Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Tababar Loo Qabtay Hawl-wadeennada Saadaasha Ee Wasaaradda Beeraha Boorama (Qaran news) – Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, ayaa Tababbar loogu soo gebogabeeyay hawl-wadeenada Saadaasha Hawada ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland. Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxay Tababbar socday laba Maalmood ugu qabatay Magaalada Boorama. Tababbarkan ayaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda la xidhiidha la socodka cimilada iyo isbeddellada dhaca, sida Dayrta ay keentay ‘Elnino’, taasi oo u baahan ka war qab iyo feejiganan dheeri ah. Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa si qoto dheer loogu sii tababbray dayactirka iyo ilaalinta qalabka saadaasha iyo App-ka digniinaha oo ka caawinaya sidii wakhti hore loo heli lahaa xogta ka soo korodha cimillada deegaanka. Tababbarkan waxa bixiyey Khuburrhada Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee qaabilsan Saadaasha Hawada. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho galabta waxaa lagu wabtay kulan xasaasi ah oo inta badan Xildhibaanada baarlamaanka federaalka ku metela Koonfur Galbeed ay isugu yimaadeen, kulankaas waxaa shir guddoomiye guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo shalay diyaarad u socotay Baydhaba amar ka yimid K/Galbeed looga reebay Xildhibaan Balaag oo siday meydka walaalkiis oo geeriyooday, lana doonayey in lagu aaso magaalada Baydhaba. Inta badan Xildhibaanada laga soo doortay K/Galbeed ayaa ka quustay inay tagaan Baydhaba iyo deegaanada kale ee maamulkaas oo dib ay ugu laabtaan dadka ay metelaan, arrintaani waxay salka ku heysaa doorashada maamulkaas oo Madaxweyne Laftagareen uu diidan yahay in la qabto hadda, maadaama uu sameystay muddo kororsi. Xildhibaanada maanta ka shiray qorshaha Laftagareen, isaga ayaa soo siiyey kuraasta xiligii doorashada, wuxuuna ahaa hoggaamiyaha kaliya ee soo saartay xubno uu aaminsanaa inay si buuxda u taabacsan yihiin. Hadda, Laftagareen waxaa garbihiisa baneeyey inta badan xubnihii uu kuraasta u soo boobay, waxaa ku hartay qiyaastii 10 xildhibaan oo weli wax ka maqasha, K/Galbeed waxaa laga soo doortaa xildhibaanada ugu badan, balse xubnaha uu Laftagareen soo siiyey kuraasta intooda badan uma aysan noqon sidii uu ka rabay. Xildhibaanada Muqdisho ku shiray waxay gaareen go’aano adag, maadaama laga hor istaagay deegaanadii laga soo doortay, waxay Xildhibaanada qaar u sheegeen Caasimada Online inay sii badi doonaan tashiyada oo kulamo kale ay qaba doonaan saacadaha soo socda, markaas kadibna ay soo saari doonaan go’aankooda. Kulanka xildhibaanada wuxuu ku soo aaday xili maanta uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in la mideynayo oo isku waqti la qabanayo doorashooyinka dalka heer federaal ilaa heer dowlad goboleed, hadalkaas ma farxad gelinayo siyaasiyiinta ka soo hor jeeda Madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo doonaya in doorashada maamulkaas lagu qabto waqtigii lagu heshiiyey oo ah bilowga sanadka soo socda iyo gabagabada sanadkaan. Ugu yaraan labo mar ayey Dhuusamareeb ugu tageen madaxweynaha, balse kulamadii dhacay lama shaacin natiijadooda rasmiga ah, waxay isku dayeen si kasta oo Baydhaba ku tegi karaan, laakiin uma noqon, madaxweyane Xasan Sheekh oo ay u dacwoodeen wuxuu u muuqdaa nin meel iska dhigay muran doorasho oo muhiimadda shaqadiisa uu isugu geeyey dagaalka Khawaarijta. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay siyaasiyiinta K/Galbeed kulamo xasaasi ah ku qabtaan magaalada Muqdisho, kadibna cadeeyaan mowqifkooda doorashada iyo safarkooda suurta geli waayey ee Baydhaba. The post Xog: Xildhibaanadii uu kuraasta u soo boobay Laftagareen oo yeeshay kulan isaga ka dhan ah appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweyne Siciid Deni ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada soo socota ee madaxtinimada Puntland ku dhacayso nidaamka qof iyo cod. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC uu ka shaqayn doono hirgelinta hannaanka qof iyo cod ee lagu dooranayo madaxda sare ee Puntland. “Anigoo ah Madaxweynihii Dalka waxaan ku dhawaaqaya in uu dalku u jiheeystay Doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha SSC-Khaatumo” “Puntland way taageersantahay dadka SSC, Maamulkooda iyo dhaqankooda sida hore u sheegnay, mudada labada sano ah ee ay dhismayaana wixii xuquuq ah ee ay Puntland ku lahaayeen sidoodii ayeey u helayaan, waana la garab-taaganahay taageero nooc walbo”. Halkaan ka daawo Khudbadda Madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland u jihaysatay doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.
  4. If you cannot read that message click here. APO Group content is copyright free and can be republished at will. Expand North Star PRESS RELEASE Start-ups from across the globe look to woo investors with transformational tech shifts at world’s largest start-up event in Dubai Expand North Star is the powerhouse start-up event inspired by GITEX GLOBAL, the world’s largest tech show, which takes place from 16-20 October at the Dubai World Trade Centre (DWTC) Access Multimedia Content DUBAI, United Arab Emirates, October 12, 2023/ — Expand North Star 2023 (https://www.ExpandNorthStar.com/) accelerates global VC investment revival as deep tech game-changers choose Dubai as launch-pad for global growth. Record number of Indian start-ups to converge at four-day event’s new iconic Dubai Harbour venue. India’s burgeoning entrepreneurial spirit and proliferation of next-gen deep tech talent will take centre-stage next week in Dubai, as the world’s largest start-up event prepares to host the biggest showcase of Indian start-ups ever seen outside the south-central Asian nation. Hosted by Dubai Chamber of Digital Economy, one of the three chambers under the umbrella of Dubai Chambers, Expand North Star 2023 together will feature more than 1,800 exhibiting start-ups from 100-plus countries at its new Dubai Harbour venue from 15-18 October. This includes 200 breakthrough Indian companies choosing the emirate as their launchpad to scale up globally. From international award-winning Google accelerated gaming innovators, to producers of de-carbonised protein for the US$500 billion animal feed industry, game-changers from the world’s third-largest start-up ecosystem are gathering in Dubai to woo investors and secure customers for global expansion. Sustainable Agri-tech the formidable foundation of future commerce Among the pioneering start-ups at Expand North Star’s new India Central feature is Noval Sustainability, which is launching DE-Carbon, an animal feed protein recycled from waste that, according to Founder Siva Sanker, is formulated to substantially reduce the environmental footprint of the carbon-heavy feed and meat industries. “We will showcase the tech behind recovering protein from waste,” said Sankar, who will demonstrate at Expand North Star how Noval Sustainability’s manufacturing process decarbonises one of the world’s largest and most-polluting industries. “The world wastes more than 30 percent of the food that is produced, and the same ratio holds for the amount of proteins wasted from meat consumption. We are bridging the gap with a solution, and there’s a humongous untapped economic value in this waste. With an inclusion of just one percent of alternative proteins in animal feed, we’re looking at a US$500 billion industry.” Scaling-up through deep tech immersive gaming Elsewhere, investors in the US$300 billion gaming industry will see a fresh injection of deep tech gaming platforms, spearheaded by Tuttifrutti Interactive’s Sophia’s Adventures fantasy themed game that uses cinematic quality Unreal 5 Nanite technology. Ajish Habib, CEO of Tuttifrutti Interactive, a Google-accelerated, Epic Games Mega Grant recipient, and winner of 15 international awards, said Sophia’s Adventures alpha version will redefine the female gaming market, propelling the company, and potential seed angel investors, to exponential growth. “With its official launch for Sony PlayStation and VR2 market, Tuttifrutti will grow a minimum four times by 2025, and with an upcoming half a dozen IP games, we’ll scale-up over 165 times by 2028, targeting revenues of US$80 million,” said Habib. “Immersive game tech coupled with AI and deep tech will revolutionise the gaming market, and we’re leveraging AI in all aspects in our product development, from designing game emotions, and fine-tuning design, to marketing, and customer acquisition.” Unveiling growth roadmaps Manifested through its power-packed conference programme, Expand North Star will present key Indian unicorn founders will unveil the critical global growth path to unstoppable success. Headliners include Bhavish Aggarwal, CEO & Co-Founder of Ola Cabs & Ola Electric, India’s largest ridesharing company with over 1.5 million drivers; and Abiraj Singh Bhal, CEO & Founder of Urban Company, a Series F $2.8 billion company offering the largest home services platform in India and UAE. Expand North Star’s 10X Stage will also feature Rajan Anandan, Managing Director of Peak XV and Surge, a rapid scale-up programme for start-ups in India and Southeast Asia. Anandan is focusing on developing Surge into the world’s top scale-up programme for start-ups by acting as an investment advisor and mentor to the programme’s founders. He will share his visions for India’s booming start-up ecosystem for 2023 and beyond. Forging deep cross-border economic ties to accelerate growth Ballooning to nearly double that of the previous year, Indian participation at Expand North Star 2023 comes as the UAE and India continue to amplify bi-lateral trade and investment opportunities. Under the Comprehensive Economic Partnership Agreement, the UAE and India plan to double the value of non-oil trade from 2023 to 2030, reaching US$100 billion. According to Dubai Chambers, 30 percent of the emirate’s start-ups are Indian-owned, while 83,000 Indian companies are registered in Dubai. Indian firms and non-resident Indian owned entities have also created more than one million UAE jobs. Expand North Star 2023 will intensify these achievements, convening more than 1,000 tech investors and Venture Capitalists from 70 countries with US$1 trillion of capital to inspire, and scale-up the world’s most sought-after start-ups. Expand North Star is the powerhouse start-up event inspired by GITEX GLOBAL, the world’s largest tech show, which takes place from 16-20 October at the Dubai World Trade Centre (DWTC). The blockbuster duo, organised by DWTC, are spearheading the world’s biggest tech takeover in Dubai, spanning 2.7 million sq. ft. of exhibition space – a 40 percent increase over the previous year. More information is available at www.ExpandNorthStar.com Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta oo Jimco aheyd gudaha u galay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah magaalooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada qaranka. Ciidanka ayaa caawa ku hoyanaya Ruun-nirgood, waxaana ciidamada qeyb ka ah kuwo deegaanka ah oo laga abaabulay Muqdisho iyo deegaanada ay degto beesha iska leh degmadaas, kuwaas oo ku socda qorshe looga baaqsanayo in mar dambe dib looga soo baxo Ruun-nirgood. Ciidamada huwanta ah wax iska caabin ah kalama aysan kulmin kooxda Al-Shabaab oo si nabad ah ayey ku galeen degmada Ruun-nirgood, kadibna waxay galabta magaaladaas ka sameysteen fariisimo. Markii la xaqiijiyo amniga degmadaas, waxay saraakiishu noo sheegeen inay u sii gudbi doonaan deegaanada kale ee ka maqan gacanta dowladda, waxaana Ruun-nirgood sii difaaci doona ciidan u badan kuwa deegaanka oo lasoo abaabulay. Kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay in aysan joogin dhamaan degmooyinkii ay soo baneeyeen ciidamada dowladda, wixii ka dambeeyey markii uu dhacay weerarkii Cowsweyne, kooxda ayaa wixii maleeshiyaad ka joogay gobollada dhexe isugu geysay dalka ka socda koonfurta gobolka Mudug. Ciidamadii ugu badnaa ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga sagootiyey magaalada Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda geli doona degmooyinka aan ku jirin gacanta dowladda ee Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe. In Shabaab aysan joogin deegaanadii laga soo baxay waxaa xaqiijiyey ciidamo maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, kuwaas oo safar dhulka ah ku tegay degmada Xarardheere. Degmada Ceeldheer oo ugu weyn degmooyinkii laga soo baxay ayey sii mareen ciidamadaas, waxay joogeen maalin dhan, waxay ka fujiyeen calamadii ay derbiyada ku dhejisay kooxda Al-Shabaab, waxayna uga sii gudbeen degmada Xarardheere oo ay markii hore u socdeen. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hoggaaminaya qorshaha dagaal ee Soomaaliya looga xoreynayo argagixisada ayaa maalin ka hor ka soo laabtay safar uu dalka Eritrea ku tegay isagoo kormeeray ciidamada loo soo tababarayo dalka, wuxuu hadda ku soo laabtay Muqdisho, wuxuuna uga sii gudbi doonaa saldhigga uu dagaalka ka hoggaamiyo ee Dhuusamareeb. Maalin ka hor Dhuusamareeb waxaa ka gudbay labo urur oo ciidanka Gor Gor ah, kuwaas oo Jimcihii maanta tegay degmada Baxdo, ciidankaas waxaa la sheegay inay xooji doonaan dagaalka ka socda koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo Shabaab-ka jooga gobollada dhexe uu awoodiisa isugu geeyey. The post Ciidamada xoogga oo la wareegay Ruun-nirgood iyo xogta qorshaha dagaalka ee DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii uu jeediyey Jimcihii maanta qeyb ka mid ah wuxuu kaga hadlay doorashooyinka dowlad goboleedyada, kuwa federaalka iyo nidaamka kursiga Ra’iisul Wasaaraha loogu bedelayo Madaxweyne ku xigeen, markii la gaaro sanadka 2026-ka. Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaad ku saabsan sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabaliga ah, isagoo dadka ku qanciyey heshiiskii ay gaareen golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. “Xisbiyo qabiil dalkeenu ma qaadi karo, labada xisbi waxaan ku dooranayo inaan qaadano, in qof kasta uu ku khasbanaado inuu raaco siyaasi aan ku heyb aheyn, si meesha looga saaro isbaheysiga qabiileysan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guul-dareysatay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla dhameystaan muddo xileedkooda, isagoo sharaxay sida nidaamka madaxtooyada uu meesha uga saari karo khilaafaadkii looga bartay siyaasadda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira,” ayuu yiri Madaxweynuhu. Wuxu sheegay in dowladii ugu rooneed ay yeelatay laba ra’iisul wasaare, tan iyo 1960, taas oo ka dhigan in aysan jirin hal madaxweyne iyo ra’iisul wasaarihiisa oo muddo xileedkooda isla dhameystay. “Dunidu waxay isku dayday inay dolwad noo dhisto, laakiin anagu wax aanaan qabsan nooma qabsoomayaan, Soomaali ayaa dowlad dhisan karta, waxaana ku gaareynaa jidka aan maanta heyno ee nala qaata,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiintii kuraasta boobtay xiligii dowladii Farmaajo ay qabaan in doorashadii oo kale aan loo laaba karin, isagoo sheegay in khasab ay tahay in sidii hore waxa laga bedelo. Madaxweynaha ayaa ka jawaabay dood ku saabsan in madaxweynaha la soo doorto markii la qaato nidaamka hadda lagu heshiiyey uu awood badan uu yeelanayo, kaligiis taliyana uu noqon karo. “Ma jirto cid xoog ku xukumi karta dalkaan, waan soo aragnay in Soomaalida aan la qasbi karin, marka waxaan dejinay qorshe looga gudbi karo is qabqabsi,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta laba xisbi kaliya looga dhisayo dalka appeared first on Caasimada Online.
  7. Tooltip TextFlydubai flight FZ662 oo cilad awgeed u baqatay Waxa ay ahayd 28kii September 2023, marki rakaabkii la balamiyey in ay garoonka diyarada Cigaal international Airport yimadaan 6:30 subaxnimo, si ay u racan diyarada flydubai Flight No: FZ662. Marki la dhameyey misanki alabta iyo badhisti socdalka(Immigration office),ee la galay qolki weyna ee loga dareerayey diyarada. Waxa rakaabkii sugayey diyarada soo gadhay warar isburinaya oo ka mid yahay dayardi markay soo degeysay waxa mashiinka ka galay haad duulaya(Bird or Eagle) oo mashinkii wax yeelay. Rakaabki yimi 6:30 subaxnimo waxa loo sheegay 3:00 galabnimo in diyaradii ciladi gashay. Sida darteed in ay shandadahooda qaataan oo ku laabtaan huteeladoodi iyo guryahoodi, beri subaxna yimaadaan. Nasiib wanag Arrinta shandada rikabki iyo masuuliyinti shirkada way is la qateen in mesha lagaga tago oo ay beri u yimadaan. Masuuliyinta shariikadu waxa ay mujiyeen dulqaad iyo deganaan, marki ay rakaabku soo jediyeen in ay lumiyeen flightyadii ay ku bedelan lahayeen Dubai marka ay tagaan iyo ku noqoshada hoteelada Hargeisa ee ay saaka ka soo baxeen. Subaxadi dembe marki rikabki , yimadeen garoonki waxay iswaydiinayeen, Dayaradu ma tii hadaku mashinka ka galayba, mise waa la bedelay. Arrinta rikabka cidi ugama jawaabin. Sidas bana dayaradi lagu koray. Marki dayaradi la fuulay ee ay gashay dhabadi ay ka hadi lahay aya bilootki (Pilot) dayarada sii xoogleh berega ugu qabtay oo u joojiyey diyaradi. Bilotki (Pilot) waxa u rakabki u sheegay Diin waye (big trotoise) oo wadada ka gudbayey ayan ka joogsadey. Tallo Bixin Hadaba aniga oo ka mid aha rakaabki dayarada malinta sara diyarada wax an soo jedin lah arrimaha hoose ku qoran: 1) Hadka dula garoomada waa mashkalad Calamiya (International issue), sida darteed waxa loo bahanyey in khubarada adunka lala kaashado,sii deg deg ah loga hawl galo. 2) Xayawanka soo gelaya garoonka waxu u bahanyey waxi ka celin laha in lagu xidho,shebega debeda waxau u celinkaraa oo keliya waxi weyn ee ay ka midyihiin xooluhu, laakiin wax yaalo badan oo dhibi kara diyarada ayaa ku nool garoonka gudihiisa. All mahadlh Eng: Abdillahi M Nur(Feyar) feyar1@yahoo.com Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, kadib salaadii Jimcaha, wuxuuna si qota dheer kaga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab. Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ka xunyahay dhibaatada heysata dadka reer Falastiin, isagoo xusay in dhibaato taas lamid ah ay Shabaab ku hayaan Soomaalida. Wuxuu Madaxweynuhu ku dheeraaday naqdinta ficillada guracan ee Khawaarijta, isagoo muujiyey rajo weyn oo uu ka qabo in dowladda uu hoggaamiyo ay soo afjari doonto kooxdaan. “Waxaan ku jirnaa dagaal, hadii maalin aan guul-dareysano, macnaheedu maaha inaan dagaalka ku jabnay oo aan guul-dareysanay, jidka halganka waa mid qalqalooc badan dhexda ayaan maanta ka taaganahay, waxaana gaari doonaa guusha,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in caalamka ay ka jirto xagjirnimadaan, balse Shabaab-ku ay ku tarmeen dowlad la’aantii ka jirtay dalkeena, “Sababta ay noogu bulaaleen waa in dalkeena aysan xiligaas dowladnimo ka jirin, waxaan inaan ka baxno waxaan ku gaari karnaa inaan dalkaan dowlad u dhisno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay dowladnimadu u leedahay dadka Soomaaliyeed iyo dariiqa lagu gaari karo, “In dowlad aan yeelanayo waxay ugu horeyn muhiim u tahay ilaalinta diinta suuban ee Islaamka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay in Soomaalidu ay u kala qeybsan tahay qabaa’il, balse ay ka dhaxeyso diinta islaamka, halkaas ayuu sheegay in Shabaab ay naga soo galeen, maadaama ay dadkaan Soomaaliyeed mideysay diinta suuban ee islaamka. “Diinta hadii aan loo helin dowlad ilaalisa, maalin kasta mid xagjir ah ayaa noo imaanaya, daawada mushkiladaha na heysta waxay ku soo koomayaan dowlad la’aanta ee dowladnimada aan wada dhisano,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masjidka salaadii Jimcaha kadib. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan oo jeediyey khudbad xasaasi ah kana hadlay dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. The U.S. Embassy in Kenya has issued a terror alert in Nairobi, warning Americans to review their personal security plans. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday sawirka iyo magaca Nageeye Cali Khaliif, oo ahaa macalin jaamacadeed iyo Abwaan aad loo yaqaano dalka, wuxuuna abuuray ninkaasi hadal heyn aad u weyn. Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isaga qoray, waxaa sidoo kale la faafiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla jubooyinka oo kooxda Al-Shabaab ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii. Nageeye Cali Khaliif waa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, xarunteeda ugu weyn ee Muqdisho, waa Abwaan tiriyey suugan badan oo markii dib loo dhageystay laga dhex fahmay xagjirnimadiisa, wuxuu ahaa saxafi xirfad sare lahaa iyo qoraa keydiya suugaanta iyo taariikhda. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay war sheegaya in Nageeye uu ku biiray kooxda Al-Shabaab oo wajaheysa dagaal la aaminsan yahay in mar dhow lagu soo afjari doono, aad ayuu Facebook wax ugu daabici jiray, balse weli sooma hadlin si uu u cadeeyo mowqifkiisa. Nageeye Khaliif ayaa horay wareysiyo looga qaaday ku sheegay inuu dhashay sanadkii 1992, ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuna soo barbaaray deegaanada Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku soo qaatay. Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaas ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa. Shaahaadada 1-aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa. Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada. “Anigu waxaan tan iyo carruurnimadii ahaa dadka suugaanta jecel, weliba anigoo yar oo maqasha raaca. Hooyaday gabayada ay tiriso ayaan xifdi jiray,” ayuu yiri Nageeye. Sannadihii 2011, 2012 iyo 2013 ayuu sheegay inuu suugaan samayn jiray, laakiin uusan dadka tusi jirin. Dhowrkii sano ee u dambeysay wuxuu Nageeye Cali Khaliif ku noolaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa hormuudka kulliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Dadka yaqaanna Nageeye Cali Khaliif waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin hal adag oo mowqifkiisa aan beddelin ee ku adkaysta. Bishii Disembar 2018 ayaa Nageeye wuxuu ka mid ah dad tartan u galay shaqooyin BBC ka banaanaa, laakiin ma uusan ka mid noqon dadkii shaqooyinkaas loo qaatay. Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo xiligaas Tifaftire ka ahaa laanta af-Soomaailga ee BBC ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray sababta aan Nageeye shaqada loogu qaadan. “Inta aan madaxa ka ahaa BBC News Somali, Nageeye Cali Khaliif shaqo ayuu naga soo dalbaday, waana u qalmay. Balse wuxuu diiday inuu ballan qaado inuu joojin doono soo bandhigidda fikirkiisa siyaasadeed ee ku aaddan gooni isu taagga Somaliland. Wuxuu rabay inuu sii wato gabayadiisa looga soo horjeeday isagoo weriye madax banaan ah. Taasna waa ii cuntami weysay, maadaama aan dhexdhexaad ahayn. Laakiin waxaan u fahmay inuu yahay qof ku ad-adag waxa uu aaminsan yahay,” ayuu Cabdullaahi ku yiri qoraalkiisa. Maamulka Jaamacadda Ummada iyo dowladda Soomaaliya waxay ka gaabsadeen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan warka sheegaya in Nageeye Cali Khaliif uu Shabaab ku biiray, kadib xariiro aan la sameynay. Caasimada Online waxay saraakiil ka tiran hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya ka heshay xog sheegeysa inay baaritaan ku waddaan halka uu ku dambeeyo Nageeye. Waxay saraakiisha nala hadashay noo sheegeen inay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay sheegeen hay’addaha amniga ay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah, Axadii lasoo dhaafay ayaa Nageeye ugu dambeysay dadkiisii, sida aan ka helnay xogta ay hey’adaha ammaanku hayaan. Waxaa hawada ka maqan taleefanadiisii, waxaana la aaminsan yahay inuu u goostay Al-Shabaab, arrinta Nageeye ayaa ka yaabisay dadka Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa nin bulshaawi ah, aqoonyahan ah, shaqooyin fiican heysta, lahaana taageerayaal badan oo ka helay suugaantiisa iyo xirfadiisa macalinimada. The post Waa kuma Nageeye Khaliif oo la sheegay inuu aaday Al-Shabaab? + Qorshaha DF appeared first on Caasimada Online.
  11. Maxamuud Xaashi oo uga Digay Soomaaliya in Colaada Sool ay Saameyso Mandaqada oo dhan Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuyd Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Sool clan ay Somaliland heshiis kula ahaayeen beelaha kale oo wada jir loo dhistay. Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh aanay ku kadsoomin calankii Buluuga ahaa ee lagù ruxayay Laascaanood, hase ahaatee si odaytinimo leh dhex uga noqday. Waxa kaloo uu uga digay Dawladda Soomaaliya in aanu socdaalka hoggaamiyaha SSC ku tagay Muqdisho aansy colaad hor leh ka abuurin mandaqada. Sidoo kale siyaasi Maxamuud Xaashi wuxuu intaas ku daray in SSC ay u taagan tahay Sool, Sanaag iyo Cayn, deegaannadaasina ay dhammaantood yihiin qaar la wada degan yahay oo aanu maamul aan ka ahayn Somaliland ka samaysmi karin, wuxuuna caddeeyay in arrintaasi haddii ay dhacdo deegaanno badan oo ay ka mud yihiin deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Juba Land ay ku kala guran doonaan Dir iyo Daaroodka wada degani. Maxamuud Xaashi wuxuu maamulka huwanta Laascaanood u soo jeediyay in aanay dagaalka isku ballaadhin, isagoo ka waaniyay inay ka joogsadaan colaada ay huwantu ka hurinayso magaalada Qorilugud oo haddii dagaal ka dhaco uu isku beddeli doono inay dagaalka si buxda u galaan beelaha Isaaq iyo Gadabuursi oo aan hore dagaalka u galin kuna koobnaa uun dawladda Somaliland. Qaran News
  12. Somalilan iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Tiknoolajiyadda Addis-ababa(Qaran news)- Wasiirka wasaaradda tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Itoobiya Dr. Belete Molla Getahun. Kulanka labada wasiir oo muddo qaatay ayay kaga wada hadleen sidii labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland ay iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen arrimaha tiknoolajiyadda oo laf-dhabar u ah horumarka dhaqaale ee labada dal. Kulanka labada wasiir ayaa ku soo dhammaaday isfahan, waxaanay isla qaateen sidii looga wada shaqaynlahaa kor u qaadista adeegyada arrimaha Tiknoolojiyada. Wasiirka wasaaradda tiknoolojiyada iyo isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, ayaa dadaal ugu jira sidii loo horumarinlaha iyo isla markaana loo casriyaynlaha adeegyada Tiknoolojiga dalka. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay inay u istaagayaan dib heshiisiinta qabaa’ilka iyo xal u helidda colaadaha ka jira gobollada qaar. Culimada shirtay ayaa bayaankooda ku sheegay inay u istaageen dardar galinta doorka ay wadaaddada diinta ku leeyihiin arrimaha dib u heshiisiinta. Culimada ayaa sheegay in tallaabooyin badan ay qaadeen kadib markii ay kordheen dilalka ka dhasha colaadaha iyo aanooyinka qabiillada oo gaartay heer carruurta iyo arday jaamacadaha dhigta la iska dilo. Colaadaha qabaa’illada ayaa ahaa kuwo muddo dheer kasoo jiray Soomaaliya dhexdeeda, haddaba maxaa keenay wadaaddada diinta inay xilligaan ku baraarugaan, waxaa la weydiiyey Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda VOA. “Culimadu waxay go’aansatay in la dhiso hey’ad ka shaqeysa dib u heshiisiinta, dhismaha hey’adaas guddi ayaan u saarnay, waxyaabaha ay dadku isku qabsadaan oo inta badan gacan ka hadalka keena, waxaan ka samey doonaa wacyi gelin iyo talooyin dardaaran ah,” ayuu yiri. Sheekh Bashiir oo ka mid ah culimadii shirka ka qeyb-gashay ayaa ku jawaabay in hadda ay culimadu rumeysatay in dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah uu gacanta u galay hub badan, taasina ay sababi karto in colaaduhu sii kordhaan. “Waxaa hadda meelo badan ka dhacaya dagaaladii qabaa’ilka Soomaalida u dhaxeeyey, markaan ogaanay in aanooyinkii qabiilka ay sii badanayaan waxaan isugu imaanay in wax la iska dhaho arrintaan, si aan gacan uga geysano joojinta dhiigga qubanaya,” ayuu yiri Sheekh Bashiir. “Waxaa soo dhordhay dhaqan aan Soomaalida looga baran, waxaa is gumaadaya beelihii Soomaalida, dadka in la wacdiyo ayaa naga go’an waana waajib na saaran, dad badan oo waxgarad ah ayaan la hadalnay, in cadaaladda la hor geeyo qofkii dhib geysta ayaan ku baraarujinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Bashiir. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/10/01000000-c0a8-0242-6747-08dbcba4ea73_16k.mp3The post Wareysi: Sheekh Bashiir oo shaaciyey go’aano culus oo culimadu ku gaartay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha KMG ah ee deegaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Hoggaamiyaha SSC oo soo gaaray Muqdisho ayaa kulan sidaan oo kale ah waxaa uu la qaatay Xamse Cabdi Barre isaga oo ahaa shaqsigii casiimadda u fidiyay, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha SSC waxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaannada SSC dhowaan laga saaray ciidanka Milatariga Soomaaliland Goojacade. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC-Khaatumo ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye. Firdhiye ayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha la wadaagay aragtida, hiigsiga dadka deegaannada SSC iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalka ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Kulankaan ayaa noqonaya midkii labaad ee madaxda sare ee dalka ay la qaatan hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, ayada oo kii hore lagu balamay inay sii socdaan kulamada labada dhinac, maadaama uu ahaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe. Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay si gaar ah ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood. Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan u muuqata mid muhiimad gaar ah siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Xasan oo Villa Somalia ku qaabilay Firdhiye iyo arrimaha laga wada-hadlay appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud, along with Prime Minister Hamse Abdi Barre, held a meeting with SSC Khatumo leader Abdikhadir Ahmed Firdhiye at the Presidential palace in Mogadishu on Friday. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare mudane Cabdillaahi Cali Xirsi ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw-cali. Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka Siiyay Madaxweynaha JFS, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal hiigsiga, aragtida iyo qorshaha dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalkii ay Soomalilaan ku soo qaadday SSC-Khaatumo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha casuumaddii Qiimaha Badnayd iyo Soo dhawayntii diirranayd ee Caasimadda loogu sameeyay, sidoo kalana bogaadiyay sida DFS ay diyaarka ugu tahay garab istaagga dadka reer SSC-Khaatumo. The post Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
  18. Ankara (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ka socda shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Qatar, Turkiga, iyo Imaaraadka Carabta. Shirkaan oo noqonaya kii afaraad ee noociisa ah ee ay yeeshaan Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa diiradda lagu saaraya xaaladda ka taagan Soomaaliya. Dhinacyada ayaa si gaar u dul istaagaya arrimaha amniga, siyaasadda, arrimaha bini’aadannimada iyo istaraatiijiyadaha lagu gaari karo nabad iyo xasilooni ka dhalata gudaha Soomaaliya. La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya oo qeyb ka ahaa shirkaan ayaa shaaciyay “in shirka si weyn looga hadlayo dhimista ATMIS-ka iyo dadaallada la-dagaalanka argagixisada, xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. “Iyada oo ay ka soo qeyb-galeen Qatar, UAE, UK, Turkey iyo USA, waxaa magaalada Ankara lagu qabtay shirkii 4-aad ee Quint Soomaaliya. Hawlgallada/Istaraatiijiyadda la-dagaalanka argagaxisada, kala-guurka ATMIS, xasilinta, iyo shir-weynaha soo socda ee horumarinta laamaha ammaanka ee Soomaaliya ayaa ugu sarreeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali. Xuseen ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay muhiimadda uu kulankaan u leeyahay dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka, oo qiray inay garab taagan yihiin. “Quint-ku wuxuu sii ahaanayaa mid faa’iido leh oo aan looga maarmi karin dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada muhiimka ah ee amniga caalamiga ah.” Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar Maxamed Bin Cabdicasiis Bin-Saalax ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la taageero sidii loo aqoonsan lahaa dadaallada ay dowladdu ugu jirto wax ka qabashada arrimaha ammaanka. “Qatar waxay diyaar u tahay in ay taageerto qorshe kasta oo wada xaajood ah oo lagu horumarinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Bin-Saalax oo adkeeyay taageerada Qatar ee Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhbut Bin-Nahyan ayaa markale ku celiyay in dowladiisa ay ka go’an tahay inay Somaliya ka taageerto amaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasadda. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa horay u gaaray heshiis iskaashi oo si gaar ah u quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, wuxuuna Imaaraadka xilligaan door muuqda ka qaata dhismaha ciidanka, gaar ahaan tababarada iyo kharashaadka ku baxa, xilli dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. The post DF Somalia iyo saaxiibada caalamka oo shir uga furmay Ankara + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  19. The United Nations (UN) has allocated 15 million U.S. dollars to help mitigate the effects of the much anticipated El Nino rains in Somalia, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said. Source: Hiiraan Online
  20. Gaza (Caasimada Online) – Militariga Israel ayaa Jimcihii ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta Magaalada Gaza, oo gaaraya in ka badan 1 milyan, inay 24 saac ugu guuraan koonfurta, xilli ay taankiyo soo dhoobtay meel u dhow Marinka Gaza. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaalada. “Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas Khamiistii yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeynayaan Gaza, ayaga oo sheegaya inay ka aargudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel. Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maalmaha soo socda, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego. Bayaan uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin Twitter, ayaa afhayeenka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri “IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftooda, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.” “Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo laabataan magaalada Gaza kaliya marka ogeysiis kale oo fasaxaya la sameeyo. Ha u dhowaanina aagga xayndaabka ammaanka ee dawladda Israel,” ayuu yiri. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan suurta-gal aheyn in tallaabo noocaas ah ay dhacdo “ayada oo aysan ka dhalan cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.” “Qaramada Midoobay waxay si adag u codsanaysaa amar kasta oo noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, in la laalo iyada oo laga fogaanayo wax xaalad musiibo ah u beddeli kara xaalad markii horeba silac aheyd,” waxaa sidaas yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric. Safiirka Israel ee QM, Gilad Erdan ayaa jawaabta QM ee digniinta Israel ay siisay dadka degan Gaza ku qeexay “mid ceeb ah.” Sarkaal ka tirsan Xamas ayaa sheegay in digniinta la xiriirta Gaza ay tahay “dacaayad been abuur ah,” waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan ku kadsoomin. Israel ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii Sabtidii, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka. Warbaahinta dadweynaha Israel ee KAN ayaa sheegtay in dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,300 oo qof. Maamulka Gaza ayaa sheegay in la dilay in ka badan 1,500 oo Falastiiniyiin ah. Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof. Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan. “Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC. REUTERS, VOA The post Israel oo amartay shacabka inay Magaalada Gaza uga baxaan 24 saac + Qorshaha appeared first on Caasimada Online.
  21. Kenya's interior minister has said that the country will send assessment delegations to Haiti before deploying police officers to address gang violence there. Source: Hiiraan Online
  22. Parliamentarians from 11 countries in Eastern Africa will converge in Nairobi for a regional meeting on Sunday to discuss ways of accelerating the fight against food insecurity and malnutrition. Source: Hiiraan Online
  23. London (Caasimada Online) – Booliska UK ayaa xaqiijiyey in duullimaad ay leedahay shirkadda dayaaradda dayaaradaha ee Kenya Airways oo ku sii jeedday garoonka dayaaradaha ee Heathrow ee London ayaa lagu amray in ay ku degto garoonka Stansted ee waqooyiga bari ee London. Duulimaadka Kenya Airways ee tirsigiisu ahaa KQ 100 ayaa loo leexiyey sababo amniga la xiriira galabnimadii 12 Oktoobar. Sababta leexinta waxaa lagu sheegay in ay tahay khatar amniga ku saabsan, ayadoo warbaahinta maxalliga ahna ay werinayeen in kooxaha bambooyinka ku takhasasusay la arkayey ayagoo halkaa iu sii degdegaya. “Waxaan wakhtigan la tacaalaynaa xaalad ka taagan garoonka Stansted. Dayaarad ka timid Nair obi oo u socotay Heathrow ayaa loo leexiyey Stansted galabta (Khamiid 12 Oktoobar). Garoonka weli waa uu furan yahay” ayaa lagu yiri qoraal uu booliska Essex soo dhigay barta X. Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay jirtay khatar laga cabsi qabay oo keentay in duullimaadkaas la leexiyo. Habeennimadii ayaa shirkadda Kenya Airways waxay soo saartay qoraal aan midkaas wax badan uga duwanayn. “Maamulka KQ oo la shaqaynaya maamulayaasha amniga ee xukuumadda Kenya iyo UK ayaa qaaday qiimayn ballaaran oo ku saabsan khatarta. Shaqaalaha dayaaradda saarnaa waa la wargeliyey, waxaana la qaaday dhamaanba wixii talaabooyin ahaa ee la xiriiray si loo xaqiijiyo bedqabka shaqaalaheenna iyo rakaabka” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah hadalkaas qoraalka ah. Dayaaradda ayaa waxaa hawada kaga hortegey dayaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ka dib markii degdeg loo wargeliyey. Waxaa la rumaysan yahay in digniin la diray markii ay dul maraysay hawada Faransiiska. Wasaaradda difaaca afhayeen u hadlay ayaa yiri “Dayaarado ah nooca Typhoon oo ay leeyihiin ciidanka cirka ee RAF ee saldhigoodu yahay Coningsby ayaa la diray si ka hor tag ahaan ah galabtan si ay u baaraan dayaarad rayid oo ku soo dhawaanaysay UK”. “Dayaaradaas nooca rayidka ah ayaa xiriir la samaynaysay shaqaalaha hagidda dayaaradaha ee dhulka jooga, waxaana lo soo galbiyey garoonka dayaaradaha Stansted oo si bedqab leh ay uga soo degtay”. Flightradar24 data oo ah bar lagala socdo dhaqdhaqaaqyada duullimaadyada caalamka ayaa isna sheegay in dayaaraddaas oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner ay ka soo duushay magaalada Nairobi saacaddu markii ay ahayd 09:18 subaxnimo, ka dib 13 daqiiqo oo ay dib u dhacday. Dayaaradda ayaa ku dul haadaysay jog gaaraya 17,000 oo cagood kanaalka English Channel ka hor intii aysan soo dhaadhicin ayadoo ku sii socotay dhanka waqooyi eek u dhereran bariga xeebta Kent. Dayaaraddu waxay sii waddaay daadegiddeeda ayadoo raacday xeebta xeebta badda waqooyi ka dibna Essex, waxayna fariisatay garoonka Stansted 4:45 galaabnimo saacadda Afrikada bari. “Waxaa dhamaanteen na hareereeyey boolis. Dhamaantood waxay wateen qoryo, waxayna xirnaayeen dares madow, waxayna na weydiinayeen aqoonsi. Kabtanka waxba ma uusan dhihin” ayey tiri haweeney dayaaradda saarnayd. Isniintii ayaa duullimaad kale oo ay leedahay Kenya Airways, isagana kala gooshayay Nairobi iyo Heathrow London waxaa uu dalabaday gargaar caafimaad oo degdeg ah ka dib markii mid ka mid ah rakaabka uu xanuunsaday sida ay shirkaddu sheegtay. “Shaqaalaha dayaaradda oo ay taageerayeen laba dhakhtar iyo hal kalkaaliye ayaa caawiyey qofkii xanuunsanayey ayadoo loo fidiyey gargaar caafimaad, , kabtankana wuxuu ku dhawaaqay in gargaar caafimaad oo degdeg ah loo baahan yahay isagoo la hadlayey qaybta hagidda dayaaradaha” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda. Isha: BBC SOMALI The post UK ‘oo sababo amni darteed’ u weecisay duulimaadka shirkadda Kenya Airways appeared first on Caasimada Online.
  24. 3 males arrested Thursday afternoon after allegedly making threats at private Jewish school, police say Source: Hiiraan Online
  25. Burkina Faso and Russia are on Friday due to sign a memorandum of understanding (MoU) for the construction of a nuclear power plant in the west African nation, according to the state-run AIB news agency. Source: Hiiraan Online