Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u hakiyay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha ayaa muddo saddex bilood ah hakiyay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS (ex-AMISOM). Go’aankan ayaa imanaya ka gadaal markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in ciidamada ATMIS ay sii joogaan dalka, si ay xilligaan gacan uga geystaan dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Codsiga Soomaaliya ayaa waxaa taageeray Midowga Afrika iyo dhammaan dalalka ku deeqa ciidamada xoogga dalka. Dhawaan, madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaan ka duulaya ayaa u dhoofay dalka Jabuuti, isaga oo halkaas u aaday inuu madaxweyne Geelle kala soo hadlo in ciidamadiisa ay sii joogaan aagga magaalada Dhuusamareeb oo uu hadda ka socda abaabulka dagaalka. Dhinacyada ayaa isku raacay in muddo 90 maalmood ah oo saddex bil ah dib loo dhigo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya. Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Afrika Martha Pobee, oo booqatay Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan yoolka in ciidamada Soomaalida ay la wareegaan masuuliyadda amniga. Martha Pobee ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Soomaaliya, iyada oo aan khatar la gelinayn guulaha laga gaaray dhanka ammaanka gudaha. Si kastaba, qaraarka QM ayaa dhigaya in dhammaadka sanadka soo socda ciidanka ATMIS guud ahaan laga saaro Soomaaliya, si ay amniga ula wareegaan ciidanka Xoogga dalka, taas oo hadda la isla fahmay in dib loo dhigo 3-bilood kaliya. The post QM oo go’aan ka gaartay codsiga Soomaaliya ee bixitaanka ciidanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa shaaciyay afar qodob oo muhiim ah oo uu la wadaagay madaxda sare ee dalka. Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxda qaranka uu la wadaagay in lagama maarman tahay in la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan sidii looga bixi lahaa silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta ee bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in sanad kahor ay dunida weydiisteen in Soomaaliya ay gargaar u fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta, hase yeeshe maanta bulshada Soomaaliyeed qaarkood wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay roobka iyo fatahaadaha. “Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: Isku gurmadka iyo istaakulaynta waa dhaqanka suubaan ee Soomaalida jiritaankeeda badbaadiyey. Waxaa la joogaa xilligii loo samafali lahaa kuwa dhaxanta iyo dabaysha ku hoyanaya, hantidii yarayd ee ay lahaayeenna daadadku ka qaadeen. Sanad ka hor dunida waxaan waydiisanay in ay gargaar noo fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta. Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka. 1- In la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan ka mira dhalinta hawshan. 2- In xilka loo magacaabo dad leh karti iyo karaan u dhigma baaxadda hawsha. 3-Hoggaan jiheeya wadashaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha hawshan, joojiyana is barbar yaaca, is qabqabsiga iyo u kala eed sheegadka ajnabiga. 4- In lala xisaabtamo hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa dawliga ah, kuwa ahliga ah iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya gargaarka bani’aadamka, mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo horumarka. “Ilaaheey qolo ma beddelo inta ay iyagu iska beddelayaan”. The post Maxay yihiin afarta qodob ee CC Shakuur uu la wadaagay madaxda sare ee dalka? appeared first on Caasimada Online.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka culus ee markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamo ay ku sheegtay huwanta ee kasoo horjeeda ay weerar kusoo qaadeen dadka shacabka ah ee deegaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool. “Waxaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee gobolka Sool, kooxda argagixisada ah uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe, huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland. Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu yiri “Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo huwanta, weerar kaasi oo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.” Somaliland ayaa sheegtay in ay ciidamadeedu cagta mariyeen ciidamadii soo qaaday weerarka oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay Cabdi Madoobe, ayna qeyb ka ahaayeen kuwa maamulka Puntland, sida lagu yiri qoraalka. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.” “Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin,” ayaa lagu yiri bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Ugu dambeyntiina waxaa lagu faray ciidamada Somaliland in ay tallaabo ka qaadan cadow kasta oo soo hawaysta deegaanadeeda, islamarkaana ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda. “Waxay Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.” Marka laga yimaado hadalka Somaliland, sidoo kale SSC ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad beeleed ay soo baabushay sida ay hadalka u dhigtay. Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxaa ku dhintay 20 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo labada dhinac, waxaa sidoo kale jira gaadiid laga qabsaday Somaliland. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii ugu dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde. The post Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  4. Minneapolis (Caasimada Online) – Xilliyo kala duwan waxaa baraha bulshada caado ka noqotay in marka qof uu guuleytso – gaar ahaan qurbaha la arko dad Soomaaliyeed oo sheegaya inay isku meel ka wada yimaadeen oo ka soo wada jeedaan. Kadib guushii Talaadadii ee Naadiya Maxamed, oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaasi mar kale soo shaac baxday. Waxaa baraha bulshada ee dadku ku xariir si aad ah looga hadal hayay qoyska ay tahay gabadha, ayada oo qof walba uu sheegayo in ay isku meel ka soo wada jeedaan. Dhanka baraha bulshada dooda badan ayaa ka dhalatay halka ay gabdhaan ka soo jeedo. Dad badan oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in inay isku qoys yihiin. Dhanka kale waxaa jira dad qaar oo baraha bulshada isticmaala oo arrintan ku tilmaamay inay tahay wax aan wanaagsanyn. In Soomaalida ay qoys ahaan ugu faanaan qof isaga dedaalkiisa ku gaaray heer ama xilka uu qabtay ayay ku sheegeen mid laga fiican yahay. Haddaba waxaa jira su’aalo la is weydiinayo oo ah, maxay tahay sababta ay dadka Soomaalida ah u sheegtaan qofka marka uu heer gaaro ama madax noqdo? Maxay tahay faa’iida ugu jirta in qof uu reer ahaan ku taageero isagoo weliba og in qofkaas aysan isku meel joogin oo xitaa aanay jirin wax uu ku caawin karo? Waxaa xusid mudan in halka laga soo doortray Naadiya ay ku badan yihiin dadka aan Soomaalida ahayn taasi waxa ay micneheedu tahay in inta badan dadaka u codeeyay ay u badan yihiin dad aan Soomaali ahayn. Qaar kamid ah dadka u ololeeya midnimada Soomaali wayn, ayaa marar badan ku dhaliilay dadka Soomaalida ah ee dadka guuleysta ku faana inay meel ka soo wada jeedaan, iyaga oo taas ku tilmaamay inay kala qaybineyso bulshada, sidoo kale xafladaha dadkaas lagu taageero ee ay dhigaan dad is xilqaamay ayaa qaarkood la keenaa calamo kala goongooni ah oo astaanta u ah qoysaskooda. Taasna walaac ayay ka muujiyeen. Calamada kala duwan oo horay u jiray balse aan sidaas usii badneyn ayaa aad loogu baraarugay dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Arrintan oo markii hore ka jirtay meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa u muuqata inay kusii fideyso bulshooyinka Soomaalida ah ee ku nool dalalka qurbaha. Waa tuma Naadiya? Faadumo Nuur Barqadle oo ah hooyada Naadiya oo BBC-da la hadshay ayaa sheegtay inay kedis ku noqotay guusha gabadheeda. “Farxad darteed inaan buubo ayaan ku sigtay” ayay tiri. Waxay sheegtay in Naadiya ay juhdi iyo dadaal badan gelisay doorashada, isla markaana ay tahay qof bulshada kasbata. “Naadiya waa qof karti badan, furfuran, soo dhoweys badan, dadku isugu mid yihiin. Qof dadka caawiso oo ah qofka tusaalaha u ah ilmahayga,” ayay tiri. Naadiya oo la dhalatay afar walaalo ah, waxay ku dhalatay dalka Kenya oo reerkoodu ay qaxootinnimo ku joogeen. Waxay qoyskeedu St. Louis Park yimaadeen iyadoo 10 sano jir ah. “Hooyadey waxay kasoo qaxday Soomaaliya, Kenya ayayna timid. Labada dalba maaheyn meel ilmo lagu korsan karo. Halkan ayay nagu korisay, waxyana dooneysay inaan nolol fiican iyo waxbarasho helno,” ayay tiri. “Naadiya habeen iyo maalin ma seexaneyn. Waxay isku wadday howlo badan. Dad badan ayaa sidoo kale garab ku siiyay,” ayay tiri. Waxay intaas ku dartay in Naadiya ay siyaasadda ku biirtay xilli hore ayna lasoo shaqeyneysay booliiska, sidaasna ay ugu dhalatay inay ku biirto siyaasadda. Naadiya, keliya Soomaalida ma caawin, balse waxaa sidoo kale garab taagnaa duqii hore ee magaalada ay hadda ku guuleysatay, ee Jake Spano, iyo sidoo kale bulshada kale ee magaaladaas ku nool. The post Waa qoloma NAADIYA Maxamed, oo qabaa’ilo kala duwan ay sheeganayaan? appeared first on Caasimada Online.
  5. Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay bilaabi doonto dhaqangelinta xabbad-joojin maalinle ah oo afar saacadood ah hawlgalkeeda milatari ee ka dhanka ah Xamaas ee waqooyiga QASA. Dhawaaqidda afhayeenka golaha amaanka qaranka John Kirby ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada Israa’iil ay magaalada QASA kula dagaalameen xoogaga Xamaas, waxaana magaalada isaga cararay shacab badan oo Falastiiniyiin ah. Kirby waxa uu sheegay in xabbad-joojintu ay siineyso Falastiiniyiinta wakhti ay ku baxsadaan, iyaga oo isticmaalaya laba waddo oo bini’aadantinimo, ayna ka dhigan tahay horumar la taaban karo oo lagu dhimayo khasaaraha dagaalka. “Israa’iiliyiintu waxa ay nagu wargeliyeen in aanay jirin wax hawl-gal ah oo milatari oo ka dhici doona aagaggaas inta lagu guda jiro muddada xabbad-joojinta” ayuu yiri John Kirby. Waxa uu intaa ku daray in fikradda joojinta ay timid intii lagu guda jiray wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo bilowday xabbad-joojin kooban oo maalinle ah appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad halkaasi oo loogu sameeya soo dhoweyn. Madaweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu ka qayb galo Saddex shir oo kala ah Shirka Jaamacada Carabta, shirka Ururka iskaashiga Islaamka iyo kan Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkaasi ayaa intooda badan looga hadli doonaa Arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo kuwa bulshada iyo gaar ahaan xaaladaha cusub ee la soo dersay shacabka Falaatiin iyo sida xal loogu heli karo dagaalada ka socda Gaza. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo shirar kaga qayb galaya Caasimadda Sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  7. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa heshiiskan oo ah mid iskaashi ayaa qalinka ku duugay, isaga oo la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane H.E Faisal bin Farhan Al Saud. Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed. Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga. Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. “Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.” Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada. The post Sawirro: SOOMAALIYA iyo SACUUDIGA oo Riyadh ku saxiixday heshiis cusub appeared first on Caasimada Online.
  8. Las Anod (HOL) - The SSC-Khatumo administration has accused Somaliland of inciting conflict in the Sool region following new fighting between the two administrations in the Yayle and Buqdharkayn areas in the region over the last two days. Source: Hiiraan Online
  9. Las Anod (HOL) - The SSC-Khatumo administration has accused Somaliland of inciting conflict in the Sool region following new fighting between the two administrations in the Yayle and Buqdharkayn areas in the region over the last two days. Source: Hiiraan Online
  10. Las Anod (HOL) - The SSC-Khaatumo administration has displayed at least 10 prisoners from the Somaliland forces, who were captured in battles that took place yesterday in the Buq-dharkayn area. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay saameynta roobabka iyo daadadka El-Niño, doorka muwaadinka iyo dadaalka ay waddo dowladda Soomaaliya. Mudane Saalax oo warbixinta bulshada Soomaaliyeed kula wadaagay Twitter Space oo hadda loo yaqaan X Space ayaa sheegay in Webiga Shabeelle laga cabsi qabo in uu fataho, kaasi oo uu sheegay in biyo badan uu soo wado. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday ka hadalka xaaladda guud ee dalka gaar ahaan saameeynta ay fatahaaduhu ka geysteen gobollada dalka, waxa uu xusay in dowladda ay dadaashay iyada oo digniino u dirtay shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aysan bilaaban fatahaadaha. Waxa uu sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro gobolka Gado, gaar ahaan degmooyinka Doowlow, Baardheere, Luuq, Buurdhubo, Garbahaarey, oo uu sheegay in ay dadka qaar ay go’doomeen, sidoo kale waxa uu xusay garoomadii ku yaalay deegaanadaasi in ay dhammaantood wada xirmeen. Dhanka dowlad-gobaleedka Jubbaland ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobley ay ku soo rogmadeen togog, kuwaasi oo uu xusay in ay geysteen khasaare kala duwan. Deegaannada Koonfur Galbeed ayuu sidoo kale sheegay in laga soo warinayo xaalad halis ah, iyada oo magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Ceelbarde, Raqdhuube iyo Waajid laga soo warinayo xaalad la mid ah kuwa magaalooyinka kale. Mudane Saalax ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xukuumadda ay iska saartay qaar kamid Golaha Wasiirrada, kuwaasi oo ka kala socday Wasaaradaha; Arrimaha gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, Waxbarashada, Ciidanka iyo Duulimaadka. Si kastaba, roobabkaas ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, sida ay hore u baahisay dowladda. The post DF Soomaaliya oo cabsi hor leh ka muujisay arrin uga sii dari karta xaaladda taagan appeared first on Caasimada Online.
  12. The United Nations is in talks with Somalia and the African Union Transition Mission to Somalia (ATMIS) to ensure a successful security transition is achieved, a UN official said. Source: Hiiraan Online
  13. A major bridge in the south-western Somali town of Bardhere has collapsed following flooding caused by heavy rain that has been pounding the country for days. Source: Hiiraan Online
  14. UN humanitarians said on Thursday that they released 25 million U.S. dollars to jumpstart relief from the once-in-a-century flooding in Somalia that has already affected nearly 1.2 million people. Source: Hiiraan Online
  15. Italy’s plan to detain migrants who make the dangerous crossing over the Mediterranean from Africa in Albania has received a mixed reaction. Source: Hiiraan Online
  16. After making significant progress, Somalia's offensive against the Islamist Al-Shabaab group has stalled for months, raising concerns about the government's capacity to crush the 16-year insurgency led by the Al-Qaeda-linked militants. Source: Hiiraan Online
  17. East African Community (EAC) Secretary-General Peter Mathuki says Somalia could be admitted to the bloc this month. Source: Hiiraan Online
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Taliska Booliska maamulka Puntland ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay dhacdadii maalmo ka hor ka dhacday magaalada Garoowe. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf, oo ugu horrayn ka hadlay dhacdadii khasaaraha sababtay ee ka dhacday Garoowe ayaa siyaasiyiinta, Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Asad Cismaan Diyaano ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dhibaatadaasi. Taliye Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in rag hubaysan oo ay soo abaabuleen labadaas siyaasi ay weerar ku qaadeen soo dhaweyn barxadda Garoowe loogu samayn lahaa Youtuber-ka lagu magacaabo Kabtan Ayuub, taasina sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. G/sare Marduuf ayaa sidoo kale siyaasi Asad Diyaano ku eedeeyay in gurigiisa magaalada Garoowe laga tuuray hoobiye ku dhacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Garoowe, islamarkaana la tuuray markii uu weerarkii barxadda dhacayay. Dhinaca kale, taliyaha Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa isna siyaasiyiinta mucaaridka ah ku eedeeyay in ciidamadoodu dhac u geysteen gaadiid dowladdu leedahay sidoo kale ay jiraan shakhsiyaad danbiyo kala duwan ku eedaysan oo u galay dhanka mucaaridka. Maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe oo sidoo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaridka ah ay qayb ka yihiin falalka amni-darrada ah ee ka dhacaya gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe. Isha: Puntland Post The post Maamulka Deni war kasoo saaray dagaalkii Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  19. RIYADH, Kingdom of Saudi Arabia, November 9, 2023/ — Parallel financing planned in strategic sectors; Memorandum of understanding signed today at the Saudi-Arab-African Economic Conference to expand SFD’s $10.7 billion of development support in Africa. In a milestone for strengthened bilateral ties between the Kingdom of Saudi Arabia and Africa, the Saudi Fund for Development (SFD) and Africa Finance Corporation (AFC), the continent’s leading infrastructure solutions provider, today announced the signing of a memorandum of understanding (MoU) to jointly finance sustainable and impactful infrastructure projects across Africa. The MoU, signed on the afternoon of the Saudi-Arab-African Economic Conference in Riyadh, Kingdom of Saudi Arabia (KSA), signals the intent of AFC and SFD to coordinate in identifying, developing, and co-financing infrastructure and development projects across the continent. The collaboration brings together two of the foremost entities behind innovative financing to close Africa’s critical infrastructure gap. In line with its mission to promote global sustainable development, SFD has funded more than 800 development projects worth US$20 billion in over 100 countries around world. In Africa alone, SFD has financed over 400 projects in 46 countries worth US$10.7 billion, accounting for 57% of its funding in developing countries worldwide, and supporting sectors including agriculture, energy, industry, transportation, and social infrastructure. AFC’s solutions-first approach has produced an investment track record of US$12.7 billion in projects across 36 African countries that combine impact-at-scale with superior risk-adjusted returns. AFC’s community of sovereign member nations has now expanded to span three-quarters of African countries. Backed by the continent’s third highest credit rating of A3 (Moody’s), the AFC with its partners is the biggest investor and developer in many of the continent’s iconic projects in the ports, logistics, industries, special economic zones, and renewable energy sectors. “The SFD is committed to supporting sustainable development in Africa,” said H.E. Sultan Al-Marshad, CEO of SFD. “The signing of this MoU with the Africa Finance Corporation is a significant step forward in collaborating to finance sustainable and impactful infrastructure projects across Africa. Together, we will work to unify our efforts in delivering development projects that will have a positive impact on boosting economic growth and helping to improve the quality of life for millions of people across the continent.” “With our shared passion to elevate Africa’s instrumental role as an engine of global growth, we are delighted to be partnering with SFD, whose considerable resources have played a positive role in accelerating economic development in Africa,” said AFC President & CEO, Samaila Zubairu. “It is essential for development finance institutions to work diligently together to deliver novel solutions that address the volatile landscape and challenging economic conditions we are facing today.” The MoU lays a foundation to support African countries in achieving sustainable development. The MoU also reaffirms the importance of international cooperation and solidarity to achieve the Sustainable Development Goals and foster economic and social growth, particularly in Africa. Qaran News
  20. Masuuliyiinta Maaliyadda oo la Kulmay Guddiga Ee Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha Hargeysa (Qaran news) Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Amb. Rooda Jaamac Cilmi oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Cismaan {Muadinka} iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa kulan la qaatay xubnihii dhawaan ku guulaystay inay buuxiyaan jagadii ay baneeyeen Gudiddii hore ee Ka Garnaqa Dacwaddaha Cashuuraha. Guddida Ka Garnaqa Dacwaddaha-Cashuuraha heer qaran oo ah guddi madax-banaan waxa xubnaha jagada baneeyey xilka loo dhaariyey 23 June,2020-kii, iyaga oo xilkaasi hayey mudo sadex sano ah sida uu xeerku dhigayo. Aasaasida Gudiddan waxa jideynaya Xeer ka Guud ee Dakhliga JSL Xeer Lr. 72/2016, cutubkiisa 6-aad qodobadiisa 109-aad ilaa 249-aad oo lala akhrinayo Xeerka Kastamada Xeer Lr. 73/2016 qodobkiisa 205-aad. Waxaanay guddidani ka garnaqdaa dacwaddaha idaariga ah ee la xidhiidha cashuuraha Dalka guud ahaan, waana halka uu u racfaan qaato cashuur-bixiyaha ku qanci waaya go’aan cashuureed oo lagu soo rogay. Ku dhiirashada yagleelida Guddiga-Dacwaddaha Cashuuraha Somaliland ayaa ka mid ahayd talaabooyinka xusida mudan ee loo qaaday dhinaca hirgalinta mabaadi’da maamul-wanaaga ee daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, taas oo qayb ka ahayd Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dawladda ee ay socodsiintiisa laf-dhabarka u tahay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu. Qaran News
  21. London (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid qorshaha socda ee ay ku Israel ku dooneyso in dhowr iyo toban sano kadib ay dib ugu la wareegto amniga guud ee Marinka Gaza. Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku goodiyay in Israel ay damaanad ahaan ula wareegi doonto amniga guud ee Marinka Gaza, kolka uu dhammaado dagaalka ay kula jiraan Ururka Xamaas. Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Tel Aviv ay amniga Gaza gacanta ku hayn doonto sida uu yiri illaa waqti aan la cayimin, iyagoo markaasi ka hortaggaya weerarkii 7-dii October oo kale. “Israel waxa ay yeelan doontaa masuuliyadda guud ee amniga Gaza, muddo aan la cayimin, marka uu dagaalku dhammaado, sababtoo ah waxa aynu aragnay waxa dhacaya,” ayuu yiri Netanyahu. Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ka falcelinayay warka ka soo yeeray Netanyahu ayaa uga digay in Israel ay dib u soo cusbooneysiiso qabsashadeedii Marinka Gaza. Wasiirka oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Tokyo ayaa sheegay in Mareykanku uu Israel ku taageerayo inay meesha ka saarto Xamaas, balse aanu ku taageeri doonin in ay dib ula wareegto Gaza. “Israel ma qabsan karto Marinka Gaza, way iska caddahay inaysan qabsan karin. Hadda xaqiiqdu waxay tahay in ay jiri karto baahi loo qabo muddo kala guur ah, dhammaadka iska horimaadka,” ayuu yiri Wasiirka. Blinken ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Marka Xamaas laga adkaado, dadka Falastiiniyiinta waa inay iyagu la wareegaan Maamulka Gaza iyo xitaa Daanta Galbeed.” Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, James Cleverly ayaa sheegay in loo baahan yahay in Israel ay awoodda ku wareejiso Hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ee nabadda jecel, sida uu yiri. Washington iyo London ayaa Tel Aviv ka dalbanaya in ay wareejiso maamulidda Gaza, marka ay gaarto hadafkeeda ah in la ciribtiro Xamaas. Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ayaa si adag u cambaareeyay barakacinta khasabka ah ee ay Israel ka waddo Gaza, taas oo ay u arkaan qorshe ay ka leedahay dhul ballaarsi. Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku haysteen. Xilligaasi waxay magaalada ku wareejiyeen Maamulka Falastiiniyiinta, inkastoo ay Xamaas kala wareegtay bishii June ee sanadkii 2007. Israel ayaa tan iyo xilligaa ahayd cidda go’aanka ka gaareysa cidda imaaneysa iyo cidda kale ee ka baxeysa Gaza, iyadoona weli ay Israel gacanta ku hayso maamulka hawada iyo badda Gaza The post Mareykanka iyo UK oo ka horyimid qorshe ay Israel ka damacsan tahay GAZA appeared first on Caasimada Online.
  22. Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Tababar u Furtay 60 Sarkaal oo ka Tirsan Ciidamada Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Warsame Xasan ayaa tabobar u furay 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland. Tabobarkan oo ujeedadiisu ahayd sidii looga faa’iidaysan lahaa tiknoolajiyada casriga ah ayaa waxa ugu horayn madashii lagu furaayey ka hadashay Agaasimaha xarunta Hal-abuurka ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Suleekha Isxaaq Cumar,waxaanay tilmaantay in ciidamadan tabobarkan qaadanayaa ay yihiin qaybtii saddexaad,iyada oo cadaysay in maanta ay Tiknoolajiyadu qayb ka tahay awoodda adduunka laysu adeegsado,layskuna muquuniyo. Waxa isna halkaas ka hadlay Hoggaanka Tabobarada ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir,waxaanu usoo jeediyay ciidamada tabobarka qaadanaayey in ay ka faa’iidaystaan aqoonta Tiknoolajiyadeed ee ay tabobarkeeda qaadanayaan,isla markaana ay ummada reer Somalilandna uga faa’iideeyaan oo ugu shaqeeyaan. Ugu dambayn waxa halkaas hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Yuusuf Warsame Xasan,waxa aanu sheegay in ay marwalba xoogga saarayaan tabobarada dhanka Tiknoolajiyada casriga ah ee ciidamada Qaranka,madaama oo ay Ciidamada Qaranku yihiin laf-dhabartii uu Qaranku ku taagnaa. Qaran News
  23. Wasiirka Waxbarashada oo Nairibi kula Shiray Qaadhaan-bixiyeyaasha Hargeysa(Qaran news)-Weftigii ka socday Wasaaradda Waxbarashadda iyo saynisku Somaliland ee uu hogaaminayay wasiirka Waxbarashada Somaliland ee hawlaha shaqo ku joogay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa kulamo la qaatay deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhanka waxbarashadda. Weftigu waxay Mas’uuliyiintii ay la kulmeen ay la wadaageen qorshaha horumarinta waxbarashadda iyo mudnaanta Somaliland ee 5 sano ee soo socota. Weftigan ka socda Wasaaradda waxbarashada Somaliland waxay hay’adihii ay la kulmeen ka mid ahaa, Xafiiska Midowga Yurub oo sidoo kale ah xidhiidhiyaha barnaamijka Horumarinta Waxbarashadda Adduunka loo yaqaano GPE, Hayadda Maraykanka u qaabilsan taageeradda caalamiga ah ee loo gaabiyo USAID, Baanka Adduunka (World Bank), Laanta dalka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta dibadda iyo barwaaqo sooranka, Safaaradda Denmarka oo waftigu kala hadlay taageerada DANIDA ee waxbarashadda Somaliland Warku wuxuu intaas ku darayaa in Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Diiriye Toorno waxay maalmaha soo socda sii wadi doonaan hawlaha shaqo ee ay dalka Kenya u joogaan. Qaran News
  24. Dawladda Iiraan oo Sheegtay in Dalalka G7 ay Daawanayaan Xasuuqa Falastiiniyiinta Tehran (Qaran news)-Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in dalalka wershadaha ku tanaaday ee G7 laga filayay inay joojiyaan xasuuqa Israa’iil ku hayso dadka Falastiiniyiinta ah. Hase ahaatee ay dalalkaas daawanayaan oo kaliya fal-dambiyeedyada Israa’iil. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Mr. Nasser Kan’ani ayaa sheegay in dalalka G7 ay sameeyeen dulmi weyn oo ay iskaga indho-tirayaan xadgudubyada dagaal ee israa’iil ku gumaadayso dadka rayidka ah ee reer Falastiin. Afhayeenku wuxuu tilmaamay halkii laga sugayay inay cambaareeyaan israa’iil ay soo saareen dhambaal ay ku taageerayaan falalka ay samaysnayso. Dawladda Iiraan waxa ay sheegtay in dad 10 kun oo qof ka badan oo falastiiniyiin ah la dilay, kuwaasi oo 4,324 carruur ahaayeen, halka 2,823 qofna haween ahaayeen, taasina ay ceeb ku tahay in dawladaha reer galbeedku daawadaan. Qaran News
  25. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada XFS Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta Africa Sustainability Outliers Award oo ay kula tartantay 3 rag ah. Tartanka ayaa ka dhacay Magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethiopia,Ugu dambeynna Wasiir Khadiija ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay, isla markaana la guddoonsiiyey Abaalmarinta. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mid noqotay musharixiin loo xushay ka qeybgalka tartanka billadda ee “Africa Sustainability Outliers Award, ee loosoo gaabiyo (ASO Awards 2023). Wasiir Khadiija ayaa loogu xushay u tartamidda Billaddan shaqooyinka baaxadda leh ee ay ka qabatay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay ka midyihiin:- U heelanaanta gaarka ah iyo ka go’naanshaha in la abuuro mustaqbal Waara ee Afrika. Hirgelinta hindiseyaal badan oo dhiirigelinaaya horumarinta adkeysiga deegaanka iyo horumarinta bulshada. Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tartankan loogu xushay Ka-qaybgalkeeda sare iyo doorka hoggaamineed ee ay Soomaaliya ka qaadatay shirkii cimilada ee lagu qabtay Sharm El Sheikh, Masar, 2022. Daah-furka Hindisaha Darbiga Weyn ee Cagaaran, kaas oo qeyb ka ah Hindisaha Soomaali Cagaaran. Wasiirka ayaa door weyn ka qaadatay Abaabulka howlgelinta howlaha wadatashiga ee daneeyayaasha iyo dedejinta hirgelinta howlahaas si Afrika loo gaarsiiyo horumar waara. Dajinta hindisaha iyo aragtida weyn ee lagu beeraayo malaayiin geed, si kor loogu qaado xalalka tamarta la cusboonaysiin karo, awood siinta haweenka iyo dhalinyarada, abuuritaanka jawi nabadeed oo suurtagelinaaya horumarka iyo in dadku ay la qabsadaan isbedelka. Maaddaama ay si dhab ah dalkeeda iyo dadkeeda ugusoo meteshay dalal badan oo ay aheyd Danjire, waxay u ololeysay wacyi-gelinta guud ee arrimaha deegaanka, si dadku ay si firfircoon ula falgalaan arrimaha deegaankooda, dalkooda, gobolkooda iyo caalamka oo dhan, si xal loogu helo arrimaha taagan ee saameynaaya horumarka waara. Dadaalkeeda ayaa saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka, horumarinta kobaca dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka dabiiciga ah, iyo horumarinta hab-nololeedyo, sidaas darteed u qaabaynaya mustaqbal waara ee Afrika. The post Sawirro: Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo billad lagu gudoonsiiyey Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.