Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waa qaar kamid ah dhallinta caasimadda, kuwaas oo 6 sano kadib isugu soo baxay isgoyska Soobe si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xusuusta wixii halkaas ka dhacay 14-kii October sanadkii 2017-kii oo lagu wayaay qarax ka dhacay in ka badan 600 oo ruux iyo dhaawaca 1300 muwaadiniin Soomaaliyeeda. 7 sano kadib, hadda waxaa madaxweyne ka ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana socda dagaal ka dhan ah Shabaab, kaas oo looga saarayo Galmudug iyo Hirshabelle, waxaa laga qabsaday magaalooyin qadiimi ah sida Aadan Yabaal Xararardheere iyo kuwa kale oo dalka ah. amniga Muqdisho; Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka looga adkaaday ee ka socda Laascaanood. Muuse Biixi ayaa hanjabaad culus u diray SSC-KHAATUMO iyo sidoo kale maamul goboleedka Puntland, isaga oo ku tilmaamay inay yihiin cadowga Somaliland. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in aysan aqbali doonin in taako kamid ah Somaliland lagu soo xadgudbo, isla-markaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo soo tallaabta. “Haddii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo, lana ogolaan in uu taako soo gudbo” ayuu yiri madaxweyne Biixi. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in aysan ogolaanayn in maamul gooni laga dhiso gobollada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso saddexaas gobol. Madaxweyne Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar culus ku qaaday Puntland, isaga oo ku eedeeyay inay waddo dhul ballaarsi, ayada oo adeegsaneysa hab qabiileysan. “Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somaliland. Waa markii labaad ee uu madal kasoo muuqday madaxweyne Muuse Biixi, tan iyo wixii ka dambeeyay 25-kii August oo ciidankiisa lagu jabiyay dagaalka Laascaanood. Si kastaba, xaaladda ayaa maalmihii u dambeeyay daganeyd, inkastoo labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo is uruursi ciidan ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Sool. The post Biixi oo hanjabaaddii u dambeysay u diray SSC iyo PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
  3. Waa sanad guuradii -7aad ee qaraxii Zoobe, kadib markii maanta oo kale 14-ka October 2017-kii uu qarax ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya iyo Afrikaba ka dhacay isgoyskaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxaas oo dhacay xilli duhur ahaa, waddadana ay mashquul ahayd ayaa loo adeegsaday gaaro TM ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawacu uu kor u dhaafay 1,300. “Gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee ZOOBE isku Qarxiyey” ayaa lagu sheegay warbixinta hey’adaha amniga. Xog-ururin ay sameysay Goobjoog News ayaa lagu ogaaday in wadarta hantidii ku bururtay ay noqotay $6,306,061.77. Sida ay warbixin kusoo saareen guddi ay dowladdu saartay December 1, 2017-kii, dad badan ayaa lagu waayay qaraxa, iyada oo waxyeelada aan weli laga soo kaban. 7 sano kadib, hadda waxaa madaxweyne ka ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana socda dagaal ka dhan ah Shabaab, kaas oo looga saarayo Galmudug iyo Hirshabelle. Dhanka amniga Muqdisho; Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah. Amniga caasimadda Muqdisho waxaa guud ahaanba la wareegay April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “ Gungaar” oo ah nooca booliis loo tababaray sida milatariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, ayna ka dhawraan qarax iyo ciyaal weero. Ciidamadaan ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 3,000, waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa. Ciidanka ayaa ku baahsan caasimada iyo koonaheeda, waxa ay joogaan 17 saldhig, iyo 100 bar oo amniga laga sugo, arrintan ayaa ugu dambeyn keentay amniga la adkaado cayaal weerada, lagana hortago qaraxyadii si fiicanna gacanta loogu dhigay amniga caasimadda. Dhanka guud ahaan dalka, si caasimadda u hesho xeyndaab amni oo ballaaran, dibaddana aan looga keenin qaraxyo, iskaashiga ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka, oo taageero ka heysta bulshada ayaa maanta horseeday in Shabaab laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, welina waa uu socdaa gulufka. Inkasta oo sanadkii hore uu dhacay Zoobe, ayna ku dhinteen in ka badan 100 100 qof, in ka badan 300 ku dhaawacmeen, hadana amniga caasimadda oo la adkeeyay iyo gulufka ka socda gobollada ayaa laga muujinayaa rajo in culeys badan uu ka dagayo caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xilli dhowaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftgareen uu ku dhowaaqay in la bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab ee deegaannada maamulkaas ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo looga golleeyahay bilaabashada howlgalka. Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha federalka ku matala Koonfur Galbeed ayaa gaaray degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaas oo ay ka socdaan abaabulka howlgalka wajiga labaad oo laga bilaabayo deegaannada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo lagu ballamaya wajiga labaad in laga fulin doono. Marka la eego degmooyinka dhaca gobollada Baay, Bakool, iyo Shabeellaha hoose ayaa intooda badan kala xiran oo waxaa kala gooyay Al-shabaab, waana maamulka deegaannada ugu badan ay kaga sugan yihiin, marka laga reebo Jubbaland oo ka badan oo ay kooxdu ka joogto xitaa caasimadda Bu’aale. Abaabulka howlgalka wajiga labaad ee dagaalka kooxda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli 8 dufcadood oo ciidanka Daraawiishta maamula loo soo gabagabeeyay tabarro, waxaana ay ka qeyb qaadan doonaan sidii la isugu furi lahaa deegaannada mamaulka oo intooda badan aan isku gudbi karin oo kala iran. Koonfur Galbeed oo wajahaysa xasarad siyaasadeed oo ka dhalatay khilaafka ayaa waxaa arrintaas ka hadlay madaxweynaha Jahuuriyadda Dr. Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in doorashooyinka ay ka dhici doonaan maamullada Nuvember 2024, taas oo ku cad heshiiskii golaha wadatashga qaranka. Xubnaha mucaaradka samatabixinta Koonfurta Galbeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ugu baaqay madaxweynaha in la fuliyo heshiiskii lagu gaaray Baydho, xilli Madaxweynuhu uu carabka ku dhuftay in Koonfur Galbeed dagaal ay u jiheysatay xilligaan madaxweyne Laftagareen uu hoggaaminayo dagaalka. Deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada ka bilowday ayaa imaanaya xilli wajiga koowaad ee dagaalka ee laga fulinaayo deegananada Hirshabeelle iyo Galmudug uu marayo heerkii ugu dambeeyay, iyadoo loo dhaqaaqay wajaga labaad ee dagaalka ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaari oo maanta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Carafaat, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay ka socdeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamullada degmooyinka Balcad iyo Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Gaariga rogmaday ayaa ka baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday dhanka degmasa Balcad, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in shilkan ay ku dhinteen ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed. Sidoo kale waxaa falkan ku dhaawacmay ugu yaraan 5 askari oo kale oo la socday gaariga gadoomay oo ahaa nooca dagaalka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan shilkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa shilalka ay kusoo badanayeen laamiga isku xira Balcad iyo Muqdisho oo dhawaac lagu sameeyay dib u dayactir, waxaana loo sababeynayaa darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiida marka ay isaga kala gooshaan labadaasi magaallo. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, kuwaas oo sababa khasaaraha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca, maadaama aysan jirin isla xisaabtan dhab ah iyo shuruuc lagu hago gaadiidleyda dalka. The post Askar iyo saraakiil ku geeriyooday duleedka Muqdisho, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  6. Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay jeediyay madaxweyne Deni oo uu ku sheegay in doorashada 2024 lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod. Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland oo shir ku yeeshay Garoowe ayaa gebi ahaanba ka horyimid in doorashada 2024 lagu qabto hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod. Mucaaradka ayaa mar kale ku celiyay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi sharci-darro ah ka dhex raadinayo nidaamka doorashada qof iyo cod si uu xukumka u sii joogo taasina aan marnaba la aqbali karin. Dallada ay ku midaysan yihiin mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqoonsanayn ku dhaqanka wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan. Dowladda Imaaraatiga oo gacanta ku haysa ciidamada PMPF ee Puntland ayay sidoo kale u direen cabasho ka dhan ah PMPF waxaana ay sheegeen in ciidankaas madaxweyne Deni u isticmaayo mudda kororsi. Halkaan ka daawo jawaabta Mucaaradka PUNTLAND POST The post Mucaaradka Puntland oo jawaab adag ka bixiyay hadalkii madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  7. DEGDEG: Madaxweynaha Somaliland oo Shaaciyay in Cadowga ku soo Duulay Dalka Abaalkooda la Marin doono Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in cadowga soo weeraray Somaliland abaalkooda laga waraabin doono. Madaxweynuhu wuxuu sidaas ka sheegay mar uu maanta Huteelka Ambassador ka furay shirweynaha labaad ee madasha dhaqaalaha Qaranka. Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sheegsy in loo baahan yahay in aynu noqono qaran dhan walba ka dhisan . Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland yeelatay cadow badan ku midaysan inay burburiyaan Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in cadowgu u qaatay Somaliland meel la iska soo weerari karo, hase ahaatee abaalkooda la marin doono. Madaxweynaha Somaliland wuxuu bogaadiyay shacbiga Somaliland ee taageerada hiil iyo hooba leh la garab istaagay ciidanka Qaranka. Madaxweynuhu waxa kaloo uu ku dooday in qof kasta oo Somaliland inay burburto doonayaa uu u diyaar garoobo dagaal. Ugu dambayn madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashooyinka sannadka dambe ay Somaliland u horseedaan walaaltinimo iyo in si nabadda xukunka loogu kala helo. Qaran News
  8. A third Turkish plane carrying humanitarian aid for Gaza Strip civilians took off from the capital Ankara on Saturday. Source: Hiiraan Online
  9. Dowladda Canada ayaa sii daysay Yabooh lacageed oo gaara 10 milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka rayidka ee ku waxyeeloobay colaada ka taagan Qasa ee dhulka reer Falastiin oo duulaan ay ka wado Israel. Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Canada Ahmed Xuseen ayaa bogiisa X oo hore u ahaan jirtay Twitter ku soo daabacay in deeqdan Canada ugu talagashay in loo adeegsado cunto, biyo, gargaar caafimaad oo degdeg ah. “Hal arrin ayaan rabnaa inaan cadeyno. M jiro gargaar Canada ka imaanaya oo la siinayo Xamaas”, ayuu yiri Xuseen. “Sidoo kale waxaan ka walaacsan nahay xiisadda ka tagaan Qaza ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas taas oo waxyeelo balaaran gaarsiiyey dadka rayidka ah” Wuxuu sheegay in mudnaanta kowaad ay siinayaan badbaadinta dadka rayidka ah,isagoo ku adkaystay baaqooda ku aadan u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. ” Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada in ay si firfircoon u fududeeyaan marinka in la furo si gargaar loo gaarsiiyo rayidka u baahan si lagama maarmaan ah”ayuu qoraalkiisa Xuseen. Isaga oo sii adkeynayay baaqiisa ku aadan in si aan xadidaad lahayn loo furo wadooyinka gargaarka ayuu yiri wasiir Xuseen: “waxaan, hoosta ka xariiqayna mas’uuliyadda wadajirka ah ee aan ku ilaalineyno mabaadi’da bani’aadamnimada iyo sharafkaba, iyo ilaalinta dhammaan ballan-qaadyada maalgelineed ee aan sameynay ee bilowga ah”. Dhanka kale waxay dawladda Canada u baroordiiqday dadka rayidka ee aan waxba galabsan ee colaada ku dhintay oo ay ku jiraan muwaadiniin Canadian ah iyo shaqaalaha gargaarka. “Waxaan ku baaqayna in aan la xadidin marinka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dawladda ayaa mawqifkeeda ku sheegtay inay labada dhinacba ixtiraan xeerarka caalimga ah ee ka yaalla xaqdhawrista dad biri-magadeydada ah xilliyada ay jiraan dagaaladu. “waxaan ku celinayaa mar kale mowqifka Canada kaas oo an markasta ku taganahay colaad kasta, anagoo dhinacyada ku boorinayna inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimad” ayuu yiri Wasiir Ahmed Xuseen. Dowladda Canada Taageerada ay siinayso dadka reer Falastiin ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli wadamada reer Galbeedka ah intooda badan ay taageero u muujiyeen Israel, kuwaas oo ay ugu horeyaan dalalka Maraykanka iyo Canada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo amababaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha, ciidankaan ayaa hadafkooda waxaa lagu sheegay in ay dib ugu laabtaan degmooyinkii ay hore usoo baneeyeen bil ka hor, kadib weerarkii Cowsweyne. Ciidankaan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo ay kaabayaan ciidamo deegaanka ah oo u badan kuwa laga abaabulay Beelaha dega Ruunnirgood iyo deegaannada ku xeeran ee gobolka oo dhaca xadka gobolka Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka ay uga sii gudbi doonaan Ruunnirgood gobolka la dariska ah ee Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Galcad, Masagawaa iyo Ceeldheer oo dhaca bariga gobolka, kuwaas oo muddooyinkii dambe aysan ku sugneyn ciidanka dowladda. Dowladda ayaa badashay qorshihii hore ee ciidanka, kaas oo markaan lagu daray ciidan badan oo kuwa deegaanka ah, kuwaas oo joogaya deegaannada laga saaro Al-shabaab, ciidanka ayaa soconaya ilaa ay ka gaaraan degmada Ceelbuur oo ah halka ay ku kulmaan ciidanka kale duwan. Degmooyinka dhaca bariga Galgaduud ayaa ahaa kuwa haawanayay muddooyinkii dambe, xilli ciidan ka ambabaxay ay Muqdisho kuna sii jeeday Xarardheere ay safar dhulka ah ay ku mareen iyaga oo maalin joogay degmada Ceelbuur, ugana sii gudbay halkii ay ku socdeen ee Mudug. Taliska xoogga dalka ayaa dhowaan ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay dib u habeyn lagu sameynayay ciidanka, waxaana sidoo kale soo dhammaaday sidoo kale fasax ay ay ciidanku ka heleen madaxweynaha Jamhuuriyadda, kadib weerarkii ka dhacay deegaanka Cowsweyne. Ciidankaan u ambabaxay Bariga gobolka Galgagduud ayaa kusoo aadaya xilli dhaqdhaqaaqyo ay ka socdaan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kaas oo u jeedkiisu yahay sidii loo soo gabagabeyn lahaa howlgalka wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shbaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Raysal wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani oo shir jaraa’iid la qabtay Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken oo shalay booqday dalkaasi, ayaa sheegay in dowlada Qatar kasoo horjeedo duqeynta ku socota Gaza, isla markaana ay wadaan dadaal lagu soo siideynayo dadka ay qafaasheen Xamaas. Blinken oo shalay booqasho ku tagay dalka Qatar ayaa dadaal ugu jira in wadankaasi ka caawiyo soodeynta dadka ay Xamaas gacanta ku dhigtay oo gaadhaya 150 qof oo ay ku jiraan 27 muwaadin oo Mareykan ah. Ururka Xamaas ayaa xafiis rasmi ah ku leh dalka Qatar. Qatar iyo Mareykanka ayaa u muuqday inay ku kala aragti duwan yihiin duqeynta Israel ka wado Gaza, iyadoo Qatar ku baaqday in xabad joojin la sameeyo isla markaana wado loo furo Gaza sidii gargaar bini’aadamnimo loo gaadhsiin lahaa siduu sheegaya Sheikh Mohamed al-Thani. Blinken ayaa dhankiisa sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay is-difaacdo isla markaana ka hortagto in Xamaas markale ay soo weerarto, isagoo ka gaabsaday su’aalo saxaafada weydiisay ee Xasuuqa iyo baro-kicinta ay Israel ka wado Gaza. Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka ayaa magaalada Amman ee dalka Urdun (Jordan) kulan kula yeeshay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, wuxuuna Blinken sheegay inay ka wadahadleen sidii maamulka Falastiin kala shaqeyn lahaa Israel in la dajiyo xaalada Daanta Galbeed ee dhulka la heysto oo go’adoon ku jira. Source
  12. Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay shalay Jimcihii, in ay heshiis kula gashay Ruushka dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah si ay u daboosho baahida tamarta ee dadweynaha. Burkina Faso ayaa tan iyo sannadkii hore waxaa ka talinayay dowlad milateri ah oo uu hogaamiyo (Kabtan Ibrahim Traoré) oo xidhiidh dhaw la sameysatay Ruushka, isla markaana xidhiidhka u jaray dowlada Faransiiska oo hore dalkaasi u gumeysatay. Heshiiskan ayaa lagu saxeexay Toddobaadka Tamarta ee Ruushka kaas oo ka dhacay magaalada Moscow, waxaana goob-joog ka ahaa wasiirka tamarta Burkina Faso, Simon-Pierre Boussim. Wakaalladda Atoomikada ee dawladda Ruushka ee Rosatom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, heshiiskan is-fahamka ah inuu yahay heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan adeegsiga nabdoon ee tamarta Atoomikada ee u dhexeysa Ruushka iyo Burkina Faso. Ruushka ayaa sheegay in heshiisku uu dhidibbada u taagay iskaashiga dhinacyada ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta Nukliyeerka ee warshadaha, beeraha iyo dawooyinka. Source
  13. Israa’iil ayaa ku qaaday weeraro cusub marinka Gaza, iyaga oo wacad ku maray inaanay joojin doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof. Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa bartiisa X ee hore loogu yaqaanay Twitter ku sheegay, inaan wax koronto laga shidi doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray “Bini’aadantinimo lagu bedesho bini’aadantinimo. ma jirto cid noo sharixi karta, qiyamkayaga” Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah. Maraykanka ayaa sheegay in illaa 27 ka mida muwaadiniintiisa in lagu dilay weerarkii Xamaas, halka 14 kalena la la’yahay. Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay. Source
  14. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Aqalka Dowladda Hoose ee kulan Soo dhaweyn ah u sameeyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Fardhiye) oo ku sugan magalada caasimadda ah ee Muqdisho. Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socotay Maamulka KMG ee SSC Khaatumo, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay kulanka ka dhacay xarunta gobolka. Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Fardhiye) ayaa magaalada caasimadda ah waxaa uu kula kulmay madaxweyunaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud isaga oo kala hadlay arrimo dhow ah oo ku aadan xaaladda deegaannada SSC Khaatuma. Mas’uuliyiinta ka socota maamulka KMG ah ee Khaatuma ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa caasimadda xilli ay kulamo kale duwan ay la qaateen madaxda ugu sareysa dalka, waxaana ay kala hadleen xaaladda deegaanka iyo sida ay suurta gal ku tahay in maamulka Khaatuma uu ka baxo KMG oo uu noqdo maamul buuxa iyo dowlad goboleed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Puntland ayaa siyaasiyiinta diiddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod waxa uu ku tilmaamay kuwa xujo la’aani ku dhacday. Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay sheegay in kuwa diidan taabba-gelinta hannaanka qof iyo cod ay yihiin siyaasiyiin aan haysan wax xujo sharci ah oo ay ku qanciyaan bulshada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay mucaaradka in ay qori adeegsanayaan si ay jid-gooyo ugu dhigtaan doorashooyinka dadweynaha taas oo sida uu sheegay keentay in degmooyinka qaar aysan ka dhicin qof iyo cod. “Dadka diidan qof iyo cod ee doonaya in ay joojiyaan markii ay waayeen xujo iyo sharci ay bulshada u soo bandhigaan waxay adeegsanayaan qori iyo jid-gooyo” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni. “Nasiib-darro degmooyinka qaarkood waxaa shacabkii loo diiday iyaga oo kaararkoodii gacanta ku haysta in ay doorashadii galaan balse dowladdu waa xaqiijisay qab-soomida doorashooyinka” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale waxa uu shaaciyay in Puntland u jihaysatay dhammaystirka nidaamka qof iyo cod oo markaan lagu dooranayo madaxda sare ee Puntland waxaana uu mucaaradka ka dalbaday in ay shacabka cod ka raadsadaan. PUNTLAND POST The post Siciid Deni “Kuwa diidan doorashooyinka qof iyo cod waxa ku dhacday xujo la’aan” appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab, arrintaas oo dhalisay hadal hayn aad u weyn. Ninkan oo sidoo kale ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadda Ummadda, isla-markaana aad looga yaqaano dalka ayaa waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay iyo buug la sheegay in uu isaga qoray. Waxaa sidoo kale la baahiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanaya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalooyinkaas waa 2021-kii. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, MudaneAxmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Abwaan Nageeye, wuxuuna sheegay inay la yaab ku noqotay inuu ninkaas ku biiray Al-Shabaab. “Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma dadkaa wax dhageysan mise isagii ayaa haddda wixii soo daayay oo horaa looga duubay.” Fiqi ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkan uu isku qarxin karay madax badan, maadaama uu galaangal ku dhex lahaa dowladda, balse uu Alle ka badbaadiyay dhagartiisa. “Alxamdulilaah, haddii uusan isku keyn qarxin ilaahey fadligiisa ayay aheyd intuu isku rakibo oo meeshaan oo kale uu yiraahdo gabay ayaan tirinayaa oo isku kaaya qarxin” ayuu ku daray. Wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa eedda ninkan dhabarka u saaray dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sheegay in xilligaas aad la’iskuugu milmay, sida uu hadalka u dhigay. “Eeddaas dowladdan ma lahanee fursad baa la siiyay dadka inay is dhexgalaan, dowladdii horaana bixisay,” ayuu mar kale yiri wasiirku. Dhanka kale, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad kale oo ka tirsan hay’adaha amniga oo u fakaday kooxda Al-Shabaab, isla-markaana arrintan ay muujineyso in si weyn la isku dhexgalay. “Ciidanka Nabad Sugidda kuwo ku jiray oo saraakiil ah ayaa fakaday booliska kuwa ku jiray ayaa fakaday, milatariyaa kuwa saraakiil ah inta lasoo qabtay la toogtay waa maqleysiin guddoomiyihii baarlamaanka darawalkiisii hadde dal waxaan ku dhex jirnay la’is dhex galayba” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post Daawo: DF Soomaaliya oo war kasoo saartay arrinta Abwaan NAGEEYE appeared first on Caasimada Online.
  17. Garowe (HOL) - Puntland Regional State President Said Abdullahi Deni reiterated on Friday night that regional leaders will be elected through a direct vote, despite recent demands from opposition groups for elections to be conducted using an indirect system, where clan leaders select lawmakers. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ku jirto xaalad dagaal iyo diyaar-garow culus si ay dib ugu weerarto dhulka SSC-Khaatumo. Kornayl Muuse Biixi oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan dhaqaalaha oo maanta lagu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland laga difaacayo cadow isa soo bahaystay oo duullaan ku ah. Madaxweyne Biixi ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland in loo midoobo dagaalka rogaal-celinta ah oo sida uu tilmaamay lagu difaacayo xuduudihii gumeysigu u sameeyay Somaliland. Hadalkiisa ayaa meesha ka saaraya rajadii laga qabay in wada-hadal iyo heshiis lagu dhammeeyo colaadda labada maamul ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo si loo helo xal nabadeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland ku jirto xaalad diyaar-garow dagaal ah appeared first on Puntland Post.
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in Puntland u jiheystay doorasho qof iyo cod ah, taasi oo waqtigaan suurta-galnimadeeda shaki galiyeen mucaaradka, ayna ka horyimaadeen. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doorashada soo socota ee madaxtinimada maamulka Puntland ay ku dhacayso nidaamka qof iyo cod. Sidoo kale waxa uu sheegay in hirgelinta hanaanka doorasho ee qof iyo codka ah ee lagu dooranayo madaxda sare ee maamulka uu ka shaqeyn doono guddiga qaabilsan doorashooyinka ee PEC. “Anigoo ah madaxweynihii waxaan ku dhowaaqaya in uu dalku u jiheeystay doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeedii ah oo sharci ku dhisan,” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay. Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo maalmo kahor shir ku qabsadag Garoowe ayaa waxay sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa bayaan ay shirkaas kasoo saareen isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen. Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin. Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.” The post DENI oo si rasmi ah ugu dhowaaqay nooc doorasho oo ay diidan yihiin mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
  20. Mogadishu (HOL) - Somali security agencies are investigating reports suggesting that Nageye Ali Khalif, a poet, media trainer, and lecturer at the Somali National University, may have joined the al-Shabab militant group. Source: Hiiraan Online
  21. Somalia is salivating at intel that shows key Al Shabaab leaders are wrangling among themselves, indicating disagreements as the country launches a new phase against the militant group. Source: Hiiraan Online
  22. Asha Abdi Omar, a mother of eight children, has lost many of the goats she depends on for a living to drought and is now struggling with water shortage in a village in southern Somalia’s Bakool region. Source: Hiiraan Online
  23. Qalalaase xooggan oo ka dhashay natiijada doorasho qof iyo cod ah ayaa saaka ka dhacay dugsiga sare ee Gambool Garoowe. Doorashada ururka ardayda Gambool oo nidaamka qof iyo cod ku dhacday bishii hore ee September islamarkaana natiijadeeda lagu murmay ayaa sababtay qalalaasaha. Wararka ayaa sheegaya in maamulaha dugsiga iyo ardayda qaar ku dhaawacmeen qalalaasaha islamarkaana la bililiqaystay qalabkii waxbarashada ee dugsiga Gambool. PUNTLAND POST The post Qalalaase ka dhacay dugsiga Gambool ee magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  24. Unveiling Ancient Wonders: The Enigmatic Cave Paintings of Laas Geel, Somaliland Are you ready to make a journey to Somaliland, one of the most underestimated countries in Africa? Don’t hesitate to join us on our upcoming Somaliland Tours this year if you are interested! Nestled in the rugged terrain of Somaliland, a region rich in history and mystique, lies a hidden gem that beckons adventurous travelers and history enthusiasts alike – the astonishing cave paintings of Laas Geel. Far removed from the typical tourist hotspots, Laas Geel offers an unique opportunity to step back in time and witness a remarkable chapter of human history come to life. Laas Geel, a collection of rock shelters and caves, boasts some of the world’s most captivating prehistoric art. It is estimated to be over 5,000 years old. The vibrantly hued paintings depict scenes of daily life, vividly illustrating the existence and culture of early nomadic tribes. These awe-inspiring images, etched with a palette of reds, oranges, and yellows, offer a rare glimpse into the world of our ancestors. The Mystique of Laas Geel What makes Laas Geel even more captivating is its relative obscurity. This archaeological treasure remained hidden from the world until its discovery in 2002 by a team of French archaeologists. This unassuming site, previously concealed beneath layers of time and earth, has since become a symbol of Somaliland’s rich cultural heritage. And it’s also a testament to the region’s importance in understanding early human civilization. A Journey into the Unknown To embark on a journey to Laas Geel is to step into the unknown, away from the beaten path. The adventure begins with a scenic drive through the arid landscapes of Somaliland. This reveals the stark beauty of the Horn of Africa. As you approach the site, the anticipation builds, and the sense of discovery becomes palpable. Upon reaching Laas Geel, you’ll find yourself standing at the entrance of these sacred caves. These caves served as a canvas for our ancestors. The paintings, meticulously preserved for millennia, greet you with vivid depictions of animals, human figures, and abstract symbols. These images hold the stories of a bygone era, offering insights into the beliefs, rituals, and daily life of ancient Somalilanders. A Glimpse into Prehistoric Life As you explore the rock shelters and caves, each painting tells a story. For example, the graceful arcs of cattle, the bow-legged stance of humans, and the enigmatic symbols that continue to puzzle archaeologists. It’s as if time stands still, and you become a witness to the daily rituals of a long-lost civilization. The vibrancy of the pigments used in these paintings is astonishing. The reds, created from iron oxides, remain as vivid as they were millennia ago. These ancient artists used mineral-rich earth, plant extracts, and even animal fat as their paint mediums, revealing their resourcefulness and creativity. In Conclusion In brief, Laas Geel is a destination like no other. It beckons intrepid travelers to uncover the secrets of a forgotten era, to marvel at the artistry of our ancient ancestors, and to connect with a culture that has thrived in this remote corner of Africa for millennia. If you seek a journey that transcends the ordinary and craves the allure of the unknown, make your way to Laas Geel. This extraordinary site will not only ignite your curiosity. But also it will leave an indelible mark on your soul, as you bear witness to the enigmatic stories of a prehistoric world that time forgot. Last but not the least, still wanting to see Somaliland in your own eyes? In this case, don’t feel any hesitation to join us on our upcoming Somaliland Tours. We cannot wait to see you! Culture Road Qaran News