-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia's reported decision to offer the U.S. access to its strategic military bases sparked debate within the country. Some see it as a step toward greater security and stability, while others, including some Somali leaders, expressed concerns about the potential destabilizing effects, especially with groups like al-Shabaab still active. Source: Hiiraan Online
-
Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya Avraham Neguise ayaa laga saaray xarunta Midowga Afirka oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay xasuuqii Ruwada ee 1994kii. Addis Ababa (Wararka PP) — Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya Avraham Neguise, ayaa laga saaray xarunta Midowga Afirka oo ay ka socotay munaasabad lagu xusayay xasuuqii Ruwada ee 1994kii. Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtay in Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Yuusuf uu ka hor yimid in safiirka Israa’iil ka qeybgalo xuska lagu xusuusanay xasuuqii isir suulinta ahaa ee ka dhacay Ruwanda 1994kii. Ma aha markii kowaad oo safiir ka socda Israa’iil loo diiday inuu goobjoog ka ahaado munaasabad ka dhacaysa xarunta Nelson Mandela ee Midowga Afrika ku taalla Addis Ababa. Xubnaha Ururka Midowga Afirka waxay isku raacsan yihiin xal laba dal oo u oggolanaaya Falastiin inay dal noqoto. “Israa’iil waxay Gaza ku xasuuqday in ka badan 60,000 oo Falastiiniyiin ah. Waa wax yaab leh in Safiirka Israa’iil isku dayay inuu ka soo qeybgalo munaasabad lagu xusuusanayay dadkii lagu laayay xasuuqii Ruwaanda 31 sano kaor, maanta oo Israa’iil ay waado xasuuqa dadka reer Falastiin” ayuu yiri diblomaasi Afrikaan ah oo goobta joogay. Inkastoo ay Israa’iil xiriir diblomaasiyadeed la leedahay dhowr dal oo qaaradda Afrika ka tirsan, hase ahaatee marnaba kuma kuu guuleysanin inay dib u soo hesho martabaddii goobjoogenimada ay ku lahayd Midowga Afrika oo la joojiyay 2023kii. Xubnaha Ururka Midowga Afrika waxay isku raacsan yihiin xal laba dal oo u oggolanaaya Falastiin inay dal noqoto halka Isra’iil iyo dalalka taageera gumeysigeeda iyo dhulballaarsigeeda ay taageeraan in dadka Falastiin aysan yeelanin dal u gaar ah. © Puntland Post, 2025 The post Safiirka Israa’iil U Jooga Itoobiya oo Laga Saaray Kulan Lagu Xusuusanayay Xasuuqii Ruwaanda appeared first on Puntland Post.
-
Guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay degaanka Guryasamo ee buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay sarkaal ka tirsanaa firxadka mileeshiyaadka ISIS Bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayuu ku xaqiijiyay warka ku saabsan hawlgalka qorshaysan ee guutada labaad ee ciidamada Puntland ka fuliyeen degaanka Garyasamo, kaasi oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa firxadka dagaallamayaasha argagixisada ISIS. “Ciidanku waxay hawlgal maanta ka sameeyeen deegaanka Guryasamo ee buuralayda Calmiskaad, waxaa ay dileen xubin ka tirsaneyd Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan taliska ciidamada difaaca dowladda Puntland. Hawlgalkan ayaa imaanaya, iyadoo uu dhammaystir marayo wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad ay ciidamada difaaca Puntland kaga sifaynayaan mileeshiyaadka argagixisada ISIS oo haatan weli firxadkoodii la baacsanayo kaddib markii ay si buuxda u jabeen. PUNTLAND POST The post Calmiskaad: Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal qorshaysan ku dilay sarkaal ka tirsan argagixisada ISIS appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka Somaliland ayaa si adag uga falceliyey wararka sheegaya in Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu damacsan yahay inuu booqdo magaalada Laascaanood. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Somaliland ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu wato fitno aan ku salaysnayn Soomaalinimo”, isla markaana ay Somaliland kaga hortagi doonto qorshihiisa iyadoo adeegsanaysa xoog iyo xeelad. “Raysal Wasaare Xamsow, fitnada aad abuurayso waxaanu kaga hortagi doonnaa xoog iyo xeelad. Waxaannu dalalka caalamka iyo kuwa dariska ahba ugu baaqaynaa in ay si dhab ah u eegaan waxa uu ninkaasi wato, Soomaalinimo midaysana kuma salaysna,” ayuu yiri Wasiirka. Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo waddamada dariska in ay garowsadaan in talaabooyinka Raysal Wasaaraha aysan ka tarjumaynin dan guud oo Soomaaliyeed, balse ay xoojinayaan kala-qaybsanaanta. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhawaan shaaciyay in uu booqan doono magaalada Laascaanood oo hadda ay ka taliyaan maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan halkaasi oo saaka aroornimadii Ciidamadu ku qaadeen weerar saf ballaaran ah. Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo daadsan gudaha deegaanka, waxayna sheegeen inay ku daba jiraan qaar kale oo baxsad ah. Aboorey oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo u muhiim ah isku xirka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna la wareegiddiisu leeyahay ahmiyad weyn markii la eego dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Source: goobjoog.com
-
Horaantii bishaan, Iran ayaa diiday wadahadal toos ah oo uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku saabsan horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka. Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Mareykanka uu qorsheynayo inuu wadahadal la yeesho Iran. “Waxaan leenahay kulan aad u weyn Sabtida, si toos ah ayaan ula macaamilaynaa,” ayuu yidhi Trump, isaga oo intaa ku daray in wadahadalku uu noqon doono “ku dhawaad heerkii ugu sarreeyay.” Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa xaqiijiyay in wada-hadallada ay dhici doonaan, balse waxa uu ku tilmaamay wadahadallo heer-sare ah oo aan toos ahayn, oo dalka Cumaan uu martigelinayo. Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli uu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo u arka in Iiraan ay khatar ku tahay xasiloonida Bariga Dhexe. Netanyahu ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in Iran ay tahay in aysan helin hubka Nukliyeerka. Source
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa lagula taliyey in aanu xayiraad socdaal saarin Jamhuuriyadda Somaliland, xilli Mr. Donald Trump isku diyaarinayo inuu soo saaro xayiraad cusub oo dhanka socdaalka iyo fiisaha ah uu ku soo rogayo muwaadiniinta dalalka uu u arko inay khatar ku yihiin ammaanka ama kuwa sida sharci darro ah ku jooga Mareykanka. Intii lagu jiray muddo xileedkiisii hore Trump wuxuu soo saaray dhowr amaro fulineed oo mamnuucayay gelitaanka muwaadiniinta ka socda 15 waddan ee dalka Maraykanka. Mar kale soo noqoshadiisu waxay keliftay inuu kordhiyo dalalka uu ku soo rogay Xayiraada fisaha iyo socdaalka, kuwaasoo uu ka dhigay 41 Dal. Heerka xayiraadaha la saaray wadamadan, ayaa kala duwan, waxaana loo qaybiyey saddex qaybood oo kala ah, qaar ku jira Liisaska Casaanka, Huruuda iyo Jaalaha. Dalalka safka hore ee xayiraadaha ku jira waxa kamida Soomaaliya oo Maraykanku u aqoonsan yahay hoyga Argagixisada iyo musuqmaasuqa Venezuela iyo Yemen. “Muqdisho waxay ku faraxsan tahay inay balaayiin doollar ku qaadato gargaar, xitaa iyadoo ku dheggan Beijing oo ay si cad u taageerto kooxaha argagixisada. Musuqmaasuqa dowladda Soomaaliya ayaa u sahlay Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacidada maxalliga ah in ay dib ugu soo laabtaan duleedka Muqdisho” ayaa lagu yidhi maqaal uu baahiyey wargeyska washingtonexaminer oo ka soo baxa dalka Maraykanku 4-tii bishan April. In Soomaaliya loo ogolaado sharciga dal ku galka Maraykanku waxay sahlaysaa inay kooxaha argagixisadu soo galaan gudaha dalkaasi, ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta uu daabacay Wargeysku. “In Soomaalida la siiyo fiisaha waa in argagixisanimo la geliyo dhulka Mareykanka”ayuu yidhi qoraaga Michael Rubin oo ah cilmi-baadhe ka faallooda arrimaha siyaasadda iyo amaanka, kaasoo wargeyska Dawan uu ka soo xigtay warbixin uu qoray. Michael Rubin, waxa uu sheegay in marka laga hadlayo amaanka dhulka Soomaalida, Jamhuuriyadda Somaliland ka duwan tahay Soomaaliya “Somaliland iyada oo aan la ictiraafsanayn habeen iyo maalin way ka duwan tahay Soomaaliya. Somaliland waa dimuqraadi – si ka duwan Soomaaliya, oo soo magacawda madaxdeeda” Halka Soomaaliya ay ku dhowdahay Shiinaha, Somaliland waxay la wadaagtaa xidhiidh Taiwan”ayuu raaciyey khabiirku arragtida uu ka bixiyey Somaliland iyo Soomaaliya. Iyadoo Muqdisho aanay ammaan ahayn, haddana caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo dekedda Berbera ayaa ka ammaan badan magaalo kasta oo Maraykan ah. Halka kooxaha argagixisadu ay hub sharci darro ah soo geliyaan Soomaaliya, Somaliland waxay ilaalisaa xeebteeda oo dhererkeedu yahay 450 mayl. Sarkaalkan oo hore uga tirsanaa Waaxda difaaca ee dalka Maraykanka, haatana madax ka ah Machadka American Enterprise Institute, waxa uu si cad ugu iftiimiyey madaxda dalka Maraykanka farqiga weyn ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya dhanka amaanka, nidaamka maamul ee dawliga ah, siyaasadda iyo guud ahaan xasiloonida dawladdeed ee ka dhisan. Waxa uu ku taliyey in Somaliland loo tixgeliyo waxa ay qabsatay iyadoo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn. Jamhuuriyadda Somaliland kama shaqayso oo kaliya amniga dalkeeda ee waxa ay sidoo kale dabool nabad-gelyo u tahay wadamada Geeska Afrika iyo si guudba qaarada, maadaama ay dhacdo goob istaraatiiji ah oo bad iyo beriba muhiimad weyn u leh mandaqada iyo adduunka. Ka sekow bogcada ay Somaliland ku taallo ahmiyaddeeda, waxa kale oo ay xuduud la leedahay Soomaaliya oo ah waddanka ugu halista badan gobolka, kaasoo hoy u ah Kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab. Dawladda Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey ku hawlanayd xoojinta xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyada Somaliland, waxaana aad loo hadal hayaa in maamulka madaxweyne Trump uu ku dhiiranayo inuu si buuxda u aqoonsado qarankan 34 sanno jirsaday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay dhowr jeer ku celiyey inay dawladdu xooga saarayso kor-qaadista ammaanka, isagoo bishii Febaury shirweyne Caalami ah ka shaaciyey inay diyaar u tahay Somaliland inay caalamka kala shaqayso xasiloonida iyo nabad-gelyada gobolka ay ka tirsan tahay ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabel-man-deb. Source
-
“Heshiiska dawladaha Itoobiya iyo Somaliland haddii uu horumar sameeyo, meesha kama saari doonto in ay mustaqbalka yeeshaan iskaashi Somaliland iyo Koonfurta Suudaan” Wasiiru-dawlaha Arrimaha Golaha Wasiirrada ee dalka Koonfurta Suudaan, David Nyang, ayaa sheegay in haddii heshiiska iskaashe ee dawladaha Itoobiya iyo Somaliland uu horumar sameeyo, aanay meesha ka saari doonin in ay mustaqbalka yeeshaan iskaashi Somaliland iyo koonfurta Suudaan. David Nyang wuxuu sidaasi ka sheegay waraysi uu siiyay wargeyska The Advocate Post, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu caddeeyay in dekedda istaraatajiga ah ee Berbera ay noqon karto xalka ay u doonayaan inay marin suurtogal ah u helaan dhoofka saliida dalkooda maadaama oo dagaalada Suudaan ay xanibeen khayraadkii uga dhoofi jiray dekedda Suudaan. Wasiirul-dawle David Nyang wuxuu sheegay inkasta oo aan weli la aqoonsan Somaliland, haddana dalkiisu uu xidhiidh taariikhi ahi la leeyahay JSL oo xafiis ku leh caasimadda Jubba isla markaana wefti culus oo ka socday Somaliland ay ka qaybgaleen xafladii madaxbannaanida Koonfurta Suudaan sannadkii 2011kii. Wasiirul-dawlaha arrimaha golaha wasiirrada koonfurta Suudaan, wuxuu sheegay maadaama oo dalkiisu aanu bad lahayn ay lagama maarmaan tahay inay qabatimaan jidadka xalka lagu gaadhi karo oo aanay jirin wax ka maanacaya inay Somaliland la yeeshaan cilaaqaad iskaashi. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa markii ugu horeysay la kulmay hogaamiyaha ku meel gaadhka ah ee Bangladesh Muxamed Yunus, tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii xilka lagaga tuuray Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi, isla markaana muddo dheer xulafo la ahaa India. Labada hoggaamiye ee Koonfurta Aasiya ayaa ka wada qayb gelayey shir madaxeedka gobolka oo Jimcihii ka dhacay Thailand. Yunus, oo loo xilsaaray inuu hoggaamiyo dawladda ku meel gaadhka ah ee Bangladesh ilaa laga gaadhayo doorashooyinka 2026, waxa xoghayntiisa saxaafadda ku tilmaamay inuu la yeeshay kulan “wax dhisaya, midho-dhal ah, oo midho-dhal leh” Modi. Yunus waxa uu qabtay doorkiisa ku meel gaadhka ah Agoosto 2024, ka dib markii hogaamiyihii muddada dheer Sheekh Hasina – oo xidhiidh adag la lahayd Hindiya – lagu riday kacdoon ay ardaydu hogaaminayeen. Afgembigii Sheikh Hasina oo ay Hindiya xidhiidh wanaagsan lahaayeen waxa uu Hindiya iyo Bangladesh ka dhex dhaliyey hubantii la’aan, ka dib markii ay Hindiya magan gelyo siisay Sheikh Hasian, taas oo keentay inuu Yunus oo doortay inuu booqashadiisii ugu horreysay ee dawladeed bishii hore ku tago Shiinaha – oo ay aad u loolamaan Hindiya. Bangladesh ayaa sidoo kale u soo dhawaatay cadawga India ee Pakistan iyada oo qabow diblomaasiyadeed ka dhexeeyo labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Yunus iyo Modi ayaa si diiran uga soo muuqday kulankooda fool ka fool ah, iyada oo labada sawir laga dhex arkay iyaga oo dhoola cadeynaya oo is gacan qaadaya. Vikram Misri, oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya, ayaa u sheegay warfidiyeenka in Modi “ku celceliyay taageerada India ee dimoqraadiyad, xasilloon, nabad, horumar iyo Bangladesh oo u wada dhan”. Modi wuxuu sheegay inuu doonayo “xidhiidh togan oo wax ku ool ah oo lala yeesho Bangladesh oo ku saleysan ruux dhab ah”, sida uu sheegay Misri. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sidoo kale sheegay in Modi uu ku celceliyay walaaca New Delhi ee ku saabsan “tacaddiyada” lagu eedeeyay dadka laga tirada badan yahay ee Bangladesh – arrin Dhaka uu sheegay in la buunbuuniyay. Yunus, ayaa dhankiisa, la soo qaaday cabashada Modi Dhaka ee muddada dheer ee ku saabsan waxa uu ku sheegayo inay Hasina hadallada kicinta ah ee masaafurisnimada ah ee Hindiya ka soo saartay, xoghayihiisa warbaahinta Shafiqul Alam ayaa yidhi. Ra’yiga dadweynaha ee Bangladesh ayaa ka soo horjeestay Hindiya, qayb ahaan go’aankeeda ah inay hoy siiso Hasina. New Delhi kama aysan jawaabin codsigii Dhaka ee ahaa in la soo dhiibo si loo maxkamadeeyo. Hasina ayaa diiday codsiyo ah in loo soo gacan geliyo Bangladesh si ay u wajahdo eedeymo, oo ay ku jiraan dilka boqolaal mudaaharaadayaal ah intii lagu jiray qalalaasaha lagu riday. Misri wuxuu sheegay in Modi iyo Yunus ay ka wada hadleen amarka dhiibista balse aanay jirin “wax faahfaahin” hadda. Source
-
Golaha wasiirada Slovakia ayaa ansixiyay qorshe lagu toogto ku dhawaad rubuc ka mid ah xayawaanka dalkeeda ku badan ee loo yaqaano BEAR Somaliduna u taqaano Aara dube ama Madax kuti, ka dib markii ay nin dileen oo haraga ka siibeen isaga oo dhex lugeynaya kayn ku taal badhtamaha Slovakia. Ra’iisul Wasaare Robert Fico ayaa ku dhawaaqday shir ay yeesheen golaha wasiiradu in la toogto 350 ka mid ah Brown Bears-ka dalkaa, iyada oo la qiyaasay in ay ku noo yihiin dalkaa1,300 oo Bears ah, waxaana la doonayaa in la dhimo, iyada oo sabab looga dhigayo khatarta bini’aadamka ka dib markii ay dhaceen weeraro badan. “Kuma noolaan karno waddan ay dadku ka baqayaan inay duurka ama kaynta galaan,” ayuu ra’iisul wasaaruhu u sheegay saxaafadda. Xaalad degdeg ah oo gaar ah ayaa dalka la geliyey iyada oo bahalaha lagu tooganayo 55 degmo oo ka mid ah 79 degmo ee Slovakia, bahalahanina waxay ku baahsan yihiin dalka intiisa badan. Dowladda Bratislava ayaa mar hore dabcisay ilaalintii sharciga ahayd ee u oggolaanaysa Bears in la dilo haddii ay aad ugu dhowaato deegaanka aadanaha. Ilaa 93 ayaa la toogtay dhamaadka 2024. Qorshayaasha toogashada oo intaas ka sii badan ayaa waxaa cambaareeyay dadka ilaaliya, waxayna sheegeen in go’aankan uu yahay mid xadgudub ku ah waajibaadka caalamiga ah uuna noqon karo sharci darro. “Waa wax caqli-gal ah,” ayuu yidhi Michal Wiezek, oo ku takhasusay cilmiga deegaanka ahna mudane ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Progressive Slovakia. “Wasaaradda deegaanku waxay si ba’an ugu guul darreysatay inay xaddido tirada weerarrada bahalahan ee uu ka dhashay dilitaanka aan horay loo arag ee noocyada bahalahan ee ahayd in ilaaliyo,” ayuu u sheegay BBC. “Si ay u qariyaan guul-darradooda, dowladdu waxay go’aansatey in ay sii kordhiso dilkooda,” ayuu sii raaciyay. Wiezek waxa uu ku dooday in kumannaan iska horimaad oo sannadkii la soo dhaafay ah aanay wax dhibaato ahi dhicin, waxaana uu rajaynayay in Komishanka Yurub soo farageliyo. Booliiska Slovakia ayaa Arbacadii xaqiijiyay in nin mayd ah oo laga helay kaynta u dhow magaalada Detva ee badhtamaha Slovakia habeenimadii Axadda uu dilay Bear. Dhimashadiisa waxa sababay weeraro bahalo dhowr ah. Ninkan oo 59 jir ah ayaa la sheegay in la waayay Sabtidii ka dib markii uu ka soo laaban waayay socod uu ku dhex marayay keymaha. Waxaa la helay sida ay maamulku tilmaameen “dhaawacyo halis ah oo madaxa ka soo gaadhay”. Godad bahalku leeyahay meel u dhow ayaa laga helay, urur aan ndawli ahayn (NGO) oo maxalli ah ayaa sidaa u sheegay wargeyska Slovak Novy Cas. Xaalada Bears ayaa noqotay arrin siyaasadeed ka noqotay Slovakia ka dib markii ay kordheen tirada kulanka dadka iyo xayawaanka, oo ay ku jiraan weeraro dhimasho. Bishii Maarso 2024, haweeney 31 jir ah oo Belarusian ah ayaa ku dhacday tog waxayna ku dhimatay iyada oo uu baacsanayo Bear waqooyiga Slovakia. Dhawr todobaad ka dib ayaa laga soo duubay muuqaalo muujinaya bahal weyn oo Brown Bear ah oo maalin cad dhex wareegaysa badhtamaha magaalada u dhaw ee Liptovsky Mikolas, isaga oo xidhaya baabuurtii kuna cidhiidhiyey dadka wadada laamiga saaran. Maamulka ayaa markii dambe sheegay in ay toogteen oo ay dileen neefka, inkasta oo dadka ilaalinta deegaanka ay sheegeen in markii dambe la helay cadeymo cad oo ah in ay toogteen. Wasiirka deegaanka Tomas Taraba ayaa sheegay Arbacadii in Slovakia ay ku nool yihiin in ka badan 1,300 oo Bears ah, waxaana uu sheegay in ay ku filan yihiin 800- oo neef maadaama dadku ay sii kordhayaan. Xayawaankan Bears ayaa ku dhaqan buuraha Carpathian ee Slovakia, waxaanay ku fidsan ilaa Romania, ilaa galbeedka Ukraine, ilaa Slovakia iyo Poland. Source
-
Tahriibta dhalinyarada oo shaqo la’aan ka cabanaya ayaa dhawaanahan si weyn xargaha u goosatay guud ahaan degaannada Puntland. Shabakado qarsoodi ah oo ka shaqeeya tahriibinta dhalinyarada ayaa la sheegaya in ay tobanaan dhalinyaro ah oo shaqa la’aani ku dhacday in ay ka tahriibiyeen degaannada Puntland, taasi oo walaac ku abuurtay waalidiin badan. Kooxaha dhalinyarada tahriibiya oo farsamooyin kala duwan isticmaala ayaa waayadan aad u soo xoogaystay, waxaana ay duufsadeen dhalinyaro badan oo shaqo iyo nolol raadinaya, balse safarkooda kaddib la kulma tacaddiyo aysan weligood ku riyoon. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo arrintaasi tahriibta dhalinyarada ka hadlay ayaa sheegay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta, oo ay ku caddaato falal tahriibin ah, islamarkaana ay mutaysan doonaan xabsi iyo ganaaxyo kale. Guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sidoo kale shalay sheegay in ay garoonka diyaaradaha Garoowe ka qabteen gabar si qaldan loo tahriibinayay, taasi oo dib loogu celiyay qoyskeeda lagana badbaadiyay safarkaasi halista badan. PUNTLAND POST The post Tahriibka dhalinyarada Puntland oo xargaga goostay waayadan danbe appeared first on Puntland Post.
-
Saaxiibada Soomaaaliya ee Beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri. Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto AS iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.” “Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee AS, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah. Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta As ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed wadajir ah oo ka soo baxay Beesha Caalamka. Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka oo kala ah; Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogosha Wada-hadal ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
-
𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐝𝐡𝐢𝐦𝐨-𝐒𝐡𝐚𝐫𝐚𝐟𝐞𝐞𝐝 𝐤𝐮 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐮𝐬𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Hadhimo-Sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland. Munaasibadda Qado-Sharafta Ganacsatada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland, Agaasimeyaal Guud, haldoor iyo mudan kale. Munaasibadda ayaa waxa laga jeediyey hadallo mug leh oo salka ku haya kaalinta weyn iyo doorka Shariifka ah ee ganacsatada reer Somaliland ay kaga jiraan hourmarka dalka, amniga, xasiloonida iyo guud ahaanba nolosha bulshada. Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Ganacsiga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab iyo Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood soo dhaweeyey sida kal-furnaanta leh ee uu Madaxweynaha JSL isaga xilsaaray inuu kulan gaar ah la yeesho Ganacsatada dalka, waxana ay si cad u sheegeen in ay si dhaw ula shaqaynayaan tallaabooyinka horumarinta ah ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad dalka ka waddo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulanka Hadhimo-Sharafeedka ka jeediyey hadallo kooban ayaa Ganacsatada uga mahad celiyey doorka lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, xasilloonida, horumarka bulshada iyo kobcinta Dakhliga iyo dhaqaalaha Qaranka. Sida oo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen kulankan, waxana uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay si dhaw Ganacsatada ugala shaqeeyaan wax kasta oo ganacsiga, maalgashiga, Dalxiiska iyo Warshadaha dalka kor u qaadaya. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQNRP1YLP1YQLZUVpjnbYnCv2dDBLiafYVBdWXPKSMWss8nbLauBQJ_3mUfCKrOoRqnZNOr_1ZN46iKcvtXof_FQ.mp4 Qaran News
-
Taliyaha Ciidamada Somaliland Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Gen. NimcaanYuusuf Gaax-nuug oo ku sugan jiidda degaanka Oog ee gobolka Sool ayaa halkaasi shir deg deg ah, oo aan warbaahinta laga shaacin kula yeeshay saraakiisha ciidamada maamulkaasi. Taliye Nimcaan Gaax-nuug iyo saraakiisha ciidamada Somaliland, waxay taliska Oog ku yeesheen shir deg deg ah oo ku saabsan jawaabta laga bixin karo safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood, siday tilmaamayaan ilo wareedyo amni oo si hoose uga war helay shirkaasi. Shirka saraakiisha ciidamada Somaliland ay ku yeesheen taliska Oog oo saacado qaatay ayay ku go’aamiyeen in ay safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood ku beegaan weerar saddex aag ah oo ay ku qaadayaan dhinaca khaatumo, si ay degaannada SSC uga bixiyaan sawir muujinaya dhul lagu muransan yahay oo colaadi ka aloosan tahay. Saddex aag ee saraakiisha ciidamada Somaliland go’aamiyeen in ay weerarka kaga qaadaan SSC-khaatumo waxay kala yihiin; Furinta Buqdharkayn, jiidda Qorilugud iyo tan Ceerigaabo, waana markii u horraysay, oo ay Somaliland saddexdaasi aag hal saacad dagaal ka wada furto, sida hadda u qorshaysan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo safarka Ra’iisul wasaare Xamse kaga jawaabaysa weerar saddex aag ah appeared first on Puntland Post.
-
Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM ayaa shalay sheegay in ururka al-Shabaab ay dhowr madaafiic ku garaaceen saldhiggooda ku yaalla caasimadda Muqdisho. Sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen AUSSOM, weerarka ayaan geysan wax khasaare ah amaba waxyeello soo gaartay dhismaha isla markaana xaaladda ay haatan deggan tahay. “AUSSOM waxay ku celineysaa in weerarrada noocaas ah aysan wiiqi doonin sida ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta argagixisada iyo nabad waarta iyo amni lagu soo dabbaalo dalka” ayaa kagu yiri warka AUSSOM. Weerarka ayaa imaanaya toddobaadyo uun kadib markii miino waddada lagu aasay ay ka baxsadeen kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas. Kooxda ayaa weli weerarro ka geysata gudaha Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah, inkastoo muddooyinkii dambe ay dagaal adag kula jiraan ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah sida nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika iyo Mareykanka. Bil kahor ayay ahayd markii shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii caalamiga ahaa ee ay ku tageysay Muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee si maalinle ah ayay u tegi jirtay Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid ayadoo horraantii bishii hore uu maraykanku markii labaad toddobaad gudihiis soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa oo uu uga digayo inay u safraan Soomaaliya. “Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xiriira werarro ay dhici kartoin lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo u ku jiro garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyey ilaa ogeysiin dambe” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho. Qoraalka ayaa lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xiriira “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”. Waxay muwaadiniinta Maraykanka xusuusisay in ay jiraan khataro sii socda, sida afduubyo iyo qaraxyo. “Waxay qaadi karaan wakhti yar gudihiis ama digniin la’aan, ayagoo bar-tilmaameedsanaya garoomada dayaaradaha, dekedaha, baraha koontaroollada, dhismayaasha xukuumadda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha dukaamaysiga, iyo meelaha kale ee ay dadka badan isugu yimaadaan, ayna reer galbeedku u badan yihiin, iyo sidoo kale kolonyooyinka xukuumadda, milateriga, iyo reer galbeedka” ayaa lagu yiri qoraalka. Jimcihii, 28 Febraayo, ayaa sidoo kale isla safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay soo saartay digniintan oo kale, ayadoo qoraalkana uu la mid ahaa kii ay soo saartay 4 Maarso. Labada qoraalba waxaa la socda telefoonno ay muwaadiniinta Maraykanka wici karan haddii ay khatar la kulmaan. Xigashada Sawirka,Getty Images Xerada Xalane oo ku dhex taalla Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, ayaa hoy u ah AUSSOM, sidoo kalena waxaa ku yaalla xafiisyada Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah. Dowladda Soomaaliya, oo kaashaneysa Midowga Afrika, ayaa dhowaan ansixisay in 9,530 oo ciidan shisheeye la geeyo dalka kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa daba-socota warbixinta Golaha Ammaanka ee QM waana horumar lagu soo kordhiyay dadaallada ay Soomaaliya kula dagaallameyso kooxda. Howlgalka AUSSOM ayaa waxaa kusoo biiri doona ciidan ka kala socda shan dal oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Itoobiya, Masar, Uganda, Jabuuti iyo Kenya. Bbcsomali Qaran News
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dagaal kula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo saaka qaaday weerar culus ay gudaha u galeen degmadaasi oo ay indhowaanahaan ku sugnaayeen xubnaha kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gudaha degmadaasi, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanaayeen. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada huwanta ay hadda howlgallo ka wadaan degmada Ruun-nirgoo, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo. Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay isku fidiyeen duleedka degmada, waxayna ku wajahan yihiin deegaanno kale, sida Hilowle Gaab oo hoostaga Ruun-nirgood. Ciidamada ayaa horay u gaaray degmadaan, inkastoo markii dambe ay kasoo baxeen, ayna dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka socdaan howlgallo culus. Qabashada degmada ayaa timid, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xoojisay gulufka ay ka waddo gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga hortago abaabulka kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo horay looga xoreeyay. La wareegitaanka Ruun-nirgood ayaa sidoo kale waji cusub u yeeleyso dagaalka, waana guul wayn oo ay howlgallada socda ka gaareen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda. Jiidda hore ee dagaalka ayaa waxaa haatan ku sugan taliyaha ciidamada Xoogga dalka, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle oo isku dabaridayo dagaalka ka socda deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa guud ahaan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaamintiisa gacanta ku hayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gudaha magaalada. Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab si buuxda looga saaray Ruun-Nirgood. Ciidamada ayaa wali howlgallo ka wada xaafadaha magaalada si loo xaqiijiyo in aysan jirin wax haraaga kooxda ah oo ku dhex dhuumaaleysanaya shacabka. Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay si nabad ah kula wareegeen magaalada, iyadoo aysan jirin khasaare kasoo gaaray shacabka intii uu socday howlgalka. Source: goobjoog.com
-
HUWANTII WAXAY ISU DIYAARINAYSAA INAY DAGAAL KU SOO QAADO S. LAND SIDAAS AWGEED LOOMA BAAHNA SALAADIIN WARBBAAHINTA ISKA CAAYA. Xasan shiikh wuxuu bilihii u danbbeeyay dhaqaale aan xad lahayn iyo awood wixii uu hayay isugu geeyay huwanta bariga sool iyo sanaag joogtaa inay weeraraan s. Land isagoo ku xajiimaynaya aqoonsiga qaranka s. Land. Wuxuu u soo iibiyay Mar qudha gaadiid gaadhaya 184 gaadhi iyo qoryihii la saarayay oo uu u soo diray, wuxuu dhinacwaday lacag kaash ah oo ku hawl gelinayo huwantu inay ku carqaladayso s. Land iyagoo siyaabo kala duwan ku bixinayay, ugu danbbayn waata sababtay xamse barre inuu yidhaahdo waxaan tegayaa laascaanood isagoo aan ku dhicin inuu yimaaddo. Safarka xamse barre waa xaalad abuur iyo baro bagaandho ma imankaro laascaanood waxaana ka taagan iyagiyo fallaagada khilaaf huursan oo aan dhammaad lahayn. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - Former Somali National Army (SNA) commander General Ibrahim Sheikh Muhyiddin has expressed grave concern that the al-Shabaab militant group may have infiltrated into the Somali military, following the assassination of Senior Lieutenant Colonel Nur Mohamed Gaabow, known as Nur Farey. Source: Hiiraan Online
-
Hay’adda xogta dhulka iyo biyaha u qaabilsan Puntland ee IMAC ayaa shaacisay in degaanadda Puntland ay wajahayaan sannadka roob yari iyo daahitaan ku imaanaya xiligga la filanayay di’itaanka roobabka guga. Roobka gu’ga ayaa la filayay in uu bilowdo dhamaadka bisha Maarso ee sannadkaan, balse waxa uu bilaaban doonaa wixii ka danbeeya 10-April, xaddi ahaana wuxuu ka yaryahay celceliska roobabkii la heli-jirey sannadihii hore. Hay’adu waxay sheegtay in tani ay ka dhalan-doonto abaar iyo biyo yari saamayn ku yeelata nolosha dadka iyo xoolaha Puntland oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee dadkeenu ay ku tiirsan yihiin. Waxay ku baaqday hey’ada IMAC in dadku ay tashiilsadaan biyaha, sidoo kalena ay kaydsanaan wixii cuno ah oo ay heli-karaan, xoolaha loo diyaarsho calaf, caws iyo wixii kale ee loo awooda si abaarta iyo biyo yaridda sannadka jiri-doonta ay uga samata-baxaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka walaacsan Roob-yari iyo abaar laga cabsi qabo sannadkan appeared first on Puntland Post.