Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In ka badan 250 ururrada bulshada rayidka ah ee caalamka kamid ah ayaa warqad ay soo saareen ugu baaqeen dawladaha soo saara diyaaradaha F-35 inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaanIsraa’iil. Ururradan ayaa sheegay in marka la eego jilicsanaanta xabbad-joojinta Qasa ay lagama maarmaan tahay joojinta hubka loo dhoofiyo maamulka Israa’iil, si aysan mar kale ugu adeegsan dagaalka Qasa. Maamulka Israa’iil ayaa muddo 15 bilood ah duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic ku garaacayay marinka Qasa, taas oo sababtay dhimashada in ku dhowaad 50 kun oo qof iyo burbur dhulka la simay dhismeyaashii Qasa intoodii badnayd. Source: goobjoog.com
  2. In ka badan 250 ururrada bulshada rayidka ah ee caalamka kamid ah ayaa warqad ay soo saareen ugu baaqeen dawladaha soo saara diyaaradaha F-35 inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaanIsraa’iil. Ururradan ayaa sheegay in marka la eego jilicsanaanta xabbad-joojinta Qasa ay lagama maarmaan tahay joojinta hubka loo dhoofiyo maamulka Israa’iil, si aysan mar kale ugu adeegsan dagaalka Qasa. Maamulka Israa’iil ayaa muddo 15 bilood ah duqeymo diyaaradeed iyo madaafiic ku garaacayay marinka Qasa, taas oo sababtay dhimashada in ku dhowaad 50 kun oo qof iyo burbur dhulka la simay dhismeyaashii Qasa intoodii badnayd. Source: goobjoog.com
  3. Mogadishu (HOL) – Local militia forces known as Ma'awisley launched an attack on the residence of a senior Al-Shabaab leader in El-Bur, a district in Somalia's Galgadud region, on Monday night. Source: Hiiraan Online
  4. Shir degdeg ah oo ay madaxda dalalka Jaamacadda Carabtu 27-ka bishan ku yeelan lahaayeen magaalada Qaahira, kaas oo diiradda lagu saari lahaa xaaladda marinka Qasa ayaa dib loo dhigay. Dowladda Masar oo marti-gelinaysa shirkaas ayaa shaacisay inuu qabsoomi doono 4-ta bisha soo socaya ee Maarso, waxayna Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wada-tashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo la tixgeliyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah. Shirkan oo ay isku dubaridday dowladda Baxreyn oo hadda haysa xilka shir guddoonka Jaamacadda ayaa looga hadli doonaa xaaladda marinka Qasa iyo qorshaha Mareykanka ee lagu barakicinayo dadka halkaas ku nool. Source: goobjoog.com
  5. Shir degdeg ah oo ay madaxda dalalka Jaamacadda Carabtu 27-ka bishan ku yeelan lahaayeen magaalada Qaahira, kaas oo diiradda lagu saari lahaa xaaladda marinka Qasa ayaa dib loo dhigay. Dowladda Masar oo marti-gelinaysa shirkaas ayaa shaacisay inuu qabsoomi doono 4-ta bisha soo socaya ee Maarso, waxayna Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wada-tashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo la tixgeliyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah. Shirkan oo ay isku dubaridday dowladda Baxreyn oo hadda haysa xilka shir guddoonka Jaamacadda ayaa looga hadli doonaa xaaladda marinka Qasa iyo qorshaha Mareykanka ee lagu barakicinayo dadka halkaas ku nool. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka fal-celiyay tallaabadii uu shalay qaaday madaxweyne Xasan oo weeraray xubnaha mucaaradka. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka isbitaal laga hirgeliyay degmada Hodan ayaa u jawaabay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo si cad u beeniyay eedeymahooda sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh. “Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed. Intaas kadib waxaa soo hadlay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku taliyay arrin yaableh, isaga oo soo jeediyay in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca, sida u hadalka u dhigay. “Anigoo tixraacaya hadalka Madaxweynaha ee ahaa qofkii Madaxda wax ka sheega isbitaal hala geeyo oo nafsiyan haloo baaro, waxaan soo jeedinayaa in isbitaalka cusub ee Hodan Hospital laga furo qayb u gooni ah dhimirka iyo cudurrada keena isku dhex yaaca” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu Fahad soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qeybtaas waxaa lagu baarayaa xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka, kadibna natiijada baaritaankaas loo fasaxo iney dadweynaha daalacdaan”. Arrintan ayaa daba socota eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Si kastaba, Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka.
  7. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia uga qeyb galay shirka 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) oo ay marti galinayso Dowladda Ethiopia oo ah hoggaanka hada ee Madashada. Madashan oo 3 Biloodle ah ayaa diiradda lagu saaray Shantii Sano ee la soo dhaafay wixii u qabsoomay dalalka ku mideysan Madashani iyo qorshaha Mustaqbal ka la hiigsanayo oo u badan maalgalinta mashaariic horumarineed oo ay helayaan dalalka geeska Afrika. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay kulanka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in diiradda la saaro sare u qaadidda mashaariicda maalgalineed ee ay helaan dalalka gobolka, si gaara ah Soomaaliya ayuu ku sheegay in ay mudnaan gaar ah siinayso maalgalinta ilaha dhaqaalaha dalka, Mudane Wasiir Biixi ayaa waxa kale uu uu sheegay in loo baahan yahay xoojinta iskaashiga ganacsi ee geeska Afrika. Shirkan ayaa intiii uu socday waxaa kale oo la isku raacay in 𝐄𝐭𝐡𝐢𝐨𝐩𝐢𝐚 oo ah hoggaanka 2-dii sano ee la soo dhaafay ay 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 ku wareejiso hoggaanka Dalalka Iskaashiga, iyada oo uu xilka gudoomiyaha si rasmi ah ula wareegidoono Wasiirka Maaliyadda XFS, bisha April 2025 oo shirkaan kiisa xiga ee 24-aad lagu qaban doono Magaalada Washington ee dalka Mareykan. Mohamed Abdikarim Wagad Source: goobjoog.com
  8. Ankara (Caasimada Online) – Magaalada Anakara ee caasimada dalka Turkiga waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo farsamo oo xasaasi ah, isla markaana u dhexeeya mas’uul sar sare oo ka kala socda dalalka dariska ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dhaqan-gelinta heshiiskii Ankara ee ay horay u gaareen labada dhinac ee ku aadanaa xal u helista muranka badda. Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada hadda socda si gaar ah looga arrinsanayo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya, si ay u hesho marin biyood ganacsi oo sharci ah. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qayb ka ah guddiga farsamo ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadaladan lagu qaada dhigayo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii laga gaaray wada xaajoodyadii hore ee ka dhacay Ankara. “Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”. Kulamadan ayaa daba socda wada-hadalladii labada geesoodka ahaa ee ay dhowaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Addis Ababab, kuwaas oo isku raacay in la sii amba qaado wada-hadalka ay Itoobiya ku dooneyso inay cagta soo saarto biyaha dalkeenna Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.
  9. Wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, oo qayb ka ah Bayaan-wadajirka Ankara ee la ansixiyay 11-kii Diseembar 2024, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Ankara. Wadahadalladan waxaa martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mudane Hakan Fidan, iyadoo ay ka qeybgaleen wefdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Mudane Dr. Gedion Timothewos, iyo wefdi uu hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar. Maanta, inta lagu guda jiray wajiga koowaad ee wadahadallada farsamo, labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobbada Bayaan-wadajirka Ankara. Wefdigii ka socday labada dal waxay bilaabeen dadaallo lagu hirgelinayo aragtidan, si loo suurtageliyo iskaashi horumarineed oo waara, una horseedi kara dan guud oo labada dhinac wadaagaan. Labada wefdi waxay uga mahadceliyeen Turkiga sida uu uga go’an tahay sii wadida dadaallada lagu sii amba-qaadayo wadahadallada, iyada oo la qorsheynayo wajiga xiga ee wadahadallada farsamo in la qabto bisha Maarso 2025. Source: goobjoog.com
  10. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay wajiga labaad ee dhismaha waddada isku xireysa Cawsane iyo Hadaaftimo, oo qayb ka ah mashruuca ballaaran ee waddada Ceel Daahir – Ceerigaabo. Munaasabadda dhagax dhiga waxaa ka qeyb galay xubno sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, iyo wasiiro kuwaas oo muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Puntland. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay madasha ayaa yiri: “Dhismaha waddadan waxa uu muhiim u yahay isku xirka gobollada, fududeynta gaadiidka iyo kobcinta dhaqaalaha. Dawladda Puntland waxa ay ka go’an tahay dhamaystirka mashruucan si bulshada uga faa’iidaysato, una sahlanaato isku socodka iyo horumarka nololeed.” Dhismaha wajiga labaad ee wadada Cawsane-Hadaaftimo ayaa qeyb ka ah dadaallada dawladda Puntland ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isku socodka, ganacsiga, iyo nolol-wanaagga bulshada. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dhagax-dhigay laamiga Cawsane iyo Hadaaftimo appeared first on Puntland Post.
  11. US and Russia end first round of Ukraine talks. US and Russia end first round of Ukraine talks Russian delegations have ended four-and-a-half-hour talks in Riyadh on restoring bilateral ties and ending the war in Ukraine, the first high-level negotiations on the conflict since the early months of Vladimir Putin’s invasion three years ago. Yuri Ushakov, the Russian president’s foreign policy adviser, told reporters the delegations held “a very serious conversation about all issues”, according to the Tass news agency. He said Tuesday’s talks in Riyadh were “not bad” and Russia and the US had “agreed to take each others’ interests into account”, but it was “hard to say” they were “growing closer”. Secretary of state Marco Rubio, national security adviser Mike Waltz, and special envoy Steve Witkoff led the US delegation. In a sight almost unthinkable even a few weeks ago, Russian and American flags flew next to each other outside of the opulent palace. The diplomatic meeting was the first of its kind between the US and Russia since Moscow’s 2022 invasion of Ukraine. Qaran News
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaddib markii taliye ciidan si arxandarro ah loogu dilay magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in taliyihii saldhigga degmada Maxamed Mooge, oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, lagu dilay mindi ama toorrey, kaddib markii uu si gaadmo ah weerar ugu soo qaaday askari ka mid ahaa ilaaladiisa. Sida ay ogaatay Caasimada Online, askariga dilka geystay waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii hore dhaawacmay, balse ugu dambeyn u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama bixin waxa uu salka ku hayay khilaafka askariga iyo taliyihiisa ee sababay in la dilo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ka mid ahaa saraakiisha firfircoon ee ciidamada booliska Somaliland. Booliska Somaliland oo war kasoo saaray dhacdadan ayaa xaqiijiyey in eedeysanaha gacanta lagu hayo, isla markaana i deg deg ah loo horgeyn doono cadaaladda. “Alle naxarisitii janno haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray si argagax leh loo dilay , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada” ayaa lagu yiri qoraalka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay baaris ku wadaan dhacdadan, iyaga oo xusay in natiijada dib looga shaacin doono, si shacabka loola wadaago xogta dhabta ah. Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay dilka taliyaha, waxaana dadka ay su’aalo ka keenayaan waxa keeni kara in askari dable ah uu si arxandarro ah u dilo taliyihiisa. Somaliland waxaa mararka qaar ka dhaca dilal kala duwan, waxaana ugu dambeeyay dil shalay ka dhacay magaalada Burco. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ayaa inta badan ka daba taga dambiilayaasha, soona qabta.
  13. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNQdOurcWjwsuEqj8_00KP61sC0s4lVezb0V0_jRVqKl3XUgrkOHB7cR4SHUYZGFPe4wVUPSgxazFhcOZUTsgzo.mp4 Qaran News
  14. Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa dhagax dhigay dhismaha dugsi Qur’aan oo si casriyeysan loogu dhisayo Caruurta agoonta ah ee ciidanka boliiska. Dhagax dhigga gugsigan ka dib Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu kormeeray dib u habeyn lagu sameeyey gudaha Xarunta lagu Barbaariyo Caruurta Boliiska oo uu maamul cusub ugu magacaabay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqoonta iyo goobta wax lagu baro da’yartan soo koraysa. Carruurta agoonta Booliiska waxaa dhalay saraakiil iyo askar naftooda ku waayay difaaca dalka iyo adeegga nabad-gelyo ay ciidankani dadweynaha u qabtaan, waxayna dowladda ka mudanyihiin daryeel iyo barbaarin wax ku ool ah. Source: goobjoog.com
  15. Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgallo culus oo lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolkaasi. Howgallada oo lagu xoreeyay deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle ayaa lasoo wariyay in ciidamadu ay sidoo kale jab culus ku gaarsiiyeen kooxaha Khawaarijta. Ciidamada huwanta ayaa gudaha u galay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle, horay ay ugu sugnaayeen Shabaab. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ah, ayna ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay. Sidoo kale waxaa nolosha lagu soo qabtay xubno kale oo usoo gacan galay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka. “Howlgalada Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle ayey dardar galiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka iyadoo Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, isla markaana laga dilay maleeshiyaad badan, gacantana lagu dhigay dhagarqabayaal kale” ayaa lagu yiri qoraal dowladda dhexe. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka HirShabelle. Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wejigii koowaad ee dagaalka, iyada oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada Aadan Yabaal oo muddo dheer talis wayn u hayad maleeshiyaadka argagixisada ah.
  16. Somaliland police have arrested four Yemeni nationals accused of repackaging expired medicine with falsified expiration dates, allegedly in a bid to resell the drugs in local markets, authorities said Monday. The men were detained during a raid in Hargeisa, where they were found repacking expired pharmaceuticals into cartons imported from China, according to police. Officials say the suspects had erased original expiration labels and replaced them with fraudulent dates, raising serious public health concerns. “We caught these individuals in the act of rebranding expired medicine to deceive consumers,” said Col. Ahmed Saeed, Hargeisa’s eastern district police commander. “This is a dangerous practice that could have harmed countless people.” Authorities said the investigation began when they learned that empty medicine cartons had arrived at Hargeisa’s airport two days before the raid. These boxes, which allegedly originated from China, had pre-printed expiration labels designed to mislead consumers into believing the drugs were new. “We had been monitoring these cartons,” said Osman Adan, district commissioner of Gacan Libaax. “They were intended to repackage expired drugs collected from local pharmacies and put back on the market as if they were fresh.” Police seized five cartons of the expired drugs, along with computers and fake certificates allegedly used in the scheme. Ahmed Mohamed Adad, governor of the Maroodi-Jeex region, said the men had invested approximately $9,000 in the counterfeit operation. “They planned to buy expired drugs from pharmacies, erase the dates, and repackage them into these imported cartons before selling them as if they were safe for consumption,” Adad said. “This is fraud and a serious public health hazard.” Authorities have warned that substandard and counterfeit medicines have increasingly found their way into Somaliland’s markets, with officials struggling to regulate the quality of pharmaceuticals entering the country. The four suspects remain in custody and will be presented in court once the investigation is complete, police said. In recent years, Somaliland and the wider region have faced growing concerns over the influx of unregulated medicine, with some drugs linked to adverse health effects. The government has vowed to crack down on counterfeit pharmaceuticals, but weak enforcement mechanisms and porous borders have made regulation challenging. Qaran News
  17. Saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa ka dalbaday hay’adaha dowladda u qaabilsan Fayo-dhawrka in ay degaanka ka ururiyaan meydadkii Argagixisada Daacish oo ku qurmay goobihii ciidanku ku laayay. Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan goobihii lagu dagaallamay ee buuraha Calmiskaad, gaar ahaanna togga Jeceel ay weli daadsan yihiin meydadii dagaallamayaasha ISIS oo qurmay, islamarkaana halis ku ah caafimaadka bulshada, waxaana uu dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan looga nafiifiyo degaanka. “Meel kasta waxaa yaalla meydad aad u fara badan oo ajaanib ah, waxaan ka codsanayaa wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh Fayo-dhawrka in ay degaanka ka nadiifiyaan bakhtigooda si aysan bulshada ugu geysan dhibaato Caafimaad” ayuu yiri Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland. Taliye Faarax Nuur ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkii cirib-tirka Argagixisada ISIS ee buuraha Calmiskaad uu meel geba-gebo ah marayo, balse ay saamayn caafimaad ka dhalan karto, haddii aan si deg deg ah degaanka looga nadiifin meydadka qurmay ee kooxda ISIS oo daadsan dhulkii lagu dagaallamay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dalbaday in laga ururiyo meydadka Daacish oo goob kasta daadsan appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. James Swan. Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee Muqdisho, oo maamulka gobolka uu sheegay inay u diyaar-garoobayaan dadka caasimadda. Hanaankan doorasho, oo muran xooggan ka dhashay ayaa waxaa ka horyimid mucaaridka iyo madaxdii hore. Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa magaalada Muqdisho, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska gobolka. “James ayaa ku bogaadiyay Duqa Muqdisho sida ay uga go’an tahay in magaalada ay dib u hesho bilicdii iyo heybaddii ay lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska gobolka Banaadir. Danjire Swan, intaas kadib wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay QM kaalintooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer ka geysanayaan mashaariicda horumarineed ee caasimadda.
  19. Paris (Caasimada Online) –Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa Isniintii isku dayay inay khilaafaadka ka dhaxeeya uga heshiiyaan shir deg-deg ah oo ka dhacay Paris, si ay uga jawaabaan isbeddelka lama filaanka ah ee siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan dagaalka Ukraine, taasoo ay keentay xukuumadda cusub ee Donald Trump. Jarmalka ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta ah in ciidamo la geeyo. Iyadoo siyaasiyiinta Yurub weli la daalaa-dhacayaan weerarkii afka ahaa ee Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu ku qaaday Midowga Yurub intii lagu guda jiray Shirka Ammaanka ee Munich, hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn Yurub ayaa isugu yimid shir uu si deg-deg ah u iclaamiyay Madaxweyne Emmanuel Macron, kaasoo ka dhacay madaxtooyada Elysee Palace. Astaanta ugu muuqata ee isbeddelka siyaasadda Mareykanka ayaa soo shaac baxday Talaadadii, markii la shaaciyey in diblomaasiyiinta ugu sarreeya ee Washington iyo Moscow ay yeelan doonaan kulan fool ka fool ah—kii ugu horreeyay tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022—taasoo muujinaysa in Trump uu doonayo inuu dib u soo celiyo xiriirka uu la leeyahay Madaxweyne Vladimir Putin. Hoggaamiyeyaasha Yurub, oo wajahaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee sannadihii u dambeeyay, ayaa ka walaacsan in Trump uu damacsan yahay inuu heshiis nabadeed la galo Ruushka, iyadoo aan Kyiv iyo Midowga Yurub midna la tixgelin. Hadda waxa ay qiimeynayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin kordhinta miisaaniyadda difaaca si loo yareeyo ku tiirsanaanta Mareykanka iyo suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro marka xabbad-joojin la gaaro. Macron ayaa khadka telefoonka kula hadlay Trump ka hor inta uusan shirku bilaaban, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska. Ma jiro bayaan wadajir ah oo ka soo baxay kulanka, mana jiraan go’aanno waaweyn oo la shaaciyey, iyadoo la tilmaamay in arrimahaas ay tahay in laga wada xaajoodo goleyaasha sida Midowga Yurub ama NATO. ‘Xiriirka Yurub iyo Mareykanka oo galay marxalad cusub’ Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa yiri: “Dhammaan dadka shirka joogay waxay garowsan yihiin in xiriirka labada dhinac ee Badweynta Atlantik, isbahaysiga NATO, iyo saaxiibtinimada Mareykanka uu galay marxalad cusub. Waa xaqiiqo aynu dhammaanteen dareemayno.” Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: “Ukraine waxay u baahan tahay nabad lagu sugo awood, taasoo xushmeyneysa madax-bannaanideeda, qarannimadeeda, iyo xuduudaheeda, iyadoo la siinayo dammaanad amni oo xooggan.” Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa kulanka kadib yiri: “Yurub waa diyaar. Faahfaahinta wali waa in la go’aamiyaa, laakiin ballanqaadka wuu cad yahay.” Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, oo doonaya in London ay muujiso sida ay uga go’an tahay amniga Yurub xilli ay ka baxday Midowga Yurub (Brexit), ayaa sheegay inuu “diyaar u yahay inuu tixgeliyo dirista ciidamo Ingiriis ah oo dhulka ku sugan, haddii la gaaro heshiis nabadeed oo waara.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Washington ay tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada, isagoo yiri: “Waa in ay jirtaa dammaanad amni oo Mareykanka bixiyo, maxaa yeelay taasi waa habka kaliya ee si wax ku ool ah looga hortagi karo in Ruushku mar kale weeraro Ukraine.” Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in hadal-heynta la xiriirta suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro ay tahay “mid aad uga horreysa waqtigeeda,” isagoo intaa ku daray in ay tahay “mid aan munaasib ahayn inta dagaalku weli socdo.” Scholz ayaa si cad u muujiyey dareenkiisa, isagoo yiri: “Waan la yaabay doodda waqtigan xaadirka ah, maxaa yeelay waa arrin laga hadlayo goor aan habboonayn iyo mowduuc aan sax ahayn.” Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in dowladdeeda “ay u furan tahay” arrinta ciidamadu, balse waxay xustay in su’aasha ugu weyn ay tahay haddii Mareykanku “dib uga gurto Yurub” haddii la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah. Waxay intaa ku dartay: “Ruushka hadda wuxuu khatar ku yahay Yurub oo dhan,” iyadoo uga digtay Mareykanka inuusan qaadin tallaabo deg-deg ah oo horseedi karta “in Ruushku dib isu abaabulo, markale weeraro Ukraine, ama xitaa waddan kale oo Yurub ah.” ‘Kala qaybinta amniga Yurub iyo Mareykanka lama aqbali karo’ Macron ayaa horay u sheegay in dib u soo laabashada Trump ee Aqalka Cad ay tahay “dhacdo gilgishay”, balse wuxuu sidoo kale ka digay heshiis kasta oo nabadeed oo u muuqan kara “is-dhiibid.” Wargeyska Faransiiska Le Monde ayaa ku tilmaamay kala duwanaanta Yurub iyo Mareykanka inay tahay “mid taariikhi ah,” balse wuxuu xusay in Yurub ay tahay in ay muujiso awooddeeda ay iskugu filnaato difaaceeda. “Indha la’aantii Yurub waxay ku dhamaatay Munich. Wixii hadda ka dambeeya, amniga qaaradda wuxuu si buuxda ugu tiirsanaanayaa Yurubiyaanka laftooda, iyo awooddooda ay ku ilaalin karaan midnimadooda,” ayuu qoray wargeysku. Kulanka Paris ayaa yimid xilli Washington ay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz, iyo Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff ay Talaadada la kulmi doonaan wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergei Lavrov, shir ka dhici doona Riyadh, kahor kulan mustaqbalka ah oo Trump iyo Putin ku yeelan doonaan caasimadda Sacuudiga. Scholz ayaa Paris ku sheegay: “Qeybinta mas’uuliyadda amniga Yurub iyo Mareykanka lama oggolaan karo.” “NATO waxay ku dhisan tahay inaan mar walba si wadajir ah u dhaqaaqno, isla markaana aan wadaagno halista, taasoo dammaanad qaadaysa amnigeenna. Aragtidan lama shaki gelin karo.”
  20. For the first time since 1971, Somalia has been elected as a non-permanent member of the United Nations Security Council (UNSC) for two years, starting on 1 January 2025. Mogadishu has not yet announced priorities for its tenure, but the maritime domain should occupy an important place, given Somalia’s history and location at the crossroads of international maritime trade. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax. Howl-galkan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray. Howl-galkan kadib ayaa lagu soo warramayaa in kooxda Al-Shabaab ay qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay falkan ku lug lahaayeen. Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda oo iyagu degmadaasi ku wada sugan. Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.
  22. Mogadishu (HOL) — The news came with chilling finality: Mohamed Nur Hussein, a Somali man imprisoned for seven years in Saudi Arabia, had been executed. His family, who had spoken to him only a day earlier, were left in shock. Source: Hiiraan Online
  23. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — A Swedish court on Monday sentenced four men to prison for participating in the Islamic State (IS) network, including recruitment, weapons training, and propaganda activities, while acquitting three of them of planning an attack inside Sweden. Source: Hiiraan Online
  24. MUSHKILADDA DAACISH OO MAJEERTEENKII SAAMAYN WEYN KU YEELATAY. Ururka arggagixisada ee daacish oo waqti dheer ku sugnaa dhulka majeerteenka ee puntland ayaa dagaallo is daba joog ah kula jiray bilihii u danbbeeyay ciidanka majeerteenka IWM. Dagaalkaas wuxuu gaadhsiiyay maamulkii majeerteenka burbur iyo khasaare baxad weyn oo dad iyo duunyoba leh. Waxa adkaatay mushaharkii shaqaalaha iyo kii ciidanka in la bixin Waayo waqti dheer waxa adkaatay diyaradda dhaawaca culus u qaadda xamar IWM oo markiiba qaadata 30.000 oo doollar in la bixin kariwaayo lacagteeda taas oo sababtay in qaylo dhaan loogu soo diray inay qurbba jooggu bixiyaan lacagtaas diyaradda. Dhibaatada u weyni waxay tahay daacish waa majeerteen la dagaallamaya majeerteen kale oo soo kaxaystay ajaaniib denbiileyaal ah oo uu caalamku daba socdo. Mushkiladda u weyn ee dhexdooda caadiga ka noqotay waxa weeye taakulaynta iyo ciidanka ku soo kordhayaaba waxay ka yimaaddaan majeerteeniya taasoo ku noqotay MASKII QORRATADA LIQAY. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dekedda Baraawe ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, sida ay sheegayaan xogo saacadihii dambe banaanka u soo baxay. Shirkaddan oo lagu magacaabo Arab Digital Holding, ayuu Lafta-gareen la gaaray heshiis uu maamulka dekedda Baraawe ugu wareejinayo. Heshiiska ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 25 sano ah. Qiimaha ku baxaya heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay nus bilyan dollar ($500 milyan), waxaana la horumarinayaa dekedda Baraawe, iyadoo la maalgelinayo ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka. Intaa waxaa dheer in heshiiska lagu daray hirgelinta dhismayaal casri ah sida: hoteello, aag cashuuraha ka caagan, warshado, horumarinta wax-soo-saarka badda, iyo fursado shaqo oo kale. Shirkaddan laga leeyahay Kuwait ayaa fulinta qorshahan la kaashaneysa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD, taasoo laga leeyahay dalka Masar. Doorka MYD ayaa ah in si casriyeysan loo dhiso dekedda Baraawe, iyadoo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara, si dhaqaale badan halkaas uga soo xaroodo. Hirgelinta mashruucan ayey madaxda shirkadda Arab Digital Holding ku sheegeen inuu faa’iido u leeyahay dalal badan oo gobolka ku yaalla, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, Congo DRC, iyo dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara. Dhulka mashruuca laga fulinayo ayaa gaaraya 200 km oo isku wareeg ah. Shaqada sahminta, oo ah howsha ugu horreysa, ayaa la filayaa inay billaabato bilaha soo socda si muddada ay shirkaddu u qabsatay loo dhammeystiro, loogana faa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo inuu dib uga soo laabto, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Arab Digital Holding, Fahad Nawaaf Al-Doosari. Heshiiskan weli si rasmi ah ugama hadlin maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka, waxaana laga dhursugayaa jawaabtooda.