-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa ka fal-celiyey hadal uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu furay kalfadhigga 6-aad ee baarlamanka, oo la xiriira dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish. Fahad ayaa ku eedeeyay in jawaabta dowladda federaalku ay si weyn dib ugu dhacday. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo Sabtidii ka hor hadlay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu dhisayo guddi qiimeyn iyo isku dubarid u sameyn doona kaalinta dowladda federaalka ee dagaalka lagula jiro Daacish. Si kastaba ha ahaatee, Fahad Yaasiin ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid muddo dheer dib u dhacay. Xikmadaha Yamanta waxaa ka mid ah; أن تأتي متأخراً خير من أن لا تأتي. Inaad soo daahdo waxay dhaantaa inaadan imaanin,” ayuu yiri, isagoo muujinaya in dowladda federaalku ay ahayd inay horey u gacan siiso Puntland. “Madaxweyne Xasan, saddex bilood kaddib inuu guddi magacabayo oo uu dhanka Puntland usoo jeestay waa talaabo wanaagsan. Waxaa habboon in Maamulka Puntland ay niyad sami ku soo dhaweeyaan, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka,” ayuu raaciyay. “Madaxweyne Saciid Dani, waa inuu ka weynaado siyaasada ku dhisan INYOOW!” Dhaliisha Fahad Yaasiin ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxay la xiriirtaa khilaaf siyaasadeed oo hore u dhex maray labadooda. Sanadkii 2020, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku eedeeyay Fahad Yaasiin inuu burburiyay nidaamka siyaasadda iyo inuu wiiqay xasilloonida hay’adaha amniga. Sidaas darteed, hadalladiisa cusub ayaa loo arki karaa inay qayb ka yihiin loollanka siyaasadeed ee wali taagan. 1-da Febraayo 2025, taliska Mareykanka ee AFRICOM, oo hoos yimaada madaxweyne Donald Trump, ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Buuraleyda Golis ee Puntland. Weerarkan wuxuu lagu bartilmaameedsaday xubin sare oo Daacish ah, kaas oo la sheegay inuu qorsheynayay weerarro argagixiso. Sida ay sheegeen qiimeyntii ugu horreysay ee AFRICOM, duqeynta waxaa lagu dilay dhowr dagaalyahan, mana jirin wax khasaare rayid ah. Kadib duqeynta Mareykanka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu amaanay howlgalkan, isaga oo sheegay in ay sii xoojinayso xiriirka adag ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, kaalinta dowladda federaalka ee dagaalka Puntland kula jirto Daacish ayaa noqotay arrin muran dhalisay. Waxaa soo ifbaxay khilaaf ku saabsan isuduwidda iyo taageerada ay Muqdisho siiso Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Puntland ku eedeeyay inay iska diiday taageerada dowladda federaalka ee dagaalka lagula jiro Daacish. “Puntland waxay diiday kaalinta FGS ee dagaalka ka dhanka ah ISIS, waana haynaa caddeymo muujinaya taas,” ayuu yiri Wasiirka. Si kastaba, Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eedeyntaasi, iyada oo ku tilmaantay taageerada dowladda federaalka mid muuqaal ahaan uun jirta balse aan wax macno ah lahayn. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir, ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay taageero militari oo dhab ah, oo ay ku jiraan hub iyo rasaas, si ay ula dagaallanto dagaalyahannada Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Kala fogaanta u dhaxeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo sida ay Soomaaliya ugu guuleysan karto dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Iyadoo duqeymihii Mareykanka ay muujinayaan muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka ISIS, khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo Garoowe wuxuu wiiqayaa dadaallada mideysan ee la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Ma cadda sida loo xallin doono muranka ka taagan doorka dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah Daacish, balse khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii la waayo is-afgarad siyaasadeed, ay sii adkaan doonto in la wiiqo awoodda kooxaha argagixisada ee ka dagaallama Soomaaliya.
-
The Mandera County Department of Health has launched a five-day polio vaccination campaign aimed at boosting immunity among children and preventing potential outbreaks of the virus. Source: Hiiraan Online
-
Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Kenya William Ruto iyo dowladda Suudaan ee uu hogaamiyo Jeneraal Abdel Fattah al-Burhaan ayaa cirka isku sii shareeraysa, waxayna labada dal saacidihii la soo dhaafay hawada isku mariyeen eedeymo culus. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa diiday hadal is difaac ah oo kaga yimid Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musalia Mudavadi, kaas oo marti-gelinta fallaagada RSF ku tilmaamay mid ay Xukuumadda Nairobi ku doonaysay inay uga qeyb-qaadato xal u helidda colaadaha Suudaan. Dowladda Suudaan oo ka jawaabeysa arrintaas ayaa ku adkaysatay in aysan jirin wax cudurdaar ah oo ku aaddan ficillada Kenya iyo marti-gelinta Madaxweyne William Ruto ee fallaagada RSF, oo lagu eedeeyay xasuuq iyo qalaase ay ka geysteen gudaha dalkaas. “Tallaabadan mas’uuliyad darrada ah laguma sababeyn karo iyadoo la tixraacayo martigelintii hore ee wada-hadalladii Machakos, maadaama kuwaasu ay u dhexeeyeen dowladda Suudaan iyo dhaqdhaqaaqii Xoreynta koonfurta Suudaan ee (SPLM) ay garwadeen ka ahayd IGAD, sidoo kalena haystay kafaalo-qaad caalami ah ,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha Suudaan. Suudaan ayaa sheegtay in xiisaddani intii aysan bannaanka u soo bixin ay isku dayday in wada hadal dublumaasiyadeed arrinta lagu xalliyo, balse madaxweynaha Kenya oo marti-gelinta RSF dano dhaqaale ka lihi uu arrintaas dhagaha ka furaystay. Kenya ayaa horay u taageeri jirtay jamhaddii xoreynta dadka Koonfurta Suudaan(SPLM), taas oo dagaal tobanaan sano socday la gashay dowladda Suudaan, ka hor intii aan sanadkii 2011-kii arrinta lagu dhammayn kala goynta dalkii ugu baaxadda weynaa afrika, iyo madax-bannaanida koonfurta Suudaan. Source: goobjoog.com
-
Paris (Caasimada Online) – Hal qof ayaa ku dhintay, halka labo sarkaal oo booliis ah si daran loogu dhaawacay weerar toorey oo Sabtidii ka dhacay magaalada Mulhouse ee bariga Faransiiska. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku tilmaamay weerarkan “fal argagixiso oo Islaami ah.” Sida ay xaqiijiyeen baarayaasha, weerarka waxaa geystay nin 37 jir ah oo horey ugu jiray liiska la socodka shakiga argagixisada, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga, sida uu sheegay dacwad-ooge Nicolas Heitz oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. Weerarka ayaa sababay dhaawacyo kale oo gaaray saddex sarkaal oo booliis ah, balse dhaawacyadoodu ma cusla. Labada sarkaal ee si daran u dhaawacmay, midkood ayaa laga dhaawacay halbowlaha, halka kan kalena uu dhaawac culus ka soo gaaray xabadka, ayuu intaas ku daray Heitz. Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau ayaa sheegay in Faransiisku uu marar badan isku dayay in eedeysanaha dib loogu celiyo waddankiisa Algeria, balse Algeria ay diiday inay aqbasho. – Weerarka iyo dhibbanayaashiisa – Waaxda baarista dambiyada argagixisada ee PNAT, oo la wareegtay baaritaanka, waxay sheegtay in eedeysanuhu ugu horreyn weeraray ciidanka booliiska magaalada, isaga oo ku dhawaaqayay “Allahu Akbar”. Goobjoogayaal la hadlay wakaaladda AFP ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanuhu dhowr jeer ku celceliyay ereyadaas intii weerarku socday. Nin rayid ah oo isku dayay inuu farageliyo ayaa si xun loo dhaawacay, taasoo keentay inuu geeriyoodo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay PNAT. Sida laga soo xigtay dacwad-oogayaasha magaalada Mulhouse, ninka dhintay wuxuu ahaa 69-jir u dhashay Portugal. Madaxweyne Macron wuxuu sheegay in aysan jirin “wax shaki ah” oo laga qabo in weerarku ahaa “fal argagixiso”, isaga oo intaa ku daray in uu si gaar ah u yahay “weerar argagixiso oo Islaami ah.” Wuxuu xusay in dowladda Faransiisku ay ka go’an tahay inay sii waddo “dhammaan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada gudaha dalka.” – Isku day tarxiil oo fashilmay – Liiska la socodka shakiga argagixisada ee FSPRT, oo la aasaasay 2015 kadib weerarradii ka dhacay xarunta wargeyska Charlie Hebdo iyo dukaanka Yuhuudda ee Paris, ayaa ah nidaam isku xira xogaha hay’adaha amniga si looga hortago in dadka shakiga laga qabo ay u xag-jiraan argagixisada. Wasiirka Arrimaha Gudaha Retailleau ayaa la filayay inuu booqdo magaalada Mulhouse, si uu uga warqaato xaaladda. Booliisku waxay xireen aagga uu weerarku ka dhacay, oo la sheegay inuu ka dhacay 4:00 galabnimo (1500 GMT), xilli ay halkaas ka socotay mudaaharaad lagu taageerayay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Ciidamada militariga ayaa goobta soo gaaray si ay booliiska ugu xoojiyaan amniga, halka khubaro dhinaca dambiyada ah ay baarayeen caddeymaha, iyaga oo si degdeg ah u shaqeynayay si aysan roobku u baabi’in raadadka dhiigga. Eedeysanaha, oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria, wuxuu horey ugu jiray xabsi guri, waxaana lagu amray in laga masaafuriyo Faransiiska. Wasiir Retailleau ayaa u sheegay telefishinka TF1 in Faransiisku uu isku dayay 10 jeer in uu dib ugu celiyo eedeysanaha Aljeeriya, balse Aljeeriya diiday inay aqbasho. “Mar kale, waxaa na weeraray argagixiso Islaami ah,” ayuu yiri Retailleau. Wuxuu intaa raaciyay in “mushkiladda la xiriirta socdaalka ay saldhig u tahay weerarkan argagixiso.” Xafiiska dambiyada argagixisada ee PNAT wuxuu sheegay in lagu baarayo falkaasi danbiyo la xiriira dil iyo isku day dil oo lagu fuliyay xiriir argagixiso. Madaxweyne Macron, oo ka hadlayay xilli uu booqanayey carwada wax soo saarka beeraha ee Faransiiska, wuxuu xusay in “qaranku uu garab taagan yahay dhibbanaha iyo qoyskiisa.” Ra’iisul Wasaare Francois Bayrou ayaa isna sheegay in “xagjirnimadu mar kale naftii ka qaaday qof aan waxba galabsan, waana maalin murugo leh.”
-
Dowladda Soomaaliya iyo Saldanadda Cusmaan ayaa ka wada-hadlay dhismaha dhowr Dekedood oo ay Soomaaliya yeelanayso ka dib kulan laba geesood oo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Suldanadda Cumaan Siciid Bin Xaamud oo dalka soo gaaray ayaa arrintaas ka wada-hadlay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda. Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado iyo shirkado laga leeyahay dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo. Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has announced the formation of a special committee tasked with coordinating federal support for Puntland's fight against ISIS, marking the strongest show of solidarity from Mogadishu in the regional state's ongoing battle against the extremist group. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay wefti ka socda dalka Cumaan, oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ee Saldanada Cumaan, Eng. Saciid Hamood Al Maawali. Wafdigan ayaa Soomaaliya u jooga sidii ay u sahmin lahaayeen fursadaha maalgashi ee ka jira dalkaan, iyadoo ay noqonayso booqashadii ugu ballaarneyd ee masuuliyiin ka socota Cumaan ay ku imaanayaan Soomaaliya muddo ka badan 30 sano. Cumaan waxay horumar la taaban karo ka samaysay kaabayaasheeda dhaqaalaha, iyadoo bixisay fikrado qiimo leh oo iskaashi ah. Soomaaliya iyo Cummaan waxay wadaagaan xiriir taariikhi ah iyo dhaqan. Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood ayaa isna qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Dowladda Cumaan Siciid Bin Xaamud. Kulanka Wasiirka Dekedaha Soomaaliya uu la qaatay wagdiga Cumaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhisi lahaa dhowr dekedood oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo, taas oo Dowladda Cumaan ay doonayso inay kaalin weyn ka qaadato maalgelinteeda. Kulanka waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan BFS, guddiga qaabilsan dhismaha Dekedda Hobyo, Qaar kamida Ganacstada Soomaaliyeed iyo Safiirka Cumaan ee Soomaaliya, iyagoo ay weheliyeen madax ka socota hay’ado ka aas-aasan dalka Cumaan oo danaynaya inay maalgeliyaan mashruuca dhismaha dekedda Hobyo. Wasiirka Gaadiidka & Dekedaha Cumaan iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si wadajir ah u ballan qaaday in dowladda Cumaan ay si buuxda u maalgelin doonto dhismaha Dekedda Hobyo & Dekedaha kale ee Soomaaliya ee u baahan dhismaha iyo maalgashiga, kuwaas oo kor u qaadi kara koboca dhaqaalaha iyo horumarka kaabayaasha gobolka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Amniga iyo Cadaaladda ee xisbigaas. Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa hadda noqday mucaaradka ugu hadallada badan ee dowladda federaalka ka weerara warbaahinta, isagoo cadeynaya in hoggaanka dalka ay wax badan ka qaldan yihiin. Magacaabista Xildhibaan Jeesow ayaa caawa ku soo aaday iyadoo maanta wasiirro ka tirsan xukuumadda ay ka hor istaageen inuu la hadlo saxaafadda, isagoo dhaliilaya dowladda. Jeesow ayaa maanta markii Xasan Sheekh uu dhameystay khudbadii uu ka hor jeediyey Baarlamaanka, wuxuu damcay in warbaahinta uu kula hadlo banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, balse waxaa fowdeeyey oo u diiday inuu hadlo dhowr wasiir oo garbihiisa soo istaagay. Intaas kadib Xildhibaan Jeesow ayaa isaga tegay goobtii, maadaama la dowdeeyey, wuxuuna caawa tegay xarunta Somali Cable TV, isagoo bixiyey wareysi uu ku weeraray wasiirradii fowdeeyey maanta. “Dowladda Xasan Sheekh hadii ay iga hor istaageyso hadalkeyga, maxay iigu soo diriweysay wasiirrada kasoo jeeda beelaha hubeysan oo iska key celi kara, maxay iigu soo dirayaan wasiirrada ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay,” ayuu si kaftan u yiri Xildhibaan Jeesow. Wasiir ku xigeenka dhalinyada Xildhibaan Maxamed Jeego, oo garbihiisa ay taagnaayeen wasiiro kale oo dhalinyaro ah oo Cumar Cali Cabdi, wasiiru dowlaha Gaashaandhigga uu ku jiro ayaa si cad oo bareer ah Jeesow uga hor istaagay hadalkiisa. “Jeesow waa beenlow, dowladana been kama sheegi karo, kamana hadli doono halkaan, ha iska tago, hadii uu yahay xildhibaan waayey kursi wasiir, anigaa xildhibaan ah, kursi wasiirna ku fadhiya,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhallinyada, Xildhibaan Maxamed Jeego.
-
Warbaahinta International Digest ee dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray deganaanshaha, dimuqraaddiyadda iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay tilmaameen inay istaahisho in loo aqoonsado dal madax bannaan. Warbixinta International Digest oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ciwaan looga dhigay ‘Maxay Somaliland ugu qalantaa aqoonsi’, waxana ay sheegeen in ay gobolka geeska Afrika kaga duwan tahay deganaanshaha, dimuqraaddiyadda iyo inay waddanka xukunto dawlad si dimuqraadi ah lagu soo doortay.Warsiduhu wuxuu sheegay in aqoonsi la’aanta Somaliland tahay caddaalad darro ay samaysay beesha caalamka, loona baahan yahay in la saxo. International Digest waxa uu warbixintiisa ku sheegay inay wax lala yaabo tahay in Soomaaliya oo xasuuqday shacbiga Somaliland dabo-yaaqadii siddeetameeyadii, ay haddana ku andacooto inay fagaareyaasha caalamiga ah ku metasho Jamhuuriyadda Somaliland.Warbixintu waxa ay xustay in beesha caalamka looga baahan yahay inay saxaan gefka ku dhacay shacbiga Somaliland, iyadoo Soomaaliya ay weli sii sheegato madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.Warsiduhu wuxuu ku dooday in Somaliland ay si iskeed ah ula midowday Soomaaliya sannadkii 19960kii, islamarkaana xeerarka iyo heshiisyada qarammada midoobay ay jidaynayaan in shacbiga Somaliland go’aamiyaan ‘xaqa aayo-ka-tashigooda’. Warbixinta International Digest waxa ay isbar-bar dhigtay dawladnimada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay xustay in Soomaaliya ay ku tiirsan tahay qaadhaan shisheeye, halka Somaliland 34 sannadood ay isbixisay dhaqaale ahaan isla markaana ay dalkeeda oo dhan ka wada taliso. Waxaanay caddeeyeen in Somaliland ay caalamka u soo bandhigtay in dawladnimadeedu ay gaadhay isku filnaansho dhaqaale oo ay ku maamulato dawladnimadooda. Source
-
Dawladda Kenya ayaa la filayaa in ay dalka Imaaraadka Carabta ka hesho lacag dhan 1.5 Billion Dollar toddobaadkan. Deyntan waxay Kenya ku kaabi doontaa dhaqaaleheeda oo hoos u dhac ku yimi ka dib markii badhtamihii sannadkii hore ay bulshada waddankaasi si weyn uga hor timi cashuur kordhin lagu soo rogay taas oo sababtay bannaan baxyo gallaaftay Golihii Wasiirrada ee xukuumadda William Ruto. Waxa xusid mudan in Haayadda Lacagaha adduunka ee IMF in Kenya ku leedahay dayn cadadkeedu dhan yahay 87 Billion oo Dollar taas oo dawladdu doonayso sidii ay u bixin lahayd. Source
-
Mogadishu, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has called on the United States to reconsider its recent suspension of aid to Somalia, emphasizing American assistance’s critical role in the country’s security and humanitarian efforts. The U.S. decision, part of a 90-day review ordered by the Trump administration, has halted military aid, development funding, and humanitarian support, raising concerns about its impact on Somalia’s fight against terrorism and ongoing relief operations. Speaking in Mogadishu, Mohamud acknowledged the suspension but remained hopeful that Washington would restore funding. “The United States has always stood by Somalia, and we are optimistic that our partnership will continue,” he said. While he refrained from direct criticism, his remarks signaled Somalia’s reliance on foreign aid to sustain military operations against al-Shabaab and provide essential services to millions in need. Aid freeze threatens security The suspension has disrupted key U.S. Agency for International Development (USAID) programs and other American-funded initiatives. The U.S. provided over $369 million in aid to Somalia in 2021 alone, supporting efforts ranging from counterterrorism to food assistance. The abrupt halt has already led to operational challenges for NGOs working with internally displaced persons, malnutrition treatment centers, and victims of gender-based violence. Security analysts warn that the funding cut could weaken Somalia’s military, mainly as it battles al-Shabaab insurgents. While the U.S. has continued its targeted airstrikes against extremist groups, military experts argue that without sustained financial and logistical support, Somalia’s armed forces may struggle to maintain momentum on the battlefield. Balancing diplomacy and dependency Despite the aid freeze, Mohamud went out of his way to express gratitude to the U.S. for its continued counterterrorism support. “We appreciate all our allies, particularly the United States, for their unwavering commitment to Somalia’s security,” he stated, avoiding direct mention of other nations that have supported Somalia’s military efforts, such as Turkey. Analysts view Mohamud’s approach as a diplomatic effort to ensure that military cooperation remains intact while leaving room for negotiations to reinstate broader U.S. assistance. Meanwhile, Somalia’s government remains engaged in discussions with Washington, hoping the suspension will be lifted after the 90-day review period. As humanitarian groups brace for further disruptions, Somalia’s leadership faces the challenge of balancing diplomatic pressure with the urgent need to secure critical aid. Whether Washington will heed Mogadishu’s appeal remains to be seen.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlay dagaalka Khawaarijta iyo dowladaha ku garab siiya Soomaaliya, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Mareykanka. Xasan Sheekh ma uusan sheegin magaca dowlad kale, balse wuxuu si weyn ugu mahadceliyey Mareykanka, isagoo dowladaha kale si jamac ah ugu mahadceliyey. “Waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan saaxiibka nahay, gaar ahaan Mareykanka oo garab nagu siiyey dagaalka Khawaarijta iyo dib u dhiska Ciidankeena Qaranka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Mahadcelinta Xasan Sheekh ee Mareykanka ayaa ku soo aadeysa iyadoo dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ka jaratay taageeradii dhanka milateriga, mashaariicdii horumarinta iyo tii bini’aadannimada. “Dowladda Mareykanka waxay mar walba noo garab taagan tahay si buuxda. Sidoo kale, dowladaha kale ee caalamka ee dagaalka Khawaarijta nagu garab istaagay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Dowladda Turkiga, oo Soomaaliya u dhistay ciidanka ugu badan ee lagu tashto—Gorgor—ayuu Xasan Sheekh maanta magacooda si gaar ah u xusin, lamana oga sababta. Quburrada milateriga ayaa hadalka Xasan Sheekh ku macneeyay inuu yahay af-gobaadsi, maadaama Mareykanku jartay taageeradiisii, isla markaana la quud-dareynayo in dib loo fasaxo. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii uu xukunka yimid joojiyey dhammaan taageeradii uu Mareykanku siin jiray inta badan dalalka caalamka, isagoo go’aankiisa u sababeeyey qiimeyn uu sameeyey. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor, wareysi uu siiyey SNTV ku sheegay in 90 cisho kadib ay dowladda Soomaaliya rajo weyn ka qabto in Mareykanku dib u fasaxo taageeradii la joojiyey ee uu siin jiray Soomaaliya. Hoos ka daawo
-
Somaliland Minister of Finance and Economic Development together with the Minister of State for the Ministry of Finance, the Director General of the Ministry of Finance and the Coordinator of the Somaliland Enhancing Public Resources Management {SERP} which is financed by the World Bank, received a delegation from the World Bank led by Mrs. MAY who is the Head of The Project Task Team Leader in his office. In this meeting, the officials of the Ministry of Finance focused on the priorities they want to take in the coming years, based on the Ministry’s Five Years Strategic Plan for 2024-2028, the Ministry’s Annual Action Plan and the project plan whose motto is Action and Progress. During the meeting, it was emphasized that the activities of the project should be carried out as planned based on the principles of the Public Finance Management Reform Program and also strengthening the relationship between Somaliland and the World Bank. The delegation from the World Bank indicated that they will receive all the privileges held by the Ministry of Finance & Economic Development. Meetings are planned in the coming three days to discuss all the work activities of the project, while some of these meetings will be part of other Government Agencies that are part of this SERP Project. Horn tribune Qaran News
-
Iskudayga iyo qabanqaabada kulankii u horreyay ee ay yeelanayaan Trump iyo Putin, ayaa socda , sida ay wakaaladda wararka ee AP ka soo xigatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Ryabkov oo intaa ku daray shir madaxeedka Putin iyo Trump inuu noqon doono wada-hadal ballaaran oo kaliya aan looga hadli doonin dagaalka Ukriane , balse labada hoggaamiye waxaa ay ka hadlayaan arrimo ku saabsan marxalada xilligan ee caalamka. Source
-
Ururka Xamaas, ayaa maanta sii daayay 6 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah , tan oo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin la sii daayo, tan iyo marka uu dhaqan galay dabayaaqadii bishii Jannaayo, wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa oo Soo gaaray heer gabagabo ah, halka ay Israa’iil maanta sii deynayso 602 oo Falastiiniyiin ah. Israa’iiliyiinta ay maanta sii deysay Xamaas ayaa kala ah ; •Avera Mengitsu, 37 jir oo ah Itoobiyaan , heysta jinsiyada Israa’iil, kaasoo lagu qabtay gudaha marinka Qasa, sannadkii 2014-tii , markii la sheegay inuu si iskiis ah u galay Qasa, xilligaa oo ay xabsi dhigeen maamulka amniga Qasa ee hoostaga ururka Xamaas. • Hisham al-Sayed, oo 37 jir ah, ayaa isagana galay marinka Qasa bishii April, sannadkii 2015 ,waxaa gacanta ku dhigay oo xabsi geliyay Xamaas. Waxa uu muddo kooban ka tirsanaan jiray ciidamada Israa’iil. •Tal Shoham, oo 39 jir ah, waa Israa’iili heysta jinsiyada Austria, wuxuu ka mid ahaa maxaabiistii lagu qabtay howlgallo 7 Oktoobar, 2023. • Eliya Cohen, oo 27 jir ah, waa maxaabiistii la qabtay 7 Oktoobar,2023. •Omer Wenker, oo 23 jir ah, ayaa sidoo kale la qabtay 7 Oktoobar,2023. •Omer Shem Tov, oo 22 jir ah, waa xirfadle aqoon durugsan u leh barnaamijyada kombuyuutarrada , wuxuu isaguna ka mid ahaa maxaabiistii la qabtay 7 Oktoobar,2023. Sii deynta maxaabiistan oo sida ay u dhacday aad ka heli kartid muuqaal la xiriira qeybta falcelinta , waxay Xamaas ku soo bandhigtay farriimo kala duwan iyo tiro badan oo ciidan ah oo sita hub ay ka furteen ciidanka Israa’iil, iyagoo bandhigaa ku sheegay inay ku muujinayaan midnimada kooxaha iyo dadka Falastiiniyiinta Qasa, xilli bay sheegeen Israa’iil ay ka jirto kala qeybsanaan weyn. Dhinaca kale, 602 maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa la filayaa in maanta laga sii daayo xabsiyada ay ku jiraan waxaa ka mid ah 110 maxbuus ay Israa’iil ay horey xabsi daa’im ugu riday, waxaa kalo ka mid ah 445 maxbuus oo ciidanka Israa’iil ay ka xireen marinka Qasa inta uu socday duullaankooda soo bilowday bishii Oktoobar,2023. Source
-
Markus Wiechel, oo ka tirsan Mudaneyaasha baarlamaanka Sweden, una ololeeya aqoonsiga Somaliland, ayaa codsi ku saabsan aqoonsiga Somaliland dhamaadkii sannadkii hore u gudbiyey baarlamaanka dalkiisa, taasoo jimcihii shalay lagaga hadlay baarlamaanka hortiisa, iyada oo su’aalo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland la weydiiyey Wasiirka Arrimaah Dibedda ee Sweden. Markus Wiechel, waxa u sheegay in ay Somaliland xaq u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah, dawladda Sweden waa inay ku dhiirato in ay Aqoonsato Somaliland. “Somaliland waxay xaq u leedahay aqoonsi caalami ah—waa dal madax-bannaan oo leh dimuqraadiyad, xasillooni, iyo xulafo lagu kalsoonaan karo. Aqoonsigeedu waa mid sharci ah, una dan ah reer Galbeedka!” Xildhibaankan waxa uu intaas raaciyey “Somaliland waa dal madax-bannaan oo muddo dheer ka jirtay dimuqraadiyad iyo xasillooni. Aqoonsigeedu waa mid xaq ah oo mudan in la taageero!. Qadiyadda Somaliland waa mid caddaalad ah—sharci ahaan iyo taariikh ahaanba, xaq ayey u leedahay aqoonsi rasmi ah!. Reer Galbeedku waa inay garowsadaan in Somaliland tahay xulafo la isku halleyn karo, oo mudan in si buuxda loo aqoonsado!” — Markus Wiechel, Riksdag, Sweden. Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, Maria Malmer Stenergard, oo ka hadashay soo jeedinta Xildhibaankan, waxay sheegtay in Sweden ay muddo dheer taageero siisay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarinta nabadda, dimuqraadiyadda, iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxay xustay in Sweden ay si gaar ah u taageertay doorashooyinka Somaliland, taasoo muujinaysa muhiimadda ay siinayaan nidaamka dimuqraadiga ah ee ka hanaqaaday Somaliland. Source
-
Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu maamulka Trump ugu hanjabay Ukraine inay ka jari doonaan adeegsiga Internetka dayax-gacmeedka ku xiran ee Starlink oo ah shirkad uu leeyahay Elon Musk, haddii aysan Ukraine oggolaan heshiiska macdanta ee Mareykanka uu doonayo inuu ka qaato Ukraine. Internetka Starlink, waa midka kaliya ee ciidanka iyo dadka Ukraine ay adeegsadaan , haddii la xiro waxay ka dhigantahay inuu lumay khadka adeegga Internetka ee guud ahaan Ukraine , tan oo ah sababta ay hab cadaadis uga adeegsanayaan maamulka Trump. Source