Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa go’aan ka gaaray seddex xildhibaan oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana ay sameeyeen ficillo wax u dhimaya anshaxa iyo sharafta Xildhibaanka. Xildhibaanada la anshax marinayo ayaa kala ah: Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed (Saneey) Xildhibaan Saadaq Mukhtar Cabdulle Xildhibaan Axmed Cali Abuuukar Guddiga ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay xildhibaanadan ay la xiriiraan: Ficillo aan waafaqsaneyn Xeer-hoosaadka Golaha. Faafinta warar sumcad-dil ah oo ay ku baahiyeen baraha bulshada. Dhaqan xumo ka dhan ah anshaxa iyo xeerka Golaha. Kadib baaritaan iyo falanqeyn dheer, guddigu wuxuu go’aamiyay in seddexdan xildhibaan laga joojiyo ka qeybgalka kulamada Golaha iyo shaqada Guddiyada muddo hal kal-fadhi ah oo siman. Guddigu wuxuu sidoo kale digniin u diray xubnaha la anshax marinayo, haddii ay diidaan fulinta go’aankan, in dib loo eegi doono xilalkooda oo tallaabo sharci ah laga qaadi doono. Source: goobjoog.com
  2. Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday in ay magaalada Hargeysa u dirtay 15 maxbuus oo horey uga tirsanaa Somaliland oo ay muddo ku haysay xabsiyada maamulkaasi. Talaabadan ayaa qayb ka ah isfaham cusub oo labada maamul dhex maray, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed iyo colaaddaha. Dhinaca kale, Somaliland ayaa soo dirtay 11 maxbuus oo ay ku qabatay deegaannada gobolka Sool, kuwaas oo loo heysto in ay ku lug lahaayeen dagaalladii u dhaxeeyay SCC Khaatumo iyo Somaliland. Isweydaarsigan maxaabiista ah ayaa la rumeysan yahay inuu yahay natiijo ka dhalatay wadahadallo hoose oo u dhexeeyay madaxda labada dhinac, iyadoo ay suuragal tahay in tani noqoto tallaabo bilow u ah xal u helidda muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in maxaabiista la dirayo si nabad ah loogu wareejin doono Somaliland iyadoo loo marayo waddooyin badbaado leh oo la isku afgartay. Source: goobjoog.com
  3. Boqollaal Soogalooti Itoobiyaan ah ayaa Todobaadkan dib ugu soo bilowday degaannada Puntland, kuwaasi oo is aan kala joogsi lahayn ugu qulqulaya magaalada Boosaaso. Tan iyo bilowgii Todobaadkan waxaa laamiga dheer ee Garoowe iyo Boosaaso lagu arkaya boqollaal Soogalooti u dhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada oo ku sii qulqulaya Boosaaso, halkaasi oo qaarkood doonayaan in ay uga sii tahriibaan dhinaca Yemen. Intii uu socday dagaalka Calmiskaad, Puntland ayaa laba jeer raaftay boqollaal Soogalootigii u dhashay Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada, kaddib markii ay soo baxday xog amni oo xaqiijinaysa in ay Daacish ku biireen qaar badan oo kamid ah Soogalootigaasi. Sidoo kale, Puntland waxay dhawr jeer soo saartay go’aanno ka dhan ah ajaanibta ka imaanaya dibadda, oo ay ku jiraan Soogalootiga Itoobiyaanka ah, waxaana u danbeeyay Shir Khamiistii hore ka dhacay Boosaaso oo lagu cusboonaysiiyay go’aankii mamnuucista ajaanibta. PUNTLAND POST The post Puntland: Boqollaal Soogalooti Itoobiya u dhashay oo ku qulqulaya magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  4. For over three decades, the Republic of Somaliland has maintained its peace, built a democratic state, and governed with stability in one of the most volatile regions in the world. Yet, its rightful claim to international recognition remains unrealized not due to a lack of merit, but due to political inertia and misunderstanding of its legal foundation. Somaliland is not attempting to secede from Somalia. Rather, it is restoring the sovereignty it lawfully attained on 26 June 1960, when it became an independent nation following British Protectorate. At that time, Somaliland was formally recognized by over 30 countries, including five permanent members of the United Nations Security Council. Its independence was complete, unconditional, and internationally validated. Shortly after, Somaliland voluntarily entered into a proposed union with the Trust Territory of Somalia (administered by Italy). However, this union was never finalized through a ratified legal agreement. There was no signed Act of Union between the two states, no harmonized constitution, and no public referendum in Somaliland approving such a union. Legally speaking, the proposed merger lacked substance and enforceability. This absence of binding legal documentation means Somaliland never surrendered its sovereignty. The withdrawal from this union in 1991, after years of systemic marginalization and state-sponsored violence under the Siad Barre regime, was not only justified but necessary According to the principle of international law – particularly the doctrine of state continuity – a sovereign entity that has been recognized and has not lawfully relinquished its independence retains the right to restore its original status. Somaliland is not seeking to break away; it is reclaiming the legal identity that was submerged under an unratified and ultimately failed political arrangement. The withdrawal from this union in 1991, after years of systemic marginalization and state-sponsored violence under the Siad Barre regime, was not only justified but necessary. Somaliland’s decision to reassert its sovereignty was driven by a desire to protect its people, restore law and order, and uphold the will of its citizens. Since then, Somaliland has demonstrated, in both word and deed, its capacity to function as a legitimate state. No binding treaty or principle of international law compels a nation to remain imprisoned in a failed political union. It has defined borders, a permanent population, and an effective government – all criteria outlined in the 1933 Montevideo Convention. It has held multiple democratic elections, passed its own constitution, and established independent institutions. In 2001, a national referendum saw 97% of the population vote in favor of restoring its original independence. Somaliland is not just a functioning de facto state; it has met every legal requirement to be recognized as a de jure state under international law. The recognition of Somaliland is not unprecedented. Cases such as Eritrea, Kosovo, South Sudan, and the Baltic States provide ample legal and diplomatic precedents for acknowledging sovereign claims based on state continuity or remedial separation. Somaliland’s case aligns with these examples not as an act of rebellion, but as a restoration of a historical and legal identity that was never legitimately surrendered. To continue withholding recognition is to undermine international legal standards and reward instability over order Moreover, Somaliland’s role in regional security and stability is indisputable. It lies on one of the world’s most strategic maritime corridors and has proven itself a key player in counterterrorism and anti-piracy efforts. Unlike Somalia, which continues to grapple with internal conflict and governance challenges, Somaliland is a model of self-reliance and responsible statehood. To continue withholding recognition is to undermine international legal standards and reward instability over order. It denies a peaceful, democratic people their rightful place in the global community and perpetuates a fiction that benefits no one. It is time for the international community to act with courage and principle to acknowledge Somaliland’s legitimacy and bring an end to this long-standing legal and moral oversight. Recognition of Somaliland is not a political gift; it is a legal obligation, a democratic affirmation, and a strategic necessity. The world must honor what Somaliland already is: a sovereign state in practice, in principle, and in the eyes of its people. The world must now meet Somaliland not with hesitation, but with respect. Not with denial, but with dialogue. Not with vague reassurances, but with decisive recognition. The time to recognize Somaliland is not in the future – it is now. Editor’s Note: Abdi Halim M. Musa is Political & Economic Analyst. He is former Deputy Minister, Ministry of Commerce of Somaliland. He can be reached at: halimusa4@gmail.com Qaran News
  5. Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa ka aloosan degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, taasi oo salka ku haysa muran ka taagan soo dejinta Jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya. Ganacsatada jaadka degmada Badhan oo canshuur-bixiyaal ah ayaa ka gadoodsan shakhsiyaad xiriir la leh madaxtooyada Puntland oo ganacsigoodii ku haysta, gaar ahaanna soo dejinta Jaadka, siday xaqiijiyeen guddiga ganacsatada Jaadka ee degmadaasi. Shakhsiyaadka xiriirka la leh madaxtooyada Puntland oo adeegsaday shaatiga dowladda ayaa isku dayaya in ay awood ku muquuniyaan ganacsatada jaadka Badhan ee canshuur-bixiyaasha ah, si ay uga boobaan ganacsigooda, islamarkaana qalin dowladeed ugu saxiixdaan soo dejinta Qaadka miirowga ah. Khilaafka ganacsatada jaadka iyo madaxtooyada Puntland ayaa marar kala duwan soo noq noqday, kaddib markii shakhsiyaad awood ka haysta madaxtooyada ay shaatiga dowladda u adeegsadeen dhibaataynta ganacsatada maxalliga ah ee jaadka keenta. PUNTLAND POST The post Badhan: Muranka ganacsatada Jaadka iyo Madaxtooyada Puntland oo isu rogay xiisad dagaal appeared first on Puntland Post.
  6. Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa amar ku soo saartay in berri laga bilaabo ay dalka ka baxaan dadka ajaanibta ah ee aan sharciga haysan kuwaas oo loo qabtay muddo saddex maalmood ah. Warqad uu ku saxeexan yahay Wasiir Cabdalle Carab ayaa Taliyeyaasha laamaha kala duwan ee amniga lagu war geliyey amarkan lagu saarayo dadka sharci darrada waddanka ku jooga. Source
  7. AQMJolRwwd3KwHTz79-huUqwC5VKd3haTMuAlG6ulzLRndq02WV2tO_y3XeOspSPSOr7vohzuDqglg3y6idU7vXv Qaran News
  8. AQNF8ELESn8Zi9TIoWzmD4mTKwCYLU3LqCWhYkKXF1phgyHtfIpQ7cHFnTk2r7QrMQKk66bxgsKhh2zwsta8HWaa Qaran News
  9. Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo laga soo doorto Gobolka Bari ayaa riixaya in ay fadhiga soo socda ee bisha June soo gudbiyaan mooshin ku saabsan kala baxa Puntland iyo khaatumo. Xildhibaanno kooban oo riixaya mooshinka ku saabsan in degaannada SSC-khaatumo laga saaro dastuurka Puntland ayaa isku dayaya in ay xubno kale ku qanciyaan hindisahooda, si ay u helaan codad ku filan, oo ay mooshinka ugu gudbiyaan Fadhiga Baarlamaanka ee furmaya 15 June 2025. Xildhibaan kamid ah kuwa riixaya qorshahan ayaa noo sheegay in ay doonayaan in Puntland iyo SSC-khaatumo si rasmi ah loo kala guro, oo Dastuurka Puntland laga saaro dhulka SSC, islamarkaana dib u-habayn lagu sameeyo hannaankii saami qeybsiga ee wax lagu dhisay sannadkii 1998. Dhinaca kale, weli ma cadda mowqifka xukuumadda madaxweyne Deni ka taagan tahay arrinta kala baxa Puntland iyo SSC-khaatumo, balse waxa la sugaya siday uga falceliso qorshahan xildhibaannadu riixayaan markii uu soo wada baxo Kal-fadhiga bisha June. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo riixaya mooshin ku saabsan kala baxa Puntland iyo SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) — The United Nations World Food Programme (WFP) has welcomed a contribution of 138 metric tons of nutritious dates from the Kingdom of Saudi Arabia, delivered through the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief), to support vulnerable communities in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Mogadishu (HOL) — The Executive Secretary of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Dr. Workneh Gebeyehu, has congratulated Abdisalam Abdi Ali on his appointment as Somalia’s new Minister of Foreign Affairs and International Cooperation. Source: Hiiraan Online
  12. The worldwide recognition of Somaliland cannot be ignored for even a second longer. Somalia is a failed state. The president is already proving a liability — failing to combat terrorism, lawlessness on the streets, and presiding over an appalling human rights record. Baseless and damaging claims regarding the legitimacy of critical infrastructure such as Berbera Port and Berbera Airport, represent nothing more than a land grab and a desperate attempt to laud power over a sovereign state in Putin-like fashion. Therefore, the world, including the United Kingdom, must wake up and recognise Somaliland to not only reward a key ally, but also for the crucial benefit of Western intelligence including a say over one of the most strategic maritime checkpoints in the world. China, Iran, and Russia are watching with eagle eyes. They are hoping that Western nations miss a crucial opportunity to fill a vacuum and allow their totalitarian regimes to form a destructive coalition with Somalia that will have devastating consequences for global trade. We have already seen Chinese, Iranian, and Russian aggression in shipping lanes as they seek to exert their influence, disrupt supply chains, and damage the economy of democratic nations. Failing to recognise Somaliland would allow this to continue at pace. Somaliland’s Berbera Port presents a direct line of access into the Gulf of Aden and the Bel el-Mandeb Straight, a passage through which almost 12% of global trade flows. China has been flooding the region to form economic and military alliances, whilst Iran’s proxy war with Yemen has crashed Expansionist rhetoric and propaganda can only be combatted by recognising Somaliland — a stable, functional, and successful nation with a strong record of holding democratic elections. In stark contrast, Somalia is wracked with in-fighting and provides a haven for piracy with a president willing to use his own people as collateral in a never-ending campaign of self-promotion and regional dominance. As war ravages in Somalia, peace prevails in Somaliland. Therefore, it is simply astonishing that governments across the world are making a conscious decision to put Somaliland’s future in the hands of the despots that are running Somalia into the ground. Figures from the United Nations lay bare the humanitarian crisis unfolding in Somalia. The recent poverty report shows that 52% of Somalis are living well below the poverty line, with the government failing to put sufficient measures in place to combat natural disasters and alleviate the severe deprivation across the country. Somalia was the lowest ranked African country in the Human Development Index — ranking 193 in the worldwide standing. The Index itself was created to demonstrate how a country supports the wellbeing of its citizens and thus Somalia’s positioning makes for sobering reading. The only conclusion that can be drawn is Somalia’s president does not care about his people, infrastructure, or development of human rights. The litany of abuses that Somalia’s president has presided over is endless. His direction of travel is creating international turmoil and the only way to achieve stability as well as to prevent rogue nations dictating strategic territories, is to recognise Somaliland. Dithering will only worsen an already dire situation. The time to recognise Somaliland is now before it’s too late. Politics.co.uk is the UK’s leading digital-only political website. Subscribe to our daily newsletter for all the latest news and Qaran News
  13. For decades, Somalia’s vast hydrocarbon reserves remained buried in its history of turmoil. Source: Hiiraan Online
  14. AMMAN — Ahmed, just one year old, lets out a piercing scream as doctors measure and weigh his frail body. His mother, Shamsa Warsan, stands next to him, holding him tightly. Source: Hiiraan Online
  15. The BBC said Monday that Kenyan government pressure led to the cancellation of a Nairobi screening of a documentary from the British broadcaster identifying security officers suspected of shooting protesters dead. Source: Hiiraan Online
  16. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu digtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujayda sanadkan 1446/2025 u socda gudashada waajibaadka xajka, inay aad uga digtoonaadaan la macaamilka shirkado been abuur ah iyo shaqsiyaad dullaaliin ah oo sheeganaya inay bixiyaan adeegyada xajka. Wasaaraddu waxay caddaynaysay in shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasi aysan ka diiwaangashaneyn Wasaaradda islamarkaana aysan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee dowladdu u dejisay u adeega Xujeyda Soomaaliyeed. Sidaas darteed, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa la faray in ay xaqiijiyaan shirkadda ay adeegga ka qaadanayaan, kana hubiyaan liiska rasmiga ah ee ay Wasaaraddu ansixisay. “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay si joogto ah ugu hawlan tahay ilaalinta xuquuqda Xujayda Soomaaliyeed iyo hubinta in adeegyada xajka loo qabto si hufan, sharciyeysan, oo tayo leh. Waxaana la ogaysiinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in Wasaaraddu ay mar walba diyaar u tahay inay bixiso xog rasmi ah oo ku saabsan shirkadaha xajka ee la oggol yahay” ayaaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay digniin adag u dirtay cid kasta oo isku dayda in ay ku takri-fasho magaca Xajka ama adeegyada la xiriira, iyadoo talaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal noocaas ah. Source: goobjoog.com
  17. Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu digtay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Xujayda sanadkan 1446/2025 u socda gudashada waajibaadka xajka, inay aad uga digtoonaadaan la macaamilka shirkado been abuur ah iyo shaqsiyaad dullaaliin ah oo sheeganaya inay bixiyaan adeegyada xajka. Wasaaraddu waxay caddaynaysay in shirkadaha iyo shaqsiyaadkaasi aysan ka diiwaangashaneyn Wasaaradda islamarkaana aysan ku jirin nidaamka rasmiga ah ee dowladdu u dejisay u adeega Xujeyda Soomaaliyeed. Sidaas darteed, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa la faray in ay xaqiijiyaan shirkadda ay adeegga ka qaadanayaan, kana hubiyaan liiska rasmiga ah ee ay Wasaaraddu ansixisay. “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka waxay si joogto ah ugu hawlan tahay ilaalinta xuquuqda Xujayda Soomaaliyeed iyo hubinta in adeegyada xajka loo qabto si hufan, sharciyeysan, oo tayo leh. Waxaana la ogaysiinayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed in Wasaaraddu ay mar walba diyaar u tahay inay bixiso xog rasmi ah oo ku saabsan shirkadaha xajka ee la oggol yahay” ayaaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay digniin adag u dirtay cid kasta oo isku dayda in ay ku takri-fasho magaca Xajka ama adeegyada la xiriira, iyadoo talaabo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal noocaas ah. Source: goobjoog.com
  18. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas. Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii ka soo wareegatay guushii Midowga Soofiyeeti uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida. Kremlin-ka ayaa sheegay in xabbad joojintu 72-saacadood ah ay socon doonto laga billaabo 8-da May illaa dhammaadka 10-ka May, wuxuuna ugu baaqay Kiev inay qeyb ka noqato xabbad-joojinta. Dowladda Ukraine ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xabbad-joojintan ay Moscow ku dhawaaqday, lamana oga sida ay tillaabadani u dhaqan-geli doonto. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 3 maalmood ah, asagoo dhinaca Xukuumadda Ukraine ugu baaqay inay aqbalaan xabbad-joojintaas. Xabbad-joojinta ayaa looga golleeyahay lagu weyneeyo munaasabadda 80 guuradii ka soo wareegatay guushii Midowga Soofiyeeti uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida. Kremlin-ka ayaa sheegay in xabbad joojintu 72-saacadood ah ay socon doonto laga billaabo 8-da May illaa dhammaadka 10-ka May, wuxuuna ugu baaqay Kiev inay qeyb ka noqato xabbad-joojinta. Dowladda Ukraine ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin xabbad-joojintan ay Moscow ku dhawaaqday, lamana oga sida ay tillaabadani u dhaqan-geli doonto. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo soo noqday musharax Madaxweyne ayaa warqad furan u qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo isugu daray cabasho iyo talosiin. Cosoble ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah, balse uu ku guul dareystay inuu helo. Sidoo kale wuxuu xusay inuu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah. “Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo,” ayuu yiri qoraalkiisa ku bilaabay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble. Xildhibaanka ayaa warqadiisa ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay horay uga wada tirsanaayeen midowgii musharraxiinta ee ka horyimid isku daygii fashilmay ee muddo kororsigii madaxweynihii hore Farmaajo. “Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne,” ayuu yiri Cosoble. Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed ee uu dhex-maquuranayo. Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta awoodda dalka ee halka gacan ku urursan iyo inuu qabto shir qaran oo degdeg ah oo ay ka qaybgalayaan dhammaan saamileyda siyaasadda. Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxweynaha kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland oo gogosha uu fidinayo ku soo daro, si loo mideeyo dagaalka argagixisada iyo in la hubiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay. Talooyinka la siinayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isisoo taraya, waxaana dhowaan u bilaabanaya sanadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedkiisa oo sida caadiga ah ay siyaasiyiintu bilaabaan mucaaradnimo iyo hadalo adag oo siyaasadeed, si siyaasi kasta uu u hanto shacbiyad uu ku gaari karo maqaam madaxtinimo.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya. Wasiir Jaamac ayaa bilaabay olole taageerada Turkiga uu ugu balaarinayo dhanka dekedaha Soomaaliya iyo gaadiidka Badda, maadaama uu dowladda u hayo malafka xiriirka Turkiga. Waxaa la sheegaa in Wasiir Jaamac uu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bishii hore laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqey jiray Turkiga, waana masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin. Hadda wuxuu bilaabay qorshe uu uga faa’iideysanayo xiriirkii adkaa ee Turkiga, wuxuuna raadinayaa fursado ay ku maalgasha karaan dekedaha dalka iyo gaadiidka badda, sida maraakiibta iyo doomaha oo Soomaaliya ay baahi weyn u qabto. Wasiir Cabdulqaadir ayaa kulankii maanta markii uu soo dhamaaday aad uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara. Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamaac ayaa weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la sheegay in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhexyeesho Turkida.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Marka ciyaarta siyaasadda Soomaaliya ee mareyso waqtiga adag, waxaa jira shaqsi gaar ah oo aan indha laga qarsan karin, kaas oo si dhaqso leh uga dhex muuqda doorka ugu muhiimsan ee go’aan qaadashada. Axmed Moalim Fiqi, oo ah, dhexda xasaradaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, iyo hub muhiim ah oo uu adeegsado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Isbeddelkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale rogay magac la yaqaan oo lagu kalsoon yahay: Axmed Moalim Fiqi. 27-kii Abriil 2025, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Fiqi ee Wasiirka cusub ee Difaaca — tallaabo caddeyneysa sumcadda Fiqi oo ah hubka lagu kalsoon yahay ee Madaxweynaha, isla markaana ah mid si fudud looga isticmaali karo goob kasta. Safarka siyaasadeed ee Fiqi muddo saddex sano ah wuxuu u muuqdaa sida buug-tixraac ee dib-u-qaabeynta istiraatiijiga. Laga bilaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha (2022–2024), ilaa Wasiirka Arrimaha Dibadda (2024–2025), iyo hadda Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Fiqi waxaa si joogto ah loogu wareejiyay xilal xasaasi ah xilliyo muhiim ah. Magacaabistiisa ayaa si cad u muujinaysa hal arrin: marka xasaradaha sareeyaan, Fiqi ayaa loo diraa hore. Xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fiqi wuxuu ka shaqeynayay dib-u-dhiska xiriirka daciifka ah ee federaalka Soomaaliya, isagoo guddoominayay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo ka shaqeynta khilaafaadka u dhexeeya dowlad-goboleedyada awoodda leh sida Puntland. Siyaasaddiisa deggan laakiin adag ayaa ka caawisay inay joogteeyaan dheellitirka xasaasiga ah ee federaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda, wuxuu hoggaaminayay hindisyada Soomaaliya ee geesinimada leh ee Qaramada Midoobay, isagoo ka helay kursi taariikhi ah Golaha Ammaanka, wuxuuna si muran leh u riixay in la joojiyo howlgallada siyaasadeed ee UNSOM. Sidoo kale, wuxuu qaadanayay mowqif adag oo ka dhan ah heshiiska Itoobiya ee Somaliland, isagoo muujinayay diyaar u ahaanshiyaha in si diblomaasiyadeed — ama haddii loo baahdo, millatari — loo difaaco madax-bannaanida Soomaaliya. Hadda oo uu ku jiro Difaaca, Fiqi wuxuu la wareegayaa xil ka tirsan dagaalka ugu weyn ee Soomaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab. Magacaabistiisa ayaa timid iyadoo cadaadisyada amni ay kordhayaan, iyadoo Alshabaab weerarro halis ah ka geystaan meelaha ku dhow caasimadda. Go’aanka Xassan Sheekh wuxuu muujinayaa kalsooni uu ku qabo asalka Fiqi ee amniga, oo uu ku jiro xil hore oo uu ka soo qabtay madaxda hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA). Mucaaradka waxay ku doodayaan in is-beddeladan degdegga ah ay muujinayaan in aan la helin horumar joogto ah oo hay’adeed. Si kastaba ha ahaatee, taageerayaashu waxay u arkaan is-beddelka Fiqi inuu yahay caddeyn muujinaysa karti iyo daacadnimo kuwaas oo ah dabeecado aad ugu yar siyaasadda Soomaaliya. Naaneysta “halkaan imow, Halkaas tag” waxaa Fiqi ku habboon, ma aha iney tahay eedayn, balse waxaa la aqoonsan yahay doorkiisa gaarka ah: ninka la aamini karo inuu xariiqada ilaaliyo marka xasaradaha qaran ay soo ifbaxaan. Miiska shaxda ee siyaasadda Soomaaliya. Marka loo eego Wasiirka Difaaca, waxqabadkiisa wuxuu noqon doonaa mid go’aamiya, ma aha oo kaliya hawlgallada millatari, balse mar kale, Axmed Moalim Fiqi ayaa loo baahan yahay inuu difaaco waqtigaan guriga burburka ku socda ee Soomaaliya si dhab ah. Isha: Dawan
  23. Dowladda Puntland oo qoraal soo saartay ayaa shaacisay in ay dhawaan ka bilaabi doonto dugsiga Tababarka Xorgoble ee magaalada Qardho wejiga labaad ee qorista dhalinyaro ku biiraysa ciidanka Booliska. Taliska ciidanka Booliska Puntland oo warkan soo saaray ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan qorista dhalinyaro gaaraysa 500 oo ku biiraya ciidanka, kuwaasi oo lagu xarayn doono dugsiga Tababarka Xorgoble, waxaana halkaasi gaaray guddiga qorista iyo diiwaangelinta u qaabilsan Booliska. “Gudiga qorista iyo xulusta ciidanka boliiska dowladda Puntland wajigiisa labaad ayaa gaaray dugsiga tababarka ciidanka Puntland ee Xorgable oo dhawaan lagu xarayn doono 500 boqol oo ah dhalinyaro kamid noqonaya ciidanka boliiska dowladda Puntland” ayaa lagu yiri Warkaasi. Gudigan oo hogaaminayey hoggaanka Tababarka iyo Qorshaynta G/Sare Maxamed Cabdi Axmed (Kismaayo), Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Booliska dowlada Puntland G/Sare Axmed Cabdi Sugulle, Cabdirisaaq Axmed Jaamac (Wadani) iyo saraakiil kale ayaa warbixin ka dhegeystay taliyaha dugsiga iyo sarakiisha sidoo kalena waxay kormeereen qaybaha kala dugan ee dugsiga. PUNTLAND POST The post Puntland oo dhawaan bilaabaysa wejiga labaad ee qorista dhalinyaro ku biiraya Booliska appeared first on Puntland Post.