Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hay’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Benaadir. Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada magaalo iyo dib u soo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara laga soo billaabo sannadkii 1989, taas oo qeyb ka ah in labada magaalo ay isdhaafsadaan waxyaabo kale duwan isaga oo Turkigu mashaariic uu horey uga fuliyay Muqdisho. Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Ddwladda Turkiya iyo hay’addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta, kuwaas oo uu kala hadli doono kordhinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal. Source: goobjoog.com
  2. Health and Family Welfare Minister Zahid Malek said that almost all types of medicines produced in Bangladesh are exported to 157 countries of the world including Europe and America. Health and Family Welfare Minister said this in response to a written question of Awami League Member of Parliament Anwar Hossain Khan on Sunday (October 29). The health minister said that almost all types of medicines produced in Bangladesh are exported to 157 countries around the world including Europe and America. Till September of the current fiscal year (2023-2024), about Tk 3,355.52 crore of medicines have been exported. The countries where medicines produced in Bangladesh are exported are Afghanistan, Azerbaijan, Bhutan, Cambodia, China, Hong Kong, India, Indonesia, Iraq, Iran, Jordan, Japan, Korea, Mongolia, Myanmar, Malaysia, Macao, Nepal, Pakistan, Philippines. , Singapore, Sri Lanka, Tajikistan, Thailand, Turkey, Uzbekistan, Vietnam, Yemen, Taiwan, Maldives, United Arab Emirates, Palestine, Lebanon, Kuwait, Qatar, Oman, Gulf Countries (GCC), Turkmenistan Kazakhstan, Bahrain, Brunei Darussalam, Dukhai, Norway, Austria, Belgium, Denmark, Estonia, France, Germany, Hungary, Italy, Latvia, Lithuania, Moldova, Netherlands, Poland, Portugal Russia, Romania, Flavia, Slovakia, Spain, Swaziland, Ireland, Bulgaria, Macedonia, Bosnia , San Marino, El Faso, Botswana, Chad, Egypt, Egypt, Pabon, Kenya, Libya, Liberia, Lesotho, Mauritius, Nigeria, Malawi, Mali, Senegal, Somalia, South, N, Swaziland, Sen Tanzania, Tunisia, Togo, Upanda, SindurainRecrea, Jamaica, Laos, Mauritania, Somaliland, Zambia, A, E, Da, Mexico, Dominican Republic, Haiti, Argentina, Belize, Brazil, Colombia, Copa-Ric, Montenegro, Nicaragua, Panama, Samoa, Solomon Islands, Chosha, Venezuela Janu Curacao, Paraguay, Uruguay. Daily industry news Qaran News
  3. Wasiirka Beeraha oo Furay Shir ku Wajahan Siyaasadda Abuurka Siidhka Beeraha Hargeysa(Qaran)-Wasiirka Beeraha oo Hargeysa Ka Daah-furay Shir Ku Saabsan Siyaasadda Abuurka beeraha (Siidhka). Shirka oo ay soo qaban-qaabisay waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda beeraha, ayaa waxa kale oo uu goob-joog ka ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Aadan Cabdillaahi Sh. Muuse iyo Hay’adaha Wasaaradda kala shaqeeya horumarinta beeraha. Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah oo Wasaaraddu soo qaban-qaabiso, ayaa Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Qorshayntu ka sheegeen furitaankiisa in lagu dersayo siyaasadda Siidhka, si loo helo siyaasadda Abuurka Beeraha, taasi oo ilaalinaysa abuurka waddaniga ah ee tayada leh, taasina qayb ka tahay qorshaha Qaranku ku hiigsanayo isku filaanshaha dhanka cuntada. Qaran News
  4. Haween ka Hadlay Hannaankii uu u Dhacay Tuug Boolisku soo Qabteen Hargeysa(Qaran news)-Qaar ka mid ah Hooyooyin uu dhac u gaystay Eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, ina Faadumo Ibraahim 32 jir oo Ciidanku Boolisku gacanta kusoo dhigeen ayaa ka warhixiyay qaabka uu u dhacay Hooyooyinkaasi oo 4-afar ah. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Hawlgallo iyo dedaallo ay sameyeen gacanta kusoo dhigay Eedeysanahan , waxaana degdeg loo horgayn doonaa sharciga. Ayaan Cabdillaahi Nuur, ayaa ciidanka booliska iyo bulshada la wadaagtay qaabkii uu u dhacay eedaysanaha ciidanku soo qabteen. Waxaaney tidhi. “Tukaanyar ayaan haystaa oo uu ninku iigu yimid, waxa uu igu yidhi Sharaab iga iibi, waan ka iibiyay, wuxuu yidhi ‘lacagtii ayaan iga bixin ee ka eego, waxaan idhi ‘mahayo, waxa uu yidhi ‘baytariga telefoonka ii dhib, ana waxaan u dhiibay telefoonkaygii, kaadhkii ayuu kala baxay oo wuu la tagay in uu sixiroole ahaa iyo in kale magaranayo, maalin kadib ayaan ogaaday in uu kaadhkaygii iga dhacay, waxa uu kala baxay milyen iyo laba boqol iyo sideed iyo konton shilinka Somaliland ah. Telefoonkayga lacago kale oo 300 dollar ayuu ku dirsaday inantii uu ka dhacayna jiq ayaanu isla noqonay, balse Ilaahay ayaa na soo kala furtay, Ilaahay ayaanu uga mahadnaqayna in la soo qabtay ninkii, sidoo kale booliska iyagana waanu u mahadcelinayna, gaar ahaan saldhiga Qudhac-dheer” Dhibane Qadan Muuse Cabdillaahi, ayaa sheegtay in qaab xeeladeysan oo aan dareen badan ku dhalin uu telefoonkeeda gacanta u dhacay, isla markaana markii danbe uga shubtay lacagtii telefoonkeeda ku jirtay oo ay hooyadeed lahayd. Waxaaney tidhi. “Saanbuuse ayaan meel ku duba carruur agoona ayaan u shaqaysta, Saanbuusaha naga iibso ayaan ku idhi Sigaarna waxba ku tarimaaye, balse gacana telefoonkii ayuu ku qaaday, midna joornaalkii, biinkii telefoonka markiiba wuu helay, shirkadda Telesom oo aan u imid waxa ay ii sheegtay in uu sarifle ku dirsaday, sariflihi waxa uu noo sheegay in uu sawir ka reebay, wuu noo soo diray sidaasi ayuu baraha bulshada iyo booliskaba ku gaadhay, lacagta uu la baxayna waxa lahayd hooyaday oo qof weyna oo sariir saaran, ciidanka booliska ee Saldhiga Qudhacdheer waanu uga mahadcelinaynaa waxa uu la baxay 120 dollar iyo saddex boqol oo kun oo Shilinka Somaliland ah” “Anigu xaafada Maxamed Mooge ayaan degana, dhibanihi u horeeyay ee telefoonka ka qaato ayaan ahay, lacagtana uu kala baxo, ciidanka booliska waan uga mahadceliya sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen”Ayey tidhi mid ka mida hooyooyinkii uu dhaca ugaystay eedaysane Maxamed Cabdi Faarax. Gaba-gabadii mid ka mida hooyooyinka afarta ah ee uu dhaca u geystay eedaysane Maxamed Cabdi Faarax, ayaa sharaxday qaabka uu kaga qaaday Kaadhka telefoonkeedaa. Waxaaney tidhi.“Aniga koob caano ah ayuu iga iibsaday, wuxu yidhi telefoonkaaga ii dhiib aan kaadhka gashade, waan u dhiibay, markiiba waxa uu la baxay Kaadhkii telefoonkayga, waxa uu tagey shirkada 300 dollar ayuu igala baxay, shirkadda ayaan la hadlay ii xayira lacagtaasi ayaan ku idhi waa la ii xayiray, gabadh ayuu ku dirsaday, gabadhii anaga oo madaxa iskula jirna ayaa la soo qabtay, ILLAAHEY ayaa mahad iska leh, ciidanka booliskana waanu uga mahadcelinaynaa sida fiican ee ay uga hawlgaleen” Qaran News
  5. President Hassan Sheikh Mohamed with President Xi Jinping in Riyadh last year. Mogadishu (PP News Desk) — The People Republic of China has come out in support of the Federal Government of Somalia to initiate and direct reconciliation efforts in a manner that safeguards the territorial and political unity of Somalia. The Chinese stance has resulted in modifications in the draft for the renewal of the UNSOM mandate initially proposed by the United Kingdom which agreed to the China’s position wherein UNSOM supports reconciliation efforts by the Federal Government of Somalia.“UNSOM should carry out their good offices on the basis of respective ownership of the Somali authorities and safeguarding the sovereignty and territorial integrity of Somalia” proposed China. The secessionist administration in Hargeisa forged ties with Taiwan in violation of the sovereignty of Somalia. “Somalia will write to the African Union to demand tsupport for its right to defend its sovereignty against violation by Taiwan whose diplomatic activists have opened an office in Hargeisa” said a senior Somali diplomat. The Federal Government of Somalia has recognized SSC-Khatumo as an administration in line with the federal electoral laws, a decision that gives the Laascaanood-based authorities an autonomy and ends the jurisdiction claim of secessionists claiming to have unilaterally seceded from Somalia in 1991. © Puntland Post, 2023 The post China Backs Somalia Ownership of Reconciliation Efforts appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarahaSoomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay Turkiga, kaas oo shalay xaruntiisa cusub ka daah-furay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn ra’iisul wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey madaxda Bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kor u qaadayso iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha kala hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda. Waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayay madaxda Bangiga Ziraat Katilim, danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli. Ziraat Katilim waa banki ay dawladda Turkey leedahay, oo xubin ka ah Kooxda Ziraat Finance Group, oo ka hawlgasha 20 waddan oo kala duwan, lehna 15 shirkadood iyo 27 laamood oo dibadda ah. “Waan ku faraxsanahay inaan aragno howl-gelinta xarunta Ziraat Katilim ee Muqdisho, tani waxay caddeyn u tahay guulaha laga gaaray dib-u-habeynta waaxda maaliyadda Soomaaliya, taasi oo sare u qaadeysa fursadaha maalgashiga iyo horumarinta,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Si kastaba, Bangigan ayaa noqday bangigii ugu horreeyey ee caalami ah ee dalka ka howl-gala in ka badan 50 sano kadib, waxaa sidaas Axaddii sheegay Bankiga Dhexe ee dalka. The post Maxay ka wada-hadleen Xamza iyo madaxda Bangiga Ziraat Katilim? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in haatan dagaalka uu ka socdo aagga deegaanka Xananbuure oo ah halka uu xoogiisu ka qarxay dagaalka labada dhinac. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan ayaa ka dhashay muran dhuleed soo kala dhex-galay labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale waxaa goobta uu ka socda dagaalka kusii qulqulaya ciidamo kale oo gurmad ah oo ay kala helayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka maanta ka qarxay waqooyiga gobolkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Dhowaan ayay aheyd markii dagaal kan lamid ah uu ka dhacay aagga magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo xalintiisa ay ku jirto dowlad goboleedka HirShabelle. The post Dagaal culus oo ka qarxay Galgaduud iyo Wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  8. The search for Luis Diaz‘s father remains ongoing, with major military and police personal involved in the rescue, and a £40,000 reward for information has been offered. Source: Hiiraan Online
  9. Kenyan President William Ruto has defended his numerous visits abroad, saying they have benefited the country economically. Source: Hiiraan Online
  10. At least two General Service Unit officers were killed and four others seriously injured on Monday morning when a remote-controlled bomb hit their vehicle in Dadaab, Garissa County. Source: Hiiraan Online
  11. Hassan Nur Mohamed started out as a tea vendor selling cups of tea from a single flask under a tree in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Balcad) oo wareysi cusub bixiyay ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay dhaba-jebintii lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaas oo looga adkaaday. Cali Balcad ayaa shaaca ka qaaday in arintaas ay dowladda u sameysay, ayada oo fulineyso ballan-qaad ay ka qaadeen dowladda Tanzania, islamarkaana ay kasoo baxday Soomaaliya. Wasiiru dowlaha ayaa sharraxay waxa uu yahay ballan-qaadkaas, wuxuuna sheegay in Tanzania ay horay ula soo xiirtay Soomaaliya, ayna ka dalbatay inay ku garab istaagto ku guulaysato xilka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, taasina ay sameeyeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii ay hore aysan Soomaaliya u sharraxneyn kursigaas, balse mar dambe oo laga joogo laba bilood ay isa soo sharraxday xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, sida uu hadalka u dhigay. Balcad oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda iyo guud ahaan kan xukuumadda ay la wadaageen baarlamaanka, ugu dambeyna la’isku raacay inay tanaasusho gabadha u tartameysay Somalia, sidaasna lagu fuliyay ballan-qaadkii Tanzania. “Labo bilood ama bil ka hor ayaa waxaa soo baxday gabar Soomaaliyeed oo rabta in ay u tartanto kursigaas. Annaga waxaan u sheegnay oo aan baarlamaanka u gudbinay, in kursigaas dowlad ahaan aan ka ballan-qaadnay inaan codkeena siino dalka Tanzania. Wadamaduna inay ilaaliyaan balan-qaadyadooda sumcaddooda ayaa ku jirta,” ayuu yiri. Soomaaliya waxa uu sheegay in arrintan ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, balse dowladda Tanzania ay u qoreen qoraal ay kaga codsanayana in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadal heyn xoogan ay ka dhalatay guul -darada ay Marwo kala soo kulantay tartankii ay u gashay hoggaanka baarlamaanka adduunka. Xildhibaanadda oo soo laabatay, isla-markaana bixisay wareysi ayaa qudheeda dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya. The post DF oo fulisay ballan ay la gashay Tanzania, kadib dhabar-jebintii MARWO appeared first on Caasimada Online.
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda. Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli. The post Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim appeared first on Puntland Post.
  14. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre called on all Somali Sheikhs to participate in the fight against al-Shabab during an event marking the first anniversary of the October 29, 2022, twin bombing at Somalia's education ministry in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka, isla-markaana lagu xusayay dadkii lagu laayey qaraxii Zoobe 2 ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Xamza ayaa ku eedeeyay inta badan culimada ku sugan masaajida ku yaalla magaalada Muqdisho in ay ka gaabiyeen doorkooda ku aadan la dagaallanka Al-Shabaab. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in marna aysan ka hadlin dhibaatada iyo gumaadka ay kooxda ku hayso dadka shacabka ah ee la leynayo maalin kasto, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa jira culima badan oo masaajidda dadka uga muxaadareeya, uga khudbadeeya, imaam u ah, laakiin hal kalimo aan ka sheekeynin Khawaarijta, tolow Shikhaas muxuu yahay waxa uu u sheegayo dadka? ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in culimadaas ay guryahooda iska joogaan, haddii aynaan ku dhiiran karin Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in la geyn doono culimo ka hadasha. “Culimadaas waxaan dhihi lahaa waad mahadsan tihiinee ee culimada geesiyaasha ah ee Ilaahey dartii u hadlaya u banneeya, guryihiina iska jooga haddaad rabtiin idinka” ayuu yiri. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday culimada Soomaaliyeed inay iska daayaan cabsida ee ay ka hadlaan xaqiiqada dalka iyo dhibaatada ay wajahayaan dadkooda. “Cabsida waxaan qabaa inay culimada iska dhaafaan, haddii aynan dadka u sheegeen cadowga koowaad ee ay leeyihiin ee diintooda kusoo duulay ee dalkooda kusoo duulay ee dadkooda kusoo duulay ee boqol boqolka u dilaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xamza. Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo markii ugu horreysay ay ka qayb qaadanayaan dad deegaanka. The post Daawo: R/W Xamza oo weerar culus ku qaaday culimada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobollada Dhexe ayaa sheegaya in haatan Ahlu Sunna Waljamaaca ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday deegaanada maamul goboleedka Galmudug oo markii hore ay dagaal culus la galeen. Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa waxaa horkacaya hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo maalmo kahor gaaray magaalada Dhuusamareeb. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dhaq-dhaqaaqyadan aysan aheyn kuwa ciidan ama siyaasadeed, balse ay yihiin kuwa caadi ah oo uu Macallin Maxamuud ka wado deegaanka, maadaama uu kasoo jeedo, una soo halgamay xoreynta dhulkaasi. Hoggaamiyaha Ahlu Sunna ayaa haatan gaaray deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen culimada deegaanka. Macallinka ayaa waxaa socdaalkan ku wahlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug, sida guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, xildhibaano iyo wasiiro, kuwaas oo kamid ah xubnaha lagu soo dhaweeyay magaalada Huurshe. Ujeedka uu hoggaamiyaha Ahlu Sunna u tegay halkaas ayaa ah inuu ka qayb-galo siyaaro lagu qabanayo deegaankaasi, wxuuuna ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay. “Annaga waqti dheer kuma soo talagelin xoogaa yarbaa meesha usoo aadnay oo idinku nimid, musiibooyin waa weyn baa nagu dhacay musiibooyinkaasi waxa ay ahaayeen mid waa Xaliimo Sheekh Yuusuf, midna Muraayad Karar bey aheyd, labadooduba tiirbey u ahaayeen islaamka oo dhan Ummaddana u leh waxtar u leh Alla u naxariisto” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan. Ahlu Sunna ayaa horay dagaallo ula gashay Galmudug, inkastoo markii dambe dagaal looga saaray magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, ayada oo mar dambe laga heshiiyay wixii dhacay, si aysan mar kale labada dhinac ugu dagaalamin gobollad Dhexe. Ahlu Sunna oo horay xubno ugu yeelatay Galmudug ayaa waxaa lagu xasuustaa, sida ay Al-Shabaab uga xoreysay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan aagga Dhuusamareeb. The post Daawo: AHLU SUNNA oo dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday GALMUDUG appeared first on Caasimada Online.
  17. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ku gaaray dalka Turkiga. Safarka duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa yimid kadib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş. Duqa magaalada Ankara ayaa xafiiskiisa ku qaabilay duqa Muqdisho mudane Madaale waxaana labada mas’uul yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac. Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo marti-qaad rasmi ah ka helay dhiggiisa magaalada Ankara appeared first on Puntland Post.
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Buulo Xaaji oo hoostaga magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay. Saraakiil ka tirsan Jubbaland ioo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen goob ay isku uruursaneeyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in Al-Shabaab ay duulaanka ku qaadeen ay qorsheynayeen inay soo wareeraana fariisimahooda iyo kuwa ciidanka dowladda, balse ka hortageen, kadib xogo ay ka heleen dadka deegaanka, ayna soo afjareen. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horheedo laga dareemayaa aagga magaallo xeebeedka Kismaayo ee Jubbada Hoose. Buulo Xaaji oo ah halka lagu dagaalamay ayaa deegaan marba dhinac u gacan gala Al-Shabaab iyo Jubbaland oo marar badan ku wada dagaalamay halkaasi. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa deegaankaas kasoo abaabusha weerarada inta badan lagu qaaday fariisimaha ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka. The post Ciidamada Jubbaland oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  19. Ururka Xisbullah, ee fadhigoodu yahay koonfurta Lubnaan, ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay leedahay, waa markii ugu horreysay oo ay sheegtaan howlgal noocani oo kale ah intii uu socday dagaalkan. Waxa ay ka dhacday Axadii meel ka saraysa Khiam, oo qiyaastii 5km u jirta soohdinta Israa’iil. Diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa la arkayay iyadoo ku soo dhacaysa dhulka Israa’iil, sida ay sheegtay Xisbullah. Sida laga soo xigtay ururka, oo ay UK iyo Maraykanku u aqoonsadeen koox argagixiso, waxa ay 46 dagaalyahan ku dileen dagaalka ay kula jiraan Israa’iil tan iyo weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas, iyo 43 dhaawac ah. Ururka Xisbullah ayaa sidoo kale sheegay in 84 weerar aagagga xuduudda oo ay maalin walba isku dhacaan ciidamada Israa’iil Israa’iil waxa ay sheegtay in ugu yaraan toddobo ka mid ah askarteeda la dilay ilaa hadda Source
  20. Maamulka iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya cisbitaalka Al Quds ee magaalada Gaza ayaa sheegay inay farriin hanjabaad ah uga timid Israa’iil inay duqeyn doonto cisbitaalkaasi, dhakhaatiirta ayaa diiday inay halkaasi ka baxaan iyagoo sheegay in cisbitaalka jiifaan kumanaan kun dhaawac ah. Cisbitaalkan oo kamid ah kuwa ugu waaweyn ee Gaza ayaa waxaa sidoo kale nawaaxigiisa ku sugan shacab gaadhaya 14.000 oo ah dadkii ku baro-kacay duqeynta Israa’iil. Shalay oo Axad ahayd ayey diyaaradaha Israa’iil duqeyn xoogan ka geysanayeen nawaaxiga Cisbitaalka Al Quds. Xasuuqa iyo duqeynta ka socda Marinka Gaza ayaa galay asbuucii 4aad iyadoo tirada dadka shacabka ah ee lagu dilay duqeyntaasi ay kor u dhaaftay 8000 qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 3500 carruur ah. Source
  21. Mogadishu (HOL) - Somali Defense Minister Abdikhadir Mohamed Nur Jama has accused the al-Shabab group of instigating inter-clan conflicts in several regions of the country. Source: Hiiraan Online
  22. Bankiga Caalamiga ah ee Ziraat Katilim oo laga lee yahay dalka Turkiga ayaa markii u horraysay xarun ka furtay magaalada Muqdisho. Munaasabadda daah-furka xarunta cusub ee bankiga Ziraat ee Muqdisho waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda iyo madax ka socotay Bangiyada dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa Ziraat bank ku tilmaamay bankigii ugu horreeyay ee caalami ah oo xarun ka furta magaalada Muqdisho. “Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta xariga ka jarno xarunta banki caalamiga kaas oo noqonaya midkii ugu horeeyey ee laan ka furta Soomaaliya”ayuu yri wasiir Biixi Imaan Cige. Furitaanka Bankigan cusub waxay qayb ka noqon doontaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadista xiriirka ganacsi ee caalamka sida uu sheegay wasiir Biixi Imaan. PUNTLAND POST The post Bankiga Caalamiga ah ee Ziraat Katilim oo xarun cusub ka furtay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Ziraat Katilim Bank of Türkiye has opened a branch in the Somali capital of Mogadishu, becoming the first international bank to operate in the East African country in more than five decades, the Central Bank of Somalia (CBS) announced on Sunday. Source: Hiiraan Online
  24. Donald Trump used a speech to a Republican Jewish convention on Saturday to promise reimposition of a controversial travel ban that targeted a slew of mostly Muslim countries if he gets re-elected. Source: Hiiraan Online