Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The United Nations World Food Program (WFP) has begun rolling out food distributions to nearly 900,000 refugees in Ethiopia after a hiatus due to food aid diversion. Source: Hiiraan Online
  2. Tel Aviv (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay uga sii digtay israa’iil in uu ku soo socdo dagaal xoog leh seddex maalmood ka hor intii aysan Xamaas xudduudda ka soo gudbin oo aysan weerarka ku qaadin, sida laga soo xigtay guddoomiyaha guddi hoosaad ka tirsan aqalka koongareeska Maraykanka. Madaxa guddi hoosaadka aqalaka wakiillada Maraykanka u qaabilsan arrimaha dibadda Michael McCaul ayaa warfidiyeenka uga warramay digniintaas. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wararkaas ku tilmaamay “Been cad”. Waxaa sidoo kale aad isha loogu hayaa sirdoonka Israa’iil sidii ay ugu guul darraysteen inay ka hor tagaan weerarkii ugudhimashada badnaa ee mintidiin Falastiiniyiin ah ku qaadaan Israa’iil muddo 75 sano ah. “Waxaan ognahay in Masar ay u digtay Israa’iil seddex maalmood ka hor in dhacdadaas oo kale ay dhici karto” ayuu ku yiri McCaul saxaafadda ka dib shir arrimaha sirdoonka ku saabsan oo albaabadu u xirnaayeen oo sharci dejiyeyaashu ay ka yeesheen xiisadda bariga dhexe sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP. “Ma doonayo in aan aad ugu dheeraado xogta sirta ah, laakinse diginin ayaa la bixiyey” ayuu yiri mudanahaas ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee laga soo doorto gobolka Texas. “Waxay ila tahay in su’aashu noqonayso ilaa heerkee gaarsiisnayd” ayuu sii raaciyey. McCaul wuxuu intaa ku daray in laga yaabo weerarka in la sii abaabulay muddo lagu qiyaasi karo sannad ka hor. “Ma hubno sida ay noo seegtay. Ma hubo sida ay Israa’iil u seegtay” ayuu ku yiri warfidiyeenka. Xukuumadda Masar si rasmi ah ugama aysan hadlin in ay diginin siisay Israa’iil, laakinse warbaahinta dalkaas oo xiriir dhow la leh sirdoonka ayaa qaar ka mid ah waxay qorayeen akhbaartaas Arbacadii. Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masaarida ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in Qaahira in “wax weyn” laga soo abaabulayo Qasa. “Waxaan uga dignay in xaalad qarax ah ay soo socoto oo ay goor dhacayso, ayna weyn tahay , laakin way fududaysteen digniintaas,” ayuu yiri sarkaalkaas oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Sarkaalkaas wuxuu sheegay in saraakiisha Israa’iil ay iska indha tireen Qasa oo taa beddelkeeda ay diiradda saareen daanta galbeed. Sida uu sheegayo wargayska the Financial Times oo soo xiganaya laba sarkaal oo aan magacooda la sheegin oo arrinta si fiican ula socda, ma jirin sirdoon aad u adag oo la xiriira weerar gooni ah inuu dhici doono. Arbacadii ayaa Mr Netanyahu wuxuu ku tilmaamay wararka sheegaya in Israa’iil ay heshay digniin gaar ah ka hor intii uusan weerarku dhicin “gabi ahaanba war been abuur ah”. “Warbixinta sheegaysa in ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu goor hore farriin ka helay Masar waa mid gabi ahaanba been ah” ayaa lagu yiri qoraal baraha bulshada la soo dhigay.” “Ma jirto Farriin goor hore Masar ka timid Masar, ra’iisul wasaarahana marnaba lama hadlin lamana kulmin madaxa sirdoonka Masar tan iyo markii xukuumadda la sameeyey, si toos ah ama si dadban.” Masar oo koontaroosha cidda soohdinteeda uga soo gudbaysa Qasa ayaa inta badan waxay kaalin dhexdhexaadineed ka qaadataa Israa’iil iyo iyo Xamaas Yaakov Admirov oo ah la taliyihii hore ee amniga qaranka ee Netanyahu ayaa ku tilmaamay “guul darro weyn”. “Hawlgalkan wuxuu banaanka soo dhigay in awoodda sirdoonka Israa’iil aysan fiicnayn” ayuu yiri. Wuxuu ka gaabsaday inuu sharraxo guul darrada, wuxuuna sheegay in ay tahay in cashar laga barto marka hawlgalka milateriga uu ku guulaysto hadafyadiisa muhiimka ah. Isha: BBC The post Xog sirdoon: Israel oo ogeyd weerarkii Xamaas iyo dal Carbeed oo kusii wargeliyey appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxa hawlgalka ATMIS ayaa ku baaqay in taageero caalami ah la siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhawr furimood kula dagaallamaya maleeshiyaadka AS. Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u soo iibsan karo hub. “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus” “Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta Hubka in ay tahay in la qaado xayiraadda” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah. PUNTLAND POST The post ATMIS oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka appeared first on Puntland Post.
  4. Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Shaaciyay in Aqoonsiga Somalilabd wax ja Tarayo Nabada Mandaqada Geneva(Qaran news)- Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa laga soo jeediyey in aqoonsiga qarannimada Somaliland ay wax ka tari doonto mustaqbal ammaan ah oo ay helaan dhamaan dadka Geeska Afrika. Kalfadhiga 54aad ee Joogtada ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo Salaasadii 10 October 2023 lagu qabtay Xarunta Geneva ayaa lagu dhegeystay dood la xidhiidha muhiimada aqoonsiga Somaliland. Cali Maxamed, oo ka tirsan khubarada Golaha Xuquuqal Insaanka QM oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa si weyn u amaanay horumarka Somaliland waxaanu yidhi; “Aqoonsiga Somaliland waxa uu wax weyn ka tari doonaa xasiloonida mandaqada, dhiirigelinta wada shaqaynta iyo wada hadalada u dhexeeya ummadaha, Somaliland waxay hore u muujisay inay tahay saaxiib la isku halayn karo ee la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda, aqoonsigani wuxuu ugu yaraan xoojin doonaa iskaashigaas.” Ayuu sheegay khabiir Cali Maxamed. Khabiir Cali waxuu intaa ku daray, “In la aqoonsado Qarannimada Somaliland waxa ay ka qayb qaadanaysaa nabad iyo barwaaqo inay u horseedo dhammaan shucuubta Geeska Afrika, taasina waa sababta aanu ugu baaqayno in aad gacan ka geysataan qadiyadan, si wadajir ah ayaanu uga *****n karnaa arrintan, oo dhiirigelinaysa. Dad badan oo Geeska Afrika ah iyo kuwa kaleba, waxaan beddeli karnaa habka taariikhda, waxaanan rajo gelin karnaa kuwii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda u soo halgamay” ayuu yidhi. Qadiyadda Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland inay gaadho xarunta Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa la sheegaya inuu ku yimi dedaaladda madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo dublamaasiyiinta caalamka u jooga ka geysteen horumarinta qadiyadda aqoonsiga. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo haatan ku sugan dalka Morocco ayaa kulamo duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay dalkaasi. Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib. Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya. Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha. Waxaa kale oo uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la kulma dhiggiisa dalka Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed, waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh. Sidoo kale wasiir Biixi Imaan Cige ayaa shirar kale oo muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxaana kamid Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay. Soomaaliya ayaa waxaa haatan meel wanaagsan ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, sida lagu muujiyay warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday hay’adda lacagta ee IMF-ta. The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Morocco + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  6. Wefti ka Socda Somaliland oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya oo Lagu Qabtay Itoobiya Hargeysa (Qaran news)-Wefti uu Hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kallumeysiga Dr. Axmed Cali Maax oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Ganasiga, Gudoomiyaha rugta ganacsiga, Haay’adda Tayada iyo Ganacsadatada Shirkadaha kalluunka ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo ah oo saaka ka furmay Addis ababa, Ethiopia. Shirkaas oo ku saabsan fursadaha Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Buluugga ah ee Geeska Afrika(Opportunities in Fisheries & Blue Economy For the Horn of Africa). Shirkaa oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Somalia shirkaa oo socon doona 11- 13 October 2023. Waxa maalgelisay USAID waxayna soo marisay hayadda Trade Mark Afica. Shirkaa oo ay muhiimadiisu tahay sidii suuq loogu heli lahaa kalluunka dalka. Waxaa kaloo halkaa ka dhacay carwo lagu soo bandhigay wax soo saarka dalkeena oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen ganacsatadeena kaluumaysiga Carwadaa oo ay xidhiga ka jareen Agaasimaha Guud wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kallumeysiga, Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo Madaxa Kallumeysiga ee Wasaaradda beeraha ee Ethiopia Shirkaa oo socon doona muddo seddex cisho ah Qaran News
  7. Shir Lagu Falanqeynayey Mashruuca JPLG oo Lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa(Qaran news) -Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa gudoomiyey shir lagu falaqaynayey dibna loogu eegeyey Mashruuca JPLG Qaybtiisa Afraad, kaas oo bilaabmaya bisha koobaad ee sannadka 2024. Kullankan waxaa ka soo qayb-galay Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca Maamul Daadejinta,kaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Horuumarinta Maaliyadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta, Maayirka ku-xigeenka Caasimada iyo Mas’uuliyiin kale. Qaran News
  8. Ciidanka Booliska oo Soo Bandhigay 60kii Qoys ee u Horreeyay ee Laga Rararay Line-ka Booliska Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa sheegay in dhul la siiyay dadkii laga raray laynka booliska baahiyay sawirrada qaar ka mida lagu wareejiyay hanti gaar ay u yeelan doonaan. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta facebooga Ciidanka Booliska. Waa qaar kamida dadkii deganaa Leynka Booliska oo lagu wareejiyey hanti ay gaar u leeyahiin iyo lacag , waxaana maanta la raray 60-qoys halka inta hadhayna sida ugu dhakhso badan hanti gaar u leeyahiin loogu wareejin doono. Waxaanay dawladdu ay Askari iyo Sarkaal kasta siisay dhulkiisa uu degi lahaa , dhulkan oo ku yaala goob u dhaw magaalada ahaana xaafad hore loo deganaa lehna dhammaan adeegyada bulshada sida Waxbarashada , Caafimaadka , Laydhka iyo Suuqii/ Sariibadii laga adeeganayay. Dhammaan dadkaasi waxay qoorta ku sitaan kaadhadhkii Hantigii la siiyay ee gaar u lahaayeen sida sawirrada hoose idinka muuqata. Qaran News
  9. Wasiir Cali Xoor-xoor oo Furay Shir la Iskugu xidhayo Hay’adaga ka Shaqeeya Horumarinta Bulshada Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Mudane Eng Cali Cumar Maxamed (Eng Cali xoorxoor) oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Axmed Xasan Aw Aadan ayaa maanta si rasmiya u furay kulanka isku duwida hay’addaha ka shaqeeya daryeelka bulshada. Waxaana kulankaa daneeyayaasha arrimaha daryeelka bulshada lagula wadaagay hanaanka ay wasaaraddu uga hawl gashay Arrimaha daryeelka bulshada iyo sidii loosii darar gelin laha. Hay’adaha ka hawl gala nidaamka daryeelka bulshada ay kusoo bandhigeen waxyaaabaha uga qabsoomay Arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada. Iyadoo lagaga dooday qorshayaasha iyo higsiga daryeelka bulshada ee guud ahaan dalka oo dhan. Qaran News
  10. Mogadishu - (HOL) - In a significant development aimed at bolstering the telecommunications sector in Somalia, the National Communications Authority (NCA) unveiled its state-of-the-art Spectrum Monitoring Operations Center (SMOC) on October 9. Nestled within the heart of the NCA’s headquarters in Mogadishu, the launch event saw attendance from eminent figures in the Communications and Technology sector, including the Minister and State Minister of Communications & Technology. Source: Hiiraan Online
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Maxamed Musadaq Saadiq ayaa soo saaray war xasaasi ah oo buuq xoogan ka dhex dhaliyay baraha bulshada Soomaaliyeed. Wasiir ku xigeneka ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri Fudeed Siyasadeed , Qofka Siyaasiga ah waa in uu miisaamaa Hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii lagaarin” Hadalkan ayaa waxaa dad badan ay u fasirteen inuu ugu jawaabayo hoggaamiyaha SSC-Khaatuma oo isna ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland kadib markii uu shaaciyay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanada maamulkiisa. Maxamed Musadaq Saadiq oo qoraal kale soo saaray ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeedka hadalkiisa wuxuuna sheegay inuu la hadlayay mucaaradka Puntland ee shalay shirka ku qabsaday magaalada Garoowe, kuwaas oo ku goodiyay inay burbureyso Puntland, haddii doorashada soo socota lagu qaban waayo xilligeeda. Dadka Soomaaliyeed Fududaa war waxaan ka hadlayey Mucaaradka Puntland oo shalay ka hadlay Garowe Gaar ahaan Siyaasiyiinta Doonaya Xilka Madaxweyne oo Khudbadahooda u ekaayeen dagaal ogayaal” ayuu ku yiro sharraxaddiisa dambe wasiir ku xigeenku. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay mucaaradka inay si dajiyaan, maadaama ay weli doorashada ka harsan tahay saddex bil. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Firdhiye uu yahay mas’uul sare oo maamulka maamulka Khaatuma, isla-markaana arrintan ay u taalla reer Puntland oo dhan. “Firdhiye ma aha Siyaasi oo xil hayn ee waa Masuul Maamula Khaatumo ,Siyaasi waxa ladhahaa waa Qof aan Xil hayn , waxyaalaha aan waqtigeeda lagaarina waa Doorashada sababtoo ah Dawlada Mandate Sadex bilood ah ayey haysataa ee Hala isdajiyo , Arinta Khatumo Waxa ay U taal waa Reer Puntland oo dhan waana arin lagu xalin karo Wadatashi” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Puntland. Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo adag, waxaana ugu sii darsantay arrinta SSC, maadaama go’aanka ay qaadatay uu sameynayo doorashadeeda. The post PUNTLAND oo sharraxaad ka bixisay arrin buuq badan dhalisay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  12. Mahadaay (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay la helay sawirrada goobihii ay ka dagaalamayeen Shabaab-kii soo galay deegaanka Ciid-Ciidka ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii maanta ay godadkii kooxda u daateen ciidamada xoogga dalka. Waxaa la soo bandhigay sawirro muujinaya in Shabaab laga saaray godad waaweyn oo dhulka howdka ah ay ka qoteen, kadib dagaal socday muddo bil ka badan. Dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsanaa oo tiradooda lagu sheegay boqolaal ayaa 6-dii bishii hore isku deyey inay ka gudbaan deegaanada dhaca jiinka wabiga ee u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Kooxda ayaa dadka deegaanka kala kulantay dagaal culus, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa ku biiray dagaalka, waxaana Al-Shabaab ku bilowday dagaal cir iyo dhul ah oo maanta soo gaaray. Kooxda oo qorsheyneysay inay u gudubto deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe ilaa Galgaduud oo xubno kale oo Shabaab ah ay ku go’doonsan yihiin ayaa ku gungowday qorshahaas. Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa u suurta-geli weysay inay dib ugu laabtaan galbeedka wabiga Shabeelle oo markii hore ay ka yimaadeen, maadaama laga burburiyey doomihii ay ku yimaadeen. Duqeymaha diyaaradaha ayaa sidoo kale kooxda u diiday inay ka baxaan difaacyadii iyo godadkii ay ku jireen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah kii ugu dheeraa oo socday bil iyo dhowr maalmood. Markii laga reebo sawirrada la helay iyo jabka la sheegay inuu kooxda ku gaaray dagaaladii shalay iyo maanta, hadana ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in laga guuleystay oo lasoo afjaray Shabaab-kii ka dagaalamayey aagga Mahadaay. The post Sawirro: Ciidamada DF oo soo bandhigay godad ay Shabaab ka dagaalamayeen mudo bil ah appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay ka kooban 23 qodob oo lagu faahfaahiyey guulihii ugu dambeeyey ee dowladdu ka gaartay dagaalka Al-Shabaab iyo shaqooyinka kale ee muhiimka ah, bayaankaan oo toddobaadle ah ayaa ka soo baxay wasaaradda warfaafinta. Hoos ka akhriso qodobadaan ka soo baxay DF: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Arbaco, 11 October, 2023 1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Asmara wadahadal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, kadibna khudbad u jeediyay ciidamada Soomaaliya ee lagu tababarayo Eritrea.a 2- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira roobabka El Nino iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka. 3- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha dalka Finland u fadhiya Soomaaliya, Pirkka Tapiola oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo kor u qaadidda taageerada Finland ee Soomaaliya. 4- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha KMG ah ee degaanka SSC Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). 5- Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Waddada Taleex ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay. 6- Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-Nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka. 7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Muqdisho ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal. 8- Ra’isul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka isku duwidda arrimaha aadminimada. 9- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa dalka Marooko kaga qeybgalaya shirka wasiirada maaliyadda Afrika iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF. 10- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. 11- Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka oo hawlgal ka dhacay degaanka Shabeellow ee Koonfuurta Mudug ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab. 12- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta ku dilay degaanka Shabeelloow ee Gobolka Mudug. 13- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal milateri ka fuliyay degaanka Garilow ee magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasina ku dilay laba xubnood oo ka tirsan Khawaarijta. 14- Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dabagalka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyo laba xubnood oo la socday. 15- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka wasaaradaha Warfaafinta Dowlad Goboleedyada oo looga hadlay isku xirka xiriirka warbaahinta iyo xoojinta wacyigalinta. 16- Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Maxamed Axmed Shiikh Cali iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya. 17- Wasiirka Xanaanadda Xoolaha Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha horumarinta wax soo saarka xoolaha. 18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Saadaat Maxamed Nuur Caliyow ayaa Baydhabo ka furay shir looga hadlayey xasilinta degaannada laga xoreeyay Khawaarijta Al Shabab. 19- Hay’adda isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah u daah furtay Xarunta Hawlaha Kormeerka Hirarka, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta maamulka hirarka iyo xaqiijinta tayada isgaarsiinta Soomaaliya. 20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan ku saabsan xaaladda khatarta fatahaadaha kala hadley Ku-Xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Bini’aadminimada George Conway. 21- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalaya Kulan Waynaha heer gobol ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO. 22- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Tanzania uga qeybgaleysa Shirweynaha 2-aad ee Gudniinka Fircooniga. 23- Ciidamada Xoogga Dalka ee kuwa degaanka ayaa howlgal lagu sifeynayo Khawaarijta ka fuliyay deegaanka Ciid-Ciidka oo hoostaga deegaanka Cali Fooldheere. ==============DHAMMAAD============== The post DF oo xaaladda dalka ka soo saartay war-saxaafadeed xasaasi ah (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  14. UNITED NATIONS (HOL) — The UN Security Council is taking decisive action following a thematic report submitted by the Panel of Experts on Somalia, aiming to address the country's ongoing conflict and humanitarian crisis, particularly in the embattled city of Las Anod. Source: Hiiraan Online
  15. Wacyigelin ku Wajahan HIV/AIDS oo Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada Saylac Saylac(Qaran news)-Agaasimaha abaabulka iyo wacyigalinta komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Xaaji Yaasiin iyo isu’duwaha komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka gobolka Selel, iyo xubno ka tirsan komishanka ayaa barnaamij wacyigelin iyo baraarujin isugu jira u sameeyay, ardayda dugsiga sare ee Sacadadiin ee magaalda Saylac, waxaanay arday sharraxaad ka siiyeen xanuunka HIV/AIDS-ka, siyaabaha uu ku gudbo iyo hababka kala duwan ee loo xakamayn karo.Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid ayaa faahfaahiyay sida ay muhiimka u tahay in ardaydu ogaato siyaabaha loo kala qaado xanuunka, waxa kale oo uu intaa ku daray in xanuunkani uu la mid yahay xanuunada kale ee bulshada ku dhaca, sidaa awgeed ay waajib tahay in aan la takoorin dadka la nool xanuunka ee walaalaheen ah, waxaanu intaa raaciyay in xanuunka HIV/AIDS-ka lagu kala qaado dhawr nooc oo kaliya balse aan lagu kala qaasin wax-wada cunka, salaanta,in meel la wada seexdo iyo waxyaabaha la midka ah. Barnaamijkan wacyigalinta ah oo qayb ka ah arnaamijka baraarug ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ku bulshada kaga wacyigaliyo xanuunka HIV/AIDS iyo siyaabaha looga hortago ayaa maalmihii uu danbeeyay agaasimaha iyo koox uu hogaaminayaa ay ka wadeen gobolka Selel iyo deegaanada hoos yimaada. Qaran News
  16. Faransiiska ayaa billaabay in uu ciidamadiisa kala baxo dalka Niger kadib markii ay amar ku bixiyeen hogaamiyayaasha Militariga dalkaasi, xilli ay dowlada Maraykanka ay salaasadii shalay shaacisay inay jartay lacagtii ay siin jirtay dowlada Niger oo gaadhaysa 500 oo milyan oo doollar oo loogu talagalay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. Maraykanka, oo ay weheliyaan dalalka reer galbeedka oo uu Faransiiska ku jiro, ayaa ku cadaadinayey milateriga Niger sidii loo soo celin lahaa madaxweynihii la inqilaabay bishii July, Maxamed Bazoum. Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga dalka Niger oo gaadhaya 1,000 askari ay halkaasi sii joogi doonaan, balse hadda ma sameeyaan tababarka ama caawinta ciidamada Niger. Source
  17. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii billaamay dagaalka Gaza. “Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysal wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani. Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligii looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro ma keenin “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta,” Source
  18. Xildhibaan Nasiib Darro ku Tilmaamay Garoonkii kubada Kollayga Jigjiga Yar oo Xalay la Dumiyay Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xalay saqdii dhexe la dumiyay garoonka kubbada kollayga ee xaafada Jigjiga yar. Xildhibaanku wuxuu sheegay gariinkaas xukuumadda dhexe ka iibisay ganacsadaha leh Huteelka Summer Time ee casimadda Hargeysa. Xikdhibaan Siciid wuxuu sheegay in gole deegaan ahaan ay doonayeen inay garoonkaas casriyayn iyo dib u dhis ka hirgaliyaan, iyagoo ku daray miisaaniyad sannadeedka Dawladda Hoose. Xildhibaanku wuxuu sheegay in aanay ku guulaysan muddo uu ganacsadahaasi ku boorinayey in uu ka laabto iibsiga garoonkaas oo ah labada garoon ee kaliya ee lagu ciyaaro kubadda kollayga. Siciid Jaamac wuxuu sheegay xalay saqdii dhexe abaaro saddexdii habeenimo la dumiyay oo dhulka uu la simay ganacsade Siciid Sh. Cumar. Waxa uu dadweynaha iyo dhallinyarada degan degmada Ibraahim Koodbuur uu u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay u heli doonaan meel ay garoon uga dhisaan. Qaran News
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland uga socday magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban siddeed qodob. Bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka ayaa ugu horeyntii waxaa sharci darro ku tilmaameen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland, kaasi oo ay sheegeen in aan loo marin hab sharci ah, islamarkaana aan lagu dhaqmi karin. “Wuxuu shirku go’aamiyay in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taasi oo aan ognahay wixii laga soo maray,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay shirka mucaaradka Puntland. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isku raacay in si deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha baarlamaanka, iyaga oo mowqifkooda ku caddeeyay in habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto ay tahay habkii hore ee 66-da xildhibaan, ee beeluhu soo xulan jireen. Sidoo kale waxay ku goodiyeen haddii xukuumadda Saciid Deni qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan maamulka firaaq Dastuuri ah geli doonin. Waxay ugu baaqeen Isimidda Puntland in ay “doorkoodii shariifka ah qaataan soona xulaan xubnihii Baarlamaanka sida ugu dhaqsaha badan.” “Shirku wuxuu bogaadinayaan dagaalka lagula jiro argagixisad, kaasi oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu shirka bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-Khaatumo.” Ugu dambeyntiina bayaanka kasoo baxay shirweynaha mucaaradka kasoo horjeeda Saciid Deni ayaa lagu shaaciyay dhisadda Dallada Mucaaradka Puntland, oo ay qeyb ka yihiin Midowga Musharaxiinta Puntland, Madasha Siyaasadda ee Puntland, Madasha Samata-bixinta iyo Urur siyaasadeedka Mideeye. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka The post Bayaan culus oo laga soo saaray shirka mucaaradka DENI ee Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  20. Ex-Maxamed Faarax Qsbile oo ku Geeriyooday Burco Hargeysa(Qaran)-Alle ha u naxariistee waxa magaalada Burco ku geeriyooday Xildhibaan hore Maxamed Farah Qabiile oo ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee hore. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa ergadii nabada ee dhexdhaxaadinaysay muddooyinkii u danbeeyey beelaha walaalah ee ku dirirayey hawdka Burco. Marxuumku wuxuu ahaa siyaasi hal adag oo u ololeeya Caddaaladda iyo maamul wanaaga. Marxuum Maxamed Faarax Qabile wuxuu ka tirsanaa xisbiga UCID oo aanu mar kaliya ka tagin sidii looga soo doortay xisbigaasi oo uu ka soo baxay gobolka Saaxil. Qaran News
  21. Turkey's President Tayyip Erdogan on Tuesday criticised the United States for moving a carrier strike group closer to Israel, saying that it would commit "serious massacres" in Gaza. Source: Hiiraan Online
  22. Saylici oo Xadhiga ka Jaray Mashruuca Biyo Ballaadhinta Galbeedka Boorama Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka JSL, mudane Cabdiramaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xadhiga si rasmi ah uga jaray Mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka Magaalada Boorama, kaas oo laga maal galiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Munaasibada xadhig ka jarista Mashruucan waxaa ka qayb galay wasiiradda wasaaraddaha, biyaha, qorshaynta, ganacsiga, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degaan ee gobolka Awdal iyo marti Sharaf kale. Mashruucan ayaa ka koobaan saddex ceel biyood, dhigista 19-km oo ah oo beebabka biyaha gaynaya magaalada, laba taangi oo waa weyn isla markaana midkastaba qaadayo 500,000 oo litir oo biyo ah. Hirgelinta mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraantii ka jirtay Galbeedka magaalada Borama, waxaana loogu tallo galay inay ka faa’idaystaan dad gaadhaya 90,000 (sagaashan kun). Qaran News
  23. Badhasaabka Sanaag oo Jawaab ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Axmed Karaash Ceerigaabo(Qaran news)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in shacbiga gobolku ka digtoonaadaan hadalka fidmo abuurka ah ee ka soo yeedhay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash. Badhasaabku wuxuu sheegay in Axmed Karaash isagoo aan reer Ceerigaabo ahayn uu doonayo inuu iska horkeeno bulshada walaalaha ah ee reer Sanaag oo ka wada shaqeynaya ilaslinta amniga guud ee deegaannada gobolka Sanaag. Badhasaab Axmed Cabi Muuse wuxuu sheegay in deegaanka Dhabar-mubac oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn lagu dilay wiil yar oo 14 jir ah. Waxaanu tilmaamay in tallaabo dawladeed laga qaadi doono ciddii falkaas foosha xun geysatay. Badhasaabku wuxuu u mahadceliyay ciidanka Qaranka oo sugay ammaanka Ceerigaabo ee dhawaan dableyda hubaysan rabshadaha ka rideen. Qaran News
  24. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, taas oo diiradda lagu saarey horumarrada laga sameeyey arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah iyo masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, ayaa lagu soo bandhigay arrimo ay kamid yihiin siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo xasilinta; kobaca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ka miro-dhalinta arrimaha horutabinta leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com