Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,234
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) — Somaliland police have arrested four Yemeni nationals accused of repackaging expired medicine with falsified expiration dates, allegedly in a bid to resell the drugs in local markets, authorities said Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somali-Canadian actress Sabrina Dhowre Elba has been cast in Nuur, an upcoming feature film directed by Lula Ali Ismaïl, a Canadian-Djiboutian filmmaker known for her groundbreaking debut Dhalinyaro. The film, produced by Scythia Films and Good Question Media, is an adaptation of Somali-Canadian writer Hassan Ghedi Santur’s acclaimed novel The Youth of God. Source: Hiiraan Online
  3. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay la wareegeen deegaannada Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo deegaanno kale oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladan ayaa sheegay in dagaallada lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare culus, laguna dilay xubno badan iyo horjoogayaal. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay xubno kale oo maxaabiis ahaan loo qabtay. Ciidamada ayaa weli ku howlan baacsiga firxadka Al-Shabaab, iyaga oo ku raad jooga goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku xoreynayaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
  4. Saakay aroortii ayaa koox hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Wabxo waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen qoys kasoo jeeda Guriceel oo daganaa inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Yaasiin iyo Ceel-baxaay. Weerarkan ayaa sababay dhimashada laba qof, oo midkood dumar ahayd, halka gabadh yar oo ka mid aheyd qoyska ay ku dhaawacantay. Lama oga sababta rasmiga ah ee weerarkan, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo colaado beeleed. Maamulka deegaanka iyo waxgaradka ayaa la filayaa inay ka hadlaan dhacdadan, iyagoo dadaal ugu jira sidii loo xallin lahaa xiisadaha ka dhalan kara. Dableyda hubeysan oo markii horaba ka yimid deegaano ay ka taliyaan Shabaab ayaa halkaasi dib ugu laabtay. Source: goobjoog.com
  5. Mogadishu (HOL) — Ma'awisley fighters launched a coordinated assault on an Al-Shabaab stronghold in El Buur, a district in central Somalia's Galgaduud region, according to security sources and residents. Source: Hiiraan Online
  6. Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa si rasmi ah u shaacisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda caanka ah oo la yirahdo Muxammad Ibrahim Shahin. Ninkan oo loo yaqaannay Abu al-Baraa. Xamaas ayaa sheegtay in Shahin la dilay Isniintii shalay intii lagu guda jiray weerar ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan. Muxammad oo walaalo ahaayeen Qassam Xamza Shaheen oo isna horey u shahiiday ayaa qabtay dhowr jagooyin jihaad ah oo horumarsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xamaas. Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari marayey magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan habeen ka hor waqtigii loo qabtay fulinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israel. Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen baabuur ku socdaalayay jidka badda ee woqooyiga laga galo Siidoon kuna sii jeeday Beyruut. Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.” Lubnaan ayaa horey uga digtay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, iyadoo dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.
  7. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish. Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso. “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. “Wallaahi habeenkii ma seexdo, waxaan la seexan waayay waa shacabka oo qofkii ay ka shakiyaanba isku duubaya oo qabanaya, si uusan u baxsan markaasina kuu soo sheegaya, waxaana idin sheegayaa shaqada aan qabano badankeeda in ay iska lee yihiin shacabka oo aan uga mahadcelinayo” ayuu sii raaciyay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli uu magaalada Boosaaso ka socdo hawlgal xooggan oo ka dhan ah xubnaha kooxda Argagixisada ah ee Daacish u qaabilsan dhaqaale ururinta iyo qaraxyada ay ka sameeyaan magaalada kuwaasi oo badankooda gacanta lagu dhigay, sida uu sheegay G/sare Cabdiqaadir Dirir. PUNTLAND POST The post Xubnihii ugu badnaa ee dakhli ururinta u qaabilsanaa kooxda ISIS oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi ka tirsan mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay si qarsoodi ah u dhistay ciidan gaar ah oo ka kooban 10,000 askari, kuwaas oo loogu talagalay in lagu cabburiyo mucaaradka siyaasadeed ee dalka. Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa eedeyntan ka jeediyay shir laba maalmood socday oo uu xisbiga Himilo Qaran ku qabtay Muqdisho Axaddii. Isagoo, sida uu sheegay, soo xiganaya ilo sirdoon oo gudaha ah, wuxuu sheegay in ciidankani si gaar ah loogu tababaray inay bartilmaameedsadaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo shakhsiyaadka uu madaxweynuhu u arko inay halis ku yihiin xukunkiisa. Wuxuu ugu baaqay ciidamada dowladda inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isagoo uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu adeegsanayo ciidanka ammaanka ujeeddooyin siyaasadeed. “Madaxweynuhu wuxuu qoray ciidan si gaar ah loo tababaray, oo aan hoos imaanin saddexda laamood ee ugu waaweyn ee amniga dalka, si loogu bartilmaameedsado mucaaradka loogana dhigo kuwo hub la’aan ah,” ayuu Cabdullaahi ku eedeeyay xukuumadda. Caasimada Online si madaxbannaan u xaqiijin karto eedeynta mucaaradka. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo shalay ka hadlay Muqdisho, una muuqday inuu ka jawaabayo eedeymahan, ayaa ku tilmaamay cabsi gelin siyaasadeed. Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka. Kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed ayaa dhawaan qaadacay diyaarinta doorashooyinka 2026 ee uu wado guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu si keli-talisnimo ah u maamulayo hannaanka doorashada. Sidoo kale, dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid qorshaha doorashada ee dowladda federaalka, iyagoo ku sababeeyay cabashooyin la xiriira arrimaha amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
  9. Former Prime Minister Raila Odinga made a quiet comeback from Addis Ababa, Ethiopia yesterday morning, marking an end to a grueling journey in his quest to represent Kenya on a continental scale the political scene is warming up to new developments. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) – The speakers of both houses of Somalia's Parliament have announced that the 6th session of the 11th Parliament will officially convene on Saturday, February 22, 2025. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has announced that his administration will launch a tax collection campaign in the coming weeks, emphasizing the need for citizens and businesses to fulfill their tax obligations. Source: Hiiraan Online
  12. Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah kooxda Al-qaacidda ka fuliyay gudaha dalka Suuriya, sida laga soo xigtay maamulka Trump. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday Xubin ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugan dalka Suuriya dhamaadka todobaadkii hore. Dowladda cusub ee Suuriya ayaa wax faahfaahin ah ka bixin duqeymahan ka dhacay gudaha dalkeeda, balse Mareykanku wuxuu sheegay in weerarkaas lala beegsaday xubin ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabo Hurras al-Diin. Source: goobjoog.com
  13. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib doorasho adag oo ka dhacday magaalada Addis Ababa. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhawaysay guusha Danjire Maxamuud Cali Yuusuf, ayadoo tilmaamtay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay hormuud u noqan doonto hormarka qaaradda Afrika, islamarkaana guddoomiyaha cusubi uu xaqiijin doono himilada dadka Afrikaanka ah. Jabuuti oo ah dalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya ayaa guusheeda loo arkaa ahmiyad gaar ah u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kabanaysa colaado sokeeye iyo qaran jab ay muddo dheer la daalaacaysay. Soomaaliya ayaa si joogto ah ula kulanta fara-gelin inteeda badan uga timaadda dalalka Africa, gaar ahaan deriskeeda, taas oo wax ka qabashadeeda Midowga Afrika uusan markiisii hore xil weyn iska saari jirin. Sidoo kale Soomaaliya waxaa joogaa kumaanaan askari oo Midowga Afrika ka amar qaata, islamarkaana mas’uuliyaddoodu tahay nabad ilaalin, balse dalalka qaar ayaa xooggaas u adeegsada danahooda gaar ah. Hadda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha cusub ka filaysa inuu ka taageero ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanideeda, iyo jaangoynta qorshe hawleedka ciidanka nabad ilaalinta ah ee AUSSOM. Source: goobjoog.com
  14. U.S. airstrikes killed 16 militants affiliated with the Islamic State terrorist group in northern Somalia, officials there said Monday. Source: Hiiraan Online
  15. A Delta Air Lines (DAL.N), opens new tab regional jet flipped upside down upon landing at Canada's Toronto Pearson Airport on Monday amid windy weather following a snowstorm, injuring 18 of the 80 people on board, officials said. Source: Hiiraan Online
  16. Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Jenaraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay weerari doonaan magaalada Bunia ee bariga dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, haddii dhammaan kooxaha hubeysan ee halkaas ku sugan aysan hubka dhigin 24 saac gudahood. Warkan ayuu ku shaaciyey bartiisa X. Kainerugaba, oo horey loogu yaqaannay hadallo muran dhaliya oo la xiriira siyaasadda dibadda, ayaa sheegay inuu arrintan u haysto oggolaanshaha madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo ah aabbihii. Afhayeenka militariga Uganda ayaa ka gaabsaday inuu wax faallo ah ka bixiyo warkan. Maalintii Sabtida, Kainerugaba wuxuu sidoo kale sheegay—iyadoo uusan bixin wax caddeyn ah— in dad ka tirsan qowmiyadda Bahima lagu dilayo gudaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. “Qoomiyaddeena, Bahima, waa la beegsanayaa. Taasi waa xaalad aad u khatar badan oo halis gelinaysa kuwa weerarka soo qaaday. Qofna ma dili karo dadkeena isaga oo aan cawaaqib la kulmin!” ayuu yiri. “Bunia waxay dhowaan gacanta u geli doontaa UPDF,” ayuu ku qoray fariin kale, isagoo tixraacaya Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF). Ra’iisul wasaaraha Congo, Judith Suminwa, ayaa u sheegtay Reuters intii lagu guda jiray shir-madaxeedka Midowga Afrika Sabtidii, in dowladdeedu aysan wax faallo ah ka bixin doonin hadallada Kainerugaba. Cabsi laga qabo in dagaalku sii xumaado Hanjabaadda ka timid sarkaalka ugu sarreeya militariga Uganda, oo si weyn loo aaminsan yahay inuu yahay dhaxal-sugaha Museveni, ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in dagaalka u dhexeeya ciidamada Congo iyo fallaagada M23 oo ay taageerto Rwanda uu isu rogo colaado goboleed oo ballaaran. Jimcihii, hoggaamiye ka tirsan M23 ayaa sheegay in fallaagadu ay gudaha u galeen magaalada Bukavu, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn bariga Congo, kadib markii ay bishii hore la wareegeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn gobolkaas. Bishii Febraayo, Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Uganda ay u dirtay bariga Congo in ka badan 1,000 askari oo dheeraad ah, iyagoo qeyb ka ah hawlgal lagula dagaallamayo mintidiinta Islaamiga ah ee halkaas ku sugan. Si kastaba ha ahaatee, khubarrada Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Uganda ay sidoo kale taageerto fallaagada M23 oo ay hoggaamiyaan xubno ka tirsan qowmiyadda Tutsi. ‘Fariin la dirayo’ Kainerugaba ayaa si shaacsan u taageeray madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, kaasoo beeniyay in ciidamadiisa ay garab siinayaan M23. Sanadkii 2022, Kainerugaba wuxuu M23 ku tilmaamay “walaalaheen” kuwaasoo u dagaallamaya xuquuqda qowmiyadda Tutsi ee Congo. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in hadallada Kainerugaba ay u muuqdaan kuwo xambaarsan fariin la xiriirta danaha dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Uganda ee gobolka Ituri ee Congo, oo Bunia ay tahay caasimaddiisa. “Uganda waxay u muuqataa inay dirayso farriin muujineysa in ay sheeganayso ‘dhulkeeda’,” ayuu yiri Kristof Titeca, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Antwerp, mar uu la hadlay Reuters. “Wax walba waxay si daran ugu eg yihiin wixii dhacay sanadkii 1998-kii iyo dagaalkii labaad ee Congo, markaasoo dhulka Congo si isku mid ah loogu qeybsaday Uganda iyo Rwanda,” ayuu sii raaciyay. Kainerugaba ayaa si joogto ah u dhiga qoraallo muran dhaliya oo baraha bulshada ah, oo ay ku jiraan hanjabaad uu 2022 ku sheegay inuu doonayo inuu qabsado Kenya oo daris la ah Uganda. Bishii hore, wuxuu sheegay inuu doonayo inuu madaxa ka gooyo hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, inkastoo uu mar dambe raalligelin bixiyay. Mararka qaar, wuxuu sheegaa in hadalladiisa qaarkood ay yihiin kuwo laga dhadhansan karo kaftan.
  17. Egypt is developing a plan to rebuild Gaza without forcing Palestinians out of the strip in a counter to President Donald Trump’s proposal to depopulate the territory so the U.S. can take it over. Source: Hiiraan Online
  18. Diyaarad rakaab wadday oo ay leeday shirkadda Delta Air Lines ee dalkan Mareykanka ayaa shil ku gasnay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Toronto, shilkaas oo dhaliyay dhaawac soo gaaray ilaa 19 qof oo ay ku jiraan saddex ruux oo ay xaaladdoodu aad u liidato. Maamulka Garoonka Diyaaradaha Pearson ee magaalada Toronto ayaa xaqiijiyay, in shilka uu dhacay shalay abaaro 2:15 daqiiqo ee galabnimo, kaddib marki ay dayaaraddu rogmatay isla markaana dusha ku istaagtay xilligi ay soo caga dhiganeysay jidka ay diyaaradaha ku ordaan. Dayaaradda oo ay saarnaayeen 76 rakaab ah iyo 4 ka mid ah shaqaalaheeda ayaa kasoo duushay magaalada Minneapolis. Dhammaan 80-ki qof ee la socday diyaaradda ayaa lasoo badbaadiyay. Saraakiisha ayaa sheegay in ay u badantahay in shilka diyaaradda uu sababay baraf xoog leh oo ka da’ay magaalada Toronto. Muuqaal laga soo duubay shilka ayaa muujiyay diyaaradda oo dusheeda ku fadhida iyo shaqaalaha gurmadka oo ku xoomay aaggaasi. Source: goobjoog.com
  19. Haweeneydii horey ugu ololayn joojinta socdaalka ee UK ayaa beddeshay mowqifkeeda ka dib markii safar ay kaga timaadday Soomaaliya ku tagtay Ingiriiska. Jess Hallett, oo ka socota Llanelli, waxay ahayd mid ka mid ah lix qof oo leh aragti-sirgaxan kuwaas oo la doortay inay ka qayb qaataan barnaamijka taxanaha cusub ee kabaxa telefishinka Channel 4 ee “Ku noqo halkii aad ka timid” – Go Back To Where You Came From. Waxay safar ku martay waddooyinka dadka lagu tahriibiyo, iyadoo aragtay argagaxa marinnada ay maraan doomaha yar-yar, socdaalka saxaraha Afrika, iyo ka boodista darbiyada. “Haddii aan ku jiri lahaa xaaladdooda, aniguba waxaan ku boodi lahaa doonida” ayay tidhi “Nololi uma jirto dadka halkaas ku nool.” Waxay sidoo kale sheegtay in waxa lagu arko internet-ka uu yahay “waxba marka loo eego waxa aad dhab ahaan aragto.” Markii ay la hadashay barnaamijka Arooryo Suubban ee Wales [BBC Radio Wales Breakfast], Jess waxay sheegtay in waxa ay kasoo waayo-aragtay “ay gilgishay ruuxdeeda” waxayna rumaysan tahay in ka badan si walba in dadka loo arko inay yihiin dad. “Markaad maqasho sheekooyinkan waxa ay dadkaasi ku socdaan, waxba ma haystaan. Waxaan ka wadaa waxba,” ayay tidhi. Lixda qof ee reer Britan ayaa safarkooda ka bilaabay Muqdisho ee Soomaaliya iyo magalaa Raqqa ee Suuriya, oo ah labada magaalo ee ugu halista badan adduunka, iyagoo wajahaya xaalado si joogto ah caqabad ku ah aragtidooda. Barnaamijku wuxuu soo bandhigayaa muuqaallada Jess ka hor waayo-aragnimada, halkaasoo ay ku adkeysanaysay in aragtideedu aysan isbedeli doonin. “Waan ogahay in ra’yigaygu sax yahay oo waxaan ogahay in dadku iga aqbali doonaan… maxaan ugu oggolaanaynaa in ay doonyahu soo galaan, waan buuxnaaba’e” ayay tidhi. Waxay sheegtay in dareenka la arko marka hore uu gebi ahaanba ka duwan yahay, waayo-aragnimaduna ay bedeshay fahamkeeda sababta dadka ay doortaan in ay safarkan sameeyaan . Xigashada Sawirka,Channel 4 Jess ayaa qiratay inaysan xiiseyn socdaalka isla markaana aysan si dhab ah u aqoon wax badan ilaa ay nolosheeda ku soo gashay. Iyadoo degganayd goobta Stradey Park Hotel ee Llanelli, Jess waxay si cad uga soo horjeedday qorsheyaasha lagu deegaameyn lahaa 241 qaxooti oo lagu sii dayn lahaa hoteelka bishii June 2023, iyadoo ka qayb gashay mudaharaadyo ka dhacay hoteelka. “Tani waxay beddeshay aragtidayda wax walba, waxaan bilaabay inaan baadho socdaalka iyo inaan ogaado waxa socda… waxa aan ka helay internetka waxay ahaayeen wax xun oo si cad iga dhigay inuu isoo waajaho walwal,” ayay tidhi. Qorsheyaasha muranka dhaliyay ee lagu deegaameyn lahaa qaxootiga hoteelka ayaa la joojiyay Oktoobar 2023, laakiin hadda waxay sheegtay in aragtideeda xooggan ee ku saabsan socdaalka ay si buuxda isu beddeshay. Xigashada Sawirka,Channel 4 “Waxa aad ku aragto internet-ka ma aha wax kasta oo aad dhab ahaan u arki karto,” ayay ku dartay. “Waxaan u maleynayaa in qof caadi ah oo halkaas tagay, haddii uusan lahayn naxariis, markaas waa in ay jiraan wax qaldan,” ayay tidhi. Dhanka kale, xeerarka jinsiyadda ayay adkeysay Wasaaradda Guriyaynta usbuucan, taasoo ka dhigtay mid aad u adag in qaxooti yimaada UK iyada oo doonyar lagu keenay uu noqdo muwaadin u dhashay Britain. Nidaamkan cusub ayaa sheegaya in qof kasta oo si sharci darro ah ku soo gala UK “caadi ahaan” loo diidi doono jinsiyadda, iyadoon loo eegin waqtiga uu joogo. Jess waxay sheegtay in hadda ay raadinayso waayo-aragnimo dheeraad ah oo ku saabsan dhaqamada dadka kala duwan, iyadoo dhawaan saddex bilood ku qaadatay Thailand. Waxay sheegtay inay dhiirrigelisay qoysaska ay si toos ah ugula kulantay Soomaaliya, kuwaasoo isticmaalaya waxii ay haysteen oo wax la’aanba – u muuqata. “Waxay maraan, qoysaska, waxay cuni doonaan… waxaan ka caawinnay inay cunto karsadaan, waxayna hilibka ka jarayeen farta suulashooda,” ayay tidhi. “Waan la yaabay iyaga, gabadh siddeed sano jir ah ayaa ii muujinaysay sida loo jaro, waa cajiib sida ay isu maareeyaan iyagoo waxba haysan.” Markii ay xusuusatay waxa ay ka qaadatay barnaamijka, waxay tiri: “Aniga waxba igama gelin halka aad ka imaato, kaliyase ixtiraam muuji.” Barnaamijka ku noqo halkaad ka timid Go Back To Where You Came From waxuu sii soconayaa Isniinta 21:00 GMT ee Channel 4, iyadoo taxanaha oo dhan laga daawan karo internet-ka. Bbcsomali Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii si adag uga jawaabay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay faafinayaan cabsi aan loo baahnayn iyo xasilooni-darro siyaasadeed halkii ay diiradda saari lahaayeen horumarka dalka. Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka isbitaal laga hirgeliyay Muqdisho, Xasan Sheekh wuxuu si cad u beeniyay eedeymaha mucaaradka ee sheegaya in dowladdiisu ay waddo jid uu dalka u horseedayo jahawareer, isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo waxyeello leh. “Siyaasiyiinta sheegaya in musiibo soo dhowdahay, albaabbada cadaabta la furayo, waa dad aan caadi ahayn, oo maskaxiyan xanuunsan oo u baahan in la daaweeyo,” ayuu yiri, isagoo si toos ah ugu jawaabay dhaliilaha la xiriira in maamulkiisu noqday mid kelitalis ah oo xaddidaya xorriyadda siyaasadeed. Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka. “Dhibaatada dhabta ah ee Soomaaliya waa siyaasiyiinta,” ayuu yiri. “Waxaa jira horumar badan oo la gaadhay, waxaana muhiim ah in shacabka loo muujiyo wixii la qabtay iyo fursadaha weli jira.” ‘Eedeymaha mucaaradka’ Hadalka madaxweynaha ayaa daba socday eedeyn uu dhowaan jeediyay siyaasiga mucaaradka ah Cabdullaahi Sheekh Xasan, kaasoo ku andacooday in xukuumadda Xasan Sheekh ay si hoose u abaabushay ciidan gaar ah oo gaaraya 10,000 oo askari si ay u bartilmaameedsato siyaasiyiinta ka soo horjeeda. Mucaaradku, iyagoo aan bixin caddeyn rasmi ah, waxay sheegeen in ciidankaasi uu ka howlgalo meel ka baxsan hay’adaha rasmiga ah ee amniga Soomaaliya, islamarkaana loo xilsaaray in uu hubka ka dhigo siyaasiyiinta mucaaradka. Xasan Sheekh si toos ah uma uusan xusin eedeymahaas, balse hadalladiisa la xiriiray cabsi gelinta siyaasadeed waxay u muuqdeen kuwo si dadban ugu jawaabaya. Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya wax bayaan rasmi ah ah kama aysan soo saarin jiritaanka ciidankaas la sheegay, mana jirto ilo madax-bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaas. Xiisadda siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay iyadoo la isku diyaarinayo doorashada 2026, xilli xisbiyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ay qaadaceen howlaha diyaarinta doorashada ee ay waddo guddiga doorashooyinka. Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid sida ay dowladda federaalku u maamushay geeddi-socodka doorashada, iyagoo ku andacoonaya in ay jiraan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni. Mucaaradku waxay Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen in uu hareer maray hay’adaha madax-bannaan, isla markaana uu sameeyay isbeddel sharciyeed si uu u dhiso guddi doorasho oo aan lahayn sharciyad, taasoo ay ku tilmaameen isku day lagu xaqiijinayo natiijo doorasho oo horay loo sii qorsheeyay. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa xitaa ku hanjabay inay abaabuli doonaan doorasho kale oo iskeed u madaxbannaan, haddii dowladda aysan furin wadahadallo ballaaran oo siyaasadeed. ‘Cabasho la xiriirta dhaqaalaha’ Mucaaradku ma ahan oo kaliya kuwa diidan habka loo maamulayo doorashooyinka, balse waxay sidoo kale dhaliileen siyaasadaha dhaqaalaha ee xukuumadda, iyagoo ku eedeeyay in ay hirgelisay nidaam canshuur oo caddaalad-darro ah oo curyaamiyay ganacsiyada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha oo ah xarunta ganacsiga ugu weyn ee caasimadda. Ganacsatada ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada, iyagoo ka cabanaya kororka canshuuraha, taasoo ay sheegeen in ay sababtay shaqo la’aan baahsan iyo dhibaato dhaqaale. Sidoo kale, mucaaradku waxay dowladda ku eedeeyeen in ay si gaar ah ugu xagliso ganacsiyada la xiriira xulafada siyaasadeed ee madaxweynaha, taasoo ay sheegeen in ay sii xoojisay kala duwanaanta dhaqaale iyo sinaan la’aanta fursadaha ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya horumar la taaban karo sameyneyso, isaga oo tusaale u soo qaatay aqoonsiga caalamiga ah ee sii kordhaya iyo casuumadaha uu dalku ka helayo shirarka waaweyn ee caalamka, sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay—oo muddo dheer Soomaaliya laga waayey. Mucaaradku waxay sidoo kale ku eedeeyeen xukuumadda in ay adeegsaneyso hay’adaha amniga si loogu cadaadiyo mucaaradka, iyagoo sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee amniga loo isticmaalayo in lagu cabburiyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda halkii lagu sugi lahaa amniga qaranka. Dowladda weli kama aysan jawaabin si toos ah eedeymahan, hase yeeshee, hadallada Madaxweyne Xasan Sheekh ee la xiriiray doorka siyaasiyiinta iyo baahida loo qabo in diiradda la saaro horumarka, waxay u muuqdaan kuwo si dadban uga falcelinaya dhaliilahaas.
  21. Beirut (Caasimada Online) – Sarkaal Lubnaani ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay Isniintii bilaabeen ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.” Madaxweynaha Lubnaan ayaa horey uga digay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, wuxuuna dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska. “Ciidamada Israa’iil waxay bilaabeen ka bixitaanka tuulooyinka xadka, oo ay ka mid yihiin Mais al-Jabal iyo Blida, iyadoo ciidanka Lubnaan uu horey u sii socdo,” ayuu AFP u sheegay sarkaal dhanka amniga ah, isagoo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrinta. Afhayeenka militariga Israa’iil, Gaashaanle Nadav Shoshani, ayaa horey u sheegay in “iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta, aan si kumeel-gaar ah ciidamo yar ugu sii daahino shan meelood oo istiraatiiji ah oo xadka Lubnaan ah.” Wuxuu intaa ku daray in go’aankan la qaatay si “aan u sii wadno difaaca muwaadiniinteena, una hubinno in aysan jirin khatar degdeg ah.” Israa’iil waxaa lagu waday inay si buuxda uga baxdo Lubnaan ugu dambeyn 18-ka Febraayo, kadib markii ay horey u seegtay waqti loo qabtay bishii Janaayo. Cabsi harsay bixitaanka Israa’iil “Waxaan ka cabsi qabnaa in ka bixitaanka buuxa uusan dhici doonin berri,” ayuu yiri Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun, ka hor intii aysan Israa’iil shaacin qorshaheeda militariga. Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xisbullah waxay dhaqan-gashay 27-kii November, kadib dagaal socday in ka badan hal sano oo ay Israa’iil ka fulisay howlgallo dhulka Lubnaan ah. Heshiiska xabbad-joojinta ayaa dhigayay in ciidamada Lubnaan ay la wareegaan koonfurta dalka, iyagoo la shaqeynaya ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, halka ciidamada Israa’iil ay si tartiib ah uga baxayaan muddo 60 maalmood ah, taasoo markii dambe dib loogu dhigay 18-ka Febraayo. Dhanka kale, Xisbullah waxaa looga baahnaa inay dib ugu gurtaan waqooyiga webiga Litani, islamarkaana ay burburiyaan xarumahooda militari ee ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan. Ciidamada Lubnaan oo ‘diyaar ah’ Madaxweyne Aoun ayaa sheegay in ciidamada Lubnaan ay diyaar u yihiin “inay la wareegaan magaalooyinka iyo tuulooyinka ay Israa’iil ka baxayso” si ay u sugaan amniga xadka. Wuxuu intaa ku daray in Lubnaan ay si diblomaasiyadeed ugu dadaalayso “fulinta ka bixitaanka buuxa ee Israa’iil.” Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan-gashay, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ka fulinayso gudaha Lubnaan, iyadoo Isniintii sheegtay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas. Hoggaamiyaha Xizbullah, Naim Qassem, ayaa Axaddii sheegay in ay masuuliyadda dowladda tahay in la hubiyo in Israa’iil si buuxda uga baxdo ka hor muddada kama dambaysta ah ee Talaadada. Mareykanka oo taageeraya Lubnaan Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, Marco Rubio, ayaa Axaddii sheegay, intii uu shir jaraa’id la lahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, in “xagga Lubnaan, yoolkeenu waa mid mideysan… Waxaan rabnaa dawlad Lubnaani ah oo awood u leh inay la dagaallanto oo hubka ka dhigto Xizbullah.” Netanyahu ayaa isna xusay in “Xizbullah ay tahay in hubka laga dhigo. Israa’iil waxay jeclaan lahayd in ciidanka Lubnaan ay qabtaan shaqadaas, balse qofna yaanu ka shakin in Israa’iil ay qaadayso tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo fuliyo heshiiska xabbad-joojinta iyo difaaca amnigeeda.” Madaxweyne Aoun ayaa Isniintii xusay in “arrinta ugu muhiimsan ay tahay in Israa’iil laga saaro Lubnaan, halka arrinta hubka Xisbullah ay qeyb ka tahay xalal ay dadka Lubnaan ku heshiiyaan.” Dowladda Lubnaan waxay horey u caddeysay in ay tahay hay’adda kaliya ee sharciyan hubeysan, waxayna ballan-qaadday inay xoreyso “dhul kasta oo Lubnaan ah.” Xisbullah waa ururka kaliya ee Lubnaan ah oo diiday inuu hubka dhigo kadib dagaalkii sokeeye ee dalkaas ka dhacay intii u dhaxaysay 1975-1990. Xizbullah oo daciiftay Ayada oo aheyd urur ciidan xoog leh, Xizbullah waxaa si weyn u wiiqay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay la galeen Israa’iil, kaasoo sababay dilka saraakiil sare oo badan iyo xitaa hoggaamiyahoodii muddada dheer, Xasan Nasrallah. Inkasta oo la gaaray xabbad-joojin, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 qof ay weli ku barakaceen gudaha Lubnaan. Dhanka kale, mas’uuliyiinta dalka waxay ku qiyaaseen in dib u dhiska dalka uu ku kici karo illaa $11 bilyan. Ramzi Kaiss, oo ka tirsan Human Rights Watch, ayaa Isniintii sheegay in “burburka ula kaca ah ee Israa’iil ay u geysatay guryaha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha” uu caqabad ku noqday in dad badan ay dib ugu laabtaan guryahooda.
  22. Dalalka Yurub ayaa si weyn isugu khilaafsan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Ukraine oo dagaalka ka socdaahi uu hadda galayo sanadkii afaraad oo xariir ah. Wargayska Financial Times ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya dalalka Yurub oo ku saabsan in ciidamo loo diro Ukraine, Poland iyo Spain ayaa muujiyay sida ay uga caga jiidayaan in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro Kiev, halka Faransiiska uu soo jeediyay in la sameeyo ciidamadaas. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sucuudiga uu ka socdo shir u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Source: goobjoog.com
  23. Bishii November ee sanadkii tegay ayay dowladda Puntland si cad u soo bandhigtay cudud ciidan oo loogu talagalay in laga saaro ururka argagixisada ah ee Daacish buuraha Galgala ee gobolka Bari, Puntland. Daacish ayaa sanadkii 2015 Soomaaliya looga dhawaaqay, waxaana hoggaamiye iyo amiir u noqday Cabdulqaadir Muumin, kaas oo isla sanadkaas ka baxay ururka Al-Shabaab. Wuxuu ka soo wareegay gobollada koonfureed ee dalka kadib markii ay hanjabaad uga timid Al-Shabaab, wuxuuna muddo gaaban gudaheed buuraha Galgala ka dhistay xarumo iyo saldhigyo ciidan. Waxa uu halkaas ku soo aruuriay ciidamo iyo xubno sare oo heer caalami ah oo ka tirsan ururka Daacish. Shaki la’aan, xarumaha Daacish ee Galgala waxaa dhisay, maalgeliyay, qalabeeyay hoggaanka argagixisada caalamiga ah ee Daacish. Muddadii 10-ka sano ahayd ee kooxdaasi deganeyd buuraha gobolka Bari, waxay culeys iyo dhibaato joogto ah ku hayeen shacabka deegaanka, xagga nolosha iyo horumarka. Maamulka Puntland oo xog badan ka hayay kooxda iyo nidaamka ay u abaabulan tahay, ayaa ku dadaalayay in waxyeelladoodu yaraato, nolosha shacabka na ay sidii caadiga ahayd ugu socoto. Waxaa jiray dagaallo badan oo lala galay kooxda intii ay halkaas joogtay, iyada oo ay Puntland la tacaaleysay culaysyo kale oo ka imaanayay dagaallada siyaasadeed ee ka dhex jiray maamullada iyo dagaalka Al-Shabaab. Sidaas darteed, Puntland waxay buuraha ka samaysatay saldhigyo difaac oo ka soo horjeeda kuwa Daacish-ISIS, si loo sugo ammaanka deegaannada, isla markaana looga hortago weerarrada ay argagixisadu ku beegsan karaan shacabka. Dagaalka ay hadda qaaday Puntland, waxaa shaki la’aan ah in mar hore loo baahnaa, balse waxaa jiray caqabado badan oo hor taagnaa, qaar ka mid ahna wali way taagan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay cabsi weyn oo caddayn u ah in kooxdaasi dhammeystirtay diyaar garow colaadeed, iyagoo qorsheynaya inay waxyeello u geystaan qaybo ka mid ah Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo aan aad uga fogeyn buuraha ay kooxdu saldhigga ka dhigtay. Waxa ay kooxdu si joogto ah dhibaato ugu haysay dadka shacabka ah, gaar ahaan kuwa ku nool buuraha dhexdeeda, waxaana maalin kasta laga soo sheegaa xoolo la dhacay, dad la la’yahay ama la waxyeelleeyay, iyo ganacsato lacag baad ah si xoog ah looga qaado, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso. Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida teeda foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa duleysan ee cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa la wada ogyahay in Soomaaliya lagu hayo duullaan dhinacyo badan leh, waxaana shaki la’aan ah in qaybo badan oo duullaankaas ah ay ku jiraan qorshayaal is diidan oo ay diyaariyeen sirdoon dalal shisheeye ah oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda. Tan waxaa laga garan karaa dhaqanka madaxda dowladda federaalka, iyo sida dowladaha shisheeye qaarkood aysan dan uga lahayn xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya. Waxaa la arkaa dalal colaad ka dhexeyso oo haddana midna uusan uga xumaan midka kale xiriirka ay dowladda Soomaaliya la leedahay. Taasi waxay muujinaysaa in Soomaaliya gacanta lagu hayo, isla markaana dano shisheeye lagu fushanayo. Su’aalo jawaabtooda cidina kuu sheegi karin waxaa ka mid ah: 11-kii bishaan, duullaan ay soo qaadeen kooxda Daacish, waxay ku yimaadeen mootooyin (motorcycles) oo tiradooda marna lagu sheegay 40, marna 60, kuwaas oo wata qaraxyo. Isla maalinkaas, sida la sheegay, waxaa la dilay 87 ka tirsan argagixisada, kuwaas oo 81 ka mid ah aan Soomaali ahayn! Dagaalkii ugu horreeyay ee lagu dilay 57 dagaalyahan oo Daacish ka tirsan, wararka ayaa sheegaya inay dhammaantood ahaayeen ajaanib. Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in dadka ugu badan ee buuraha Galgala dagaalka ka wada ay yihiin shisheeye. Sidee bay ku heleen qalabka iyo hubka ay ku dagaalamayaan, gaadiidka, iyo dhismayaasha ay buuraha ka sameeyeen? Yaa u fududeeyay sahayda ay helayaan? Xaggee bay soo mareen? Waxa kaliya ee la ogyahay ayaa ah in hal nin oo Yemeni ah uu barfuunno wareejin jiray, balse ma cadda sida ay kooxdan ku heleen taageerada ay haystaan. Galmudug oo garab istaagtay Puntland! Waxay ahayd arrin aad muhiim u ah in Galmudug iyo dhammaan cid kasta oo Soomaaliyeed ay dagaalkaas kaalintooda ka qaataan. Shaki la’aan, garab istaaga Galmudug wuxuu xoojinayaa midnimada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna niyad jab weyn ku ridayaa cadowga raba inay Soomaaliya kala tagto. Dadka Soomaaliyeed waa mideysan yihiin difaaca dalkooda, waxay garanayaan ciddii hiil u fidiya iyo cadowgooda. Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay ka gudbaan khilaafaadka iyo tuhunnada la dhex dhigay, ayna fahmaan xaqiiqda ah inay yihiin dad isku mid ah, dagaal kasta oo lagu soo qaadana ay waajib tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka qayb qaato. Dagaalka ay Puntland gashay waa inuu ku dhammaado: In laga sabro dhalinyarada u dhintay difaaca dadkooda iyo dalkooda. In shisheeyaha xuduudaha ka soo tallaabaya ay quustaan. In cadowgu uusan si fudud ugu soo dhiiran inuu damac galo dhulka Soomaaliyeed. In Soomaaliya aysan ahayn sida ay cadowgu u fahamsiiyeen. In cadow kasta oo dalka kusoo duula lagu aaso, uuna uusan noqon mid libin ku faanaya. Shaki la’aan, dagaalka ay Puntland haatan ku jirto wuxuu farriin cad u yahay dhammaan cadowga gudaha iyo dibadda ka wado falalka argagixisada, isla markaana wuxuu muhiim u yahay sugidda amniga guud ee Soomaaliya. Gacanta Sare waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed, geerida foosha xunna waxaa leh shisheeyaha soo duulay iyo kuwa cadowga u soo raacay dadkooda! Waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in dadkii xuduudaha kasoo tallaabay, ama dalalka deriska kasoo yimid, dib loogu celiyo waddamadooda, maadaama ay jirto caddeymo muujinaya in qaar badan oo ka mid ah ay ku biireen kooxda argagixisada ah ee Daacish. W/Q: Axmedyaasiin Sooyaan alle_yaqaan99@yahoo.co.uk AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.
  24. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatey maalgashatada Somaliland iyo qaar ka mida Qurba Joogta Dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta Maalgashiga iyo Warshedaha Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Maxamed Buraale oo furay madashii Maalgashatada gudaha dalka, maalgashatada dibada iyo sidoo kale qaar ka mida qurba joogta ayaa ka xog waramay in waxyaabaha ugu waawayn ee safarkii madaxwaynuhu ku tagey dalka Imaaraadka la isla meeldhigay ay ahaayeen maalgashiga iyo goobta muhiimka ah ee ay Somaliland ku taallo waxaanu tiilmaamay Kulankaas oo ka qabsoomey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu horeyn ka hadley agaasimaha Waaxda Maalgashiga ee Wasaarada Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo Hibaaq Cali Cabdoo waxaaney ka warbixisey ujeedada kulankaas uu daaranaa waxaaney xustey in kulnakaas uu ahaa mid isbarsho iyo xog-wareysi oo wad yeesheen Masuuliyiinta Wasaradadas iyo Dadka Maalgashada Somaliland. Iyadoo Marwo Hibaaq sheegtay in kulankaas Masuuliyiinta maalgashatada shisheeye ku ogaanayaan fursadaha maalagshi ee dalka ka jira iyo sidii horumarin ugu sameyn lahaayeen Maalgashada u dhashey Dalka. Dhankiisana, agaasimaha guud ee wasaarada wasarada horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdifataax ismaaciil Ducaale ayaa sheegay in wasaaraddoodu ujeedada ay u aas-aasan tahay Dhiirigalinta Ganacsatada iyo Maalgashatada ee Dalka. Waxaanu agaasimuhu tilmaamey in Masuuliyiinta wasaradadaasi Ganacsatada iyo Maalgashatada u fududeeyaan wixii siyaasado horumarineed ah u bahadaan, isla markaasina, agaasimuhu waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Wasaradadaas diyaariyeen Qorshayaasha Siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaha horumarinta Maalgashatada iyo Maalgashiga ee wadanka, gaar ahaanna wixii shuruuc ah ee lagu hagaayey Maalgashatada Wadanka. Waxaanu agaasimuhu u balanqaadey in ka caawin doonaan Maalgashatada wadanka wixii shuruuc ah uga baahdaan. Wasirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Buraale oo kulankaas si rasmi ah u furey ayaa uga mahadceliyey ka soo qaybgalayaashii kulankaas, waxaanu wasiirku sheegay in mudada uu kulankaas socdo lagaga wado arrinsan doono caqabadaha jira ee xagga maalgashiga Dalka iyo sidii loogu heli lahaa Xal waara. Gaba-gabadiina waxa uu faahfaahin dheer ka bixiyey ahmiyada kulanka noocaas oo kale ahi u yeelan doono Maalgashatada doonaya in Maalgashadaan Wadanka. Waxaanu yidhi.“Waad og tihiin madaxwaynaha safarkiisii labaad ee Imaaraadka qodobadii ugu muhiimsanaa ee la isla soo meel dhigay ama ay Somaliland iibinaysay waxa uu ahaa Maalgashiga, wadankeenu waa wadan barwaaqo ah qiime wayn ayuu Caalamka ku leeyahay marka la eego halka uu kaga yaalo iyo nimcada uu ILLAAHAY ina siiyay ee aynaan garanayn eek u gadaaman. Maanta Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa ka go’an in ummadeenu wadanka ay maalgashato, nimacada ILLAAHAY ina siiyay aynu la soo baxno”. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta hadal ka jeediyey munaasabad lagu furay isbitaal gaar loo leeyahay ayaa ka hadlay dagaalka ay Puntland kula jirto Daacishn iyo kan dowladda federaalka ay kula jirto Al-Shabaab. “In dagaalka Khawaarijta aan guulo ka gaarno waxay noo bilaabatay markii uu shacabku dhiiraday oo dagaalka ku soo biiray, waxaana ka adkaa doonaa Khawaarijta hadda ku soo uruurtay cabsi gelinta oo kaliya,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalka argagixisada oo xiligaan uu sheegay inuu toos uga socdo gobollada Bari, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo shacabka ugu baaqay in dowladda ay ku garab siiyaan dhameystirka inta ka hartay ciribtirka Khawaarijta. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasyiinta mucaaradka ah oo uu sheegay in halkii ay dowladda talooyin siin lahaayeen ay ka door bideen ceebeynta dowladda. “Dadkeena siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay qof walba haduu hadlayo wax fiican dadka ha u sheego ama ha iska aamuso, darajo ku gaari meysid ceebeynta dalkaaga iyo dowladaada, wax badan oo wanaagsan ayaa jira hadaa dooneyso inaa dad wax u sheegto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta canshuuraha, isagoo cadeeyey in qofkii dowladda canshuur kula murma uu isagu qaldan yahay. “Wax kasta waan ka doodi karnaa, laakiin canshuurta inaad bixiso waa waajib qaran oo ku saaran, gorgortana lagaala geli maayee hadii muran ka yimaado adigaa qaldan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo ka hadlay arrinta caafimaadka ayaa yiri, “Arrinta caafimaadku aad ah ayeey ii taabaneysaa. Boqol qof ilaa 150 qof oo caafimaad dibadda u aadaaya ayaa maalin walba dalka diyaarad looga qaadaa. Dhallinyarada inta fariistay, qorsheeyay, maalgelinta raadsaday ee mashruucaan fuliyay kaliya adeeg caafimaad ma soo kordhin ee dhaqan cusub ayey bahda caafimaadka ku soo kordhiyeen.” Hoos ka daawo