-
Content Count
211,214 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Asmara (Caasimada Online) – Dowladda Eritrea ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn dagaal oo uga timid dhanka Itoobiya, kadib markii Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome uu sheegay in Eritrea ay diyaarinayso dagaal cusub oo ay doonayso inay ku qaaddo Itoobiya. “Waxaa la joogaa xilligii tallaabo la qaadi lahaa, si looga hortago dagaal kale oo ka dhaca Geeska Afrika, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu xiisad uga abuuri lahaa waqooyiga Itoobiya,” ayaa lagu yiri warbixin Al Jazeera ka soo xigatay Madaxweynihii hore ee Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa qoraal dheer kasoo saaray eedeynta ka soo yeertay Itoobiya, isagoo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay, “Isha ay ka imaanayso dhibaatada gobolka waa Itoobiya ee ma aha meel kale.” Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo mar soo noqday diblomaasi sare ayaa eedeyntiisa u cuskaday in Madaxweyne Afwerki uu xiisadda dhex taalla TPLF iyo xukuumadda dhexe ee Itoobiy u isticmaalayo fursad uu ku soo farageliyo arrimaha gudaha ee dalka Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeynta Itoobiya ka jawaabay ayaa yiri, “Waa eedeyn ka dhan ah Eritrea oo ku salaysan digniin been ah, eedeymahaas cad waxaa looga dan leeyahay in lagu qariyo oo loo qiil sameeyo ajendahooda ah inay dagaal abuuraan.” Hadalka Wasiirka u hadlay Eritrea ayaa dib u xusuusinaya dadka dagaalkii qaraaraa ee dhex maray Itoobiya iyo Eritrea. Xoogagga Eritrea iyo maleeshiyaad Amxaaro ah ayaa ku biiray ciidamada dawladda Itoobiya, bishii Maarso 2020-kii markii uu bilowday dagaalkii dhiiggu ku daatay ee dowladda federaalka Itoobiya ay ku qaaday ismaamulkii gobolka Tigray. Wasiirka Warfaafinta ee dalka Eritrea wuxuu sheegay inay ka qayb qaateen dagaalkii gobolka Tigrey, isagoo yiri, “taasi waxay ahayd codsiga xukuumadda Itoobiya nooga yimid waana ka jawaabnay.” Madaxweynihii hore ee Itoobiya ayaa eedeyntiisa ku sheegay in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, uu ka shaqaynayo inuu qaribo nabadda gobolka oo ay ku jiraan dalalka deriska ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Eritrea aysan raali ka aheyn oo weliba ka carootay heshiiskii Pretoria – Koonfur Afrika ay xukuumadda Abiy Axmed kula gashay raggii hoggaaminayey dagaalka xoggaga Tigray. Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Mr. Yemane oo eedeyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in heshiiskii Pretoria ee dagaalka soo afjaray uu ahaa arrin Itoobiya gudaheeda ah oo aysan ayaga khusayn, isagoo yiri “Eritrea ma aysan rabin inay arrimahaas gudaha ee Itoobiya faragashato.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay ku raad-joogto Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Shacabka Gobolka Banaadir, kaas oo la saaray xannibaad dhan walba ah. “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, waxa ay ku raad-joogtaa horjooge Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble (Cabdullaahi Wadaad), oo ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda Gobolka Banaadir, kaas oo ku guuldarreystay uruurinta baadda, kaddib markii uu NISA kala kulmay culeys joogto ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda. NISA, ayaa shaacisay in si dhow ay ula socoto aalad walba oo uu xiriirradiisa u isticmaalo, waxa ay ka digtay la macaamilkiisa guud iyo ka ag-dhawaanshaha goobaha uu ku sugan yahay, maaddaama mar kasta ay beegsa karto Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Muwaaddin haddii aad heyso xog ku saabsan horjoogahan la wadaag hay’adaha amniga oo la xiriir lambarka 199 ama WhatsApp 0770747474,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Hay’adda NISA ayaa qofkii ay xogtiisu guuleysato ka balan qaaday inay heli doonto abaal marin maqaamkeedu sarreeyo. Cabdullahi Wadaad oo ah ninkaan Wantedka ah ee dowladdu ku raad-joogto ayaa aad u dhibay shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada, waxaana la sheegay in gobolka Shabeellaha Hoose uu ku dhuumaaleysto. Hoos ka eeg sawiradiisa
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shixnad qalab caafimaad u direysa magaalada Hargeysa ee caasimadsa maamulka Somaliland. Shixnadan ayaa isugu jirta gaadiidka gargaarka deg-degga ah, taas oo sidoo kale la geynayo isbitaallada Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa shalay qalabkan caafimaad iyo gaadiidka nooca gar gaarka deg-degga ah kala wareegey hay’adda caafimaadka aduunka. “Qalabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo Isbitaalada Demartino, Banaadir iyo Isbitaalda magaalooyinka Hargeysa Kismaayo Cadaado iyo Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in wax weyn uu ku soo kordhin doono nidaamka caafimaadka Soomaaliya, isagoo xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu gaarsiin doono qalabkan isbitaaladii loo qorsheeyay, si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo dhameystiran. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed u heli laheyd adeeg caafimaad oo dhameystiran oo laga heli karo goob kasta. Si kastaba, qalabkan caafimaad ayaa wuxuu qeyb weyn ka qaadan doonaa xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.
-
Dowladda Ingiriiska ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya. Safiirka cusub, oo lagu magacaabo Charles King, ayaa beddeli doona safiirkii hore, Michael Nithavrianakis, oo muddadii xilkiisu dhammaaday. Danjire Charles King ayaa la filayaa inuu si rasmi ah shaqada u bilaabo bisha May ee 2025. Charles King waa diblomaasi khibrad leh oo hore uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Liibiya, Ciraaq, Israa’iil iyo kuwo kale. Magacaabistiisa ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya. Safiirkii hore, Michael Nithavrianakis, ayaa xilka la wareegay bisha May ee 2023, isagoo beddelay Ms. Kate Foster oo xilkan haysay tan iyo bishii Febraayo ee 2021. Intii uu xilka hayay, Nithavrianakis wuxuu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya. Magacaabista Charles King ayaa la filayaa inay sii xoojiso wada shaqeynta iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageeridda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa Arbacadii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio, oo booqasho ku tegay Abu Dhabi, in Imaaraadku si adag uga soo horjeedo barakicinta Falastiiniyiinta, sida ay werisay warbaahinta dowladda. Sheekh Mohammed “wuxuu xaqiijiyay mowqifka adag ee Imaaraadka ee ka dhanka ah dadaal kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda,” ayey tiri wakaaladda wararka ee WAM. Rubio ayaa ka ambabaxay Abu Dhabi kadib booqasho gaaban oo uu ku tegay Imaaraadka, taasoo ahayd qeybtii ugu dambeysay ee safarkiisii ugu horreeyay ee Bariga Dhexe. Safarkiisa ayaa diiradda lagu saaray wada-hadallo ku saabsan qorshaha uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ah in Gaza la geliyo gacanta Mareykanka isla markaana dadkeeda la raro. Intii uu safarka ku jiray, Rubio wuxuu sidoo kale Talaadadii wadahadallo muhiim ah kula yeeshay magaalada Riyadh saraakiil Ruush ah, iyadoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine. Madaxweynaha Imaaraadka “wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib u dhiska Gaza uu la socdo hannaan horseedaya nabad waarta oo ku saleysan xalka laba dowladood,” sida ay WAM werisay. Booqashada Rubio ee Imaaraadka ayaa ku soo beegantay kahor shir ka dhici doona Sacuudiga maalinta Jimcaha, kaasoo ay ka qeyb galayaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Masar iyo Urdun, si ay uga arrinsadaan qorshaha Trump ee ku saabsan Gaza. Maamulka Trump, oo gabi ahaanba diidan in Hamas door ku yeelato mustaqbalka dhulka Falastiiniyiinta, ayaa dalalka Carabta ka dalbaday inay keenaan qorshe beddel u ah qorshihiisa. Dalalka Carabta, si weyn ayay uga soo horjeedaan barakicinta Falastiiniyiinta ku sugan Gaza. Trump ayaa soo jeediyay in Mareykanku la wareego maamulka Marinka Gaza, oo burbur xoogan soo gaaray kadib 15 bilood oo dagaal ay Israa’iil wadday ah, halka 2.4 milyan oo qof oo degan Gaza loo raro dalalka deriska ah sida Urdun iyo Masar. Isniintii, intii uu ku sugnaa Sacuudiga, Rubio wuxuu la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, isagoo adkeeyay “muhimadda ay leedahay in la helo xal Gaza oo gacan ka geysan kara xasilloonida gobolka,” sida lagu sheegay bayaan rasmi ah. Axaddii, intii uu ku sugnaa magaalada Qudus, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka wuxuu ballanqaaday taageero buuxda oo Mareykanku siiyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isagoo Israa’iil siiyay oggolaansho buuxa oo ay ugu dhaqaaqi karto sidii ay doonto xaaladda Gaza, halkaas oo xabad-joojin jilicsan ay dhaqan-gashay 19-kii Janaayo. Talaadadii, Rubio wuxuu hoggaaminayay wafdi Mareykan ah oo wadahadallo aan caadi ahayn kula yeeshay magaalada Riyadh wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov.
-
𝗚𝗨𝗨𝗦𝗛𝗔 𝗗𝗔𝗪𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗗𝗝𝗜𝗕𝗢𝗨𝗧𝗜 𝗞𝗔 𝗦𝗢𝗢 𝗛𝗢𝗬𝗦𝗔𝗬 𝗛𝗢𝗚𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗠𝗜𝗗𝗢𝗪𝗚𝗔 𝗔𝗙𝗥𝗜𝗖𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗨 𝗚𝗘𝗗𝗔𝗔𝗠𝗔𝗡. Guusha dawladdq Djibouti ka soo hoysay hogaaminta midawga Africa iyo waayahz ku gadaaman Shirkii midowga Africa ee ka dhacay Addis-ababa 15 iyo 16 February 2025 waxa gudoomiye loo doortay Mohamoud Ali Yusuf oo ah wasiirka arimaha dibada Djibouti mudada afarta sanadood ee inagu soo fool leh hogaamin doona. Waxa uu ahaa tartan u dhexeeyey dawladaha Geeska Africa oo iyagu leh hogaaminta afarta sano ee soo socda waxaanu tartankaasi dhex maray dawladaha Djibouti, Kenya & Madagascar oo ay ka kala socdeen Mohamoud Ali Yusuf ( Djibouti) , Raila Odinga ( Kenya ), iyo Richard Randriamandrato ( Madagascar). 𝘎𝘌𝘌𝘚𝘒𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘌𝘌 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘒𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘒𝘖𝘙𝘋𝘏𝘐𝘕 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈? Waa su’aal u baahan jawaab in loo helo , maadaama Gobolka Geeska Africa yahay gobol aan xasilooni amni iyo mid siyaasadeed oo rasmi ahi ka jirin mudo dheer , sidoo kale ka mid ah gobolada marka Africa inteeda kale loo eego ugu hooseeya xaga dhaqaalaha , nolosha iyo horumarka. Waxa aan is leeyahay wax badan la qaban kari maayo oo ururka midowga Africa laftiisa ayaan awoodiisa iyo aaminaadiisu midina weynayn , kaliya waxa lagu guuleystay uun in Africa urur ay wada leedahay sameysato , yoolka ugu weyn iyo hiigsiga midowga Africa waxaa la yidhaahdaa 2063 Africa horumarsan , degan , nabdoon oo dunida la jaanqaada in la gaadho , laakiin sida wax u socdaan ma muuqato. Geeska Africa oo ka mid ah meelaha u baahan in hawl weyn laga qabto sida Somaliland & Somalia , xaaladaha Sudan , Erateria iyo Djibouti , south Sudan lafteeda iyo siyaasadaha baaxaa degaya ee marba dalal is xulafaysi yeelanayaan , sida Somaliland iyo Ethiopia, Ethiopia iyo Somalia , Djibouti iyo Somalia , waa hawl weyn oo u taala midowga Africa. 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘠𝘐𝘏𝘐𝘐𝘕 𝘏𝘈𝘞𝘓𝘈𝘏𝘈 𝘏𝘖𝘙𝘠𝘈𝘈𝘓𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘚𝘈𝘕𝘈𝘋𝘈𝘏𝘈 𝘐𝘕𝘈𝘎𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘍𝘖𝘖𝘓 𝘓𝘌𝘏 ? Africa arinkeegu waa halkii uu ka gabyey Abwaan Abdilahi Suldan timocade ee ahaa ” Markuu dab bakhtiyoba meel kalaa dogob ka qiiqaaye ” oo ah marka la is yidhaahdo raysate ba dhibaato hor leh ayaa bilaabanta , markaa lama yareysan karo hawlaha horyaalla midowga Africa, laakiin hadii aynu wax ka taataabano ; 1- Waxay ku beegmeen xili aduunkii dhaqaalaha ku bixin jirey xasilinta Africa sida USA, UK iyo EU dib uga fekerayaan dhaqaalaha caawimada ah ee Africa la siiyo , arinkaasi oo caqabad hor leh ku noqon doonta hogaanka cusub ee loo doortay midowga Africa. Maxay ahaayeen lacagaha Africa la siiyo ee wadadamada iyo ururada aynu soo sheegnay siin jireen qaarada Africa? Qaarada Africa waxay noqotay aduunka meesha ugu hayaanka badan ee dadkeegu ku qulquleen wadamada Europe iyo maraykanka , arimahani oo sababay culeysyo badan oo ay dareemeen dawladaha Europe iyo maraykanka oo dadka inta ugu badani tagi jireen. Haddaba markii mudo dheer la darsayey waxaa la isla gartay in Africa la xasiliyo oo dawladaha ka jira la taageero si fursad loogu helo in dadka soconaya u negaadaan , sidoo kale kheyraadka dihin ee wadamadooda looga faaiideeyo. Qorshahaasi waxa kale oo qaatay qaramada midoobay ( UN ) iyo Baanka Aduunka ( World Bank ) oo iyaguna qorshe daraasadahaasi laga helay ku jaangooyey siyaasadooda lagu maamulo mucaawimooyinka iyo taakulooyinka horumarinta , inkasta oo aan ilaa hadda ujeedo la taaban karo la gaadhin. 2- Colaadaha soo noq-noqda ee dawladaha Africa oo intooda badani ka yimaadaan awood ku dirir , kala hororsiga khayraadka iyo dhinaatooyin xuduudaha dawladaha Africa ah dhib ururku mudo dheer war bixino faro badan iyo xeerar ka soo saarayey. 3- Abaaraha , isbadelka cimilada iyo faqriga oo qaarada Africa saameyn xoogan ku yeeshay , gaar ahaan isbadelka cimilada aduunka ee ay sababeen wadamada wershadaha ka horumaray waxay dhibtiisa ugu badani saameysaa qaarada Africa, waa dood taagan oo madax badan oo qaarada ahi ku dhiiratay inay ka hadasho. 4- Cudurada faafa iyo caafimaad darida oo qaarada Africa tahay halka aduunka ugu nugul marka aad eegto sidii ay u saameeyeen cudurada HIV/AIDS , Anthrax, Avian influenza, chicugunya, cholera, covid-19, Crimean-Congo haemorrhagic fever , Dengue Fever , Ebola Virus Disease, Hepatitis B virus , Hepatitis C virus, Hepatitis E Virus, lassa fever, Malaria , Marburg virus disease, measles, Meningococcal meningitis , middle east respiratory syndrome, mpox, plague, poliomiyilties, rift valley fever, tuberculosis, yellow fever, zika virus. 5- Dagaalada aaraa iyo aragti ku dirirka ee loo yaqaano argagixisada oo qaarada Afrika gaar ahaan galbeedka, badhtamaha , waqooyiga iyo barigaba halis weyn ku haya oo aan baryahaa laga gayoonayn ayaa ka mid ah hawlaha ururka ugu adag ee horyaalla. 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘏𝘈𝘓𝘒𝘈𝘠 𝘒𝘈 𝘉𝘐𝘓𝘈𝘈𝘉𝘐 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈 𝘏𝘈𝘞𝘓𝘈𝘏𝘈 ( 𝘈𝘜 ) 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠𝘚𝘌 𝘙𝘈𝘈𝘋 𝘒𝘈 𝘛𝘈𝘎𝘐 𝘋𝘖𝘖𝘕𝘛𝘈𝘈 ? Maah-maah qalaad baa tidhaahda ( Charity begins home ) oo macno ahaan loo soo qaato hawl walba hoygaaga ayaa laga bilaabaa , markaa dalka Djibouti mandaqada uu ku yaallo ee hogaaminta iska leh ayaan filayaa inuu xalkeeda iyo xasilinteeda ka bilaabi doonto hawlaha qaarada Africa ee laga sugayona waxaa ugu waaweyn ; 1- Qadiyada Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya dhex taala, oo ah kiis taagnaa muddo dheer , hogaaminta Djibouti arinkaasi waxa uu u noqon doonaa bar bilow iyo meel wax ka bilaabmaan , hadii lagu guuleystona waxay noqoneysaa taariikhda Djibouti kaga suntanaan doonto hogaaminteedu dawladihii uga horeeyey hogaaminta AU ( legacy). 2- Degananshaha nabadeed ee gobolka Geeska Africa oo aan fadhiyin oo u baahan in si dhab ah loo lafo guro dadka gobolkani ku nool ee lagu qiyaaso laba boqol afartan iyo sideed milyan ( 248 ee qof u horseeda mustaqbal iyo nolol wanaagsan. 3- Ururka gobolka Geeska Africa leeyahay ee IGAD oo aan awood badan lahayn ama aad u liita marka urur goboleedada kale loo eego oo isagana dib u dhis iyo kor u qaadid lagu sameeyo. 4- Gobolka Geeska Africa oo loo sameeyo urur goboleed dhaqaale sida Ururka dawladaha bariga Africa ah oo fududeeya ganacsiga , maalgashiga , isku socodka dadka iyo kor u qaadida is-ahaanshaha dadka gobolka Geeska Africa ku nool. 𝘑𝘈𝘔𝘏𝘜𝘜𝘙𝘐𝘠𝘈𝘋𝘈 𝘚𝘖𝘔𝘈𝘓𝘐𝘓𝘈𝘕𝘋 𝘔𝘈𝘟𝘈𝘠 𝘜𝘎𝘈 𝘋𝘏𝘐𝘎𝘈𝘕 𝘛𝘈𝘏𝘈𝘠 𝘎𝘜𝘜𝘚𝘏𝘈 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘌𝘌 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘈 𝘔𝘐𝘋𝘖𝘞𝘎𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈? Dadka Jamhuuriyada Somaliland ayaan guud ahaan ku farxin in Djibouti hogaamiso midowga Africa iyaga oo ku sababaynaya qodobadan soo socda ; 1- Xidhiidhka Jamhuuriyada Somaliland iyo Djibouti oo mudooyinkii ugu dambeeyay aan wanaagsanayn ka dib markii danaha dawladaha iyo tartanka istaratijiyaduhu sababeen waji dadab xoogan. 2- Tartanka dekedaha iyo horumarka ee ka dhexeeya Djibouti iyo Somaliland oo dadka jamhuuriyada Somaliland u arkaan inay Djibouti uga faaiideysan doonto xilkaasi weyn ee hogaaminta midowga Africa. 3- Djibouti oo aan dhex-dhexaad iyo kaalin cadaaladeed siyaasadeedu ku fadhiyin marka Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya arimahooga noqoto , arinkaasi oo halis ku ah masiirka qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo qadiyada jamhuuriyada oo midowga Africa iyo wadamo badani hore uga garaabeen sharcinameeda , xaqnimadeeda iyo kasbashadeeda aqoonsi caalamiya inay hesho. 𝘔𝘈 𝘋𝘏𝘐𝘊𝘐 𝘒𝘈𝘙𝘛𝘈𝘈 𝘐𝘕 𝘋𝘑𝘐𝘉𝘖𝘜𝘛𝘐 𝘏𝘖𝘎𝘈𝘈𝘔𝘐𝘕𝘛𝘌𝘌𝘋𝘜 𝘚𝘖𝘖 𝘋𝘌𝘋𝘌𝘑𝘐𝘚𝘖 𝘈𝘘𝘖𝘖𝘕𝘚𝘐𝘎𝘈 𝘑𝘈𝘔𝘏𝘜𝘜𝘙𝘐𝘠𝘈𝘋𝘈 𝘚𝘖𝘔𝘈𝘓𝘐𝘓𝘈𝘕𝘋? Waa su’aal aad in la isku weydiiyo ay noqoneyso xiligan oo dhinaca dadka jamhuuriyada Somaliland ka istaageen maaha e dhinac kale laga soo istaagi karo sababahan awgood; 1- Djibouti hadii ay si ka madax banaan nidaamkii siyaasada dalkooga ku hogaamiyaan midowga Africa waxaa dhici karta inay noqdaan dalka qaata libinta dhameystirka Geeska Africa iyo bariga Africa arimaha yaalla oo qadiyada jamhuuriyada Somaliland ka mid tahay oo horena u saaran miiska midowga Africa iyaga oo war bixintii xaqiiqo raadinta ee 2005 na xaqiijisay inay jamhuuriyada Somaliland mudan tahay aqoonsi. 2- Djibouti hadii ay ku daaleen iyaga oo dal ah arimaha soomaalida oo muddo 35 sanadood ah ay la raadinayeen nabadgalyo , dawlad dhis iyo deganaansho reer Muqdisho, suuragal ma tahay hindisaha laba dal oo deris ah walaalo ah in lagu dhameyn karo Somaliland iyo Soomaaliya xaaladooda , Haa waa la odhan karaa in fekerkaasi yimaado oo laga fekero inaan Geeska Africa ragaad sii ahaan sanooyin badan oo dambe. Mohamed Abdi Jama Dhimbiil Mohamed Senior politics and Geopolitics Analyst Qaran News
-
Chinese Foreign Minister Wang Yi discussed China-Somalia relations with Somali Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmi doona 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota. Furitaanka kalfadhigga ayaa imaanaya xilli uu sii xoogeysanayo guuxa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka. Marka laga hadlayo Golaha Shacabka, xukuumaddu waxay heli kartaa illaa 60 wasiiro oo kamid ah Golaha Wasiirrada, 30 xildhibaanno oo lacago yaryar la siiyo bishii iyo 30 xildhibaan oo dhulal iyo dano qandaraasyo ah kula jooga dowladda. Tiradaas waa 120 xildhibaan, wallow kuwa qandaraasyada iyo dhulalka qaata ay u badan yihiin xildhibaanno waaweyn oo aan banaanka usoo istaagi doonin difaaca ra’iisul wasaare Xamza. 155 xildhibaan oo Golaha Shacabka ayaa diidan xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza iyo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh. Laakiin intooda badan mabda’ ahaan uma diidana ee dano gaar ah ayey isku hayaan, sida; dhaqaale, dhulalka baddi la siiyay xildhibaannada ku haybta ah madaxweynaha, iyo qaar aaminsan in haddii xukuumad cusub timaado inay wasiiro heli karaan. Ra’iisul Wasaare Xamza tan iyo markii uu xukunka yimid markaan ayuu si dhab ah u dareemaya culeyska diidmada baarlamaanka, mana ahan nin ku filan inuu isdifaaco, maadaama uu isagu haynin faylka xildhibaannada, midka dhaqaalaha iyo kan ciidanka midna. Haddaba, weydiintu waxay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ma difaaci doonaa Xamza? Waxaan muran badan ka taagneyn in haddii madaxweynuhu dhexda u xirto howshan inuu ra’iisul wasaaraha ka badbaadin karo mooshinkan, balse waa lagu kala aragti duwan yahay inuu Xasan Sheekh diyaar u yahay inuu xilligaan difaaco ra’iisul wasaare Xamza. Dadka qaar waxay leeyihiin Xasan Sheekh waa ku caajisay Xamza. Ra’iisul Wasaare aan qabiilkiisa haysan, maamul goboleedyada reerkiisa tagi karin oo heshiisna la aheyn, amniga wax ku biirin karin, dhaqaale dibadda kasoo raadin karin, dhanka beesha caalamka wax badan ka gelin, siyaasadda gudaha aan xalin karin, aragtida doorashada aan iibin karin, baarlamaanka kaa xigsan karin oo aan wax shaqo ah kaaga aadaneyn waa adag tahay inaad haysato. Waxaa intaa dheer fadhiidnimada inta badan xubnaha Golaha Wasiirrada, sidaas darteed madaxweynuhu dagaal badan uma gali doono difaaca ra’iisul wasaaraha haddii uuba arko inuu mooshinka dhab ka yahay xildhibaannada Golaha Shacabka, ayey dadka qaar leeyihiin. Inuu ra’iisul wasaaraha gacan kale ku baxo intuu isaga eersan lahaa inay isaga daawo u tahay Xasan Sheekh, ayaa loo badinayaa. Qeyb kale oo dadka siyaasadda ka hadla waxay leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh waa difaacanayaa ra’iisul wasaare Xamza oo waa kala furfuri doona mooshinka, sababtoo ah waa adag tahay inuu Xasan Sheekh helo qof kale oo sida Xamza wax walba oo qaldan ku raaci kara. Indhaha ayaa lagu wada hayaa sida uu madaxweyne Xasan Sheekh arrintaan u wajaho, iyadoo dhaq-dhaqaaqiisa maalmahan soo aadan laga dareemi doono “diidid iyo doonis midii uu qabo”.
-
Wareeggii koowaad ee wahdahadallo farsamo oo dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo daba socdey bayaankii Ankara ee labada dowladood kala sixiixdeen 11-kii Desember 2014, ayaa shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Guddiyo farsamo oo kala matalayey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku arkay shir labo geesood ah oo ay martigelisey Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, waxaana labada guddi kala hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Itoobiya Gedion Timothewos, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad). Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedion Timothewos iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ay ku yeesheen magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga wejigii koowaad ee wada-xaajoodka farsamada Warmurtiyeed kooban oo laga soo saaray gunaanudkii shirka ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo bayaankii Ankara, Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Cali iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, oo kaashanaya Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, ay wafuudda labada dal ay isugu yimaadeen wadaxaajood looga gollahaa hirgelinta aragti ku qotonta dhabbaha lagu tiigsanayo mustqabal ku dhisan barwaaqo iyo xasillooni. Warmurtiyeedku wuxuu kale oo tibaaxay in ‘intii lagu guda jirey wareeggii koowaad ee wadahadallada farsamada, labada guddiba waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in sida ay tahay loo fuliyo waxyaabihii ku jirey Bayaankii Ankara’. Warku wuxuu intaas ku daray in ‘Gudidu ay billaabeen in ay seeska u dhigaan howsha aragtidana loogu beddalayo ficil, islamarkaana lagu hiigsanayo horumar waara oo faa’ido u leh danaha laba geesoodka ah. Ugu dambeyntii labada guddiba waxay uga mahadceliyeen dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u hayso diyaarinta wajiga labaad ee wadahadallada dhacaya bisha Maarso 2025. Xigashada Sawirka,Baraha Bulshada Qoraalka sawirka,Bishii December, hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, Bishii December, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, waxayna ku heshiiyeen in la bilaabo wada-hadallo farsamo oo la doonayo in lagu gaaro heshiis macquul ah oo ilaalinaya midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyadoo loo oggolaanayo Itoobiya inay hesho marin badeed. Ka dib markii uu dhacay kulankaas ayuu wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da’uud Aweys yiri “labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo warmurtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso isqaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal”. Luqaddii ay markaasi madaxdu adeegsanayeen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in “heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray”. Soomaaliya waxay muddadii khilaafku taagnaa ku adkaysanaysay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland, shardigaas oo u muuqda in uu hadda hirgalay, maadaama ay itoobiya sheegatay in ay u marayso danaheeda Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya. Waa maxay sababta Turkigu ugu lug leeyahay wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya? Xigashada Sawirka,SNTV Qoraalka sawirka,Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo Turkigu ka caawinayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada badda ee Geeska Afrika. Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobiya ayaa codsatay in Turkiga uu fududeeyo wada hadallada. Waxaa la soo jeedinayaa in Addis Ababa ay aad u daneyneyso in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo Soomaaliya ay olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ku dooneysay inay taageero uga hesho dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale dalalka Khaliijka. Maxay tahay sababta arrintani muran badan u dhalisay? Soomaaliya, Somaliland waxay u tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Soo jeedin kasta oo ah in ay heshiis la gasho waddan kale ama in yar oo ka mid ah la kirayn karo iyada oo aan oggolaansho laga helin Muqdisho waa saameyn weyn. Maalin kadib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida”. Waxa kale oo ay u yeeratay safiirkeedii Addis Ababa. Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa markii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho. Isla markii uu heshiiskaasi dhammaaday, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa sii kordhiyey isagoo yiri: “Waan difaaci doonnaa dalkeenna, waanu difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, waxaana taageero weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa. Waxa uu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, waxa uuna Itoobiya ku tilmaamay cadowga dalkiisa. Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xafiiltan soo jireen ah. Sanadihii 1977 iyo 1978, Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo ay ku doonayeen in ay ku maamulaan dhulka hadda loo yaqaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskaasi, iyadoo tobanaan kun ay isugu soo baxeen. Bbcsomali Qaran News
-
Bangiga maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyey in dib loo fasaxay isticmaalka lacagta $50, taasoo horay looga mamnuucay suuqyada Puntland tan iyo 2021. Sababta mamnuucidda hore waxay la xiriirtay lacag been abuur ah oo la geliyay suuqa, taasoo keentay in la hakiyo isticmaalkeeda. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Bangiga Dowladda Puntland: Dib-u-fasaxista isticmaalka $50 – Bangiga Puntland wuxuu shacabka wargelinayaa in lacagta $50 si caadi ah loo isticmaali karo, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin, sida lacagaha kale ($100, $20, $10, $5). Waajibaadka hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada – Waxaa amar lagu siiyay dhammaan bangiyada, shirkadaha xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha elektarooniga ah iyo ganacsatada in ay aqbalaan lacagta $50 sida lacagaha kale. Xaqiijinta iyo ka hortagga lacagaha been abuurka ah – Waxaa la faray in hay’adaha shaqada leh ay si degdeg ah u qabtaan lacagaha looga shakiyo been abuur, si looga hortago khataraha dhaqaale ee ka dhalan kara. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray wasiirka cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin, kadib markii madal ay ku shirayeen xubnaha Xisbiga Madaxweynaha ee UPD uu ka sheegay in saraakiishii magaalada Muqdisho ku sugneyd loo diray furimaha dagaalka, kuwaas oo qaarkood la dilay. Xasan Macallin ayaa shaaca ka qaaday in inta badan saraakiishii dhibi jiray shacabka la howl-geliyay, isla markaana loo diray shaqadooda oo ah la dagaallanka argagaxisada. “Saraakiishii banaan-baxayaasha baacsan jiray oo xabadeyn jiray waxaa loo diray furimaha mar kale dad ma dhibi doonaan,“ ayuu yiri wasiirka cadaalada Soomaaliya. Hadalkan ayaa dhaliyay carro xoogan iyo tuhun wayn, waxaana dadka qaar oo ka fal-celiyay ay su’aallo ka keeneen hadalka wasiirka, maadaama horay dagaallada socda loogu laayay saraakiil muhiim ah oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa ciidanka qalabka sida. Haddaba sidee looga fal-celiyayay hadalka kasoo yeeray wasiirka? Cabdixakiin Macallin Nuur Xuseen: “Saraakiishii waan shir-qoolnay oo cad waaye warkaan”. Gacal Ayman: “Xasan Macallinow, Jacfar waa joogaa furimaha ma jiro, taas xisaabta ku darso!”. Ayuub Isaaq: “Run badana inta furimaha u direen ayay hawada ku cuneen Farxaan Qaroole ayaa ka mid ahaa ilaah ha u naxariiisto”. Abuukar Gaatamow: “Shakigaas horaa loo qabay, haddane wa midaa caddesay wixii cabsi idin galiyo in la mashimo wa la idinku yaqiinay”. Maxamuud Akid: “Koley waxa saas looga diganaayo waa Shaah Macabe, Farxaan Qaroole IWM AHU dee!”
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo dhowaan uun xilkaas uga guuleystay Raila Odinga ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda Kenya oo ku howlan dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya dalka Suudaan. Guddoomiyaha ayaa si adag uga hadlay tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ee ku aadan saxiixa heshiis ku aadan xaaladda Suudaan, isaga oo sheegay inuu hal dhinac ka raran yahay, isla markaana uu uga sii dari karo xaaladda diblumaasiyadeed ee gobolka. “Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka”. Kenya ayaa marti-gelin u samaysay xoogagga mucaaradka ee waddanka Suudaan, laakiin waxaa arrintaasi durbadiiba walaac xoogleh ka muujisay dowladda dalkaasi. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:- Go’aanka Kenya ee martigelinta saxiix heshiis siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhinacyada isku haya Suudaan wuxuu gobalka gelinayaa xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah. In kasta oo Nairobi ay muddo dheer caan ku ahayd dhexdhexaadinta colaadaha gobolka, tallaabadan halista leh ayaa ka dhigaysa in lagu eedeeyo inay u xaglineyso dhinaca RSF. Jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin. Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka. Si ay u sii ahaato dhexdhexaadiye lagu kalsoonaan karo, Kenya waa inay si taxaddar leh u maareysaa doorkeeda, iyada oo xoojinaysa dhexdhexaadnimada iyo wadahadallo loo dhan yahay. Haddii ay doonayso in ay sii ahaato hormuud nabadeed, waa in ay hubisaa in dadaalkeedu aanu sii hurin xiisadda balse uu horseedo xal waara oo ay dhinacyadu ku qanacsan yihiin.
-
Puntland Defence Forces’ senior commanders discussing tactics in Calmiskaad. Boosaaso (PP News Desk) — Puntland Defence Forces in the Calmiskeed mountain range yesterday cleared hideouts that ISIS had used as ammunition and supply depots. In Boosaaso, the public tipped off security forces about ISIS cells tasked with collecting extortion money from businesses. “Citizens are taking an active role in helping security forces combat ISIS cells in the towns. There is a telephone number to call to report terrorist activities. Our people have boosted the morale of the Puntland Defence Forces” said a senior security officer in Boosaaso. It is becoming increasingly clear that ISIS was planning to turn Calmiskeed into a terrorism fiefdom, harbouring foreign outlaws and fugitives. ISIS mined parts of Calmiskeed and nearby villages in what a security expert described as a desperate attempt to forestall the advance of Puntland troops. “There is a strong perception that ISIS terrorists from foreign countries outnumber Somalis who were brainwashed into joining the terrorist group” said the security expert. Foreign terrorists poured into Puntland to take advantage of rival security apparatuses that resisted central control by the Puntland State government. The Puntland State government kept a lid on preparations for counterterrorism operations against ISIS to prevent the terrorist group from exploiting the fractious nature of rival intelligence services. The Federal Government of Somalia congratulated Puntland State on its counterterrorism operations against ISIS. “Puntland forces will defeat ISIS” said the President of the Federal Republic of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Forces Clear ISIS Tunnels in Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Sudan ayaa Kenya ku cambaareysay marti gelinta kooxda fallaagada ah ee RSF, ayadoo magaalada Nairobi lagu qabtay munaasabad ay qeyb-galeen xubno ka tirsan kooxdaasi. Dowladda Suudaan ayaa arrintaas ku tilmaantay mid aan si cad u xushmeyn waajibaadka Kenya ka saaran sharciga caalamiga ah, maadaama munaasabad lagu taageerayo ciidamada RSF, oo ah koox dagaal kula jirta militariga Sudan ayTalaadadii ku qabtay magaalada Nairobi, islamarkaana looga hadlay sidii dowlad looga dhisi lahaa deegaannada ay gacanta ku hayso RSF. War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayay kaga digtay in tallaabadan oo kale ay kala dhantaalayso dowladaha Afrika, ayna xad-gudub ku madax-bannaanideeda, iyadoo sheegtay in ay Kenya faragelin ku haysa arrimaheeda gudaha Suudaan. “tani waxay jebinaysaa Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Dastuuriga ah ee Midowga Afrika, iyo mabaadii’da la dejiyay ee nidaamka caalamiga ah ee xilligan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan. Magaalada Nairobi ayaa Talaadadii lagu qabtay munaasabad ay dowladda Suudaan sheegtay in Kenya ay marti-gelisay, loogana hadlayay sidii maamul gaar ah loogu samayn lahaa deegaanada ay maamusho RSF. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya guuxa mooshinka culus ee ka dhex socda baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo lasoo wariyay in qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ay ka wadaan ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sida ay ogaatay Caasimada Online, mooshinkan ayaa ujeedka uu yahay in lagu daah-furo kulamada ugu horreeya ee Kalfadhigga 6-aad ee baarlamaanka labadiisa gole oo furmi doono 22-ka bishaan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socota. Xildhibaannada wada mooshinka oo u badan kuwa mucaaradka ee kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo codka ah ayaa ku eedeynaya ra’iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa fadhiidnimo iyo inuu gabay shaqadii loo igmaday ee golaha fulinta. Hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay mooshinkan oo guuxiisa haatan si weyn loo dareemayo, waxaana sidoo kale barbar socda qorshe kale oo ay Villa Soomaaliya ku burburineyso mooshinka, si ay uga hortagto xilka tuurista ra’iisul wasaare Xamza. Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan mooshinkan, wuxuuna ku tilmaamay arrin fawdo ah oo la doonayo in la’isaga horkeeno madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. “Aniga waxaan leeyahay qof weliba shaqadeeeda ha aqoonsato, baarlamaan intay leeyihiin Xamza ayaanu rideynaa ma oga miyaa baarlamaankii ninbaa xaqiray oo guddoomiyihii baarlamaanka kasoo eryay Puntland u diiday inay tegto kaa mala xisaabtami karaan miyaa? ayuu yiri Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle. Cosoble ayaa si weyn u ammaanay Xamza, wuxuuna tilmaamay in muddada uu joogo xafiiska uu qabtay shaqo wanaasgan sidoo kalena uu daacad u yahay madaxweynahiisa. “Ra’iisul wasaare Xamza waxaan leeyahay muddada aad ra’iisul wasaaraha ahayd runtii waxaad muujisay karti, dowlad aqoon-nimo waxaad muujisay 100% madaxweynihii ad is dhaarsateen ee aad ka wada shaqeyneyseen horumarka dalka in aad sidii ahayd ula shaqeyneyso, jidkaaga ku soco” ayuu mar kale yiri siyaasiga Cali Cabdullahi Cosoble. Hoos ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-
-
Agaasimaha guud ee Bankiga PL Dowladda Puntland oo Warsaxaafadeed soo saartay ayaa dib u fasaxday isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo in ka badan 4 sanno aan laga adeegsan degaannada Puntland kaddib markii ay suuqa soo gashay lacag $50 Dollar oo Faaliso (been-abuur ah). Warsaxaafadeed ka soo baxay Bankiga dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay isticmaalka Lacagta $50 Dollar ah oo suuqa ka maqnayd tan iyo sannadkii 2021 kaddi markii ay xilligaasi suuqa soo gashay lacag been-abuur ah oo $50 Dollar taasi oo sababtay in laga aamin-baxo guud ahaan Lacagta $50. “Bangiga Dowladda Puntland wuxuu ku wargelinayaa shacabka Puntland in si rasmi ah loo fasaxay isticmaalka lacagta $50ka doolar, lyada oo aan lagu xirayn wax shuruud marka laga reebo shuruudaha la mariyo lacagaha kale sida $100, $20, $10 iyo $5” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka dowladda. “Waxa la farayaa dhammaan Bangiyada, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha elektarooniga ah iyo ganacsatada inay si caadi ah u isticmaalaan una aqbalaan lacagta $50-ka doolar si lamid ah lacagaha kale” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay Bankiga dhexe ee Puntland. Bankiga dowladda Puntland ayaa sidoo kale ka dalbaday dhammaan Bankiyada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta in haddii la qabto Lacag looga shakiyo been-abuur ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan Bangiga dowladda Puntland si Hay’adaha ku shaqada leh ay uga hortagaan khatarta ka dhalan karta. PUNTLAND POST The post Puntland oo fasaxday Isticmaalka Lacagta $50 Dollar oo aan mudda 4 sano ah laga adeegsan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Diblomaasiyiinta sare ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Talaadadii yeeshay wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo lagu raadinayo xalka khilaaf ka dhashay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga. Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dalalkan Geeska Afrika, iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda oo sii korortay ay horseedi karto isku dhac cusub oo ka dhaca gobolka horeyba xaaladiisa u kacsaneyd. Xiisadda ayaa kacday kaddib markii Itoobiya, oo aan lahayn bad, ay sannadkii hore la saxiixatay Somaliland heshiis is-afgarad ah oo ay dhul xeebeed kaga kireysaneyso si ay saldhig ciidan badeed uga sameysato. Sida lagu heshiiyey, Itoobiya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland. Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay ku dooday in heshiiskan uu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka. Bishii December, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay Turkiga, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la billaabo wadahadallo farsamo oo lagu raadinayo heshiis suurtagal ah, kaas oo dammaanad qaadaya madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana u ogolaanaya Itoobiya inay hesho marin badeed. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in wafdiyada ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ay yeesheen wejigii ugu horreeyay ee wadahadallo farsamo ah oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara. “Labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay fulinta qodobada iyo ruuxda Bayaanka Ankara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, oo xiganeysa heshiiskii la gaaray bishii December. “Wafdiyadu waxay billaabeen dadaallo lagu xaqiijinayo aragtidaas.” Wareegga labaad ee wadahadallada ayaa lagu wadaa inuu dhaco bisha Maarso, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda. Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh maal-gashi ballaaran, oo ay ka mid tahay saldhigga ugu weyn ee ciidan ee uu dibadda ka dhistay. Somaliland ayaa sheegtay in ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, hase yeeshee lama aqoonsanin xornimadeeda, mana ay aqoonsana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Itoobiya, oo lagu qiyaaso inay leedahay dad ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan caalamka ee aan lahayn bad.
-
Donald Trump oo ka hadlayay xaaladda Ukraine ayaa sheegay in Mareykanka uu dalkaas geliyay lacag ku dhow $200 oo bilyan, balse hantidaasi meel ka baxday aan la garanayn oo xittaa madaxweyne Zelenskiy aanu aqoon. Trump wuxuu intaas ku daray in dagaalka Ukraine uu yahay mid aan caqli gal ahayn, islamarkaana ay jiraan magaalooyin u eg Gaza oo aan lahayn dhismayaal sax ah, Ruushkuna uu doonayo inuu halkaas ku soo afjaro duullaankiisa. “Caannimadii Zelensky hoos ayay u dhacday, karti la’aantiisuna waa mid aan la garan karin oo aan la aqoon waxa uu qabanayo, sidoo kale ma oga halka ay gashay kala bar lacagtii 350 bilyan ahayd ee aan siinay Ukraine” ayuu yiri Donald Trump. Trump ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxweyne Zelenskiy uu ku hadlo erayo lagu qoslo, hogaankiisuna waxa uu ogolyahay in dagaalku sii socdo, taas uu muujinaysa in maamulka cusub ee Mareykanka aanu la dhacsanayn qaabka ay wax u waddo xukuumadda Ukraine. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Mareykanka iyo Ruushka shir ku saabsan Dagaalka Ukraine ay ku yeesheen magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, sidoo kalena dalalka Yurub ay isla arrintaas magaalada Munich ee dalka Jarmalka uga arrinsadeen, balse labada kulan aan laga talo-gelin xukuumadda Kiev. Source: goobjoog.com
-
Stockholm (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Sweden ayaa xukuntay afar nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Daacish (ISIS), iyaga oo ku lug lahaa hawlo ay ka mid yihiin qorista xubno cusub, faafinta fikradaha kooxda, iyo tababarada hubka. Maxkamaddu waxay raggan ku xukuntay xabsiyo u dhexeeya saddex sano ilaa lix sano iyo bar. Bayaan ay soo saartay, Maxkamadda Degmada Nacka waxay sheegtay in falalka kala duwan ee raggan, oo dhammaantood ah muwaadiniin Swedish ah, ay caddeyn u ahaayeen in ay ka tirsanaayeen kooxda Islaamiga ah ee Daacish ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 2023 iyo 2024. “Howlahooda waxa ka mid ahaa qorista xubno cusub oo kooxda ku biira, faafinta afkaartooda, tababarka hubka, iyo bixinta talooyin la xiriira ururka,” ayaa lagu yiri bayaanka maxkamadda. Saddex ka mid ah raggan ayaa sidoo kale lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen fal argagixiso oo ka dhici lahaa gudaha Sweden sanadihii 2023 iyo 2024 iyagoo magaca Daacish ku howlgalaya, balse maxkamaddu wey sii daysay eeddaas, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda. “Maxkamaddu ma aysan arkin caddeyn ku filan oo muujinaysa qorshe cad oo lagu fulin lahaa weerar argagixiso,” ayaa lagu yiri bayaanka. Ragga la xukumay ayaa kala ah; Omar Yasser Ahmed Atia, 21 jir. Daniel Elias Johansson, 25 jir. Rasmus Erik Johansson, 23 jir. Elyas Mohamed Hakamali, 63 jir. Dacwad-oogeyaasha ayaa bishii December maxkamadda u gudbiyay dacwadda, iyaga oo sheegay in saddexda nin ay damacsanaayeen inay dilaan ama waxyeelleeyaan dad kale, balse ma shaacin bartilmaameed gaar ah. Qareenka u doodayay Omar Yasser Ahmed Atia, oo 21 jir ah, laguna xukumay lix sano iyo bar, ayaa sheegay in macaamilkiisa rafcaan ka qaadan doono xukunka. Qareenka Rasmus Erik Johansson, oo 23 jir ah, laguna xukumay shan sano iyo bar, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo go’aanka maxkamadda. Qareennada Elyas Mohamed Hakamali, oo 63 jir ah, laguna xukumay saddex sano, iyo Daniel Elias Johansson, oo 25 jir ah, laguna xukumay lix sano, ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada faallo weydiinta.
-
Go’aan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ilaa iyo amar danbe ku joojisay aqoonsiga Nabaddoonada cusub iyo kuwa beddelka ku yimaada. Warqad ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo ay ku socod-siisay dhammaan mas’uuliyiinta gobollada iyo degmooyinka ayay ku go’aamisay ilaa iyo amar danbe joojinta aqoonsiga Nabaddoonada cusub iyo kuwa beddelka lagu keeno. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka DPL in la joojiyey aqoonsiga nabaddoonada cusub iyo kuwa bedalka ah ilaa amar dambe.” “Haddaba, waxaa la farayaa Guddoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Dawladda Puntland in aan la qaban karin warqadda aqoonsiga nabaddoon cusub iyo mid bedal ah midna” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland. Halkaan ka akhriso go’aanka wasaaradda PUNTLAND POST The post Puntland oo joojisay aqoonsiga nabaddoonnada cusub iyo kuwa beddelka ku yimaada appeared first on Puntland Post.