Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Somaliland oo Digniin ka soo Saartay Roobab Lagu Wado inay ka Da’aan dalka Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa uga digtay dhammaanba dadweynaha ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland sababo la xidhiidha roobab waaweyn oo ka da’ya dalka. Qoraal wasaaraddu soo saartay waxa ay si gaar ah ugu digtay magaalooyinka Hargeysa, Sheekh, Sallaxley iyo Ceerigaabo in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah sababo la xidhiidha roobab waaweyn oo toddobaadkan ku soo wajahan Magaalooyinkaasi. Saadaasha hawada ayaa maalmihii la soo dhaaftay sheegaysay in roobab duufaan lihi ka da’i doona deegaanno badan oo ku yaalla mandaqada Geeska Afrika, kuwaasi oo wata daadad xoog leh oo sababi kara barokac. Qaran News
  2. GOBOLKA SANAAG: GOBOLKA AWOOWAYAASHA, KHAYRAADKA IYO QURUXDA SOMALILAND Dalkasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda sooyaalkiisa, khayraadka dhulkiisa (Xoolo, kalluumaysi, beero, dal-xiis, macda iwm), quruxdiisa, wanaagga cimiladiisa iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahaas oo dhan iyo kuwo kaleba. Gobolka Sanaag waxaa uu gobollada kale ee dalka Somaliland kaga duwanyahay oo aanay la wadaagin arrimaha soo socda: 1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral Forefathers). Waa gobolka awoowayaasha Somaliland. (The Region of Somaliland Forefathers). 2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland xagga baaxadda dhulka oo lagu qiyaaso inuu dhulka Somaliland ka yahay 35%. Magaalo-madaxda Gobolka Sanaag waa Ceerigaabo. 3. Waa gobol qani ku ah xoolaha, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, beeyada, ganacsiga, macdanta, midhaha, quruxda iwm. 4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon, Kaymo, banan, taagag, togag iyo dooxooyin. 5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro. 6. Waxaa gobolka ku yaal buuraha ugu quruxda badan Somaliland sida Surad, Daalo iyo Calmadow. BUURAHA SURAD, DAALO IYO CALMADOW Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo magaceeda la yidhaado Surad (8,070 feet ayay ka saraysaa badda). Waxaa kale oo ku taal buurta Daalo oo aad u qurux-badan taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha iyo xeebta hoos u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad ah, gaar ahaan dhirta dhaadheer ee dayibka oo ku wanaagsan alwaaxda dhismaha. Waxaa kale oo ay leedahay kaymo isku dhafan, dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur aad u udgoon marka la dhexmarayo. Buurta Calmadow iyaduna waa buur dheer oo aad u qurux-badan oo cagaarkeedu dadka soo jiito kuna wanaagsan beeraha, xoolaha, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxay leedahay dhir iyo geedo kala duwan oo qurux-badan. Buurahan waxay aad ugu fiicanyihiin dal-xiiska oo haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka yimaada dacallada dunida. Buurahan iyo dhulka Sanaag intiisa badan waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah. Waxaa lagu beerikaraa khudaarta nooc kasta iyo xataa shaaha iyo dalagyo kale oo badan. Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somaliland u tartanto mustaqbalka, quruxda iyo khayraadkiisa faraha badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska, tiinka, saytuunka, tufaaxa iyo noocyada cinabka. Waxaa kale oo gobolka ka bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay caan ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo iyo tuulooyin aad uga da’ weyn magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu caansan yihiin dekedaha Laas Qoray, Maydh, Xiis, Karin iwm. Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba. FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee Burco-Ceerigaabo (500km) ee Gobolka Sanaag iyo wadooyinkuba waxay, sida dalkasta, dalka u leeyihiin faa’iidooyin badan oo kala ah: * Wadooyinka iyo jidka Tareenadu waxay isku xidhaan dalka waxayna meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu Gobolka Sanaag kaga jiray dalka intiisa kale. * Wadooyinku waxay fududeeyaan is-dhexgalka, is-barashada iyo isku-socodka bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland. * Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka Sanaag uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud u gaadhaan gobolka Sanaag. * Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal. Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag siiba xagga ganacsiga, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska iwm, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu yahay. * Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka dal la gaadhsiinkaro meelkasta oo la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada. * Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha dal uu wada gaadho dalka. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka, horumarinta waxbarashada, sancada casriga (technology) ah iwm. * Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmankaro haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka, cudurada faafa iwm. * Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaaca dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado loona difaaco dalka. Jidka Ceerigaabo wuxuu aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo midnimada qarameed iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Baaxadda iyo qiimaha gobolka Sanaag awgeed waxaa lama huraan ah in laga sameeyo saldhigyo ciidan oo difaac. Jidka Burco-Ceerigaabo waa halbowlaha isku xidha dalka, horumarka, iyo difaaca dalka. Gobolka Sanaag waa gobolka ay ku duuganyihiin awoowayaasha dadka Somaliland, waana nafta iyo laf-dhabarka Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka, ugu khayraad badan, ummadda Somalilandna haqabtiridoona xagga degsiimada iyo xagga noloshaba mustaqbalka. Waxaa xukuumadda iyo ummadda Somaliland lagula talinayaa in Wadada Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso lana ballaaadhiyo isla markaana loo jeesto horumarka Gobolka Sanaag oo la dhiso garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo, la dhiso dekedda Laas-Qoray lana kiciyo oo la ballaadhiyo warshadii kalluunka ee laas-qoray. Waxaa maalqabeenada Somaliland iyo caalamkaba lagu dhiirigelinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, warshadaha, beeyada, xoolaha, dal-xiiska iwm. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag xag difaac iyo xag horumarba, waxaana muhiim in jidad badan laga sameeyo Gobolka Sanaag. Qore: Ibrahim Hassan Gagale ibrahimgagale@gmail.com Qaran News
  3. Wasiirka Dastuurka iyo Goleyaasha oo Hortagay Guddida joogtada ee Guurtidda Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo maanta la kulmay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland. Wasiir Maxamed Xaaji Aadan wuxuu sheegay inay ummadda warbaahinta qaranka ay si joogto ah uga baraan dastuurka si ay bulshadu u barto una fahmaan xuquuqda iyo waajibaadka dastuurku faray. Waxa kaloo uu sheegay inay muddo saddex sannadoid ah ay Wasaaradda Waxbarashada ka wada shaqeynayeen sidii manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose, Dhexe iyo sare ay loogu dari lahaa barashada dastuurka, wuxuuna tilmaamay in arruntaas dhawaan la fulin doono. Dhinaca Guddida joogtada ee Golaha Guurtidda ayaa ku ammaantay Wasaaradda Dastuurka siday meel fog u baahisay dastuurka. Waxayna ku booriyeen in la sii wado dedaalka ay wasaaraddu shaqaalaha dawladda ku barayso dastuurka Somaliland. Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo maanta warbixin cusub soo saaray ayaa shaaciyay magacyada 18 mas’uuliyiin oo hore oo ay ku maqan yihiin gaadiid dowladeed oo ay leeyihiin hay’ado kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka ah. Hantidhowrka ayaa warbixintiisa kusoo bandhigay noocyada gaadiidka ee ku maqan gacanta shaqsiyaadkaasi iyo sidoo kale hay’adaha leh oo ay kamid yihiin xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaarado, hay’adda maareynta iyo guddiga madaxa banaan ee doorashada. Xafiisku Hantidhowrku waxa uu sheegay in arrintaan uu ku ogaaday baaris qoto dheer oo uu sameeyay, taas oo lagu hubiyey hantida ka maqan dowladda, gaar ahaan gaadiidka. “Baaris iyo hubin uu xafiiska Hantidhowrka sameeyay ayuu ku ogaaday inay jiraan gaadiid ku maqan gacanta mas’uuliyiinta ku xusan lifaaqa jaantuska hoose. Dhammaan gaadiidkaas waxaa hanti dowladeed oo ay tahay in dib loogu soo celiyo gacanta hay’adihii asal ahaanta u lahaa milkiyadooda” ayaa lagu yiri warbixinta Hantidhowrka Guud. Waxaa kale oo uu Hantidhowrku muddo 15 cisho ah u qabtay mas’uuliyiinta magacyadooda la shaaciyay inay ku maqan yihiin gaadiidkaas, si ay ugu soo celiyaan dowladda dhexe. “Haddaba Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu idin ku wargelinayaa in dhammaan gaadiidka ku jira gacantiina aad dib ugu celisaan hay’adaha dowladeed ee asalka u leh muddo 15 cisho gudahood oo ka bilaabaneysa 10 Oktoobar, 2023, kuna eeg 25 Oktoobar, 2023, muddadaas kadib xafiiska Hantidhowrku wuxuu qaadayaa tallaabada xigta ee sharciga ah” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Guutaale. Sidoo kale Hantidhowrka ayaa faray hay’adaha dowladda marka lagu soo celiyo gaadiidkaas ay ku diiwaangeliyaan magaca hay’adda, kadibna ay cadeynta lasoo wadaagaan xafiiskiisa. Ugu dambeyn waxaa qoraalka agu yiri “Waxa aan rajeyneynaa in aad si xilkasnimo leh u dhowrtaan muddada dib u celinta gaadiidka”. Muddooyinkii dam eeyay Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa xoojiyey habraacyada lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, sidoo kalena kor loogu qaadayo hufnaanta shaqo ee hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Hantidhowrka oo shaaciyay magacyada mas’uuliyiin gaadiid kala baxsaday DF appeared first on Caasimada Online.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad u dhexeysa Somaliland iyo Puntland laga dareemayo aagga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas oo hada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan. Xiisadda ayaa kasii dartay, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay Somaliland ay ciidamo dheeraad ah soo dhoobtay magaaladaas, taas oo ay ka carootay Puntland. Madaxweyne ku xigeenka maamulka fadhigiisu yahay Garoowe, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo ka hadlay abaabulka ka socda Ceerigaabo ayaa farriin u diray Somaliland. Ugu horreyn waxa u sheegay in ciidankaas laga soo qaaday aagga magaalada Oog, isla-markaana ujeedka uu yahay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah. Karaash ayaa ugu baaqay maamulka Hargeysa in ciidamada uu ka saaro koonfur magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si loo qaboojiyo xiisaddaasi. “Waxaan ugu baaqaynaa maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray haddii ay Somaliland dhegaha ka furaysto baaqaas in ay qaadan doonaan masuuliyadda wixii dhibaatada ah ee dhalata arrintaasi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo dhawaan ay magaalada Ceerigaabo ka dhacday is rasaasayn dhex-martay ciidanka booliiska iyo koox maleyshiyaad ah. Israsaasayntaas ayaa salka ku haysay markii ciidanka booliiska Somaliland ay xireen rag lagu sheegay inay ahaayeen kuwo ka ganacsada maandooriyaha, walow warar kale ay sheegayeen in ragga la xiray ay kasoo qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay Laascaanood. The post Somaliland oo qaaday tallaabo uga dareysa xiisadda Puntland appeared first on Caasimada Online.
  6. Xisbiga WADDANI oo ku Hanjabay in umnadda u soo Bandhigi Doonaan Ganacsatada Boobta Hantida Qaranka Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in ay ummadda u soo bandhigi doonaan ganacsatada sifaha sharci darrada ah u ìibsada hantida ma guurtada ah ee dalka. Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay Xukuumadda inay si boob ah u xaraashayso hantida ummadda, wuxuuna sheegay in haddii ay iibinayso hantida ummadda ay ahayd inay sifo loo tartamo ay ku iibiso guryaha lineka Booluska ee ay xiiga saaka kaga rartay qoysaskii fanyarta ahaa ee deganaa. Waxa kaloo uu intaas ku daray haddii ganacsatadu joijin waayaan boobka hantuda ummadda ay goob walba cidda qaadatay la wadaagi doonaan shacbiga Somaliland ee ay ka dhex taajireen. Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Musuq iyo waxqabad la’aan. Qaran News
  7. Xisbiga WADDANI oo Xujuumadda ku Cambaareeyay 380 Bilyan oo Shilin oo ay soo daabacayso Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga WADDANI ayaa walaac ka muujiyey 380 Billion Somaliland Shilling oo in la daabaco xukuumaddu qorshaynayso. Xoghayaha Warfaafinta Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” ayaa qorshahaa ku sheegay ‘sharci darro’ Xoghayuhu wuxuu ka digay in sicir bararka iyo sarif bararku ka sii darayaan haddii lacag cusub oo la soo daabacay xukuumaddu suuqa geliso. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ugu baaqay in ay ka noqdaan daabacaadda lacagtaas. Sidaasna waxa lagu sheegay war murtiyeed uu soo saaray oo u dhignaa:- Qaran News
  8. PRESS RELEASE Liquid Intelligent Technologies introduces Tanzania’s second Azure Stack, further accelerating the local digital transformation The innovative solution offered by Azure Stack HCI ensures that businesses meet the local compliance standards by letting customers run applications designed for virtualised infrastructure Access Multimedia Content DAR ES SALAAM, Tanzania, October 10, 2023/ — Liquid Intelligent Technologies (Liquid) (https://www.Liquid.Tech/), a business of Cassava Technologies, a pan-African technology group, has partnered with wingu.africa a pioneer provider of carrier-neutral data center services in Tanzania, and the foremost specialist carrier-neutral data center group in East Africa to introduce the second Azure Hyperconverged Infrastructure (HCI) stack. This investment from Liquid Tanzania will provide a more conducive environment for local businesses to accelerate their digital transformation journeys. “In 2021, we were the first to bring Azure Stack to Tanzanian businesses, helping them gain access to cloud solutions that met the local data regulatory requirements and efficiently run latency-sensitive business applications. This is yet another milestone we achieved as we continue to work towards empowering our customers to adopt cloud and contribute to making Tanzania a digital economy,” said Manish Govindji, Acting CEO of Liquid Intelligent Technologies Tanzania. The innovative solution offered by Azure Stack HCI ensures that businesses meet the local compliance standards by letting customers run applications designed for virtualised infrastructure. Additionally, with the carrier-neutral offering from the Wingu group, companies have a further advantage of choosing the connectivity service provider. “The Wingu group is thrilled to collaborate with Liquid Intelligent Technologies in introducing Tanzania’s second Azure Stack, a pivotal step in accelerating the nation’s digital transformation. By offering local businesses access to cutting-edge cloud solutions, we aim to empower them to thrive in the digital age. Our carrier-neutral data center complements this initiative, allowing companies to choose their preferred connectivity service provider. Together with Liquid, we are contributing to Tanzania’s digital economy, fostering economic ties, and leveling the technology playing field for local businesses. This partnership signifies a significant milestone in expanding technology access and affordability in Tanzania. We look forward to a future of increased connectivity, innovation, and growth for the region, “said Nicholas Lodge, Co-Founder and Chief Strategist at wingu.africa. Liquid’s continuous investment towards extending its fibre backbone and improving access to affordable digital solutions is critical to enhancing digital transformation in Tanzania and the rest of the continent. Ensuring local businesses have access to high-speed connectivity and digital services fosters economic and technological ties across countries. Also, it levels the technology playing field for businesses as they push themselves to a global stage to compete against their counterparts in more developed economies. “With the availability of the second Azure Stack in the region, Liquid is yet again ensuring that it is a one-stop shop for all technology requirements. Especially since one of the greatest deterrents to cloud adoption in Tanzania is the high cost of accessing cloud solutions locally. Liquid has deployed Azure Stacks in multiple African countries, and we have the in-house expertise required by our customers to ensure that their IT needs are catered to by us end-to-end while they focus on their core business,” concluded Govindji. Qaran News
  9. The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) said its troops held a meeting with security committee officials in Jubaland State to strategize on how to ensure the safety and welfare of the local community. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta qaaday tallaabo deg-deg ah, isaga oo ka jawaabay cabasho kasoo yeertay shacabka deggan inta u dhexeysa degmada Kaaraan iyo deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada Muqdisho. Shacabka ayaa shalay qaylo dhaan ka muujiyay rag ka tirsan dowladda oo bilaabay inay canshuur ka qaadaan masaajidda iyo dugsiyada qur’aanka ee ku yaalla halkaasi, taas oo dad badan layaab ku noqotay, kadib markii lasoo wariyay in rasaas loo adeegsaday mid kamid ah dugsiyada ku yaalla xaafadaas, taas oo dhalisay khasaare u badan dhaawac. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo tegay xaafadda ay dhibaatada ka taagan tahay ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan wax ka ogeyn canshuur laga qaadayo goobaha lagu cibaadeysto iyo sidoo kale dugsiyada lagu barto qur’aanka kariimka. Yabooh ayaa sidoo kle caddeeyay in xittaa File-ka dowladda hoose uusan ku jirin in lacag canshuur ah laga qaado goobahaasi, balse ay tahay in la kaalmeeyo. “Masaajidda iyo dusgiyada nooma qorna in canshuur laga qaado, kumana jirto File-ka dowladda hoose, waana i maqlaayaan labadii maamul ee halkan ka jiray, amarkaas waa amar duq magaallo” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Sideedaba masaajid iyo dugsi waa la kaalmeeyaa waa la garab isaataagaa, waxaa la rabaa inay nooga duwanaadaan waxa kale oo dhan”. Guddoomiye Yabooh oo hadalkiisa sii wata ayaa raalli-gelin buuxda siiyay waxgaradka deegaanka, isaga oo ballan qaaday in arrintan ay wax badan ka qaban doonaan “Lacag dowladeed sideedaba waa inay system ku timaadaa, systemna ay ku dhacdaa marka raalli ahaada odayaasha iyo dadka xaafadda oo dhan” ayuu mar kale yiri Yabooh. Arrintan aya markii ay soo baxday waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, ayada oo dadka isticmaala baraha bulshada ay si weyn uga falceliyeen in canshuur laga qaado masaajidda iyo dugsiyada qur’aanka kariimka ee ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho. The post Maamulka gobolka oo jawaab ka bixiyay canshuur laga qaaday masaajidyo iyo dugsiyo appeared first on Caasimada Online.
  11. Garowe (HOL) - Puntland's Vice President has accused the Somaliland administration of deploying troops to Erigabo, the capital and largest city of the Sanaag region, following a clash between Somaliland police and alleged drug dealers. Source: Hiiraan Online
  12. Mahadaay (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay deegaanka Ciid Ciida oo uu in muddo ah ka socdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu go’doomiyay halkaasi. Taliyaha ayuaa dhiiragelin ugu tegay ciidamada ku kumaandooska ilaalo qaran ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Califooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Ugu horreyn taliyaha ciidankada dhulka ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ku sugan aagggaas, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud. Dayax ayaa isna khudbad u jeediyay ciidamada ku sugan aaggaas, isaga oo ku bogaadiyay sida ay waajibkoodii uga guteen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay deegaanadaasi, kuwaas oo markii dambe lagu qaado weerar dhulka iyo cirka ah oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay. Sidoo kale waxa xusay i nay tahay waxa ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah, talllaabada ay qaadeen iyo jawaabta ay ka bixiyeen isku daygii kooxda Al-Shabaab.. Waxaa kale oo kula dar daarmay ina y sii laba jibaaran halgankooda iyo dagaalka ay kula jiraan Shabaab, si looga hortago inay mar kale kusoo laabtaan goobaha la xoreeyay. Maalmihii u dambeeyay taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka ayaa waday kormeeer guud oo ay ku bixinayaan furimaha hore ee dagaalka, si ay u dhiirageliyaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada dalka. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka & kuwa loo yaqaano Macawiisleyda. The post Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka oo tegay degaan lagu go’doomiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii usoo deyriyay xubno reer Koonfur Galbeed ah oo waayahan karkarinaayay in doorashada maamulka Koonfur Galbeed ay bilaabato bisha soo aadan ee November. Xasan Sheekh ayaa u sheegay xubnahaas in doorashada maamulkaas laga wada-hadli doono marka la gaaro bisha November 2024. Inkasta oo kulan kale iskugu dhiman yahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, hadan waxaa jirta xujo xukun oo Xasan Sheekh dhinac taalla inta aan la gaadhin in doorasho lagu qasbo Lafta-gareen. Tan waxaa la yiraahda Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe yaa horreeya Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka talinayay maamulka Jubbaland tan iyo markii ay maamul noqdeed. 15-kii May 2013 ayay ergo dooratay Axmed Madoobe kahor inta aan bisha August 2013 aqoonsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa ka hadleyna inta uu jiro magaca Jubbaland, sanadkii 11 ayaa u socda Axmed Madoobe. Sida maamullada kale ee dalka marka laga reebo Puntland muddo xileedka hay’addaha la doortay ee Jubbaland waa afar sano. Waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu xukunka haysto labo xilli doorasho iyo labo sano oo dheeraad ah. Marka laga hadlayo labada heer dowladeed ee Soomaaliya majiro qof ka xukun dheer Axmed Madoobe maanta. Hadda waqtigii waa ka dhamaaday, dowladda federaalka ahna ma dhihin Axmed Madoobe doorasho qabo. Isbarbardhiga Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe Marka la isbarbardhigo Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen haddiiba ay dowladda federaalka Soomaaliya ay cid u direyso doorasho dadka waxay badi qabaan in Axmed Madoobe laga bilaabo ama labadoodaba la wada jiheeyo. Xal u la’aanta dowladda dhexe ee Axmed Madoobe ayaa caawineysa Lafta-gareen, berrina caawin karta Qoor-Qoor. Mucaaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay muujiyeen cadaadiskii ugu sareeyay ee xukun lagu raadin jiray, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza iyaga oo aan wax xal ah u hayn hoggaamiyaha muddada fog ku fadhiya ee Jubbaland waa adag tahay in go’aan deg deg ah ka gaaran Koonfur Galbeed. Labada hoggaamiye waqtigii waa ka dhamaaday waxay ku darsadeen waqti dheeri ah, laakiin mid kamid ah ayaa muddo dheer ku fadhiya kursiga, waxaana xalkiisa looga fadhiya dowladda dhexe, iyada oo weliba si gaar ah ay isku dhari u yihiin ra’iisul wasaaraha hadda jooga Xamza Cabdi Barre. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu haystaa difaac uu waqtiga abuuray. Villa Somalia waxay aaminsan tahay in dhamaan maamullada ay doorasho gali doonaan bisha November 2024, taas oo iyaduna ku xirnaan doonta sida uu xaalku yahay maalinkaas. The post Xujo ku horgudban XASAN ‘oo uusan ka boodi karin’ appeared first on Caasimada Online.
  14. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug. Xubnaha wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa safarkooda waxaa uu ku wajahan yahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda magaalada Bacaadweyne. Wafdiga waxaa Bacadweyne ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Galmudug waxaana uu kulan la leeyahay Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo ka wadahadlay dagaalka Al-shabaab. Madaxweynaha Galmudug safarka uu ku tagay Bacaadweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Koonfurta gobolka Mudug ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga saaray deegaanno dhaca gobolka Mudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Dowladda Kenya ayaa shegtay in ay ka heshay 17 milyan oo doolar, kaalinta ay ka qaadato howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, kaas oo howshiisa uu ku egyahay bisha December ee sanadka soo socda 2024. Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Ducaale ayaa baarlamaanka dalkaas u sheegay, usbuucan in lacagtaas loo soo diray Qasnada dowladda, taasoo dhan Ksh500 milyan ($3.3 milyan) sanadkiiba. Bishii Oktoobar 2011, Ciidanka Difaaca Kenya waxay u dhaqaaqeen Soomaaliya si ay u baacsadaan Al Shabaab ka dib markii ay afduubyo xiriir ah ka geysteen xuduudka Kenya iyo Soomaaliya. Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magdhowga askarta ku dhimatay Soomaaliya lagu dhameeyo muddo 30 maalmood gudahood ah. Tobankii sano ee ay joogeen Soomaaliya, ciidanka Kenya waxa ay la kulmeen ugu yaraan saddex weerar oo culus. Weerarkii ugu darnaa ayaa ahaa kii Jannaayo 2016 ka dhacay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo. Toddobaadkan, wasiirka gaashaandhigga Kenya, ayaa sheegay in ka badan 4,000 oo askari ay Soomaaliya ka bixi doonaan sidii ay Qaramada Midoobay u qorsheysay in kasta oo ay dhawaan Soomaaliya ka codsatay golaha ammaanka in dib loo dhigo dhimista muddo 3 bilood ah. Dowladda Kenya ayaa ciidamo qeyb ka ah waxaa ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo ay kamid noqtay sanadkii 2011 oo ay gudaha usoo gashay gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Xafiiska Hanti-dhowrka qarana ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka ay gacanta ugu jiraan gaadiidka ay leedahay dowladda in ay dib ugu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaana lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Hanti-showrka qaranka. “Xafiiska Hantidhowrka guud oo ka duulaya ilaalinta iyo maamul wanaagga Hantida dowladda waxa uu ku wargelinayaa dhammaan mas’uuliyiinta halkan hoose ku xusan in ay si dhaqsi ah u celiyaan gaadiidka dowladda ee kujira gacantooda” . Source: goobjoog.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ka fuliyeen saldhigo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Dhexe. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ay qaadeen howl-galladaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Al-Shabaab ee Bu’aale, Saakow iyo Jilib ee isla gobolka Jubbada Dhexe. Saldhigyada la wareeray ayaa sidoo kale waxaa ku jiray kaydka hubka kooxda, sida ay sheegtay dowladda oo aan weli si rasmi ah u faah-faahin khasaaraha howl-galkaan. Warar horudhac ah ee laga helayo weerarada lagu qaaday goobahaasi ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab uu kasoo gaaray khasaare weyn, maadaama weerarka cirka qaarkood lagu eekeeyay xarumaha hubka kooxda ee ku yaalla halkaasi. Duqeymaha dhanka cirka oo inta badan fuliyaan waddamo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga, ayaa kaalin mug leh ka qaata dagaalka dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab iyo howl-galka socda ee dalka looga xoreynayo kooxda. Maalmo kahor ayey aheyd markii duqeymo lagu beegsaday degaanka Shabeellow ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen xarumo ay kasoo abaabulaan weerarada qorshaysan ee kooxda. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Xarumihii keydka hubka Al-Shabaab ee gobolka Jubada Dhexe oo la weeraray appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa digniin adag u jeediyay Somaliland oo uu ku eedeeyay in ay dhibaato ka waddo magaalada Ceerigaabo. Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Axmed Karaash ayuu ku sheegay in Somaliland dhibaato iyo fad-qalalooyin ka waddo magaalada Ceerigaabo, si ay isaga hor-keento shacabka halkaasi deggan. “Maalmihii u dambeeyey waxaan si dhow ula soconay in Maamulka Soomaaliland uu dhibaato iyo fad-qalalooyin uu iskaga horkeenayo bulshada degan magaalada Ceerigaabo uu halkaasi ka waday” ayuu yiri Axmed Karaash. Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay Ciidanka si deg deg ah uga saaraan magaalada Ceerigaabo, haddii kalena ay la kulmi doonaan Cawaaqib aysan mahadin. “Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan, hadiise ay dhegaha ka furaystaan, waxay la kulmi doonaan waxaysan mahadin doonin, masuuliyadeedana iyagaa qaadi doona” ayuu sii raaciyay. Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa imaanaya, xilli Maalmahan qalalaase amni ka taagan yahay Ceerigaabo, kadib markii Somaliland beegsi ku bilowday shacabka halkaas ku dhaqan ee ka soo jeeda SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Puntland oo Somaliland ugu baaqday in ay Ciidamadeeda kala baxdo magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  19. Siyaasi Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyay Shirka ay ku midaysan yihiin Mucaaradka Puntland ee Maanta ka furmay Caasimadda Garoowe ayaa baaq deg deg ah u diray dhammaan Isimada Puntland. Mudane Cawad ayaa sheegay in guud ahaan Isimada ay marjac u yihiin Go’aaminta Masiirka iyo Talada Puntland islamarkaana aysan jirin Xukuumad baabi’in karta Awoodda Isimada si kasta oo ay isu-gu daydo. “Isimada waxaan dhahaya; dalka idinkaa halkaan soo gaarsiiyay, idinkaa Laf-dhabar u ahaa, idinkaa Marjac u ahaa. Awooddaas cid idinka qaadi kartaa ma jirto, Xukuumad kasta oo isku dayda” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad. Danjire Cawad ayaa sidoo kale Isimada xasuusiyay in Maanta Puntland u baahan tahay Taladii iyo Guddoonkoodii xikmadaysnaa si loo badbaadiyo Marxaladdan taagan. “Puntland mar kale ayay idiin baahan tahay Maanta in aad Xikmaddiini iyo Talo Wanaagiinni aad ku badbaadisaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Danjire Cawad “Ma jirto Xukuumad baabi’in karta Awoodda Isimada Puntland” appeared first on Puntland Post.
  20. Magaalada Qaza ayaa ka sii socda duqeymaha ay geysanayaaan diyaaradaha dagaalka Israel, waxaana dagaallo iyo duqeymo maalintii afaraad isdhaafsanaya labada dhinac Milatariga Israel iyo Xamaas, xillii ay sii kordhayaan khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah eek u nool magaalada, waxaana gabaabsi ah cuntada biyaha iyo daawada. Waxaa inta la xaqiijiyay duqeymaha Qasa In ka badan 700 oo ruux oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil,kadib kolkii ay go’doomiyeen deegaanka Gaza oo dadka ku nool ay u baahan yihiin cunto iyo shiidaal, Israel ayaa dhankeeda waxaa ku dhacaya gantaalaha ay tuurayaan Xamaas. Wasiirka Caafimaadka Falastiin ayaa dalbaday in la la sameeyo waddo nabdoon oo soo gasha Gaza si gargaarka caafimaad loo soo gaarsiiyo cisbitaalada halkaasi oo ay buux dhaafiyeen tiro dad ah oo aad u fara badan,kuwaas oo qaba dhaawacyo kale duwan oo kasoo gaaray duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha Israel oo gantaalada tuuraya. Kooxda Xamas ayaa sheegtay in ay dili doonto dadka Israeli ee ay heystaan,haddii aysan joojin weerarada iyo duqeynaha ay ku hayaan dadka rayidka ah“Waa dambi dagaal marka loo eego qawaaniinta Qaramada Midoobay in dad rayid ah la go’doomiyo si ay ugu dhintaan gaajo” sarkaal u hadlay Falastiin ayaa yiri. Dagaalka u dhaxeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa bilowday maalinimadii Sabtida ee la soo dhaaafay, waxaanna tirade dhimashada Israa;iil ay mareysaa 900 oo qof,iyadoo colaadaha cusub ay dabajoogaan ciidanka Yuhuudda oo sanadihii u dambeeyay geystay falal xasuuq ah oo ka dhan ah dadka Falastiin iyo in ay mamnuucaan ama xoog ku galaan goobaha barakeysan sida Masjidka Al-Aqsa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo in ku dhow laba bilood ku maqnaa safar dibadda ah ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni ayaa safarkiisa ku soo maray dalalka Imaaraatiga Carbeed, Kenya iyo Itoobiya oo uu hadda ka soo kicitimay, sida laga soo xigtay xubno ka agdhow. Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale sida wararku sheegayaan waxa uu amray in caasimadda Garoowe la keeno cutubyo, si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka PMPF. Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu ciidanka u dalbaday, si uu cadaadis ugu saaro siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku shirsan bannaanka Garoowe. Mucaaradka Puntland ayaa ka shiraya maaraynta marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan Puntland, si looga badbaado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin ciidamada lagu daabulayo magaalada Garoowe? appeared first on Puntland Post.
  22. Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Gaza, taasoo la micno ah in ay ka jarayso cunnada, biyaha iyo korontada. In ka badan 700 oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayay Israa’iil ku dishay duqaymaha ka socda Marinka Gaza ee go’doonsan. Duqeymaha israa’iil ee Gaza ayaa socday 24 saacadood oo aan kala joogsi lahayn, sida ay warbaahinta Al-jazeera ka soo xigatay dadka degaanka Gaza waxa ku nool ilaa 2 milyan oo shacabka reer Falastiin ah kuwaas oo hadda wajahaya xasuuq ka baxsan bini’aadanimada sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Xamaas. Dagaalka u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo Israa’iil oo bilowday maalintii Sabtida ee la soo dhaaafay ayaa sababay khasaare baaxad weyn oo labada dhinac ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo Marinka GAZA appeared first on Puntland Post.
  23. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqday go’aan ay si ku-meel gaar ah ugu hakisay tallaabadii ay xukuumadda Kenya ay ku doonaysay inay ciidamo boolis ah ugu dirto dalka Haiti, ee ay ka jiraan falalka amni darrada ee kooxaha burcadda. Howlgalkaan oo ay taageerayso Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xasiliyo Haiti Maxkamadda ayaa ku go’aanka ay soo saartay ku tilmaantay in qorshaha xukuumadda uu yahay mid dastuurka dalka baal marsan uusan jirin hishiis hore. Go’aankan ayaa imaanaya xilli toddobaadkii hore ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel mariyeen in Kenya ay hagaamiso hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada booliska loogu diro dalka Haiti, arrintaan ayaa timid kadib markii dacwad laga gudbiyay. Xoghayaha Difaaca Marekanka Lloyd J. Austin oo dhowaan la kulmay madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa ku amaanay dowladda Kenya in ay qaadatay go’aan geesinimo leh oo ku saabsan oo lagu qaadayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Haiti. Dalka Haiti ayaa waxaa ka jiro qalalaase iyo amni darri taas oo keentay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku dhowaaqdo in laga fuliyo howlgal lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeyntii dalkaas ee faraha ka baxday iyo mushkiladaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com