Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Wafdiga gaaray Baqdaad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud. Wafdigan ayaa waxay halkaasi uga qeyb-gelayaan meertada 39-aad ee golaha Cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta. Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Liibaan Maalin Guur, la-taliyaha koowad ee safaaradda, Cabdifataax Sheekh Axmed, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaalladda Ciraaq iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay wafdiga uu wasiir Xasan Macallim hoggaaminayo oo xalay goor dambe gaaray magaalada Baqdaad. Shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta oo furmaya maalinta berri ah ayaa looga hadlayaa arrima muhiim u ah ururka Jaamacadda Carabta iyo Caalamka, oo ay kamid tahay la-dagaalanka argagaxisada iyo horumarinta cadaaladda iyo garsoorka. Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa inta uu Ciraaq u joogo shirka wuxuu kulamo doceedyo la qaadanayaa wasiirrada dhigiisa ah ee shirka ka qeyb gelaya. The post Sawirro: Wafdi ka socda DF oo gaaray Ciraaq + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  2. BEIRUT (AP) — Iran’s foreign minister on Saturday called on Israel to stop its attacks on Gaza, warning that the war might expand to other parts of the Middle East if Hezbollah joins the battle, and that would make Israel suffer “a huge earthquake.” Source: Hiiraan Online
  3. Minister of Finance H E Ali bin Ahmed Al Kuwari met with Minister of Finance of the Federal Republic of Somalia H E Bihi Iman Egeh on the sidelines of the Annual Meetings of the Boards of Governors of the World Bank Group (WBG) and the International Monetary Fund (IMF) held in Marrakesh, Kingdom of Morocco. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud cut the ribbon on the newly reconstructed Mohamud Harbi road in the Warta Nabadda district and a new road named in honor of the late former President Ali Mahdi Mohamed in Abdiasis district, both located in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis. Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis, waxaana sidoo kale munaasabadda qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo guddoomiye Madaale ka mid yahay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeyso wadajir iyo wax wada qabsi shacab, taas oo lagu hirgeliyaay degmooyin dhowr ah oo kamid ah caasimadda. Madaxweynaha ayaa qeybaha kala ee degmooyinka Gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Magaalada Muqdisho. Dhismaha waddooyinkaan ayaa waxaa kusoo aadayaa xilli dhowaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku dhowaaqay mashruuca ku dhiso dalkaaga 1 Dollar, waxaana mashruucaas lagu hirgeliyay dhismayaal dhowr waddo oo ay kamid yihiin, Waddada Janaraal, Daa’uud , Waddada Taleex iyo kuwa kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaaday tallaabo dhalisay hadal heyn xoogan, kadib markii uu magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee maamul goboleedkaasi. Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Caasho Khaliif Maxamed oo ah wasiirka gargaarka dowlad goboleedka HirShabelle. “Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya aafooyinka ka dhalan kara fatahaadaha iyo duufaannada elnino ayaa Magacaabay Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday HirShabelle. Haddaba sidoo looga falceliyay arrintan uu sameeyay madaxweyne Cali Guudlaawe? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood ay su’aallo ka keeneen xilliga lagu soo aadiyay magacaabista guddigan, maadaama aysan weli dhicin fatahaad, halka kuwa kalena ay sheegeen in laga damacsan yahay arrintan mashruuc gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen. Cali Cabdiraxmaan oo kamid ah dadka ka hadlay arrintan ayaa yiri “Guddi beel, fatahaado wax ka daran ayaa maalin walba taagan ee wax ka qabo”. Ibraahim Cali Nuur ayaa su’aal ka keenay dhismaha guddigan, wuxuuna yiri “Fatahaad maba dhicinee maxaa waa guddigaan?” Caydaruus ayaa isaguna yiri “Beeso raadis waayay Guudlaawe i aamina” Shaafici Yuusuf ayaa ku jawaabay “Mashruuc cunistii miyaa billowdeen hadda? dagaallada qabaa’ilka mashruuc idiin ahaa xal waara allaha keeno”. Maxamed Cumar ayaa isna yiri “Cali Guudlaawe ugu yaraan damiir dhaqaaqo ma lahan miyaa? sidaan maa waqtiga ku dhamaysahaa ilaahow adaa noo maqan” The post Falcelin oo xoogan oo ka dhalatay arrin uu sameeyay Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay 7 sano guurada qaraxii Zoobe ayaa faahfaahiyay khasaaraha dhinac walba leh ee ay Shabaab maalintaasi geysteen isaga oo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya ay ka duulayso mabaa’dida diinta Islaamka halka fikirka Shabaab uu yahay mid gurracan, oo wax baabi’in ah, ayna ka go’antahay ciribtirkooda. Khudbadda madaxweynaha oo aheyd mid la soo agaasimay oo u qeybsaneyd wajiyo kala duwan, ayaa diraysay fariimo ah in dowladda Soomaaliyeed ee uu hogaaminayo ay u taagan tahay difaacidda diinta iyo dalka. Ugu horreyn, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in ay maalintaas ay Al- Shabab dilleen caruur, cirroole, waalid, ganacsade iyo danyar, culimo, caamo, qaranjoog iyo qurbjoog iyo dhammaan qeybaha bulshada, waxaa kale oo uu soo qaatay qaraxyada ay ka heystaan magaalooyinka dalka mid Kismaayo, Galkacyo, Hargeisa, Baydhaba, Afgooye, Muqdisho iyo meelo kale. Madaxweynaha oo horay u sheegay in dagaalka Al-shabab ay saldhig u tahay saddex qidad oo ay ka mid tahay la dagaalanka fikirka, ayay khudbadaan waxay u noqoneysaa tuusaale wacan oo tiirkaa xoojinaya, iyada oo tusaalooyinka, tixraacyada iyo cidda uu la hadlayo ay ahaayeen dadkii u nuglaa farriima Shabaab. Marka laga tago hadalka iyo aayadaha uu soo jeediyay madaxweynaha, waxaa muuqaalkiisa laga dheehan karay in u uku jiro halgan iyo dadaal dib u xorreyn oo ka mashquuliyay isqurxin iyo la bis, waana fariin dadweyne in hogaamiyaha uu ekaado xaalada uu ku jiro, iyo dadka uu hoggaaminaya in uu ka mid noqdo. Madaxweyne Xasan Sheekh, arrimaha uu hoosta ka xariiqay waxaa ka mid ahaa in Al-shabaab ay la dagaalamayaan nafta aadanaha isaga oo soo xigtay Aayado Qur’aanka Kariimka ah, oo dhammaan muujinaya in kooxdaasi ay si gardarro ah ku dileen dad maato ah, oo aan waxba galabsan, iyo aayado kale oo ka hadlay in guusha u dambeyndoonto dadka Mu’miniinta ah ee xaqa ku taagan iyo sida ay u bannaan tahay in la iska dhiciyo, oo laga difaaco dhiigga dadka Soomaaliyeed iyo diinta. Aayadaha waxaa ka mid ahaa: مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَا أَحْيَا النَّاسَ جَمِيعًا ۚ وَكَانَ حَقًّا عَلَيْنَا نَصْرُ الْمُؤْمِنِينَ أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa uu farriimo kala duwan oo u muuqday guubaabo iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro Shabaab u diray ciidamada qalabka sida, siyaasiyiinta, culimada iyo shacabka Soomaaliyeed. Farriinta Ciidanka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu ciidamada qalabka sida iyo Macawisleyda ku sheegay naftood hureyaal uu qaranka ku dhisan yahay dhididkooda iyo in ay xambaarsan yihiin ammaano halgamayaal hore u horeen naftooda ugu huray dalka iyo diinta, waxaa uuna ku dhahay “Nin lagu seexdow ka seexan, xilbaa sitaa ee ha seexan”. Madaxweynaha waxaa uu u ballanqaaday ciidamada in uu kula noolaan doono safka hore ee Jihaadka, la qeybsan doono farxadda guusha iyo xanuunka, ummaddana ay garab u noqdaan, kaalintooda la xusuusan doono, loona maamuusi doono qaabab kala duwan sida dalacsiin iyo billado IWM. Kuwa ku jira dagaallada beelaha waxaa uu kula taliyay in ay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, oo ay ka barbar dagaalaan ciidamada xoogga dalka, isaga oo si cad u sheegay in aan la aqbali karin wax ka sokeeya jihaadka. Fariinta Culimada: Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu u mahadceliyay culimaa udiinta Soomaaliyeed isaga oo bogaadiyay kaalinta ay ugu jiraan gulufka socda, waxaa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii xoojiyaan dadaalka, oo ay tagaan jiidaha hore ee ciidanka, ayna guubaabiyaan. Farriinta Siyaasiyiinta: Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh waxaa uu siyaasiyiinta kala duwan kuwa xilka haya, soo qabtay ama doonaya uu uga mahdceliyay aragti dheerida, la isla gartay dabargoynta fikirka, isaga oo soo jeediyay in wixii khilaafaad ah ee jira lagu dhameeyo wadar ogol iyo wadajir, oo la siyaasadeyn dagaalka ka dhanka ah Khwaarijta Farriinta Shacabka Soomaaliyeed: Ugu dambeyntii waxaa uu shacabka ugu baaqay sabar iyo in ay garab istaagaan dadaallada socda, waxaa uuna hadalkiisa kusoo gabogabeeyay “Maanta guul noogama dhowa ee aan is racino”. Khudbadda madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isku jirtay dagaal gelin, bandhig iyo kolsooni dhis dadweynaha Soomaaliyeed loogu sheegayay dowladda ayaa idinku matali karta diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Tirada dadka lagu dilay weerarka todobaadkii labaad ka socda Marinka Qasa ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta, waxaana wali socda duqeymaha ay wado Israel ee lagu laayay dadka Rayidka ah. Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, waxaana Isbitaallada marinka Qasa gabaabsi ka maraya daawooyinka xilli Qaramada Midoobay ay baaq soo saartay. Todobaad ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan askar, waxaana sidoo kale jira maxaabiis ay labada dhinac ay kala qafaasheen intii weerarku ka uu socday. Israa’iil ayaa Marinka Qasa ku qaaday weerar xagga cirka oo aargudasho ah, waxayna isku diyaarinaysaa mid dhulka ah, Xamaas ayaa dhankeeda sii wada weerarrada dhanka Gantaalaha ay ku garaaceyso Israel, kuwaas oo khasaare sababay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig Muqdisho loo gaystay Ibraahim Roobow Cali, oo ah walaalka ka yar Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ah wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee dowladda Soomaaliya. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Ibraahim Roobow Cali ay soo xireen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, wuxuuna xalay ku hoyday C.I.D-da Ma cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo soo xiray ninkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in haatan ay ku socoto baaris ku aadan adeeggii Xajka ee sanadkan, maadaama uu xoghaye u ahaa guddigii ay wasaaradda u xil saartay arrimaha Xajka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maalmihii u dambeeyay ay dowladda federaalka dabagal ku haysay mas’uuliyuin ka tirsan guddigii arrimaha Xajka oo la sheegay inuu xubno gaar ah oo awood leh uu ku dhax lahaa wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur). Ninka lasoo xiray ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale uu ahaa gacan yaraha wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareeydo xilkas ah, waxaana uu wajahayaa eedeymo culus, ayadoo hal heyn xoogan ay ka dhalatay xarigiisa. Sidoo kale ninkan ayaa mar kale kasoo muuqday guddi cusub oo uu 4 maalmood ka hor arrimaha Xajka u magacaabay wasiir Roobow, wuxuuna ku qornaa xoghayaha guddigaas. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan kiiska Ibraahim Roobow Cali, mana jirto eed cad oo ay soo bandhigtay xeer ilaalinta. Muddooyinkii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday dagaal culus oo ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliiin dhowr ah oo qaarkood la maxkamadeeyay. The post Xog: Wasiir Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu xiray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa weli ku adkeysaneysa go’aankii ahaa in magaalada Gaza ay ka baxaan ilaa iyo hal milyan oo rayid ah oo reer Falastiin ah muddo 24 saac gudahood ah. Arrintaan ayaa imaneysa xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sii ballaariyay wada-hadallada mushkiladdan la xiriira ee uu u jooga Bariga Dhexe. Blinken ayaa waxa uu horey u tagay Israel iyo Urdun, waxaa uuna haatan wada-hadaladiisa ku fidinayaa wadamada Khaliijka Carabta iyo Masar. Israel ayaa waraaqo digniin ah ku daadisay gudaha Gaza, kuwaasi oo dadka rayidka ah ay ku fareyso in ay ka baxaan magaalada, haddii kale laga takhalusayo, sida uu sheegay mid kamid ah dadka rayidka ah. Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo ciidamada Israel ay isku diyaarinayaan howlgal dhulka ah oo ay ku qabsanayaan magaalada. “Hadda waa xilligii dagaalka,” waxaa sidaas yiri wasiirka difaaca Yoav Gallant, xilli diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeynayaan Gaza, ayaga oo sheegaya inay ka aargudanayaan weerarkii ay kooxda Xamas Sabtidii tagtay ku qaaday Israel. Militariga Israel ayaa sheegay inay ka howlgali doonaan magaalada Gaza, maalmaha soo socda, islamarkaana shacabka ay awoodi doonaan kaliya inay magaalada kusoo laabtaan marka loo sheego. Bayaan uu soo dhigay barta X (ex-Twitter), ayaa afhayeenka Ciidamada Israel Jonathan Conricus wuxuu ku yiri “IDF waxay ku baaqeysaa in dhammaan dadka rayidka ah laga saaro magaalada Gaza iyo guryahooda dhanka koonfureed, si ay u badbaadiyaan naftooda, una guuraan aagga koonfureed ee waadiga Gaza, iyo webiga Gaza.” “Waxaad awoodi doontaan inaad kusoo laabataan magaalada Gaza kaliya marka ogeysiis kale oo fasaxaya la sameeyo. Ha u dhowaanina aagga xayndaabka ammaanka ee dawladda Israel,” ayuu yiri. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan suurta-gal aheyn in tallaabo noocaas ah ay dhacdo “ayada oo aysan ka dhalan cawaaqbin bani’aadannimo oo burbur leh.” “Qaramada Midoobay waxay si adag u codsanaysaa amar kasta oo noocaas ah, haddii la xaqiijiyo, in la laalo iyada oo laga fogaanayo wax xaalad musiibo ah u beddeli kara xaalad markii horeba silac aheyd,” waxaa sidaas yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric. Safiirka Israel ee QM, Gilad Erdan ayaa jawaabta QM ee digniinta Israel ay siisay dadka degan Gaza ku qeexay “mid ceeb ah.” Sarkaal ka tirsan Xamas ayaa sheegay in digniinta la xiriirta Gaza ay tahay “dacaayad been abuur ah,” waxaana uu shacabka ugu baaqay inaysan ku kadsoomin. Israel ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii Sabtidii, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka. Warbaahinta dadweynaha Israel ee KAN ayaa sheegtay in dhimashada Israel ay kor u dhaaftay 1,300 oo qof. Maamulka Gaza ayaa sheegay in la dilay in ka badan 1,500 oo Falastiiniyiin ah. Israel ayaa go’doomisay Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof. Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in shidaalka matoorada degdega ah Isbitaallada Gaza ay ku dhammaan karaan saacado gudahood, iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ay ka digtay in cuntada iyo biyaha nadiifka ah ay aad u hooseeyaan. “Dhibaatada bani’aadannimo ee ka dhalatay xiisaddan kasii dareysa waa wax laga naxo, waxaana ka codsanayaa dhinacyada inay yareeyaan dhibaatada dadka rayidka ah,” ayuu yiri Fabrizio Carboni, oo ah agaasimaha gobolka ee ICRC. The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka GAZA appeared first on Caasimada Online.
  11. Xilli dhowaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud uu safar ku tagay dalka Eritrea ayaa waxaa la sheegayaa in la bilaabayo soo daad-gureynta askarta ku sugan ee muddo tabarro kale duwan ku qaadanayay gudaha dalkaasi, oo qeyb ka xoogga dalka. Waxaa lagu wadaa in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay soo gaaraan qaar kamid ah asarta kadib markii ay soo dhameysteen tabar muddo ay ku qaadanayeen halkaasi, ciidankaan ayaa isugu jira ciidanka cirka iyo iyo badda oo loo tababarayay dowladda Soomaaliya tan iyo sanadkii 2018. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidankaan kula hadlay magaalada Asmara ayaa u sheegay in looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo wajigiisa koowaad uu gabagabo marayo, halka wajiga labaad looga dhawaaqay maamulka Koonfur Galbeed . Ciidankaan ayaa racooda koowaad waxaa la filayaa in caawa ay soo gaaraan Muqdisho sida aan ku helnay warar hoose, Eritrea ayaa heshiis dhanka difaaca iyo tabarrada ciidanka waxaa ay kula jirtaa dowladda federalka Soomaaliya, waxaana dalkaas ku sugan ciidamo hor leh oo tababar ku qaadan. Dufcadda 1-aad ee askarta ku tababaratay dalka Eritrea ayaa waxaa lagu tilmaamayaa in ay gaaraan tiro ahaan 5000 oo askari, kuwaas oo 3000 oo kamid ah ay yihiin ciidanka Milatariga, halka qeybaha kale ay isugu jiraan ciidanka badda iyo kuwa cirka xoogga dalka Soomaaliyeed. Dowladda Eritrea ayaa waxaa inta badan waxaa lagu tilmaamaa dalalka ugu tabarka fiican marka la eego ciidan Milatariga, waxaana dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki ay dowlado badan oo Afrika ah ay u tababaraan ciidamo, waxaana taas badelkeeda dowladahaas ay bixiyaan kharasahaad Sanadkii tagay 2022 madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo safar ku tagay dalkaas ayaa dib usoo celiyay 3000 oo askari oo tababar kusoo qaatay Eritrea, waxaana hadda ay kaalin weyn uga jiraan dagaalka dowladda federalka Soomalaiya ay kula jirto Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Sacuudi Carabiya ayaa hakisay wada-hadalladii xidhiidh rasmi ah oo ay yeeshaan Israa’iil, xilli uu socdo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. “Sacuudi Carabiya waxay go’aansatay in ay hakiso ka doodista xidhiidh ay la yeelato Israa’iil, waxayna ku wargelisay saraakiisha Mareykanka oo labada dhinac dhex dhexaadinayey,” siduu sheegay sarkaal la hadlay wakaalada AFP. Sacuudi Carabiya waligeed ma aqoonsan Israel, kuma biirin heshiiskii 2020-kii ee Mareykanka uu dhexdhexaadinayey Israa’iil iyo deriskooda khaliijka Bahrain iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale Morocco oo xidhiidh rasmi ah la sameeyeen Israel. Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn ugu dadaalayay in Sacuudiga uu qaado tilaabadaas oo kale. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) –Maxaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad dheer ayaa qeybtaan kula hadlay siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo qaar u mahadceliyey, qaarna ka codsaday inay dagaalka ku garab istaagaan dowladda uu hoggaamiyo. “Siyaasiyiinta Soomalaiyeed kuwa xilalka soo qabtay iyo kuwa hadda ku taamaya inay xil qabtaan, waxaan uga mahad celinayaa sida ay noola fahmeen dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Maxaxweyne Xasan Sheekh. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in cadowga umadda Soomaaliyeed uu yahay Al-Shabaab oo kaliya, “15-sano ayaan u afduubanahay oo dhiigga shacabka ayey jiqayaan oo baneysteen,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta qaar ku amaanay sida ay dowladda iyo shacabka ula garteen go’aanka ah in la is dhaafiyo Khawaarijta Al-Shabaab. “Waxaa ku amaanayaa siyaasiyiinta nagu garab istaagtay halganka aan ku burburineyno fikirka xagjir ah ee arxan laawayaasha Khawaarijta ah ay ku baneysteen dhiigga shacabkeena muslimiinta ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale siyaasiyiinta iyo dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ka codsaday is ogol iyo wadajir inay ku jawahaan halganka dalka ka socda ee Khawaarij iska xoreynta ah. “Wixii kala aragti duwanaan ah wada ogol ku xaliya, yaan marna la siyaasadeyn dagaalka Khawaarijta lagula jiro,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta aysan jirin maalin ay dadka Soomaaliyeed guuli uga dhowdahay, “Dagaalkii aan ka bilownay Xawaadley iyo daafaha Xamar, wuxuu sii marayaa Xarardheere iyo dhulka fog ee gobollada dalkeena,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero ka dalbaday shacabka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay mucaaradaan. Khudbada Madaxweynaha oo ku soo aaday maalin la xusay xasuuqii Soobe ayaa gabagabadii hadalkiisa wuxuu Maxaxweynuhu ilaahey naxariistiisa uga baryey dadkii Soomaaliyeed ee ku shahiiday gacanta Khawaarijta Al-Shabaab. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo siyaasiyiinta mucaaradka ah hal ku amaanay, halna ka codsaday appeared first on Caasimada Online.
  14. (SLT-Tehran)-Iran ayaa dalbatay in Israa’iil ay joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza, iyadoo ka digtay in dagaalku uu ku fidi karo qaybaha kale ee Bariga Dhexe haddii Xisbullah ay ku biirto dagaalka, iyadoo intaas ku dartay in Israa’iil ay la kulmi karto dhul gariir weyn. Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo warbaahinta kula hadlay Beyruut ayaa sheegay in kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay tixgalisay dhammaan xaaladihii dagaal, balse Israel ay tahay inay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza. Amir-Abdollahian ayaa sheegay in uu la kulmay hogaamiyaha Xisbullah Sayyed Hassan Nasrallah. “Tallaabo kasta oo iska caabintu Xisbullah ay qaadi doonto waxay sababi doontaa dhulgariir weyn oo ku dhaca hay’adda Sahyuuniyadda,” ayuu yidhi. Source
  15. Waxaa sii xoogeysanaya banaanbaxyada lagu taageerayo Falastiin oo ka kala dhacaya dalalka Caalamka, iyadoo shalay oo Sabti ahayd ay banaabaxyada ka dhaceen caasimadaha Mareykanka iyo UK. Kumanaan dibadbaxayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa shalay iskugu soo baxay badhtamaha magaalada London, iyagoo ku baaqaya in la soo afjaro dhaq-dhaqaaqa millatari ee Israa’iil ay ka wado marinka Qaza, kaasoo ka dhashay weeraradii toddobaadkii hore ay Israel ka geysatay kooxda Xamaas. Dibad-baxayaasha, oo qaar badan oo ka mid ah ay lulayeen calanka Falastiiniyiinta iyo boodhadh ay ku qoran yihiin “Falastiin xor ah,” ayaa isugu soo baxay meel u dhow Oxford Circus halkaasoo ay u aadeen dhanka Downing Street, oo ah guriga rasmiga ah iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak. Sidoo kale magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka ayey isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeda duulaanka Israel. Ururada u dooda xuquuqda Carabta, Muslimiinta iyo Falastiiniyiinta ee Mareykanka ayaa dhalleeceeyay taageerada shuruud la’aanta ah ee Washington ee dagaalka Israa’iil ee Gaza, iyaga oo dhaleeceeyay warbaahinta iyo siyaasiyiinta Mareykanka. Magaalada Dusseldorf ee dalka Germany ayaa kamid ah goobaha shalay sida weyn la iskugu soo baxay. Dalalka Islaamka ayey sidoo kale tan iyo shalay ka dhacayeen banaanbaxyo waaweyn. Source
  16. The US State Department reportedly granted permission for non-essential personnel and families of diplomats working at the US Embassy in Israel to leave Saturday because of the current conflict with Palestinian groups, according to Israel media. Source: Hiiraan Online
  17. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Wafdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaalada Marrakish ee dalka Morocco ayaa kulamo gaar ah gaar ah la qaatay Masuuliyiin dowladeed iyo Hey’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda, qeyb muhiim ahna kulahaa arrimaha deyn cafinta iyo dib-u-haneynta Maaliyadda Soomaaliya. Shir-doceedyadan uu galay Wasiirka Maaliyadda ayaa dhamaantood waxa ay ku qotomaan hannaanka dib-u-eegista Maaliyadda, dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka waxaana ugu horreeya, Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda, dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageerada Dowladda kadib gaba-gabada hannaanka deyn cafinta waxa uu la yeeshay dhigiisa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Qatar Mudane Ali Bin Ahmed Al-Kuwari. Wasiirka Maaliyadda XFS waxa uu sidoo kale kulan miro dhal ah la qaatay Hogaanka Wafdiga Dowladda Faransiiska uga qeyb galaya Shirka Marrakish, Wasiir Biixi ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faraniiska doorkii muhiimka ahaa ee ay ka cayaartay Wadamada ku bahoobay Naadiga Paris oo hannaanka deyn cafinta qeyn weyn kulahaa. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Fulinta Bangiga Adduunka qeybta loo yaqaan (Africa Group 1) Dr. Floribert Ngaruko oo ay ka wada hadleen sidii Bangiga uu uga qeyb qaadan lahaa taageerada Dowladda Soomaaliya, kadib marka uu dhamaado barnaamijka deyn cafinta oo hada gaba gaba maraya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa warbixin ka soo saaray hawlgal qorshaysan, oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari Taliska PSF ayaa sheegay in hawlgalkaas ay ka fuliyeen degaanno ka tirdan buuraleyda gobolka Bari oo ay ku jiraan Yucrun, Ceelka dhul, Cascaso, Qarka xabley, Ceelka dhiciro, Gaaca iyo Conqor. Hawlgalka ayaa lagu qabtay saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka AS, oo uu kamid yahay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka u qaabilsanaa maleeshiyaadka AS, sida ay sheegeen PSF. “Hawlgaladaas waxaa lagusoo qabqabtay sadex xubnood oo uu kamid yahay madaxii sahanka iyo wardoonka ee kooxda khawaarijtaa” ayaa lagu sheegay warka PSF. PUNTLAND POST The post Puntland oo gacanta ku dhigtay madaxii Sahanka iyo Sirdoonka maleeshiyaadka AS appeared first on Puntland Post.
  19. Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka uu ka socdo agagaarka magaalada Guriceel ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Burujeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka kadib ayaa waxaa sidaas ku billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada isbaheysanaya iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay kusii qul qulayaan ciidamada dheeraad ah, si ula dagaalamaan Al-Shabaabka weerarka soo qaadeen. Guriceel iyo agagaarkeeda ayaa waxaa muddooyinkan lagu uruurinayay ciidamo loo diyaarinayay dagaalka Al-Shabaab, si u xoreenaa deegaanada Galmudug. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda duleedka GURICEEL appeared first on Caasimada Online.
  20. Garowe (HOL) - The Puntland opposition group has declared its non-recognition of the Puntland Independent Election Commission (PEC) after President Deni said that this commission would conduct a one-person, one-vote election in three months. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) –Maxaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad dheer ayaa qeybtaan ku soo gudbiyey farriin ku socota culimada Soomaaliyeed. Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sida ay dadkooda ugu iftiimiyeen xaqa, isla markaana ay ugu cadeeyeen in dagaalka Khawaarijta uu yahay jihaad. “Ilaahey ha idinka abaal-mariyo, sida aad xaqa umadda Soomaaliyeed ugu cadeyseen, una tusteen in Khawaarijtu ay ka been sheegtay diinta Alle,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Maxaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ka codsaday inay sii xoojiyaan dadaalkooda ay ku garab istaagayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. “Waxaan ka codsanayaa culimada inay iska xaadiriyaan furimaha, dhiirigeliyaan ciidamada, sii xoojiyaan dadaalka oo ay ka shaqeeyaan taakuleynya ciidamada halganka ku jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa codsaday in meel la iska dhigo wax kasta oo khilaaf ah, sida kuwa siyaasadda iyo qabyaaladda, isagoo dhamaan dadka Soomaaliyeed ugu gacan haatiyey dagaalka Al-Shabaab. “Waa in wiilasha Soomaaliyeed ay iska barbar dagaalamaan iyagoo meel uga soo wada jeeda cadowga koowaad ee umadda Soomaaliyeed oo ah Khawaarijta,” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka digay isku dhacyada ku saleysan siyaasadda iyo qabaa’ilka. “Walaalayaal waxaan maanta Alle hortiisa idinkaga codsanayaa in dhiigga muwaadin Soomaaliyeed uusan nooga daadan wax ka sokeeya jihaadka aan dalkaan uga ciribtireyno Khawaarijta oo ah cadowga dalka, diinta iyo dadka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynuhu. The post Maxaxweyne Xasan Sheekh oo codsi cusub u dirsaday culimada Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
  22. Desert locust swarms have been detected in five regions and one city administration across Ethiopia, an official said Saturday. Source: Hiiraan Online
  23. Born at the start of Somalia's civil war, Maryan Ali Mohamed dreamt of one day performing live on stage. Source: Hiiraan Online
  24. Addis Abeba – In a televised speech addressed to Ethiopian law makers, and in what appears to be his first ever open comment on the issue of the Red sea, PM Abiy Ahmed said access to the port is an existential matter for Ethiopia and that Ethiopians should at least start discussing the red sea. Source: Hiiraan Online
  25. Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ay maanta ciidamada ammaanka Jubbaland ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday gooba ay joogeen Shabaab. Howlgallada oo ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa waxaa lagu fashiliyay qaraxyo miino oo ay Al-Shabaab ku aasayeen inta u dhexeysa Buulagaduud iyo Janaay Cabdalle oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Saraakiil u hadashay laamaha ammaanka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qarxiyeen miinooyin ay Al-Shabaab geliyeen waddada, kadib xog ay ka heleen ilo dhanka amniga ah. “Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubada hoose ayaa ku guulaystay in ay soo saaran miinooyin ay kooxda argagixisada ah galiyeen inta u dhaxaysa deegaanadda Buulaguduud iyo Janaa Cabdalle” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska Jubbaland. Qoraalka ayaa waxaa lasii raaciyay “Ciidanka booliska Jubbaland oo ka war hellay dhagarta ay maleegayeen Kooxda Argigixisada ayaa ka hortagay dhagarta cadowga ay umaleegayaan shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale waxa intaasi ku dareen in shaqadan ay ku timid wada shaqeyn dhexmartay laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan deegaanada howlgalka laga sameeyay. Jubbaland ayaa xustay inay sii wadi doonto dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobollada Jubbooyinka, si looga hortago weerarada ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo lagad dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland/ Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraradeed la bartilmaameedsata ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland oo isaga kala goosha deegaanadaas oo ay ka socdaan howlgallo culus. The post Jubbaland oo ka hortegtay weeraro qaraxyo ah appeared first on Caasimada Online.