-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Suudaan ee ay taageerayaan militariga ayaa dib ugu yeertay safiirkeeda Kenya, iyada oo ka mudaaharaadaysa martigelinta Nairobi ee shirarka ay qabanayaan xoogagga mucaaradka ah ee la dagaallamaya, kuwaas oo doonaya inay dhisaan maamul kale oo ka soo horjeeda dowladda Suudaan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in safiirkeeda loo yeeray “si wadatashi loola yeesho,” iyada oo ku eedeysay Kenya inay martigelisay “shirarka maleeshiyada fallaagada ah iyo xulafadooda,” tallaabo ay ku tilmaantay mid cadaawad ku ah Suudaan, sida ay werisay wakaaladda wararka dowladda, SUNA. Munaasabad heer sare ah oo toddobaadkan ka dhacday Nairobi, ciidamada sida militariga u tababaran ee gurmadka deg degga ah ee RSF, oo muddo ku dhow laba sano dagaal kula jiray militariga rasmiga ah, ayaa shaaciyay inay saxiixi doonaan axdi aas-aasi ah oo horseedi doona dhismaha “Xukuumadda Nabadda iyo Midnimada”. Hadal hore oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan, ayaa lagu eedeeyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, inuu qaaday “jaho hoose oo ceeb leh” isaga oo “gacan ka siinaya oo dhiirrigelinaya shirqool jabinaya madaxbannaanida Suudaan.” Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu khudbad ka jeedin doono furitaanka kalfadhiga 6-aad ee kulanka wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa xildhibaanada iyo senatarrada Labada Aqal kala hadli doona xaaladda dalka, dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyo howlaha muhiimka ah ee dowladdu ay gacanta ku hayso. Khudbadda Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale uu diiradda ku saari doono arrimaha amniga, xasilloonida dalka, arrimaha siyaasadda , iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu faahfaahiyay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu soo bandhigay khasaaraha gaaray maleeshiyada Al-Shabaab. Taliska ayaa shaaciyay liiska iyo magacyada horjoogayaal sare oo kooxda looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Ilaa 5 horjooge oo muhiim u ahaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalladan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo lagu soo bandhigay magacyadooda iyo xilalkooda. Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah: Xasan Cabdiwaaxid Cabdi Dhicisow (Xasan Gurey) oo sidoo kale magaciisa afgarashada uu ahaa (Bagaax), kaas oo Khawaarijta u qaabilsanaa jabhadda gurmadka dhexe iyo Jaysh Aqsaa, kuwaas oo ka howlgala gobollada Galgaduud, Mudug, iyo Shabeellaha Dhexe. Wuxuu ku dhintay dagaalkii ka dhacay Ceel Cali Axmed. Horjooge Daahir Buuxsade ayaa isna la dilay. Wuxuu ahaa Amiir Katiibo ama taliye urur, wuxuuna ku baxay gacanta Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka. Horjooge Anas ayaa sidoo kale la khaariyay, wuxuuna ahaa madaxii gaadiidka guud ee Al-Shabaab. Khaalid Jiis ayaa isna lagu dilay dagaalladii ka dhacay Shabeellaha Dhexe, wuxuuna Shabaab u qaabilsanaa Amiir Katiibo ama waxa ay kooxda ugu yeerto taliye urur. Horjooge Casaam, oo ahaa Amiir Sariiyo ama taliye horin, iyo horjoogayaal kale ayaa lagu laayay dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, dhammaan deegaannadii lagu dagaalamay, oo ay ugu dambeysay Biyo-Cadde, ayaa haatan dib ula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.
-
Donald Trump ayaa sheegay in madaxweynaha Ukraine aysan muhiim ahayn inuu ka qeyb-galo wada-hadallada iyo dadaallada uu wado Mareykanku ee ku saabsan dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ” Zelensky waxa uu ka cudur-daartay in uu ka qayb galo shirkii Sucuudiga, balse waxa uu ku lug lahaa shirar muddo saddex sano ah dhacayay oo aan waxba ka soo bixin; Markaa aad muhiim uma aha inuu ka qayb galo shirarka” ayuu yiri Donald Trump Xariirka u dhexeeya madaxweynaha Mareykanka iyo dhiggiisa Ukraine ayaa aad u soo sii xumaanaya, ayadoo Trump uu dhowaan Zelensky ku tilmaamay keligii-taliye doorasho la’aan isaga jooga, sidoo kale aan waxba ka ogeyn halka ay ku baxday balaayiin doolar oo Mareykanku dalkaas ku bixiyay. Source: goobjoog.com
-
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa saaka aroornimadii hore ee saaka hawlgal amni oo lagu baadi-goobayo firxadka mileeshiyaadka ISIS waxay ka bilaabeen buuraha Xabley oo hoostaga degmada Ufayn ee gobolka Bari. Hawlgalkani Ciidan ayaa bilowday kaddib markii buuraha degaanka Xabley laga soo sheegay habqankii dagaallamayaasha ISIS ee ka soo firxaday dagaalladii u danbeeyay ee ka dhacay togga Jeceel kuwaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku kala daadiyeen awooddii kooxdaasi Argagixisada ah. Wararka ayaa sheegaya in dhawaanahan buuraha degaanka Xabley lagu arkay dagaallamayaal ka tirsan Argagixisada oo habqan ah kuwaasi oo naftooda kala soo baxsaday Hawlgalka togga Jeceel ka socda kaddib markii mileeshiyaadkoodu ku jabeen dagaalka lagana soo saaray inta badan godadkii ay kaga jireen toggaasi. Kala cararka iyo firxadka Argagixisada ISIS oo u badan ajaanib ayaa bilowday kaddib guluf qaatay in ku dhaw laba bilood oo ciidamada difaaca Puntland ku wiiqeen awooddii kooxda oo tiradooda lagu qiyaasay 1,800 oo dagaallame hawlgalka ka hor. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka jiho horleh ka bilaabay hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Xilli dhowaan wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble loo diiday inuu ku safro passport-kiisa dublumaasiga ah ayaa waxaa arrintaas ka hadlay xubno ka ag dhow Ra’iisul wasaare Rooble. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ahaa wefdiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku weheliya safarka dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in aysan wasaaradda arrimaha dibadda ka helin warqadihii lagama maarmaanka u ahaa adeegsiga passport-ka dublumaasiga ah, markii ay wasaaradda wax jawaab ah ka waayeenna Ra’iisul wasaare Rooble uu ku safray passport-kiisa Sweden. Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa intaas ku daray in codsigooda markii hore ay wasaaraddu ka jawaabtay oo warqado ay magacyadoodu ku qoranyihiin u dirtay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya si xubnaha wefdiga loogu sameeyo warqadaha muhiimka u ah passport-ka dublumaasiga ah, balse intaas ka dib wax ay jawaab ah ka waayeen masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda. Xubno ka ag dhow ayaa sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble uu go’aansaday in arrintan aan la buunbuunin, maadaama safarkiisii Koonfur Afrika aanu baaqan oo uu u adeegsaday passport-ka Swedish-ka. Source: goobjoog.com
-
The African Union Commision has new leadership in Djibouti's Mahmoud Ali Youssouf. But how will the AUC handle deepening continental and global crises? Source: Hiiraan Online
-
Maanta waxaa la filayaa in la furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasoo markii hore loo qorsheeyay inuu furmo 6-dii bishan. Hase yeeshee, dib u dhac ayaa ku yimid, iyadoo aan la isugu imaan xilligii hore loo qorsheeyay. Kalfadhigan lixaad waxaa hareeyay kala aragti duwanaan baahsan, taasoo sababtay in dib loo dhigo furitaankiisa. Furitaanka Baarlamaanka oo ah arrin dastuuri ah, ayaa dib u dhacay iyadoon sabab rasmi ah loo sheegin, mana jirin wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka labada Aqal ilaa xildhibaanno kusii qulqulaya Muqdisho ay cadaadis xooggan saareen. Xildhibaannadaasi ayaa shirar ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Si ka duwan furitaannadii hore, furitaanka kalfadhigan oo la filayo in uu maanta qabsoomo, waxa uu sababay hadal hayn badan. Madaxda Dowladda Federaalka, siyaasiyiinta mucaaridka, Dowlad Goboleedyada, iyo saamilayda siyaasadda ayaa si weyn u danaynaya, waxaana jira sababo dhowr ah oo keenaya in si gaar ah loola socdo. Guuxa mooshinka Tan iyo markii la xiray kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka bishii Diseembar ee sanadkii hore, waxaa soo baxayay guux mooshin lagu ridayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda. Mooshinka ayaa ka soo bilowday magaalada Kismaayo, waxaana uu salka ku hayaa khilaafkii ka dhex qarxay Dowladda Federaalka iyo Jubaland kaddib doorashadii Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Qaabka uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u wajahay doorashada Jubaland ayaa keenay in xildhibaannada ku haybta ah ay u janjeeraan dhinaca Axmed Madoobe, iyagoo diidmo ficil ah kaga jawaabay hoggaaminta Xamsa, taasoo keentay in mooshin laga keeno. Tani waa markii ugu horreysay ee beesha uu ka dhashay Ra’iisul Wasaaraha ay iyagu hoggaanka u qabtaan mooshin lagu ridayo xilka. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda Soomaaliya lagu xusi doono. Xildhibaanno kale oo ballamo siyaasadeed looga baxay, kuwa xilka waayay, kuwa aan saami ka helin dhulalka la xaraashayo ee Muqdisho, siyaasiyiin fursad raadis ah, iyo xil sugayaal idman ayaa ku biiray ololaha xil-ka-tuurista Wasiirka Koowaad. Mooshinku waa dhab, waxaana saxiixay in ka badan 90 xildhibaan, tiraduna waa sii kordheysaa. Taasi waa sababta ugu weyn ee kalfadhigan dib loogu dhigay. Jihada doorashada dowlad goboleedyada Dowlad Goboleedyadu mar hore ayay dhaafeen muddadii xil-hayntooda, sharciyadoodana loogama doodayo Baarlamaanka. Hase yeeshee, waxaa jira arrin gaar ah oo jihada doorashada Dowlad Goboleedyada qeexaysa—waa mowqifka Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo isku dhinac ah. Labadan mas’uul waxa ay doonayaan in qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hirgalo, mooshinkana aan la horgeyn Baarlamaanka, si looga dhabeeyo doorasho qof iyo cod ah. Si taas loo suurogeliyo, waa in meesha laga saaro xulufada Xasan Sheekh ee ku jira Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Islaamka Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirka Difaaca Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Laftagareen ayaa dulqaadkii muddo kordhinta uu ku fadhiyay gabaabsi ku dhow, waxaana suuragal ah in uu doorasho galo haddii ballamihiisa la fulin waayo. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ma doonayo in uu lumiyo saaxiibadiisa muhiimka ah ee xukuumadda, balse wuxuu ka baqayaa khilaaf cusub oo la dhax dhiga Madoobe iyo Laftagareen. Go’aanka uu qaato Madaxweyne Xasan waxa uu si cad u qeexi doonaa jihada ay qaadan doonto doorashada Dowlad Goboleedyada. Haddii Axmed Madoobe uu go’aansado in uu qabto mooshinka, waxay taasi fure u noqon doontaa in Laftagareen iskiis doorasho u aado, taasoo keeni karta isbeddel siyaasadeed oo cusub. Waqtiga kala baxa Mooshinka ridista Xukuumadda waxa uu wajahayaa caqabad xagga waqtiga ah, maadaama jadwalka kalfadhiga si xadidan loo habeeyay. Laba toddobaad oo shaqo Baarlamaan ah kuma filna dhaqaajinta mooshinka. Waxaa si ula kac ah dib loogu riixay, marka sharciyadda la eego, balse waxaa weli taagan khatarta uu leeyahay. Madaxtooyadu dadaal badan ayay ku bixisay kahortagga mooshinka, balse waxaa muuqata in dadaalkaas gaabis galay. Tusaale ahaan, cashadii uu xalay Madaxweyne Xasan Sheekh u qabtay xildhibaannada Beesha Mogadishu Clan waxa aqbalay oo kasoo xaadiray kaliya 12 xildhibaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa ugu weyn ee la isha ku hayo waa Guddoonka Baarlamaanka. Waxaa la ogyahay in Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu awood u leeyahay in uu hal maalin gudaheed mooshin qabto, cod geliyo, natiijadana kasoo saaro, sida dhacday markii hore xilka looga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Siyaasadda Soomaaliya waxay ku socotaa xawaare sare, waxaana toddobaadkan hortegaya bisha Ramadaan la filayaa in Muqdisho ay marti geliso jawi cusub oo siyaasadeed. Xigasho: Somalistream.com
-
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday fariisimo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. War uu soo saaray dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymo culus lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee gobolka Bari, halkaas oo lagu gubay saldhigyo ay kooxdu lahaayeen, waxayna Puntland sheegtay in duqeymahaas uu fuliyay Mareykanku. Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan la sheegay inay ka dheceen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada birmadka ee Maraykanka iyo guutada gaarka ah ee Danab ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalay Justified Accord 2025 (JA25), dhoolatus ciidan oo ay iska kaashanayaan dalal badan, laguna qabtay Kenya. Dhoolatuskan ayaa diiradda saaraya tababarka la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga amniga gobolka. Hawlgalka waxa hoggaaminaya Cutubka Hawlgalka Koonfurta Yurub ee Afrika ee Ciidanka Maraykanka (SETAF-AF), waxaana ka qaybgalay askar ka socota 15 dal, oo ay ku jiraan xulafada gobolka sida Ciidanka Difaaca Kenya iyo Ciidanka Difaaca Shacabka Tanzania. Dhoolatusku, oo socday intii u dhaxaysay 10–21 Febraayo, ayaa diiradda saaraya ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, xoojinta iskaashiga ciidamada kala duwan, iyo diyaarinta hawlgallada wadajirka ah si wax looga qabto khataraha amniga ee Bariga Afrika. Guutada Danab ee Soomaaliya, oo ah cutub si gaar ah u tababaran oo Maraykanku gacan ka siiyay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayaa si dhow ula shaqaynaysa Guutada 173-aad ee Birmadka, oo ah ciidan si degdeg ah loogu diri karo dagaalka, laguna saldhigey Vicenza, Talyaaniga. Tababarku waxaa ujeeddadiisu tahay xoojinta hoggaaminta, isku-dubaridka hawlgallada, iyo horumarinta xirfadaha dagaalka si ay Danab ugu diyaar garoobaan hawlgallada halista sare leh. Dhoolatuskan waxa uu siinayaa ciidamada Soomaaliya fursad muhiim ah oo ay ku horumariyaan awooddooda weerarada saxda ah iyo xeeladaha la dagaallanka kooxaha xagjirka ah. “Waxaan halkan u imid inaan dalkayga u adeego oo aan dadkayga caawiyo,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Mubaarak Cabdi Maxamed, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ee dadaallada amniga Soomaaliya. Sidoo kale, Sarreeye Guuto Xuseen Daahir Maxamed ayaa ka hadlay baahida degdegga ah ee ay u qabaan tababarkan. “Al-Shabaab waa argagixiso. Ma oga walaaltinimo, mar kasta waxay beegsadaan shacab aan waxba galabsan. Argagixisadu waxay burburisay dalkeenna. Taasi waa sababta aan halkan u joogo—si aan cadowga dalkayga u jabiyo.” JA25 waxa uu ka kooban yahay tababaro la xiriira xaaladaha dhabta ah, oo ay ka mid yihiin xeeladaha dagaalka magaalooyinka, hawlgallada iskaashiga ah, iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah. Wajiga ugu dambeeya waxa uu ku soo gebogeboobay dhoolatus ballaaran oo lagu tijaabinayey sida ay ciidamada Afrika, Yurub, iyo Waqooyiga Ameerika uga falcelin karaan khataraha amniga ee adag. Ciidanka Maraykanka ayaa sheegay in ka qaybgalka JA25 uu muujinayo sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Afrika. Ka qaybgalka Guutada 173-aad ee Birmadka ayaa xoojinaya taageerada milatari ee Maraykanku siiyo Soomaaliya, taasoo muujinaysa iskaashi muddo dheer soo jiray si loo dhiso amniga mustaqbalka ee dalka. “Iskaashigayaga la-hawlgalayaasha Soomaaliya ee dhoolatuskan waxa uu ku salaysan yahay dhisidda kalsoonida, hagaajinta isku-dubaridka, iyo diyaarinta khataraha dhabta ah,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo ka qaybgalaya JA25. “Wadashaqayntani waa mid muhiim ah si loo sugo nabadgelyada gobolka.”
-
Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay howlgal ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya Taliska Mareykanka ee AFRICOM ka fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Buulo barde ee gobolka Hiiraan. Warka ay soo saartay dowladdu ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AFRICOM, ayaa ku guuleystay fulinta howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab 20-kii February, 2025-ka, howlgalkan qorsheysan ayaa ka dhacay deegaan ku dhow degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, waxayna taasi ay keentay in maleeshiyaadkaasi ay weerar kedis ah la kulmaan”. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda gobollada dalka, kuwaas oo ay wadaan ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta, iyo dadka deegaanku. Source: goobjoog.com
-
Duqeyn culus oo ay xalay dowladda Mareykanka ka fulisay silsiladda Golis, gaar ahaanna buuraha Cal-miskaad ayaa lagu beegsaday godad ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan Argagixisada ISIS. Bayaan kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in dowladda Mareylanka ay xalay abbaare 9:00pm fiidnimo duqeyn ka fulisay buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari, taasi oo lagu beegsaday xubno kamid ah dagallamayaasha Argagixisada Daacish. Xafiiska Hawlgalka Burburinta Argagixisada u qaabilsan Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo bayaankani soo saaray ayaa sheegay in Mareykanka oo kamid ah saaxiibada Puntland uu duqeynta ku beegsaday xubno kamid ah Argagixisada ISIS, islamarkaana dib laga faahfaahin doono xogta ku saabsan duqeyntaasi. Ilo wareedyo amni oo dheeri ah ayaa sidoo kale sheegaya in duqeyntii xalay lagu garaacay talis weyn oo Argagixisada Daacish ku lahayd “Gaatir-oodan” oo dhacda togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad halkaasi oo difaacyo adag oo dabiiciya leh. PUNTLAND POST The post Puntland: Mareykanka oo xalay duqeyn culus ku beegsaday talis weyn oo Argagixisada ISIS ku lahayd buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Maxkamad Maraykan ah ayaa Jimcihii dembi ku heshay nin Maraykan-Lubnaani ah oo isku dayay inuu dilo qoraaga caanka ah Salman Rushdie, kadib markii uu weeraray masraxa munaasabad suugaaneed oo uu dhowr jeer mindi la dhacay qoraaga buugga “The Satanic Verses.” Hadi Matar, oo lagu helay dembiyo la xiriira isku day dil iyo weerar, waxa uu wajahayaa xukun gaaraya ilaa 25 sano oo xarig ah, waxaana lagu xukumi doonaa bisha April. Qareennada Matar ayaa isku dayay in ay maxkamadda ka hor istaagaan markhaatiyaasha in ay Rushdie ku sifeeyaan dhibbane la silciyay, iyagoo tixraacaya fatwadii Iran ee 1989-kii, taasoo ku baaqaysay in la dilo, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan gaf diimeed oo ku jiray buuggiisa “The Satanic Verses.” Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay sidii uu Matar ugu weeraray “mindi, oo uu ku jeex-jeexay” intii uu ku sugnaa munaasabad ka dhacday xarun dhaqameed oo ku taalla miyiga gobolka New York. “Wuxuu ahaa weerar mindi oo isha la iga dhuftay, xanuun daran ayaan dareemay, kadibna waxaan qayliyay xanuunka darteed,” ayuu yiri Rushdie, isagoo xusay in uu ku dhex jiifay “dhiig” Wuxuu intaas ku daray in uu dareemay “inuu dhimanayo,” kahor inta aan helikobtar loola cararin isbitaal lagu dabiibay dhaawacyadiisa halista ah. Garsooreyaasha ayaa dhegaystay doodaha xeer-ilaalinta iyo qareennada difaaca kahor inta aysan gaarin go’aankooda Jimcihii, iyagoo xukunka gaaray wax ka yar laba saacadood gudaheed. Maxkamaddu waxay Matar ku heshay dembi ah in uu mindi lix inch ah ku dhuftay Rushdie ilaa toban jeer, taasoo markhaatiyaasha iyo maxkamadda la tusay. Intii ay dacwadu socotay, Matar waxa uu dhowr jeer ku dhawaaqay hadallo taageero u ah Falastiiniyiinta. – Xorriyadda xadalka vs. gaf diimeed – Matar, oo ka soo jeeda gobolka New Jersey, ayaa horey u sheegay in uu kaliya akhriyey laba bog oo ka mid ah “The Satanic Verses,” balse uu aaminsanaa in qoraagu “weeraray Islaamka.” Buugga Rushdie oo la daabacay 1988-kii waxa uu noqday xuddunta dood adag oo u dhaxeysay kuwa taageersan xorriyadda hadalka iyo kuwa aaminsan in wax xad-gudub ku ah diinta, gaar ahaan Islaamka, aan la oggolaan karin. Buugga dartiis, dukaamada buugaagta iyo buugaag badan ayaa la gubay, tarjumaankiisii Japan waa la dilay, halka daabacihii Norway la toogtay dhowr jeer. Rushdie waxa uu muddo 10 sano ah ku noolaa nolol qarsoodi ah London kaddib fatwadii 1989-kii, balse 20-kii sano ee u dambeeyay – ilaa weerarka – wuxuu si caadi ah ugu noolaa New York. Sannadkii hore, waxa uu daabacay buug xusuus-qor ah oo la yiraahdo “Knife,” kaas oo uu ku faahfaahiyay weerarkii lagu qaaday iyo waaya-aragnimadiisii dhimashada u dhowaa. Rushdie waxa uu maxkamadda uga warramay in dareemaha ishiisa midig ay go’een, taasoo keentay in dhakhaatiirtu “go’aansadaan in isha la xiro si ay qoyaan. Waa qalliin xanuun badan – mana kula talinayo qofna.” Markii la weydiiyay heerka xanuunka uu dareemay xilliga weerarka, wuxuu ku jawaabay: “10 ka mid ah 10.” Dhuuntiisa waa la jeexay, beerkiisa iyo xiidmaha yaryarna waa la dhaawacay, halka dareemayaashiisa gacanta ay dhaawac daran gaareen taasoo sababtay in mid ka mid ah gacmihiisa ay naafowdo. “Erayadii ugu horreeyay ee aan iri markii aan hadli karay waxay ahaayeen: ‘Waan hadli karaa,’” ayuu yiri, iyadoo garsooreyaasha qaar ay si hoose u qosleen. Rushdie, oo 77 jir ah, oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaa badbaadiyay dad goobta joogay. Shaqaale ka tirsan xarunta lagu qabtay xafladda, Jordan Steves, ayaa maxkamadda ka sheegay in uu isagu “garabkiisa midig la helay xooggiisa oo dhan,” si uu uga caawiyo kuwa kale qabashada eedeysanaha. Markii la weydiiyay inuu tilmaamo qofkii weerarka geystay, wuxuu farta ku fiiqay Matar, oo fadhiyay maxkamadda dhexdeeda. Ururka Xizbullah ee Lubnaan, oo ay taageerto Iran, ayaa taageeray fatwada lagu dilayo Rushdie, sida ay sheegtay FBI-da Maraykanka. Matar waxa uu wajahaya dacwad kale oo la xiriirta dembiyo argagixiso, taasoo laga furay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ah. Dowladda Iran waxay beenisay in ay xiriir la leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in Rushdie uu isagu mas’uul ka ahaa wixii dhacay.
-
Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has launched a series of high-level meetings with lawmakers to ease political tensions ahead of the opening of Parliament’s sixth session. The talks come amid growing speculation over a no-confidence motion against his administration, which has gained traction recently. For the past two days, President Mohamud has held back-to-back consultations with legislators from both houses of Parliament, urging cooperation and stability as the new session begins. These meetings, held in small groups, have focused on three key issues: counterterrorism efforts, maintaining unity within Parliament, and defusing tensions surrounding the impending no-confidence motion. During discussions with lawmakers from his Mogadishu Clan clan, the President emphasized their crucial role in maintaining legislative order. He reportedly told them, “A Parliament without your leadership cannot function; assume your responsibilities.” He also urged them to work toward resolving grievances raised by legislators from other clans to ensure a smooth political process. Mohamud also met with representatives from other clans, stressing the importance of a stable and functioning Parliament. He reassured them that the government remains open to dialogue and negotiations. However, sources familiar with the discussions noted that the President appeared acutely aware of the mounting pressures against him, particularly regarding the no-confidence motion, which is expected to be formally introduced in the coming weeks. Tensions and political uncertainty The no-confidence motion has been in preparation for several weeks, with opposition lawmakers working behind the scenes to secure enough votes to challenge the President’s administration. The motion has reportedly gained support from multiple factions, including members representing regional states with growing tensions with the central government. Some reports suggest that lawmakers opposed to the government plan disruptive actions during the opening session, including attempts to delay or derail proceedings. President Mohamud repeatedly urged lawmakers to ensure a peaceful and structured start to the session, warning that political instability could undermine national governance and economic recovery efforts. Political analysts note that this no-confidence motion could present a serious challenge to the government, particularly given Somalia’s history of parliamentary disputes leading to leadership changes. Power struggles in Somalia Somalia has long grappled with tensions between the executive branch and Parliament, leading to repeated political crises. In July 2020, then-Prime Minister Hassan Ali Khaire was ousted in a no-confidence vote after lawmakers criticized his government’s handling of the electoral process and security reforms. Similarly, in December 2013, Prime Minister Abdi Farah Shirdon was removed from office following a parliamentary vote of no confidence after disagreements with then-President Hassan Sheikh Mohamud. These incidents underscore the volatile nature of Somali politics, where shifting alliances and political maneuvering often determine the survival of government leaders. The current no-confidence motion could follow a similar trajectory, mainly if opposition lawmakers mobilize sufficient support within Parliament. President Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre have been engaged in urgent crisis talks to counteract the no-confidence motion. As part of their strategy, they have dismissed several key ministers from regional states, including Southwest, Jubaland, and Puntland, accusing them of failing to prevent lawmakers from their regions from backing the motion. Additionally, there have been allegations that parliamentary leaders are deliberately stalling the session’s reopening to delay any formal introduction of the motion. The sixth parliamentary session, initially scheduled to resume on February 6, has faced multiple postponements due to mounting political discord. Observers note that these delays have only fueled speculation that government officials are seeking to buy time to consolidate support. The opposition, however, remains determined to push forward with the motion, arguing that the government has failed to deliver on key policy promises and has mishandled several national security challenges. The unfolding political crisis comes at a time when Somalia is grappling with numerous security and economic challenges. The government is currently engaged in an ongoing counterterrorism campaign against Al-Shabaab, which continues to pose a significant threat to national stability. Political instability in the capital could further complicate these efforts, weakening the government’s ability to implement security measures effectively. Furthermore, Somalia’s upcoming electoral process remains a contentious issue, with opposition groups accusing the government of failing to implement necessary reforms. A prolonged political standoff could delay key decisions regarding electoral preparations, potentially exacerbating tensions before the next national elections.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira kulamo is dabajoog ah oo xildhibaanada labada Aqal ee BFS uu la yeelanayo, isagoo xalay, maanta ilaa caawa beel beel u qaabilaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa berri furaya oo khudbad dastuuri ah ka jeedi doona furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kulanka berri ka hor qeyb qeyb ula dardaarmay Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa saddex qodob kala hadlay xildhibaanada kadib markii uu beel beel ula kulmay. Xildhibaannada beesha uu isagu matalo ayuu xalay Madaxweynuhu kala hadlay dagaalka argagixisada in lagala shaqeeyo, sidoo kalena ay dajiyan buuqa Baarlamaanka ee salka ku haya mooshinka. Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada Mogadishu Clan ku yiri, “Baarlamaan aaddan adigu hormuud u aheyn ma kici karo ee kaalintiina qaata.” Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale xildhibaannada beeshiisa ka codsaday in xildhibaanada beelaha kale ee tabashada qaba xalkooda ay kala shaqeeyaan. Xildhibaannada beellaha kale wuxuu madaxweynuhu kala hadlay kacsanaanta Baarlamaanka, sida ay muhiim u tahay xasiloonida Golaha iyo inuu albaabkiisu furanyahay. Xildhibaanada uu qaabilay Xasan Sheekh ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha laga dheehan karay sida uu u qirsanyahay culeyska Baarlamaanka ee xilligaan oo mooshin adag uu miiska u saaran yahay. Xildhibaannada kulamadaan tagay ayaa sheegay in madaxweynuhu ku celceliyay muhiimada ay leedahay inuu Baarlamaanku si degan ku furmo berri, kadib markii ay maalmahaan soo bateen wararka sheegaya in xildhibaannada qaar ay qorsheynayan buuq iyo fowdo ka abuuraan kulanka koowaad ee kalfadhigaan furmaya oo Xasan Sheekh uu khudbad ka jeedi doono. Kulamada uu madaxweynuhu la qaatay xildhibaannada labada Aqal ayaa la aaminsanyahay inay keeni karto in Baarlamaanku berri si degan ku furmo, balse tilaabadan wax badan kama badali doonto mooshinka ka yaalla xukuumadda. Mooshinkaas oo si weyn loo soo abaabulay todobaadyadii lasoo dhaafay intii uu xiraan kulanka Baarlamaanka ayaa la qorsheeyey in Baarlamaanka la geeyo Ramadaanka kadib.
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐠𝐨𝐨𝐧𝐧𝐢 𝐠𝐨𝐨𝐧𝐧𝐢 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 . Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaga iyo wefti uu hoggaaminaayey oo safar shaqo kaga soo laabtay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa Qasriga Madaxtooyada Gabiley kulamo goonni goonni ah kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gabiley. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Xisbal-Xaakimka Waddani, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Afhayeenka Madaxweynaha, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Madaxda Gobolka Gabiley iyo kuwa Degmada, Xildhibaanno iyo Haldoor kale, ayaa kulammo kala duwan la yeeshay Madaxda Dhaqanka ee Gobolka, Dhallinyarada, Aqoonyahanka iyo Haweenka reer Gabiley, waxana hormuudka bulshada gobolka ee Madaxweynuhu la kulmay ay Madaxweynaha la wadaageen aragtidooda la xidhiidha horumarinta Gobolka iyo meelaha u baahan in muhiimad gaar ah la siiyo. Madaxweynaha oo si hufan u dhegaystay soo jeedimihii qaybaha bulshada Gabiley ee uu la kulmay, ayaa sheegay in uu weelaystay soo jeedimaha ay u soo gudbiyeen, islamarkaana uu si buuxda ula shaqayn doono Haldoorka, Waayeelka iyo Haweenka uu la kulmay. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay ku soo bandhigtay khasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyey duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ay fuliyeen ciidamada Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka. Warka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ay fuliyeen howlgalo iyo duqeymo cirka ah oo ka dhan ah kooxda argagixisada Al-Shabaab shalay, 20-kii Febraayo 2025. “Hawlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in iyadoo garabsanaysa shacabkeeda ay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee caadeystay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed. “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri warka dowladda. Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad ballaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka argagixisada khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka. Al-Shabaab ayaa shalay weerar balaaran ku qaaday gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana u suurtagashay inay galaan dhowr deegaan, iyadoo deegaanka Cali Axmed si weyn loogu laayey. Dowladda ayaa shalay sheegtay in dagaaladii dhacay Al-Shabaab looga dilay in ka badan 130 dagaalame, iyadoo maanta lasoo bandhigay meydad tira beel ah oo daadsan daafaha deegaanka Cali Axmed, halkaas oo ciidamada deegaanka ay si adag uga dagaalameen.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ka hadlay war dhowaan ka soo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegtay in Puntland ay diiday in ay dowladdu ka caawiso dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish ee ka dagaallameysa buuraha Gobolka Bari. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo shalay wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Puntland aysan dowladda ka aqbalin caawinaadda dagaalka ay kula jirto Daacish. “Ololaha hadda socdda ee ka dhanka ah Daacish dowladdu waxay dhahday Saciid Deni gacan aan kuu fidino, dhaawacyada aan soo qaadno oo saanadda aan ku siino, laakiin Siciid Deni wuu diidan yahay, dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay iney hesho meel ay kasoo gasho, xoog kuma soo gali kartee, waan aragna wasiiro ka tirsan maamulkaas oo markey meel yar qabsadaan dowldda ku eedeyo waxan meesha oolin, waxaan u baahanay in la helo rabitaanka maamulka halkaas ka jira” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Hadalkaas waxaa ka jawaabay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo isna la hadlay VOA, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ay ka aqbalayaan kaalmo walba oo dhab ka ah, balse hadda ay hayaan hadal kaliya. “Soomaalidu waxay tiraahdaa meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro, Puntland waxay isku dhigtay khatar caalami ah oo Geeska Afrika ku soo korortay, mana jirto wax kaalmo ah oo Dowladda Federaalka aan ka helnay,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland. Wasiir Dirir ayaa sidoo kale sheegay in dowladda federaalka ay ku soo aruurtay hadal oo kaliya, “waxay mar kasta soo qoraan waa nala ogeysiiyey in Daacish la duqey doono,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir. Wuxuu sheegay Mareykanka iyo Imaaraadka ay Puntland ay ka taageeraan howlgalkaan, kuwaas oo meelaha qaar duqeymo ka geysta, dhaawacyadana la fududeeya in caafimaad loo helo. “Waxaan ka xunahay Madaxweyne Xasan Sheekh hal mar ayuu ka hadlay dagaalka Puntland ay kula jirto cadowgaan caalamiga ah, halkii marna wuxuu yiri ‘Buuraha la sheegsheego’ ma aheyn in sidaas uu dhaho waa tiiq tiiqsi warkiisu,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka u hadlay Puntland. Waxaa la qeydiiyey in Puntland ay qaadaneyso hadii dowladda federaalka ay kaalmo siiso, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in kaalmadaas ay qaataan, waxna ugu taraan dadka reer Puntland ee dagaalka kula jira Khawaarijta Daacish. “Wasiirka waxaa laga rabay in uu soo bandhigo waxyaabaha dowladda federaalka ay siineyso Puntland, mashaariic ay naga xayireen ayaa fasax uga baahan hadii ay wax noo ogolyihiin, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaya waan maqleynay, laakiin wax ay sheegeen in Puntland ay tarayaan ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Dirir. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2025/02/Sa.mp3