-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qatar Red Crescent Society (QRCS) is proceeding with its humanitarian interventions at camps of internally displaced people (IDPs) in Somalia. Its representation office in Somalia has completed a project to distribute food parcels to drought-affected people. Source: Hiiraan Online
-
Saylici oo Shahaadooyin Gudoon siiyay Ducfcadii 11aad ee ka Baxday New Generation Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay qalinjabinta dufcadii 11-aad eek a baxda Jaamacada New Generation. Munaasibada Qalinjabinta loo sameeyay ardayda ka baxday Jaamacada New Generation, waxa ka qayb galay bahada waxbarashada, waaliinta, ardayda qalinjabisay, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo marti sharaf kale. Madaxweyne ku xigeenku waxa waxa uu hanbalyeeyay ardayda qalinjabisay, waalidiinta dhashayna waxa ku ammaanay wakhtiga ay galiyeen iyo dadaalkii ay ku soo bixiyeen, waxaanu ardayda faray inay qayb ka noqdaan dadka dhisaya mustaqbalka dalka. Masuuliyiinta Jaamacada New Generation ayaa ardayda ugu hanbalyeeyay guusha ay gaadheen, waxaanay kula dardaarmeen in aqoontii ay barteen ay bulshada dib ugu celiyaan. Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardayda ka baxday Jaamacada New Generation, oo sannadkasta soo saarta arday wax ka barata Kuuliyada kala duwan ee Jaamacada. Qaran News
-
Faa’iidooyinka ay xulbadu leedahay iyo waxyaabaha laga helo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xulbadu waa dhir-daweed waxtar badan leh waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaadhan. Waxaa afk-Soomaaliga lagu dhahaa xulbad, waxa uuqadda Ingiriisida lagu dhahaa (Fenugreek) magaceeda sayniskana waxa la dhaha (Trigonella foenum-graecum). Xulbaddu waa xubin ka mid ah qoyska Fabaceae botanical waxayna isku faamli yihiin digirta, lawska, Iyo biinaska. Xulbaddu waxay asal ahaan kaso jeeda Koonfur-Bari Yurub iyo Galbeedka Aasiya, hadda waxa lagu beeraa waddamo badan sida India, Argentin, Masar iyo wadamada Mediterraneanka, Koonfurta France, Morocco iyo Lubnaan.Xulbadu waa mid ka mid ah dhirta ugu da’da weyn ee daawo ahaan loo isticmaalo, wadamada ugu badan ee u isticmaalana waxa ka mida Hindida iyo Shiinaha. Halkii qaaddo ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan: 35.5 oo kaloori ah 6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah 2.5 garaam oo borotiin ah 0.7 garaam oo dufan ah 2.7 garaam oo fiber ah 3.7 miliigaraam oo bir ah 21 miligaraam oo macdanta magnesium ah 32.6 miligaraam oo foosforas ah 0.1 miligraam faytamiin B6 ah Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada – Waxay sare u qaaddaa caafimaadka wadnaha. Milkiilaha Anne Danahy, RDN, ayaa sheegtay in maadada birta ee ku jirta xulbadda ay ka dhigayso cunto faa’iido u leh caafimaadka wadnaha. “Dadka intooda badan waxay ka fikiraan hilibka marka ay ka fikiraan cuntooyinka qani ku ah birta, laakiin sidoo kale waxay ku jirtaa dhirta iyo miraha sida xulbadda,” ayay tiri Anne Danahy. Macdanta iron-ta kujirto 100 grams oo xulbada waxay labojibaar kabadantahay xaddiga jirku ubaahanyahay maalintii. -Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka. Waxay u fiicantahay Caloosha oo waxa kujiro xaddi badan oo ah maadada faybarka (fiber) ah. -Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa. Xulbada waxaa lagu daaweeyaa caabuqa qumanka. Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga. Waxay ragga ka caawin kartaa kordhinta testosterona-ka iyo kordhinta tirada shahwada. Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo. Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa siibmidda iyo go’idda. Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado. Cilmibaaris badan aya lagu sheegay in xulbadu ay badiso caanaha hooyada maadama ay leedahay nafaqo aad ubadan Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka. Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka. Waxay xoojisaa shaqada Maskaxda: waxa kujiro xaddi badan oo vitamin B complex oo ka qayb qaadato shaqada neerfaha iyo samaysanka fariin wada yaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid. Waxay leedahay Tamar (energy) aad ubadan maadaama uu kujiro kaarboheydareyt badan bbcsomali Qaran News -
Guriceel (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah gaysay deegaanka Burujeed ee hoostaga magaalada Guriceel, kadib markii ay shalay soo weerareen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dagaal la galay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan halkaasi. Ciidamadan oo ka baxay aagga Dhuusamareeb ayaa gaaray furinta hore ee dagaalka, gaar ahaan agagaarka magaalada Guriceel, si ay ugu biiraan howlgallada ka socda halkaasi. Ujeedka ciidamadan cusub ee tagay Burujeed ayaa ah inay xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaankaas oo shalay dagaal adag la galay Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, kadibna ay ka warbixiyaan qorshahooda ku aadan dagaalka adag ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug. Labadan gobol oo hoostaga Galmudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. Barujeed oo ay shalay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, balse la kulmay iska caabin ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo isku xira koonfurta Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaase lagu soo warramayaa inay ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo xoogleh ka wadaan halkaasi, si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab. The post Ciidamo gurmad ah oo gaaray Burujeed iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa gabal-dhicii shalay ku soo bilowday diyaarado sida ciidamo lagu soo tababaray dalka Eritrea, kuwaas oo ilaa xalay saqdii dhexe soo degaayey. Ciidamada laga soo celinayo Eritrea qaarkood waxay dalka ka maqnaayeen in ka badan shan sano, waxayna ciidamadaan soo mareen tababarrada ugu adag ee ciidan la siiyo, maadaama dowladda gacanta ku heysay ee Eritrea ay tahay mid ku ad-adag arrimaha ciidanka. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee caasimadda, iyagoo soo dhaweynaya ciidamada laga soo daabulayo dalka Eritrea oo tababar adag ay ku soo mareen. Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho ilaa KM 4 waxaa xalay isugu soo baxay dadweyne aad u badan oo ku faraxsan dib u soo celinta ciidankii tababarka ugu maqnaa dadka Soomaaliyeed. Markii laga soo tago ehellada, waxaa banaan-baxaan xalay soo camiray dad badan oo ku faraxsan soo noqoshada ciidankaan u soo tababartay dalkooda. Waxaa la xiray jidadka muhiimka ah ee degmooyinka xiga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si aan loo dhibaatey ciidamadaan cusub. Ciidamadaan ayaa aad looga sugayey Soomaaliya, dalka ayaa ku jira waayo ay halgan adag lagula jiro Khawaarijta, waxayna inta badan ciidamadaan ku biirayaan dagaalka ka socda gobollada dalka. Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, waxaa maalin kasta Muqdisho imaa doona dowr diyaaradood oo sida ciidankaas, ilaa ay ka soo dhamaadaan ciidan ku dhow 8,000 oo dalka Eritrea tababar ku dhameystay. Dhawaan Madaxweynaha ayaa ciidamadaan ku kormeeray xeryihii lagu siiyey tababarka, heshiisyo uu qeyb ka yahay soo celinta ciidankaan ayaa dhex maray Xasan Sheekh iyo Maxaxweynaha Eritrea, waxaana hadda bilowday fulinta heshiiskaas. The post Sawirro: Dib u soo celinta ciidankii tababarka u jiray Eritrea iyo banaanbaxyo xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in dib loo furi doono marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar. Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israa’iil iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan. Boqolaal ton oo gargaar bini’aadanimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo iyo weliba daad-guraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza. Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaalada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan. Maraykanka ayaa Axaddii u magacaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bini’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza. El-Sissi, madaxweynaha Masar ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israa’iil ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa. “Falcelinta Israa’iil, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yiri madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda. The post Masar iyo Mareykanka war cusub kasoo saaray dagaalka GAZA appeared first on Caasimada Online.
-
Somaliland ayaa sida wararku sheegayaan bilowday in ay ciidamo ku daabusho ceelka lagu magacaabo God heeli oo ka tirsan degaanka Gar-dag ee gobolka Sanaag. Ciidamo ka tirsan Somaliland oo laga soo raray taliska Oog ayaa saldhig ka samaystay tuulada God heeli oo dhacda marin istiraatiiji u ah waddooyinka dhoodida ee gobolka Sool. Wararka ayaa intaas ku daraya in Somaliland dhaq dhaqaaq ciidan ka wado magaalada Ceerigaabo halkaas oo uu ku sugan yahay taliyaha ciidamada Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale maalin ka hor sheegay in Somaliland isu diyaarinayso dagaal rogaal-celin ah oo ku jihaysan dhulka SSC-khaatumo si ay dib ugu qabsato. Maamulka SSC-khaatumo ayaa dhankiisa ka hadlay dhaq dhaqaaqa dagaal ee Somaliland waxaana uu ka digay in colaad danbe laga abuuro degaannada labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-Khaatumo oo ka digay abaabulka dagaal ee Somaliland wado appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Axmed Diiriye (Toorno) ayaa xadhiga ka jaray dugsiga farsmada gacanta ee Haldoor, kaas oo laga hirgeliyay xaafada Digaale ee Koonfur-bari magaalada Hargeysa. Munaasibadii lagu daahfurayay dugsigani waxa ka qayb galay maayirka caasimada, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, xildhibaano iyo dadweynaha xaafada Digaale iyo marti sharaf kale. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sheegay in hirgelinta dugsigan ay iska kaashadeen dowladda dhexe, dowladda hoose iyo ururka Haldoor, waxaanu xusay in ardayda wax ka baranaysa iskuulkan gaadhiga soo qaadaya ay kharashkiisa bixinayso wasaaradda waxbarashadu. Masuuliyiinta ururka Haldoor, ayaa sheegay in dugsigan Farsamada gacanta ee maanta la daahfuray dhismayaasha lagu kordhiyay ay ka kooban yihiin, 4 xafiis, hoolka shirarka, hoolka dawaarka, 4 fasal oo loogu tallo galay in wax lagu barto iyo 2 qol oo gaara, maamulku waxa ay intaas ku dareen in dugsiga ay wax ka bartaan 50 arday, waxaanay xuseen in 35 arday oo ah bulshada xaafada Digaale iyaga lacag la’aan wax lagu baro. Masuuliyiintii kala duwana iyo martii sharaftii ka soo qayb gashay daahfurka dugsigani ayaa uga mahadqanay cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelintiisa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa caawa lagu qaaday weerar culus. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hogaaminayo ciidamo badan oo beeshiisa Gaaljecel ka soo kasoo jeeda, kuwaas oo u soo diyaar garoobay inay deegaanada beesha ka xoreeyaan kooxda Al-Shabaab. Jeesow ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay caawa ku soo qaaday weerar culus, isla markaana ay iska caabiyeen oo dagaalka ay ku jebiyeen kooxdii duulaanka ku soo qaaday fariisimahooda Yaaqbariweyne. Meydadka badan ayuu sheegay in Shabaab ay uga carareen gudaha magaalada, isla markaana ay berri soo bandhigi doonaan meydadka kooxdaas. Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidankiisa ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalkaas, isla markaana askartii dhaawacyadu soo gaareen ay caawa geeyeen saldhigga ciidamada Danab ee Ballidoogle, si loo daweeyo. Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al-Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, kadibna uu xigay weerar toos ah, kaas oo socday ilaa ay ka jebiyeen kooxdii soo weerartay ee Al-Shabaab. Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan magaalada Yaaqbariweyne oo caawa dagaalkaasi uu ka dhacay, isla markaana ay sii eryanayaan firxadka Shabaab-kii ku soo duulay. Xildhibaanka oo in ka badan bil ku sugan magaaladaas ayaa la weydiiyey sababta uu u joogo halkaas, wuxuuna sheegay in maalin kasta ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen inay kooxda ka xoreeyaan dhowr deegaan oo hoos taga degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose. Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka The post Wareysi: Al-Shabaab oo caawa weeraray deegaan uu joogay Xildhibaan Jeesow + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu shirkii Khamiislaha ee golaha wasiirrada ka jeediyey hadallo xasaasi ah, kuwaas oo aan lagu soo darin qeybtii la baahiyey. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn golihiisa wasiirrada ku canaantay sida qaarkood ay ula jaan qaadi la’yihiin halganka uu hoggaaminayo ee Khawaarij iska xoreynta ah, isagoo ugu goodiyey in wasiirkii dagaalka soo geli waayo uu xilkiisa weynayo. Wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan xitaa barahooda bulshada ku soo qorin guulaha dowladda iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuu sheegay in wasiirada qaar aysan ku qanacsaneyn dagaalka oo abaabulkii loo baahnaa aysan ka sameyn deegaanada ay metelaan. Sidoo kale wasiirrada xildhibaanada ah ayuu Madaxweynuhu ku canaantay in aysan difaacin danaha xukuumadda ay ka tirsan yihiin, isagoo si cad ugu sheegay in markii ay furmaan kulamada baarlamaanka uusan jirin wasiir xildhibaan ah oo dalka ka dhoofi kara, maadaama laga sugayo inuu guto waajibaadka ka saaran difaaca danaha xukuumadda. Madaxweynaha ayaa soo hadal-qaaday wadashaqeynta isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si cad ugu sheegay wasiirrada in muddo xileedkaan ay isla dhameysa doonaan isaga iyo saaxiibkiis Xamse, wuxuuna u digay wasiirada soo garab-mara Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad ugu sheegay wasiirada in shaqada looga dambeeyo oo amaradiisa ay fulaan Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka dhigan in Madaxweynuhu uu u caga-jugleeyey saaxiibadiisa golaha ku jira oo marar badan lasoo weriyey inay garab maraan Ra’iisul Wasaare Xamsa. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dastuurka, isagoo wasiirrada u sheegay in markii uu furmo kalfadhiga baarlamaanka la hor geyn doono kulamada ugu soo horeeya si loo ansixiyo dastuurka dalka, wuxuuna wasiirrada faray inay si xooggan u difaacaan go’aannada xukuumadda ay ka tirsan yihiin. Dastuurka dhawaan la hor geynayo baarlamaanka wuxuu Madaxweynuhu sheegay inuu dhameystiran yahay, isla markaana lagu cadeeyey nidaamka lagu hoggaami doono dalka, sida xisbiyada oo lagu soo koobayo laba kaliya, kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Qeybaha uu uga hadlay artimahaan waa laga jaray hadal jeedintii madaxweynaha ee kulankii golaha wasiirrada oo dhif ay tahay inuu shir guddoomiyo madaxweynuhu, balse Caasimada Online ayaa xogtaan ka heshay ilo goobjoog ahaa kulankaas oo dhacay Khamiistii lasoo dhaafay. The post Xog: Xasan Sheekh oo si adag u canaantay wasiirrada qaar, una sheegay arrimo u qorsheysan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha dunida ugu waaweyn adduunka ayaa Soomaaliya taageero xooggan ugu muujiyey dagaalka ay kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab, taasina waxaa caddeyn u ah shir dhawaan ka dhacay magaalada Ankara ee xaruunta dalka Turkiye. Waxaa sidaasi caddeeyay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Türkiye, kaasi oo sheegtay in Ankara uu ka dhacay kulan heerkiisu sarreeyo oo ay ka qeyb galeen dowladaha Türkiye, Qatar, Isutagga Imaaraatka Carabta ee Midoobay (UAE), Boqortooyada Dalka Ingiriiska the United Kingdom (UK) iyo Dowladda Maraykanka (USA). Kulanka ayaa waxaa lagu taageeray, weliba taageero buuxda lagu siinayo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee ka socda dalka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud hoggaaminayo, waxaana lagu soo waramayaa in dowladaha kulmay ay sheegeen, islamarkaana ay qireen in Soomaaliya horumar aan la soo koobi karin ay ka gaartay la dagaalanka argagixisada Shabaab-ka. Shirkaasi oo ka dhacay magaalada madaxda dalka Turkiye ee Ankara ayaa madaxdii ka qeyb-gashay waxay la isku raaceen in Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladdiisa lagu garab istaago dagaalka xooggan ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo jirta in si gaar ah oo aan qarsoodi aheyn ay xukuumadda Ankara ay si mug leh u taageertaa dagaalka Shabaab-ka iyo ka ciribtirkooda ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Mar haddii loo helay taageero heer caalami ah dagaalka xooggan ee lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa soo dhawaaday dhammaadka kooxda maleeshiyaadka ah ee Shabaab-ka, taasina waxaa caddeyn u ah mar haddiiba dowladihii waaweynaa ay xoog u taageereen dadaalka ay dowladdu ugu jirto ciribtirka Kooxaha xag-jirka ah ee ku dhuumaaleyta gudaha dalka. Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya oo ka hadlaayay howl-gallada socda ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dhulka Miyiga ah ugu mahadnaqay kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan howlgallada ay Ciidamada Qalabka Sida ku baacsanayaan Khawaarijta howdka ku dhuumaaleysanaaya. “Kalluunku wuxuu ku noolaan yahay biyaha, haddii barkadda biyaha ee uu kalluunku ku nool yahay laga daadiyo biyaha, kalluunka kuma noolaan karo, Argagixisada iyo Khawaarijta biyaha ay ku dhax nool yihiin waa shacabka, maantana Allah mahaddii Shacabkii waa ay arkeen in nimankaan aheyn kuwo ay sii xambaarsanaan karaan, wayna diideen waxay ku soo jireen 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. ”Cadowgii na xasuuqay Oktoober 14-keedii naguna xasuuqay magaalo kasta, oo Soomaaliya ku taal iyo Hoteel kasta iyo Isgoys kasta ee ku yaal Muqdisho, wali way u soo malabsanayaan sii daadinta dhigga Dadaka Soomaaliyeed ee qaaliga ah, haddii ay fursad kale helayaanna gumaadkaasi oo ka xanun badan ayay weli nala maagan yihiin, nasiib wanaag Maanta halistu way ka yar tahay, balse ma aysan dhammaan,” ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad uu kaga hadlay 14 Oktoober maalinkii lagu xasuuqay Isgooyska Soobe ee Muqdisho Soomaalidii ugu badnayd ee abid isku meel lagu dilo iyo kaalinta Ciidanka XDS, Culumada, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Dagaalka Khawaarijta u jeediyay Xalay Shacabka Soomaaliyeed. “Geesiyaal waxaad iftiin u tihiin xorriyadda dadka Soomaaliyeed ee aad ka dhalateen, waxay gura doonaan miraha nabadda ee maanta aad dhiigiina ku tacbeysaan, waxaan idinkula dardaarmayaa ‘waa la idinku seexdaaye ha seexanina,” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ciidamada ka balan-qaaday inuu kula noolaa doono furimaha jihaadka, “Waxaan idinla qeybsa doonaan xanuunka iyo farxadda guusha aad ka gaartaan jihaadka.” Wararka ugu dambeeyay ee laga helaayo goobaha dagaalada ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka ee ku sugan deegaanka Barujeed oo 40 KM dhanka Guriceel kaga began degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ay saaka ka hortagay weerar Khawaarijtu ku soo qaadday fariisimaha ciidanka xoogga ay ku leeyihin deegaankaasi. Guddoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macallin oo la hadlay Wakaaladda Waraka ee SONNA ayaa waxa uu xaqiijiyey in cadowgu dharbaaxo kulul kala kulmay weerarkii saaka, islamarkaana ay ciidamadu jabiyeen Khawaarijtii soo duulaan tegay. Kooxda weerarka soo qaaday ee Khawaarijta ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay duulaankaasi ay soo qaadeen, waxaana ay goobta dagaalka uga carareen meydad ay haleeshay rasaasta geesiyaasha, ciidamada ayaana sidii caadiga aheyd ku sugan saldhigyadooda. SONNA The post Soomaaliya oo taageero heer caalami ah u heshay dagaalka – Warbixin appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo. Mudane Xamza oo ka hadlayay shir looga hadlayay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka. “Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu sheegay in middaasi ay laf-dhabar u yihiin agaasimeyaasha guud dhaqan-gelinta geeddigaas dowladnimada casriga ah ee uu dalku u jiheystay. “Marka aad fiiriso Turkiga oo kale oo aan saaxiibo nahay soddan sano kahor halkee ayay joogeen, maantana halkee ayay joogeen, dowlad kasta bal fiiri halka ay soddan sano kahor joogtay iyo halka ay maanta joogto, waxay ku tusineysa in aad nalooga tagay.” Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la rabaa in aan xawaare dheereynaya ku dhaqaaqno, marka maadaama aan rabno in aan gaarno waa in intay socdaan in ka badan aan socono. Waxaa ii cadaatay in hayaankaas u dhaqaaqi karin haddii sidii caadiga aheyn u socono.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dalka ay ka dhici doonaan isbeddello waaweyn oo ay ugu horreeyaan cirib-tirka kooxaha argagixisada, deyn-cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo bixitaanka ATMIS. The post Daawo: Xamza oo sheegay sida kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto… appeared first on Caasimada Online.
-
Taliye Taani oo Booqday Gobolka Sanaaag Hargeysa(Qaran)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ku sugan Gobolka Sanaag ayaa soo kormeerey Xeryaha Ciidamada ee Magaalada Ceerigaabo. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu xilalkii u Kala wareejiyay Taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Sarreeyo guuto 6 Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee dhawaaan xilkaasi loo soo Magacaabay Gaashaanle Sare Cabdilaahi Suufi. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah. Xil ka qaadista uu madaxweynaha ku sameeyay guddoomiyaha Jaamacadda Umadda ayaa waxaa lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne uu sii-hayaha xilka guddoomiyaha Jaamacadda ugu magacaabay Dr Xasan Cismaan Gacal. “Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jsamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada. Sidoo kale waxa lagu yiri “Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u rajeeyey sii-hayaha Guddoomiyaha cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.” Ma cadda sababta xil ka qaadista Mahad-Allah, oo isagu maalmo kahor sameeyay isku shaandheyn dhinaca agaasimeyaasha ah. Si kastaba, Xil ka qaadista guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda ayaa imaneysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab. The post Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)- Waxa galabta Huuteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa lagu soo gabigabeeyay shirweynihii dhaqaalaha Somaliland ee labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday Xukuumadda, Bangiyada lacagaha iyo Hay’adah maaliyadeed ee kala duwan kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Qoddobadii laga soo saaray shirku waxay u dhignaayeen sidan :- Go’aamada shirwaynaha labaad ee Madasha Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland: 1. Shirku waxa uu soo jeedinayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland loogu bedeli lahaa dhaqaale ku fadhiya Adeeg Bixin (Service Economy) si loo dardar galiyo Horumarka Dhaqaalaha dalka. 2. Iyada oo laga ogsoonyahay doorka ay ku leedahay waxbarashadu gaar ahaan xirfaduhu Horumarinta Dhaqaalaha, shirku waxa uu ku baaqayaa in mudnaan gaar ah la siiyo horumarinta waxbarashada gaar ahaan xirfadaha (Human Capacity Development). 3. Shirku waxa uu ku baaqayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland ugu faa’iidaysan lahaa adeegsiga Tiknoolajiga (Digital Economy). 4. Fududaynta maalgashiga kala duwan waa furaha Horumarka Dhaqaale sidaa awgeed waxa shirku soo jeedinayaa in la xaliyo caqabadaha ay la kulmaan dadka raba in ay maalgashadaan dalka sidoo kalena hay’adaha Dawladdu ay yeeshaan wadashaqayn dhaw oo la xidhiidha maalgalinta. 5. Shirku waxa uu ku baaqayaa in dawladda iyo shacabka Somaliland ka wada shaqeeyaan sidii dhaqaalaha Somaliland ugu faa’iidaysan lahaa adeegsiga Tiknoolajiga (Digital Economy). 6. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha (Hard Infrastructure and Soft Infrastructure) waa laf-dhabarta Horumarka Dhaqaale sidaa awgeed shirku waxa uu ku baaqayaa in la fududeeyo maalgalinta dhinacyada dhaqaale ee soo socda: • Tamarta • Macdanta iyo Shidaalka • Waddooyinka • Biyaha • Heshiisyada Ganacsi ee Somaliland la leedahay Waddamada Jaarka ah (Trade and Transit agreements) • Tiknoolajiyadda 7. Shirku waxaa uu ku baaqayaa xoojinta hay’adaha Maaliyadda sida baananka iyo Shirkadaha Caymiska si ay kaalintooda ay uga qaataan horumarka dhaqaalaha dalka. 8. Shirku waxa uu ku baaqayaa in la dhamaystiro shuruucda fududaynaysa Horumarinta Dhaqaalaha sida shuruucda la xidhiidha maalginta. Qaran News
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga qeybgalay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco shirka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Adduunka iyo Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika. Wasiirka Maaliyadda ayaa hadal ka jeediyay Shirkaan Agaasimaha Guud ee IMF,Bangiga Adduunkaiyo Wasiirada Maaliyadda dalalka ay saameeyeen Colaadaha iyo Dhaqaalo yarida, shirkaas oo qeyb ka ah kulanka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya ayaa hadal jeedintiisaa diirada ku saaray sida Bangiga Adduunka iyo IMF ay uga falcelikaraan taageerada ay u baahan yihiin dalalka uu dhaqaalohoodu saameeyay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga ah oo Soomaaliya ay ka mid tahay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xal ku jaan go’an sinaan marka ay jiraan xaaladaha gaarka ah, waxa uu intaa ku daray in ay haboontahay in la tixgaliyo talooyinka iyo waxa uu dal walbo u arko in xalkiisa uu ku jiro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa uu raali-gelin siiyay dadka reer Koonfur Galbeed. Hoggaamiye Firdhiye ayaa reer Koonfur Galbeed ka raali-geliyay gefkii ay kal hore kula kacday xukuumadda Somaliland, ee ay kasoo raaftay magaalada Laascaanood, iyada oo ku eedeysay amni darro xilligaasi ka jirtay halkaasi. Hoggaamiyaha SSC ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dhibaatadii dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed loogu geystay Somaliland. “Maamulkaas (Somaliland) wuxuu dadkan usoo saaray dilalka qorshaysan iyaga ka dambeeya. Markii uu saaray oo uu musaafuriyay, dilalkii qorshaysnaa way sii labo jibaarmeen. Talo xumaa lagu saaray (reer Koonfur Galbeed) aanan waxba ku lahayn, dhibkii soo gaarayna waan ka xunnahay,” ayuu yiri hoggaamiye Firdhiye. “Waan ka raali-gelinaynaa dadka reer Koonfur Galbeed sidii qasabka aheyd ee guryahoodii looga saaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC oo ka qeyb-galayay barnaamij dood ah oo su’aallo lagu weydiinayay. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadkaasi inay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood, ayna dib uga billowdaan nolashooda, xilli ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidamada SSC. “Waxaa dooneynaa in dadkaasi (reer Koonfur Galbeed) ay kusoo laabtaan magaalada Laascaanood,” ayuu markale yiri hoggaamiye Firdhiye. The post Firdhiye oo raali-gelin siiyay reer K/Galbeed, uguna baaqay in ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Togdheer iyo Guddidii Guurtida oo gaadhaay Deegaanka Cali-saahid Burco(Qaran news)-Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Togdher Maxamed Ibraahim Nafaqo oo ay wehelinayaan xildhibaano golaha Guurtida ka tirsan ,Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta Somaliland ee Gobolka Tog-dheer,Cuqaal, Waxgarad iyo Culimo awdiin ayaa Kormeer ku tagay Degaanada Cali Saahid ee Gobolka Togdheer, halkaas oo laba beelo oo walaalo ahi dhawaan ku dagaalameen. Ujeeddada weftigaa ayaa hayd in heshiis buuxa laga gaadho in labadii beelood ee walaalaha ahaa ay heshiiyaan si nabadda loo wada qaato,waxaaney masuliyintaasi ku guuleysteen in kala diro dadkii walaaloha ahaa ee deegaamkaa Cali Saahid isku hor fadhidey. Weftiga Masuuliyiintaas ayaa kormeer ku soo marey deegaano ay kamid yihiin Cali saahid,Balli-samater,Balli-Ceynaashe iyo deegaano kale oo hoos yimaada Gobolkaasi Tog-dheer. Weftigaasi ayaa deegaanaddii ay soo marayeen waxay dadweynaha ku nool kula dardarmayeen sidii meel uga soo wado jeedsan lahaayeen ilaalinta nabadgalyada, waxaaney u sheegeen dadweynahaasi ciddii aragta qof shacab ah oo hub bilaa sharci sita in ay la soo socod siiyaan laamaha amniga si talabadii ku habooneyd looga qaadi lahaa. Taliyayaal ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland oo ka howlgala gobolkaasi Tog-dheer ayaa sheegay in qofkii nabadgalyada khalkhalka galinaya ka qaadi doonana talabadii ku habooneyn,iyagoo xusey in aaney u dul qaadan doonin qofkii bulshadda iska hor keenaya. Dhankoodana,xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa xusey inay ku guuleysteen hub ka dhigisna ku sameeyeen dadkii deegaanadaasi cali saahid isku hor fadhiyey, Xildhibanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa inay ku howlan yihiin in wixii tabasho ah ee jufooyinkaasi kala tabanayaan lagu xaliyo miiska wado hadalka. Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxmed Cabdilaahi oo gobagabadii halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ku bogaadiyey taliyayaasha ciidanka qaranka Somaliland kaalintii ay ka qaateen Bakhtiinta shaqaqadaasi cali saahid, waxaanu shacabka ku nool deegaanadaasi uu kula dardarmey guddoomiyuhu in ciidanka ay kala shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo xasiloonida deegaankaas. Qaran News
-
Taliyaha Ciidanka Debdamiska oo la Shiray Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Hargeysa(Qaran news)-Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland sarreeya guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), oo hawlo shaqo u jooga magaalada Berbera ee xarunta gobolka Awdal, ayaa la shiray, guddoomiyaha gobolka Saaxil, duqa degmada Berbera, Maareyaha Dekeddaha Somaliland, Maareeyaha kaydka haamaha shidaalka Berbera, iyo masuuliyiin ka socday Dp.world, Oomaar, Dost, Somgas iyo Shirkadaha Laydhka. Shirkani intii uu socday waxa lagu gorfeeyay sidii talo looga yeelanlahaa ka hortaga aafada dabka, maadaama magaalada Berbera ay tahay magaalo ganacsiyeed muhiima, isla markaana ay ku yaalaan goobo waa weyn oo halis u ah dabka. Sidoo kale Taliye Sawaaxili waxa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee dekedda, haamaha, hangarada iyo xarunta ciidanka dabdamiska ee magaalada Berbera. Gaba-gabadii waxa la isla qaatay in la sameeyo isku xidh ka dhaxeeya daneeyaasha taasoo si isku mida loogu soo gurmanayo hadba goobta wax ka dhacaan iyo in qiimeyntaas kadib la sameeyo agabka ku haboon ee ka hortagga. Qaran News
-
Daallo Airlines waxa ay ugu bushaaraynaysaa dhamaan macaamiisheeda iyo dadka jecel inay soo cumraystaan in ay shirkaddu kuu bilowday soo saarista visayaasha Cimradda Isla markaana ay socdaan duulimaadyadii cimrada ee tooska ahaa qiimuhuna yahay mid aad macquul u ah. Haddaba hore u gaadh xafiisyada shirkadda Daallo Airlines. Ama la soo xidhiidh Tell No: 523003 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray waddada cusub ee loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha oo uu wehlinayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa isla maanta xariga ka jaray waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda. Labadaan waddo ayaa waxaa si is-xilqaan ah ku dhisay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis. Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taasi oo ka tarjumeyso wada-jir iyo wax wada qabsi shacab. Sidoo kale waxa uu qeybaha kala ee degmooyinka gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda Muqdisho. Maamulka gobolka ayaa maalmo kahor dhagax dhigay dhismaha waddooyin kale oo cusub, oo ay kamid tahay waddo laga hirgalin doono suuqa labaad ee ugu weyn caasimadda ee Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid. Dhismaha waddooyinka ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, sidoo kalena qeyb ka qaadaneysa horumarka caasimada iyo bilicdeedaba. Si kastaba, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan tallaabooyinka lagu horumarinaayo dib-u-dhiska iyo bilicda magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Sawirro: Xasan oo xariga ka jaray wadada cusub ee madaxweyne Cali Mahdi appeared first on Caasimada Online.
-
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyey in maleeshiyaadka Shabaab ay saaka soo weerareen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo ku sugan degaanka lagu magacaabo Bar Ujeed oo u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in degaanka lasoo weeraray uu istiraatijiyad u leeyahay hawlgallada ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka, waxayna sheegeen in ciidanku halkaasi ay dhaqdhaqaaq ka wadeen. Kooxda Shabaab ayaa dhinacooda shegetay in maleeshiyaadkaadu ay qabsadeen saldhiggaasi ayna dileen tobannaan ka tirsan ciidamada dawladda, sheegashadaas oo aan si madaxbanaan loo xaqiijin. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaal ka dhacay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
President Said Abdullahi Deni spoke to the Puntlanders on October 13, 2023, two days after he returned from a trip during which he was out of the state for over 55 days. President Deni’s intention in that speech was to maintain the support of his followers, who seemed to have doubts about Puntland’s direction. His supporters witnessed the conference held by the opposition group on the same day the president arrived, where they discussed what was wrong with the democratization process that President Deni is planning to use to re-elect himself. The president was also out of the state for reasons that were not shared with the public. The Opposition’s Concerns There was disagreement among ministers regarding the conduct of local elections in which Bossaso city elected two different mayors. Other cities refused to hold elections when it became clear that the selection was not based on the number of votes that each party received, but on what selection would work in the district. With just over two months left before the scheduled election, the election had still not occurred in three districts in Nugal. The opposition group insisted that President Deni’s intention was to extend his rule by claiming that the Puntland Election Commission ( PEC) needed more time and that the Parliament would approve the extension. Many of President Deni’s supporters stated that they would not support him if he tried to extend his rule. President Deni knew that he was in a tough position, but he had to buy time to defuse the momentum the opposition group was gaining. This forced the president to hide his intentions and insist that he was still on plan, adding at the end of his speech that he would always follow the rules of the state and would respect the PEC’s plan. This implied that his intent and what the PEC would decide could be different. At the end of the speech, many supporters did not read between those lines and continued to support the president, even though they doubted the possibility of the election happening as the president had planned. One thing that all Puntlanders agree on is that for an election to take place, there should be a consensus agreed upon by all stakeholders and a level playing field on which every candidate would feel they have the opportunity to win, just as the president himself does. The election that President Deni is heading towards, set to take place on January 8, 2024, will not be an election in which all of the other candidates can participate because they do not believe they have a chance of winning when 11 out of the 12 Puntland Election Commission members are from the Kaah Party (7) and its association (4). President Deni urged those who want to run for president to join other parties, including his party, Kaah. Who in their right mind would participate in an election where President Deni’s chances of winning are forecasted to be 90%, not because he has the support of the people but because he has set up the system in such a way that other candidates do not have a chance? Fateful Choices There are two possibilities that President Deni can undertake in the next two months, both of which will lead to disaster. President Deni could wait until the Parliament reconvenes in October, at which time the PEC would present its plan for an extension to the Parliament, which would then approve it. If the President gets an extension when the opposition group is not part of the discussion, contrary to the terms of the Constitution, Puntlanders would not recognize the extension, and that would be the end of the president’s term. Alternatively, the President could walk the talk that he would hold the election on time, meaning that the candidates would be only the president and his groomsmen competing for the presidency. The legitimacy of that election would not be accepted in the Puntland state. The Path Forward The solution is straightforward. Puntland has existed for over 25 years, and the only reason it has lasted this long is because its elections were transparent. The rules of the election were something that all the candidates agreed upon and accepted, knowing they could win. Every president wanted to remain in office, but when the time came, the previous president would compromise to hold an election perceived as fair. No one is advocating that traditional elders selecting parliamentarians should be the only election method. People want to move forward with democratization, but democratization is not without compromise, and it should not be based on the president’s way or the highway. Democratization should be transparent, with all steps known in advance, and the Constitution should not be changed to benefit the president and his party after the election. It is clear that President Deni has failed to provide for the holding of a one-person, one-vote election on January 8, 2024, despite his intentions. It is time for President Deni to come to the negotiation table and agree on an election in which all other candidates have the same chance, based on the Constitution and best practices that Puntland has used before. The president should not make the next election the only election when it will be between President Deni and his groomsmen. No president in Somalia was able to dictate his way ever since the central government collapsed. President Farmajo was the last president to attempt to extend his rule without compromising with the opposition candidates, but in the end, he came to his senses and held an election in which all opposition candidates participated, thus saving Somalia from collapsing again. The President Deni needs to act now. By: Mohamed Abdiqafar Haji Hussein Email: mohabdhus@gmail.com Atlanta, Georgia. The post PRESIDENT DENI’S DILEMMA: THE PATH TO PUNTLAND’S FUTURE appeared first on Puntland Post.
