting talks in Ankara last December between Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed to de-escalate tensions over Somaliland’s controversial MoU with Ethiopia. The visit has sparked debate online, with some pro-Somalia groups accusing Türkiye of playing a “double game” in the region. However, Ankara’s engagement in Somaliland comes amid prolonged deadlock in talks between Hargeisa and Mogadishu, with diplomatic sources suggesting Türkiye may attempt to revive negotiations. U.S. Interest in Somaliland As Türkiye deepens its involvement in Somaliland, the geopolitical landscape in the Horn of Africa is shifting, with major international players maneuvering for influence amid discussions on Somaliland’s potential recognition. The renewed Turkish engagement also coincides with reports that the new Donald Trump administration in the U.S. is considering formally recognizing Somaliland. This move is reportedly influenced by Washington’s strategic interest in countering China’s growing presence in Djibouti, where the U.S. maintains a key military base. Berbera, Somaliland’s major port on the Gulf of Aden, has long been seen as a potential alternative for U.S. military operations. Just last week, President Irro spoke at the World Governments Summit in Dubai, advocating for Somaliland’s recognition and highlighting its strategic geographical importance. Horn Observer Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Mogadishu (HOL) — A day after Somali President Hassan Sheikh Mohamud and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met to restore ties, officials from both nations have begun technical talks in Ankara to implement the Ankara Declaration and discuss Ethiopia’s bid for maritime access through Somali territory. Source: Hiiraan Online
-
Carruur ay askareynaysay Al-Shabaab oo soo fakaday kadibna…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay carruur ay qoysaskooda ka afduubteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay gobolka Baay. Carruurta oo gaareyso illaa 4 ayaa waxaa lasoo wariyay in dhowaan ay qafaasheen Al-Shabaab, ayna doonayeen inay askareeyaan balse ay kasoo fakadeen, kadibna waxaa soo qabtay iyaga oo soo baxsaday ciidamada NISA ee ka howlgala magaalada Baydhaba. Muuqaal uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa kasoo muuqday carruurta oo aan gaarin da’da qaar-gaarnimada, waxayna ka sheekeeyeen sida ay ugu gacan galeen Al-Shabaab. Mid kamid ah carruurta ayaa sheegay in markii hore la tashkiiliyay, kadibna sidaas lagu kaxeeyay dhulka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanka Buush-Madiino oo la doonayay in lagu tababaro, balse ay markii dambe kasoo carareen, iskuna soo dhibeen ciidamada NISA. “Aniga oo waalidkey la joogo, waxbarashana ku jiro ayaa Al-Shabaab i tashkiilisay, kadibna way i wadeen waxayna i geeyeen Buush-Madiino oo aan joogay mudo 9 berri ah” ayuu yiri. Sidoo kale, carruurta ayaa dalbaday in la gacan qabto, isla markaana la siiyo waxbarasho, si ay u helaan mustaql fiican oo ka wanaagan midka adag ee Al-Shabaab. Dhowaan, sidaan oo kale ayaa xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo gaaraya illaa 10 dhalinyaro ah waxaa loogu soo bandhigay Baydhaba, kadib markii ay isa soo dhiibeen. -
Mogadishu (HOL) — The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) concluded its Fifth Quadrennial Congress in Mogadishu last week, marking a defining moment for the country's labour movement. The two-day event, themed "Empowering Workers' Voice for Justice, gathered 328 delegates, including representatives from Somalia's five Federal Member States and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Maddison earns Tottenham 1-0 victory over Manchester United
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Tottenham Hotspur midfielder James Maddison's early goal was enough for his side to end a barren home run in the Premier League by beating fellow strugglers Manchester United 1-0 in an entertaining clash on Sunday. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Qorshaha Ruushka uu saldhig cidian badeed uga dhisanayo Gacanka Cadmeed-Badda Cas (GARS) wuxuu si weyn ugu xiran yahay in Sudan ay hirgeliso heshiiskii muddo dheer dib u dhacay. Haddii taas la waayo, waxa xiga ee arrintan saameynaya waa go’aanka Maraykanka—sidoo kale in uu saldhiggiisa ka sii haysto Jabuuti ama uu ciidamada uga raro Somaliland haddii uu si rasmi ah u aqoonsado. Geeska Afrika wuxuu si muuqata uga dhex muuqday ajendaha diblomaasiyadeed ee Ruushka toddobaadkii hore, kaddib markii uu yeeshay laba kulan muhiim ah oo kala gaar ah Jabuuti iyo Somaliland. Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jabuuti ayaa booqasho ku tegay Moscow, halka wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Ururka Ganacsiga Ruushka ee Afrika uu kulan la yeeshay Somaliland. Wafdigan ayaa heshiis ka gaaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada beeraha, saadka, iyo warshadaha. Labadan horumarba waxay yeelan karaan saamayn ciidan oo dheeraad ah. Ruushka iyo qorshihiisa saldhig ciidan badeed Ruushku wuxuu muddo dheer doonayey inuu dib u soo celiyo joogitaankiisii badeed ee xilligii Midowgii Soofiyeeti ee gobolka GARS, isagoo markii dambe doortay inuu saldhig ka dhiso Sudan. Balse hirgelinta qorshahan ayaa si isdaba joog ah dib uga dhacay sababo la xiriira dagaalka sokeeye ee dalkaas iyo cadaadiska reer Galbeedka. Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u fiirsanayaa fursadaha kale ee Jabuuti ama Somaliland haddii Sudan mar kale ka gaabiso fulinta heshiiskeeda. Xitaa haddii Sudan hirgeliso heshiiska, Ruushku wuxuu weli yeelan karaa xarumo kale oo dheeraad ah si uu u xoojiyo joogitaankiisa. Bishii November 2023, waxaa la falanqeeyay in Ruushku dhexdhexaadin karo heshiisyo u dhexeeya Jabuuti, Itoobiya, iyo Koonfurta Sudan, taasoo u horseedi karta inuu saldhig ciidan ka helo Jabuuti. Beddelkeedana, Ruushka wuxuu heli karaa saami shirkadaha macdanta ee Koonfurta Sudan, dhoofinta badeecooyin beeraley ah oo la dhimo qiimahooda, iyo dhismaha dhuumo shidaal oo gobolka mara. Arrintan ayaa laga yaabaa inay xiiso geliso Jabuuti haddii Donald Trump hirgeliyo qorshaha “Project 2025” (bogga 186), kaasoo soo jeedinaya in Somaliland la aqoonsado si Maraykanku uga helo xal uu kaga baxo xaaladdiisa sii xumaanaysa ee Jabuuti marka loo eego loolanka uu la leeyahay Shiinaha. Maraykanka iyo saldhiggiisa Jabuuti: Saameynta Ruushka Haddii Maraykanku go’aansado inuu ciidamadiisa ka raro Jabuuti una wareejiyo Somaliland, Jabuuti waxay lumin kartaa dakhliga ay ka hesho kiraynta saldhigga Maraykanka. Laakiin waxay sidoo kale heli kartaa beddel dhaqaale oo ka faa’iido badan haddii ay Ruushka la gasho heshiis, taasoo suuragal ka dhigaysa in Ruushku la wareego saldhigga badeed ee Maraykanka ee Jabuuti, sida uu bishii May 2023 ula wareegay saldhigga cirka ee Maraykanka ee Niger. Isbeddel noocan ah wuxuu u noqon lahaa mid dhaqaale ahaan faa’iido u leh Jabuuti, isla markaana gogol xaar u noqon kara heshiisyo kale oo dheeraad ah. Dhinaca kale, haddii Maraykanku go’aansado inuu Jabuuti sii joogo, Ruushku wuxuu diiradda saari karaa Somaliland beddelka Sudan. Inkastoo uu xiriir wanaagsan la leeyahay Soomaaliya, oo Somaliland ay qeyb ka tahay, haddana madaxweynaha Soomaaliya wuxuu laba jeer si adag ugu dhaleeceeyay Ruushka shir caalami ah oo ka dhacay Talyaaniga bishii Janaayo 2024. Dhaleeceyntaas waxay muujin kartaa in Ruushku aanu wax dhib ah ku qabin inuu xoojiyo xiriirkiisa Somaliland, xitaa haddii taasi ka xanaajinayso Muqdisho. Aqoonsiga Somaliland iyo heshiisyo suurta-gal ah Ruushku waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaadhayo heshiis ay Somaliland ku heli karto aqoonsi rasmi ah, iyada oo beddelkeedana la kordhinayo maalgelinta iyo iskaashiga dhaqaale ee ay dhawaan isku afgarteen. Arrintan waxay Ruushka siinaysaa fursad uu uga dhigto Somaliland saldhig ciidan, taasoo qeyb ka noqon karta istiraatiijiyaddiisa badeed ee Gacanka Cadmeed-Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan waa mala-awaal xog ogaal ah, maadaama aysan jirin warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in arrimahaasi si rasmi ah looga wada hadlay intii uu wafdigu ku sugnaa Somaliland. Balse lama dhayalsan karo macquulnimada in Ruushku raadinayo xiriir istiraatiijiyadeed oo Somaliland la yeesho, marka la eego duruufaha istiraatiijiyadeed ee ay booqashadu ku dhacday. Qorshaha Ruushka ee saldhig badeed oo ka hirgala Gacanka Cadmeed-Badda Cas wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay sida Sudan u fuliso heshiiskii dib u dhacay. Haddii Sudan ka baaqato, waxa xiga ayaa noqonaya go’aanka Maraykanka ee ah inuu Jabuuti sii joogo ama ciidamadiisa u raro Somaliland. Sida muuqata, Ruushku wuxuu la jaanqaadayaa xaaladaha gobolka halkii uu isku dayi lahaa inuu si toos ah u saameeyo, taasoo u muuqata mid xeel dheer marka la eego xaddidaadda saameynta uu ku leeyahay gobolka.
-
Dalalka Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyay in markii ugu horresay guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ku xigeenkiisuba ay noqdeen laba qof oo ka soo jeeda dowladaha jamacadda Carabta. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa dhowaan loo dhaariyay xilka guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, ka dib doorasho uu kaga guulaystay ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila odinga. Sidoo kale ku xigeenkiisa oo loo doortay danire Selma Haddadi oo an Safiirka Aljeeriya u fadhisa dalka Itoobiya, taas uu noqanaysa haweeneydii ugu horreysay ee Carbeed oo xilkaas qabata taniyo markii la aas-aasay ururka Midowga Afrika sanadkii 1963-dii. Arrintan ayaa guul Taariikhiya u ah dalalka Carabta ee ku jira Midowga Afrika, waana markii ugu horraysay ee labadaas xil ay isku mar qabtaan. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xulafada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga, ayaa soo jeediyay in Kenya dib uga fiirsato xubinnimada Midowga Afrika (AU), kaddib guuldaradii uu Sabtidii kala kulmay doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC). Doorashadan, oo ka dhacday Shir-madaxeedkii 38-aad ee Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha Midowga Afrika ee Addis Ababa, Itoobiya, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf. Kaddib wareegyo codbixineed oo socday toddobo marxaladood, Youssouf ayaa ugu dambeyn helay xilka, isagoo helay 33 cod—wuxuuna gaaray aqlabiyadda loo baahnaa ee saddex-meelood laba (2/3) oo ka mid ah 49 hoggaamiye dowladeed oo codeeyay. Guuldarada Odinga ayaa dhalisay fal-celin xooggan oo ka timid taageerayaashiisa, taasoo keentay dood xoogan oo ku saabsan doorka Kenya ee Midowga Afrika. Xildhibaan Peter Kaluma oo laga soo doorto Homa Bay ayaa noqday mid ka mid ah codadka ugu adag ee arrintan ka hadlay, isagoo shaaciyay inuu ka shaqeyn doono sidii Kenya uga bixi lahayd Midowga Afrika, xitaa suurtagalna ay tahay inay sidoo kale ka baxdo Bulshada Bariga Afrika (EAC). EAC waa urur ay ka tirsan yihiin siddeed waddan oo kala ah: Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Uganda, iyo Tanzania. Dhinaca kale, Xildhibaan Samuel Atandi oo laga soo doorto Alego Usonga ayaa soo jeediyay in Kenya dib u eegis ku sameyso dhaqaalaha ay ku bixiso Midowga Afrika, isagoo ku baaqay in la dhimo ama la joojiyo maalgelinta ay Kenya siiso ururka. Mowqifkan sii xoogeysanaya ayaa muujinaya walaac ballaaran oo laga qabo qaab-dhismeedka Midowga Afrika iyo saameynta uu ku leeyahay danaha dowladaha xubnaha ka ah. Senator Ledama Olekina oo laga soo doorto Narok ayaa isna ka hadlay arrinta, isagoo qiray in Madaxweyne William Ruto si buuxda u taageeray musharraxnimada Odinga. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo qaab-dhismeedka Midowga Afrika, isagoo xitaa soo jeediyay su’aal ay dood dhalisay: “Maxaa diidaya in Midowga Afrika loo kala qeybiyo labo?” Waxaa xusid mudan in hanaanka doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu si gaar ah ugu xiran yahay dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo aysan wax saameyn ah ku lahayn maamullada militari. Xilkan waxaa si wareeg ah loogu wareejiyaa shanta gobol ee Afrika. Doorashadan, gobolka Bariga Afrika ayaa soo xulay musharraxa guddoomiyaha, halka gobolka Waqooyiga Afrika uu keenay ku-xigeenka.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in uu “si dhakhso ah” ula kulmi karo Vladimir Putin, isagoo intaa ku daray inuu aaminsan yahay in dhiggiisa Ruushka ay dhab ka tahay joojinta dagaalka Ukraine. “Waqti lama cayimin, balse waa dhici kartaa in ay dhowaan dhacdo,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, saacado kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu isku dayay in uu hoos u dhigo rajada laga qabo wadahadallo heer sare ah oo lagu qabanayo Riyadh si loo soo afjaro dagaalka. Iyadoo Rubio uu hoggaamin doono wafdi sare oo Mareykan ah oo wada-hadallo kula yeelanaya saraakiisha Ruushka caasimadda Sacuudiga maalmaha soo socda, ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan ay socdaan, xilli dagaalka Ukraine uu galayo sannadkii saddexaad. Trump ayaa sheegay in kooxdiisu ay “waqti dheer iyo dadaal badan” la qaadatay saraakiisha Ruushka, oo uu ka mid yahay ergaygiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff, kaasoo uu Trump sheegay inuu dhowaan la kulmay Putin muddo saddex saacadood ah. “Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu joojiyo dagaalka,” ayuu Trump ka yiri Putin. Markii la weydiiyay haddii uu aamisan yahay in Putin uu damacsan yahay inuu Ukraine dhan qabsado, Trump wuxuu yiri: “Taasi waxay ahayd su’aashayda.” “Haddii uu sii wado… taas waxay i hor dhigi lahayd dhibaato weyn,” ayuu Trump ku daray. “Waxaan u maleynayaa inuu doonayo inuu soo afjaro dagaalka, waxayna rabaan in ay sida ugu dhaqsaha badan u dhammeeyaan. Labadooduba,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay, “Zelensky sidoo kale wuu rabaa in la soo afjaro.” Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Axaddii sheegay in uu rumeysan yahay in Ruushku uu u diyaar garoobayo inuu dagaal ku qaado NATO oo daciif ah, haddii Trump uu hoos u dhigo taageerada Mareykanka ee isbahaysiga. Trump wuxuu u muuqday inuu hoos u dhigayo hadalka Zelensky, isagoo wariyeyaasha u sheegay inuusan “xitaa yar” uga welwelsaneyn farriinta hoggaamiyaha Ukraine. Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ayaa marar badan ku adkeystay in uu soo afjari karo dagaalka Ukraine hal maalin gudaheed haddii uu dib ugu laabto Aqalka Cad. Hase yeeshee, Rubio wuxuu hoosta ka xarriiqay in “aysan sahlaneyn” in la xalliyo dagaalkan dheer, dhiigga badan ku daatay, islamarkaana murugsan. “Hannaanka nabadda waa mid u baahan dadaal ka badan hal kulan,” ayuu yiri diblomaasiga sare ee Mareykanka wareysi uu siiyay CBS, xilli uu ka qeyb galay Shirka Amniga Munich. ‘Weli waxba lama go’aamin’ Rubio ayaa hoggaamin doona wafdi heer sare ah oo Mareykan ah oo u socdaalaya Riyadh, balse weli lama caddeyn in Ukraine ay ka qeybgali doonto. Rubio wuxuu sheegay inuusan xitaa hubin cidda Moscow ay u soo diri doonto. “Weli waxba lama go’aamin,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in ujeeddadu ay tahay in la helo fursad lagu billaabo wadahadal ballaaran oo “ay Ukraine ka mid noqon doonto, islamarkaana la xiriiri doona dhammaadka dagaalka.” Witkoff iyo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Michael Waltz, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan wadahadallada. Trump iyo Putin ayaa Arbacadii yeeshay wicitaan dheer oo ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo billaabo wadahadallo xabbad-joojin ah. Wadahadalkii ayaa lama filaan ku noqday xulafada NATO iyo Kyiv, iyadoo Zelensky uu ku adkeystay in “wax go’aan ah laga gaareyn Ukraine iyada la’aanteed.” “Xilligan ma jiro wax hanaan ah,” ayuu yiri Rubio, oo Sabtidii telefoon kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov. “Hal wicitaan nabad ma keeni karo.” Wareysi uu Axaddii siiyay NBC, Zelensky wuxuu ku sheegay in Putin uu yahay qof been badan, oo aan la aamini Karin. “Ma aaminsani in qofna qof kale uu aamini karo marka la eego arrimaha siyaasadda caalamiga ah,” ayuu yiri Rubio. “Maalmaha iyo toddobaadyada soo socda waxay go’aamin doonaan haddii (Putin) uu dhab ka yahay ama aanay ahayn.”
-
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horresay faahfaahin ka bixisay safarkii uu madaxweynaha maamulka Jubbaland dhowaan ku tagey magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas. Wasiirka deegaanka iyo isbadelka cimilada ee Kenya Aadan barre Ducaale oo wareysi siiyay mid kamida shabakadaha warbaahineed ee Nairobi ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo William Ruto ay arrimaha Soomaaliya keliya kala macaamilayso dowladda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay doonayso in dowlad goboleedyadu ka dambeeyaan. Mar wax laga weydiiyay safarkii madaxweynaha maamulka Jubbaland uu bishii Janaayo ku tagey magaalada Nairobi, waxa uu sheegay in socdaalkaasi uu qeyb ka ahaa wada-hadal dhexdhaxaadin ah oo Kenya ay ka dhex wadday Jubbaland iyo dowladda dhexe. Wasiir Aadan Barre Ducaale ayaa intaas ku daray in xukuumadda William Ruto ay madaxweyne Xasan Sheekh u caddaysay mowqifka dawladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya intii lagu jiray shir madaxeedkii dalalka bariga Afrika ee dhowaan ka dhacay magaalada Caruushe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa bishii Janaayo diyaarad gaar ah oo ka qaday Kismaayo waxay geysay magaalada Nairobi, waxayna arrintaas dad badani u arkayeen xadgudub ay dowladda Kenya ku samaysay madax-bannaanida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay daah-furtay ol’ole qaran oo afar maalmood soconaya, kaas oo lagu tallaalayo 2.5 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano, iyadoo diiradda la saarayo gobollada Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Ol’olahan, oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka, waxaa taageeraya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF iyo Barnaamijka Ciribtirka Caalamiga ah ee Dabaysha (GPEI). Ujeeddada ol’olahan ayaa ah in la joojiyo faafitaanka nooca labaad ee fayraska dabaysha (cVDPV2), kaas oo kusoo noqnoqday Soomaaliya tan iyo 2017. Soomaaliya waa mid kamid ah toddobada dal ee Barnaamijka Ciribtirka Dabayshu u aqoonsaday inay halis sare ugu jiraan cudurkan. Sababaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah cudurro soo noqnoqday, nidaamka caafimaadka oo daciif ah, iyo colaadaha sii socda ee caqabad ku ah dadaallada tallaalka. Gobollada kale ee sida weyn ugu nugul dabaysha waxaa ka mid ah: Afgaanistaan, Pakistan, Gobolka Tete ee Mozambique, Bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo, Waqooyiga Yemen iyo Waqooyiga Nigeria Dadaallada tallaalka iyo wacyigelinta Si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan, kooxaha tallaalka ayaa guri-guri u mari doona si ay u hubiyaan in carruurta la beegsanayo ay helaan tallaalka cusub ee dabaysha (nOPV2). Ol’olahan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa dadaallada joogtada ah ee tallaalka, iyadoo la kordhinayo wacyigelinta bulshada si wax looga qabto cabashada ay waalidiinta qaar ka qabaan tallaalka. Sanadkii hore, dadaalladii joogtada ahaa iyo ol’olayaashii gaarka ahaa ee cudurka dabaysha ayaa suurta geliyey in la tallaalo 600,000 oo kamid ah 1.5 milyan oo carruur ah oo aan weligood wax tallaal ah qaadan. Ol’olahan cusub ayaa sii xoojinaya guulihii hore, wuxuuna muujinayaa sida ay dowladda uga go’an tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed. Dabayshu waa cudur halis ah, balse gabi ahaanba laga hortagi karo. Wareeg kasta oo tallaal ah wuxuu inaga dhawaynayaa ciribtirka cudurkan. Iskaashiga adag ee bulshada, hoggaaminta dowladda, iyo taageerada hay’adaha caalamiga ah ayaa muhiim u ah xaqiijinta in aan hal ilmo laga tagin. Dowladda Soomaaliya waxa ka go’an inay si dhow ula shaqeyso dhammaan dhinacyada ay quseyso si loo sugo in carruurta Soomaaliyeed laga ilaaliyo cudurka dabaysha iyo cudurrada kale ee tallaalka lagu xakameeyo. Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa daah-furtay guddi qaran oo ka shaqeynaya tallaalka iyo ciribtirka dabaysha, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha, si loo dedejiyo dadaallada lagu dabar-goynayo cudurkan. Marka lagu daro dadaallada ka dhanka ah dabaysha, dowladda ayaa qorsheynaysa in sanadkan la hirgeliyo tallaalada pneumococcal iyo rotavirus, kuwaas oo si weyn hoos ugu dhigi kara dhimashada carruurta ee la xiriirta oof-wareenka iyo shubanka—labadaas oo ah sababaha ugu badan ee dhimashada carruurta Soomaaliyeed.