Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In this exclusive interview, the Editor-in-Chief of The Daily Euro Times, Gus Anderson, sits down with the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Republic of Somaliland, Minister Abdirahman Adam, in Hargeisa to discuss recognition, the Horn of Africa, and the Middle East. It is a pleasure to be with you in Hargeisa today of all places. As we approach the reassertion of independence, on 18 May 1991, it is a significant time in Somaliland’s history. Somaliland’s Case: Geopolitical Uniqueness of Somaliland Editor-in-Chief, Gus Anderson: How is Somaliland unique, in geopolitical terms, compared to other states such as Djibouti, Sudan, and Somalia? Foreign Minister, Abdirahman Adam: Somaliland is unique. Unlike many post-colonial conflicts, our claim to statehood is based on historical sovereignty, democratic legitimacy, and regional stability. We achieved independence in 1960 before voluntarily entering a union with Somalia, one that failed catastrophically. Unlike states driven by external alliances or ideological blocs, we pursue a multi-vector foreign policy, balancing regional interests without becoming a client state of any global power. Bilateral Relations: Somaliland-Taiwan Editor-in-Chief, Gus Anderson: Both Somaliland and Taiwan developed relations in 2020 with reciprocal representative offices in Taipei and Hargeisa. The Taiwanese FM is due to visit Hargeisa, on a official visit next week to discuss relations and maritime cooperation. Will maritime cooperation focus on militarisation between your two states? Our relationship with Taiwan is rooted in mutual respect, shared democratic values, and a commitment to peaceful development. Maritime cooperation will primarily focus on the security of trade, anti-piracy measures, and logistics infrastructure… not militarisation. Therefore, the Horn of Africa needs stability, not new arms races. Any collaboration aligns with broader regional strategies, including U.S. and EU interests in open sea lanes and anti-terrorist efforts, especially as the Red Sea becomes increasingly volatile. China’s Response: SSC-Khatumo Support Editor-in-Chief, Gus Anderson: In Somaliland we see Beijing’s tacit support for the SSC-Khatumo militia in Las Anod, Sool region. Aren’t you worried about the repercussions of deeper maritime ties with Taiwan? Foreign Minister, Abdirahman Adam: We are fully aware of China’s geopolitical playbook. However, Somaliland has never traded sovereignty for short-term investment. Our consistent diplomatic position is that recognition should be based on merit, history, and democratic governance than coercion. Somaliland will continue to welcome constructive partnerships while resisting external manipulation. Our relationship with Taiwan is based on mutual interest. Somaliland’s Message to American Lawmakers Editor-in-Chief, Gus Anderson: You recently visited D.C. as part of your relationship with GOP lawmakers in the U.S. What was your message to GOP lawmakers and how are you presenting the need for recognition? Foreign Minister, Abdirahman Adam: We have told our friends in D.C.: Somaliland is doing what many recognised states struggle to do, maintaining security, holding elections, and managing critical infrastructure, all without formal recognition and no foreign aid. We have been very direct with lawmakers in Washington: if you want stability in the Horn of Africa, talk to the people who are actually providing it. Somaliland has been a reliable, democratic partner for over three decades. Somaliland governs itself, secures its borders, and maintains peace in a volatile region. We have been clear; Somalia simply does not speak for us. That chapter closed a long time ago. Any attempt by Mogadishu to offer ports or bases within Somaliland's borders is like someone renting out a neighbour''s house; it is not just misleading, it is absurd. Berbera port is under the control of Hargeisa, Somaliland’s central government, and any negotiations concerning it must go through Hargeisa, not Mogadishu. Somalia’s Attempt to Offer Berbera to the Americans Editor-in-Chief, Gus Anderson: How did you present the leaked memo, from Mogadishu via Reuters, concerning the potential exchange of air and naval assets in Somaliland to the U.S.? Foreign Minister, Abdirahman Adam: As for the letter, Somalia’s president, Hassan Sheikh Mohamed, sent to the Trump administration. Well, it has made headlines… but not much else. The Trump administration has not responded, and the letter only became public because someone leaked it to the press. Until then, it was just gathering dust like most of Mogadishu's foreign policy ambitions. Somaliland’s Security Policy Editor-in-Chief, Gus Anderson: In Somalia, today, we see the resurgence of Al-Shabaab, a uptick in piracy across the Indian Ocean, and Daesh in Puntland state. What is Somaliland doing to ensure it’s borders are secure? Why is Somaliland so secure despite the regional security challenges in neighbouring Somalia? Foreign Minister, Abdirahman Adam: We’ve long understood that our security is our responsibility, recognition or not. While others are dealing with insurgencies and struggling to hold ground, Somaliland has kept its territories secure, its coast protected, and its streets peaceful. Our forces are locally rooted, community-driven, and unshaken by shifting allegiances. Piracy may be spiking elsewhere, but not on our shores. We don't just talk stability; we live it, every day. Trump’s Plan: Recognition for Population Transfer? Editor-in-Chief, Gus Anderson: Trump’s earlier plan for Gaza consisted of population transfer, with reports of talks with several African countries, including Somaliland, Sudan, and South Sudan, in exchange for concessions. In a interview with Israeli news agency, KAN, your team said it was “open to discussion on all matters, but we do not want to speculate on matters that have not yet been discussed.” What is Somaliland’s policy on Trump’s plan; is Hargeisa prepared to host forcibly displaced Gazans in exchange for recognition? Foreign Minister, Abdirahman Adam: Recognition should never be transactional; it must be based on principles, not population swaps. We welcome dialogue with all international actors on peace and cooperation, but we will not be a bargaining chip in unresolved Middle East disputes. Normalisation: Israel-Somaliland Normalisation isn’t something that happens with the click of a button; it is a process, not a posture. Somaliland, like any responsible government, considers it’s foreign relations through the lens of national interest, regional stability, and the values of its people. If those align, we are open to discussion with any nation. The Horn of Africa holds immense potential beyond just security cooperation. Energy, technology, trade, and water security are all areas where regional and global actors, whether it is the U.S., UK, Israel, or the GCC, who can find a shared purpose with Somaliland. Any engagement must be mutual, principled, and anchored in respect for our sovereignty. Editor-in-Chief, Gus Anderson: Thank you for hosting us in Hargeisa and being open to hold this discussion. Foreign Minister, Abdirahman Adam: It is my pleasure, Anderson. Exclusive Recognition Somalia and Normalisatio Qaran News
  2. Sacda (Caasimada Online) – Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kadib markii Mareykanka uu hawada ka duqeeyay xarun dadka tahriibka ah lagu hayo oo Xuutiyiintu maamulaan oo ku taalla waqooyi galbeed Yemen. Goobta la duqeeyay waxaa booqday dad badan, waxaana ka mid ah Ibraahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, mar uu la hadlaayey BBC ayuu ka waramay wixii uu ku soo arkay indhahiisa iyo sida ay waxa u dheceen. “Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale sheegay waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay. “Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri, inkastoo warbaahinta qaar ay werisay geerida 68 qof. Ibraahim ayaa sheegay in goor aroor ah uu weerarka ka dhacay meel lagu hayo muhaajiriinta oo bannaan ah. “Dadka waxaa laga soo qabtay xadka, in ay Sucuudiga galaan ayey doonayeen, waxaa laysugu keenay xabsiga magaalada Sacda, waxaana loo diyaariyay in la soo tarxiilo” ayuu yiri Ibraahim. Xarunta dadka lagu hayo ee Sacda waxaa la sheegay in lagu hayay dad gaaraya 115 qof oo Afrikaan ah, TV-ga Al-Masirah ee Yemen wuxuu sheegay in 47 muhaajiriin ah ay dhaawacmeen, iyadoo intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah. Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad badan oo ku hoos jira burburka. Saacado ka hor ayuu taliska dhexe ee Mareykanka sheegeen in ciidankooda ay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-ka bishii hore.
  3. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa amar ku bixisay in gebi ahaanba la joojiyo Niistii laga rari jirey gobolka Selel taas oo la geyn jirey dalka Djibouti. Warqad uu ku saxeexnaa agaasimaha guud ee Wasaraaddaas Shucayb Cismaan Maxamuud ayaa lagu joojiyey in Niis dambe la geeyo waddanka Djibouti. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose ayaa muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu xilka ka qaadi doono Cali Balcad, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Xil ka qaadistan ayaa lasoo warinayaa inay daba socoto isku shaandheyntii uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku saameysay qaar ka mid ah golaha wasiirada, taas oo Axmed Macallin Fiqi looga qaaday xilkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, loona wareejiyay Wasaaradda Difaaca. Cali Balcad, oo door weyn ku lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana hormuud ka ahaa wada-hadalladii dowladda Soomaaliya la yeelatay Itoobiya ee lagu xalliyay khilaafkii badda, ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay arrintan, taas oo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhawaan. Sida ay xoguhu sheegayaan, Balcad waxaa lagu beddeli doonaa Abshir Bukhaari, oo hadda haya xilka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada. Cali Balcad ayaa sidoo kale ahaa wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee arrimaha wada-hadallada Itoobiya. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay hirgelinta heshiiskii lagu gaaray magaalada Ankara ee uu dhexdhexaadiyay Madaxweyne Erdogan ee Turkiga, kaas oo lagu dhammeeyay xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya. Isbeddellada socda ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu kordhiyo waxtarka dowladda, isla markaana lagu dheelitirayo saameynta siyaasadeed ee beelaha, si loo xoojiyo taageerada gudaha ee maamulka Ra’iisul Wasaaraha. Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu magacaabo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowliyaal cusub, xilli isku shaandheyntii uu shalay sameeyay ku koobneyd saddex xafiis oo masuuliyiintooda la isku beddelay.
  5. AQOfu5EcSFuXJYH225JVMfJQFn7I7hScwcxn3Q060IeOARjB4HGWRIVrljSD12DX0voKCrzej_f7p0LrUNjcK2HR Qaran News
  6. Mogadishu (HOL) – A group of Somali lawmakers announced Sunday that they are preparing to table a motion against the Speaker of the House of the People, Sheikh Aden Mohamed Nur (Madoobe), accusing him of obstructing the continuation of the parliament’s sixth session. Source: Hiiraan Online
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka Gaza. Tani waxay timid kadib markii warar soo baxay ay muujinayeen in Maraykanku doonayo in qayb ka mid ah dadka reer Gaza loo raro Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Daily Euro Times ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi caalami ah, balse aysan diyaar u ahayn inay gasho wax khilaaf hubeysan oo saameynaya Bariga Dhexe. Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aysan aqoonsigeeda u adeegsan doonin sidii badeeco la kala bedelanayo, balse ay ku istaagi doonto mabda’ iyo sharaf. Wuxuu carabka ku adkeeyay in aqoonsigu u baahan yahay inuu ku salaysnaado xaq-dhowrka qarannimada iyo doonista shacabka Somaliland. Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland mar walba diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu dhisayo nabad iyo iskaashi caalami ah, balse aysan aqbali doonin in la geliyo gorgortan ku saabsan khilaafaadka murugsan ee Bariga Dhexe. Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto Israa’iil, haddii ay danta qaranka iyo nabadda gobolka sidaas ku jirto, iyadoo aan la dayacin rabitaanka shacabka Somaliland. Wararka sheegaya in dadka reer Gaza loo raro Somaliland ayaa soo ifbaxay 14-ka Maarso 2025, kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay daabacday in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka fikirayaan qorshe lagu rarayo dadkaasi, iyada oo Somaliland, Suudaan, iyo Soomaaliya laga faa’iidaysanayo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in Somaliland la ogeysiiyay ama la weydiistay inay qayb ka noqoto qorshahaasi, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo arrintaas lagala yeeshay Somaliland. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin in lagu daro mashruucyo xasaasi ah oo dhaawici kara sumcadda iyo mabda’a qaranka, taas oo uu tilmaamay inay tahay wax laga fiirsado. Sidoo kale, warbaahinta qaar ayaa horay u qoray in Somaliland ay u dhowdahay inay aqbasho dadka reer Qasa si ay aqoonsi uga hesho Maraykanka, taasoo keentay caro ka dhalatay waddamada Carabta ee taageera Qasa. Rajada Somaliland ee aqoonsi caalami ah Warbixin dhawaan uu qoray New York Times ayaa sheegtay in wadahadallo horudhac ah ay socdaan oo u dhexeeya Washington iyo Hargeysa, kuwaas oo ka mid tahay in Maraykanku saldhig ciidan ka samaysto magaalada Berbera, si uu ugu beddelo aqoonsi rasmi ah oo uu siiyo Somaliland. Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in Madaxweyne Trump uu gacan ka geysto aqoonsiga Somaliland, isagoo Trump ku tilmaamay hoggaamiye lala heshiin karo. Waxaa sidoo kale la filayaa in wufuud sare oo ka socota Somaliland ay u safraan Maraykanka bilaha soo socda, si ay ugu xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan inay helaan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah. Wasiir Cabdiraxmaan ayaa xusay in socdaalkiisii uu dhawaan ku tagay Maraykanka uu qeyb ka ahaa qorshaha lagu kobcinayo xiriirka labada dhinac, isla markaana masuuliyiin Maraykan ah ay u caddeeyeen inay Somaliland ula macaamilaan si toos ah marka ay timaaddo arrimaha gobolka. Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sii labanlaabtay dadaallada ay ku doonayso inay kaga hortagto aqoonsiga Somaliland, iyadoo adeegsanaysa fursado dhaqaale iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay u bandhigayso Washington. Somaliland waxay ku adkaysatay inay u taagan tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, kana go’an tahay inay ka fogaato xaaladaha murugsan ee caalamka, si ay u gaadho aqoonsi rasmi ah oo ay ugu istaagto garab la’aan.
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee ay Soomaaliya marayso iyo go’aamada adag ee horyaalla madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in la qaato go’aamo mideysan, ka hor inta aysan beesha caalamku qaadan go’aamo aan dan ugu jirin siyaasiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. “Dal boqorogaando laguma maamulo, xaqiiqdana waa in la wajahaa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay xaqiiqda indhaha la raacaan. Haddii taas la waayo, waxa dhici doona xaalad ka sii xun oo aan cidna dan ugu jirin. Kahor inta aysan taasi dhicin, aan miiska wadahadalka isugu nimaadno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay: “Cid kasta oo diyaar u ah in ay dalkooda kaalin togan ka qaadato ha laga aqbalo, haddii uu sax yahayna waa loo oggolaanayaa, haddii kalena walaalihiis ayaa ka qabanaya. Kala qoqobid meesha ma taallo, reer Puntland-na waxay diyaar u yihiin in kaalintooda ay si cad u muujiyaan.” Hadalka Deni ayaa yimid laba maalmood kadib markii uu shuruud ku xiray ka qayb-galka shirka dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday, kuwaas oo sababay khilaafka labada dhinac. Madaxweynaha Puntland ayaa si cad u sheegay in uusan ka qayb-gali doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu ka dhaco Villa Somalia kowda bisha May, shirkaas oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay waa wixii lagu heshiiyey oo laga leexday. Ilaa lagu soo noqdo wax heshiis ah, cidina dib uma noqonayso. Xasan Sheekh ha ka dhabeeyo ballanqaadkii gogosha, hana ku soo laabto wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in gogoshii uu horey Garoowe u dhigay ay weli taallo, isla markaana ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo heshiis dhab ah. Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka Golaha Wadatashiga Qaran tan iyo bishii December 2022, kadib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii hoos u dhac weyn ku yimid sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed.
  9. The Supreme Court of Kenya has rejected a government bid to confiscate a house worth Sh110 million and cash totaling Sh8.6 million, owned by Gibriel Cusman Mohamed, a former Somali diplomat. Authorities had accused Mohamed of links to Yemeni terrorist networks. Source: Hiiraan Online
  10. Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Mareykanku uu ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaanka ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay Xuuthiyiinta ka taliyaan, sida uu sheegay TV-ga kooxda hubeysan. Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in 47 qof ay ku dhaawacmeen oo intooda badan ay aad u liidato xaaladoodu markii la duqeeyay xarunta oo ku taalla gobolka Sacda. Waxaa la soo bandhigay muuqaal muujinaya maydad badan oo ku hoos jira bur burka dhisme Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka. Balse arrintaan ayaa imaanaysa saacado kadib markii taliska dhexe ee Mareykanka uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu amray in la xoojiyo howlgallada cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-kii Maarso. Qaran News
  11. Ku dhowaad 70 qof oo muhaajiriin afrikaana ah ayaa lagu diley duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay xeebaha dalka Yemen sida laga soo xigtay kooxda Xuutiyiinta. Warbaahinta taageerta kooxda Ansar Allaah ayaa sheegtay inay dhinteen 68 tahriibayaal Afrikaan ah, halka ay dhaawacmeen 47 kale, ka dib duqeymo duqeymaha xooggan Mareykanku ka fuliyay xeebaha dalkaas. Si kastaba ha ahaatee lama oga dalalka ay ka yimaadeen muhaajiriintaasi, balse waxaa loo badinayaa inay ka tageen dalalka bariga Afrika sida Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  12. Ku dhowaad 70 qof oo muhaajiriin afrikaana ah ayaa lagu diley duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay xeebaha dalka Yemen sida laga soo xigtay kooxda Xuutiyiinta. Warbaahinta taageerta kooxda Ansar Allaah ayaa sheegtay inay dhinteen 68 tahriibayaal Afrikaan ah, halka ay dhaawacmeen 47 kale, ka dib duqeymo duqeymaha xooggan Mareykanku ka fuliyay xeebaha dalkaas. Si kastaba ha ahaatee lama oga dalalka ay ka yimaadeen muhaajiriintaasi, balse waxaa loo badinayaa inay ka tageen dalalka bariga Afrika sida Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  13. Garowe (HOL) — Puntland authorities have issued a strong warning to human traffickers and smuggling networks operating through regional airports, vowing to crack down on the increasing illegal migration of Somali youth. Source: Hiiraan Online
  14. Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaar ah u hakisay bixinta fiisayaasha Xajka muwaadiniinta kasoo jeeda 14 dal. Kahor bilaabashada xilliga Xajka ee 2025, waxa uu Sacuudiga hakiyay fiisayaasha dalal ay kamid Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan. Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Sacuudi Carabiya ku dooneyso in ay ku xoojiso ammaanka gudaha iyo maaraynta tirada badan ee xujeyda isugu yimaada sanad walba mid ka mid ah isu-imaadyada ugu weyn dunida ee diimeed. Sida ku cad awaamiirta cusub ee la soo saaray, muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkan la hakiyay ma heli doonaan fiisayaal noocyadooda Cumrada ama booqashada muddada lagu jiro xilliga Xajka. Intaa waxaa dheer, Sacuudi Carabiya waxay digniin adag u dirtay dadka kasoo jeeda dalalkan, iyadoo sheegtay in qofkii lagu qabto inuu ku negaado gudaha dalkaasi isaga oo dhaafay muddadii fiisihiisa uu wajahayo ciqaabo adag sida ganaax lacageed, xabsi, iyo masaafurin. Hay’adaha ammaanka Sacuudiga ayaa sidoo kale digniin siiyay dhammaan booqdayaasha kale, iyagoo xusuusiyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo sharciyada socdaalka iyo xeerarka dalka. Sacuudiga ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah badbaadada xujeyda, si looga hortago culeysyada ama khataraha ka dhalan kara xad-dhaafid tirada dadka imanaya inta lagu jiro Xajka. Xeerarkan cusub ayaa si gaar ah diiradda u saaraya hubinta nidaamka, badbaadada iyo ilaalinta tartiibka isu-imaatinka xujeyda sanadkan, taasoo qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo Boqortooyadu ku dooneyso in ay ku maareyso arrimaha Xajka mustaqbalka.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan sii laba kacleysay, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxame Nuur (Aadan Madoobe). Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa. Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka. In ka badan 100 Xildhibaan oo wax ka saxiixay mooshinka hadda yaalla ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxayna ku eedeeyeen Sheekh Aadan Madoobe inuu jabiyay xeer hoosaadka golaha iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu wada yahay. “Kulan ay maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka isugu yimaadeen, isla markaana kaga arrinsanayeen xirnaashaha kalfadhigga lixaad ee golaha iyo soo jeedinta mooshin Xildhibaannada ay ka keeneen guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa dood dheer iyo falanqeyn kadib isla qaateen inuu yaallo mooshin dhameystiran oo ka dhan ah Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullahi oo akhriyay warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo ay tilmaameen inuu u xiran yahay Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in si ula kac ah uu u joojiyay shaqadii socotay ee golaha. “Fadhiyada golaha wuxuu u xiran yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, muddo saddex bilood ah lama qaban wax shaqo ah, waxaana si ula kac ah loo hakiyay howlihii Baarlamaanka” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku. Ugu dambeyn waxa ay Xildhibaannadu dalbadeen in deg deg loo furo Baarlamaanka, si loo guda galo mooshinka iyo shaqooyinka u yaalla Xildhibaannada Soomaaliyeed. “Haddaba waxaan usoo jeedineynaa guddoonka Golaha Shacabka inay furaan Baarlamaanka oo u xiran muddo ku dhow laba isbuuc” ayuu sii raaciyay. Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa. Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.
  16. MOGADISHU, Somalia — Somalia’s federal parliament has plunged deeper into crisis as a group of lawmakers pushes to remove the lower house speaker, accusing him of violating parliamentary procedures and bringing legislative work to a standstill. More than 100 members of parliament have signed a motion seeking the dismissal of Sheikh Adan Mohamed Nur, commonly known as Adan Madobe, alleging that he has deliberately blocked parliamentary sessions for nearly two weeks. At a press briefing late Sunday in Mogadishu, lawmakers behind the motion claimed that Madobe had breached the chamber’s internal regulations and abused his authority by suspending parliamentary activities without due process. “The speaker has intentionally paralyzed parliament’s work,” said MP Sadak Abdullahi, who read the group’s joint statement. “No business has been conducted for three months. This shutdown is a deliberate act by the leadership.” The dispute follows the controversial expulsion of MP Abdullahi Hashi Abib earlier this year — a move orchestrated by the speaker’s office — which has since become a flashpoint between Madobe and his critics. The lawmakers argue that Madobe overstepped his mandate by unilaterally removing Abib without following proper legal channels, further fueling the current standoff. Legislative paralysis amid growing tensions The deadlock has halted parliamentary work, preventing lawmakers from addressing key legislative priorities, including electoral reforms and constitutional amendments seen as critical to Somalia’s political transition. “We are calling on the speaker to immediately reopen parliament so that we can proceed with the motion and resume our responsibilities,” the lawmakers urged in their statement. The standoff adds to Somalia’s long history of institutional fragility, where power struggles between branches of government frequently disrupt efforts to strengthen governance. Somalia’s bicameral parliament, comprised of the House of the People (lower house) and the Upper House (Senate), plays a central role in the country’s federal political system. However, internal divisions and leadership disputes have repeatedly derailed its operations. Speaker Adan Madobe, elected in April 2022, is a veteran political figure with a checkered past. A former militia leader, he previously held the speaker role from 2007 to 2010. His return to the position followed a contentious leadership contest that reflected Somalia’s deeply polarized politics. The current dispute underscores ongoing political instability in Somalia, which is also battling an Islamist insurgency by Al-Shabaab, managing fraught relations with federal member states, and navigating economic hardships. National priorities in jeopardy The parliamentary gridlock threatens to stall Somalia’s already delayed electoral reforms. The country continues to operate under an indirect electoral model based on clan representation, a system widely criticized for lacking inclusivity and transparency. Before the shutdown, lawmakers had been discussing constitutional revisions and legal frameworks needed to guide future elections. However, the latest power struggle risks sidelining these critical debates. Opposition leaders have accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of using parliamentary leadership to block reforms and entrench political control — an allegation government allies deny, blaming internal dissent for the impasse. The political stalemate comes at a sensitive moment as Somalia prepares for key diplomatic engagements, including talks with international partners over security funding amid the phased withdrawal of the African Union peacekeeping mission, known as ATMIS. Diplomats and international observers have expressed concern that prolonged instability in parliament could derail Somalia’s reform agenda and weaken its fight against Al-Shabaab. “The stability of Somalia’s institutions is essential for the success of ongoing reforms and the fight against terrorism,” a Western diplomat told Caasimada Online on condition of anonymity. “We urge all parties to resolve this dispute through dialogue and constitutional means.” Speaker Madobe has not publicly commented on the motion or addressed the allegations. However, parliamentary sources indicate that back-channel negotiations are underway to defuse the crisis. With no formal sessions scheduled, the lower house remains effectively closed. Lawmakers behind the motion insist they will continue to push for Madobe’s removal unless parliament resumes work immediately. “We are ready to return to work,” said MP Abdullahi. “But the leadership must respect the rules. Parliament cannot remain hostage to one individual.”
  17. Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo, S/Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa maanta shaaciyay in uu si rasmi ah isaga casilay Xilkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo, sida ku cad Warqad uu ku faafiyay Warbaahinta. “Mudane Madaxwayne anigoo kaaga mahadcelinaya xilkii aad ii igmatay iyo mudadii aan soowada shaqaynay Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 28 bisha April 2025 Waxaan iska casilay Xilkii aan hayay ee ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta SSC-KHaatumo” ayuu ku yiri warqadda is casilaadda oo uu u gudbiyay Madaxweynaha SSC-khaatumo. S/Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa sidoo kale sheegay in aanu doonayn sababaha is casilaaddiisa in uu ku qoro warqadda uu u gudbiyay Madaxweynaha SAC-khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye balse wuxu keliya wuxu caddeeyay in aanu sii wadi karin Shaqadii uu hayay. “Mana doonayo sababaha iscasilaadayda in aan ku qoro warqadan Waxaanse kaliya halakan ku cadaynaya in aanan siiwadi Karin xilkaa iyo shaqada aan u hayay ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo. Waxaan u mahad celinayaa Xubnaha taliska guud ee sida fiican illa sooshaqeeyay iyo ciidamada Daraawiishta ee geesiyaasha ah, sidookale waxa aan u mahad celinayaa shacabka SSC-KHaatumo Khaas ahaan teamamkii aanu shaqada ciidamada ka soowada shaqaynay” ayuu sii raaciyay S/Guuto Saleebaan Barre. Halkaan ka akhriso Warqadda Iscasilaadda PUNTLAND POST The post Taliyihii guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-khaatumo oo Maanta si rasmi ah Xilkii isaga casilay appeared first on Puntland Post.
  18. Mogadishu (HOL) — Several mortar shells were fired toward the heavily fortified Halane Base Camp in Mogadishu on Monday, which houses United Nations offices, African Union personnel, and Western diplomatic missions. Source: Hiiraan Online
  19. Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diiday codsi ay dowladda ku doonaysay in ay kula wareegto guri qiimihiisu yahay 110 milyan oo shilin iyo lacag caddaan ah oo dhan 8.6 milyan oo shilin oo uu leeyahay Gibriel Cusman Moxamed, oo ahaa diblomaasi hore oo ka tirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii lagu eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay argagixisada Yemen. Dowladda, oo uu matalayay Xafiiska Soo Celinta Hantida Qaranka (ARA), ayaa ku andacootay in guriga ku yaalla Eldama Ravine Road ee xaafadda Westlands, Nairobi, iyo lacagta lagu hayo saddex xisaab oo ka furan I&M Bank, ay yihiin hanti laga helay falal argagixiso iyo lacag dhaqis. Dacwadda xayiraadda oo la gudbiyay bishii August 2024, ayaa la horgeeyay Maxkamadda Dambiyada Dhaqaale ee Milimani, Nairobi. ARA waxay codsatay in maxkamaddu ku dhawaaqdo in hantida uu leeyahay Mr. Moxamed iyo shirkadda Jibca Services Limited ay yihiin hanti argagixiso leedahay. ARA sidoo kale waxay dalbatay amar maxkamadeed oo lagu wareejinayo hantidaas dowladda. Guriga la hadlayo ayaa laga iibsaday shirkadda Siana Properties Limited, qiimihiisuna ahaa 110.5 milyan oo shilin. ARA waxay ku eedeysay in lacagta lagu iibsaday guriga uu soo wareejiyay nin magaciisa lagu sheegay Abdi Nasir Ali, oo lagu sheegay in uu yahay argagixiso ku jira liiska cunaqabataynta Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC), kaasoo lagu eedeeyay maalgelinta dagaal oogayaasha Xuutiyiinta iyo xasilooni darrada Yemen. Hay’adda ARA waxay intaas ku dartay in Mr. Ali uu ku jiro liiska dadka ay la socoto hay’adaha amniga Kenya, isla markaana uu siddeed jeer gudaha u soo galay kuna baxay dalka intii u dhaxaysay 2013 ilaa 2018. Si kastaba ha ahaatee, Garsoore Benjamin Musyoki ayaa diiday codsiga ARA, isagoo xukumay in aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir ka dhexeeya Mr. Moxamed, shirkaddiisa Jibca, iyo Mr. Ali. Garsooruhu wuxuu xusay in ARA aysan soo bandhigin faahfaahin, sharraxaad, ama caddeymo taageeraya eedeynta. “ARA waxay kaliya sheegtay in ay sameysay baaritaanno sababay in la rumaysto in eedeysanayaashu qayb ka yihiin silsiladda kooxaha argagixisada, balse ma jirto faahfaahin ama caddeyn la horgeeyay maxkamadda oo arrintaas caddaynaya. Haddii baadhitaannadaasi dhab ahaantii muujinayaan in Mr. Moxamed uu xiriir la lahaa Mr. Ali, ARA ayaa mas’uul ka ah in ay maxkamadda ka qarisay caddeymahaas,” ayuu yidhi garsooraha. Maxkamaddu waxay sidoo kale tixgelisay in Mr. Moxamed uu doorar muhiim ah ka soo qaatay howlaha diblomaasiyadda caalamiga ah, isla markaana uu weli haysto baasaboorrada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Ireland. Waxa uu horey u soo noqday safiirka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ahaan jiray la-taliye koowaad iyo ku-xigeenka madaxa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia. “Dambiga kaliya ee lagu eedeeyay Mr. Moxamed, haddii la rumaysto sheegashada ARA, waa in uu iibiyay hanti uu qoys ahaan ka dhaxlay oo uu u iibiyay Mr. Ali. Sida aan u arko, in hantidaas la xayiro waxay la macno tahay in laga qaado dhaxalkiisii sharciyeysan, iyadoo aan la caddeyn in hantidu ay xidhiidh la leedahay wax dambi ah. ARA waa in ay sameyso baaritaanno qoto dheer si maxkamaddu ay u hesho sabab sharci ah oo lagu qaado tallaabo noocaas ah oo culus,” ayuu yidhi Garsoore Musyoki. Mr. Moxamed, oo difaacanayay naftiisa, ayaa maxkamadda u sheegay in lacagta la sheegay ay ahayd dhaxal uu ka helay hooyadiis kadib markii uu bishii Sebteembar 2023 ka iibiyay guri uu ka dhaxlay magaalada Muqdisho. Maxkamaddu waxay sidoo kale maqashay in gurigaas, oo loo yaqaan Sudan House, uu Mr. Moxamed ka iibiyay Dahir Mohamoud Mohamed, qiimihiisuna ahaa $2.2 milyan (oo u dhiganta 285 milyan oo shilin), isla markaana iibkaas si buuxda u hubiyeen Waaxda Dambiyada Maaliyadeed, Dhaqaale iyo Elektaroonigga ee Soomaaliya iyo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya. Mr. Moxamed wuxuu sheegay in uu guriga Westlands u iibsaday si uu ugu nasto oo uu qoyska la dego Kenya. Sidoo kale, wuxuu si cad u beeniyay inuu xidhiidh la lahaa Mr. Ali, xitaa telefoon ahaan ama hab kale. Wuxuu adkeeyay in intii uu socday iibka guriga Muqdisho, uu kaliya la kulmay Notary Public-ka iyo Dahir Mohamoud oo uu u arkayay inuu matalayay danaha iibsadaha. Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan marnaba lacag ka helin Mr. Ali. Source
  20. Mogadishu (HOL) — Russian President Vladimir Putin has officially invited Somali President Hassan Sheikh Mohamud to attend the upcoming Russia–Arab League Summit, set to take place later this year. Source: Hiiraan Online
  21. Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa xaqiijinaya in tiro madaafiic ah lagu weeraray agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xarumo badan oo caalami ah iyo ciidamo shisheeye. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex hoobiye ay kusoo dhaceen deegaanno u dhow Xalane, iyadoo madaafiic qaarkood la sheegay inay gudaha Xalane u gudbeen. Weerarkan ayaa sababay in gudaha xerada Xalane laga shido digniinta amni ee muujisa jiritaanka halis degdeg ah. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan. Ciidamada ammaanka ayaa durbaba bilaabay baaritaanno iyo roondooyin ka socda aagga ay madaafiicdu kasoo dhacday. Source: goobjoog.com
  22. Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa xaqiijinaya in tiro madaafiic ah lagu weeraray agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xarumo badan oo caalami ah iyo ciidamo shisheeye. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex hoobiye ay kusoo dhaceen deegaanno u dhow Xalane, iyadoo madaafiic qaarkood la sheegay inay gudaha Xalane u gudbeen. Weerarkan ayaa sababay in gudaha xerada Xalane laga shido digniinta amni ee muujisa jiritaanka halis degdeg ah. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan. Ciidamada ammaanka ayaa durbaba bilaabay baaritaanno iyo roondooyin ka socda aagga ay madaafiicdu kasoo dhacday. Source: goobjoog.com
  23. Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed. Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu mar ahaan jirey Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo lagu xasuusto dib u habayntii laamaha ammaanka maamulkaas iyo kaalintii uu ku lahaa xoojinta Wada-shaqeynta hay’adaha nabadgelyada Puntland iyo Galmudug. Intii Wasiirka arrimaha gudaha ahaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay wajigii koobaad ee dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmooyin iyo badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Fiqi dadka si feecan u yaqaani waxay ku tilmaameen nin wax weyn ka badeli kara Wasaaradda gaashaandhigga oo sanadihii dambe la durayay tayada hoggaamineed iyo habacsanaan shaqo. Source: goobjoog.com
  24. Wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya waxaa dhowaan loo magacaabay danjire Axmed Macallin Fiqi, ka dib isku shaandhayn lagu sameeyay qaar kamid ah golaha xukuumadda. Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo lagu ammaanay hawlkarnimo shaqo iyo firfircooni hoggaamineed. Wasiir Fiqi ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka, waxayna masuuliyiintii la soo shaqeeyay ku tilmaameen mid kamid ah madaxdii ugu waxqabadka feecnaa ee soo maray NISA intii lagu jirey sanadihii 2012 iyo 2013 oo kamid ahaa xilliyadii ugu adkaa nabadgelyada dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Wasiir Fiqi sidoo kale wuxuu mar ahaan jirey Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, ayadoo lagu xasuusto dib u habayntii laamaha ammaanka maamulkaas iyo kaalintii uu ku lahaa xoojinta Wada-shaqeynta hay’adaha nabadgelyada Puntland iyo Galmudug. Intii Wasiirka arrimaha gudaha ahaa sidoo kale wuxuu kaalin weyn ka qaatay wajigii koobaad ee dagaalkii kooxda Al-Shabaab looga saaray degmooyin iyo badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Fiqi dadka si feecan u yaqaani waxay ku tilmaameen nin wax weyn ka badeli kara Wasaaradda gaashaandhigga oo sanadihii dambe la durayay tayada hoggaamineed iyo habacsanaan shaqo. Source: goobjoog.com