-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay mashruuc indha fiiqis ah oo ay maanta degmada Yaaqshiid ka fulisay hey’adda samafalka ee Madaale Foundation. Mashruucaan ayaa waxaa ka faaideysan doona 100-ruux oo kamid ah qoysaska danta yar ee aan heysan dhaqaale ay aragooda kula tacaalaan ama ay ku tagaan xarumaha gaarka loo leeyahay, xilli ay bulshadu ka mahadcelisay arrintaan. Furintaanka mashruucaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo ururka dhaqaatiirka Indhaha oo barnaaijkan indha fiiqista ah fuliyay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay garab istaaga iyo samafalka dadka danta yar, gaar ahaan kuwa nugul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ka taagan bariga dhexe gaar ahaan Falastiin. Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil, taas oo maalintii lixaad ay dagaak isaga soo horjeedaan ciidanka Israel iyo Xamaas. Waa wadahadalkii ugu horeeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xiriirka diplomaasiyadeed bishii Maarso, oo Iran iyo Sucuudiga ay dib u bilaabeen xiriir abuuraya iskusoo dhowaanshiyo labada dowlad ah. Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene, taas oo keeni karta in xaaladda Madow eek a jirta Qaza lagu soo gabgabeynayo. Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta Calanka Soomaaliyeed 12-ka Oktoobar. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u hureen sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda Qarannimo, safka horena uga gali lahaayeen shucuubta iyo dalalka xorta ah ee leh calan iyo carro gobanimo ay dadkeedu ugu nool yihiin. Madaxweynaha ayaa maalinta Calanka darteed Tacsi u diray Halgamaa Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa assaasihii Calanka Jamhuuriyadda iyo dhammaan cidkastoo qeyb ka aheyd halgankii Calanka iyo gobonimada dalkeenna. “Maalintan qiimaha badan darteed, waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib u soo celinta dowladnimada si calankeennu mar labaad u noqdo mid ka dhex sharfan adduunyada inteeda kale”. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. The post Madaxweynaha Puntland oo Shacabka Soomaaliyeed ku hambalyeeyay Maalinta Calanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya ciidamada Israel iyo dadka reer Falastiin ee ka socda aagga magaalada Gaza. Dagaalka ayaa todobaadkan sii xoogeystay, kadib markii Ururka Xamaas ee Falastiin uu weerar lama filaan ku qaaday magaalooyinka Israel, ayna gaarsiiyeen khasaare culus. Madaale ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaag u muujiyaan reer Falastiin, isla-markaana ay u duceeyaan, maadaama ay jawahayaan xaalad adag. Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay dhibaato ku hayso Gaza, isla-markaana ay go’doomisay, sidoo kalena ay ka goysay raashinka, korontada iyo biyaha. ‘Waxaan rabaa haddii uu Ilaah yiraahdo inaan Ilaah u barino walaalaheena reer Falastiin ee cadowgu ku gar-darooday ee raashinkii, korontadii iyo biyihii laga gooyay ee ciqaabta adag la kulmaayo ee la duqeynaayo, la’iskuna kaashaday in Ilaahey uu ka dulqaado” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Waxaan ugu duceyneynaa in Ilaahey uu ka dulqaado dhibaatada haysata, Ilaaheyna uu guuleeyo, Yahuuda iyo wixii la hal maalana uu ka qabto”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli halkiisa uu ka socdo dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israel, kaas oo ay sidoo kale babar socdaan duqeymo xoogleh. Si kastaba, Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. The post Daawo: Duqa Muqdisho oo war kasoo saaray dagaalka Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo aniga xaqiijin ah waxaa ay ka wadaan deegaanka Ciid Ciidka oo hoostaga magaalada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe oo maalmaaha n dagaallo iyo duqeymo ay ka socdeen. Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka G/Sare Dayax Cabdi Cabdulle waxaana ciidanku ay isku ballaariyeen Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Dhulka howdka ah ee howlgalkaani uu maanta ka socdo waxaa maalmihii lasoo dhaafay laga saaray Al-shabaab waxayna ciidamadu ka saareen miinooyin la sheegay in lagu aasay sida ay sheehayaan wararka laga helayo halkaasi. Ciid-ciidka iyo Cali-Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ayaa ah dhul howd ah oo ay ku yalla Jiinka Wabiga waxaana muddooyinkii dambe aaggaan ka dhacayay dagaal u dhaxeeya ciidanka huwanta ah iyo kuwa Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army (SNA), backed by international partners and local clan militia forces, successfully expelled al-Shabaab militants from the Cid-Cidka area in the Mahaday district in the Middle Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 80 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Laakin markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay. Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaa ay leedahay boqolaal calan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/Q/ Abdiaziiz Ahmed Gurbiye Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Coddeeyn socotay Mudo 2 Bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka Aruurisay Bulashada Somaliyeed laguna qiimeeynaayey Isbita alka ugu fiican, ayey Bulshadu ugu Aqoonsadeen isbitaalka Somali Sudanese Isbitaalka ugu weeyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay. Wax yaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiimeynaayey Isbitaalada waxaa kamid ahaa 1.Tayada adeega Isbitaalka 2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala 3.Qalabka caafimaadka 4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir. Munaasabadda Abaalgudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Africk, iyadoona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliyeed. Ma ahan markii ugu horreysay ee isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay Abaalmarintaan oo kale saddex jeer oo hore sida Mogadishu Health Awards, sannadka 2020, Somali Health Awards sannadka 2021, iyo Somali Night Award sannadka 2022 Isbitaalka Somali Sudanese oo Bulshadu uga baratay Adeeg Tayeeysan iyo Dhaqaatiir Takhasusi ah waxaa ka hawlgala 125 dhaqtar oo 40 ka mid ah ay yihiin dhaqtaariir takhasusi ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta iyo qalliimada cudurada kala duwan. Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan, Dhaqtarka Cudurada Guud, Qalliimada guud, Dhaqtarka Lafaha, Dhatarka maqaarka, Dhaqtarka Beerka iyo uur kujirta (gastroenterology), Dhaqtarka wadnaha (Gardiology), Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT), Dhaqtar haweenka, Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology). Dhaqtarka Indhaha Dhaqtarka Qaliimada Maqaarka iyo Qurxinta ( Pastic and Reconstructive ) Surgery Dhaqtarka Xidida iyo Halboowlayasha (Vascular Surgery) Dhaqtarka Lafaha iyo Dhaawacyada Ciyaaraha. The post Isbitalka Somali Sudanese oo markii 4-aad noqday kan ugu fiican + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale ka hadlay xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood, halkaas oo ay muddo sideed bilood ah ku dagaalamayeen ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma. Warbixin kasoo baxday Golaha ayaa waxaa looga hadlay dagaalladii qararaa ee ka dhacay magaaladaasi, waxaana lagu sheegay in dambiyo dagaal laga gaystay Laascaanood. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in loo gudbiyay shaqsiyaad mas’uuliyiin ah oo ku lug leh dagaalka dadka badan lagu dilay ee gobolka Sool, kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen dambiyo dagaal isla-markaana ay tahay in lagula xisaabtamo. Sidoo kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas la dhibaateeyay ay isugu jiraan dumar, carruur iyo dad da’ah, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallada. Waxaa kale oo bayaankan lagu sheegay in duqeymo lala beegsaday xarunmaha bulshada, sida isbitaallada, goobaha waxbarshada, suuqyada iyo masaajidda ku yaalla magaalada. Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa dowladda federaalka, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa samafalka ugu baaqday inay gargaar bani’aadanimo la gaaraan qoysaska barakacay oo haatan wajahaya dhibaato nololeed, maadaama ay lasoo darseen xaalado adag. QM ayaa horay uga hadashay dagaallada Laascaanood, waxayna kasoo saartay baaqyo deg-deg ah, si xaaladda loo dajiyo, kadibna loo wada-hadalo, balse ma suuragelin, waxaana sii socday dagaallada tooska ah ee u dhexeeya labada dhinac. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkii u dambeeyay dagnayed, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidamada labada dhinac ee ku dagaalamay magaaladaasi. Somaliland iyo SSC ayaa labaduba weli heegan ku jira, waxayna wadaan is uruursi ciidan oo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Sool ee aqooyiga Soomaaliya. The post Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay mas’uuliyiin ku lug leh dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee todobaadkan Xamaas ay ku qaaday Israel, kaas oo khasaare xoogleh uu kasoo gaaray ciidamada Israel, guulna ay ka gaareen Falastiiniyiinta. Al-Shabaab ayaa si weyn u taageertay guusha Ururka Maxaas, ayada oo tilmaamtay inay fulisay weerar barakeysan oo lagu difaacayo dhulka Falastiin iyo Masjidka Al-Aqsa. Bayaankan oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray reer Falastiin, waxayna Al-Shabaab sheegtay in guushooda ay tahay mid usoo hoyotay Muslimiinta. “Weerarkan waxa uu banaanka soo dhigay daciifnimada Israel, sidoo kale wuxuu caalamka tusay in laga adkaan karo oo ay been noqotay awoodii ay ku faani jirtay” ayaa lagu yiri Bayaanka. Waxaa kale oo Al-Shabaab ay tilmaamtay in Muslimiinta oo dhan ay leeyihiin hal cadow oo u midoobay sidaas daraadeeda loo baahan in isagana meelo looga soo wada jeesto. “Cadowgeena iyo cadowgaagu waa mid waxay isu uruursadeen inay ummadda Islaamka ka horyimaadaan, waxayna isu bahaysteen inay dhibaato u gaystaan shucuubta Muslimiinta, bari, galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba.” ayaa bayaanka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale kooxda ayaa intaasi ku dartay, haddii ay heli laheyd waddo ay u marto Falastiin inay ku biiri lahayd dagaalka, ayna ka barbar dagaalami lahaydXamaas, balse waxa ay tilmaamtay in ayadu ay ka dagaalameyso bariga Afrika, iyaguna ay ka dirirayaan Falastiin. “Haddii aan waddo idiin heli lahayn, idinkama dib dhici lahayn inaan adiin imaano, laakiin waxaad ku halgamaysaan dhulka Falastiin, anagana waxaana ka dagaallamaynaa dhulka Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Horay Al-Shabaab ayaa u taageertay reer Falastiin oo muddo 50 sanno ay dhibaato ku hayaan ciidamada Israel oo xoog uga qabsaday dhul ballaaran. Sanadkii 2019-kii markii Trump u aqoonsaday Qudus caasimada Israel, Al-Shabaab ayaa weerar arintaas uga jawaabayso ku qaaday Dusit Hotel oo Nairobi ku yaalla, saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Manda Bay oo isla Kenya ka tirsan iyo Beledoogle sanadkii 2020. The post Shabaab oo shaacisay inay Xamas ka dhinac dagaalami… appeared first on Caasimada Online.
-
Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi. Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil. Waa wadahadalkii ugu horreeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xidhiidhka diplomaasiyadeed bishii March. Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene. Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xidhiidheyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza. Source
-
Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in go’doominta Israa’iil iyo werarada aan kala joogsiga lahayn ee Gaza ay yihiin jawaab-celin aan habboonayn oo ku saabsan weerarka Xamaas. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyay go’doominta iyo duqeynta Israa’iil ay ku heyso marinka Gaza ee go’doomiyay , isagoo ku tilmaamay mid xasuuq ah. “Duqaynta guryaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah iyadoo la adeegsanayo hab kasta oo xoog ah – maaha dagaal, waa xasuuq,” ayuu yidhi. “Waxaan si cad uga soo horjeednaa dilka dadka rayidka ah ee lagu dilay dhulalka Israa’iil. Sidoo kale, marnaba ma aqbali karno xasuuqa lagu xasuuqayo dadka aan waxba galabsan ee aan is difaaci karin ee Gaza, iyadoo loo geysanayo duqeyn aan loo meel dayin, oo joogto ah,” ayuu yidhi Erdogan Falastiiniyiinta ayaa ku dhibaataysan go’doominta Israa’iil ee Gaza. Duqaymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan 1,100 qof, halka 250,000 oo kalena ay ku barakaceen, sida ay sheegeen saraakiisha Qaza. Guud ahaan xannibaadda ayaa sidoo kale jaraysa sahaydii cuntada, biyaha iyo korontada. Source
-
Wararka ka imaanaya degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaas saaka laga dareemo xiisad dagaal oo xooggan. Maleeshiyaad ururis ah oo la isaga keenay degaannada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaan degaankaas Qorilugud. Xiisadda ayaa daba socota dagaal beeleed hubaysan oo dhawaan ka dhacay dhulka miyiga ah kaas oo dhexmaray laba beelood oo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorilugud. Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda uu gadaal ka riixayo taliska Muuse Biixi oo raadinaya in uu colaad horleh ka abuuro beelaha labada dhinac. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan degaanka Qorilugud ee gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa in uu si gaar ah uga dhacay laamiga dheer ee mara degmadaasi, gaar ahaan gagaarka iskuulka lagu magacaabo Halgan. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay dad shacab ah oo goobta ku sugnaa iyo kuwa waddada marayay. Inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ayada oo ay dhaawacyo soo gaareen dad kale oo la dhigay qaar kamid ah sisbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo howlgallo ka sameeyay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inay dad usoo qabqabyeen qaraxa. Ma jiro willaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxa iyo baaritaanada xigay ee ay ka sameeyeen degmada Dharkenley. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha degmadaasi. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay falal ammaan darri, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay caasimada. Si kastaba, weeraradan ayaa dhacaya, ayada oo dhanka kale laamaha amniga ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan caasimada, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro. iskul Halgan goob laami bda The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
The head of the African Union Mission in Somalia has called for international support for Somali government forces who are battling the al-Shabab militant group on multiple fronts in the country. Source: Hiiraan Online
-
Kenya will end a six-year agreement that allowed more than 100 Cuban doctors to work in Kenyan hospitals. Source: Hiiraan Online
-
Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa duqeyn xooggan ka fulinayso Gaza kadib weerarkii ay Xamaas ka fuliyeen goobo ay Israa’iiliyiintu ka degan yihiin hareeraha magaalada Gaza horraantii todobaadkan. Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sida ay UN-ka sheegayaan in ka badan 200,000 ayaa ku barakacay gudaha Gaza kuwaas oo 10% ka ah dadka ku nool Gaza oo gaaraya in ka badan labo milyan. Korontada, biyaha iyo cunnada ayaa gabaabsi ah, waxaana laga digayaa in ay ka dhabeeyaan sheegidda ah in ay lug ahaan kusoo weeraraan ay uga dari doonto xaaladda banii’aadnimo iyo waxyeellada rayidka. Arrimahan dhacaya waxaa barbar socda dunida oo kala qeybsan, reer galbeedka oo leh Israeil waxaa ay ku jirtaa dagaal xaq ah, taasi oo sharciyad siinaysa wax walba oo ay ka sameeyaan iyo dalal bariga ah oo leh reer Gaza waxaay ay go’doon ahaayeen muddo dheer, in ay is difaacaana waa sharci. Laakin labadaasi ra’yi dhexdooda iyo Hamaaz oo ah jabhad hubeysan waxaa khatar galaya nolasha malaayiin rayid ah. Khubarada Israel waxaa ay ku sheegeen in Tal aviv ay soo afjari doonto guud ahaan Hamaaz ayna gudaha u geli doonto magaalada Gaza, taasina waxaa ay keeneysaa in la isweydiiyo halka ay aadaan dadka halkaasi ku nool, waxaana soo ifbaxay in fursaddan ay tahay middii ay Israael sugaysay 60 sano ah oo ah in Falastiiniyiinta ay dal ka helaan bariga Webiga Urdun(Urdun) ama Sinaay(Masar). Ra’yiga in Falastiiniyiinta loo raro Urdun: Urdun iyo Falastiin waxaa wada xukumayay boqorka Urdun wixii ka horeeyay sagaameeyadii qarnigii hore, iyada oo boqorka uu kala saaray laba maamul 1987, taasina ay u gogol xaartay mashruuca dowladda Farlastiin 1988. Ariel Sharon ayaa fikraddan ma bilaabay 1882-dii isaga oo u sababeeyay in boqorka Urdun ka talin jiray labada daan ee webiga si toos ah inta u dhaxeysay 1950-1967, waxaa ayna firkadda ah in Falastiiniyiinta loo raadiyo dhul kale ay soo noqnoqotay muddo dheer. Keliya qorshaha dhul ama dal kale oo ay deefaan loogu raaciyo dadka Falastiiniyiinta ah kuma koobna Urdun, ee waxaa marar badan lagala hadlay madaxda Masar, weliba ilaa saddex madaxweyne oo kala duwan. Markii ugu horreysay Israel ayaa usoo jeediyay Masar in ay siiso ilaa 1,000 KM oo ka tirsan dhulka Siinaay, firkaddan oo ay hor dhigeen madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, waa uu iska diiday. The post Duqeynta Gaza iyo qorshaha Falastiiniyiinta loogu rarayo dal kale – Maxaadan ogeyn? appeared first on Caasimada Online.
-
African Union Transmission Mission (ATMIS) has planned a gradual withdrawal of troops from Somalia, raising concerns over the cross-border activities of the al Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
El Nino rains will begin in the Horn of Africa region from mid-October, experts from the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), an East African bloc, said on Monday, noting that there has been a delay in onset. Source: Hiiraan Online
-
A team of police officers foiled a planned attack on passenger service vehicles when they detected and recovered an Improvised Explosive Devise (IED) in Dadaab, Garissa county. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab. Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub. Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed. “Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah. “Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.” Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024. Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.” Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS. “Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri. “Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.” Souef aya ka digay in la dhayalsado Al-Shabaab, oo uu sheegay inay sameyso tababar ballaaran, iskuna dayeyso inay awoodda qabsato. Waxa uu sheegay in kooxda ay heleyso hub “ayna aad u qalabeysan tahay.” “Maya, ma dhayalsaneyno Al-Shabaab, mana jirto cid dhayalsan karta Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Hore ayaan kaala hadlay wixii dhacay laba maalmood ka hor – Xamas waa koox hubaysan, waxaadna aragteen waxyeellada ay ka gaysteen Israel, halka Israel ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu ciidanka abaabulan uguna qalabaysan dhanka sirdoonka”. Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sugayaan diyaarado helicopter ah oo ka imaanaya Burundi, oo ku xiran fasaxa dowladda Soomaaliya, si ay ugu daraan labadii diyaarad oo helicopter-ka ah oo ay horay uga heleen Uganda. Isha, VOA The post Taageero caalami ah oo loo dalbay dagaalka ciidamada Soomaaliya ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
