Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISH, SOMALIA — A freelance journalist who had been detained in Somalia for 56 days has been cleared of all charges. Source: Hiiraan Online
  2. Kenyan security officials met the Italian Space Agency (ASI) President Teodoro Valente and his delegation for a meeting at the at Kenya Space Agency offices in Nairobi, Kenya. Source: Hiiraan Online
  3. Ethiopia has denounced a statement by the UN Under-Secretary-General and Special Adviser on the Prevention of Genocide, calling it “irresponsible and reckless.” Source: Hiiraan Online
  4. Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa shalay ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof. Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa bartiisa X (ex-Twitter) ku sheegay in aan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, islamarkaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga” Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee ma sheegin xilli rasmi ah. Waxay masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah, kuwaasi oo qorshuhu yahay inay fuliyaan howlgal dhulka ah. Mareykanka ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay. Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay. The post Israel oo shuruud adag ku xirtay in ay go’doominta ka qaado Marinka Gaza appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii sifeynta, ee ay maalmahaanba ka wadeen dhulka hawdka ee deegaanka Cali Fooldheere ee Gobolka Shabelelaha Dhexe. Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay maleeshiyada Al Shabaab si buuxda uga saaraan hawdka Cali Fooldheere, oo hoostagga Degmada Mahadaay. Waxa uu sheegay in maleeshiyada Shabaabka ay dooneysay in deegaankaasi ay ka dhibaateeyaan HirShabelle iyo Galmudug, balse ay ciidanku maanta soo geba-gabeeyeen joogitaankoodii deegaankaasi. “Meelaha kooban ee hawdka ah oo ay u arkayeen inay ku badbaadi karaan bay meeshaasi ka mid ahayd. Marin sidoo kale muhiim ah oo ay isku dayayeen Hirshabelle iyo Galmudug labadaba inay ka dhibaateeyaana way ahayd, laakiin Ilaahay mahadiis saakay ayuu ciidanku ka sifeeyay dhulkaasi hawdka ah,” ayuu yiri Wasiir Alcadaala. Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in Shabaabka ay dib ugu laabteen daanta galbeed ee Webiga Shabelle, halkaas oo bartamihii bishii September ay ka soo gudbeen. “Intoodii dhimatay ma ahee intoodii kale waxay u baxsatay dhanka galbeed ee webiga, oo ciidamaduna ay u tallaabeen, si ay u sii baacsadaan meesha ay taggaanba ay uga daba taggaan,” ayuu yiri Alcadaala oo VOA la hadlay. Shabaabka ayaa ku dhawaad muddo afar toddobaad ah ku mintidayay, sidii ay ugu nagaan lahaayeen beeraha Ciid Ciidka (Jimbilow) illaa dhulka hawdka ah ee ku dhow jiinka bari ee webiga. Shabaabka ayaa dhulkaasi u arkayay goob ku wanaagsan gabaadka, islamarkaana ay ka soo qaadi karaan weerarada gaadmada ah. The post Sawirro: Wasiir Alcadaala oo ku dhowaaqay in lasoo afjaray hawlgalkii sifeynta… appeared first on Caasimada Online.
  6. Israa’iil ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto go’doominta Gaza illaa laga sii daynayo maxaabiista. Israa’iil ayaa sheegtay inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof. Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa shaaciyay inaan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah. Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.
  7. Xukuumadda Somaliland oo Dawladaha Hoose ka Maroorsatay Maamulka Dhulka Danta Guud Hargeysa(Qaran news)- Wareegto ay soo saartay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta horaantii bishan ku sheegtay inay dawladaha hoose ee dalka kala wareegtay bixinta dhulka danta guud, sharciyaynta,nashqadeynta iyo maamulka dhulka danta guud. Wareegtadan waxa kaloo sii xoojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo wareegto uu soo saaray Guddoomiyeyaasha gobollada ku faray in ay fuliyaan digreetada Wasaaradda Hawlaha Guud ay dhulka danta guud kagala wareegayso Dawladaha Hoose oo qorshaynta iyo bixinta dhulka danta guud awood buuxda u lahaa. Arrintan ayaa ka dhigan in Xukuumaddu ay mijo-xaabinayso dawladaha hoose ee dalka oo ay ka maroorsatay shaqadoodii. Sidoo kale ma jiro Maayar kaliya oo weli ka hadlay tallaabada xukuumadda dhexe. Waxase la sheegay inay arrintaas ku jiraan guddi Nadaxweynuhu magacaabay oo uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenku oo ka garnaqi doona arrintaas ay isku khilaafsan yihiin Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladaha Hoose. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay usa soo tarayso walaaca laga qabo boobka dhulka iyo guryaha danta guud ee Xukuumadda Muuse Biixi wado xilligan kala guurka ah ee loo diyaar garoobayo doorashoiyinka isa saarka ah ee Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda oo muddaysan 13ka November 2024. Qaran News
  8. Shir Ku Saabsan Adkeynta Ammaanka oo lagu Qabtay Baligubadle Hargeysa(Qaran news)-Waxa magaalada Baligubadle ee gobolka hawd ka furmay Shir lagu falanqanayay adkaynta ammaanka. Waxa shirkan goob joog ka ahaa Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd Khadar Muuse Axmed, Xoghayaha Gobolka Hawd Maxamed Faarax Sugaal,maayirka degmada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine),Xoghaha Fulinta Dawladda Hoose ee degmada Baligubadle Saalax Muxumed Idiris iyo Taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Hawd Cabdilaahi Xasan Maxamed. Waxa iyaguna shirkan kasoo qayb galay maamulka degmooyinka kala duwan ee gobolka Hawd, waxaana intii shirku socday lagaga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen adkaynta nabadgelyadda gobolka Hawd, dardar gelinta iyo midaynta cashuuraha degmooyinka gobolka Hawd. Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hawd Cabdilaahi Xasan Maxamed, waxaanu tilmaamay in ay wanaagsan tahay nabadgelyadda degmooyinka kala duwan ee gobolka Hawd. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Hawd, waxaanay cadeeyeen in nabadgelyadda degmooyinka gobolka Hawd ay meel wanaagsan marayso, wax dhibaato ahina aanay jirin. Maayirka degmada Baligubadle Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine),Xoghayaha gobolka Hawd Maxamed Faarax Sugaal ,Xoghayaha Gulinta dawladda hoose ee degmada Baligubadle Saalax Muxumed Idirisi iyo Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd Khadar Muuse Axmed oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkoodani ku saabsanaa ,sidii laysaga waraysan lahaa xaaladda nabadgelyo ee gobolka Hawd,waxaanay cadeeyeen in xaaladda nabadgelyo ee gobolkaasi ay tahay mid aad u wanaagsan oo aanay wax dhibaato ahi ka jirin. Qaran News
  9. Wasaaradda Waxbarashada oo Dugsiyada u Bilowday Qaybinta Buugta Manhajka Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska JSL oo ka wakiila xukuumadda ayaa bilowday qaybinta bugaagta Manhajka Qaranka ee loogu talo galay degmooyinka iyo gobolada dalka, gaar ahaana ardayda wax ka barata dugsiyada dawliga ah. Buugaagtan oo tiradoodu dhamayd Sagaal iyo sodon kun laba boqol iyo koob iyo lixdan (390261) buug ayaa ah buugaag uu Madaxweynaha JSL ugu talo galay in la gaadhsiiyo ardayda kala duwan ee wax ka dhigata dugsiyada dawliga ah. Munaasibada lagu ambabixinaayay buugaagtan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahada iyo xubno ka mida agaasime waaxeeda wasaaradda waxbarashada. Agaasimaha waaxda waxbarashada tooska iyo Agaasimaha waaxda xog-isgaadhsiinta oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay buugaagtan halka lagayn doono iyo sida loo qaybinayo. Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasahda ayaa sheegay in buugtan loogu talagalay ardayda kala duwan ee dugsiyada dawlada wax ka dhigata, iyagoo fariin u diray guddoomiyeyaasha gobollada iyo maamulayaasha in ay xil wayn iska saaraan sidii buugaagta loo gaadhsiin lahaa ardayda. Qaran News
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa Khamiistii ka digtay halista kooxaha ay ka midka yihiin Maleeshiyada Al-Shabaab oo qaada weerarro “ay ku taageerayaan” Xamaas, kadib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee kooxda Falastiiniyiintu ay ku qaadday Israel. Dalka ku yaalla bariga Afrika, ayaa waxa uu la kulmay weerarro dhowr ah oo kaga imaanayay Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamo u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Qaacida. “Colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza waxay saamaynaysaa ammaanka caalamka,” ayay lagu yiri war kasoo baxay waaxda La-dagaalanka argagaxisada ee Kenya oo lagu soo daabacay X, oo hore loogu yiqiin Twitter. “Kooxaha argagixsada sida Al-Shabaab waxay qaadi karaan weeraro iyagoo midno u muujinaya Xamaas. Kenyanku waa in ay feejignaadaan oo ay booliiska ku wargeliyaan falalka argagixisanimo si ay tallaabo uga qaadaan,” ayuu raaciyay qoraalka kasoo baxay Booliska Kenya. Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Arbacadii ku bogaadisay weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas fulisay dabayaaqadii todobaadkan. Kenya ayaa ah dal gacan weyn ka geysta ciidamada Midowga Afrika ee taageera dowladda dhexe ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab, waxaana la kulantay weerarro aargoosi ah oo ay dad badan ku dhinteen. Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay xustay sanadguuradii 10-aad ee kasoo wareegatay weerarkii suuqa ganacsiga ee Westgate ee caasimadda Nairobi sanadkii 2013-kii, kaasoo ay ku dhinteen 67 qof. Labo sano kadib Westgate dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasi oo ay ku dileen 148 qof oo ku dhowaa dhammaan ardaydii dhiganeysay. Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Kenya, waxaana ka badan kaliya weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998-dii oo ay ku dhinteen 213 qof. Sannadkii 2019-kii, rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 21 qof ku dilay dhismaha hoteelka Dusit ee magaalada Nairobi. Sannadkii 2002-dii, weerar ismiidaamin ah oo Al-Qaacida ay ku qaadday hoteel dalxiis oo ay Israa’iil leedahay oo u dhow magaalada xeebta ah ee Mombasa, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof oo ay ku jiraan saddex Israa’iili ah, halka diyaaradda Israa’iil ay si dirqi ah uga badbaaday weerar gantaal ah xilli ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee Mombasa. AFP, VOA The post Shabaab oo laga cabsi qabo inay fuliso weeraro la xiriira dagaalka Israel iyo Xamas appeared first on Caasimada Online.
  11. Living over 1,500 miles away from her native home, 33-year-old Sagal, a mother and math teacher in London, faced an unexpected challenge. At an age when many women have yet to undergo their first screening mammograms, she was diagnosed with stage 4 breast cancer. The malignancy had spread to the lymph nodes in her breast and liver. The shock was palpable. "I couldn't believe it; I was only 33 and had maintained a relatively healthy lifestyle," recalls Sagal. Source: Hiiraan Online
  12. Dhulkeena Nimcaa Fadhida. Rag Murti-Maal ah baa laga hayaa waa Maadays Dunidu Dadkuna way matalayaa!, Aduunyada nin noolow Maxaa aragti kuu laaban, Ruuxba waayihiisaa ileen meel ku Waabay, ee miyaan kuu waramay weli? May ee iiwad sheekada? Bal Ana Waayaha Saddex baan kahayaa, oo Saddexda Mid Waan soo Dul Fadhiistay, Midna waan soo Dul joogsaday Midna waa igu Maqal. MID WAAN SOO DUL FADHIISTAY:- Beri aanu tagney Siyaarada Sheekha Maydh yaala, ayaa Maalin qabriga Sheekha (illaahau haw naxariistee) aanu booqanay, markii qudbiga Sheekha kasoo baxnay ayaa nala geeyey geed qudbiga dacal kiisa ku yaala oo u dhow xabaalo ilma sheekh ku aasanyihiin, Geedka waxa hoos yaala Dhagax ay dadku rumaysan yihiin in uu Burji Dabiib leeyahay oo uu Bogsiiyo xanuunada, Dhagaxaas oo ah Dhagaxii Sheekha ganbadhka u ahaa ee uu ku fadhiisan jiray marka uu quraanka dhigaayo, sidoo kalana uu ku dul joogsan jiray maalinta Jimcaha ah Markuu qudbada Salaada jimce marinaayo, markii Sheekha xaqu u yimidna waxa laga dhigay goobta looxyada quraanka lagu dhigto khadka lagaga maydho, sikastaba ha ahaatee wakhtiyadii danbe Dhagax wax lagu dabiibo ayuu noqday oo Dadka meesha ku xanuunaysa dhagaxa Saar ayaa la odhanaayey, way ku Bogsanaysaaye, Maalintaa Dhagaxa aanu tagnay Meelba imay xanuunahay oo meel u baahan in aan Dhagaxa saaro jidhkayga waan ka waayey, Maalintii danbe ayey calooshu aad ii xanuuntay oo aad lay casiray, markaasaan idhi Dhagaxii igeeya calooshaa aad ii xanuunaysee, intii aanu Dhagaxii kusii soconay ayaan Turrunturooday oo dhagax jidka agyaalay Ruuga aan ku dhuftay oo Ruugiiba I wareegay, aniga oo xanuun ba’ani I hayo oo kor laysido ayaa Dhagaxii lay kor saaray, oo laygu Jiifiyey oo Bogga iyo beerka laysaaray oo laygu Jilbo joojiyey oo sikastaba jidhkayga loogu dul beegay, se kaarkii iyo xanuunkii igama jarin, aniga oo xanuun la baaxaa degaaya oo kolba barbar laygu rogrogaayo oo lay Dul Fadhiisinaayo Dhagaxii ayuu oday dadkii Siyaarada yimid ahaa yidhi Waar yarka Dhagaxa ka kor qaada oo Dhakhtarka Ceerigaabo Geeya!. MIDNA WAAN SOO DUL JOOGSADAY:- Magaalada Qadiimka ah ee Aw-barkhadle, Qudbiga Xawaalka Aw-Yuusuf ama Aw-barkhadle waxa dacalkiisa yaala Dhagax uu Aw-Yuusuf ku fadhiisan jiray marka uu Quraanka dhigaayo waana Dhagaxii ganbadhka u ahaa Markuu Alif-la-kor-***** iyo hingaada uu dhigaayey, sidoo kale Tabtii sheekha Maydh yaala ayuu salaada jimce uu Rako uu ku istaago oo uu qudbada ka jeediyo u ahaa, Waxa dhacday Jimce-Barkhadle anakoo joognaa Aw-barkhadle ayuu sawaxan iyo Muran kasoo yeedhay meeshii dhagaxu ahaa, markii aanu tagnay meeshii waaba dumar door ah oo Afo Dhagax ku dul fadhida hiif iyo qaylo isku raacinaaya oo leh Dhagaxa miyey ka dul baxday ilaa maantay salka ku haysay iyo Naa nooga kac aanu markayaga ku fadhiisanee!, nin sawaxanka soo raacay ayaa yidhi siyaaradii sheekha ayeynu joognaaye Dumarow hays dagaalina, say Haweenay dumarkii meesha ku Xoonsanaa ahi tidhi, Gabadhan Dhagaxa ku dul gamaday ka kiciya!, Saan nin oday ah oo barbarkayga taagnaa oo dadkii Siyaarada joogay ee sawaxanka sooraacay ah aan idhi Adeer dhagaxan dumarku isku haystaan waa maxay?, Suuyidhi waa Dhagaxii ay ku baxday (WALEE RUBAD BAANAD WIIL KU DHALIN), Saan idhi adeer siduu dhagax Dhalaan u bixinayaa? Suu yidhi Bal adba!. MIDNA WAA IGU MAQAL:- Waxa layidhi Madaxtooyada Jamhuuriyada Barakaysan waxa yaala Dhagax layidhaahdo Dhagax-Fayaan ama Dhagax-Hallaasi, waxa Madaxtooyada lagasoo wariyey in kursiga Mudane Muuse ku fadhiisto Rako dhagax la saaro hoosta ku leeyahay, Dhagaxaa ciddii ku fadhiisata oo kaliya maahee ciddii u dhawaata Fayaan faraxle ayaa saaqaya oo wax walba waxay ugu muuqanayaan wax quman oo Daadax iyo kaalay arag ah!, Dumarku markay agtagaan hadayna durbaan sidan Miisaska, kuraasta iyo wax kastoo sanqad sameynaaya oo meesha ka agdhow ayey inta ay garaacaan ayey hees, mashxarad iyo sacab ku daraan, Marka Muuse meel Booqanaayana waa looqaadaa, sida qudbad sanadeedka uu Golayaasha ka jeediyo, oo waata Maalintaa Golaha Baarlamaanku noqdo Meel Maarajaan ka socdo oo kale!, Bal eeg aduunka waligaa ku arkimaysid kana maqlimaysid gole Baarlamaan oo Mashxarad, Durbaan, Sacab iyo Heeso ka baxayaan aan Baarlamaanka Jamhuuriyada Barakaysan ahayn siiba maalinta Muuse booqdo!, aniga oo yaaban ayaan masuul ka ag dhow Madaxtooyada ayaan weydiiyey in Muuse Dhagax-Fayaan ama Dhagax-Hallaasi ku fadhiyo, wuxuu yidhi si hubaaltinimo ah Waa jiraa Dhagaxaasu!, waaban yaabaayey oo Waxaan islahaa Mudane Muuse muxuu Gobalka Sool ee goostay uga Hadli waayey, ee Gobalka Togdheer ee Dhiiga sokeeye ku qubtay uga hadli waayey, ee Gobalka Saaxil ee jabhadu Buurta ka soo degtay uga hadli waayey, ee Gobolka Sanaag ee Rasaastu kadhacayso haday tahay reeraha Walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn ama ta Ceerigaabo hubka lakeenay laga ridaaya uga Hadli waayey, ee Hargeysa oo Caasimadii qaranka ah Dhagaxa iyo Rasaasta ka dhacaysa boobka danyarta iyo xaraashka danta guud uga hadli waayey, oo Guuxa Awdal intaanu sida fulkaanaha uqarxin waxay tabanayaan uu ugala hadli waayey?. Mise Muuse waa nin Dhagax-Fayaan ku fadhiya oo Durbaano, Sacab, Mashxarad, Hees iyo Dhulkeena Nimcaa Fadhida ay u baxayso!. Balaayo Madax laqabto mooyee, Mijo la qabto malaha. Khadar Hooyoley (Fartaag) Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadden xuska maalinta calanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Mudane Xamza ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka 12-ka Oktoobar sanadkii 1954-tii. “Waxaan maanta u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda.” Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa isaguna shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal ku saabsan xuska maalinta calanka, isaga oo tilmaamay muhiimada calanka uu leeyahay. Waxa uu sheegay inuu yahay astaan ka turjumaysa jiritaanka Qarannimada dalka, midnimada iyo wadajirka shacabka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntiina wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyay in la xusuusto maalintan qiimaha badan ee dalkeenna uu leeyahay. The post Madaxda sare ee dalka oo shacabka u diray farriin ku aadan… appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa soo dhoweeyey hakinta bixitaanka ciidamada ATMIS, wuxuuna kalsooni ka muujiyey in dowladda ay bilaha soo socda heli doonto ciidamo ku filan oo ay kula wareegto mas’uuliyadda. Kamaal Daahir Guutaale, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay tababartay 9,700 askari tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay May 2022, ayna 3,000 oo dheeri ah ku tababartay Eritrea. Waxa uu sheegay in weli ciidamo dheeraad ah lagu tababarayo dibedda. Gutaale ayaa sheegay in dowladda ay ku kalsoon tahay in ciidamada Soomaaliyeed ay la wareegi doonaan mas’uuliyadda kadib hakadka 90-ka maalmood ah iyo bixitaanka xiga ee June 2024 oo dalka ay ka tagi doonaan 5,000 oo askari oo ATMIS ah. “Waa arrin aan si dhab ah u qaadaneyno, haddana waa mas’uuliyaddeena inaan buuxino firaaqa,” ayuu yiri. Guutaale waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhabarka u riteen labo shaqo oo kala ah — la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qabsashada dhul ballaaran, halka sidoo kale la tababarayo ciidamo cusub. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus,” ayuu yiri. Dhinaca kale, Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub. Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed. The post Dowladda Xasan Sheekh ‘oo tababartay’ 9,700 oo askri iyo 3,000 oo kale oo soo socda appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta bilaabay olole cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha oo uu wehlinayo ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay olalahaasi oo dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Dhiigga loo shubayo ciidanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo dhigayo bangiga keydka, waxaana kulankaan maanta soo abaabuulay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka cirib-tirka kooxaha Khawaarijta ah. Dagaalka Shabaab ee dalka ka socda ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo askar, halka ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamada huwanta, wuxuuna ololahan door muhiim ah ka ciyaari doona badbaadinta dhaawaca ciidankeenna geesiyaasha. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa waxa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Sawirro: Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole cusub, una shubay dhiig… appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah. Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah. Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf. Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka Shabaab uu si gaar ah u ugaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas. Fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa laba iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah. Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan kadib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Saddexdii bishaan. Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn shalay ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida. The post Xukunka waayeelkii Soomaaliya loogu dilay dhaxal aan lagu lahayn appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud presided over the weekly cabinet meeting in Mogadishu on Thursday to brief the council on the progress made in the country's efforts to eradicate al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  18. Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda oo garab ka helay kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin halka loo yaqaano xero koowaad, kadibna waxaas sidaas ku qarxay dagaalka. Ilo deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda illaa iyo hadda inta uu gaarsiisan yahay. Saraakiil ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana goobaha lagu dagaalanay ay weli ku sugan iyihiin ciidamada ammaanka. Waxa kale oo ay saraakiishu sheegeen in haatan ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha weerarka soo qaaday oo lasoo wariyay inay dib u laabteen. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gudaha iyo agagaarka degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli todobaad kawasiiro ka socda dowladda federaalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ay gaareen degmada Diinsoor, ayaga oo u tegay abaabulka dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse weerarkan ayaa hadda dhacay Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo kala duwan oo gaysta khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac. The post Faah-faahinta dagaal xooggan oo ka dhacay DIINSOOR appeared first on Caasimada Online.
  19. Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha oo u Kuurgalay Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim ayaa kormeer uu ku indho indhaynaayo dhoofka xoolaha iyo sida uu magaaladda Berbera uga socdo ku tegay magaalada Berbera. Wasiir ku xigeenku waxa uu ugu horayn kormeer ku maray Maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo ee magaaladda Berbra,waxaana goobahaas oo ay ku jireen xoolo tiro badani kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maxjaradaas,iyaga oo uga war-bixiyey wasiir ku xigeenka xoolaha halkaas ku jira. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim waxa uu sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta gobolka Saaxil oo ay iska xog waraysteen dhoofka Xoolaha ee magaaladda Berbera. Gebo gebadii waxa ay wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga iyo weftiga la socday booqdeen dekedda magaaladda Berbera oo ay xoolo ka dhoofayeen,waxaanay warbixino ka dhegaysteen qaar kamid ah ganacstada xoolaha dhoofisa Dhakhaatiirta Xoolaha ee wasaaradda iyo weliba mas’uuliyiinta wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil. Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aan xoolaha Somaliland la joojin,isla markaana ay xooluhu si joogto ah uga dhoofaan dekedda magaaladda Berbera. Ugu dambayna wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo in ay u kuur galaan xaaladda shaqo iyo ta xoolaha ee ay Qaranka u qaabilsan yihiin,iyaga oo daba-gelaaya,hubinaaya maxjarada iyo marinnada ay dekedda iyo maraakiibta xoolaha qaadaysa kamid yihiin,iyaga oo gudanaaya hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu qaranka u xil-saaran tahay. Qaran News
  20. Iibka Xoolaha ee Saylada Hargeysa oo sare u Kacay Hargeysa(Qaran news)-Iibka xoolaha ee Saylada Xoolaha ee magaaladda Hargeysa ayaa maraya halkii u saraysay, iyada oo dhoofka xooluhu si xawli ah uga socdo dekedda magaaladda Berbera. Qaar kamid ah shacabka ka ganacsada iibka xoolaha ee Sayladda magaaladda Hargeysa oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qiimaha ugu sareeya ee maanta xooluhu uu maraayo 110 Dollar,iyada oo neefka ugu hooseeyaana maraayo 670,000 lacagta Somaliland ah. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan wakiillada shirkaddaha ka ganacsada xoolaha oo sheegay in iibka xooluhu uu si fiican uga soconaayo saylada xoolaha ee magaaladda Hargeysa,waxaanay cadeeyeen in xalay uu baxay Markab siday xoolo,halka uu caawana markab kale baxaayo,kuwaas oo sida xoolo. Dadka ka ganacsada xoolaha ayaa sheegay in xoolaha laga iibsanayo Saylada magaaladda Hargeysa ay isugu jiraan qaar dibadda loo dhoofinaayo iyo kuwa magaaladda Hargeysa lagu qalaayo labada. Qaran News
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardargelinta qorsheyaasha hortebinta u leh Xukuumadda ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga saarayo Al shabaab. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo Golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgallada ka dhanka ah uu marayo heer gebagebo ah, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna, waxaana tilmaamay in shacabku ay bixiyaan dhiig loo keydiyo ciidanka xoogga dalka. Dhanka kale, Madaxwrynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka ku jira kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka waxaana kulankan soo abaabuulay dhalinyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka caasimadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha golaha wasiirada oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada, ayada oo looga hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab. Ugu horreyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa golaha la wadaagay guulaha waa weyn ee laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab ee ka dhacay maamullada HirShabelle & Galmudug. Sidoo kale waxa uu madaweynaha ka warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii kowaad ee hawlgallada Shabaab laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa kooxda, kuwaas oo ay dadka ku dhibaatayn jireen. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xubnaha golaha wasiirada ku boorriyay in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaystirka Dastuurka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya. Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Al-Shabaab oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka. Ugu dambeyn shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliyaayaa waxaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa muddo laba bilood ah ku maqnaa furinta hore ee dagaalka, isaga oo dagay Dhuusamareeb, si uu uga hago dagaalka Al-Shabaab. The post Madaxweyne Xasan oo arrin xasaasi ah la wadaagay golaha wasiirada + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, oo uu kula wadaagay guulaha laga gaaray howlagalladii ugu danbeeyey ee Argagixisada dalka looga sifaynayo. Madaxwaynaha ayaa Golaha uga warbixiyay dadaalka ka socda jiidda hore ee dagaalka, isagoo tilmaamay in wajigii labaad ee hawlgallada Argagixisada laga gaaray guulo waaweyn, isla markaana ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanku horumar muuqda ay sameeyeen furimaha dagaalka. Waxa uu sheegay in laga xoreeyey deegaanno muddo dheer fariisimo u ahaa cadawga oo ay dadka ku dhibaatayn jireen, isagoo ku boorriyay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya in ay sii labalaabaan doorka ay ka qaadanayaan hawlgallada ka dhanka ah kooxaha AS. Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaystirka Dastuurka Federaalka uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladnimada Soomaaliyeed, si loo helo hay’ado is dheelitira oo sharciga ku shaqeeya. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isna kulanka ka sheegay in xukuumaddu ay yagleeshay laba guddi oo heer Wasiiro ah, kuwaas oo kala ah Guddiga Taakulaynta Ciidmada iyo Guddiga Wacyigalinta howlgallada lagu sifaynayo Argagixisada oo gacan ka geysan doono halganka dib u xoreynta dalka. Shirka Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu ansixiyay Hindise sharciyeedyo iyo heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dhaqaalaha, caafimaadka, warfaafinta iyo dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta Shir-gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya is hortaag maanta lagu sameeyay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed (Black) oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xildhibaanka oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu warramayaa in laga reebay maydka diyaarad sidday marxuum ganacsade Maxamed Xasan Yuusuf (Maad Laamey) oo loo waday magaalada Baydhabo, si aas loogu sameeyo halkaasi. Cabdullahi Black oo ay qaraabo yihiin marxuumka ayaa la sheegay in loo diiday inuu ka dago garoonka Shaati Gaduud, kadibna uu sidaas uga haray maydka uu la socday. Wararka ayaa sheegaya in amarka loogu diiday in Baydhaba uu ka dago xildhibaanka uu kasoo baxay dhanka Koonfur Galbeed, waxaana loo sababeynayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka. Black ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Laftagareen, wuxuuna qayb ka yahay xubnaha dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada Muqdisho. Dhanka kale, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, ahna Senator hore Ilyaas Cali Xasan ayaa ka hadlay dhacdadaan, isaga oo sheegay inuu cambaareynayo falka lagu dhaqaaqay xildhibaanka, xilli uu ka socday maydka ganacsado ay qaraabo yihiin. “Waan cambaareynaayaa in Xildhibaan Abdulahi Adan Black oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, loo diido inuu tago Baydhabo, isasoo lasocdey Meydka ganacsade ay qaraabo ahaayeen” ayuu ku yiro qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Ilyaas Cali Xasan. Koonfur Galbeed ayaa waxaa hadda ka taagan jahwareer siyaasadeed, ayada oo si weyn doorashada ay isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne C/casiis Laftagareen. Si kastaba, Arrinta ayaa faraha kasii baxaysa, ayada oo mucaaradka loo diiday inay tegaan Baydhaba, kadib go’aanno culus oo ka soo baxay maamul goboleedka Koonfur Galbeed. The post Xildhibaan la socday MAYD oo laga reebay diyaarad kusii jeeday Baydhaba appeared first on Caasimada Online.