-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - Kenya's Cabinet Secretary for Defence, Aden Bare Duale, arrived in Mogadishu on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Isbitaalka Al-Ahli ee Gaza kaas oo ay ku dhinteen boqollaal Falastiiniyiin ah, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya in kabadan 500. Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliiya ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqeynaa Israa’iil in ay ixtiraamto Sharciga Caalamiga iyo xabbad joojin deg deg ah oo shuruud la,aan ah “. Dad ka badan 500 oo qof oo u badan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeynta Xalay ay isra’il la beegsatay Isbitaalka Al- Ahli, taas oo dunida siyaabo kale duwan ay uga hadashay wax aka dhacay . Inta badan dowladaha caalamka iyo ururrada samafalka ayaa sidoo kale cambaarayn xooggan u jeediyay gebi ahaan duqymaha lagu beegsanayo shacabka ee ay Israa’iil ka wado marinka Qasa ee Falastiin. Hadalka kasoo baxay dowladda Soomalaiya ayaa kusoo aadaya xilli dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta ay si isku mid ah ay u cambaareeyeen, falka Israel ay ku weerartay Isbitaalka marinka Qasa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa hadda ka degay Isreal, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo raysal wasaare Netanyahu, iyaga oo ka wadahadli doona xaaladda ka taagan magaalada Qasa. Laakin waxaa la baajiyay kulamadii uu la yeellan lahaa hoggaamiyaasha Carabta, gaar ahaan madaxda dalalka Masar, Urdun iyo Falastiin, kadib markii boqor Cabdallaha II uu diiday safarka madaxweynaha. Baajinta safarkaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli habeenimadii xalay duqeyn khasaare Israel ay ka geysatay isbitaalka Al-Ahli eek u yaalla marinka Qasa , kaas oo sababay geerida in ka badan 500 oo ruux. Madaxweynaha Mareykanka safarka uu tagay Israel ayaa waxaa uu kala kulmayaa dhaleeceen dalalka Carbeed, xilli taageero indho la’aan ah Israel uu ku siiyay xasuuqa ay ka wado marinta Qasa 12 maalin. Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqanaya Israel, xilli wadamada carbeed madaxdooda ay diideen in ay kulamo la qaataan, kadib weerarkii lagu qaaday isbitaalka Al-AHLI oo dadka lagu daaaweeynayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa toddobaadkii tegay ka digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka. Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah. Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad). “Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri. Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka October 13, ayaa Abiy uu ku sheegay in Itoobiya ay “xuquuq dabiici ah” u leedahay inay si toos ah marin ugu hesho Badda Cas, haddii la diidana “aysan dhex-dhxaadnimo iyo caddaalad jiri doonin, haddii caddaalad aysan jirinna uu waqti un naga xigo inaan dagaalanno.” Waxa uu soo jeediyay in dawladdiisu ay saami ka bixin biyo xireenkeeda Grand Renaissance ee Itoobiya, si ay saamiyo la mid ah uga hesho dekedaha dalalka deriska ah. Eritrea ayaa ku tilmaantay hadalka ra’iisul wasaaraha mid “xad dhaaf ah” waxayna tiri “arrintu waxay wareerisay dhammaan kormeerayaasha ay khusayso.” Alexis Mohamed, oo ah la-taliyaha sare ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in mowqifka Abiy uu ahaa mid soo jireen ah, inkastoo hadda loo soo gudbiyey si muuqata.. “Jabuuti waxay sugi doontaa in Itoobiya ay soo jeediso hab nabadeed oo ay marin ugu hesho Badda Cas, iyadoo la aqoonsanayo in Jabuuti ay mar walba u furan tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyo gaar ahaan Itoobiya,” ayuu ku yiri khadka taleefanka. Waxa uu xusay in Jabuuti ay mar hore fursad u siisay ciidamada badda ee Itoobiya inay helaan bad. The post Soomaaliya oo Itoobiya ka diiday inay wada-hadal kala gasho helitaanka BAD appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho. Aadan Barre ayaa kulan wadatashiyo ah la qaadan doona wasiir Jaamac ku aaddan iskaashiga iyo sidii loo dardargalinta howlgallada Al-shabaab ee deegaannada Jubbaland oo wajigaan ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo ka socda dowladaha safka hore oo heshiis la galay dowladda Safarka wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladdu dhowaan ay ku dhawaaqday in howlgallo ka dhan ah Al-shabaab lagu qaadi doono deegaannada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la qorsheeyay in laga qaado wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Dowlada Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkaan dambe lahaa xiriir wanaagsan, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhanka amniga, ganacsiga iyo isku socda muwaadiniinta, waxaana Aadan inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulan la qaadan doonaa madax kale duwan oo dowladda ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarka lagu qaaday isbitaal ku yaalla Gaza oo la tilmaamay in Israa’iil ay ku dileen shan boqol oo ruux. Xoghayaha oo ku sugan magaalada Beijing ayaa ku baaqay xabad joojin isagoo dhinaca kalena yiri “weerarada Xamaas qiil uma noqon karaan ciqaabta wadajirka ah ee loo geysanaayo dadka Falastiiniyiinta”. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay madal lagu xusaayey 10 sano guurada Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha ayaa ku baaqay Xamaas inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ku jirta gacanteeda,halka Israa’iil uu sidoo kale ugu baaqay inay si degdeg ah u oggolaato helitaanka gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza. Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 500 oo qof ay ku dhinteen weerarka, kaasoo ay si weyn u cambaareeyeen madaxda caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka, kaas oo lagu laayay dad rayid ah, kuwaas oo intooda badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladaha Carbeed oo la filayay inuu maanta booqasho ku tago madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen, taas oo lagu micneeyay taageerada Maraykanka ee Israel iyo wixii xalay ka dhacay Isbitaalka Al- Ahli ee magaalada Qasa oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo ruux. Safarka Joe Biden ayaa la filayay inuu maanta oo Arbaco ah uu ka bilowdo magaalada Tel aviv, isaga tagi lahaa sidoo kale dalka Urdun si uu ula kulmo madaxda Masar iyo Falastiin si uu kala hadlo xaaladda Qasa. Go’aankaasi Urdun ku hakisay safarka Biden wuxuu hoosta ka xariiqay taariikh qalafsan oo u dhaxaysay Urdun iyo Israel oo dib ugu laabanaysa aasaaskii dawladdii dambe oo sii wadda inay saameyn ku yeelato dhaqdhaqaaqa gobolka,sidoo Jordan ayaa baajisay xalay Shir-madaxeedkii maanta dhici kalahaa dalkaas. Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheeagay in madaxweyne Biden uu joojiyay dhankiisa safarkii Urdun uu ku tagi lahaa, kadib markii dowladdaas ay joojisay booqashadiisa iyo kulankii uu kula madlansanaa Joe madaxda Masar iyo Falastiin, sida uu qorshuhu ahaa madaxda ay aka wadahadli xaaladda ka jirta Qasa. “Ma booqan doono dalka Urdun kadib markii wadanku joojiyay qorshihii shir madaxeedka Masar iyo arrinta Falastiin, , taas oo dhabarjab ku ah dadaallada diblumaasi ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dagaal u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo khatar ku ah in gobolka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad. Dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Al- Ahli ayaa dunida hadalheyn badan ka keentay xilli ay Qaramada Midoobay Israel uga digtay galista dambiyo dagaal, waxaana arrintaan si adag uga hadlay dowladaha Turky, Masar, Iran, Qatar, Cuman iyo Jordan, kuwaas oo sheegay inaan la aqbali karin waxii dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarka Israa’iil ku qaadday isbitaal ku yaalla Gaza oo ay ku dishay in ka badan 500 oo ruux. Xoghayaha oo ku sugan magaalada Beijing ayaa ku baaqay xabad joojin isagoo dhinaca kalena yiri “weerarada Xamaas qiil uma noqon karaan ciqaab wadareedka lagu samaynayo dadka Falastiiniyiinta”. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay madal lagu xusaayey 10 sano guurada Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha ayaa baaq u jeediyay labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas. Xamaas ayuu ugu baaqay in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ku jirta gacanteeda,halka Israa’iil uu sidoo kale ugu baaqay in ay si dhakhso ah u oggolaato helitaanka gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza. Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ilaa 500 oo qof ay ku dhinteen weerarka isbitaalka, oo ay si weyn u cambaareeyeen madaxda caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka. PUNTLAND POST The post Antonio Guterres oo cambaareeyay xasuuqii Israa’iil ka geysatay isbitaalka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay ku dhawaaqay in waddooyinka caasimadda Muqdisho loo bixinayo magacyo Soomaali ah. “Waxaan rabnaa in waddooyinka magacyadooda badalno oo u bedelno Soomaali, dadkii halgamayaasha ahaa in aan u beddelno ayaa rabnaa haddii Ilaahay yiraahdo,” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Madaale. Arrintaan ayaa waxaa si kala duwan uga fal-celiyay bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood soo dhaweeyay, halka kuwa kalena ay sheegeen in macno badan soo kordhineyn magac bedelka waddooyinka iyo kuwa cusub loo bixinayo. Dadka aragti dambe qaba ayaa aaminsan in ay muhiimadda koowaad tahay in caasimadda hesho waddooyin ku fulin, halka kuwa cusub iyo kuwii hore la dayactirayo loo dhiso si tayo leh oo horumarsan. Maamulka gobolka oo ugu horreeyo guddoomiye Madaale ayaa maalmihii u dambeeyay dhagax dhigay waddooyinka caasimadda qaarkood oo dib loo dayac-tirayo iyo kuwo cusub ah, halka qaarkood xariga laga jaray isla toddobaadkan gudihiisa. Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay shacabka degmooyinkaasi in ay ka qeyb qaataan bilicda, nadaafada iyo ilaalinta goobaha danta guud oo ay ugu horeyso wadooyinka dib loo dhisaayo. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan? Maxamed Hanad Axmed: “Walaalow waddanka meel biyo mareen u sameey waxa lamiga haleynayo wa biyaha meel walbo fariisanaya.” “Guddoomiye dadka aad qandaraaska siinayso shaqadodo iyo waxay yaqaanan iska hubiya,” ayuu yiri Ridwaan Xaashi. Cali Nadaara ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Meel biyuhu maraaan haloo sameeyo haddui larabo iney waarto.” “Waddo tayo leh noo dhisa waxba soo kordhin mayso magac la badbadalo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf oo kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan. Cabdulqaadir Maxamed Baadi: “Guddoomiye magaca yaan la badalin taariikh ayuu xambaarsan yahay, sow dhibaato ma ahan hadaanan taariikhda aanan qoreynin, aana dumineyno badaleyno waxyaabihii qadiimiga.” “Waddo ha dhisina fadlan hada biyo mareeno raacineyn dadku sidee biyo umareynayaan, biyaha meel u hela laamiya la is ka dhisaa an laheyn biyo mareen,” ayuu yiri Sharmaake Yare. The post Fal-celinta arrintii uu shalay ku dhowaaqay Yuusuf Madaale appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya xeebaha gacanka Raas-casayr ee Puntland ayaa xaqiijinaya in halkaas uu ka socdo jariif xooggan. Kalluumeysato ajaanib ah oo shatiyo ka haysta xukuumadda madaxweyne Deni ayaa lagu soo warranayaa in ay jariif ba’an ku hayaan xeebaha Raas-casayr. Kalluumeysatada degaanka ayaa si weyn uga cabanaya doonyaha iyo maraakiibta ajaanibta ah ee xaalufinta ku wada xeebaha Raas Casayr. Odayaasha iyo waxgaradka gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay xukuumadda Puntland in ay si deg deg ah wax uga qabato cabashadooda. PUNTLAND POST The post Jariif xooggan oo ka socda xeebaha gobolka Raas Casayr ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay howlgelinta xarunta Qaran ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee TUBSAN. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in la wiiqay awooddii Argagixisada ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Tubsan looga fadhiyo sidii ay u ciribtiri lahayd afkaarta gurracan ee kooxaha AS ay uga been sheegayaan diinteenna suubban, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay argagixisadu marin habaabisay in ay ka faa’iideystaan fursadaha cafiska ah ee ay dowladdu siinayso, isla markaana ay dib ugu soo laabtaan dadkooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay hoggaanka Tubsan in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Argagixisada ay baraan afkaar suubban oo ku saleysan nabadda iyo waddaniyadda. Munaasabadda Xarunta Qaran ee Tubsan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Safiiro ka socday saaxiibada caalamka iyo marti sharaf kale. The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo daah-furay Xarunta La-dagaallanka Xagjirka ee TUBSAN appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo iskaashiga amni ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa gali doona wada-tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta howl-galada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ee dhibaatada xoogan ku haya shucuubta gobolka. Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan. Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka kooxda ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post Sawirro: Wasiirka difaaca Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa ay aheyd mid kamid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badanaa ee ka dhacay magaalada Qasa, waxaa goob qura ku geeriyooday in ka badan 500 oo ruux, kuwaas oo u badnaa dad markii horeba qabay dhaawacyo, kadib markii diyaaradaha Israel ay habeenimadii xalay duqeeyeen Isbitaalka Al-Ahli Hospital. Isbitaalkan ayaa ahaa mid inta badan la geyn jiray dadka qaba dhaawacyada qaliinka u baahan, marka laga soo tago Isbitaalka Al-Shifa oo isna Qasa ku yaalla, waxaana xaaladdu ay tahay mid aan la saadaalin karin, waxa dhici kara saacadaha soo aadan, Wadamada Carabta iyo dalka Iran ayaa si adag u hadlay. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo ku sugan Jordan ayaa diiday inuu kulan la qaato Biden oo maanta ku wajahan Israel, iyada oo qorshu yahay inuu la kulmo qaar kamid ah madaxda Carbeed, arrintaas ayaa meesha ka bixi karta, kadib dhacdadii xalay ka dhacday Isbitaalka Al-Ahli Arab Hospital. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in qarixii ka dhacay isbitaalka uu ka dhashay weerar cirka ah oo ay Israa’iil leedahay. Israa’iil ayaa qaraxan ku tilmaantay mid si khaldan loo ridey oo ay rideen kooxda hubeysan ee Islamic Jihad, waana ay beenisay in iyadu tuurtay gantaalka ku dhacay Isbitaankaas. Boqorka Urdun, Cabdallaha Labaad, ayaa weerarka ku tilmaamay mid “xasuuq” iyo “ceeb ku ah bini’aadantinimada”. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa soo saartay bayaan ay ku sharraxayso in isbitaalku uu kaalin muhiim ah ka qaatay bixinta hoy la siiyo dadka rayidka ah oo ka kusoo barakacay. Hey’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in kumannaan reer Falastiin ah ay u baahan yihiin caafimaad, waxaana qoraal kooban he’addu ku sheegtay “ Waddo na siiya si aan u caawino 11,000 oo qof oo ku dhaawacmay Gaza” oo maalintii 12-aad wajahaysa xaalad adag oo dhanka duqeymaha ah. Qaramada Midoobay oo Israel uga digtay dambiyo dagaal, taas oo keeni karta in musiibo Banii’aadanimo ay ka dhalato, dunida ayaa siyaabo kale duwan u cambaaraysay arrintaan ka dhacday Isbitaalka Al-Ahli, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu dagaalku noqdo mid ballaaran, kaas oo Israel ay wajihi karto markale. Madaxda Turkiga, Johdan, Cuman, Masar iyo Qatar ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay, xilli dowladda Iran ay sheegtay in ay qaadi doonto tallaabo saacada soo aadan, taas oo umuuqata arrin looga jawaabi tallaabada ay Israel ay ku beegsatay Isbitaalka ku yaalla magaalada Qasa oo lagu dilay dad aad u badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Opening statements held in trial of Somali leader’s killing
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
COLUMBUS, Ohio (WCMH) – The trial of a man accused of shooting and killing a local religious leader is underway. Source: Hiiraan Online -
Click here to read more about this article Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka Taliska 54-aad ee duleedka Garoowe shir kula leh saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Daraawiishta Puntland. Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu saraakiisha kala hadlayo xaaladaha amni ee Puntland iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo ka taagan doorashada 2024. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shalay kulan dheer la yeeshay guddiga Amniga gobolka Nugaal oo uu kala hadlay dar dar gelinta Amniga gobolka gaar ahaan caasimadda Garoowe. Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Siciid Deni uu dhawaan magacaabi doono Taliyaha cusub ee ciidanka Daraawiishta iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo saaka Garoowe kula shirsan saraakiisha ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
The Kenyan government has released the names and photos of 35 terror suspects believed to be behind recent militant attacks in the coastal Lamu county. Source: Hiiraan Online
-
A young man who allegedly attempted to rob a Somali businessman in Madombidzha on 5 October met a gruesome fate at the hands of an angry mob, who attacked him with an assortment of weapons. Source: Hiiraan Online
-
Sanadihii 404 ilaa 450 dhalashadii Nabi Ciise (cs) hortii, waxaa caasimadda Giriiga Athens joogay Alcibiades oo ahaa aftahan lahaa damac siyaasadeed, balse wuxuu dareemay in shakhsiyadiisa-xooggan iyo doodihiisa uu dadka sanka kagelinayo aysan u fududeyneyn xukun inuu helo. Bilcaksi waxay sababeen in ay dad badan is nacaan. Alcibiades wuxuu go’aansaday inuu isku midab-ekeysiiyo marba qofka uu la dhaqmayo, al-yacnii in uu noqdo jirjiroole-siyaasadeed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa. Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah. Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka. Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe. Awooddi Ciidamada cirka ee Soomaaliya 1977 Ciidamadii cirka ee Soomaaliya waxaa si hagar la’aan ah u dhisay Ruushka oo markaa hoggaaminayey isbahaysi la odhan jiray midowgii Soofiyeed, waxayna Soomaaliya ka mid ahayd dalalka ugu awoodda badan ee Ruushku dhisayey milatari ahaan qaaradda Afrika. Hoos ayaan ku xusi doonnaa sida uu ku bilowday xiriirka Soomaaliya iyo midowga Soofiyeed, hase yeeshee ka hor inta aysan Soomaliya gelin dagaalkii 1977, waxay ku hubaysaynayd diyaarada dagaal oo lagu qiyaasay 50 ilaa 60 inta u dhaxaysa. Sida uu qiyaasay Taliyaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya Sareeye Guuto Jenenaral Maxamuud Sheekh Cali (Dable Pilot) oo BBC u warramay, qiyaastii dhowr iyo labaatan ka mid ah diyaaradahaasi waxay ahaayeen nooca Ruushku farsameeyo ee Mig21, kuwaas oo xilligaas casri ahaa. Diyaaradaha ay ku hubaysnaayeen ciidamada Itoobiya ee 1977 dagaalka la galay Soomaaliya, ayaa ahaa nooca Maraykanku farsameeyo ee F-5. Waxay khubaradu sheegaan in Soomaaliya oo iyadu la horeysay diyaarad soo ridista, aysan waayo aragnimo fiican u lahayn diyaaradaha Mig21 oo ka awood badnaa kuwa Maraykanka ee Itoobyaanku ku qalbaysnaayeen. Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa afar diyaaradood kasoo riday Soomaaliya, waxayna sidaas ku hanteen gacan sarraynta dhanka cirka, qaybihii dambe ee dagaalka. Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya? Soomaaliya markii ay kasoo laabatay dagaalkii ay la gashay Itoobiya, waxaa bilowday in ciidamadii cirku si iskood ah u burburaan, “Dalku intuusan burburinba ciidanka cirku wuu burburay, isagaa iska burburay” ayuu yiri Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali. “Qalabkiisii, diyaaradihhiisii waxay u burbureen aqoon darro iyo daacad darro, waayo markii dagaalka lagasoo noqday, diyaarada badan oo casri ah oo yaallay sida diyaradaha mig 21, ayaa intii qalab dayac tir loo raadin lahaa waxaa la keenay diyaarada kale oo duug ah, oo lagu bixiyey lacagtii loogu talagalay in lagu dayac tiro” ayuu sii raaciyey. Dhanka kale, sannadkii 1993-kii, waxaa Soomaliya soo gaaray ciidamo ka socda Qarama Midoobay oo nabad ilaalin ahaa, kuwaas oo dagaal la galay rag hogaaminayey ciidamadii qaranka oo markan kala jajabay, waxaana ka mid ahaa Jeneraal caydiid. Ciidamadan Qaramada Midoobey waxay bilaabeen inay burburiyaan hubkii iyo qalabkii kale ee milatariga Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen diyaarado ay ka baqayeen in raggaasi gacanta ay ku dhigaan. “Hubka sidiisaba, ciidanka cirka ama madaafiicda ama diyaaradihii dagaalka, waxaa burburiyay dawladihii 1993 yimid Soomaaliya,” – sareeye guuto Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamda cirka Soomaaliya ee hadda, markaasna ahaa duuliye diyaaradaha dagaalka ayaa sidaasi yiri. Ganacsatada Soomaalida ayaa iibsan jiray wax kasta oo hanti dawladeed ah oo ay ku jiraan qalabka milatarigu, tanina waxay ka mid ahayd waxyaabaha sababay in la burburiyo diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya oo laga baqayey inay gacan qaldan galaan. “Ganacsatada Soomaalida hadii la dhoho garoonka iyaaradaha ama dekadda Soomaaliya beec waaye, waxaad arkaysaa dad fayl ugu jira oo doonaya inay iibsadaan,” ayuu yiri taliye Dable Pilote oo ka hadlayey sida ay u dhiiranaayeen ganacsatada Soomaalidu. Lama sheegin wax diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya ka mid ah oo gacanta u galay dalal shisheeye marka laga reebo qalab sida matoorada oo kale ah oo ay dalalkii qaatay doonayeen inay isbarbar dhig kula sameeyaan kuwa ay haystaan amaba ay darsaan. Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa hadda dib u dhis lagu wadaa, waxaana jira ciidamo lagusoo tababaray dalka Eretrea oo soo gaaray Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan ciidamo cirka. Turkiga ayaa dhankiisa tababarro u fidiyey cutubyo ka mid ah ciidamada cirka ee Soomaaliya. Kasokow cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, waxaa ku adag inay diyaarado dagaal soo iibsato maadaama sida uu sheegay Jeneraal Maxamuud, ay taasi ka horeyso “in la dhiso ciidankii cirka”. Billowgii xiriirkii Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya Xiriirka diblomaasiyadeed ee Midowgii Soofiyeeti iyo Soomaaliya waxaa la aas aasay Sebtembar 11, 1960. Bishii Juun 1961 waxaa la kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqanka ee labada dal. Sannadkii 1962-kii, waxaa bilowday xiriirkii ugu horreeyay ee dhinaca milateriga, iyadoo 50 askari oo ka tirsan milateriga Soomaaliya loo diray inay waxbarasho milateri ka helaan Midowga Soofiyeeti. Dhanka kale Midowgii Soofiyeeti waxay Soomaaliya siisay dayn dhan 32 milyan oo doolar si loo casriyeeyo loona kordhiyo tirada ciidamada qaranka Soomaaliyeed. Wuxuuna Soofiyeedku dhisayey ciidamada Soomaaliya siiba kuwa cirka, ilaa lagasoo gaarayey todobaatameeyadii, xilligaas oo uu soo baxay damaca Soomaaliya ee ah inay xoog ku qaadato dhulka Soomaali galbeed. Soofiyeedku waxa kale oo uu gacan ka geystay hawlaha samafalka, isaga oo dawladdii madaxweyne Siyaad Barre ka caawiyay wax ka qabashada abaartii Dabadheer ee ka dhacday gobollada waqooyi ee dalka (gaar ahaan Hobyo iyo Caynaba) markaas oo diyaarad lagu soo daadgureeyay ilaa 90,000 oo qof oo ka kala yimid gobollada abaarta ku dhufutay, lana keenay koonfurta Soomaaliya. July 11, 1974, Soofiyetka iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiis saaxiibtinimo iyo iskaashi. The post Halkee ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq uga qeyb galay fadhiga 39-aad ee Gollaha Cadaaladda Carabta oo markii ugu horeysay lagu qabtay magalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. In shirkaan lagu qabto dalka Ciraaq, dowladda Soomaaliya-na uga qebgasho heer Wasiir ayaa mudan in si gooni ah loo dul istaago, marka la fiiriyo duruufaha amni iyo siyaasadeed ee ay soo martay Dowladda Ciraaq oo sanado ka hor ayna suuragal ahayn in shir noocaan oo kale ah lagu qabto sababo la xiriira dagaalkii iyo weerarradii ka dhicayay oo aan suurtogal ka dhigeyn.. Ka qeyb galka shirkaan ee Wasiirka Cadaaladda iyo xubnaha ka socda Garsoorka dalka ayaa wax wayn uga dhigan Soomaaliya maadama ay Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaagaan duruufo ay ugu horeyso argagaxisada dhibaatada wayn gaarsiisay shacabka labada dal. Soomaaliya ayaa hada doonaysa inay waaya aragnimo ka qaadato dagaallada iyo dadaallada dalka Ciraaq looga xoreeyay ururada argagxisada iyo soocelinta amniga iyo kala danbeynta iyo dhisida hay’ado garsoor ee awoodda leh, si aan uga faa’iideysanno dal ahaan oo annaguna aan isaga xoreyno Khawaarijta. Inta shirku socday, waxaa la’is dhaafsaday doodo la xiriira sharciyada muhiimka u ah wadamada jaamacadda Carabta oo ay ugu horreeyaan sharciga dagaalka argagaxisada ee wadamada carabta, sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharciga ka hor tagga lacag dhaqista iyo danbiyaynta in madax furasho la siiyo kooxaha argagaxisada. Wasiir Xasan Macalim oo khudbad dhinacyo badan taabnaysa ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay ujeedooyinka iyo tiirarka barnaamijka xukuumada Dan qaran iyo dadaallada uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ay Soomaaliya ku bixineyso la dagaallanka Al-shabaab oo looga saaray deeganno badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
