-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaza (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa habeenimadii Salaasada wuxuu gilgilay cusbitaalka Gaza, waxaana la xaqiijiyey inay halkaas ku dhinteen in ka badan 500 oo qof. Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu maanta safar ku tagayo Israa’iil si uu taageero ugu muujiyo. Ururka Xamaas ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay weerartay cusbitaalka magaalada Gaza ee al-Ahli Arab Hospital, iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay inay cusbitaalka yaalleen “boqolaal qof oo dhaawac ah, qaar badan oo ka mida dadka barakacay, bukaano kale, caruur iyo haween.” Mas’uuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 500 oo qof. Xamaas ayaa qaraxa ka dhashay weerarkan ugu yeedhay “dembi xasuuq ah, kaas oo markale soo bandhigaya wejiga foosha xun ee cadawga dembiilayaasha ah iyo weliba dawladeedaa faashiistaha iyo argagixisada ah”. Biden oo markii hore qorsheeyey inuu safar ku tago dalka Urdun si uu ula kulmo qaar ka mida hoggaamiyayaasha carabta ayaa haatan wararku sheegayaan inuu baajiyey safarkaasi. Aqalka Cad ee Maraykanka oo sii daayey warsaxaafadeed, lagu soo beegay xilligii uu madaxweyne Biden ka dhoofay Maraykanka, ayaa lagu sheegay “In ka dib wada-tashi uu la yeeshay boqorka Urdun King Cabdallaha labaad, islamarkaana iyada oo lagu jiro maalmo baroordiiq ah oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, in Madaxweyne Biden uu dib u dhigay safarkiisii qorshaysnaa inuu ku tago Urdun, halkaas oo markii hore la filayey inuu kula kumo madaxda Masar iyo Urdun.” Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in “Madaxweyne Biden uu tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkii cusbitaalka Gaza, isaga oo inta dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah. Madaxweyaha ayaa sii wadaya inuu si dhakhso ah madaxdan si fool ka fool ah ula tashado, isla markaana uu ula xidhiidho maalmaha soo socda.” Danjiraha Falastiin u jooga Qaramada Midoobay Riyad Mansour ayaa Salaasadii sheegay “Walaalahayaga Urdun, waxay yidhaahdeen, shir ma yeelanayno iyada oo xaaladdan lagu jiro … waxa keliya ee macne samayn kara ayaa ah – haddii [Biden] uu hirgelinayo xabbad-joojin, isla markaana uu odhanayo, waxaan halkan u imi inaan dhaqangeliyo” ayuu yidhi. Xamaas ayaa bishan October 7-deedii waxay weerar argagixiso ku qaaday Israa’iil, kaas oo ay dileen illaa 1,400 oo qof, iyaga oo wakhti dheer diidanaa inay aqoonsadaan dawladda Yuhuudda The post 500 oo ku dhintay duqaynta Israel ee isbitaalka Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Prof. Samatar oo Walaac ka Muujiyay Damaca Itoobiya ee Dekedaha Soomaalida Muqdisho(Qaran)- Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku baaqay inay Soomaalidu wada jir u diido inayvItoobiya Deked weydiisato. Prof. Samatar wuxuu sheegay in Abiy Ahmed sheegay inuu xoog wax ku doonayo, loona baahan yahay in laga taxadaro. Sidoo kale wuxuu sheegay in aanay Itoobiya hatsan kacag adag oo ay deked ku maalgashato balse ay doonayso inay caalamka ka soo amaahato, iyadoo Soomaaliduba ka amaahan karto dunida dhaqaale ay ku horumariso dekedaheeda. Prof. Samatar wuxuu intaas ku daray in haddii loo ogolaado dekedda Saylac ee Somaliland uu magaaladaasi ka dhigi doono dhul Itoobiyaan oo aakhirka la wada qabsado, sidaas darteed wuxuu soo jeediyay in shicib iyo xukuumadba laga gaashaanto qorshahaas halista ah. Prof. Samatar oo ka tursan aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u soo jeediyay dawladda Xasan Sh. Maxamuud inay dad xul ah u dirto Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay sixay ugu wargeliyaan damaca Itoobiya. Qaran News
-
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo la Kulmay Maamulka Xarunta Barashada Dastuurka Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda . Waxaana kulankaasi goob joog ka ahayd Agaasimaha guud ee Wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, la taliyayaal iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxeedyada Wasaaradda . Intii kulanku socday ayaa waxa lagaga wada hadlay waxyaalihii u qabsoomay xarunta,Caqabadihii ka hor yimi iyo sidii hawlaha shaqo ee xarunta halkaa uga sii socon lahayeen. Dhanka kale waxa kulanka lagu soo bandhigay Astaamaha Qaranka iyadoo la isla qaatay in Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawlada laga saxo adeegsiga Astaamaha Qaranka. Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda oo kulanka soo xidhay ayaa Maamulka Xarunta tababarada Dastuurka iyo Waddaniyadda uga mahadnaqay hawlaha shaqo ee ay xarunta ka wadaan,waxaanu ku bogaadiyey Shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan. Qaran News
-
Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje ayaa Xildhibaan Guruuje ugu baaqay inuu is dejiyo oo uu tudhaalaha ka tagin. Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in Itoobiya ay maalgashato dekedda Saylac, hadii ay sifo sharci ah u istcmaalayso taasi oo dad badani ka biyo diideen. “Saaxiibkay Mamed Abiib oo beryahanba aan orodkiisa saluugsanaa waxaan leeyahay soo baydh oo arrimaha nabadgelyada iyo kuwa Qarannimada khuseeya laguma degdego. Lagumana kala qaybsamo,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur Guruuje. Waxa kaloo uu ku tusaaleeyay tix kooban oo uu Xildhibaan Maxamed Abiib ugu sheegay in sitaasaddu ka dhigan tahay turub iyo ciyaar ee aan loo baahnayn degdeg iyo fudayd. Xildhibaan Guruuje wuxuu intaas ku daray inuu Xildhibaanka ay saaxiibka yihiin ku dhaliilsanaa sidii uu uga hadli jiray dagaalka Laascaanood iyo qaabka uu u naqdiyay madaxweynaha. Qaran News
-
Fiidkii caawa Israa’iil ayaa duqeysay isbitaalka Al-Macmadaani ee ku yaalo Gaza, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 500 oo qof. Muuqaallo laga duubay markii ay Israa’iil gantaalka la dhaceysay isbitaalka ayaa muujinayo in Gantaalka lagu dhuftay uu ahaa mid jihaysan, waana arrin caddayn u ah in si ku tala-gal ah loo beegsaday isbitaalka. Wasaaradda caafimaadka Qaza ayaa sheegtay in 500 oo qof ay ku dhinteen duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil la beegsadeen Isbitaalka Al-Ahly Baptist ee Qaza. Weerarka Isbitaalka Al-Ahly Baptist ee magaalada Qaza waxa uu noqonayaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee hal goob ka dhaca tan iyo 2008 , oo ay Israa’iil ka geysato dhulka Falastiiniyiinta. Madaxa siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ayaa hadda ugu baaqay Falastiiniyiinta jooga Qudus iyo daanta galbeed ee la heysto inay magaalooyinka ka baxaan oo ay dagaalka ku biiraan, wuxuu ku sheegay duqeynta isbitaalka inay noqon doonto duufaan horleh oo weerarradooda awood siineysa. Wuxuu caddeeyay inaysan marna joojin doonin dagaalka illaa ay Israa’iil ka saarayaan dhammaan dhulka Falastiin, isagoo intaa ku daray duqeynta arxan-darrada ah inay Israa’iil ku qarinayso jabka gaaray. Inta badan Madaxda dalalka Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkan bahalnimada ah waxaana wadamada Muslimka qaarkood ka bilowday bannaanbaxyo kala duwan oo looga horjeedo xasuuqa Israa’iil ku hayso Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post In ka badan 500 oo ku dhintay duqayn Israa’iil ku qaaday isbitaalka Al-Macmadaani appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo galabta ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir ayaa aad u canaantay siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya ku metela beesha, isagoo soo jeediyey in hadii sidaan ay wax ka bedeli waayaan loo gacan qaado. Jananka ayaa sheegay in xildhibaanada iyo wasiirrada beesha Habargidir ay taleefanada ka qaba diideen, isla markaana la keeni waayey shir ay waxgaradka beeshaas maanta ka yeesheen tarxiil ganacsatada Habargidir loogu geysto dalka Zambia. Jeneraal Indhacadde ayaa odayaasha beesha Habargidir kula taliyey inay metelaada beesha kula xisaabtamaan xildhibaanada iyo wasiirrada ku metela dowladda Soomaaliya. “Hadii aad weysaan ku weerara guryahooda, tuuryeeya oo gaadiidka ku dhagaxyeeya, anigaa raadiyey siyaasi kasta waana soo waayey, taleefanka ma qabtaan, ninka aniga taleefan iga qaba waayey odayaashaan wax kama maqlaayo,” ayuu yiri Indhacadde. Sidoo kale Jananka oo ka aragti duwanaa odayaashii beesha ee kulankaas ka hadlay oo iyagu eedeeyey beesha Majeerteen oo ay sheegeen inay ka dambeyso tarxiilkaas, ayaa ku taliyey in arrinta aan la qabyaaladeyn, maadaama dalka Zambia uu leeyahay dowlad iyo kala dambeyn. “Zambia waa dal madax-banaan, Majeerteen malaha, dowladda dowladda Soomaaliya ma laha, jawaabta wixii dhacay waxaan ka sugeynaa dowladeena, iyada ayaa ka masuul ah dadkaan,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde. Sidoo kale Jeneraalka ayaa sheegay in Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Habargidir ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas uu la kulmay dhac, jir-dil iyo tarxiil, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay ka soo jawaabto sababta keentay in Suldaanka dhibkaas loo geysto. “Waxaan qabiil uma tiiri karno, hadii qabiil uu qabiil kale weeraro natiijo ma imaaneyso, waxaas horay ayey noo soo mareen, maanta in qabiil loo laabto sax maaha, wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaan ka rabnaa cadeyn buuxda oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri. Jeneraal Indhacadde ayaa beeshiisa Habargirdir aad uga codsaday in arrintaan aysan qabiil Soomaaliyeed uga aar-goosan, “Yaan ficil qabiil lala aadin arintaan, Zambia Majeerteen malaha, laakiin waa lagu kala awood badnaa karaa, dowladda ayaan ka rabnaa cadeynta sidii wax u dhaceen, hadii aan jawaab ka weyno dowladda, waxaan tallaabo ka qaadi doonaa siyaasiyiinta nagu metesha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde. Hoos ka daawo The post Daawo: Indhacadde oo si adag uga hadlay tarxiilka Zambia iyo metelaada Habargidir ee DF appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta cadaaladda loogu raadinayo dadka ay beegsadaan kooxaha xagjirka ah ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin dhan $5 milyan. Lacagtaan waxaa la siinayaa qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado, meelna lagu hubsado mid ka mid ah hoggaamiyayaasha al-Shabaab oo lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha guud ee Khawaarijta al-Shabaab. Sannado badan wuxuu ninkaani soo ahaa madaxa milariga ee kooxda al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha oo ah dagaalyahanada weerarrada tooska ah fuliya. Bishiin Jannaayo ee sannadkii 2018-kii, ayaa Wasaarada Arrimaha Dibeddu ay Abuukar Cali Aadan ku daray liiska argagixisada. Maraykanku waxaa sidoo kale uu sannadkii hore kordhiyey lacagaha abaalmarinta ah ee lagu doonayo labada hoggaamiye ee kale Axmed Diiriye oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda iyo Mahad Karate oo ah nin khatar badan. Maraykanka ayaa sheegay midkiiba inuu ku bixinayo $10 milyan oo dollar, lacagtaas waxaa la siinaya qof kasta oo macluumaad dhameystiran ka keena xubnahaas. Sannadkii 2008 ayuu Maraykanku uu kooxda Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur aragagixiso oo halis ku ah xasiloonida caalamka. The post Mareykanka oo malaayiin dollar ku raadinaya hoggaamiye khatar badan oo Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo xiray Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday Caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taas oo ay ka qeyb qaateen khuburada hormarinta dowladnimada ku taqasusay. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuqmaasuqa iyo saboolnimada, isagoo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena. “Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh”. Aqoon is-weydaarsiga Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya oo soconayey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa qeyb ka ah dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada, khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allah unaxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagua aasay wariye Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ku geeriyooday qarax xalay ka dhacay Muqdisho, waxaana lagu aasay Qabuuro ku yaalla duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb galay aaska marxuumka, iyaga oo siweyn looga hadlay shaqsiyadiisa iyo kaalintii warbaahineed, Qoyska iyo asxaabadan ayaa qeyb ka ahaa Janaasada Qeys. Aaska marxuum Qeys oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar ka mid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb galay jinaasada iyaga oo Allah u weydiiyay JanatulFardowsa inuu geeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Habargidir ayaa maanta shir gaar ah ku yeelatay magaalada Muqdisho, waxaana kulankaas laga soo saaray war-saxaafadeed farriin loogu diray dowladda Soomaaliya. Habargidir ayaa ka cabaneysa tarxiil iyo dhac dad u dhashay beesha loogu geystay dalka Zambia, dadka u hadlay beesha ayaa eedeyn culus u jeediyey safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas. Waxgaradka beesha Habargidir ayaa maanta shirkaan wax iskaga weydiiyey waxyaabaha sababay in si gaar ah dadkooda looga soo tarxiilo dalka Zambia. Suldaan Guutaale Axmed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Zambia, sidoo kalena ahaa guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas oo lasoo tarxiilay ayaa maanta ka soo qeyb galay shirka ay isugu yimaadeen waxgaradka beesha Habargidir. “Meesha waxaa ka jira hab qabiil oo abaabulan oo xiriir la leh hey’’adaha meesha ka jira, dowladda Soomaaliya ayaa wax ka qaban karta, hadii ay la xiriirto dowladda Zambia oo dadkeena loo adeegsanayo, ayuu yiri Suldaan Guutaale Axmed oo laga soo tarxiilay dalka Zambia. Wuxuu intaas ku sii daray, “Anigu waxaan ahay nin idinka dhashay oo la soo tarxiilay, kuwo aniga iga horeeyey oo idinka dhashay ayaa sidaan oo kale loo galay ee go’aan qaata.” Odayaasha kale ee shirkaas markii uu soo dhamaaday warbaahinta la hadlay waxay si cad u sheegeen in beesha Majeerteen oo heysata safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ay dadka ka soo jeeda Habargidir u geysaneyso tarxiilkaan. “Safaaradda Soomaaliya madaxda dowladeena u joogta ayaa naloo adeegsanayaan, safaaradaas dhamaan dadka jooga hala bedelo, meeshaas waa quruntay, in la xaaqo waaye dadka dowladda u jooga,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha hadlay. Wasiirkii hore ee warfaafinta Galmudug Axmed Falagle oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, “Anagu ma calaacalno, hadda ayaan ugu adagnahay intaan soo joognay adduunkaan, hadda ayaan guddi qabaneynaa, waana la aadayaa Zambia.” Hoos ka daawo war-saxaafadeed shan qodob ah oo laga soo saaray shirkii maanta ee beesha Habargidir The post Daawo: Habargidir oo ka cabaneysa Majeerteen oo soo saartay 5 qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Ra’iisul Wasaare Xamza oo hal arrin faray Golaha Wasiirrada
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray aqoon is-weydaarsiga hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee u danbaysay ka socday caasimadda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Golaha Wasiirrada in ay ficil u beddelaan aqoonta iyo waayo aragnimada casriyeynta dowladnimada ee madasha lagu soo bandhigay, taasi oo ay ka qeyb qaateen khubaro caalami ah iyo madax aqoon durugsan u leh horumarinta iyo casriyeynta dowladaha. Mudane Xamza ayaa xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena. “Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Xamza ayaa dhawaan qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo. “Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.” Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka. The post Ra’iisul Wasaare Xamza oo hal arrin faray Golaha Wasiirrada appeared first on Caasimada Online. -
Since the PM of Federal Republic of Ethiopia Dr Abiy Ahmed announced that his country is exploring all options to secure a port for Ethiopia, either through negotiation, “give and take,” and/or “force”, his intention sharply increased the suspicion among littoral countries in the region. PM’s call to acquire sea access by force is a concerning proposition for the peace-loving people in the region. Resorting to aggression and military action is not only extreme but also unwise and irrational, particularly a region with a history of conflict in the better part of the recent memory. This was particularly true for Somalis, when PM Abiy vividly mentioned that one of the potential spots in which he wishes to seemingly annex is Saylac – Somalia. Instead of escalating tensions and jeopardizing the stability of the region, it would be far more productive to seek peaceful resolution. Source: Hiiraan Online
-
Since the PM of Federal Democratic Republic of Ethiopia H.E. Dr Abiy Ahmed announced that his country is exploring all options to secure a port for Ethiopia, either through negotiation, “give and take,” or “force”, the concern of the littoral countries in the region about his intention has increased sharply. PM’s call to acquire sea access by force is a concerning proposition for the peace-loving people in the Horn of Africa region because resorting to aggression and military action is not only extreme but also unwise and irrational, particularly in a region with a history of conflict in the better part of the recent memory. Unsurprisingly, when PM Abiy mentioned his intention that one of the potential spots in which he wishes to seemingly annex is Saylac – Somalia, it was translated that there will be a new era of escalating tensions between the two countries, jeopardizing the hard-earned stability of the region. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Horjooge Mahad Aw Cismaan Sabriye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee gobolka Galgaduud. Ninkan ayay dowladda sheegtay inuu ahaa Madixii Jabhadaha Al-Shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad, deeganada Budbud, Cowsweyne iyo Masagawaa. Horjoogaha isa soo dhiibay ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Shabaab-kii ugu sareeyay kooxda ee dhibaatada ku haysay shacabka Ceeldheer iyo Galcad, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Hagar Barre oo ah hoggaamiyaha Macawiisleyda ka howl-gasha degaanada hoostaga degmada Galcad. “Ninkaan wuxuu ahaa shaqsigii ugu sareeyey maleeshiyaadka Khawaarijta ee dhibka badan ku haysay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad,” ayuu yiri Hagar Barre. Galcad ayaa kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gulufka socda ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan uga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab oo sanado badan gacanta ku haysay. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan. Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan. Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan. The post Madaxii ugu sareeyay Shabaab-ka GALCAD oo isku soo dhiibay dowladda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
NAIROBI, (Reuters) - The Kenyan shilling weakened to a new low against the dollar on Monday, according to LSEG data. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE New Era of Artificial Intelligence (AI) Grips World’s Imagination as GITEX Global 2023 Enters 2nd Day More than 50% of smart cities have embraced AI with 5G technology, enabling faster and more reliable communication for connected devices DUBAI, United Arab Emirates, October 17, 2023/ — Pony.ai, a global robotaxi unicorn, weighs global expansion as the world embraces autonomous mobility; His Excellency Omar Sultan Al Olama, UAE Minister of State for AI, Digital Economy and Remote Work Applications, addresses the inaugural CTO World Congress. As the UAE hosts the world’s largest tech and startup show, Dubai unleashed a new era of global AI dominance at GITEX GLOBAL 2023. The event, currently underway at Dubai World Trade Centre until October 20, brings together the world’s brightest minds, forward-thinking governments, and the most advanced companies to redefine the boundaries of the AI economy and shape the future of technological revolution on the planet. GITEX GLOBAL Explores the Future of Mobility As driverless car trials continue throughout the world, including the UAE, the impact of driverless mobility on society is starting to be felt. Pony.ai, a $8.5 billion Toyota-backed robotaxi unicorn, designs autonomous vehicles with active deployments in Silicon Valley, Beijing, and Guangzhou. Speaking at GITEX GLOBAL, Pony.ai co-founder and CFO Dr. Leo Wang said he sees a viable path toward Middle East expansion. The region’s traditionally friendly business environment and readiness to adopt advanced AI technology provide an excellent incentive for innovative businesses. “With its extensive exhibitor list of global tech leaders, GITEX GLOBAL represents the vast breadth of technology available for robocar brands to help forge broad industrial ecosystems,” he said. Competition is ramping up in the emergent autonomous driving space. Dr. Wang welcomes the rivalry. “Competition is always welcome because the technology and the market potential are progressing much faster. So, you don’t want to be the only player in the field; you want a diverse field so we can all progress together.” CTOs Confront the Generative AI Era Generative AI is reshaping the CTO’s playbook, as it requires a new mindset and skill set for leading and managing software development teams. CTOs are under pressure to embrace generative AI as a strategic asset and a competitive advantage to foster innovation and collaboration among developers while addressing the potential challenges and risks of generative AI, such as data privacy violations and AI ethics. On day two of GITEX GLOBAL, His Excellency Omar Sultan Al Olama, UAE Minister of State for Artificial Intelligence, Digital Economy and Remote Work Applications, attended the inaugural GITEX CTO World Congress, the year’s largest gathering of tech architects and disruptors. Delivering a keynote on the occasion, H.E. lauded the efforts of GITEX and the CTO World Congress, calling it a platform that brings together the best and brightest, fostering cross-fertilization among startups, individuals, and scientists from around the world to shape the future of technology. Smart Cities: The Future is Now More than 50% of smart cities have embraced AI with 5G technology, enabling faster and more reliable communication for connected devices. But this grand vision faces numerous challenges – cybersecurity risks lurking in the shadows, data privacy concerns threatening our every move, while interoperability issues muddy the waters of progress. In a high-level discussion on the future of smart cities, Chris Wan, Associate Director of Sustainability & CSR, Masdar City, was joined by Jordi Vaquer, Secretary General, World Association of Major Metropolises, Spain; Dr Nasser Saidi, Founder and Chair, Clean Energy Business Council MENA and Thomas Debass, MD & Chief Partnerships Officer, US Department of State discussed ‘Making the Zero Dream a Reality: Decarbonising Cities by 2050’. The conversation delved into the critical motives for achieving net zero goals as early as possible, citing factors like population growth. The speakers emphasized the daunting task of investing in sustainable urban development and explored potential solutions, including phasing out fossil fuel subsidies to redirect resources toward net zero objectives, implementing a carbon tax and attracting private sector funding in energy transition projects. The 43rd edition of GITEX GLOBAL (www.GITEX.com) takes place from 16-20 October 2023, the blockbuster tech showpiece once again reaching full capacity at the Dubai World Trade Centre as it prepares to host more than 6,000 exhibitors and 180,000 tech executives from 180 countries. GITEX GLOBAL and Expand North Star comprise a combined 41 halls spanning 2.7 million sq. ft of exhibition space, a 40% growth year-on-year with 1,800 startups across both. The events converge the best minds and most visionary companies to scrutinise, challenge, define, and empower the digital agendas of the world. Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka oo Qabtay Shir Lagaga Arrinsanayey xumada Dengue Fever Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa xafiiskiisa ku qabtay shir lagaga arrinsanayay qaabka loo waajahayo xumadda dengue Fever oo dalka mar labaad ka dilaacday. Kulankan waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cusbitalada, isu’duwaha wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Marood-ijeex, agaasimaha Cisbitaalka guud iyo madaxda Cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee aan dawliga ahayn. Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa shirkan la iskula qaatay in la adkeeyo wadashaqaynta isla markaana la joogteeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wasarada iyo cusbitalada aan dawliga ahayn sidoo kale waxan laysla meel dhigay sidii looga horti lahaa xumada cusub ee hada wadanka ka jirta ee kududiyaha (Dengue fever), waxan kulankani ku soo gabo-gaboobay is afgarad iyo sidii adeega caafimaadka dalka meel looga soo wada jeedi lahaa guud ahaan dawlada iyo xarumaha gaarka loo leeyahayba. Kulankan uu gudoominayay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka ee Somaliland kana qabsoomay xafiiskiisa ayaa kusoo dhamaaday jewi deggen. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay hadal uu shalay ku taageeray Xildhibaanka Maxamed Abiib damaca Itoobiya ee dekedda Saylac. Maxamed Abiib oo kamid ah xubnaha golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in dekeddaasi lasiiyo Itoobiya, si ay u maalgashato, kadibna faa’iido uga hesho Somaliland. Hadalkaan ayaa dadka qaarkood si weyn ugu dhaliileen Xildhibaanka, oo isagu ku dooday in Itoobiya ay sifo sharci ah ku rabto dekedda Saylac, taasi oo sidoo kalena ay qabaan qaar kamid ah dadka ka fal-celiyay hadalkiisa. “Waxan aaminsanahay in ay sifo sharci ah ku doonayaan, meeshan aynu ku noolnahay waad ogtihiin dhibaatada duruufta dadkeena haysata, dekeda Berbera maahee 20 dekedood oo kale in la sameeyaana dadka reer Somaliland ayay dan u tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abiib. Haddaba sidee looga fal-celiyay hadalka Xildhibaanka? Cabdirasaaq Kayse: “Kan bari horaan ka hadhay waayo waxaanu garan karin hadalka ah ‘waa inaan deked helnaa xoog iyo xeelad midkood’. Maalgashiga maad yeelan ee waa lagu maal-siiyay.” Cabdijibaar Maxamed Aadam ayuu yiri “War Ina Abiib inuu intaas ka aragti fog yahay ayaanba u haystee saw kaas isku jaray ee baahi gudabiirsigu qabo uun ka hadlay Ethiopia miyaa uu leeyahay waa soo dhaweynaa, war Ethiopia irsaaqad ka heli-mayside danta maanta waxa ka weyn tan mustaqbalka.” “Inay maal-gashato waa sax hadaan laynaga qaadayn,” ayuu yiri Cabdirisaaq Ismaaciil. Cabdikariin Suleyman Cali ayuu sidoo kale yiri “Xildhibaankaan horay waan u taageeri jiray balse aad iyo aad baan ugaga soo hor jeedaa qodobkani.” “Maxamed nin xun maaha laakiin aqoontiisa ma hadlo deg deg iyo ku soco weeyi,” ayuu yiri Mahdi Maxamed. Maxamed Axmed Ibraahim: “Qaadasha iyo kiraynta way kala tahay. Ethiopia waxay rabta inay si toos uqaadato, arrinka yaan la ogolaanin.” “Waan soo dhawaynaa sida Berbera in laga dhigo Saylac,” ayuu yiri Mawliid Siciid. Saciid-Hanad Ciise: “Ninkani tolkii buu la rabaa in deked hesho oo ay ka maarmaan tan Berbera ee kama ahan wadan jacayl iyo dhibka iman kara Ethiopia.” Suhayb Dugsiiye ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Waan kugu raacsanahay Xildhibaan.” “Ethoipia hadhow yaa kaa dul kicin dhul horaa ku maqane,” ayuu yiri Axmed Cabdi. Maxamud Cabdi Yuusuf: “Aragtida Xildhibaanka waan soo dhawayanayaa 100%.” The post Fal-celin xooggan oo ka dhalatay taageerada Xildhibaan Abiib ee damaca Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Southern Lebanon CNN — On the face of it, the crossfire on Lebanon’s border with Israel appears marginal, dwarfed by the scale and intensity of the Hamas-Israel war further south. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga ka jaray 130 dhisme oo lagu kordhiyey goobaha Waxbarashada ee dalka Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb galay munaasibada xadhig ka jarka dhismayaasha lagu soo kordhiyey dugsiyada waxbarashada oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska. Waxa halkaa ka hadlay masuulinta wasaaradda Waxbaradhada oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud, Mudane Cabdirisaaq Jaamac Nuur (Naakhuude), Marwo oo ku hadashay afka hay’addaha wasaarada ka taageerada dhinaca Waxbarashada, Gudoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof Saleebaan Dirir Cabdi, Wasiirka Waxbarashada iyo sayniska Mudane Axmad Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Wasiirka horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali shire oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimada waxbarashada iyo dhismayaasha cusub ee u soo kordhay ay dalka iyo dadka u leeyihiin. Ugu danbayntiina waxa munaasibadda ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ku boggaadiyey hanaanka quruxda badan ee nuxurka lagu soo koobay ee wakhtigana lagu ilaaliyey waxaanu yidhi madaxweynuhu “Horta waxaan wasaaradda ku hambalyeynayaa inay wasaaradaha iyo hay’addaha kale baraan in marka shir la qabanaayo nuxurka uun laga raaco oo wakhtiga la ilaaliyo oo lasoo koobo, wasaaraddii tacliinta ayaad noqoteenoo aqoon baad u bilowdeen wasaaradihii kale, kuwa kalena waa inay idinku raacaan dhammaantood iyo dawladaha hoose, hay’addaha madaxa banaan waa in qaabkaa loo shaqeeyaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa”. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Wasaaradda uga mahadceliyey hirgelinta dhismayaasha cusub iyo dhiirigelinta Farsamada gacanta “Waxaan u mahadnaqayaa Wasaaradda dhismahan badan ee ay dhamaysay siday ugu jeedisay Aqoontii in loo wareego dhinaca Farsamada gacanta oo Artiiskii badnaa ee la baranaayo laga baxo, sannadkii dhawayd markii ugu horaysay 150-arday Xirfadlayaal ah ayaa waxbarasho u tegay dibada oo isgu jira Master, Degree, Diploma oo ka kooban inta aynu u baanahay, Xoola-dhaqasho, Beero, dhisme iyo adeeg, adduunku maanta adeeg bu u guuray oo lacag laga helaa”. Madaxweynuhu waxa uu xusay in lacagta ku baxday dhismayaasha cusub ee waxbarashada inta ugu badan ay bixisay dawladdu “tan aynu maanta u joognaa waa 130 dhisme lacagta ku baxday waa 6500,000 oo dollar (Lix milyan iyo shan boqol oo kun oo doollar) Lacagta intaa leeg 4500,000 Somaliland ayaa bixysay, Somaliland markay isu tagtay waxaan u arkaa inay tahay tallaabo aad u weyn marka itaalkeena dhaqaale loo eego, waxaanan ku rajo weyn-nahay inaan sannad walba kordhino oo wax ku darno si aynu u hanano halka aynu la doonayno Tacliinteena”. Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xusay in macaliniinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ay sameeyeen Naf-hurnimo ballaadhan “Wasaaradda waan hambalyeynaynaa hawsha inoo taallaana waa ballaadhan tahay waxa qudha ee aan hoosta ka xariiqayaa horumarkaa aynu gaadhnay ee dhisme leh ee arday badan leh waxay ku yimaadeen nafhurnida macalimiinta iyo shaqaalaha wasaaaradda oo aan daryeel qaranka ka helin laakiin naftooda u horay bay ku timi waana xaqiiqo aynu isla wada ogolnahay” Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu ka hadlay saamaynta Sixir-bararka bulshada saameeyey eek a jira dalka isagoo ugu bushaareeyey bulshada in si deg deg ah wax looga qaban doono “Dhibaatooyinka jira maanta waxa ka mida Sicir-bararka, way xanuun badan tahay waayo qofka shaqaalaha ah ee naf-hurnimada intaa leeg sameeyey ee wixii uu qaadanayey bishaa 20% ay lumaysaa waa mushkilad soo korodhay, isagoo qudha ma haysatee dalkoo dhan bay haysataa waayo hawshii uu qabanaayey baa hoos u dhacaysa sidaa darteed dawladda iyo wadaagayaasha dhaqaalaha maalmahan waxay ka shaqaynayeen sidii sixir-bararkaa wax looga qaban lahaa ee loo joojin lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa, wararkii ugu danbeeyey ee ay isoo gaadhsiiyeen waxa weeye iyaga, shirkadaha waa weyn iyo Baananka dhammaan waa laga tashaday dadweynaha waxaa loogu maqan yahay gurmad in laga qabto sixir-barbarka oo halka uu joogo hoos looga dhigo”. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - The director of Somali Cable Television, Abdifatah Moalim Nur, known as Qeys, was laid to rest in Mogadishu on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii TV-ga Somali Cable Muqdisho Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ay Al-Shabaab ka geysatay caasimada. Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb-galay aaska marxuumka oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar kamid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb-galay jinaasada iyo aaska marxuum Qeys. Qaraxa ayaa waqtigii uu dhacayay waxaa maqaayada Blue Sky ku sugnaa dad badan oo halkaasi ku caweynayay, kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal. Marxuumka ayaa kamid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howl-gelayey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Qaraxan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea. Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa kamid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah. Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa Bar-Kontrol oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey. The post Wariye QEYS oo maanta lagu aasay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
