Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Liverpool moved 11 points top of the Premier League on Sunday after a 2-0 win away to Manchester City. Source: Hiiraan Online
  2. Tripoli (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli, caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Inta uu ku sugan yahay Tripoli, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeelan doona Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda gobolka, danaha wadajirka ah, iyo iskaashiga labada dal. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibta, iyo dhammaystirka dadaallada lagu soo celinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Liibiya. Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya Xiriirka Soomaaliya iyo Liibiya wuxuu soo bilowday xilligii uu hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddafi, kaasoo taageero mug leh siiyey Soomaaliya, gaar ahaan xilligii burburka kadib. Liibiya waxay qeyb ka ahayd wadamada Carabta ee garab istaagay Soomaaliya xilliyadii adkaa, iyada oo bixisay deeqo waxbarasho, tababar ciidan, iyo taageero diblomaasiyadeed. Sannadihii u dambeeyey, xiriirka labada dal ayaa hakad galay sababo la xiriira qalalaasaha ka jiray gudaha Liibiya. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jirta dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo dooneysa in iskaashi ballaaran laga yeesho arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo xal u helidda dhibaatooyinka tahriibta. Soomaaliya ayaa si gaar ah u daneynaysa sidii loo fududeyn lahaa dib u soo celinta boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xiran xabsiyada Liibiya, kuwaas oo la kulmaya xaalado adag. Sidoo kale, labada dal ayaa ka wada shaqeynaya sidii looga hortagi lahaa shabakadaha tahriibka ee dhalinyarada ku qasbaya safarro halis ah oo ay badaha ugu dhintaan.
  3. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadayso tillaabooyin ka dhan ah fara-gelinta uu isku tagga Imaaraadka carabtu ku hayo arrimaha gudaha dalka, ayadoo sheegtay inaysan oggolayn hab-dhaqankiisa xadgudubka ku ah madax-bannaanida Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin oo wareysi siiyay laanta Af-soomaaliga ee VOA-da ayaa mar wax laga weydiiyay xariirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa uu sheegay in labada dal hadda aysan dhibaato ka dhexayn, balse xukuumadda uu ka tirsanyahay ay qaadayso tillaabooyin ka dhan ah fara-gelinta ay Abu Dubai ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya. Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii la soo dhaafay xoojiyay galaan-galkiisa arrimaha gudaha Soomaaliya, ayagoo xariirro adag la samaystay dowlad goboleedyada qaarkood, islamarkaana heshiis aanay DFS waxba ka ogeyn ku qabsaday Dekedaha Barbera iyo Boosaaso. Source: goobjoog.com
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali. Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdiga Saldanadda ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta ganacsiga, maalgashiga iyo Teknolojiyadda. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la wadaagay wafdiga horumarrada ay gaartay Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan dalka, kuwaas oo faa’iido u leh labada dhinac. Dhankiisa, Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Saldanadda Cummaan Eng. Saciid Bin Xaamud Bin Saciid Almacawali, ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna boggaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso inay marti-geliso wadahadallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya colaadda ka jirta dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dagaalamayaan dowladda dhexe iyo kooxo falaago ah oo dowladda kasoo horjeeda. Wasiir Fiqi, oo isagoo ku sugan Mareykanka, ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay u diyaar garowday marti-gelinta heshiisiinta reer Suudaan, maadaama Suudaan ay abaal weyn horay ugu gashay Soomaaliya. “Soomaaliya waxay soo martay colaado sokeeye, khibradda iyo waayo-aragnimada aan heysano waxay na bareysaa in meeshii hoose ee aan gaarnay in Suudaan aysan ku habbooneyn in loo horseedo, masuuliyad ayaa naga saaran badbaadinta Suudaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya aysan indhaha ka fiirsan doonin Suudaan oo burbureysa, oo ku socota jidka wada-sinaashaha, dowlad iyo jabhado dagaalamaya iyo burburka oo sii baahaya. “Suudaan waxay na garab taagneyd 30-kii sano ee Soomaaliya ay xaaladda burburka iyo soo kabashada ku jirtay. Waligeed safaaradda Suudaan lama xirin, mar bay noqotay safaaradda kaliya ee ka furan magaalada Muqdisho, iyadoo caalamka dhan uu isaga tegay dalkeenna. 70 kun oo arday Soomaaliyeed ah oo maanta ka mid ah masuuliyiinta xilalka noo haya ayey Suudaan waxbarasho noo siisay. Tababarka ciidankii dalka ee Shabaab Muqdisho ka saaray, xilligii Sheekh Shariif, waxaa noo dhistay Suudaan,” ayuu yiri Fiqi oo si kooban u cabbiray garab istaaggii Suudaan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda sidaas u soo garab istaagtay Soomaaliya aysan dayici doonin. “Mowqifka Soomaaliya waa in la adkeeyo dowladnimada Suudaan, wixii khilaaf ah oo jira waxaan dooneynaa in wadahadal lagu xaliyo. Gogosha wadahadalka, ilaa laga heshiiyo, Soomaaliya waxay dhigeysaa Muqdisho,” ayuu yiri. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa wareysigaan ku caddeeyey in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin in dowlad kale ay huriso colaadda ka jirta dalka Suudaan. “Waxaan ka soo horjeednaa cid kasta oo faragelineysa arrimaha gudaha ee dadka Suudaan, weliba faragelin taban,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi. Hadalkaan Wasiir Fiqi waxaa ka horreeyey war-saxaafadeed ay Soomaaliya kasoo saartay marti-gelinta wadahadallada colaadda Suudaan, xilligaas oo Kenya ay iyana sheegtay inay marti-gelin doonto dhexdhexaadinta reer Suudaan. Waxaa jira loolan ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku kala hormaraya dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya colaadda Suudaan, balse guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, oo Jabuuti kasoo jeeda, ayaa taageeray doorka Soomaaliya, isagoo Kenya ku eedeeyey inay taageerto falaagada dagaalka kula jirta dowladda Suudaan, sidaas darteedna aysan dhexdhexaadiye noqon karin.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaas oo uu ku tagay booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli, ku soo dhaweeyey madaxda sare ee dowladda Liibiya, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalkan sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal. Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la daggaallanka tahriibta iyo dhammaystirka soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahayaan xabsiyada dalkaas. Source: goobjoog.com
  7. ANCHORAGE, Alaska (HOL) — The U.S. government has spent thousands of dollars in a determined effort to deport a Somali asylum seeker from Alaska despite Somalia being on the list of countries deemed too dangerous for forced removals. Source: Hiiraan Online
  8. Kismayo (HOL) — The Somali Football Federation (SFF) has inaugurated its second youth development centre in Kismayo, furthering its mission to establish a structured grassroots football system nationwide. The new facility, which follows the recent launch of a similar centre in Baidoa, is part of the federation’s nationwide plan to identify and nurture young talent. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeisa (HOL) — A military court in Somaliland has sentenced a rickshaw driver to death for the killing of a security officer in Gabiley. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somalia's Speaker of Parliament, Sheikh Aden Mohamed Nur (Madoobe), has reinstated 15 lawmakers who had been barred from attending parliamentary sessions for nearly three months. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (AFP) – Somalia has criticized the United Arab Emirates (UAE) over its recent diplomatic engagements with Somaliland, warning that such actions could undermine Somalia’s territorial integrity. The criticism follows Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro’s visit to the UAE, where he was received with diplomatic honors typically reserved for heads of state. The Somali government views this as part of a broader pattern of foreign interference in its internal affairs, and officials have signaled plans to curb such engagements. Somaliland’s UAE visit sparks controversy President Irro’s recent trip to the UAE marked his first official foreign visit since assuming office. During his stay, he met with senior Emirati officials and attended the World Government Summit in Dubai from February 11 to 13, 2025. The discussions reportedly focused on economic partnerships in key sectors, including trade, infrastructure, and investment. The visit was particularly notable for the level of diplomatic recognition Irro received, including access to high-level meetings and the provision of a private jet for his travel. Somali officials have interpreted these gestures as a potential signal of Emirati support for Somaliland’s long-standing quest for international recognition. While the UAE has not formally recognized Somaliland as an independent state, its engagements with the region have drawn criticism from Mogadishu, which insists that all foreign dealings with Somali territories should go through the federal government. Somali government’s response Somalia’s Minister of Foreign Affairs, Ahmed Macallin Fiqi, responded to the visit, emphasizing that Somaliland remains an integral part of Somalia. “We have seen the UAE’s engagement with Somaliland officials. While we value our relationship with the UAE, actions that contradict Somalia’s sovereignty are concerning,” Fiqi said in a recent interview. He also pointed to a broader issue of Somali federal member states conducting foreign relations independently of Mogadishu. He referenced the recent visit of Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam (Madobe) to Kenya, which took place without federal approval. “These unsanctioned foreign engagements by regional leaders necessitate a comprehensive policy to regulate international relations and prevent potential threats to our national unity,” Fiqi added. Somaliland’s quest for recognition Somaliland, a self-declared independent region in northern Somalia, has operated as a de facto state since declaring secession in 1991. Unlike the rest of Somalia, it has maintained a stable government, held regular elections, and established its own security forces. However, no country, including the UAE, has officially recognized its independence. Despite its lack of recognition, Somaliland has pursued foreign partnerships, particularly with Gulf states. The UAE has played a significant role in Somaliland’s economic development, investing in infrastructure projects and maintaining strategic security interests in the region. In 2017, Somaliland’s parliament approved a deal allowing the UAE to establish a military base in the port city of Berbera. The agreement, which also included the redevelopment of Berbera’s airport, deepened the economic and security ties between the two sides. The move was opposed by the Somali government, which saw it as a challenge to its sovereignty. Strains in Somalia-UAE relations Relations between Somalia and the UAE have been complex, alternating between cooperation and tension. While the UAE has provided humanitarian and financial aid to Somalia, its direct dealings with Somali regional states—bypassing Mogadishu—have been a recurring contention. In recent years, the Somali government has accused the UAE of meddling in its internal affairs, including supporting political opposition groups and fostering closer ties with federal member states. Mogadishu has emphasized the need for a unified foreign policy approach, stating that international engagements involving Somali territories should be coordinated through the federal government. “Somalia is committed to maintaining positive diplomatic relations, but foreign engagements must align with the country’s sovereignty and constitutional framework,” Fiqi said. The Somali government has signaled its intention to introduce new policies regulating how federal member states engage with foreign governments. The aim is to prevent unilateral agreements that could affect national unity or be seen as tacit recognition of Somaliland’s independence.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay inay jiraan talaabooyin ay qorsheynayso Soomaaliya. Fiqi oo wareysigaan siiyey VOA ayaa ugu horeyn la weydiiyey sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u aragto safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ku tegay dalka Imaaraadka, iyadoo la siiyey maamuuska dal madax-banaan. Fiqi oo ka jawaabay su’aashaas ayaa yiri “Horta Somaliland waxay ka mid tahay Jamhuuriyadda Soomaaliya, waan arkeynay waxa Imaaraadku sameeyey, hadana wax kasta waxaa sabab u ah heerka aan joogno, balse waxaa socda qorsheyaal aan dejineyno.” Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, ayaa intaas ku sii daray, “waad arkeyseen in Axmed Madoobe uu Kenya tegay, iyadoo dowladda Soomaaliya aysan raali ka aheyn, marka qorshe guud ayaan ka yeela doonaa.” Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dowlad goboleedyada kale ay tagaan Imaaraadka, balse dowladda federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku xakameyneyso fadqalalahaas. “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa fiican yahay oo ma xuma, laakiin waxyaalaha qaar oo dowladda Soomaaliya ay talaabooyin ka qaadi doonto ayaa jira, waxaan ka dhabey doonaa in dalka Soomaaliya aanaan faro-gelin u ogoleyn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaaliya, ayaa cadeeyey in sida Imaaraadka ay jiraan dowlado kale oo si aan habooneyn u faro-geliya arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo lagu xakamey doono qorshaha ay diyaarineyso dowladda federaalka Soomaaliya. Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa midooyinkii dambe sii kala fogaanayey sababo la xiriira faro-gelinta qaawan ee Imaaraadka Carabta uga imaaneysa dalkaan soo kabanaya, waxaana suurtagal ah in mar kale uu go’o xiriirka labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa muujineysa dulqaad, maadaama Xasan Sheekh doonayo in wadan kale uusan colaadin, sidoo Kalena Imaaraadku uu meelaha qaar dhaqaale uga taageero Soomaaliya, taasi oo sababtay dulqaadka badan ee dowladda Soomaaliya ay u muujineyso sii socoshada xiriirka labada dal.
  13. Somaliland: A Role Model for All Somaliland is a shining light in the Horn of Africa—a nation that has built peace, democracy, and progress from the ground up. Despite lacking international recognition, it has established a stable government, free elections, and a society built on trust and self-reliance. The world can learn from Somaliland: how to secure peace, respect the voice of the people, and achieve development through unity and determination. A nation standing strong, its people united, and its future bright—Somaliland is an undeniable example to follow. Qaran News
  14. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto hakinta uu Maraykanku ku sameeyay taageerada milatari iyo gargaarka uu siin jiray Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso kaalinta uu Maraykanku banneynayo. “Arrintaas culeys dhaqaale ayey nagu tahay, waa la ogyahay dhaqaalaha dowladda Soomaaliya waa xaddidan yahay. Sanadkii hore qorshaha miisaaniyadeed ee Soomaaliya waa la dejiyay, balse laguma tashan in kaalmada Maraykanka ay meesha ka bixi doonto,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in safarka uu Maraykanka ku tegay uu yahay mid Maraykanka looga codsanayo in Soomaaliya laga reebo dalalka laga hakiyay taageerada. “Dowladda Soomaaliya waxay diyaarsatay qorshayaal lagu buuxinayo hakadka soo kordhay. Bilaha hore culeys wuu keeni doonaa, laakiin haddii aan isku tashi muujino, waan ka guul gaari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Fiqi. Dhanka gargaarka, Wasiirka ayaa sheegay in hay’adda Maraykanka ee bixisa gargaarka bini’aadannimada, USAID, ay si weyn u kaalmeyn jirtay Soomaaliya oo soo martay abaaro iyo marxalado kala duwan oo aad u dhib badnaa. “Runtii, Soomaalidu waxay geli lahayd xaalado khatar ah haddii hay’addaasi aysan kaalmeyn,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray: “Abaarihii Soomaaliya ku dhuftay 2022 macaluul ayey isku beddeli lahaayeen haddii kaalmada hay’adda USAID aysan jiri lahayn.” Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan ay xaaladda Soomaaliya xun tahay, iyadoo hay’adda SoDMA ay ka digeyso roob-yari. “Marka, weli dowladda Soomaaliya waxay rabtaa inay xiriir wanaagsan la sameyso dowladda Maraykanka, si haddii dowlado si gaar ah xaaladooda loo tixgelinayo ay jiraan, Soomaaliya lagu soo daro – ilaa inta ay cagaheeda ugu istaagayso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Fiqi.
  15. 1. Kadib wada-hadal laba geesood ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, Mudane Dr. Abiy Axmed, kaas oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya, 14-16 Febraayo 2025, waxaa la isku afgartay in wadahadal farsamo lagu qabto Muqdisho, Soomaaliya. 2. Iyadoo la raacayo hagida labada hoggaamiye ee labada dal, wafdi uu hoggaaminayo Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 22-ka Febraayo 2025. Taliyaha waxaa wehelinayay Madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), Redwan Hussein, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya. 3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa kusoo dhaweeyay Field Marshal Birhanu Jula iyo Redwan Hussein Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay iskaashiga adag ee ka dhexeeya labada dal. 4. Taliyeyaasha ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Waxay si gaar ah u xuseen dadaallada ay sameeyeen dalalka ciidamada iyo booliska ku biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM/ATMIS) iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, kuwaasoo nafahooda u huray tan iyo 2007 si loo xasiliyo dalka loona dagaallamo kooxda Al-Shabaab. 5. Taliyeyaasha ayaa soo dhaweeyay bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in laga sii amba-qaado guulihii hore ee ATMIS. Waxay carrabka ku adkeeyeen doorka Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ee hawlgallada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo qaabeynta ciidamada ENDF ee ku howlgali doona AUSSOM. 6. Taliyeyaasha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo taageero dadaallada haatan socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada. 7. Labada dhinac waxay isla garteen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqoto albaabka kaliya ee xiriirka rasmiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada dhuleed, iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. 8. Taliyeyaasha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageerto dhismaha awoodaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo fududeeyo bixitaanka AUSSOM loogana dhigo Soomaaliya mid awood u leh in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda. 9. Heerka xiriirka laba geesoodka ah, taliyeyaasha waxay ku heshiiyeen in la dhiso heshiis ciidan (Status of Force Agreement – SOFA) oo khuseeya dhammaan ciidamada laba geesoodka ah ee ka howlgalaya Soomaaliya, iyadoo saxiixa heshiiska SOFA uu qeyb ka noqon doono heshiiskii Is-afgaradka Amniga (MoU) ee la saxiixay Diseembar 2023. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhameystiray heshiis dhigaya in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay howlgalo ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Heshiiskan, oo lagu qeexay Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SOFA), wuxuu nidaaminayaa hawlgallada ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya. Talaabadan waxay ka dhalatay wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud intii lagu guda jiray booqasho ay ku yeesheen Addis Ababa 14-16-kii Febraayo. Labada dhinac ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashiga militari. Booqasho sare iyo wadahadallo amni Sabtidii, Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hoggaamiyay wafdi sare oo socdaal shaqo hal maalin ah ku tagay magaalada Muqdisho. Wafdigan waxaa ka mid ahaa Safiir Redwan Hussein, oo ah madaxa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS), taasoo muujineysa muhiimada booqashada. Masuuliyiinta Itoobiya waxaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali. Wadahadalladooda ayaa diiradda saaray halisaha amniga ee gobolka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika. Labada dal waxay markale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, iyagoo xusay doorka muhiimka ah ee ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ku lahaayeen Soomaaliya tan iyo 2007. Xoojinta joogitaanka ciidamada Itoobiya Heshiiskan wuxuu xoojinayaa doorka Itoobiya ee AUSSOM, isagoo dammaanad qaadaya in joogitaankooda milatari uu waafaqsanaan doono xeerarka hawlgalka. Heshiiska SOFA waxaa la filayaa inuu noqdo saldhig muhiim u ah Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Difaaca, kaasoo markii hore la saxiixay bishii Diseembar 2023. Inkastoo ciidamada Itoobiya ay muddo dheer ka howlgalayeen Soomaaliya, heshiiskan wuxuu calaamad u yahay hab-raac rasmi ah oo nidaamsan. Labada dhinac waxay si cad u xaqiijiyeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay awoodda kaliya ee maamuli doonta qorshe kasta oo amni oo lala galo ciidamada shisheeye, taasoo muujinaysa dadaal lagu xallinayo xiisadaha ka dhashay howlgallo militari oo hore Itoobiya si gaar ah uga fulisay Soomaaliya. Taliyeyaasha ciidamada ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in la xoojiyo taageerada la siiyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, si loo hubiyo in kala-guurka amni uu si habsami leh u dhaco marka uu dhammaado hawlgalkii AUSSOM. Iskaashiga dhinaca sirdoonka, hawlgallo wadajir ah oo argagixiso la dagaallan ah, iyo horumarinta awoodda ciidanka ayaa noqon doona tiirarka ugu muhiimsan ee iskaashiga labada dal. Dib-u-heshiisiinta Ethiopia iyo Soomaaliya Heshiiskan militariga waxa uu daba socdaa dib-u-heshiisiin ay Ethiopia iyo Soomaaliya gaareen kaddib khilaaf diblomaasiyadeed oo sannad socday, kaasoo ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland ee ku saabsanaa marin badeedka. Dib-u-heshiisiintan waxaa si rasmi ah loogu xalaaleeyay Ankara Declaration, oo Turkiga dhexdhexaadiye ka ahaa. Bishii Janaayo 2024, Itoobiya waxay saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) ay la gashay Somaliland, oo ah gobol iskiis ugu dhawaaqay madaxbannaanida Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu Itoobiya u ogolaanayay inay hesho 20 km oo xeeb ah oo u dhow magaalada dekedda leh ee Berbera, si ay halkaas uga horumariso xarumo ciidan iyo ganacsi. Bedelkeeda, Itoobiya waxay ballanqaaday inay aqoonsato madaxbannaanida Somaliland. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan u aragtay mid ka dhan ah qarannimadeeda, taasoo dhalisay xiisado diblomaasiyadeed oo xoogan iyo hanjabaado la xiriira in la eryo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Turkiga ayaa dhexgalay muranka, wuxuuna martigeliyay wadahadallo lagu qabtay Ankara 12-kii Diseembar 2024, halkaasoo hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Ankara Declaration, iyagoo ballan qaaday inay si nabad ah uga wadahadlaan arrintan, iyagoo ilaalinaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo danaha ganacsiga Itoobiya. Inkasta oo horumar laga sameeyay xallinta khilaafka, haddana caqabado ayaa weli jira. Itoobiya si rasmi ah ugama laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland, taasoo walaac xooggan ka dhex abuurtay madaxda Soomaaliyeed, kuwaasoo arrintan u arka khatar weyn oo ku wajahan madax-bannaanida dalka. Dhinaca kale, dalal ay ka mid yihiin Masar ayaa sidoo kale xiiso gaar ah u muujiyay gobolka, taasoo sii adkeynaysa xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Heshiiska militariga ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si weyn u saameyn doona mustaqbalka iskaashiga amniga ee labada dal, iyadoo sidoo kale la eegayo saameynta ay ku yeelan karto khilaafka diblomaasiyadeed ee la xiriira heshiiska Somaliland.
  17. Mogadishu, Somalia – Ethiopia and Somalia have formalized a military agreement that will govern the operations of Ethiopian National Defense Forces (ENDF) within Somalia under the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM). The Status of Forces Agreement (SOFA) aims to streamline Ethiopia’s military presence and enhance regional security cooperation. The agreement was reached following high-level talks in Addis Ababa on February 22, 2025, between Ethiopia’s Chief of General Staff, Field Marshal Birhanu Jula, and Somalia’s Chief of Defense Forces, General Odowaa Yusuf Rageh. The SOFA establishes a legal and operational framework for Ethiopian troops in Somalia, ensuring their activities align with both nations’ security objectives. This development follows recent discussions between Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somali President Hassan Sheikh Mohamud during a diplomatic visit to Addis Ababa from February 14 to 16, where both leaders pledged to strengthen military cooperation. Longstanding security collaboration Ethiopian forces have played a key role in Somalia’s security landscape since 2007, primarily fighting against the militant group al-Shabaab. Their presence has been part of successive African Union-led peacekeeping missions, with AUSSOM being the latest initiative to stabilize Somalia and support local security forces. While Ethiopian troops have long been active in Somalia, the new agreement formalizes their presence, ensuring compliance with operational regulations. Somali officials have emphasized that the Federal Government of Somalia (FGS) retains ultimate control over any foreign military presence, a move aimed at addressing concerns over previous unilateral Ethiopian operations. Tensions over Ethiopia-Somaliland agreement The formalization of military cooperation follows a year of strained relations between Ethiopia and Somalia. In January 2024, Ethiopia signed a controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, a self-declared independent region of Somalia. The deal granted Ethiopia access to a 20-kilometer stretch of Somaliland’s coastline near Berbera, allowing Ethiopia to develop military and commercial facilities in exchange for recognizing Somaliland’s independence. The Somali federal government strongly opposed the deal, viewing it as violating the country’s sovereignty and territorial integrity. The dispute led to heightened diplomatic tensions, with Somalia threatening to expel Ethiopian troops from AUSSOM. Turkey mediated peace talks between the two countries amid rising tensions, resulting in the Ankara Declaration in December 2024. Both nations agreed to negotiate peacefully while upholding Somalia’s territorial unity. The recent SOFA agreement is seen as a step toward de-escalating tensions and reinforcing security cooperation. The Horn of Africa remains a geopolitically sensitive region, with external actors closely monitoring developments. The Ethiopia-Somaliland agreement not only strained Ethiopia-Somalia relations but also attracted international attention. Egypt, for example, has supplied military aid to Somalia, further complicating regional dynamics. The formalization of Ethiopian troop deployment under AUSSOM is expected to bolster joint counterterrorism efforts against al-Shabaab. However, the broader impact of Ethiopia’s engagement in Somaliland remains uncertain, with Somali leaders continuing to push for a complete agreement reversal. As Ethiopia and Somalia work toward stabilizing their military and diplomatic relations, the success of their cooperation will depend on continued diplomatic engagement, regional support, and international mediation. The SOFA agreement is a key milestone, but unresolved disputes—particularly Ethiopia’s deal with Somaliland—continue to pose challenges.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, kahor kulankoodii toddobaadlaha oo ku aadana Khamiista ayaa ansixiyey qorshaha isbeddelka qaranka (NTP-2025-2029). Ujeedka deg-deg loogu ansixiyay qorshahan ayuu goluhu ku sheegay si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay. Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu ansixiyey xeerka dhismaha xarunta qaran ee horumarinta reer Miyiga iyo xalka waara. Intii uu socday kulanka golaha ayaa waxaa kale oo lagu meel-mariyay siyaasadda qaran ee dhismaha machadka sare ee tababbarka iyo horumarinta sharciga. Xeerka dhismaha xarunta qaran ee horumarinta reer Miyiga iyo xalka waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga. Golaha ayaa ku bogaadiyey guulaha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed. Muxuu yahay qorshaha isbeddelka qaranka? Qorshahan oo loo yaqaano NTP ayey xukuumadda ku sheegtay mid tusaale u ah hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah. Sidoo kale wuxuu ku saleysan yahay ka faa’iideysiga khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si loo gaaro horumar waara. Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) oo beddelaya qorshihii 9-aad ee horumarinta qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu xambaarsan yahay qorshayaal dhowr ah oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale, sida ay horey u sheegtay xukuumadda Soomaaliya. Si kastaba, fulinta qorshan ayaa socon doona muddo shan sanno ah oo ka bilaabmi doonta horraanta sanadkaan 2025 illaa Deceembar 2029.
  19. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan gaar ah, ayaa ansixiyey Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP-2025-2029), si loo xaqiijiyo hiigsiga horumarineed ee dalkeenna u jiheystay. Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale ansixiyey Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababbarka iyo Horumarinta Sharciga. Xeerka Dhismaha Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara, ayaa mudnaan gaar ah u leh horumarinta reer guuraaga Soomaaliyeed, si loo helo hannaan horumarineed oo yareynaya saboolnimada iyo barakaca, isla markaana kobcinaya dhaqaalaha reer guuraaga. Golaha ayaa ku bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxaha Shabaab, iyaga oo ka hortagay dhagaro ay u maleegayeen bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  20. Salman Fiqy told Fox News Digital that the LGBTQ agenda was an issue and added, 'We see things from a conservative lens' Source: Hiiraan Online
  21. Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub oo dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Daacish. Duqeymahan oo la fuliyay fiidkii 21-kii Febraayo iyo shalay 22-kii Febraayo 2025-ka, ayaa waxaa lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaasi. Qiimeynta hore ee hawl-galka ayaa muujineysa in saddex xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha. Sawirro cusub oo laga helay goobta duqeymahan ka dhaceen ayaa waxay muujinayaan gaadiid nooca loo yaqaano Hardtop-ka ama Soomaalidu u taqaano qooqanta, iyo mootooyin ku shuf beelay, kuwaasi oo lala beegsaday duqeymaha ka dhacay buuraha Calmsikaad. Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa haatan ku sugan goobaha duqeymaha ka dhaceen, iyagoo dhul hor leh ka saaray kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Howl-gal dhowr jiho ah oo maanta ay qaadeen Daraawiishta Puntland ayay ku guulaysteen in ay Daacish ka saaraan aagga deegaannada Curaar iyo Gaatir-oodan oo ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee argagaxisadu haysatay. Ciidanka ayaa goobta ugu tagay gawaari iyo mootooyin ay ku habsadeen duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay buuraha gobolka Bari, waxaana sawirrada laga dheehan karaa jabka halkaas kooxda lagu gaarsiiyay. Si kastaba, duqeymahan oo lagu taageerayo hawl-galka geesiyaasha ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku cirib-tirayaan maleeshiyaadka Daacish ayaa sii socon doona, sida ay xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.
  22. In today’s political environment, countries or groups of countries join together to form a union. There are 27 countries in Europe that have joined together as the European Union. They share common values, a common currency, as well as a border union. Here in our neighborhood, we have the East African Community (EAC), which is composed of: Kenya, Tanzania, Uganda, South Sudan, Congo, Somalia, Rwanda and Burundi. They are evolving into a political federation and aspire to establish a joint tax union as well as a unified monetary policy. Somalia, as per the UN and AU charters, has been classified as a failed state since 1991. Much of its regions have developed into a federal system that functions as separate entities while still constituting a federal state, albeit with slight independence. Somaliland, however, has not ‘fully’ joined Somalia. As an entity, Somaliland has performed better than all the other states of Somalia. Although it seeks recognition as an independent country, it has a long way to go and must address several issues before achieving that goal. Federalism has encountered challenges in various countries, including the United States, where conflicts arise over state actions and governance. Somalia is no different. Whereas one federal member may wish to act independently on matters of its own interest, other members may perceive this as a conflict rather than a promotion of unity, which is the primary objective of federalism. There have been cases where a federal state feels its interests are threatened, as seen in the recent conflict between Texas and the Biden administration. While Texas opposed irregular immigration into the United States, the Biden administration was more lenient on the issue. Texas even threatened to separate from the union. It was speculated that Texas might leave the United States’ federal system. Such scenarios occur in many places. Similarly, Somaliland seeks to separate from Somalia, which presents many challenges. For Somaliland to gain recognition as an independent state, it must meet specific criteria: Have a functioning government Be a separate entity from other regions Have been barred from joining other federal regions, which Somalia has not enforced Be recognized by other countries, which it has not achieved Constitute a distinct community, which it does not Have a separate language, which it does not Have a different religion, which it does not Have a longstanding governance structure Based on these criteria, recognition for Somaliland does not seem feasible in the near future. So, what is the solution? Federal members must operate with a shared understanding if true federalism is to be achieved. Consider the case of the United Arab Emirates (UAE), where seven federal states have successfully coexisted for over 50 years. The UAE consists of: Abu Dhabi, Dubai, Sharjah, Ajman, Umm Al-Quwain, Ras Al Khaimah and Fujairah. The UAE has significantly exceeded expectations due to its well-functioning federal system. The emirates maintain a strong working relationship that continually strengthens their unity, purpose, and shared interests. Since 1971, the UAE has had a president who serves as the overall emir of all seven emirates and a prime minister who oversees the day-to-day operations of federal government institutions. Each emirate conducts both federal and state functions concurrently. Responsibilities such as internal security, policing, ports, municipalities, electricity, and water services fall under the jurisdiction of the state and are primarily managed by the prime minister. Meanwhile, external threats, foreign affairs, monetary control, and the central bank are under the president’s authority. A similar model could be applied to Somalia’s seven regional states: Jubaland, South West State, Banadir, Hirshabelle, Galmudug, Puntland and Somaliland (though requiring significant persuasion). Each of these regional entities could exercise their internal autonomy while simultaneously working towards Somalia’s national interests as a unified federation. This approach would allow these regions to maintain some autonomy while participating in a federal system where external affairs are managed collectively. Somalis need to integrate into the international system in a more structured and practical manner. Remaining isolated from the global system for too long will not serve Somalia or the region well. Ibrahim A. Dalahow Dubai – United Arab Emirates dalahow@gmail.com Disclaimer:The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynihii 3-aad ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Kulankan ayaa ahaa mid ay ku dheehan tahay is-qaddarin, niyad-sami iyo laab-furnaan, iyada oo labada Mas’uul ay si weyn uga wada hadleen geedi-socodka Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga nabadda, xasilloonida, horumarka, dowladnimada iyo dimuqraadiyadda. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin si mug leh ugaga mahad naqay doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ku lahaa taabba-gelinta hannaanka Dawladnimo iyo doorashooyinka ee aynu haatan ku naaloonayno, xag nabad-gelyo, xag horumar iyo xagga Dimuqraadiyaddaba. Kulanka dhex maray labada Madaxweyne ayaa waxa uu caddayn u yahay ka wada shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh mustaqbalka Qaranka JSL iyo midnimada ummadeena. Kulanka dhex maray labada Madaxweyne ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqayaa sida ay madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee shalay iyo kuwa maanta ay mar walba ugu heellan yihiin dhismaha Qaran barwaaqo ah oo dheeftiisa loo wada dhan yahay, iyada oo la ixtiraamayo waxna laga baranayo dhaxalkii ay ka tageen hoggaankii hore ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  24. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL uu wehelinayo Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) , uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose ayaa kulan la qaatay Madaxa Xafiiska Hay’adda Qaramada midoobey ee UNDP, Mr. Lionel Laurens. Kulan ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL iyo Hay’adda UNDP. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulamada Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka loo fasaxay illaa 15 Xildhibaan oo horay looga mamnuucay ka qeyb-galka kulamada golaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa xeer uu soo saaray ku fasaxay Xildhibaannadan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbaland. Xildhibaannadan ayaa horay looga joojiyay kulamada, kadib markii kulamadii u dambeeyay ee Kalfadhiga 5-aad ay fowdo ka sameeyeen, waxaana uu guddoomiyaha kula dardaarmay Xildhibaannada inay ilaaliyaan dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii habeen hore heshiis laga gaaray in aan wax buuq ah lagu sameyn hadal-jeedinta Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 6-aad oo Xildhibaannada Mucaaradka ku hanjabeen. Xildhibaannada ayaa lasoo warinayaa inay deganaantii shalay ku bedesheen in la fasaxo Xildhibaannada laga joojiyay kulamada, kuwaasi oo ugu dambeyntii maanta loo fasaxay ka qeyb-galka kulamada golaha. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka markuu tixgaliyay in ay lagama maarmaan taahy ilaalinta guntanka (kooramka) lagu xusay qodobka 23-aad iyo 24-aad, loona baahan yahay in uu dhameystirmo, si Golaha Shacabku u guto waajibaadka horyaalla Kalfadhiga 6-aad si waafaqsan qodobka 69-aad ee Dastuurka iyo qodobka 2-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, wuxuu go’aamiyay in dib loogu fasaxay xubnahan ka qayb-galka fadhiyada,” ayaa lagu yiri warqadda uu guddoonka ugu fasaxay xildhibaannada kulamada golaha. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray Habdhowraha Golaha Shacabka dhaqan-gelinta go’aankan, si waafaqsan qodobka 18-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka. Hoos ka aqriso magacayada Xildhibaannada