-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo digreeto soo saaray ayaa xalay xil sare u magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed. Abuubakar Bashiir ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Magacaabistan ayaa qayb ka ah qorshaha kor loogu qaadayo xiriirka dalalka Carabaha ay Soomaaliya la leedahay, maadaama ay qeyb ka tahay ururo badan oo Carbeed, islamarkaana xiriir diblumaasiyadeed fiican la leedahay dalal Carbeed oo siyaasasad ahaan aad u kala fog. Dhinaca kale, waxaa magacaabistaan ka dhalatay hadal-heyn xooggan, waxaana si weyn uga fal-celiyay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada. Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan aheyn xil macno leh, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas xafiiska ra’iisul wasaaraha looga qoray “biil.” Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan, kuwaas oo mushaar uun ka qaata xafiiskiisa, lana ogeyn waxa ay kusoo kordhiyaan dowladnimada Soomaaliya.
-
Xiriirka Sudan iyo Kenya ayaa sii xumaanaya ka dib markii Khartoum ay ku eedeysay Nairobi inay taageerto maleeshiyaadka mucaaradka ee RSF, waxayna dowladda Suudaan markii dowladda Suudaan cambaareysay shirar is daba joog ah oo dhowaan ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaas oo la sheegay in loo arrinsanayay dhismaha dowlad loo samaynayo dhulka ay gacanta ku hayso fallaagada RSF. Suudaan ayaa sidoo kale Khamiistii ku dhawaaqday in ay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Kenya, ayadoo ka jawaabaysa waxa ay ku tilmaamtay marti-gelinta Nairobi ee shirarka fallaagada RSF iyo xulafadeeda sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Sudan ee SUNA, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Suudaan, Sarreeye Guud Khalil Pasha Sairin, ayaa sidoo kale dhalleeceeyay mowqifka dowladda Kenya ee ah in ay dalkeeda ay ku martigelisay xubnaha fallaagada ah iyo dadka ay xulafada la yihiin si ay u waxyeeleeyaan ammaanka iyo xasilloonida Suudaan. Wasiirka ayaa intaas ku daray hab-dhaqanka Kenya uu yahay mid dhaawacaya midnimada Suudaan, isla markaana aanu ixtiraamayn xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dal, taas oo ay u dheer tahay ku xad-gudubka mabaadi’da Midowga Afrika iyo axdiga Qaramada Midoobay. Bayaanka ay soo saartay Suudaan ayaa ku tilmaamay tallaabadii Kenya ay ku martigelisay shirkii Talaadadii ka dhacay Nairobi inay ahayd fal cadawtooyo ah, kaas oo horseed u noqday qorshe la dhisayo dowlad gaar ah oo ay maamusho RSF. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda dalkaasi martigelisay qaxooti badan oo Suudaaniyiin ah, isla markaana ay leedahay taariikh la xariirta fududaynta wada-hadalka iyada oo aan wax ujeeddo ah ka lahayn. Xoogagga siyaasadda mucaaradka ah iyo kooxaha hubeysan ee dalkaas oo ay horkacayaan ciidamada fallaagada ah ee RSF ayaa dhowr maalmood shirar uga socdeen magaalada Nairobi, kuwaas oo la sheegay in loogu diyaar-garoobayay ku dhawaaqista wax loogu yeeray “Dowladda Nabadda iyo Midnimada” ee deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada fallaagada RSF uu hoggaamiyo Mohamed Xamdaan Dagalo (Hemedti). Source: goobjoog.com
-
Asmara (Caasimada Online) – Eritrea ayaa Khamiistii ku eedeysay Itoobiya, oo ay muddo dheer cadaawad taariikhi ah ay kala dhaxeysay, inay waddo “olole culus oo aflagaaddo ah” oo ka dhan ah, xilli ay sii xoogeysatay xiisadda labada dal. Labada dal, oo colaad adag ka dhaxeysay tan iyo markii Eritrea ay ka go’day Itoobiya sannadkii 1993, ayaa heshiis nabadeed kala saxiixday 2018. Si kastaba ha ahaatee, xiriirkooda ayaa mar kale sii xumaaday. Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa farriin dheer oo uu ku daabacay barta X ku eedeeyay Itoobiya inay waddo “olole aad u daran oo aan la aqbali karin” oo ka dhan ah Eritrea, isla markaana ay hurineyso “isku dhac xun”. Wuxuu si gaar ah u xusay dadaallada Itoobiya ee ay ku raadinayso marin badeed, iyada oo heshiis la gashay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland sannadkii hore si ay deked uga hesho badda Cas. Arrintan ayaa dhalisay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo la xaliyay kaddib heshiis ay dhexdhexaadin ka gashay Turkey. Si kastaba ha ahaatee, waxa weli mugdi ku jira natiijada kama dambaysta ah ee heshiiskaas. Gebremeskel wuxuu sheegay in qorshaha Itoobiya uu weli qayb ka yahay “xiisadaha gobolka, isagoo abuuraya jahawareer iyo qalalaase aan loo baahneyn”. Mas’uuliyiinta Itoobiya kama aysan jawaabin codsiga faallo arrintan la xiriirta. Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa maqaal uu Isniintii ku daabacay Al Jazeera ku eedeeyay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, inuu yahay “nin dab hurinaya”. Wuxuu Eritrea ku eedeeyay inay “dib u hurineyso colaaddii waqooyiga Itoobiya”. Dhanka kale, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Concern Eritrea oo fadhigeedu yahay UK ayaa Talaadadii warbixin ay ku faafisay internet-ka ku sheegtay in Eritrea ay amartay “dagaal gelin guud oo dalka ah”. Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in dowladda Eritrea ay soo saartay amar muwaadiniinta ka yar 60 sano loogu yeerayo tababar ciidan iyo layli. AFP ma aysan si madaxbannaan u xaqiijin karin warbixintaas, maadaama dowladda Eritrea si adag u xakunto helitaanka macluumaadka gudaha dalka. Kadib heshiiskii nabadeed ee 2018, Eritrea waxay Itoobiya ku garab istaagtay dagaalkii ay kula jirtay xoogagga gooni u goosadka ah ee gobolka Tigray intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2022. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay Amnesty International, ayaa ciidamada Eritrea ku eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal oo ka dhacay Tigray. Eritrea ayaa eedeymahaas ku tilmaantay “xog marin-habaabin ah”.
-
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dadka soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyada Sucuudiga, islamarkaana dil toogasho ah ugu xukuman dowladda dalkaas. War qoraal ah oo ay soo saartaywasaaraddu ayaa lagu yiri” wasaaradda caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurku waxay si dhaw u la socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sanado badan oo xabsi ah”. Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii wax looga qaban lahaa dadkaas xaaladahooda, islamarkaana ay noo socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dal oo diiradda lagu saarayo sidii ay maxaabiistaasi u heli lahaayeen matalaad sharci iyo taageero. Wasaaradda ayaa tilmaamtay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in maxaabiistaas dalkooda loo soo wareejiyo si ay xukumadooda gudaha ugu dhammeystaan, ayadoo la tixgelinayo heshiiska Riyadh ee iskaashiga garsoorka caalamiga ah. Dowladda Sucuudiga ayaa dhowaan dil daldalaad ah ku fulisay nin kamid ahaa maxaabiista ku jira xabsiyada dalkaas, halka ku dhowaad 40 kalena ay weli u xiranyihiin xukuumadda Riyadh, ayagoo intooda badan dil ku xukuman, balse dacwadaha loo haystaahi ay yihiin kuwo fudfudud. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo qaarkood ku xukuman dil iyo xabsiyo sannado badan ah. Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadal kula jirto hay’adaha Sacuudiga ee uu khuseeyo kiiska maxaabiista Soomaaliyeed ee lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo dheer, kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya dadaal ugu jirto inay helaan cafis iyo cadaalad. “Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaan u hayo Wasiir Xasan Macallin Maxamuud, waxay si dhow ula socotaa xaaladda sharci iyo midda bini’aadannimo ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Boqortooyada Sucuudiga, oo qaarkood ay ku xukuman yihiin xukunno dil ah iyo sannado badan oo xabsi ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda. Qoraalkaan ayaa intaas ku sii daray: “Wasaaradda Cadaaladda oo ka duulaysa doorkeeda matalaadda sharci ee muwaadiniintaas, waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii wax looga qaban lahaa xaaladdooda, iyadoo ay noo socdaan wada-hadallo ay la yeelaneyso hay’adaha dhiggeenna ah ee Boqortooyada Sucuudiga, si looga shaqeeyo in muwaadiniintaasi helaan taageero iyo matalaad sharci ah, isla markaana xukunnadooda ay ku dhamaystaan dalka Soomaaliya.” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Sacuudiga ka dalban doonto in kiiska maxaabiistaas lagu maamulo Heshiiskii Riyaad ee Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ee u dhexeeya waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, oo ay qeyb ka yihiin Sucuudiga iyo Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa sannadkii 2024 dil toogasho ah iyo xabsiyo dhaadheer ku kala xukuntay 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haysto inay dalka Sacuudiga si qarsoodi ah ku soo geliyeen daroogo. Mid ka mid ah 45-ka maxbuus ee Sacuudigu xukumay ayaa maalmo ka hor la dilay, arrintaas oo si weyn ula fajacday dowladda Soomaaliya iyo ehelkii ninka Soomaaliga ah ee la toogtay. Muwaadiniinta kale ee xiran, oo qaarkood dil lagu xukumay, ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoog leh, taasoo keentay in dowladda federaalka ay warkaan soo saarto, waxaana bilowday dadaallo xoog leh oo lagu badbaadinayo Soomaalida kale ee dilka ku xukuman ee Sacuudiga ku xiran.
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Ministry of Justice and Constitutional Affairs has launched diplomatic efforts to secure clemency for Somali nationals sentenced to death or long prison terms in Saudi Arabia. The move follows the recent execution of Somali national Mohamed Nur Hussein Gacal in the southern city of Najran. Gacal was convicted of smuggling hashish into the kingdom, with his sentence upheld by Saudi Arabia’s Supreme Court. His family condemned the execution, alleging he was denied fair legal representation. According to his uncle, Hassan Hussein Yusuf, Gacal made a brief phone call before his execution, informing them of his imminent death. Diplomatic push for clemency “The Ministry of Justice and Constitutional Affairs of the Federal Republic of Somalia, led by Minister Hassan Macallin Mahmoud, is closely monitoring both the legal and humanitarian situation of Somali prisoners in Saudi Arabia,” the ministry stated. It emphasized ongoing talks with Saudi authorities to secure proper legal representation and push for sentence commutations or prisoner transfers. Somali officials are advocating for implementing the Riyadh Agreement on Judicial Cooperation, a treaty among Arab League states that could provide a legal framework for repatriating Somali convicts. Ambassador Aweys Haji Yusuf, Somalia’s top diplomat in Saudi Arabia, confirmed that discussions are ongoing to halt executions and explore alternative sentences such as life imprisonment. Saudi Arabia’s execution record Saudi Arabia has one of the highest execution rates in the world, applying capital punishment for crimes such as drug trafficking, murder, and terrorism-related offenses. In 2024 alone, Saudi authorities executed at least 53 individuals for drug-related crimes, a sharp increase from previous years. Rights organizations, including Amnesty International and Human Rights Watch, have documented concerns over due process and transparency in these cases. Somali migrants are among those affected, with at least 50 Somali nationals reportedly on death row in Saudi Arabia. Many were convicted of drug trafficking under circumstances advocacy groups describe as unfair, with concerns over forced confessions, lack of legal representation, and trials conducted in a language they do not understand. Saudi Arabia’s strict legal framework offers limited avenues for appeal, and executions are often carried out without prior notice to families or diplomatic missions. The UN has urged the kingdom to implement alternative sentencing measures and ensure greater transparency in judicial proceedings. Migrants facing trial in Saudi Arabia often struggle with legal and linguistic barriers, going through proceedings without proper defense. Rights groups argue that many Somali detainees were coerced or unknowingly involved in drug smuggling operations. Legal experts note that Saudi Arabia’s judiciary applies capital punishment in a manner that disproportionately affects foreign workers. Somali authorities continue to engage with Saudi counterparts to advocate for their nationals facing severe sentences.
-
Somalia was elected to serve on the U.N. Security Council as a non-permanent member for the second time since independence in 1960 and assumed its seat on Jan. 1, 2025. Somalia joined Denmark, Greece, Pakistan and Panama in serving on what is considered the most powerful global political and diplomatic council entrusted with steering the world toward peace, stability and sustainable development for the next two years. Although the new non-permanent members do not enjoy the powerful and heavily dramatized veto power that makes global headlines, the idea is that they will represent not only their regions but the rest of the world in all meetings to advance the key objectives of the U.N. Indeed, the question of equity and balance regarding this now ancient exclusive power of veto held by the permanent five members of the Security Council (U.S., China, the U.K., France and Russia) is highly debated and arguably needs reform given the modern global realities today. The strong argument that if the U.N. and its systems are to have any credibility going forward, they must promote and safeguard their lofty founding democratic principles by ensuring an equal voice for all nations needs to be addressed quickly and with the seriousness it deserves. However, non-permanent members can and have played a key role in representing the voices of their nations, regions and the rest of the world in major U.N. debates. While they may be simply diplomatic inclusivity window dressing to present a mirage of political equality in the heavily polarized, unequal and divided world we live in today, the non-permanent seats in themselves are some progress from what they used to be when global decisions were only made by the supposed winners of World War II and much of the majority of the U.N. member states today were still colonized or part of the Soviet Union. It was surprising to see some of the negative reactions in the media when Somalia won the U.N. Security Council seat because I was closely following the determined efforts of the Somali government in this endeavor from the beginning and expected it to be welcomed by all. The overwhelming message from misinformed critics was that the council is now a joke if Somalia can join. This is a misguided and regressive view of international politics and diplomacy, anchored in ignorance and arrogance about what might be greater than right. This post-World War II winners-take-all governance mentality is not even discussed openly in international politics and relations courses at universities anymore, let alone used as a basis for criticizing a nation like Somalia, which has achieved so much in such a short space of time to escape a difficult past of conflict and state collapse. What Somalia offers The Security Council is mandated to advance global peace and security and has a long history of involvement with Somalia during the nearly three decades of civil strife and through the current state-building process. Only last year, the U.N. lifted the three-decade arms embargo on Somalia and the council authorized the African Union Stabilisation and Support Mission in Somalia (AUSSOM) to replace a larger operation from Jan. 1, 2025. Ironically, this is the day Somalia officially took its seat as a non-permanent member. Far from symbolic, this is a real opportunity for Somalia to be in the same room that has been deciding its future for nearly three decades while it shouted from the sidelines. Somalia’s membership will provide a valuable opportunity for other members to hear and learn unique lessons in nation-building, fighting international terrorism, effective humanitarian actions, strengthening multilateralism, and what does not work in conflict-affected, post-conflict and fragile states in terms of peacebuilding and sustainable development. It will also amplify the voices of nations facing similar challenges, including those in the Group of Seven Plus and least-developed category status. Somalia has a strong track record of delivering economic reforms and achieved debt relief through the Highly Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) in December 2023. This is not just a story of numbers and simple implementation of prescribed reforms by the International Monetary Fund (IMF) but a lesson in what can be achieved even in the most challenging situations when there are strong partnerships, political will and public support for escaping unsustainable crippling debts that most of the developing world faces today and achieving financing for development. At the U.N., there is a desperate need to find global solutions to everyday challenges, including the devastating impact of climate change, increasing conflicts and global debt, which hampers development spending and economic growth to spur job creation and attain sustainable development. Somalia has a unique interwoven story and experience to share in this space and will be able to contribute prominently to the international dialogue and solutions going forward as part of the Security Council. Overall, Somalia is in the council because it won its seat like all the other members through a rigorous, transparent diplomatic and democratic process. This is the real explanation and the only explanation is if the rules of the U.N. are observed. In this regard, it is no different from all the other members who have held this position or are occupying it now. However, Somalia’s unique contribution to the council and international security and peace is its credible and authentic voice, which showcases its national lived experience and its current efforts to transform itself for the betterment of its citizens. This is needed more than ever in a conflict-ridden and polarized world threatened by external shocks, including climate change. Liban Obsiye is the head of the Strategic Economic Unit of the Somali Ministry of Finance.
-
KUWII LAASCAANOOD DUMIYAY WAY DAYAAMAYAAN. Laascaanood qormadan kuma dhammayn karo halkay maraysay iyo halkay maanta joogto iyo halkay ku socoto. Laascaanood waxay maraysay intaanay somaalidu dumin halkii ugu wanaagsanayd intay jirtay, saray u socotay xagga dhismaha shaqaalaha iyo ganacsigaba. Waxa ka mushahaaro qaadan jiray lix kun oo qof waxa loo sameeyay nidaam dawli ah oo dhamays tiran oo ay dhammaan dadka ka shaqeeyaa yihiin Sool clan gud. gobolka meeyee. Garaadadii iyo aqoontii reerka ayaa intay shir qabsadeen dagaal s. Land lagu dumiyo iclaamiyay waxaana ku duntay laascaanood oo keliya ujeeddadiina way fashilantay. Maanta laascaanood waxa isugu hadhay dad yar oo ku xeeran kuwii dumiyay qaar ka mid ah dhaqaalahoodii wuxuu isugu ururay jawaanno qaad ah oo ay ku dhintaan qorigaa ka shaqeeya. Laascaanood kuwii dumiyay oo ahaa soomali oo dhami maanta way dayaamayaan majeerteeniya waxa ka socda dagaal majeerteenka dhexdiisa ah oo ay ku jiraan ajaaniib hoggaaminaysa garab ka mida oo la yidhaah daacish. Cid kasta oo mahlakadii laascaanood lagu dumiyay ka qayb qaadatay waxa saaran culays amni darro iyo burbur xagga nidaamka ah, BOORAAN hadimo ha qodin haddaad qoddona ha dheerayn. Kuway taladu ku ciirsantay waa garaaddadii gala dagaalka yidhi oo maanta noqday Ninkii Mar waashay ee yidhi ma meel aan ka soo noqdaabaan joogaa laascaanood haddaan loo talin waxay noqonaysaa meel waqti dheer nabadda ka fog oo ay isku soo uruursadaan dadka denbiileyaasha ahi sida imminkaba ka jirta. Laascaanood waxay sugaysaa dadkii u dhashay inay u kacaan xabaal iyo ninkeed loo kala teg, jinni Ninkii keenaa firdaamiya. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNSxBeXTH9IbHzOHV6of9yb87Uu7NLxwJSXSKFQc1OFyiktnfh_3jXKUDmgI_3BiF-23ZimD9T4V5uRO56bLyAk.mp4 s Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Amiir, ayaa maanta si cad shacabka Muqdisho ugu sheegay in guddoomiye la soo magacaabay aysan ka sugin in baahiyahooda uu ka shaqeeyo, isagoo bixiyey tusaale yaab leh. Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho aysan waxqabad u qabsan karin, maadaama aysan iyagu xilka u dhiiban, isla markaana aysan ka qaadi karin. “Nadaafad darrada ka jirta Muqdisho iyo jidadka burbursan waxba igama weydiin kartaan hadda, laakiin haddii aad i soo dooran lahaydeen waa ila xisaabtami lahaydeen. Marka waxaan idiin sheegayaa, qofkii aan la dooran ee la soo magacaabay jeebkiisa ayuu u shaqeystaa,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir. Duqa Muqdisho ayaa hadalkan maanta ka sheegay fagaaraha Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu qabtay kulan dadweyne oo lagu taageerayey qabashada doorasho qof iyo cod ah. Goobta uu hadalkan ka yiri Guddoomiye Amiir waxaa fadhiyey wasiirro, xildhibaanno, masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo shacab u soo bannaan baxay taageerada dowladda, una heelan in dalkooda horumar la gaarsiiyo. Hadalka Guddoomiye Amiir uu maanta yiri, sida aan ka fiirsashada lahayn, ayaa qalbi-jab ku abuuray shacabkii u hammuum qabay dowladnimada ee maanta isugu yimid Tiyaatarka. Wuxuu hadalkaasi abuuray sawaxan markiiba goobta ka bilowday iyo hadal-hayn qabsatay baraha bulshada. Guddoomiyaha gobolka ayaa markii uu hadalkaas yiri kadib ku af-gobaadsaday in danta shacabka Muqdisho ay ku jirto in madaxdooda ay soo doortaan, isaguna uu ka shaqeyn doono in guddoomiyaha kursiga kala wareegaya uu doorasho dadweyne ku imaan doono. Guddoomiye Amiir ayaa maalintii uu xilka la wareegay goobtii uu kula wareegay ka sheegay in dadka reer Muqdisho uu si dhab ah ugu shaqeyn doono ee uusan ka shaqeysan doonin, balse hadalkaas maanta ayuu si cad u beeniyey, isagoo yiri hadal u dhigma: “Idiinma shaqeynayo, xilkana igama qaadi kartaan!” Hoos ka daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray dagaalladii kooxda Al-Shabaab ay maanta ku soo qaaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo meelaha qaar ay kooxdu qabsatay deegaanada qaarna ay ka dhaceen dagaalo la isku riiqmay. Sheekh Shariif ayaa sheegay in duullaanka Al-Shabaab uu hoosta ka xariiqayo sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxda, isagoo madaxda dowladda Federaalka u soo jeedinayey inay diirrada saaraan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta. Al-Shabaab ayaa maanta weerarro toos ah ku qaaday deegaanada Al-Kowthar, Daarunicma, Ceel Cali Axmed, Cali Fooldheere, Ceelbaraf iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolkaas, waana weerarkii ugu balaaraa oo hal maalin ay waayahaan waadeen Al-Shabaab. “Waxaan boggaadinayaa Geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka oo si nafhurnimo leh kaga hortagay duullaanka kooxda argagixisada Al-Shabaab ku soo qaaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Shariifka ayaa tacsi u diray ciidamadii maanta ku shahiiday dagaalladii cuslaa ee dhacay, “Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska geesiyaasha ku shahiiday dagaalka xaqa ah, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.” Qoraalka Sheekh shariif ayaa intaas ku sii daray, “Duullaanka kooxda argagixisada ah wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida looga gaabiyey la dagaalanka kooxaha caadeysatay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweyne hore Sharriif Sheekh Axmed, ayaa ku booriyey hay’adaha ammaanka inay laba jibaaraan dagaalka lagula jiro kooxaha nabadiidka ah. “Waxaana madaxda dowladda Federaalka ah u soo jeedinayaa inay diirrada saaraan halganka loogu jiro dib u xoreynta dalka islamarkaana meel iska dhigaan siyaasadda ku dhisan kala qaybinta bulshada iyo xasarad abuurka,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey Sheekh Shariif. Dowladda Soomaaliya, oo maanta war kasoo saartay dagaaladii dhacay ayaa sheegtay in dhamaan degaanadii ay soo weerareen laga difaacay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay in ka badan 130 horjoogayaal iyo maleeshiyaad isugu jira.
-
Ururkii SSDF mabda’ ahaan wuu ka soo horjeeday shuuciyadda iyo wixii loo bixiyay hantiwadaagga cilmiga ku dhisan oo uu kacaankii Soomaaliya ku salaysnaa. Garoowe (Faallo PP) — Ururkii SSDF (Somali Salvation Democratic Front) xubnihiisii hore waxay siyaabo kala duduwan u soo bandhigeen isbeddeladii ay goobjoogga u ahaayeen sanadihii 1978kii ilaa 1985kii. Wixii ka dambeeyay 1985kii, oo ahaa sanadkii Itoobiya xabsiga u taxaabtay Cabdullaahi Yuusuf, guddoomiyihii SSDF, taariikhda ururka wax badan lagama oga. Xubno badan oo ururkaas ka mid ahaa ayaa dib ugu soo noqday Soomaaliya kaddib 1983kii. Dhowaan Cabdi Faarac Siiciid (Juxaa), Wasiirka Arrimmaha Gudaha ee Puntland, ayaa waraystay Maxamed C. Xasan (Alto) oo ka mid ahaa ururkii SSDF. Juxaa, oo hore u qoray buug ku saabsan waayihiihiisii SSDF, wuxuu siiyay Alto fursad uu xusuustiisa iyo aragtidiisa ku soo gudbiyay. Xusuustu waxay ku saabsan tahay wixii dhacay; aragtidu waxay ku saabsan tahay fasiraadda laga bixiyo sababihii waxaas u dhacay. Waa waraysiga ugu xiisaha badnaa oo xubin SSDF ahaa lala yeeshay. Maxamed Alto wuxuu ku dooday in Cabdullaahi Yuusuf uu bixiyay amarkii Itoobiyaanku xabsiga ugu taxaabeen isaga. Wuxuu ku dooday inuu ka mid ahaa koox ahayd “Bidix.” Juxaa ma su’aalin Alto macnaha Bidixda. SSDF cidaamaddeedu waxay markaas ka soo jeedeen hal beel. “Bidixdu” waxay ahayd koox aamminsanayd hantiwadaagga. Waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Caydiid, Cumar Salaad, Iikar Xaaji Maxamed Xuseen, Cabdi Maxamuud Aamiin iyo xubno kale oo ka mid ahaa Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Xubnahan waxay rumeysnaayeen in sida keliya ay Itoobiya ugu dhowaan karaan awooddana kula tartami karaan Cabdullaahi Yuusuf ahayd inay sii haystaan mabda’a hantiwadaagga. In Mengistu Hailse Mariam, hoggaamiyihii Itoobiya ee waqtigaas, uu iyaga mabda’a ahaan ula jiri doono ayay aamminsayeen. Loollankaas wuxuu Cabdullaahi Yuusuf kaga jawaabay tallaabooyin uu ku yaraynayay saameynta kooxdii isu tiqiin “Bidixda”. “Bidixdu” waxay aad mar ugu dhoweyd taliskii Siyaad Barre oo ay la soo shaqeeyeen. Dhowr toddobaad ka hor 1977kii intii Soomaaliya aysan xiriirka u jarin dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti, Cumar Salaad Cilmi, oo mar ahaa Guddoomiyaha Abaabulka ee Golaha Dhexe ee XHKS, ayaa maqaal ku qoray wargeyskii Halgan oo ahaa codkii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed. Wuxuu Maqaalka ku xusayay 60 guuradii Kacaankii Ruushka ee 1917kii. Wuxuu ka qeybgalay xaflad sanadguurada kacaankii uu Lenin hoggaaminayay lagu maamuusayay. Cumar Salaad markuu qoray maqaalkan muu ogeyn in Soomaaliya go’aansatay in xiriirka ay u jarto Midowgii Soofiyeeti 1977kii. Cumar wuxuu ku biiray SSDF billowgii siddeetamaadkii. Markii Alto xabsiga laga soo daayay waxaa loo sheegay in Cabdullaahi Yuusuf uu diiday bixinta lacag uu Itoobiya kaga safri lahaa. Si kastaba ha ahaato, Alto tagay Cadan oo caasimaad u ahayd dalkii loo yiqiin Yementa Koonfureed. Alto wuxuu sheegay in SSDF soo weerartay Buuhoodle iyo magaalooyin kale. Koodxda “Bidixdu” waxay aamminsanaayeen in dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la iskaga dhicin karo ciidammadii Soomaaliya halka Cabduulaahi Yuusuf aamminsahaa in dagaalku u dhexeeyo labo dal. Waaya-aragnimadisii dagaalkii 1964kii iyo 1977kii ayaa saameyn ku lahayd sida uu arkayay hawlgallada SSDF. Cabdullaahi Yuusuf inuu Itoobiya ku soo sirmay ayaa u muuqatay markii uu ogaaday in shuuciyadda Itoobiya ka jirtay iyo shuuciyad-diidka uu caanka ku ahaa ay iska hor imanayeen. SSDF wuxuu ahaa urur ku dhex burburay loollankii Geeska Afrika ku dhexmaray Bariga (oo xulafadii Warsaw hoostagayay) iyo Galbeedka (oo isbahaysiga NATO ku tiirsanaa). Soomaaliya waxay u janjeertay Galbeedka. Mabda’ ahaan ururkii SSDF wuxuu ahaa urur ka horjeeda shuuciyadda hase ahaatee taageero u doontay dal talis shuuci ahaa uu ka talinayay. Ilaa hadda la isma su’aalin cidda SSDF (oo mar SODAF ahayd) u soo sahmisay in Itoobiya noqoto meel ay saldhig ururku ka samaysan karo. 1984kii ciidammada Itoobiya ayaa weeraray xero ay ciidammada SSDF kaga sugnaayeen meel ka mid ah dhulka Soomaali Galbeed, oo hadda loo yaqaanno Dowlad-deegaanka Soomaalida. Isku dhicii mabdi’ii SSDF oo lidka ku ahaa shucuuyiadda iyo mabdi’ii taliskii Dergiga ee Itoobiya oo shuuciyad ku salaysnaa ayaa sababay burburkii SSDF. Labadaas mabda’ waxay u kala taagnaayeen waa la yaqaannaa, hase ahaatee kooxdii isu bixisay “Bidixda” ka mid ahayd SSDF mabda’a ay u taagnayd lama yaqaanno. © Puntland Post, 2025 The post Maxay Kooxdii “Bidixda” ee SSDF U Taagnayd? appeared first on Puntland Post.
-
Peter Drucker, the pioneering management consultant, famously began his work with corporations by asking a deceptively simple question: “What business are you in?” He discovered that many organizations—governmental and corporate alike—struggled to articulate their purpose. If we apply Drucker’s principle to Somalia, a troubling reality emerges: neither its people nor its government seem fully aware of the fundamental business of governance. Somalia remains a nation unsure of its identity, responsibilities, and the essential tenets of leadership. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) — The regional administration of Maroodi Jeex has reversed a ban on music concerts and entertainment events in Hargeisa, just hours after issuing the directive, following widespread criticism from the public and artists. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhalatay in dowladda Soomaaliya ay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble, ka hor istaagtay habraaca in baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya uu ugu safro dalka dibadiisa, gaar ahaan Koonfur Afrika. Marka la isticmaalayo baasaboorka diblomaasiga, waxaa khasab ah in la maro wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, si warbixin loola wadaago safaaradaha dalalka uu qofka masuulka ahi u safrayo. Rooble, oo ka ag-dhow madaxda xukunka joogta ee dowladda federaalka ayaan weli la cadeyn masuulka ay is hayaan, wararka qaar waxay sheegayaan in amarka loogu diiday habraaca fududeynta safarkiisa uu bixiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa, halka dadka qaar ay soo dusiyeen xog sheegeysa inay is hayaan Wasiir Fiqi oo maamula wasaaradda arrimaha dibadda, xigtana ay yihiin Rooble. Habraaca loo diiday in la marsiiyo safarka ra’iisul wasaare hore Rooble iyo saaxiibadiisa siyaasadda, ayaa qofka masuulka ah ee safraya siinaya xasaanad diblomaasiyadeed oo wadanka uu u socdo uu ku tegayo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare hore Rooble, waxaa safarka loo diiday in loo fududeeyo u raaci lahaa siyaasiyiin kale oo qaar mucaarad yahay, qaarna wasiirro xukuumaddaka tirsan yihiin. Ilo wareedyo kala duwan oo Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble, ka ag-dhow ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ay diiday inay ka soo jawaabto warqadihii codsiga safarkaas, iyadoo aan loo cadeyn sababta. Rooble, ayaa xaq u lahaa in loo ogolaado safarka hanaanka diblomaatiga loo yaqaan ee xasaanadda, iyadoo warbixintiisa lala wadaagayo safaaradaha Koonfur Afrika iyo Soomaaliya, si loo soo dhaweeyo masuulka, safarkiisana ay uga warqabaan. Dowladda Soomaaliya, weli kama hadlin arrintaan, balse waxaan ogaanay in siyaasiyiinta safarkaan ku wehliyey Rooble, ay yihiin kuwo aad u mucaarada xukuumadda, waxaana ka mid ah wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Carab oo saaxiib la ah Rooble, kuna jira Golaha Shacabka, Cabdullahi Carab ayaa toos u dhaliila xukuumadda Xamsa. Sidoo kale, xubnaha aan ogaanay in safarkaan ay ku jireen waxaa kamid ah Wasiiru dowlihii hore ee Wasaarada Qorsheynta Xildhibaan Gaani oo kol-hore ka tegay xukuumadda Xamsa, si weyna u dhaliila hoggaaminta Xasan iyo Xamsa. Maxamed Xuseen Rooble, oo isticmaalay baasaboorka dalka labaad ee dhalashada uu ka heysto ee Sweden, ayaa maanta ka dhoofay Muqdisho, isagoo u safray dalka Koonfur Afrika, maadaama uu casuumad ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.
-
Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixisay khasaaraha Argagixisada Daacish lagu gaarsiiyay hawlgalkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri” Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac), waxaa uu maanta oo ay taariikhdu aheyd 20 February 2025, uu weerar cir iyo dhul ah ku dilay 44 ka mid ah Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysay deegaannada teedsan Togga- jeceel ee buuralayda Cal- miskaad.” “Halwgalka ay ku ciribtirayaan Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo ay sameeyeen ku dileen in ka badan 15 Argagixisada Daacish ah oo Ajaanib aheyd, waxaana gebi ahaanba Ciidanku la wareegeen deegaannada Dhasaq, Qurac iyo deegaannada u dhow Damdamale oo intuba ka tirsan Togga Jeceel ee buuralayda Cal-miskaad isla markaasina fariisino u ahaa Argagixisada Daacish.” “Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka (UAE) waxay maanta duqeyn ku dileen 29 ka mid ahaa Argagixisada Daacish, Duqeynta ayaa ka dhacday labo meelood oo kala ah tuulada Damdamaale oo lagu dilay 22 Argagixiso iyo Togga damdamaale oo lagu dilay 7 Argagixiso” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Halkaan ka eeg Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed Rasmi ah ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.