-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ayaa dhul hor leh ka qabsaday Kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari. Howlgal dhowr jiho ah oo ay qaadeen Ciidanku ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee ay kooxdu halkaas ku lahayd. Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay haleeleen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana sawirro aaggaas laga soo qaaday laga dheehan karaa burbur baahsan oo gaaray gaadiidkii iyo fariisimihii Daacish. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa oo laga Ururiyey Toorayda iyo Midiyaha Ciidamad Booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Hubka noocyadiisa fudud oo isugu jira Toorayo, Mindiyo Daxalaystay, Faashash, Baangaddo iyo Budhadh ay ka soo ururiyeen ciidanka Booliska gaar ahaan Talisyadda Bariga iyo Galbeedku guud ahaa Degmooyinka Caasimadda. Ciidanka booliska ayaa sheegay in hawl-gal ay wadeen labadii Todobaad ee ugu dambeeyey ay ku soo ururiyeen hubkan. Magaaladda Hargeysa iyo deegaano kale waxaa in dhawayd ka dhacay Dilal loo adeegsaday hubkan ay ciidanka sida gaarka u beegsadeen ee Mindiyaha. Najax Adan Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Onliene) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta bilowday musaafurinta dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga gudaha deegaannada maamulka. Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland ayaa saaka aroortii bilaabay ololaha lagu masaafurinayo dadka Itoobiya u dhashay ee sida sharci-darrada ah ama tahriib ahaan ku soo galay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayay qaar ka mid ah suuqyada magaalada, halkaas oo ay si toos ah uga fulinayeen hawl-gallo lagu raafayo dadka aan haysan dukumiintiyada saxda ah ee oggolaanaya joogitaanka Somaliland. Ciidanka ayaa baabuur shabagle ah ku guraayay dadka Itoobiyaanka ah ee laga qab-qabtay suuqyada magaalada iyo gudaha xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaasi oo si sharci-darro ah ugu joogay caasimadda, sida ay sheegeen. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Somaliland ku xakameynayso muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyadoo la adkaynayo habraacyada socdaalka iyo amniga gudaha. Dadka sharci-darrada ku jooga maamulka ayaa inta badan loo musaafuriyaa sababo la xiriira dhanka ammaanka, iyadoo maalmihii dambe ay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka dhacayeen falal amni darro, kuwaasi oo u badnaa dhaca shacabka iyo ganacsiyada. Dhawaan, maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka musaafuriyay boqolaal Itoobiyaan ah, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaasi oo maraya marxalad xasaasi ah.
-
Cutubyo aad u qalabaysan oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada ISIS ee Gaatir-oodan oo dhacda togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad. Ciidamada difaaca Puntland oo Aroornimadii hore ee Saaka bilaabay hawlgal qorshaysan ayaa dhawr jiho kaga dhaqaaqay degaanka Gaatir-oodan waxaana ay ugu horrayn gacanta ku dhigeen difaacii adkaa ee Curaar oo laga ilaalin jiray Gaatir taasi oo fududaysay in ay ugu danbayn si buuxda ula wareegaan degaankaaasi Gaatir-oodan. Ciidamada oo weli baaris amni ku wada difaacyadii Curaar iyo Taliska Gaatir-oodan ayaa halkaasi ka helay mootooyin iyo gaadiid burbursan oo la rumaysan yahay in ay naafaysay duqeyntii dhawaanahan ku socotay dagaallamayaasha kooxda ISIS sida ay sheegayaan wararka laga helayo saraakiisha ciidamada Puntland. Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in dagaallamayaasha Argagixisada ISIS aysan ku dagaallamin difaacyadii Curaar iyo Taliska Gaatir-oodan, taasi oo muujinaysa in uu dhammaad yahay wejiga labaad ee Hawlgalka Cirib-tirka kooxda Daacish islamarkaana hadda wixii ka danbeeya loo gudbayo Sifaynta Firxadkooda. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Gaatir-oodan appeared first on Puntland Post.
-
Waad salaaman tihiin akhristayaasha qiimaha leh ee nagu xiran. Waxaa marar badan nala soo weydiiyey su’aalo ku saabsan shuruudaha qoraallada ra’yiga ah (Op-Ed) ama falanqaynta ah ee aan daabacno. Sidaas darteed, waxaan go’aansannay, intii aan mid mid uga jawaabi lahayn, in aan daabacno habraac guud oo ku saabsan sida aad qoraalkaaga ugu daabici karto Caasimada Online. Marka hore, daabacaadda qoraalladu waa bilaash oo ma ahan lacag, sida dad badani u haystaan. Lacag waxa kaliya laga qaadaa qoraallada xayeysiinta ah. Haddaba, si qoraalkaaga loogu daabaco Caasimada Online, fadlan buuxi shuruudahan fudud: 1- Qoraalka waa inuu yahay mid si hufan loo qoray, oo aan u baahnayn in laga saxo khaladaad la xiriira higgaadda ama hab-qoraalka Af-Soomaaliga, uuna noqdo qoraal xirfadaysan. 2- Waa in uusan ku jirin wax gef ah ama aflagaaddo ah. Haddii uu yahay qoraal dhaliil ah, waa in si xushmad leh loo qoray, uuna ka fogaado in lagu beegsado shaqsi gaar ah ama qabiil. 3- Caasimada Online ma beddelayso qoraalkaaga, waxna kuma dareyso. Si kastaba ha ahaatee, waxaan xaq u leenahay in aan beddelno cinwaanka haddii uu u muuqdo mid aan soo jiidasho lahayn. Dabcan, wixii isbeddel ah waan kula socodsiin doonnaa. 4- In kasta oo aan daabacno dhammaan qoraallada ra’yiga, haddana waxaan si gaar ah u xiiseyneynaa qoraallada falanqeynaya ama sharxaya dhacdooyinka markaas taagan ama ka jawaabaya su’aalaha muhiimka ah. Waxaan aqbalnaa qoraallada Af-Soomaali ah iyo qaybta Opinion ee Af-Ingiriisiga. Waxa aad noo soo diri kartaa qoraal hal mar ah ama aad noqon kartaa qoraa joogto ah (columnist) oo bog gaar ah loo sameeyo. Qoraallada iyo wixii su’aalo dheeraad ah waxaad noogu soo diri kartaan admin@caasimada.net. Aad ayaad u mahadsan tihiin.
-
ALUHU WUXUU JECELYAY. Aqoonta uu ilaahay ku siiyay hadday tahay mid fiican wuxuu jecelyay inaad is qabataan oo miiska laydiinku gar qaado taasi CEEBAALAHA waa u sharaf adna waa kuu magac xumo ee iska ilaali muwaadin. Nuxurku waa inay aqoonta ilaahay uu ku siiyay kaa furdaamisaa wax aan kuu qalmin. Ceebaalaha astaantiisa u weyni waa faanka oo ah calaamadaha jaahilka waxaanuu sitaa shahaadad uu ka soo qaatay dalka debeddiisa isagoo is bidaya inuu ka fiicanyay dadka jaahilnimo awgeed. Ceebaaluhu waxba ma xeeriyo soddoh, gashaanti, abti, inaadeer,Seeddi, saaxiib, midna ma xeeriyo waxaanuu jecelyay inuu kaa hor geeyo dadka wanaagsan si aad ula mid noqoto oo aad u yeelato taariikh madow ee iska ilaali. Ceebaaluhu wuxuu yeeshaa suurad fool xun minjo dhuuban, calool, madaxweyn iyo fool xumoo dhan haddaba waa kuma Kaasi? Waa qofka diinta ka fog ee aanay dunuubtuu galaa damqin ee ay xalaasha u tahay wixii ilaahay uu xarrimay oo dhami, waxaanaad kaga badbaadi kartaa xajiintiisa adigoo xadhigga ilaahay qabsada oo diinta u hiiliya muwaadin. MAHADSANID. CABDI BACAW GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Iyadoo buuralleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ay ka socdaan howlagallada ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay duqaymo dhanka cirka ka fuliyeen aagag ku yaalla buurahaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in howlgal duqayn ah oo ay iska kaashadeen Maraykanka laga fuliyey buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ee Puntland. War-saxaafadeedka oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqaynta oo dhacday 21 iyo 22 bishan Febraayo lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku sugan buurahaas kuwaas oo dagaal ay ku hayaan ciidamada Puntland. “Qiimeynta hore ee howlgalka ayaa muujinaysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqaymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Soomaaliya waxay intaa ku dartay in iyada oo kaashanaysa howlgalka Maraykanka ee AFRICOM ay sii wadi doonto qiimaynta natiijooyinka howlgalladan oo wali socda. Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku garab-taagan tahay maamulka Puntland dagaalka uu kula jiro Daacish. “Waxaan garab taagannahay ciidanka dowlad-goboleedka Puntland iyo shacabka Puntland ee sida geesinnimada leh ugu bareeray inay khawaarijta ka xoreeyaan deegaannada iyo meelihii ay soo galeena dib ay uga bixiyaan” ayuu yiri. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, mar uu khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ee shalay. Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in saldhiyo ay ku burburiyeen duqaymihii hore isla markaana ay ku dileen dhowr iyo toban xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish. Dhanka kale, war ay soo saartay Puntland ayey ugu mahadcelisay howlgalka Maraykanka ee Afrika duqaynta ay ka fuliyeen Calmiskaad. “Dowladda Puntland waxay bogaadisay duqeymaha joogtada ah ee ciidamada Mareykanka ay ku bartilmaameedsanayaan maleeshiyada Daacish ee ku sugan buuraleyda Calmiskaas ee gobolka Bari ee Puntland, waxayna si gaar ah ugu hambalyeyneysaa AFRICOM duqeymaha cusub ee habeenadii 21-aad iyo 22-ka bishan February ay ka fuliyeen deegaanka Sheebaab, kaasi oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ee Daacish,” ayaa lagu qoraalka Puntland. Sidaas oo kale wasaaradda warfaafinta ee maamulka Puntland ayaa soo saartay digniinno loo jeediyey dadka ku nool deegannadaasi inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah. Maxay duqaymaha cirka u dhimi karaan Daacish? Laga soo bilaabo billowgii bishan Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi. Sida uu qabo taliyihii hore ee Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, duqaymaha ayaa “dhiiri galinaya ciidamada waxayna jabiyaan niyadda cadowga” sida uu sheegay. Jeneral Biixi waxaa uu sheegay in marka ciidamadu dagaal ku jiraan haddii ay is helaan howlgallada dhulka iyo cirku ay dhaliyaan guulo laga gaaro dagaalka. “Duqaymaha iyo diyaaradaha caawinayaa, qayb weyn ka yihiin dagaalka sababtu waxaa weeye marka ugu horreysa waxay beegsanayaan talisyada fog fog ee ay ku dhuumaalaysanayaan, waxaa jira godad waaweyn oo aad u waaweyn oo an hubka intiisa kale wax ka tari karin oo iyagu duminayaan ama burburinayaan, iyagu laftoodu waxay isugu jiraan laba nooc, nooca wax sawira oo marka ugu horreeya wax indha indhaynaysa meelaha cadowgu ku jiro, melaha baraha, meelaha taliska ah iyo meelaha gaadiidku yaallo iyo mida duqaynta labaduba waa mihiim” ayuu BBC-da u sheegay jeneraal Biixi. Jeneral Biixi oo muddo sanooyina hoggaaminayey ciidamada dhulka ee Soomaaliya waayo aragnimmo badanna u leh dagaalka kooxahan ayaa xusay in “duqaymaha cirku ay naafeeyaan kooxaha cadowga ah isku socodkooda, isku gurmadkooda, saadkooda iyo in la beegsado madaxdooda iyo meelaha ay ku jiraan,” Wuxuu intaa ku daray in queyntu ay kala duwan tahay marka ay timaaddo nooca dhulka lagu dagaallamayo. “Dhulka lagu dagaallamayo waa dhul dhagax ah, marka dhulku yahay bacaad ah ama dhul dhagax ah ama buuraley ah haddana waa sii kala fir fircoon tahay duqayntu oo dhulka dhagaxa meesha ay ku dhacdanbaa firikaas oo dhan baa qarax noqonaya marka aad bay muhim u tahay, marka waan ku ammaanayaa ciidamada Punland dagaalka ay ku jiraan kooxda argagixisada caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey Jeneraal Biixi. Jenaraalka, wuxuu sheegay in haddii la sii badiyo duqaymaha la sii gaarayo guulaha dagaalka. Maamulka Puntland ayaa muddo bil iyo dheeraad ka hor ah dagaal ku qaaday kooxda Daacish oo saldhigyo ku lahayd buuraha Calmiskaad, taliska howlgallada ayaa sheegay in horumarro wanaagsan iyo horu dhaqaaq ay sameeyeen ciidamadu muddadii dagaalku socday. Source bbcsomali Qaran News
-
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa fal argagixiso oo Islaamiyiini ay ka dambeeyaan ku tilmaamay weerar toorey loo adeegsaday lagu qaaday askar boolis ah oo ku sugnaa magaalada Mulhouse ee bariga dalkaasi. Weerarkan oo uu fuliyay nin tooreey ku hubaysanaa ayaa sababay dhimashada hal qof iyo tiro kale oo dhaawac ah, wuxuuna Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee La-dagaalanka Argagaxisadu sheegay in ay baarayaan kiiskan. Falkan ayaa loo xiray nin 37 jir ah oo u dhashay dalka Aljeeriya, kaas oo hay’adaha nabad-gelyada iyo garsoorka Faransiisku ay sheegeen inay baarayaan. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Amb. Mike Nithavrianakis, waxaana safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay dhambaal uu kaga waday Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalkaasi Ingiriiska. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalla Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa safiirka warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee wadanka, waxaana ugu dambeyn labada dhinac isku raaceen dardar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada Baarlamaan. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dib ugu fasaxay 15-xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga lixaad. Xildhibaannadan ayaa hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee golaha ka dib dhacdadii golaha ka dhacday 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay,waxa uuna xildhibaanadda kula dardaarmay ilaalinta dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed. Xildhibaanada ayaa kala ah: In dib loogu fasaxay xubnaha hoos ku xusan ka qayb galka fadhiyada Golaha Shacabka ee Kalfadhiga baad laga bilaabo Maalinta Isniinta ah 24ka Febraayo 2025. Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil; Xil. Axmed Maxamuud Jamac; Xil. Cabdulqaadir Maxamud Dagane; Xil. Saadiq Cabdullahi Cabdi; Xil. Axmed Cusmaan Ibraahin Dhaqare; Xil. Cumar Yuusuf Galadiid; Xil. Cali Mahdi Maxamed Qalato; Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed Dhookir, Xil. Cabdirashiid Jire Khalinle Xil. Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug” Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi “Uurdoox” Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif Xil. Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan “Garaadka” Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo ay ku garab istaageyso ciidamadii deegaanka ee kooxda Al-Shabaab kula dagaalamay deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan 25-kii dhalinyaro ee jilibka u dhigay Khawaarijta, kana difaacay inay qabsadaan deegaanka. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro wasiirka caafimaadka, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa qaar kamid ah dhaawacyada dhalinyaradaas ku booqday isbitaalka Xoogga, iyaga oo u kuur galay xaaladdooda caafimaad oo lagu dabiibayo isbitaalka. Wasiirka ayaa ballan-qaaday in dhalinyaradaan loo sameyn doono maamuus gaar ah, isla markaana ay dowladdu ku dari doonto diiwaanka geesiyaasha qaranka. “Waxaan maanta Isbitaalka Xoogga ku booqanay geesiyaashii ku dhaawacmay Ceel Cali Axmed iyagoo la dagaallamaya Khawaarijta, dowladdu waxa ay geesiyaashaan ku daraysaa diiwaanka Qaranka.” ayuu yiri wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. Dhalinyaradan ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, iyaga oo difaac ka galay gudaha masaajidka deegaanka oo ay ka dhex-dagaalamayeen muddo 24 saac, kadib markii ay soo weerareen maleeshiyaadka Khawaarijta oo doonayay inay cagta mariyaan halkaasi. “Waxaa soo aragnay 25-kii dhalinyaro halganka gaarka ah ka galay Ceel Cali Axmed ee masaajiidka difaaca uga jiray 24 saac ee halkaas Khawaarijta jabka ku gaarsiiyay intii ka dhaawacantay ayaan si gaar ah usoo aragnay iyo dhaawacyada guud ahaanba, waxay muujiyeen halyeynimo iyo geesinimo aan horay loo arkin” ayuu mar kale yiri wasiirku. Dagaalkii Ceel Cali Axmed ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu adkaa ee lagu jabiyay argagixisada, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxayna ku waayeen dagaalkaasi horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan. Waxaa sidoo kale laga gubay gaadiidkii ugu badnaa oo lagu soo bandhigay gudaha deegaanka Ceel Cali Axmed, kadib markii laga burburiyay iinta uu socday dagaalka.
-
President Deni met Ambassador Nithavrianakis in Boosaaso yesterday. Boosaaso (PP News Desk) — The outgoing British Ambassador to Somalia, Michael Nithavrianakis, met with the President of Puntland State of Somalia in Boosaaso yesterday. “The meeting was attended by members of the Puntland Council of Ministers. Counterterrorism operations against ISIS, and development projects in Puntland funded by Britain were discussed in the meeting” reads a press statement from the Puntland presidency. President Deni thanked Britain for its strong stance on the territorial integrity of the Federal Republic of Somalia. “The UK stands with Somalia against terrorism. It was very good seeing Puntland President @HESaidADeni in Bossaso today. The UK will be supporting #OpHilac against Daesh with medical supplies, among other things” tweeted Ambassador Nithavrianakis. Puntland Defence Forces continue counterterrorism operations in the Calmiskaad mountain range, where ISIS terrorists were plotting to establish a haven for transnational terrorism. © Puntland Post, 2025 The post UK to Support Puntland’s Operation Hillaac Against Daesh appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada difaaca dowladda Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan qaaday ayaa guud ahaan gacanta ku dhigay saldhigii halista badnaa ee Curaar oo kamid ah difaacyadii ugu adkaa ee Argagixisada ISIS. Warar hordhac ah oo ka soo baxaya hawlgalkii saaka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland gebi ahaanba la wareegeen saldhigii Curaar oo kamid ahaa goobaha dhaca togga Jeceel ee ay difaacyada adag ku lahayd Argagixisada go’doonsan ee Daacish. Ciidamada oo weli baaris amni ku wada saldhiga Curaar ee saaran degaanka Gaatir-oodan ayaa halkaasi ka helay mootooyin iyo gaadiid burbursan oo la rumaysan yahay in ay naafaysay duqeyntii dhawaanahan ku socotay dagaallamayaasha kooxda ISIS. Qabashada saldhiga Curaar ayaa muujinaysa in mileeshiyaadka Daacish uu gacantooda ka baxay mid kamid ah saddexdii dhufays ee ugu adkaa goobaha ku harsan gacantooda islamarkaana haddii laga saaro Gaatir-oodan iyo Sheebaab wixii ka danbeeya noqonayo sifayn guud. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo saaka Argagixisada Daacish ka saaray difaacii ugu adkaa ee Curaar appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa digniin loogu diray shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi, taas oo la xiriirta firxadka kooxda Daacisha ee lagula dagaalamayo gobolka Bari. Puntland ayaa shaaca ka qaaday in shacabka looga baahan yahay in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah, si looga hortego firxadka maleeshiyaadka argagixisada ah oo ay tilmaamtay in lagu soo jebiyay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad ee Bari. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnaha kooxda ay isku dayi karaan inay dhuumaaleysi kusoo galaan magaalooyinka waa wayn, sidaa darteedna shacabka laga rabo inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga Puntland. “Sidaan ognahay Ciidamada Difaaca Puntland waxay guulo waaweyn ka gaareen hawlgalka ciribtirka argagixisada, taasoo keentay in kooxihii Argagixisada ahaa ay kala firxadaan. argagixisadu waxay isku dayi doonaan inay ku dhuuntaan magaalooyinka, deegaannada miyiga ah, iyo laamiga dheer ee isku xira Puntland.” ayaa lagu yiri bayaanka. Ujeedka ayaa ah in laga hortego in dhibaatooyin horleh ay gaysato argagixisada ama inay bad-baadaan xubnaha kasoo cararaya dagaallada ka socda furimaha hore. “Shacabka Puntland waxaa looga baahan-yahay sidii caadada u ahayd oo lagu yaqaanay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si aysan firxadka argagixisadu fursad ugu helin inay naftooda badbaadsadaan ama isku dayaan inay dhibaatooyin hor leh ka abuuraan gudaha Puntland.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa mas’uuliyad guud in la ogaado cid kasta oo dhaq-dhaqaaq shaki leh in si degdeg ah loogu wargeliyo laamaha ammaanka. Dowladda Puntland iyo ciidamada difaacu waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka Puntland oo garab taagnaa hawlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Argagixisada. Ha la feejignaado.” Puntland ayaa weli sii wadda howlgalkeeda, waxayna ciidamadu kusii siqayaan godad waa wayn oo ay kooxda kuu dhuumaaleysaneyo kuna yaalla aagga buuraha Calmiskaad.
-
Johannesburg (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan dalka Koonfur Galbeed ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan ee dalkaasi, isaga oo sidoo kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka Soomaliya. Rooble oo aan looga baran hadallada kul kulul ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa. “Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo, waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in xilligan aan dalka lagu xukumi karin kursiga oo la’isku dhajiyo, loona baahan yahay in la la ilaaliyo shuruucda heshiiska lagu yahay. “Dalkan laguma xukumi karo waxaan aniga ayay igu fiican yihiin ee adiga kuuguma fiicno ee waxaa lagu xukumi karaa shuruuc iyo wax heshiis lagu wada yahay” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aniga ka Rooble ahaan waxaan u istaagi doonaa in aan usha dhexda qabto oo aan ka shaqeeyo sida aan isugu keeni lahaa siyaasiyiinta kala fikirka duwan”. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn ka hadlay arrintii qabsatay markii uu u safrayay dalka Koonfur Afrika, kadib markii loo diiday warqaddii habraaca ee uu ku dalban lahaa Visaha dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in qaar kamid ah saaxibadiisa ay saameysay arrintaasi, balse ay la xisaabtan sameyn doonaan marka uu soo laabto. “Nin ciid kugu rogay calooshiisu ku tusay, markaan dalka imaado ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor-istaagay.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
-
Dowladda Puntland oo xalay soo saartay digniin amni ayaa dhammaan dadweynaha ugu baaqday in ay taxaddar dheeri ah ka muujiyaan dhaq dhaqaaqa firxadka Argagixisada ee magaalooyinka u soo cararaya kaddib markii lagu jebiyay dagaalkii buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari. Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo digniintani amni soo saartay ayaa tiri “Sidaan ognahay Ciidamada Difaaca Puntland waxay guulo waaweyn ka gaareen hawlgalka ciribtirka argagixisada, taasoo keentay in kooxihii Argagixisada ahaa ay kala firxadaan. argagixisadu waxay isku dayi doonaan inay ku dhuuntaan magaalooyinka, deegaannada miyiga ah, iyo laamiga dheer ee isku xira Puntland.” “Shacabka Puntland waxaa looga baahan-yahay Sidii caddada u ahayd oo Lagu yaqaanay inay Muujiyaan feejignaan dheeri ah, si aysan firxadka argagixisadu fursad ugu helin inay naftooda badbaadsadaan ama isku dayaan inay dhibaatooyin hor leh ka abuuraan gudaha Puntland.” “Waa mas’uuliyad guud in la ogaado cid kasta oo dhaq-dhaqaaq shaki leh in si degdeg ah loogu wargeliyo laamaha ammaanka. Dowladda Puntland iyo Ciidamada Difaacu waxay mar kale u mahadcelinayaan shacabka Puntland oo garab taagnaa hawlgalka lagu ciribtirayo kooxahaas Argagixisada ah. Ha la feejignaado.” PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo digniin amni ka soo saartay dhaq dhaqaaqa firxadka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Dalalka Khaliijka Carabta ayaa ku tartamaya qabashada dekadaha Soomaaliya iyo la wareegidda dhammaan marinada istiraatiijiga ah ee dalka. Dowladda isku tagga Imaaraadka ayaa horay ula wareegtay dekedaha Barbera iyo Boosaaso, haddana waxay dadaal xooggan ugu jirtaa qabashada dekedda magaalada Kismaayo, ayadoo xoojinaysa xariirka ay la leedahay maamulka Jubbaland. Sidoo kale Imaaraadku waxay gacanta ku dhigay in badan marinnada iyo marsooyinka ku teedsan gacanka cadmeed, dhinaca Soomaaliya iyo dhanka dalka Yemenba, halkaas oo uu ku diyaarinayo ciidamo ka amar qaata oo uu tababarkooda iyo taakulayntooda gacanta ku hayo. Dhanka kale dowladda Kuwait iyo Cumaan ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay qaaday tillaabooyin ku aaddan sidii ay ula wareegi lahaayeen dekadda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo midda Hobyo ee gobolka Mudug. Dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa todobaadkii tagey shirkadda Arab Holding group oo laga leeyahay dalka Kuwait u saxiixday heshiis ay muddo 25 sano ah ku maamulayso dekedda Baraawe, kaas oo lagu sheegay in looga golleeyahay dhismaha dekedda iyo mashaariic ku lammaan oo deegaanadaas laga fulinayo. Sidoo kale waxaa dhowaan magaalada Muqdisho soo gaaray wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka, Dekedaha iyo Tiknoolijiyadda Saldanadda Cumaan, waxayna wefdigaasi dowladda Soomaaliya kala hadleen dhismaha dekedda Hobyo iyo maalgashiga aaggaas. Tartanka dowladaha Khaliijka Carabta ayaa sidoo kale xambaarsan gallaangal siyaasadeed oo ay ku xoojinayaan xariirka ay la leeyihiin dowlad goboleedyada dalka, kaas oo horseedi kara hardanno culus oo ka dhaca gudaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muwaadiniinta Eritrea ee ku sugan gudaha iyo dibadda ayaa BBC-da u xaqiijiyay in dowladda Eritrea ay qasab uga dhigtay in looga baahnaa xubnihii hore ee militariga inay dib ugu laabtaan cutubyadooda si ay dib ugu tababartaan, kuwa kalena ay uga baxaan dalka. Sida ku cad awaamiirtan, muwaadiniinta da’doodu ka yar tahay 60-ka sano ee ka tirsanaan jiray ciidamada dalkaas waxaa laga rabaa inay is-diiwaangeliyaan oo ay tababar qaataan, sidoo kale dadka da’doodu ka yar tahay 50-ka sano waxaa laga mamnuucayaa inay dalka ka baxaan iyaga oo aan oggolaansho ku habboon ka helin hay’adaha dawladda ee ay qusayso. Dadka ku nool magaalada Asmara oo la hadlay BBC-da Laanta Tigrinya ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay dowladda Eritrea aan si rasmi ah loo shaacin. Sida ay sheegeen dadka deegaanka ayaa dhaqan galka amarkan ka warhelay markii ay tageen deegaanada ay dalka ka baxi rabeen ama tageen goobihii ay ka heli jireen adeegyada kala duwan ee dowladda. Haweeney u dhalatay dalka Eritrea oo ku nool Yurub oo aan magaceeda qarisay sababo ammaankeeda iyo tan qoyskeeda darteed, ayaa BBC-da Laanta Tigrinya u sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay ka codsadeen fiisaha bixitaanka si ay ugu safraan dalka ay ku nooshahay, balse aabbaheed oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Eritrea loo diiday fiisaha balse hooyadeed ogolanshiyo la siiyay. Amarka ka soo baxay dowladda Eritrea oo la soo marsiinayo dowladaha hoose, ma saameynayo ragga oo keliya, balse sidoo kale wuxuu saameeyaa haweenka, taasoo cabsi ku beertay dadka deegaanka, sida ay BBC-da u sheegeen qaar ak mid ah dadka dalkaasi. Dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Asmara, ayaa BBC-da u sheegay in shirar ay isugu yeereen lagu soo bandhigayo xogta “xaaladaha hadda ka jira” kuwaas oo tilmaamaya in “haweenka sidoo kale” loo qaadi karo tababar ciidan. Qasab ku qoridda ciidamadan ayaa xitaa dumarka la qabo ee carruurtooda leh lagu amray in ay dib ugu laabtaan qeybahooda ciidanka, waxaana la sheegay in xubnaha ka baxsaday Eritrea oo si dhuumaaleysi ah ku joogay sidoo kale lagu amray inay dib ugu laabtaan cutubyadooda iyadoo aan la ciqaabin. Ilo-wareedyo ku sugan dalka Eritrea ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in la sii daayey xubno ka tirsan ciidammada oo sababo iyo dembiyo kala duwan ugu jiray xabsiga, marka laga reebo kuwa dambiyada waaweyn galay, kuwaas oo dib loogu celinayo qaybahooda ciidan ee looga yeeray. Baaqan ku saabsan tababarka oo ay dawladda Eritrea u dirtay maamullada gobollada, isla markaana laga fulinayo deegaannada, ayaa lagu amrayaa xubnaha ciidamada inay dib ugu laabtaan cutubyadooda, iyadoo sidoo kale lagu amrayo in muwaadiniinta kale ee ku hawlan hawlaha kala duwan ee dalkaas si dhaw loola socdo marka ay dalka ka dhoofayaan. Markii hore dadka Eriteriyaanka ah ayaa looga baahnaa in ay buuxiyaan shuruudo iyo in ay helaan ogolaanshaha dowladda si ay uga baxaan dalka, laakiin hadda, dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in arrimuhu ay noqdeen kuwo aad u adag. Shaqaalaha dowladda ee da’doodu ka yar tahay 70-sano iyo sidoo kale xubnihii hore ee shaqada laga eryay ee da’doodu ka yar tahay 60-ka sano, ayaa marka ay doonayaan in ay dalka ka baxaan waxaa laga rabaa in ay warqad ogolaanshiyo ah ka helaan Xafiiska Ciidanka Xoogga dalka. Sida ku cad awaamiirta cusub ee la soo saaray, haweenka da’doodu ka yar tahay 50 sano, iyo sidoo kale kuwa aan waligood dhalin da’ kasta, waxaa mamnuuc ah inay dalka ka baxaan. Adeegga milatariga waa ku waajib dalkaEritrea Xigashada Sawirka,Getty Images Dumar badan oo ku nool dalka Eritrea ayaa ganacsiyo yar yar ka sameeya badeecadaha ay ka soo dhoofiyaan dalalka Itoobiya, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta oo ay u iibgeeyaan gudaha dalka. Mamnuucidda cusub ee ay dowladu ku soo rogtay dumarka ayaa khatar ku abuuray haweenka ganacsiyada yar yar sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka. Dhaqangelinta awaamiirtan ka dib, haweenka sida joogtada ah ugu safra dalal kala duwan oo arrimo ganacsi ah ayaa loo sheegay inaysan dalka ka bixi karin marka ay goostaan tigidh diyaaradeed. Dowladda Eritrea ayaa dib u soo cusboonaysiisay baaqyo ku aaddan in askartii hore ee milateriga ahayd ay dib ugu soo laabtaan ciidamada, waxayna amarro adag ku soo rogtay dadka kale ee ka baxaya dalkeeda, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu sii xumaanayo xiriirka kala dhexeeya Itoobiya. Toddobaadkan, madaxweynihii hore ee Itoobiya Dr. Mulatu Teshome, ayaa qoraal fikir ah oo uu ku taabacay Aljazeera, ku eedeeyay Eritrea inay billowday dagaal kale oo gobolka ah. Isagoo ka jawaabaya maqaalkii madaxweynihii hore, wasiirka warfaafinta Eritrea, Ato Yamen Gebre Meskel, ayaa beeniyay eedeymaha, taa beddelkeedana wuxuu ku eedeeyay Itoobiya dhibaatooyinka gobolka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo culus. Dowladda dhexe ayaa sheegtay in duqeymaha ay la socotay, isla markaana la fuliyay fiidkii 21-kii Febraayo iyo shalay 22-kii Febraayo 2025-ka iyada oo tilmaamtay in lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weeraradan lagu dilay ugu yaraan 3 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sidoo kalena aanu jirin khasaare soo gaaray rayidka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda dhexe. Hoos ka khriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:- Muqdisho, 23-ka Febraayo 2025: Hawlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday firxadka maleeshiyaadka Daacish ( ISIS) ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Hawlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya waxa ay dhaceen fiidkii 21 Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay hawlgalka geesiyaasha Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Khawaarijta Daacish. Qiimeynta hore ee hawlgalka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM waxa ay sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka hawlgalkaasi, oo wali socda, wixii ka soo kordhana waxaan la socodsiin doonaa dadweynaha.
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa is-afgarad rasmi ah ku gaaray in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM. Heshiiskan muhiimka ah ayaa yimid kaddib booqasho sare ay shalay magaalada Muqdisho ku yimaadeen Taliyaha Militariga Itoobiya, Sareeye Gaas Birhanu Jula, iyo Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya. Mas’uuliyiintaas ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Sanbalooshe. Kulankan ayaa lagu xoojiyey dadaallada amni ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo dardargelinayo heshiisyadii hore ee iskaashiga ciidan iyo amniga guud ee gobolka. “Labada dowladood waxay si buuxda u garwaaqsadeen in albaabka Soomaaliya uu yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyada oo si adag loo dhowrayo madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulankii ay yeesheen. Booqashada ay saraakiisha sare ee Itoobiya ku tageen Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxda DFS ay doonayaan in dib-u-habeyn lagu sameeyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobollada xuduudka la leh dalkaasi, kaddib xiisado siyaasadeed oo jiray. Source: goobjoog.com
-
Hawlgallo duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha kooxda Daacish ee Buuralayda Caal-miskeed ee gobolka Bari, sida lagu sheegay war qoraal oo ay soo saartay Dowladda Soomaaliya. Hawlgalladan duqeymaha ah oo ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa dhacay 21-kii, iyo 22-kii bishan Febraayo, waxaana lagu taageerayay hawlgalka Ciidanka Daraawiishta Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish sida lagu sheegay warka ay soo saartay DFS. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalladaas lagu diley saddex xubnood oo ka tirsan Daacish, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Dr. Sebastian Gorka, oo ah ku-xigeenka la-taliyaha madaxweynaha iyo agaasimaha sare ee la-dagaallanka argagixisada ee Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Biden uu muddo ku dhow laba sano la socday dhaqdhaqaaqa hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Soomaaliya, balse aysan qaadin wax tallaabo ah. Gorka, oo la hadlay warbaahinta Breitbart News Khamiistii, wuxuu sheegay in inkasta oo hoggaamiyahaasi la daba socday muddo dheer, aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaaday. “Maamulka Biden wuxuu muddo ku dhow laba sano la socday hoggaamiye Daacish ah oo Soomaaliya joogay, balse wax tallaabo ah lama qaadin si loo beegsado,” ayuu yiri Gorka mar uu la hadlayay Alex Marlow, tifaftiraha guud ee Breitbart News, intii lagu jiray barnaamijka The Alex Marlow Show ee ka baxa Salem Podcast Network. Dhanka kale, dhowr toddobaad gudahood markii uu xafiiska la wareegay, madaxweyne Donald Trump wuxuu ansixiyay duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii Daacish iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsanaa ururkaas. Sida laga soo xigtay taliska AFRICOM ee Mareykanka, hoggaamiyahan Daacish ee la dilay, Axmed Maeleninine, wuxuu ahaa xubin muhiim ah oo ISIS u qaabilsanaa qorista dagaalyahanno, maalgelinta ururka, iyo abaabulka weerarro dibadda ah, oo ay ku jiraan kuwa lala damacsanaa gudaha Mareykanka iyo Yurub. Faahfaahinta hawlgalkii duqeynta Wareysiga uu bixiyay, Gorka wuxuu kaga hadlay faahfaahin cusub oo sir ah oo ku saabsan sida hawlgalku u dhacay. “Waxaan galay xafiiska Oval Office anigoo la socda la-taliyaha amniga qaranka, Mike Waltz, waxaana sidnay dukumeenti hawlgaleed oo uu madaxweynuhu u saxiixi lahaa isagoo isticmaalaya qalinkiisa caanka ah ee Sharpie. Markii uu kor u eegay ayuu yiri, ‘Maxaad uga jeeddaa maamulka Biden wuxuu muddo laba sano ah la socday hoggaamiye ISIS ah oo Soomaaliya jooga, haddana wax tallaabo ah lama qaadin si loo dilo?’” Wuxuu intaa ku daray in madaxweyne Trump isla markiiba bixiyay amarkii weerarka. “Wuxuu naga sugay jawaab, markaasna wuxuu bixiyay amarkii hawlgalka. Markii la gaaray wax ka yar 30 saacadood kadib, waxaan ku sugnaa qolka Situation Room ee hoos yimaada West Wing,” ayuu yiri Gorka. Hawlgalku wuxuu dhacay maalin Sabti ah, 1-da Febraayo 2025, saacadda bariga Mareykanka marka ay ahayd 9:48 subaxnimo. Gorka iyo kooxdiisa ayaa sugayay imaanshaha Mike Waltz. “Bambaanooyinku waxay diyaar u ahaayeen in la rido 9:50 subaxnimo. Waxaan is weydiinaynay, ‘Halkee buu ku maqan yahay Mike? Halkee buu la-taliyaha amniga qaranka ku maqan yahay?’ 90 ilbiriqsi ka hor intaan la billaabin duqeynta, ayuu soo galay isagoo ka yimid kulan kale, markaas ayuu fariistay.” Markii uu weerarku bilaabmay, shaashadaha waaweyn ee Situation Room ayaa soo bandhigay muuqaal toos ah oo laga helay goobta la beegsaday. “Waxaan dareemnay sidii inaan daawanaynay Filimka 24, balse tani filim ma ahayn. Mar qura waxaan aragnay qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya godad dhagax weyn ku dhex yaal—laakiin tani ma ahayn wax la farsameeyay,” ayuu yiri Gorka. Gorka wuxuu sheegay in muuqaalkii duqeynta si degdeg ah loo shaaciyay muddo afar saacadood gudahood ah, waxaana la gaarsiiyay madaxweyne Trump oo ku sugnaa Mar-a-Lago. “Madaxweyne Trump ayaa isla markiiba soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna qoray fariin aad loo faafiyay oo ay ku qornaayeen erayadan waaweyn: ‘Haddii aad rabtaan inaad Mareykanka weerartaan, waanu idin heli doonaa, waana idin dili doonaa.’” Gorka ayaa xusay in dhacdooyinka noocan oo kale ah ay qeyb ka yihiin shaqadiisa maalinlaha ah. “Maalin caadi iima aha, balse tani waa waxa aan la kulmo maalin kasta,” ayuu yiri. “Mararka qaar waxaan is weydiiyaa, ‘Tani run miyaa mise waa riyo?’”