Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Israa’iil ayaa weerartay saddex isbitaal oo ku yaalla Gaza, oo ay ku jiraan xarunta caafimaadka ee ugu weyn, taasoo keentay wax u muuqday dhaawacyo badan,sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka gobolka ee ay maamusho Xamaas. Human Rights Watch waxay sheegtay in kumanaan bukaan ah iyo Falastiiniyiin barakacayaal ah oo ku sugan cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ay la kulmeen xaalad khatar ah oo aad u daran. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin oo ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeynta Israa’iil ay ka dhacday barxadda dhismaha ee cisbitaalka al-Shifa. Cabsi xooggan ayaa soo wajahay bukaanada Falastiin ee jooga cisbitaalada Gaza,iyadoo duqeymaha Israa’iil ee Marinka Qaza ay sii socdaan,isla markaana ciidamada ay beegsanayaan kaabayaasha rayidka oo ay ku jiraan dhowr isbitaal oo ku yaalla Magaalada Gaza. Ugu yaraan 10812 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar,halka dhimashada Israa’iil, ay gaartay in ka badan 1,400. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay weerartay Isbitaallo ku yaalla marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  2. Guriceel (Caasimada Online) – Cabdullaahi Cali Hudey oo ay walaalo ahaayeen Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudey ayaa caawa la dilay. Allaha u naxariistee Cabdullahi waxaa lagu dhex dilay goob ganacsi oo Guriceel uu ku lahaa, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Koox hubeysan ayaa dishay Marxuumka, kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday, waxaana caawa magaalada ka socda howlgallo lagu baacsanayo raggii dilka geystay. Marxuumka ayaa ka tirsanaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka, wuxuuna maalmihii lasoo dhaafay ka soo muuqday furinta Burujeed. Dilka Cabdullahi Cali Hudey waxaa la sheegay inuu dabajoogo dil kale oo habeeno ka hor ka dhacay gudaha degmada Guriceel. Ciidamada amniga Guriceel, gaar ahaan booliska degmada iyo NISA oo habeeno ka hor ku jiray howlgal ayaa waxay dagaal la galeen koox hubeysan oo markii dambe la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha. Iska hor imaadkii habeenkaas waxaa ku dhibtay labo qof oo mid shacab yahay midna askari ka tirsanaa ciidamada amniga, halka afar qof oo kale ay dhaawacmeen. Dilka caawa dhacay ee loo geystay Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis, waxaa la aamisan yahay inuu salka ku hayo dhacdadii habeenkaas, inkastoo aan weli si dhab ah loo ogaan kooxda dishay marxuumka. The post Taliyaha booliska Guriceel walaalkiis oo caawa la dilay – Muxuu salka ku hayaa dilkiisa? appeared first on Caasimada Online.
  3. DEGDEG: Xukuumadda Somaliland oo war ka soo saartay Dagaallo ilaa shalay ka dhacay Gobolka Sool WAR-SAXAAFADEED Hargeysa-(Qaran news)- Waxa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee ku dhaqan degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaallanta bariga Laascaanood iyo ciidammada Maamul-goboleedka Soomaliya ee Puntland. Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarrada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo Huwanta, kaasoo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel. Weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad. Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca qarannimada, ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn cutub ka tirsan Ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran, waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, argagixisada uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe iyo malleeshiyada Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay. Waxa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu weynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudaheeda, waxayna Ciidammada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Qaran News
  4. Riyaad (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga. Madaxweynaha ayaa Riyaad uga qayb galaya saddex shir, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya. Seddaxda shir ayaa kala ah: 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkan ayaa intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin oo duqeymo culus ay u geysanayaa ciidamada Israa’iil. Sidoo kale Villa Somalia, waxay caawa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu galay qaliin, intii uu joogay dalka Imaaraadka oo maanta uu ka soo safray. Madaxweynaha ayaa qaliinka looga sameeyey garabka, waxaana la sheegay in hadda ay soo hagaageyso xaaladiisa caafimaad. Madaxweynaha ayaa soo muuqday isagoo ay u shakaalantahay gacanta bidix oo ka soo degay diyaarad ka keentay Dubai oo ka soo dejisay Riyaad. Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo dhamaado safarkaan uu ku joogo Sacuudiga wuxuu dib ugu laaba doonaa Dhuusamareeb oo saldhig u ah halganka dagaal ee dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab. The post Daawo: Xasan Sheekh oo gacan ka qalan oo caawa ka degay Riyaad appeared first on Caasimada Online.
  5. WAR-SAXAAFADEED Waxaa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool,kooxda argagixisada ah uu hogaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya. Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo Huwanta, weerar kaasoo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn Cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, Argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay. Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda, waxayna Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqan, haween iyo dhalinyaro ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxayna war ka soo saareen kiiska nin ka mid ahaa askartii Sheegow oo dhawaan dil toogasho ah lagu xukumay. Axmed Maxamed Xasan oo loo yaqaan (Abiy Axmed) wuxuu ahaa taliyihii ciidamada Sheegow oo dowladda u xiran Axmed, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii maalmo ka hor lasoo taagay maxkamadda ciidamada isaga iyo kooxdii Sheegow. Sababta dil toogasho ah loogu xukumay Axmed, waa in laba qof uu hadda ka hor ku hor dilay maxkamadda degmada Jowhar, balse beelaha ay ka soo kala jeedeen ayaa diyo ama mag kala qaatay. Maxkamadda oo tixraaceysa cadeymaha dilkaas ay beeluhu sheegeen in xal laga gaaray ayaa ninkaan dil ku xukuntay, waxaana hadda soo baxday qeylo dhaan ka timid beesha Jareerweyne. Shirkii jaraa’id ee maanta ugu horeyn waxaa warbaahinta la hadlay beeshii ay ka dhasheen labada wiil ee maxkamadda Jowhar uu ku hor dilay Abiy Axmed, waxayna farriin u direen dowladda. Waxay sheegeen in kiiskaan ay beesha Jareerweyne ka heshiisay, isla markaana la kala qaatay diyadiisa, sidaas darteed waxay codsadeen in Axmed aan kiiskaas loo toogan. Sidoo kale waxaa hadlay beesha uu ka dhashay Abiy Axmed, waxay sheegeen inay bixiyeen diyada ragga loo heyto wiilkooda, isla markaana ay codaanayaan in dowladdu ay tix-geliso heshiiska beesha. Ninkaan oo ahaa taliyaha kooxdii Sheegow ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, waxaana lagu helay dilka labada nin ee beelahaan ay sheegeen in laga heshiiyey. Hoos ka daawo The post Beesha Jareerweyne oo qeylo dhaan ka soo saartay xukunka lagu riday Taliyihii kooxda Sheegow appeared first on Caasimada Online.
  7. Taliska Booliska Puntland, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi. Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. G/sare Marduuf ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay. Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka. Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo siyaasiyiinta mucaaridka ku eedaysay iska hor-imaadkii Todobaadkan ka dhacay Garoowe appeared first on Puntland Post.
  8. Jilib (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn ay fuliyeen diyaaradeedaha taageera dowladda federaalka ay ka dhacday gudaha degmada Jilib oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday guri ku yaalla gudaha degmadaasi, kaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntu ay dhacday xilli uu shi u socday saraakiisha iyo xubnaha kale ee ku sugnaa guriga la duqeeyay ee ku yaalla degmada Jilib. Saraakiil ajnabi ah ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay qayb ka ahaayeen shirka, isla-markaana lagu duqeeyay gurigii ay ku jireen, kadib weerar lama filaan ah oo lagu qaaday. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ee ku aadan duqeyntaasi lala eegtay kooxda Al-Shabaab oo fadhi weyn ku leh Jubbooyinka. Dhanka kale, Al-Shabaab kama hadlin weerarkan duqeynta ah ee lagu qaaday, kaas oo kusoo aaday, xilli ay haatwan kooxdu wajaheyso culays aad u xoogan. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa inta badan gobollada Jubbooyinka oo ay ka socdaan abaabul ciidan oo xoogleh. Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Saraakiil Shabaab ah oo lagu duqeeyay guri ku yaalla JILIB + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  9. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababar u soo xidhay xubno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodijeex. 09/11/2023-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar u soo xidhay 35 xubnood, oo iskugu jiray Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal, Kaaliyayaal iyo Qareenno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kalana guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya cilmigii ay faa’iidaysteen. Tababarkan oo socday shanti cisho ee u danbeeyay ayaa diirada lagu saarayay axkaamta muhiimka ah ee shareecadda Islaamka iyo habraacyada xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaana qayb ka ahayd fallan-qayn sharci oo salka ku haysa go’aan ka gaadhida xukunnada. Munaasibadda xidhitaanka tababarka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa ku wehelinayay madaxa waaxda Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, Lataliyaha dhanka Shareecadda ee Maxkamadda Sare Sheekh Ciise Maxamuud iyo Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo iyagu kamid ahaa khuburadii tababarka bixinaysay. Ugu horayn Garsoore Cabdiraxmaan iyo Dr/Sh. Ciise ayaa xubnaha tababarka ka qayb qaatay kula dardaarmay in ay joogteeyaan waxbarashada, maadaama geediga waxbarasho aanu dhammaan, isla markaana muhiim u yahay koboca aqooneed ee qofku u baahan yahay. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay aqoon-is-waydaarsiga iyo tababarada joogtada ahi, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Garsooraha iyo guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka ay waajib ku tahay in mar kasta ay kor-u-qaadaan aqoontooda sharci. Guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku booriyay in aanay ka daalin sare u qaadida cilmiga kana faa’iidaystaan wakhtiyada firaaqada ah ee u soo hadha. Geesta kale guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka sida ay uga faa’iidaystaan barnaamijka lagu kobcinayo aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka, kaasi oo jaamacadaha iyo hay’adda Garsoorka ka dhexeeya. Guddoomiyaha ayaa xusay in udub-dhexaadka cilmigu yahay baadhida iyo joogteynta akhriska, waxaanu tibaaxay in waayadii u danbeeyay awoodda la saaray tababarada la xidhiidha Shareecadda iyo culuumta kale ee sharciga, si loo balaadhiyo fahamka iyo fikirka Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha, qareennada iyo hawl-wadeennada kale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada iyo ubucda tababaradani yihiin baraarujin, si hawl-wadeennadu u sii amba-qaadaan bad-waynta cilmi ee Masaajida “xala-qaadka” iyo xarumaha waxbarashada ka socota, waxaanu xusay in ay ka go’an tahay balaadhinta tababarada gaagaaban, maadaama ay xambaarsan yihiin culuum balaadhan, wakhiguna kooban yahay. Qaran News
  10. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa maanta tababar u soo xidhay 35 xubnood, oo iskugu jiray Garsoorayaal, Xeer-ilaaliyayaal, Kaaliyayaal iyo Qareenno ka tirsan Garsoorka Gobolka Maroodi-jeex, sidoo kalana guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya cilmigii ay faa’iidaysteen. Tababarkan oo socday shanti cisho ee u danbeeyay ayaa diirada lagu saarayay axkaamta muhiimka ah ee shareecadda Islaamka iyo habraacyada xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta, waxaana qayb ka ahayd fallan-qayn sharci oo salka ku haysa go’aan ka gaadhida xukunnada. Munaasibadda xidhitaanka tababarka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa ku wehelinayay madaxa waaxda Tababarada Ayaan Maxamed Ibraahim, Lataliyaha dhanka Shareecadda ee Maxkamadda Sare Sheekh Dr. Ciise Maxamuud iyo Garsooraha Maxkamadda Sare Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo iyagu kamid ahaa khuburadii tababarka bixinaysay. Ugu horayn Garsoore Cabdiraxmaan iyo Sh/Dr. Ciise ayaa xubnaha tababarka ka qayb qaatay kula dardaarmay in ay joogteeyaan waxbarashada, maadaama geediga waxbarasho aanu dhammaan, isla markaana muhiim u yahay koboca aqooneed ee qofku u baahan yahay. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo tababarka soo xidhay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay aqoon-is-waydaarsiga iyo tababarada joogtada ahi, waxaanu hoosta ka xarriiqay in Garsooraha iyo guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka ay waajib ku tahay in mar kasta ay kor-u-qaadaan aqoontooda sharci. Guddoomiyaha ayaa garsoorayaasha ku booriyay in aanay ka daalin sare u qaadida cilmiga kana faa’iidaystaan wakhtiyada firaaqada ah ee u soo hadha. Geesta kale guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyay guud ahaan hawl-wadeennada Garsoorka sida ay uga faa’iidaystaan barnaamijka lagu kobcinayo aqoonta hawl-wadeennada Garsoorka, kaasi oo jaamacadaha iyo hay’adda Garsoorka ka dhexeeya. Guddoomiyaha ayaa xusay in udub-dhexaadka cilmigu yahay baadhida iyo joogteynta akhriska, waxaanu tibaaxay in waayadii u danbeeyay awoodda la saaray tababarada la xidhiidha Shareecadda iyo culuumta kale ee sharciga, si loo balaadhiyo fahamka iyo fikirka Garsoorayaasha, Xeer-ilaaliyayaasha, qareennada iyo hawl-wadeennada kale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ujeedada iyo ubucda tababaradani yihiin baraarujin, si hawl-wadeennadu u sii amba-qaadaan bad-waynta cilmi ee Masaajida “xala-qaadka” iyo xarumaha waxbarashada ka socota, waxaanu xusay in ay ka go’an tahay balaadhinta tababarada gaagaaban, maadaama ay xambaarsan yihiin culuum balaadhan, wakhiguna kooban yahay. Wa bilaahi tawfiiq, Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
  11. Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa dawladda Hoose Hargeysa ku bogaadiyay raashin iyo dawooyin dhacay oo ay qabteen. Xoghayaha Warfaafinta UCID Keyse Yuusuf Guuxaa, ayaa sheegay in Ilaahay kala xisaabtamayo ganacsadaha ummadda u keena raashin iyo dawooyin dhacay, wuxuuna tilmaamay inay carruurtoodu qaadi doonaan xanuunno xun xun oo ay shacbiga ay sumaynayaan ka horeyn doonaan. Xoghaye Keyse wuxuu sheegay in bulshada Somaliland ay wadhan yihiin cisbitaalada jigjiga, Addisababa iyo Hindiya waxaanu xusay in aanay jirin dawlad danaynaysa caafimaadka ummadda. Yuusuf Keyse wuxuu sheegay in ummaddu indhaha ku hayso baadhista kiiska ay qabatay Dawladda hoose, wuxuuna soo jeediyay in dadkii ummadda sumaynayay sharciga lala tiigsado. Waxa kaloo uu xukuumada ku dhaliilay in aanay dan ka lahayn hubinta badqabka baddecadaha. Qaran News
  12. Rayadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Isug Tega Imaaraadka Carabta ayaa maanta safar kale uga sii ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee waddankaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa u dhoofay dalka Sacuudiga, waxayna kusii jeedaan magaalada caasimada ah ee Riyadh. Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo ka dhacaya caasimada Sacuudiga ee Riyadh. Sida ay ogaatay Caasimada Online madaxweynuhu inta uu joogay Abu Dhabi wuxuu ku galay qaliin caafimaad oo looga sameeyay dhanka garabka, kaas oo lagu guulaystay. Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xiriirka labada dal, dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Villa Soomaaliya oo war kasoo saartay safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in marka uu soo dhamaado shirka Riyadh uu dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho, si uu halkiisii ugu sii hoggaamiyo dagaalka adag ee ay dowladdiisu kula jirto kooxda Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto marka uu u soo dhammaado shir madaxeedka Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Booqashada uu madaxweyne Xasan ku marayo dalalkan ayaa kusoo aadeysa, xilli haatan dalka ay jiraan xaalado bani’aadamo oo ka dhashay dadaad kusoo rogmaday Soomaaliya. The post Xasan Sheekh oo qaliin ku galay Imaaraadka, kadibna uga sii dhoofay dal kale appeared first on Caasimada Online.
  13. Shirka Saddex Biloodka Deegaanka oo ka Furmay Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL Narwo Shugri Bandare oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Saaka Furay kulankii 3 billoodka ahaa ee Daneeyayaasha Arrimaha deegaanka kulan ayaa lagaga wadahadlay Sida ugu Fiican ee looga wadashaqeyna lahaa Ilaalinta Deegaanka iyadoo lagu saleenyo qorshayaal laga wada shaqeeyey cidkastaana ku darsatay aqoonteeda. Sidoo kale waxaa laysla qaatay in lasii wado shirarka wadatashiyada ee Daneeyaasha Deegaanka Qaran News
  14. Madaxweynaha dowladda goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubbaland. Madaxweynaha oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen. Madaxweynaha ayaa sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro. Dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof sida uu xaqiijiyey Madaxweyne Axmed Madoobe. Source: goobjoog.com
  15. Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale duhurnimadii maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo tuulada Buq-Dharkayn oo u dhow magaalada Oog, sidoo kalena in ka badan 120 km waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray. Wararka ayaa sheegaya in jiraan dhaawacyo lasoo gaarsiiyay magaalada Laascaanood, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad. “Dagaal culus baa socda dhiigaga hala shubo oo cisbitalada halatago” ayay tiro Fahiimo Yuusuf Qooje oo ka mid ah gabdhaha u dhaq-dhaqaaq maamulka SSC-Khaatuma. Sidoo kale SSC oo ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay inay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay inay iska dafaacday weerar ay sheegtay in lagu soo qaaday ciidamadeeda ku suga aaggaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma. Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac. Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  16. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland, Mudane Axmed Madoobe ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada maamulkaasi, kaas oo ka dhacay xarunta madaxtootada ee magaalada Kismaayo. Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay saamaynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan Soomaaliya. Axmed Madoobe oo shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aan wanaagsanayn isla-markaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya illaa 450,000 oo qoys uu saameeyay roobka, iyadoo 90,000 oo qoys ay ku barakaceen. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ay weli go’doonsan yihiin dad gaaraya 70,000 oo qoys, kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro. Dhanka kale waxa uu shaaciyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay roobabkan ku dhuftay gobollada Jubbaland, oo ay weli ka taagan tahay xaalad halis ah “Dad gaaraya 14 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey 6 qof ayaa ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof” sida uu xaqiijiyey madaxweyne Axmed Madoobe. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo ka dhalatay daadadkan soo rogmaday, waxaana dadaal wadda dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta iyo shalayba doomo u diray gobolka Gedo, si loogu badbaadiyo shacabka go’doonsan. The post Axmed Madoobe oo war kasoo saaray xaaladda JUBBALAND + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya. Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. RWe Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka. Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin. Isha: AP Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa u mahad-celiyay golaha wasiirada oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa ku meel-mariyayy Xeer Nidaamiyaha Hay’adda NISA, kadib markii uu soo maray habraacii loogu talagalay. Mahad Salaad ayaa sheegay in golaha wasiirada ay qaadeen tallaabo loo baahnaa, isla-markaana uu uga mahadcelinayo meel marintan xeerkaan oo muhiim u ah NISA. “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta (9/11/2023) meel-mariyey XEER-NIDAAMIYAHA Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka,” ayuu yiri Taliyuhu. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xeerkaan uu ahmiyad gaar ah siinayo horumarinta howlaha Hay’adda Nabad Sugidda, isla-markaana uu lama huraan u yahay shaqada. “Xeer-nidaamiyahaan, oo ahmiyad iyo faa’iido weyn u eh socodsiinta iyo horumarinta howlaha HSNQ; wuxuu ka jawaabayaa baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangalinta qodobada sharciga HSNQ, wuxuuna Xeerkaani faah-faahinayaa isla-markaana xeerinayaa arrimo lama huraan u ah shaqada HSNQ” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA. Ugu dambeyn wuxuu talisku u mahadceliyay dhammaan quburaduu iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee kasoo shaqeeyay xeer-nidaamiyaha NISA ee maanta la meel-mariyay. “Dhanka kale, waxaan u mahadnaqayaa dhammaan mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee kaalinta ku lahaa fudaydinta iyo talada arrimaha Xeerkan la xiriira” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka uu soo saaray taliya Mahad Salaad Maxamed. The post Mahad Salaad oo golaha wasiirada uga mahadceliyay tallaabadii ay qaadeen appeared first on Caasimada Online.
  19. Mogadishu (HOL) - The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on Wednesday donated an assortment of equipment to the Somali Police Force (SPF) to enhance service delivery. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Dowladda Jubaland oo si weyn looga hadlay saamaynta ay geysteen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay roobka dayrta oo ka da’aya guud ahaan deegaanada Jubaland. Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo ka hadlay saameynta xooggan ee ka dhalatay daadadka iyo fatahaadaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere, Doolow, Buurdhuubo, Jamaame, Dhoobley iyo Ceelwaaq ay galeen xaalad aanan wanaagsanayn islamarkaana ay kusoo rogmadeen daadad xoogan oo qaarkood dad ku dhinteen. Mar uu Madaxweynaha Jubaland ka hadlayay saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka ayuu sheegay in dad gaaraya 450,000 oo qoys uu saameeyay, halka dadka barakacay guud ahaan Jubaland ay yihiin 90,000 oo qoys waxaana hadda go’doonsan dad gaaraya 70,000 oo qoys kuwaas oo u baahan in waqtigan gargaar deg-deg ah lala gaaro. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dad gaaraya 14 qof ay ku dhinteen fatahaadaha iyo daadadka soo rogmaday, degmada Garbahaarey ayuu Madaxweynuhu sheegay in 6 qof ay ku dhinteen, degmada Baardheere ayaa lasoo wariyay in 4 qof ay ku dhinteen daadadka halka degmada Ceelwaaq iyo gobolka Jubada dhexena ay ku dhinteen min 2 qof. Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in ay jiraan baahiyo ba’an oo u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto waxa uuna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in degmooyinka xaaladaha daran ku jira in la gaarsiiyo Doomo, Cunto deg-deg ah, Daawo, Bustayaasha dhaxanta, Baco iyo Teendhooyin kuwaas oo muhiim u ah samata bixinta dadka go’doonka kujira. Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa si loo dadajiyo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo degmooyinka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka waxa uu magacaabay guddi Wasiiro ka kooban kuwaas oo ka shaqayn doona sidii loo samata bixin lahaa dadka go’doonsan. Ugu dambayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in xaalada jirta awgeed loo baahan yahay in loo midoobo gurmadka dadka uu dhibku gaaray isagoo ugu baaqay Dowlada Federaalka ah iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee tageera Soomaaliya inay ka qeybgalaan gurmadka socda. The post Madaxweynaha Jubaland oo ka warbixiyay Khasaaraha Fatahaadaha Roobka appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay sida caadada ahayd ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Inta badan golaha waisirada ayaa shirkan soo xaadiray, ayada oo lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka, oo ay dadaal xoogan ku bixineyso dowladda Soomaaliya. Labada xeer ee ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security), kaas oo ay goluhu maanta u codeeyeen, wuxuuna usii gudbi doonaan baarlamaanka Soomaaliya. Intaas kadib golaha waisirada ayaa waxaa la horkeenay warbixinta baaxadda dhibaatada ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-nino ee ka da’ay gobollo badan oo ka mid ah dalka. Golaha ayaa faray hay’adaha ka shaqeynaya gurmadka in la dardargeliyo sidii deg-deg gurmad loola gaari lahaa meelaha uu saameynta xoogga ku yeesheen daadadka. Sidoo kale shirka golaha wasiirada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka wasaaradaha gaashaadhigga iyo amniga gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana ciidanku hadda ku hawlan yihiin samo-tabixinta dadka fatahaadaha roobabku saameeyeen. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku dhuftay daadad xoogan oo saameyn ku yeeshay boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay guryahooda, kadib ay dadaadku qaadeen. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa haatan wata gurmad xoogan oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladdan, waxayna maanta doonyo u dirtay gobolka Gedo. The post Golaha wasiirada oo ansixiyay sharciga amniga Saybarka iyo Xeer Nidaamiyaha NISA + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  22. At least 29 people have been killed and more than 850,000 displaced due to flooding triggered by heavy rains in Somalia, according to the country's disaster management authorities. Source: Hiiraan Online