-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay burburiyeen xarun shidaal oo ku taalla dalka Yemen intii ay socdeen duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta. Ujeeddada weerarka lagu qaaday dekedda Ras Isa ee badda cas ayaa la sheegay in looga gol-lahaa goynta saadka iyo dhaqaalaha Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto. Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, ugu yaraan 33 qof ayaa lagu dilay weerarka, waxaana dadka la dilay ku jiray shaqaalaha gurmadka. Weerarkii Khamiista ayaa yimid kadib markii ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta bil ka hor. Fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta ganacsiga ee maraya badda cas iyo gacanka Cadmeed kaddib markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii October 2023-kii Qaran News
-
Xamaas ayaa si rasmi ah u diiday xabad joojintii ugu dambeysay ee Israel ay soo bandhigtay, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay si degdeg ah uga wada xaajoodaan heshiis dhigaya in la sii daayo dhammaan la haystayaasha haray si loo soo afjaro dagaalka iyo sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta. Madaxa wada xaajoodka Hamas, Khalil al-Hayya, ayaa muuqaal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in aysan aqbali doonin “heshiisyo qabyo ah oo u adeegaya Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ajandihiisa siyaasadeed.” 59 la haystayaal ayaa weli ku jira gacanta Xamaas, 24 ka mid ah waxaa loo rumeysan yahay inay nool yihiin. Hindisihii ugu dambeeyay ee Israel ayaa dhigaya 45 maalmood oo xabbad joojin ah si loo sii daayo 10 la haystayaal ah. Bbcsomali Qaran News
-
Wasiirka Caddaaladda ee Somaliland oo ka hadlay maxaabiista
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland ayaa sheegtay in siideynta maxabiista ay ku qabteen dagaalkii Laascaanood ay mar walba raaci doonaan hab-raacyo islamarkana ay horey qaar ka mid ah ay u siidaayeen. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed Yoonis oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in maxaabiista ay dhankooda hayaan ay siideyn doonaan marka ay isku afgartaan dadkii ay tahay inay kala hadlaan. Dhanka kale Somaliland ayaa sheegtay in ay walaac ka qabto xaaladda Maxaabiis laga sii daayey Magaalada Laascaanood oo lagu hayo Magaalada Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Yoonis Axmed ayaa ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in ay Maxaabiista ay hayso ku wareejiso Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha Maxaabiista sida ICRC, iyada oo raacayso shuruucda caalamiga ah. Mr Yoonis ayaa dhanka kale sheegay in maxaabiistaasi aysan qaar kood ahayn askar balse ay ahaayeen dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah oo laga “afduubay” deegaanada bariga Sool. Qaran News -
SOMALILAND DIRECTORY OF SERVICE PROVIDERS FOR TRAFFICKED PERSONS, MIGRANTS AND REFUGEES This directory is designed for use by service providers, government officers, and others who refer trafficked persons, refugees, and vulnerable migrants to appropriate services. The directory contains only those service providers that agreed to participate in the mapping process; services may also be available from other providers that are not listed. Source: Source IOM Qaran News
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa maanta markale qaaday howl-gallo culus oo ka dhan ah xubnaha kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, kuwaas oo muddo dheer ku dhuumaaleysanayay deegaanno adag oo buuraley ah. Howl-galkan oo si qorsheysan looga fuliyay dhawr jiho ayaa lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd gobolka Bari. Wararka kasoo baxaya saraakiisha ayaa tilmaamaya in khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, loogana qabsaday hub iyo agab ciidan oo fara badan. Ciidamada Puntland waxay xoogga saareen weerarro lagu bartilmaameedsaday togga Miraale, oo caan ku ahaa inuu ahaa xarunta ugu weyn ee Daacish ee gobolka. Dagaal xooggan kadib, waxaa lagu guuleystay in laga saaro kooxda halkaas, iyadoo burbur weyn lagu sameeyay difaacyadii ay halkaas ku lahaayeen. Togga Miraale ayaa horey u ahaa mid adag in la galo, iyadoo ciidamada ay la kulmeen caqabado dhanka deegaanka ah iyo dhufeyso adag oo ay sameysteen kooxda Daacish. Balse, ciidamada ayaa si taxaddar leh u wajahaya howl-gallada ilaa ay ugu dambeyn gudaha u galeen. Marka loo eego warbixinada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay inuu marayo gebagabo. Kooxda Daacish ee firxadey ayaa hadda lagu sheegay inay ku sugan yihiin meelo kooban oo aan lahayn difaac buuxa. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen saldhigyo istiraatiiji ah, kuwaas oo muhiim u ahaa isku xirka kooxda, taasoo hoos u dhigtay awooddii xiriirka iyo abaabulkooda gudaha gobolka. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ka turjumeysa guulaha laga gaaray dagaalkan, isagoo shacabka la wadaagi doona xogta rasmiga ah ee howl-gallada iyo tallaabooyinka xiga ee lagula tacaali doono kooxaha khatarta ku haya amniga Puntland.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo xoogagga fallaagada Ansar Allah ee Yemen ayaa sameystay iskaashi halis gelinaya xasilloonida Badda Cas iyo qaybo ka mid ah Geeska Afrika. Xudunta iskaashigan waxa sal u ah laba baahi oo isku darsamay: Al-Shabaab waxay haystaan lacago waxayna u baahan yihiin hub si ay ula dagaallamaan dowladda Soomaaliya. Kooxda Ansar Allah, oo sidoo kale loo yaqaan Xuutiyiinta, waxay haystaan hub waxayna u baahan yihiin dhaqaale si ay u maamulaan deegaannada waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay si dhab ah ugu taliyaan. Inkasta oo ay kala duwan yihiin xagga diinta iyo siyaasadda, labada koox ayaa sameeyey iskaashi. Al-Shabaab waa koox Sunni ah oo xiriir la leh al-Qaacida, halka Xuutiyiintu yihiin Shiico taageero ka hela dalka Iran oo si qarsoodi ah ugu gudbiya hub fudud iyo qalab dagaal, taasoo jabinaysa cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobe ay saartay Yemen. Warbixin uu baahiyey ururka Global Initiative Against Transnational Organized Crime sanadkii 2020 ayaa sheegtay in qaar ka mid ah hubkaasi uu gaaro Soomaaliya. Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta ayaa wadajir ugu hawlan carqaladeynta maraakiibta ganacsiga ee maraysa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Febraayo waxay xaqiijisay in xubno ka kala socday labada koox ay kulmeen Soomaaliya bishii Luulyo iyo Sebteembar 2024. Intii lagu guda jiray kulamadaas, Xuutiyiinta ayaa oggolaaday inay siiyaan Al-Shabaab hub iyo taageero farsamo, iyagoo taa beddelkeedana codsaday in la kordhiyo afduubka iyo burcad-badeednimada ka dhacda Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya. “Warbixinadan waxay iftiiminayaan wadaxaajoodyo socda, kuwaas oo Xuutiyiintu lagu eedeeyay inay fududeeyaan gudbinta hub casri ah oo ay ku jiraan diyaarado aan duuliye wadin iyo gantaallo lidka diyaaradaha ah oo la siiyo Al-Shabaab,” ayay qortay cilmi-baare Zeinab Mostafa Ruwayha oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Yemen iyo Khaliijka. Ruwayha waxay sidoo kale sheegtay in injineerro ka tirsan Xuutiyiinta ay booqdeen Al-Shabaab si ay uga caawiyaan samaynta hub casri ah iyo qaraxyo farsamaysan. Al-Shabaab waxay u aragtaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiintu farsameeyaan iyo hubka ay Iran samaysay inay yihiin fursad ay dib ugu qabsato xeebaha, kuwaasoo ay ku waayeen howlgalladii ciidamada qaranka Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah. Guuldarrooyinkaas ayaa hoos u dhigay awoodda dhaqaale ee kooxda. Dhanka kale, Xuutiyiinta waxay iskaashigan u arkaan fursad ay ku balaarin karaan saamayntooda, taas oo si dadban uga dhigan mid ay Iran ku fidinayso awooddeeda Badda Cas iyo Geeska Afrika, sida ay sheegayaan khubaro. Laga soo bilaabo dabayaaqadii 2023, Xuutiyiintu waxay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen in ka badan 130 markab oo ganacsi oo marayay marin-biyoodka Bab el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Weeraradan ayaa sabab u noqday in maraakiibta mara Badda Cas ay hoos u dhacaan ku dhowaad 50% intii u dhaxaysay November 2023 iyo November 2024, sida uu sheegay bogga wararka maraakiibta ee Lloyd’s List. Marka laga yimaado hubka ay ka helaan Iran, Xuutiyiinta ayaa sidoo kale horumariyay awood ay ku soo saaraan diyaarado aan duuliye wadin oo noocyo badan leh, kuwaasoo ku habboon ujeedooyin sirdoon iyo weerarro ismiidaamin ah, kuwa cirka ah iyo kuwa badda ah labadaba. Dhankooda, Al-Shabaab ayaa si xirfad leh u maamula dhaqaale kor u dhaafaya $100 milyan sanadkii, iyagoo ka helaya baad iyo ganacsato la fikir ah. In kasta oo Al-Shabaab ay tahay ilo dhaqaale oo muhiim u ah kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida ee dunida, haddana gudaha Soomaaliya way daalaa dhacaysaa. Sanadkii 2023, waxay ku waayeen saldhigoodii xeebeed ee gobolka Galmudug, halkaasoo ay kala kulmeen cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada dowladda. Sidoo kale, way ka saameyn beeleen Puntland, halkaasoo ay dhul ku waayeen kooxda Daacish. “Teknoolajiyaddan ay Xuutiyiintu wataan waxay muhiim weyn u tahay Al-Shabaab, taasoo rumeysan in iskaashi lala yeesho Xuutiyiinta uu ka caawin karo yareynta guulaha dhanka milatari ee ay ciidamada Soomaaliya gaareen labada sano ee la soo dhaafay,” ayay tiri Ruwayha.
-
Dowladda Puntland oo qoraal kooban soo saartay ayaa ka warbixisay hawlgal qorshaysan oo maanta ciidamada difaaca Puntland ku qaadeen togga Miraale, kaasi oo dhammaystir u ah wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad. Hawlgalka Miraale oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayay ciidamada difaaca Puntland guul taariikhi ah ka gaareen, kaddib markii ay godadka ugu daateen firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee halkaasi ku go’doonsanaa, sida ay sheegtay dowladda Puntland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay mileeshiyaad ka tirsan argagixisadii ku dhuumanayay nawaaxiga ceelka Miraale islamarkaana laga saaray godadkii. “Ciidanka oo maanta hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey Argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii. Dhameystirka Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka warbixisay hawlgalka ciidan ee maanta ka socda togga Miraale ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $5 milyan, taasoo la siinayo qof kasta oo keena xog suurtagal ka dhigeysa in la soo qabto haweeneyda lagu magacaabo Khadra Ciise. Haweeneydan oo Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay inay tahay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish. Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Ummu Qacqaac Soomaaliya, ayaa lagu qoray liiska dadka ay dowladda Mareykanka baadi goobeyso. Sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee ka soo baxday waaxda Caddaaladda ee Mareykanka, Khadra waa muwaadinad Dutch ah oo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya. Eedeymaha loo jeediyay Khadra waxaa ka mid ah inay gacan ka geysatay weerarro ismiidaamin ah iyo dilal loo geystay dad rayid ah. Intaa waxaa dheer, waxay si firfircoon uga qayb qaadatay fidinta afkaarta xagjirka ah ee kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay door weyn ka qaadatay qorista xubno cusub oo kooxdaasi ku biiray. Mareykanka ayaa farriin cad u diray cid kasta oo heysa xog la xiriirta haweeneydan, isagoo sheegay in qofka keena macluumaad horseedi kara in la helo Khadra uu u qalmi karo abaalmarinta lacageed. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda kooxda Daacish. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Khadra Ciise ay hore u xannaaneyn jirtay carruur la afduubay. Sannadkii 2019, waxay gacanta ku haysay labo ilmo Mareykan ah oo lagu kala magacaabo Yusuf iyo Zahra Shikder, kuwaas oo ay u qaaday goob aan la garanayn oo ku taalla dalka Suuriya, kadib markii hooyadood lagu dilay duqeyn lala beegsaday kooxda Daacish. Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay hadda ku sugan tahay Khadra, haddana dowladda Mareykanka waxay ku dartay liiska dadka loogu doonista badan yahay ee madaxooda la dul dhigay malaayiin dollar. Talaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu fududeeyo raadinta iyo qabashada haweeneydan. Dowladda Mareykanka ayaa horey u adeegsatay nidaamkan abaalmarinta ah si ay u hesho xog muhiim ah oo ku saabsan shaqsiyaadka ay u aragto khatar amniyeed. Kiiska Khadra Ciise wuxuu tusaale u yahay sida Mareykanka ugu heelan yahay la dagaalanka kooxda Daacish iyo la xisaabtanka dadka lagu eedeeyo dambiyada culus.
-
Mogadishu (HOL) — Somali federal government has accused the Acting Head of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), Sivuyile Thandikhaya Bam, of undermining the country's development and expressing sympathies toward the al-Qaeda-linked militant group Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ku qaaday togga Miraale ayaa si buuxda ula wareegay inta badan difaacyadii firxadka ISIS ee ku harsanaa Miraale. Dhiirranayaal ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal lug ah ku galay Miraale ayaa saaka ku guulaystay in ay difaacyadii ugu muhiimsanaa ee Miraale ka saaraan mileeshiyaadkii ISIS ee ku dhuumanayay toggaas, taasi oo ka dhigan in uu dhammaad yahay wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad. Firxadkii ISIS ee difaacyadoodii ka cararay ayaa isugu ururay godad kooban oo la filayo in saacadaha soo socda laga nadiifiyo, waxaana saraakiil ka tirsan dowladdu sheegayaan in todobaadkan lagu dhawaaqi doono dhammaadka wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Ciidamada Puntland oo saaka la wareegay inta badan difaacyadii kooxda ISIS kaga jirtay Miraale appeared first on Puntland Post.
-
The US and Somalia have carried out an airstrike against Islamist militants during a battle for control of a strategic central town, the government says. Source: Hiiraan Online
-
The Somali army on Thursday killed 47 al-Shabaab terrorists in separate attacks, including one in Aadan Yabaal in the Middle Shabelle region, a strategic town taken over by the al-Qaeda-affiliated terror group the day before. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan President William Ruto will pay a state visit to China from April 22 to 26 at the invitation of Chinese President Xi Jinping, a Chinese foreign ministry spokesperson announced on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta gaaray magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka , halkaa oo wada-hadallo uu kula yeelanayo Putin iyo saraakiisha sare ee Ruushka. Booqashadan waxay ku soo aadday xilli wafdi sare oo ka socda Iran ay ku sugan yihiin Moscow , halka wasiirka difaaca Sacuudiga uu isaguna maanta gaaray magaalada Tehran ee caasimadda Iran oo hoggaamiyaha dalkaa uu gaarsiiyay farriin uu ka siday Maxamed Bin Salman. Booqashooyinka waxa isku xiraya waa xaaladda bariga dhexe ka taagan, gaar ahaanna iskudayga Mareykanka iyo Israa’iil ku doonayaan inay ku weerarraan Iran iyo qorshaha ballaarinta duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta; arrimahan oo walaac ku dhaliyay hoggaamiyayaasha khaliijka. Source
-
Mareykanka ayaa markii u horreysay si cad ugu eedeyay Shiinaha inuu taageerro kooxda Xuutiyiinta Yemen, kaddib markii warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu sheegay in shirkadda dayax-gacmeedyada Shiinaha ee Chang Guang , ay si toos ah u taageerto weerarrada ka dhanka danaha Mareykanka ee ay fuliyaan Xuutiyiinta, waxaana lagu sheegay dayax-gacmeedyada shirkadan inay bixiyaan xogta iyo bartilmaameedyada maraakiibta Mareykanka ee ay weerarraan Xuutiyiinta. Shir jaraa’id oo ay xalay qabatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka , Tammy Bruce, waxay ku sheegtay ; “Waxaan xaqiijin karnaa warbixinta ah in Chang Guang Satellite ay si toos ah u taageerto weerarrada Xuutiyiinta ee danaha Mareykanka… ma aha wax loo dulqaadan karo.” Ka hor shirkan jaraa’id; wargeyska Financial Times ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa soo xigatay saraakiil Mareykan ah oo u sheegay in shirkadda dayax gacmeedka ee xiriirka la leh militariga Shiinaha inay u gudbiso Xuutiyiinta muuqaallada maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa ganacsiga ee ku sugan badda cas, taa oo u fududeysa Xuutiyiinta inay si toos ah u beegsadaan maraakiibta Mareykanka iyo maraakiibta caalamiga ah. Shirkadan waxaa la sheegay inay ka aamustay marar kale duwan oo Mareykanka uga digay wada shaqeynta iyo taageerrada ay siinayaan Xuutiyiinta. Fiiro gaar ah ; Hadalkan ka soo baxay Mareykanka , wuxuu calaamad u yahay marxalad kulul oo ku wajahan xiisadda muddada dheer jirtay ee Mareykanka iyo Shiinaha oo markii hore ku koobnayd tartan ganacsi , balse taageerrada Shiinaha ee hadda soo baxaysaa inuu siinayo Xuutiyiinta , waxay dagaalkii qaboobaa ee labada dhinac u rogi kartaa colaad toos ah, xilli Shiinaha uu ka caraysan yahay hubka Mareykanka ee lagu daabulayo Filibiin iyo Koonfur Kuuriya oo khatar ku ah danaha Shiinaha. Source
-
Wasiirka difaaca Sacuudiga, Khaalid bin Salmaan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaadhay magaalada Tehran ee caasimadda Iran, halkaa oo la sheegay inuu wada-hadallo kula yeelanayo saraakiisha Iran. Muxuu muhiim u yahay socdaalkan? Sacuudiga , wuxuu dib usoo celiyay xiriirka uu la leeyahay Iran , 10 bishii Maarso, 2023 , iyadoo hadda ay Riyaad soo bandhigayso siyaasad ku dhisan iskaashiga dhinacyada oo dhan , balse xoojinta iskaashiga Iran , waa mid la xiriirta xaaladda gobolka bariga dhexe oo uu doonayo Sacuudiga inuu ka fogaado khatar uu lala kulmi karo. Mareykanka wuxuu sugaya natiijada wada-hadallada nukliyeerka uu kula jiro Iran, kuwaa oo haddii ay burburaan uu Mareykanka weerar ku qaadi karo Iran, tan oo dhalin karta inay Iran dhankeeda weerarto saldhigyada dalalka khaliijka uu ku leeyahay Mareykanka , laakin waxaa jira khatar kale oo Sacuudiga uu doonayo inay Iran ka siiso dammaan, waana in iskudayga Mareykanka uu dib uga dhalinayo Yemen , dagaal sokeeye iyo weerarro ka dhan ah Xuutiyiinta oo horseedi kara inay dhaliso iska horimaad gaara dalalka khaliijka , mana uu doonayo Sacuudiga inuu wajaho khatarta Xuutiyiinta oo weerarri kara saldhigyada Mareykanka , xilli mar horaba uu Sacuudiga caddeeyay inuusan qeyb ka noqon doonin duullaan kasta oo lagu qaadayo Xuutiyiinta iyo inan loo adeegsan doonin saldhigyada ku yaalla iyo hawadiisa weerarro ka dhan ah Iran. Sacuudiga, wuxuu isku diyaarinaya inuu noqdo dal soo jiita dalxiisayaasha caalamka, wuxuuna martigelin doonaa tartamo caalami ah oo koobka kubadda cagta adduunka uu ku jiro, xaaladaana waxay ku riixeysa inuu ka fogaado khatarta…! Source
-
Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee Ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee xakuumada Somaliland ee hagayo ruug cadaaga siyaasiga iyo diblomaasiga qunyar socodka ah ee madaxweyne Ciro. Go’aanka joojinta wada hadalkii ma dhalayska ahaa ee u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland Kaas uu inagu furay xisbigii kulmiye 2012. Wada hadalkaas oo aan Ku luminay saaxiibo badan oo Somaliland lahayd Laguna kari waayay xisbigii kulmiye waar waxan inaga xidha Wada hadalkaas oo hagardaamo weyni Ka soo gaadhay Somaliland Ragii hagardaamadaas qaybta Ka ahaana weli cod iyo madaxnimo Ka quudayaan shacabka Somaliland. Madaxweyne Ciro waxa Ka muuqata inuu la dareen yahay shacabka Somaliland ee 34 Ka sano samraayay ee dhawrayay inay mar uun helaan hogaamiye la dareen ah, hadaba waxaan shacabka Somaliland Kula talinayaa xakuumada waa dhaliili kartaan lkn qabyaalada iyo aflagaadada anshaxa Ka baxsan ISKA daaya. Madaxweynahana waxaan leeyahay madaxweyne waa Ku garab taaganahay lkn golaha wasiirada kuwa aan siyaasadaada la Jaan qaadayn ha eega ee cid kale u igmo shaqada qaranka si aad oga midho dhaliso yoolkaaga siyaasadeed. Somaliland ha waarto Ibrahim Duale Sulaiman (Talaabo) Qaran News
-
Somaliland detainees are being transferred from Laascaanood to Mogadishu, where the Federal Government of Somalia, in coordination with the ICRC, will arrange for their return to Hargeisa. Garowe (PP News Desk) — The Somaliland Administration has come under criticism for rejecting a detainee exchange initiative facilitated by the Federal Government of Somalia. Somaliland’s Information Minister yesterday said that only the direct parties to the conflict — the Somaliland Administration and the SSCK (Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo) administration — have the legitimacy “to arrange such exchanges”. The SSC administration recently handed over 25 Somaliland detainees to the Federal Government of Somalia in a goodwill gesture, aiming to initiate a formal exchange of detainees captured during the 2023 Laascaanood conflict. Critics argue that Somaliland’s position is politically untenable. Historical precedent shows that third-party-facilitated exchanges are not unprecedented — in 2005, a successful exchange between Puntland and Somaliland was arranged by civil society groups. Somaliland detainees, some of whom hold Somali Region of Ethiopia identification or claim to hail from cross-border communities such as Awaare, Dawa’aley and Awbarre, complicate the situation. Their political identity raises questions about legal jurisdiction, which reinforce the Somali Federal Government’s role as a more neutral and capable authority in such matters. © Puntland Post, 2025 The post Somaliland Administration Under Fire for Rejecting Detainee Exchange Brokered by Somali Federal Government appeared first on Puntland Post.
