Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - A member of the Somaliland House of Representatives, Mohamed Abib, welcomed the Ethiopian government's interest in investing in the Saylac port in Somaliland just days after Prime Minister Abiy Ahmed declared Ethiopia's right to access the sea through peaceful means. Source: Hiiraan Online
  2. Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa shaaciyay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza oo ay maamusho Masar. Xoghayaha ayaa sheegay in ay kala shaqaynayaan Masar, Israa’iil iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan. Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar. Gaadiidka sida gurmadka bini’aadanimo ayaa ka war-sugayay heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo. PUNTLAND POST The post Dowladda Masar oo ogolaatay in ay furto Marinka Rafah appeared first on Puntland Post.
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa ka hadlay xaaladda murugsan ee Puntland, gaar ahaan muranka ka taagan doorashada maamulkaasi. Gaas ayaa ka digay in Puntland lamid noqoto Somaliland, isaga oo tusaale usoo qaatay xaaladda ka jirta maamulkaas ee ka dhalata muddo kororsiga madaxweyne Biixi. Ninkan oo sidoo kale horay ra’iisul wasaare uga soo noqday Soomaaliya ayaa ka digay in dib loo dhigo doorashadaPuntland, isaga oo sheegay inay tahay arrin laga haboon yahay. “Hadii ay dhaafto waxa ay noqoneysaa sunno xun oo la jideeyo oo hadhow Saciid Cabdullaahi Deni kan kasii dambeeya ay isticmaalayaan, sida hadda Somaliland ka taagan oo ah in qof uu iska fadhiyo inta waqti ku darsado” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Gaas. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale farriin u diray madaxweyne Saciid Deni, wuxuuna ugu baaqay in doorashada dhexda soo dhigo, kadibna uu ku qabto xilligeeda. “Aniga taladeyda waxaa weeye in doorashadaasi la qabto oo waqtigeedii lagu qabto oo ah sideeda January” ayuu mar kale ku yiri wareysiga laga qaaday. Waxaa kale uu shaaciyay xalka, isaga oo sheegay inuu jiro in doorashada loo wajaho hannaankii hore, isla-markaana ay beelaha soo xulaan xildhibaanada cusub ee Puntland. “Sida kaliya ee ay ila tahay oo ay ku suurtageli kartaana waxaa weeye sidii weligeed soo caana maalay oo ah in lasoo xulo xildhibaanadii 66-da ahaa, beeluhuna ay soo xushaan, dabadeedna dowladda imaaneysaahi ay dimuquraadiyadda dhaqan geliyaan” ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Garoowe uu ka taagan yahay is mari waa u dhexeeyo xukuumadda Deni iyo mucaaradka Puntland oo dhaq-dhaqaaq ka wada Garoowe. The post Gaas oo ka digay in PUNTLAND ay lamid noqoto SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Xasan Cumar Mahad Alle oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan waxa keenay xilka qaadistiisa. Mahad Alle ayaa sababta xilka looga qaaday ku sheegay in ay ahayd dagaal uu kula jiray musuq-maasuq ka dhex jira jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sida uu ku dooday Xilka qaadistiisa waxa uu tilmaamay inay ka dambeeyeen shaqsiyaad ku sugan gudaha iyo banaanka, isla-markaana ay kasoo horjeedeen dadaalka uu isagu waday ee musuqa. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan jaamacadda oo sameeyay wax isdaba marin, isla-markaana uu dacwadooda u gudbiyay hantidhowrka, si loogu sameeyo dabagal iyo baaritaano dheeraad ah. “Dadkii aan kala dagaalamayay musuq maasuqa aan kala joogsiga lahayn, wallaahi waa joogaan, jaamacaddaasna iyagaa la dagaa dagaaya,” ayuu yiri Pro. Xasan Mahad Alle. Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo ka tirsanaa Macallimiinta Jaamacadda Ummadda, balse u goostay dhanka kooxda Al-Shabaab. “Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi. “Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Jaamacadda Ummadda. Ninkan ayaa waxaa shalay cayriyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo kusoo aaday, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hay’addaha amniga baaris ku hayaan xubno Jaamacadda ah, tan iyo markii ay soo baxday in Nageeye Cali Khaliif oo ahaa macalin wax ka dhigi jiray Jaamacadda uu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab. The post Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda oo shaaciyay arrin keentay xilka qaadistiisa appeared first on Caasimada Online.
  5. Maraykanka, Israa’iil iyo Masar ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin ka dhacda koonfurta Marinka Qaza, si gargaar loo gaadhsiiyo dadka ay dhibaatadu saamaysay, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters. Reuters ka soo xigatay ilo dhinaca ammaanka ah oo Masar ka tirsan, balse dawladda Israa’iil ayaa beenisay inay wax heshiis ah gaadhay. Wakaalada wararka ee Reuters ayaa tilmaamtay in heshiisku uu dhaqan gali doono lixda subaxnimo ee saacada GMT, si gargaar looga keeno Masar. Wakaaladda oo soo xiganaysa xafiiska warbaahinta Xamaas ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka haynin heshiis ku saabsan xabbad joojin bini’aadantinimo. Ka dib, Isniintii Saakay Oo isniinaa waxay beenisay jiritaanka xabbad joojin ka socota koonfurta Marinka Gaza, nus saac ka dib markii ilaha ammaanka ee Masar ay ku dhawaaqeen in heshiiskan la qorsheeyay in la fuliyo. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay bayaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, kaasoo lagu yiri: “Hadda wax xabbad joojin ah ama gargaar bini’aadannimo oo Gaza ka jira ma jiro oo lagu beddelanayo in ajaaniibta laga saaro.” @Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka guud ee madaxweynaha oo isaguna ku sugnaa madasha. Xamza ayaa shaaca ka qaaday inuu isbeddalay muuqaalka madaxweynaha, isla-markaana uu yeeshay suurad kale, sida uu u taagnaa jiidda hore ee dagaalka Al-Shabaab. ‘Arganay madaxweynaha khayr allaha siiyo xittaa suurad kale ayuu yeeshay sida uu Jiida hore iyo furinta u taagnaa” ayuu yiri Xamza Cabdi Barr. Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in madaxweynuhu qaatay go’aan adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana uu toos u galay dagaalka ka socda dalka. “In jiidaas iyo furinta uu madaxweynaha taagan yahay innagu ma la taaganahay, haddaa nanay xubnaha golaha wasiirada, waxayna daliil u tahay inayna saaka isku ekeyn isaga iyo annaga” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa kale uu raaciyay “Intaas aynu isku ekeyn ayay micnaheedu tahay in madaxwyenuhu uu naga horreeyo, laakiin inaanu annaga dagaalka ku jirin sida uu ugu jiro si lamid ah” Horay madaxtooyada Soomaaliya ayaa uga hadashay arrintan oo si weyn u qabsatay baraha bulshada, kadib markii lagu baahiyay sawirrada madaxweynaha oo ay timaha ku baxeen. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Dige ayaa faahfaahin kooban ka bixiyay is bedelka ku yimid madaxweyne Xasan Sheikh, isaga ka hadlay is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka. , “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”. Sidoo kale wuxuu kusii daray “Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan,”. Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb ayaa muddo laba billood ah ku sugnaa furinta dagaalka, wuxuuse haatan kusoo laabtay magaalada Muqdisho The post Daawo: R/W Xamza oo ka hadlay isbeddalka ku yimid muuqaalka madaxweynaha appeared first on Caasimada Online.
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad ee sanadkan 2023 magaaladaas ku dilay hooyadiis, Xaliimo Maxamed Cumar. Marxuumadda oo aheyd 61 sano jir ayaa dilkeeda wuxuu eedeysanaha u adeegsaday toorey, sida ay horay u shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland. Edeysanaha ayaa sidoo kale maxkamadda kasoo muuqday isaga oo qiranaya inuu si ku talagal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta. Xasan ayaa intii ay socotay dacwaddiisa maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas. Intaas kadib maxkamadda ayaa saaka soo saartay xukunka dil oo lagu riday Xasan Cabdullaahi Cabdi, kadib markii ay fadhiyo kala ka yeelatay kiiska ninkan oo ay si aad ah isha ugu hayeen dadka Soomaaliyeed. “Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dabmiibe, Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 sano jir ah, ina Xaliimo Maxamed Cumar ku dhashay Baardheere, deggan Kismaayo oo wakiilu dacwo u yahay Maxamed Daahir Ibraahim dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Xailiimo Maxamed Cumar 61 jir ah ina Baar Cismaan Cabdi” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda. Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ” Qodobka 434. X.C.S. qof kastaa oo sababa dhimashada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa dil”. Sidoo kale maxkamadda ayaa ballan qaaday in xukunka dilka ah ee lagu ridday ninkan la fulin maalmaha soo socda. Ninkan gacan ku dhiiglaha ah waxaa horay usoo qzbtay ciidanka booliska Jubbaland, kadib markii uu geystay dilka Hooyadiis, isaga oo markaas isku dayey inuu baxsado. Si kastaba, Kiiskan ayaa argagax ku abuuray reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna haatan dadku muujiyanaan inay ku faraxsan yihiin dilka lagu xukumay. The post Jubbaland oo toogasho ku xukuntay nin dilay hooyadiis appeared first on Caasimada Online.
  8. Maxkamadda Magaalada Kismaayo ayaa saaka shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday 29 bishii 8aad ee sannadkaan Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad Magaaladaas ku dilay hooyadiis lagu magacaabi jiray Xaliimo Maxamed Cumar. xukunka dilka ah ayaa maxkamaddu sheegtay in maalmaha soo socda la fulinayo, wiilkaan ayaa la sheegay in dibadda laga soo celiyay waxaana geeyay xarun dadka lagu dhaqan ciyo, taas oo keentay khilaafka isaga iyo hooyadii dhashay uu dilay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) - Several casualties are feared following an attack by al-Shabab militants on a security checkpoint in the Yaqbari Weyne district of the Lower Shabelle region on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  10. Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta ciidamada Itoobiya ay madaafiic xoogan ku garaaceen hareeraha degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in madaafiicda lagu duqeeyay hareeraha degmada, ayna gaarayeen ku dhowaad lix hoobiye. Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS ka gaysteen agagaarka magaalada Diinsoor. Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab oo badanaa weeraro culus kusoo qaaday ciidamada ku sugan halkaasi. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicdaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Ciidanka Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday gobollada Baay iyo Bakool, waxaana marar kala duwan ay dagaallo la galeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Inta badan dagaallada ayaa ka dhasha weeraro culus oo dhabagal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku qaado ciidamadan, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Baayl iyo Bakool. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa si toos ah uga qayb qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaa ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay hareeraha DIINSOOR appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo wareysi bixiyay ayaa uga digay madaxweyne Siciid Deni in uu mudda kororsi isku dayo. Madaxweyne hore Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku baaqay in doorashada madaxtinimada Puntland wakhtigeeda lagu qabto islamarkaana ay ku dhacdo nidaamkii hore ee 66-da. “Doorashadu waa in ay wakhtigeeda ku dhacdaa 8 Jan ay dhacdaa haddii ay dhaafto waxay noqon doontaa sunna xun oo la jideeyo cid kasta isticmaasho sida hadda Somaliland ka taagan” ayuu yiri Cabdiwelo Gaas. “Waana in doorashada lagu qabto sidii lagu soo caana-maalay 66 oo ay beeluhu soo xulaan xubnaha Baarlamanka waana sida ugu sahlan oo looga badbaadi karo shiddo iyo shaqaaqo ka dhacda Puntland” ayuu sii daaciyay. Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale baaq u jeediyay isimada Puntland waxaana uu ku boorriyay in ay qaataan doorkoodii samata-bixinta Puntland si looga baaqsado qalalaase amni. PUNTLAND POST The post Cabdiweli Gaas oo Siciid Deni uga digay in uu mudda kororsi samaysto appeared first on Puntland Post.
  12. Antony Blinken Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar, si looga gudbiyo gargaar u socda magaalada Qasa oo todobaadkii labaad weerarro ay ku socdaan. Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan, kaas oo muddooyinkii dambe xirnaa, waxaana furitaankaan uu ku soo aadayaa xilli Masar iyo Turkiga hore uga wadahadleen Marinkaan. Madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sissi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israel ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa lagu qaaday marinka Qasa, kaas oo dhimasho iyo dhaawac badan sababay. “Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka. Boqolaal ton oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka. Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan, kaas oo sababay in todobaadkii labaad weerar ay Israel ka wado marinka Qasa, waxaa sidoo kale dheer in dhinaca Xamaas ay wali Gantaalo ku garaacayaan Israel. Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza. Goobjoog News Like Comment Share Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo la sheegay in dhowaan uu ku biiray kooxda Al-Shabaab kaas oo kamid ahaa Macalimiinta Jaamacadda, sidoo kalena ahaa Abwaan caan ah oo si weyn looga yaqiinay dalka. Prof Mahad Alle ayaa marka hore sheegay in Nageeye uu ugu yimid Jaamacadda, isaga oo bare bare ah, wuxuuna tilmaamay inuu mar mara ugu imaan jiray xafiiskiisa. “Nageeye wuxuu ahaa dadka ii yimaada, hadda markii iigu dambeysay waxaa ii yimid isaga iyo wiil madow oo dhalinyaro ah oo uu i baraayay, sababta uu i baraayay ma xasuusto inuu shaqo u raadinayay iyo in kale ma ogi” ayuu yiri gudoomiyihii xilka laga qaaday Mahad Alle. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Isaga wuxuu isaga kaa dhigaa nin qatar ahoo yacni leebal kaaga ah, aniga waxaas kuma jirin nin shaqo ayaan ahaa waa iknoor gareyn jiray , marka xiriir fiican ma laheyn aniga iyo isaga”. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Abwaan Nageeye Cali Khaliif uu si weyn uga soo dhex muuqday jaamacadda, isla-markaana uu ka fursad badnaa macallinta kale. “Waxyaabaha aan la yaabi jiray weligey waxay ahayd simister kasta 4 maado ugu yaraan haddii aysan ka badneyn ama 5 maado ayaa loo dhiibi jiray Macallimiinta caadiga ah saddex ma helaan 1 iyo 2 ayaa lagu tuuraa, isaga 4 maado ayuu helaa” ayuu raaciyay. Prof Xasan Cumar Mahad Alle ayaa sidoo kale qiray in ninkan lala shaqeynayay, isla-markaana uu qaadanayay mushaar ka badan midka ay qaataan ragga kale. “Waxaan arkay laba mushaar oo isku xigta oo uu qaatay midna $1,800, midna 41,900, barane sida uu ku qaato lacagta noocaas waa adag tahay, marka shaki waxaa i galay in loo salaxaayay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Prof Xasan Cumar Mahad Alle. Kiiska Abwaankan ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan, waxaana barasha bulshada qabsaday nuqul kamid ah buug uu dhammeystiray bishan October kaas oo uu ugu magac daray DIBAD-WAREEG, wuxuuna kusoo bandhigay qoraal muujinaya inuu hiil u yahay Al-Shabaab The post Xog cusub oo ku saabsan arrinta NAGEEYE + Video appeared first on Caasimada Online.
  14. Prime Cabinet Secretary and Cabinet Secretary for Foreign Affairs Musalia Mudavadi and National Security Advisor Monica Juma are scheduled to leave for Haiti for a second assessment mission. Source: Hiiraan Online
  15. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo xoogan ka billaabay degaanka Burujeed oo hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib weerarkii qaraxyada ku billaawday oo shalay ay ku qaadeen Al-Shabaab. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa isku fidiyay degaannada u dhow Burujeed, sigaar ah degaannada ku teedsan wadada xiriirisa degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud. Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkan ay uga jawaabayaan weerarkii ay shalay Al-Shabaab kusoo qaadeen, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay kla xorreyaan degaannada ay weerarada kasoo abaabulaan. Waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socda ay sii laba jibaari doonaan howlgallada ilaa iyo inta ay la wareegayaan degaannada iyo degmooyinka ku yaalla Bariga Gobolka Galgaduud, sida Ceelbuur, Galhareeri, Dac, Jacar,Bargaan iyo degaannada kale. Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Burujeed ee Gobolka Galgaduudayaa sheegaya in Ciidamada ay weli Aagaasi howlgallada ka wadaan, iyaga oo doonaya inay degaano dhowr ah kala wareegaan Al-Shabaab. Dagaalka ka dhacay deegaanka Burjeed ee gobolka Galgaduud ayaa saraakiisha hoggaaminayso waxaa ay sheegeen in Al-shabaab lagu jabiyay wallow labada dhinac uu soo gaaray khasaare kale duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka Antony Blinken ayaa Axaddii sheegay in dib loo furi doono Marinka Rafah ee ku yaalla xuduudda Gaza, kaas oo ay maamusho Masar Xoghayaha ayaa sheegay inay kala shaqaynayaan Masar, Israell iyo Qaramada Midoobay, sidii gargaarka loo marin lahaa marin xuduudeedkan. Boqolaal tan oo gargaar bini’aadannimo ah oo ka kala yimi dalal kala duwan ayaa maalmahanba ku xayirnaa gacanka Siinaay ee Masar, kuwaas oo ka war-sugayey heshiis dhex mara dhinacyada ay arrintani khusayso, si loo helo marin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyo weliba daadguraynta dadka haysta dhalashooyinka ajnebiga ah ee ku xayiran gudaha Gaza. Masar ayaa sheegtay inay kor u qaaday dedaallada diblomaasiyadeed ee wax lagaga qabanayo ismari-waaga taagan. Maraykanka ayaa Axaddii u magcaabay David Satterfield inuu noqdo ergeyga Maraykanka ee hawlaha gargaarka bani’aadanimo ee bariga dhexe, isaga oo hoggaamin doona, sidii looga jawaabi lahaa xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan marinka Gaza. Madaxweynaha Masar Abdifatah el-Sissi ayaa u sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka, in Israel ay u falcelisay si aan isku dheeli-tirnayn, iyada oo qaaday weeraradii cirka ee ugu cuslaa. “Falcelinta Israell, si weyn ayay uga duwan tahay, xaqa is-difaacidda, waxayna keentay inay si wadar ah u ciqaabto in ka badan 2.3 million oo qof oo ku nool marinka Gaza,” ayuu yidhi madaxweynaha Masar oo shir jaraa’id la qabtay xoghayaha arrimaha debedda. Source
  17. Xilli xiisadda ka dhalatay weerarka Iseal ee Qasa ay sii kordheyso ayaa waxaa soo baxaya walaac reer Galbeedka iyo Mareykanka ay ka qabaan in dowladda Iran ay kusoo biirto dagaalka, iyadoo ciidanka dalkaas heegan buuxa la galiyay. Iiraan ayaa sheegtay in haddii Israa’iil aysan joojin “dagaalka iyo xasuuqa”, ay xaaladdu faraha ka bixi karto ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’an oo aan la mahdin, waxaana arrintaan ay u muuqan goodin ay Iran u dirayso Israel. Iiraan ayaa intaas ku dartay in mas’uuliyadda hubinta inaysna xaaladdu kasii darin ay la taallo Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka iyo dalalka qaar, xilli ay wadamo dhoer ah ay cabaareeyeen xaaladda ka taagan Qasa iyo duulaanka Israel. Goor sii horreysay, wuxuu kulan magaalada Dooxa ku dhex maray hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdullahian, isaga oou ballan qaaday in si buuxda ay u garab taagan yihiin dhankooda. Amir-Abdullahian ayaa ammaanay weerarka Xamaas ay ku qaadday saldhigyada Israa’iil toddobaad kahor isagoo ku tilmaamay “guul taariikhi ah.” Taas oo lagu hakiyay weerarka duulaanka Israel eek u damacsan tahay qabsashada Qasa. Duulaanka dhulka ee Israel ku qaadayso Qaza “wuxuu horseedi karaa xasuuq aan horay loo arag”, madaxda Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa bayaan wadajir ah ku sheegay in loo baahan yahay Qaramada Midoobay tallaabo ay qaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Raysal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo kulan la yeeshay Baarlamaanka dalkiisa ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay inay midoobaan dalalka geeska Afrika sida Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritariya si awood buuxda looyeesho, isagoo xusay in haddii ay dowladahani midoobaan ay noqon lahaayeen dal wayne sida Ruushka iyo Shiinaha oo kale ah oo aan cid kale u baahnayn. Dhinaca kale mar uu ka hadlayay damaca Itoobiya ee ah in bad uu yeesho dalka Itoobiya waxa uu Abiyi Axmed sheegay in arrinta badda cas ay u baahan tahay wadahadal dheer oo Itoobiya la yeelato dalalka deriska la ah dalka Itoobiya, isagoo sidoo kale xusay in arrimahaa badda haddii lasoo hadal qaado ama laga hadlo ayna keenayn isku dhac ama khilaaf, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in marnaba aanu dalkiisu diyaar u ahayn khilaaf ama isku dhac ka dhasha arrimaha badda cas. “Jabuuti waxaa maalgashaday Shiinaha, Berberana waxaa maalgashaday Imaaraadka, sidoo kale Muqdishana waxaa maalgashaday Turki, haddaba dalalkaasiba dekadahaas ayay maalgashadeen ee maxaa Itoobiyana u diidaya inay sidaa oo kale maalgashi u samayso oo ay dekad maalgashato” ayuu yidhi Abiyi Axmed. Haddaba si maalgashigaasi ugu hirgalo Itoobiya waxa uu Abiyi Axmed sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu bixiyo saamiyada Biyo xidheenka Abay, Shirkadda Duyllimaadyada Itoobiya iyo Isgaadhsiinta Itoobiya “Annagu haddii aanu maalgashano dekadaha Saylac, Asab iyo kuwo kale idinkuna kaalaya maalgashada Biyo xidheenka Abbay oo saamiga boqolkiiba 30 ama 20 qaata, ama Shirkadda Duullimaadka Itoobiya sidoo kale boqolkiiba 30 ama 20 saamiga qaata oo anagana dekad nasiiya” ayuu yidhi Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed. Ugu dambayn, waxa uu xusay Abiyi Axmed inaysan macquul ahayn in dal 120 milyan ah oo sannado kaddibna ku dhawaanaya ama ka badanaya ilaa 150 milyan oo qof ay bad la’aan sii ahaadaan, isagoo xusay in si nabad ah oo aan khilaaf iyo iskudhac ayna ku jirin ay Itoobiya u raadsanayso xuquuqdeeda oo ay ku jirto sidii ay bad u heli lahayd, waa sidoo hadalka u dhigay Abiyi Axmed oo ah Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya. Itoobiya ayaa ah dal muddo dheer aan wax bad ah lahayn iyadoo bad uu dalkaasi yeesho ugu dambaysay wakhtigii ay Eritariya kamid ahayd dalka Itoobiya, dalka Itoobiya waxa uu hadda isticmaalaa dekadda Jabuuti oo wixii ay Itoobiya dhoofinayso ama lasoo degayso waxay Itoobiya isticmaashaa dekadaa Jabuuti. Source
  19. Ugandan police foiled a bomb attack on churches by the Allied Democratic Forces (ADF) rebel group in central Butambala district, President Yoweri Museveni has said. Source: Hiiraan Online
  20. Qatar Charity (QC) projects have enhanced food security in Somalia, along with more than 50 countries around the world, a statement said Sunday. Source: Hiiraan Online
  21. The Somali National Army (SNA) on Sunday foiled a suicide car bomb attack on a military base in the Bari-ujeed region in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Cisbitaalka Haldoor Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo ku tagay cisbitaalka Daryeel ee magaalada Hargeysa. Cisbitaalka Daryeel ayaa ah cisbitaalkii xilligii xannuunka Covid-19, dalka uu ka jiray ay xukuumadda Somaliland u qorshaysay in la dhigo bukaanada uu soo rito Safmareenka Covid-19. Wasiirka ayaa mid mid u maray qaybaha kala duwan ee cisbitaalku ka kooban yahay, waxaanu kulamo la qaatay bukaanadii ku jiray cisbitaalka, isaga oo ka wareystay xaaladooda caafimaad, waxaanu dhakhaatiirta gacanta ku haysa daaweynta bukaanadaasi faray inay sifiican ugu adeegaan. Geesta kale wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland, Xasan Maxamed Cali, ayaa kulan la qaatay Maamulka Cisbitaalka Daryeel, isagoo ka dhagaytay warbixino kala duwan oo ku saabsan habsami u socodka Cisbitaalka iyo halkay marayaan hawlihiisa shaqo. Qaran News