Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo loo doorto xilkaas, Naadiya ayaa muddooyinkii dambe waday ololaha doorashadeeda. Naadiya ayaa sidoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee asal ahaan Soomaali ah oo doorasho qof iyo cod ah ku guuleystay tartanka doorashada duq magaalo oo Mareykanka ah, taas oo muujinaysa sida bulshada Soomaaliyeed uga soo muuqanayaan bulshooyinka ay la dhaqmaan, sida lagu amaanay Naadiya. “Doorashadani, dabcan, waa mid muhiim ah sidii aynu horeba u ogeyn, runtiina aad baan uga mahad naqayaa fursadda aan ku hoggaaminayo magaaladeenna” ayay Naadiya u sheegay boqollaal qof oo iskugu soo baxay debbaal-degga guusheeda, kuwaas oo ku nool magaalada St. Louis Park. Doorashadan waxaa Naadiya taageeyay Jake Spano oo ah duqa xilligan ee magaalada St. Loius Park oo sheegay in aanu u mar saddexaad tartameyd ka hor inta aysan Naadiya ku dhawaaqin in Mushaxnimada bishii April ee sannadkan 2023, taas oo keentay in bulsho kale duwan ay taageero ka hesho Naadiya. Naadiya ayaa ka guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota oo ahaa musharraxii la tartamay, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay.Naadiya ayaa hore u aheyd xubin ka tirsan golaha deegaanka ee magaaladaas, waxaana qofkii ugu da’da yaraa ee noqda duqa Louis. Nadia oo 27 jir ah ayaa iyada iyo qoyskeedu ay deggenaayeen magaalada St. Louis Park tan iyo markii ay aheyd 10 sano jir, Nadia sidoo kale waa qofka ugu da’da yar ee abid loo doorto xafiiska guud ee xaafada metro ee galbeedka magaalada taariikhda 170-sano, waxay hore uga soo shaqeysay Golaha St. Louis. Sannadkii 2021, Deeqa Dhalac ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay noqoto duqa magaaladaas, tani waa taariikh kale oo bulshada Soomalaida ay ku yeelanayaan caalamka. Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallim Abdulle ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobabkii ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka. Roobabka oo dhaliyay daadad xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed. Guddoomiyaha SODMA oo warbaahinta kula hadlay xarunta howl-galada gurmadka deg-degga ah ee NEOC, ayaa shaaciyay in dadka ay saameyeen Roobkaan ay garayaan 850,000 oo qof. “Dadka ay saameysay illaa 850,00 qof, dadka ku barakacay waxay gaaracayaan 305,00 qof. Gobollada ugu daran ee ay saameysay waa Gedo ee Jubbaland, Mudug ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed wey saameysay dhamaan,” ayuu yiri guddoomiyaha SODMA. “Deegaanada ugu daran ee si ba’an u saameysay deegaanada Garbahaaray, Baardheere, Ceelwaaq iyo Luuq waa deegaanada ugu daran ee Gedo ka saameysay, sidoo kale deegaanada Baay ka saameysay waa Baydhabo, Buur-hakaba, Bardaale iyo Qansax-dheere.” Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhimashada ka dhalatay roobabka mahiigaanka ah iyo daadadka kusoo rogmaday deegaanadaas ay marayso ilaa 29 ruux, illaa inta hadda la xaqiijiyay. “Ilaahay waxaa ka rejaynaynaa in howsha noo yasiro, waxaa ku dadaali doona intii tabartayada tahay in aan ka jawaabno baaqyada Soomaaliyeed iyo umadda Soomaaliyeed, guud ahaanna umadda Soomaaliyeed ha isgarab qabato.” Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in loo bahan yahay in bulshada taxadarto oo la caawiyo walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Bakool, Baay iyo qeybo kamid ah gobolada dalka oo sameeyn xooggan ay ka soo gaartay roobkaan. Hoos ka daawo muuqaalka The post DF oo shaacisay in dad gaaraya 850,000 ay saameysay halista taagan appeared first on Caasimada Online.
  3. Mohamed, who had already won citywide as an at-large council member and had the backing of Mayor Jake Spano, defeated retired banker Dale A. Anderson. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu (HOL) – At least 29 people have been killed and more than 305,000 people displaced following heavy rains and flash flooding in south-central Somalia, officials said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kalmadaha kala wareeg iyo xiriir sameyso waxay kamid ahaayeen kalmadaha aadka uga noqday magaalada Muqdisho gaar ahaan marka la joogo goobaha hubinta gaadiidka dadweynaha, ay ku amri jireen ciidamada ammaanka. Muddo ay culeysyo amni ka jireen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ugu dambeyntii waxaa hadda muuqata in isbeddel weyn ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha. Ciidamada NISA ee ku sugan Kantaroolada caasimada ayaa hadda mid mid u baara gaadiidka, ayada oo aan lagu xujeynayn xiriir sameyso, balse hadda baaritaan dabadeed iyo hubin muwaadinka kadib waxay deg deg iskaga gudbaan degmooyinka caasimada oo idil. Dadweynaha Muqdisho oo ka fal-celiyay isbeddelka ku yimid hanaanka baarista gaadiidka dadweynaha ayaa si weyn usoo dhoweeyay. “Wax badan ayaa isbeddelay, kala wareegii iyo wixii waa dhamaadeen Alxamdulilaah Nabadsugidda haddii aysan aheyn qofka maskiinka ah waa la xujeyn jiray, hadda xujo majirto gaariga ma wadata waa lagu baara hore ayaa lagu fasaxa waana lagu hubinaa,” ayuu yiri mid kamid ah dadweynaha Muqdisho ee ku shaqeysta gaadiidka yar yar. Baraha hubinta gaadiidka waxay bilihii u dambeysay waxay gacan ka geysteen ammaanka caasimada, waxayna fashiliyeen qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonayeen inay magaalada gudaha usoo galiyeen, taasi oo wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Ciidamada kala duwan ee hadda caasimada ka howl-gala iyo shacabka mgaalada oo iskaashaday ayaa kow ka ah waxyaabaha xilligaam suurta-galiyay xasilloonida ka jirta caasimada iyo isbeddelada amni ee laga dareeyo magaalada Muqdisho. The post Muqdisho: Kala wareeg iyo xiriir sameyso oo xal loo helay appeared first on Caasimada Online.
  6. Naadiya Cabdirizaaq Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka ee Magaalada St Louis Park, ee gobolka Minnesota, iyadoo noqoneysa duqa magaaladaas. Naadiya Cabdirizaaq oo ah qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo ee kasoo jeeda bulshada Madow ayaa tartan qof iyo cod ah kaga guuleysatay Dale Anderson oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Minnesota, iyada oo heshay in ka badan 58% codadkii la tiriyay. Naadiya ayaa sheegtay in ay wax ka qaban doonto kirada guryaha oo qaali ah dadkana aysan awoodin in ay iibsadaan , waxanay xustay in ay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka haysta dhallinyada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. Deeqa Dhalac ayaa 2012-kii noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo Maraykanka ka noqota duq magaalo, kadib markii golaha deegaanka magaalada South Portland ee gobolka Maine ay u xusheen inay qabato xilkaa, balse Naadiya ayaa ayaa lagu doortay qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Gabar Soomaaliyeed oo loo doortay duqa magaalada St Louis Park ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  7. Mogadishu (HOL) - Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama commended Somali women's crucial role in supporting anti-al Shabab operations and ensuring security during the Women's Day for Peace and Security meeting in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  8. Tunisian security and military forces caught five Islamists who escaped from a prison last week, where they were serving time for killing two secular politicians and policemen. Source: Hiiraan Online
  9. The Kenyan government announced Monday a surprise public holiday on Nov. 13 for a nationwide tree planting day, part of its ambitious plan to plant 15 billion trees by 2032 Source: Hiiraan Online
  10. Floods caused by heavy rains across parts of Somalia have displaced more than 113,000 people and 'temporarily affected' hundreds of thousands, according to the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs. The rain comes a year after the Horn of Africa nation suffered its worst drought in four decades. Source: Hiiraan Online
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Xaalada Magaalada Garoowe ayaa hadda deggan kadib markii shalay uu ka dhacay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo la sheegay in ay la socdeen nin Youtuber ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub iyo rag kale oo hubeysnaa. Iska hor imaadka oo ka dhacay Barxadda Garoowe ayaa la sheegay inay ku ku dhinta hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen. Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhacdadaas ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay yihiin xilal doon hase yeeshee mucaaradku way iska fogeeyeen in arrintaa ay ku lug lahaayeen. “Baraxadda Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacay xoogahaa is rasaaseyn ah, dhisamasho iyo dhaawacna waa jiraan niman shufto ah oo shoobaristeyaal ah ayaa arinkaas sameeyay oo u madda oo dhan ay garaneyso, ilaa xalay iyo maantana nabad doonadana waa ku jireen waana u maarawaayeen,” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay in sababta dhacdada ay ka dambeyso ka dib markii ciidankii booliska ee waardiyeeynayay barxadda iyo niman “shufta ah” oo dabaq saaran ay yirahdeen Kabtan Ayuub ma istaagi karo barxadda sidaasna ay xabbadaha ku bilaabeen. Dhinaca kale mucaaradka ayaa gaashaanka u daruuray eedeynta guddoomiyaha ee ah in dhacadada ay ka dambeeyeen niman xilal doon ah. “Arrintaan wax qeyb aanu ku leenahay ma jirto mana jirto sabab allaale iyo sabab aanu uga mid noqon karno ma jirto, dadka magaalada ayaanu kala mid ahayn oo waxaanu maqalnay sanqarta xabadda,” Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Dhoore. “Waa niman taageersan aragtida dowladda shalayna ka soo horjeeday aragtidooduna xor u ah cidda ay doonaan taageeri karaan, sabab aan kaga soo horjeedsannaa, ula diri karno u dhaawici karno ma jirto, waxaanu nahay baritoole dadka dalka xukumaya, dadku waa noo siman yihiin mid naga fikir duwan iyo midaan isku aragti nahayba, midda kale mucaaradka Garowe oo keliya ma joogo, Baran buu joogaa Qardho buu joogaa Boosaaso buu joogaa marka haddii ay diiddan yihiin soo dhaweynta Kabtan Ayuub meelaha kaleba waa ku diidi lahaayeen marka anaga dalad mucaarad ah baanu nahay marka sabab aan ku diidno dad dhalinyaro ah oo dadkooda soo dhaweeynayaan ma jirto,” ayuu Cabdiraxmaan Maxamed. Maamulka gobolka Nugaal ayaa sheegay in sababta ay mucaaradka u diidan yihiin in ninkan Garowe loogu soo dhaweeyo ay tahay inuu horay muucaaradka baraha bulshada wax u sheegay. Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in hadda ninkan loo baacsanaya mar buu Facebook wax ii sheegay ayna taas dowladda ka shaqeynin hase yeeshee Cabdiraxmaan ayaa eedeeyntaas ganafka ku dhuftay. “Horayna waan u sheegay mucaaradka meel walba oo uu soo maray wuu joogaa, tan labaad ninka na dhaliila ama wax naga sheega ma ah inaan ka hortageyno hadaanu wax ka sheegeyno horay baanu uga jawaabi lahayn dhaleeceyntii uu na dhaleeceeyay, inagaa wax ka oran lahayn, inanku waa nin dhalinyaro ah oo xor u ah in dadkiisii iyo dalkiisii la joogo marka ma jitrto sabab aanu irahno qofkii na dhaliilayay xabad baanu ku rideynaa. Arrintan dolwaddan oo xilligeedi dhammaad yahay oo laga kari la’yahay dooarasho qabo ayaa marmarsiyo ka dhiganeysa waxaan maqli jiray habar dhali weyday allaylehe ku waalatay, annaga waxaan shaqo kuma lihin.” The post Xog: Yaa ka dambeeyay dagaalkii Garowe ka dhacay? appeared first on Caasimada Online.
  12. Walaac Xoog Leh oo laga Muujiyay dagaal ka dhex Qarxa Itoobiya iyo Eritrea Addisababa(Qaran)-Prof James Ker-Lindsay oo ah aqoonyahan lafo-gura arrimaha ammaanka iyo dawladnimada ayaa ka dayriyay in labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ay uu mar kale dagaal ka dhex qarxo labada waddan inta aanu sannadkani dhammaanin. James Linsay wuxuu tilmaamay in hadalkii uu jeediyay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed bishii October 2023 ee la xidhiidhay inay Itoobiya doonayso inay marin biyoodka ay xaqa u leedahay hesho, ay tahay qoddaxda soo cusboonaysiisay xanafka siyaasadeed ee labada dawladood ee jaarka ah u dhexeeya. Iyadoo doodii Abiy ay werwer ku abuurtay maamuleyaasha Asmara. Tan iyo wixii ka dambeeyay dhawaaqii Abiy Ahmed, waxa Eritrea ay xadka ay la wadaagto Itoobiya soo dhoobtay ciidammadeeda si ay uga gaashaamato haddii Itoobiya isku daydo inay soo hujuunto. Madaxbannaanidii ay muddada dheer ay doonaysay Eritrea waxay fursad heshay markii Jabhadii Eritrea EPLF iyo Jabhadii Tigrayga ee TPLF ay xukunka ka tuureen dawladdii Milatariga ahayd ee Mingiste sannadkii 1991kii, iyadoo laba sannadood ka dib Eritrea madax-bannaanideedii ka qaadatay Itoobiya, waxana cilaaqaadkii labada dhinac degdeg u burburay kadib markii Eritrea ay sheegatay deegaanno xadka ku teedsanaa, taasina ay keentay dagaalkii lagu hoobtay ee dhex maray labada dal muddadii u dhexaysay 1998-2000. Qulqulatooyinkii iyo colaadii u dhexaysay Itoobiya iyo Eritrea waxay meesha ka baxday markii sannadkii 2018kii uu talada Itoobiya qabtay Abiy Ahmed oo aqbalay dhulkii Eritrea sheeganaysay, waxayna mar kale labada dal noqdeen kuwo aad iskugu dhow. Dedaalkii Abiy Ahmed wuxuu u gooyay inuu sannadkii 2019 qaato abaalmarinta caalamiga ah ee Noble Peace Price. Hase ahaatee waxa uu Prof James Linsay ku dooday in dhaqaalaha koraya ee Itoobiya uu sababay damac baddeed, taasina ay dhaawacday niyadsamadii siyaasadeed ee ay isku qabeen Addisababa iyo Asmara, taasina ay dhalisay in falanqeeyeyaashu ay walaac ka qabaan in labada dhinac mar kale ku diriraan soohdinta u dhexaysa. James Linsi wuxuu tilmaamay inay Itoobiya marin biyoodka u dhowi yahay kuwa dalalka Eritrea, Jabuuti, Suudaan, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Somaliland, hase ahaatee dagaalladii taariikhiga ahaa ay ladh ku kicisay Eritrea oo u aragtay hadalka Itoobiya daandaansi iyada loogu duurxulayo maadaama masaafo ahaan aad ugu dhowdahay Itoobiya. Qaran News
  13. Guddida Heer Qaran ee Kor u Qaadista Lacagta Somaliland oo Shiray Hargeysa(Qaran news) -Kulan ay iskugu yimaadeen Guddida heer Qaran ee kor-u-qaadista Qiimaha Shillinka iyo la Dagaalanka Sicir Bararka ayaa galabta ka qabsoomay xarunta Baanka Somaliland. Ujeedadda kulankan ayaa ahayd in dib u eegis iyo qiimeyn lagu sameeyo talaabooyinkii ay qaadeen Xukuumadda iyo Baanka Somaliland ee ahaa 1. Balaadhinta ku adeegsiga iyo Isticmaalka Shillinka JSl 2. Fadhiisinta Qiimaha Shillinka JSL iyo la dagaalanka suuqyadda madow ee isku sarrifka 3. isku dheelitirka xaddiga lacagta Dollarka maraykanka iyo Shillinka JSL ee ku jira suuqyadda lacagaha. Waxa uu Baanka Dhexe ee JSL warbixin ka siiyay guddida xaaladda suuqyadda Lacagaha ee maalmahan iyo natiijadda ka dhalatay talaabooyinkii la qaaday oo keenay in qiimaha Shillinka JSL uu kor u kaco 4% todobaadkan guddidahiisa taas oo ah guul la taaban karo. Ugu denbeyn, waxa la isla qaatay in la waddo talaabooyinkaas si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga lahaa. Qaran News
  14. Gaza (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay “xabaasha” boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta, iyadoo golaha ammaanku uu yahay mid aan waxba ka qaban karin. “Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay,” ayuu ugu sheegay suxufiyiinta Qaramada Midoobay. “Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu raaciyay. Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga. “Tani waxay la macno tahay in la haystayaasha Gaza hadda lagu sii dayn doono shuruud la’aan,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya 240 rag, dumar iyo carruur ah oo ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarradoodii argagixiso ee Oktoobar 7 ee gudaha Israa’iil. “Weligay kama daali doono in si degdeg ah loo soo daayoo dadka la heysto” ayuu raaciyay. Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan. “Mid ka mid ah rafcaannadan waa in aanay ku xidhnayn kan kale,” ayuu yidhi. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jiri doonin xabbad-joojin bini’aadantinimo haddii aan la sii deyn dhammaan la haystayaasha. The post Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda GAZA iyo QM oo ku dhowaaqday in… appeared first on Caasimada Online.
  15. Baydhaba (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa baaq culus ka soo saaray barakaca ka socda magaalada Baydhaba iyo guud ahaan Koonfur Galbeed oo ka dhashay daadadka ka dhashay roobka da’aya ee Dayrta. Prof. Jawaari ayaa sheegay in shirar is dabajoog ah ay ka yeesheen xaaladda ka taagan K/Galbeed, isla markaana ka walaacsan yihiin xaaladaha sii kordhaya ee ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan ew siyaasadda dalka ay ku metelaan. Wuxuu sheegay in hey’adaha caalamiga ah iyo ururada deeq bixiyaasha ah ay kala hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka reer K/Galbeed. “Kaabayaashii dhamaan ayaa burburay, jidadkii ayaa go’ay buundooyinkii magaalada ayaa burburay, gaarigii Muqdisho raashin ama sahay kale ka qaada jidka ayuu gelayaa oo dhulka dhan roob culus ayaa ka da’ay,” ayuu yiri guddoomiye Jawaari. Jawaari ayaa sheegay in raashinkii yaraa ee magaalada yaalay sicirkooda aad loo badiyey, “Waxaan farriin u dirayaa dadka tujaarta ah, maanta mucaarad iyo muxaafid meel iska dhiga, u soo jeesta inaad xaaladaan ka samata bixisaan dadkiina,” ayuu yiri Prof. Jawaari. Sidoo kale guddoomiye Jawaari ayaa madaxda dowlad goboleedka K/Galbeed ku dhiirigeliyey in la sameeyo Akoon lagu garab istaagayo halganka Al-Shabaab dalka looga xoreynayo. “Dadkeena qurbajoogta ah iyo ururada samafalka ah waxaan ka codsaneynaa in dadka reer K/Galbeed lala gaaro gurmad iyo rag istaag walaal oo maanta ay u baahan yihiin. Hoos ka daawo The post Daawo: JAWAARI oo qeylo dhaan ka soo saaray xaalad halis ah oo ka jirta K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
  16. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si deg deg ah ugu baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay ‘xabaasha’ boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta. “Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay, Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres. Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga. Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan. PUNTLAND POST The post Antonio Guterres ” Gaza waxay noqotay Xabaasha Carruurta reer Falastiin” appeared first on Puntland Post.
  17. Somaliland is an independent country in the horn of Africa it is a country with about five(5)milion inhabitants his people are 100% sunni muslims. They are mannered and helpful people who love peace and development they are people who treat neighboring countries and people of the world well. It is the people who consulted themselves without the help of their government or any one else they are self confident people who are looking forward to a better future and development. People of somaliland are still looking for a good leader who is free from corruption and bribery,tribalism,nepotism,favoritism,and exploitation man by man. In conculusion:- Since 1991,five (5)presidents and their five governments have passed through Somaliland all of them were working only for their interests and did not care about the nationwide.May allah give the people a good leader,i pray for Somaliland. The people of the Republic of Somaliland has been searching for a good leader since 1991 and still haven’t found it. Highly regards. Yusuf Janale Oslo Norway. contact.somalilandcitizen@gmail.com Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa caawa ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana la beegsaday xarun is gaarsiin. Qaraxaas oo ahaa mid culus, waxaa loo maleynayaa in loo adeegsaday miino lagu aasay derbiga Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud hoostiisa. Xarunta Shirkadda Hormuud ee caawa la qarxiyey ayaa ku taalla Waaxda Barwaaqo ee degmada Deyniile. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qaraxaas uusan geysan khasaare nafeed, balse burbur baahsan uu ka soo gaaray dhismaha xaruntii shirkadda Hurmuud ee Deyniile, gaar ahaan waaxda Barwaaqo. Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada qaraxaas, inkastoo loo maleynayo inay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay is hayeen Hormuud. Kooxda Al-Shabaab iyo maamulka shirkadda Hormuud iskuma fiicneyn waayihii dambe, waxaana ka dhex qarxay khilaaf salka ku haya canshuurihii soo geli jiray Al-Shabaab oo dowladda Soomaaliya ay ka jartay kooxda. Sida aan xogta ku helnay kooxda iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaa ku kala tegay wax kasta, waxaana laga cabsi qabaa in hadda uu weerar ku bilowdo shirkadda oo weerarka caawa uu yahay farriin hordhac ah. Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Deyniile oo deg deg u soo gaaray dhismaha la qarxiyey ee shirkadda ayaa bilaabay baaritaano ku saabsan sidii loo soo qaban lahaa raggii qarxiyey shirkadda Hormuud. The post Qarax caawa ka dhacay Muqdisho iyo Shabaab oo beegsaday xarunta shirkadda Hormuud appeared first on Caasimada Online.
  19. Garowe (Caasimada Online) – Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) ayaa war ka soo saartay rabshadihii maanta ka dhacay magaalada Garowe ayaa sheegtay in laga baaqsan karay wixii dhacay. “Waxaa foolxumo iyo masuuliyad darro weyn ah in muwaadiniinta reer Puntland u dhintaan si micno darro ah, iyadoo laga baaqsan karo falalka liddiga ku ah amniga iyo badqabka muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay daladda. Daladda ayaa ka digtay in Garowe uu ka dhaco xadgudub kale, iyadoo dalbatay in waxyaabaha dhacaya ee amniga la helo cid masuuliyadooda qaada. “Falkii maanta ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe wuxuu ahaa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna Dallada Bulshada Rayidka ka digaysaa ku xad gudubka xuquuqda iyo sharafta dadweynaha, iyadoo waajib ay tahay in lala xisaabtamo falalka gurracan cidda masuuliyadeeda leh,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka daladda ayaa intaas ku sii daray “Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo wax kasta oo xaalad amni darro abuuri karta taasoo ay ugu weyntahay isticmaalka awoodda, hadalada xanafta leh iyo si xun u adeegsiga barasha bulshada.” Ugu dambayn, daladda PUNSAA ayaa ka tacsiyeysay muwaadinadii ku geeriyootay dhacdada maanta, iyadoo Caafimaad degdeg ah u rajaysay intii ku dhaawacantay. Iska hor imaadkan oo maanta ka dhacay bartamaha caasimada Puntland ee Garowe ayaa waxaa uu ka dhashay israsaasayn dhex-martay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaridka kasoo horjeeda madaxweyne Saciid Deni. Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in ciidamada maamulka oo gelbinaya Kabtan Ayuub oo YouTuber ah oo ka yimid dibadda lagu weeraray barxadda magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadkan ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka maamulka, ee la sheegay inay galbinayeen ninka YouTuber-ka ah. The post Bulshada Rayidka Puntland oo war culus ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Garowe appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray qaylo dhaan ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan fataahadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay qaar kamid ah gobollada dalka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaareen warbixino la xiriira dhibaatooyin xoogan oo ka dhashay roobabkii ka da’ay inta badan gobollada dalka, isla-markaana ay gaysteen khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. “Waxaa nasoo gaareysa in meelo badan ay dhibaato ka jirto oo roobabkii watay biyaha saa’idka ahaa ay shacabka dhibaato kasoo gaartay, gaar ahaan qoysaska nugul iyo kuwa barakacayaasha ah ayaa warbixinteeda na soo gaareysaa” ayuu yiri Aadan Madoobe. Guddoomiyaha ayaa sheegay in magaalooyinka qaar ay ka jiraan xaalado daran, isaga oo tusaale usoo qaatay Baydhabo oo uu sheegay in dhimashadu gaartay illaa 15 qof. “Waxaa la’ii sheegaayay in Baydhabo dhimashada ay gaartay illaa 15 qofood, sababaha roobkaas biyaha badnaay daraadood” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda dhexe, ganacsatada & hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay gurmad la gaaraan qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay. “Ummadda Soomaaliyeed waxay leedahay is caawin marka ay dhibaatadan oo kale ay timaado, taasna waxaan leeyahay ka dowlad ahaan, ganacsatadeenii, dadka uu ilaah wax siiyay daruufaha jiro in la’is garab istaago” ayuu markale yiri guddoomiyuhu. Soomaaliya oo haatan ku jirtay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haddane waxaa ugu sii darsoomay xaalad adag oo ka dhalatay fatahaado ku dhuftay qaybo kamid ah dalka. The post Daawo: Aadan Madoobe oo qaylo dhaan kasoo saaray xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.
  21. Garowe (HOL) - At least one civilian, a young girl, was killed, and several others were injured during a clash between security army and militia forces in Garowe, the administrative capital of Puntland State, on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer kadis ahaa ku tegay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya. Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriiray u kuur-gelida hambsami u socodka howlaha ay Wasaaradda u hayso Qaranka Soomaaliyeed. Xamza ayaa marka uu tegay Xarunta Wasaaradda mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu u arko shaqada ka socota. Sidoo kale waxa ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda warbixinno la xiriira adeegyada ay Wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay howlwadeennada uu la kulmay ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka. Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda DanQaran iyo hey’adaha kale ee Dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan. Horay sidaan oo kale Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa u kormeeray wasaarado ka tirsan xukuumaddiisa, si uu ugala xisaabtamo howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. The post R/W Xamza oo kadis ku tegay mid kamid ah wasaaradaha DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxda sare ee Hay’adda GIZ. Kulanka waxa lagaga wada hadlay wada shaqaynta guud iyo gaar ahaan mashaariicda horumarinta Xirfadaha iyo Waxbarashada Farsamada gacanta (TVET) ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda GIZ. Laba dhinac waxa ay isla qaateen in la sii xoojiyo wadashaqaynta barnaamijka horumarinta Farsamada gacanta iyadoo lagu balamay in kulankan kulanka xiga lagu qabto Magaalada Hargeisa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland bishan gudaheeda. Qaran News
  24. Afgooye (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa ka warbixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada ammaanka ka sameeyeen duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan lagu soo qabtay illaa 28 qof oo 25 kamid ah ay oo doonayeen inay ku biiraan xubnaha kooxda Al-Shabaab, isla-markaana gacanta lagu dhigay xilli ay ku socdaalaayeen meel u dhow magaalada Afgooye. Hay’adda ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay ku jiraan wiilal ay da’dooda yar tahay, loona waday inay ka barbar dagaalamaan kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in isna gacanta lagu dhigay darawalkii gaariga ku waday ragga la qabtay, balse ma shaacin hay’adda halka ay kusii jeedeen. “28-ka qof ayaa kala ahaa; Darawalkii gaariga, 2 labo caawiye/Kirishbooy iyo 25 isugu jira caruur iyo rag da’ dhexaad ah kuwaas oo qirtay loo waday in la askareeyo kuna biiraan xubnaha Al-Shabaab” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska hay’adda NISA. Dhammaan dadka lasoo qabtay oo hadda ku jira gacanta Nabad-Sugidda, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku hayaan saraakiisha laamaha ammaanka. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan gudaha caasimada iyo magaalooyinka u dhow, si loo xaqiijiyo amniga. Soo qabashada raggan ayaa sidoo kale ku aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab ay ku socdaan howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. Si kastaba, dagaalladan ayaa waxaa jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda, ayada oo sidoo kale looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post NISA oo qabatay 25 qof oo loo waday Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.