Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Israa’iil ayaa dawladda Qadar ku dhalleecaysay doorka laba geesoodka ah ee ay ka ciyaarayso dhexdhaadinta Xamaas iyo Israa’iil iyo dadaallada xabbd-joojinta. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in la gaadhay xilligii Qadar ay joojin lahayd hadalkeeda laba wajiilaynta ah. Waxaana uu intaasi ku daray in Qadar ay la gudboon tahay in ay la safato “ilbaxnimada”, haddii kale ay doorato “waxashnimada Xamaas”. Majed Al-Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa gaashaanka u daruuray eedaymaha dawladdiisa ka dhanka ah, waxaana uu xusay in warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu yahay mid anshaxa ka madhan, sidoo kalana uu ka dhigan yahay heerka ugu hooseeya ee mas’uuliyadda siyaasadeed. Qoraalkiisa ayuu si aad ah ugu duray sheegashada Israa’iil ee ku aaddan difaacidda ilbaxnimada isaga oo ku eedeeyay in gradarrada ka dhanka ah Qasa iyo gaboodfallada dadka ratidka ah ay xasuusinayso sheegashooyin noocooda ah oo taariikhda hore u galay. Afhayeenka oo la garnaqsanaya Israa’iil ayaa hadalkiisa raaciyay weydiintan “ugu yaraan 138 la haystayaal ma waxa lagu sii daayay awood ciidan mise waxa ay ku timid dhexdexaadin la sameeyay?” Al-Ansaari waxa uu carrabka ku adkeeyay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Qatar oo ku salaysan mabaadi’ aan u oggolaanayn in ay ka hor yimaaddaan doorkooda dhexdhexaadinta oo sida uu sheegay ku dhisan “daacadnimo oo la isku halleyn karo”. Waxaana uu sheegay in dacaayadaha raqiiska ah aanay ka hor istaagayn ilaalinta xuquuqda dadka iyo qaynuunka caalamiga ah. Hadalka Netanyahu ayaa yimid kaddib markii Qadar ay Jimcihii ay maxkamadda caalamiga ah ee Hague ka hor sheegtay in Israa’iil ay xasuuq ku hayso Falastiiniyiinta ku nool Marinka Qasa. Hawlgal ballaadhan oo ka socda Qasa Xigashada Sawirka,Reuters Dhinaca kale, warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in milatarigeedu ay soo saareen amarro ay ugu yeedhayaan kumannaan askari oo kayd ah si ay u taageeraan duullaanka ay ka wadaan Qasa, kaddib markii uu raysal wasaaraha Israa’iil ku dhawaaqay in uu dib u dhigay booqashadiisa soo socota ee Asarbayjaan. Sida laga soo xigtay Yedioth Ahronoth, askarta kaydka ah ayaa la geyn doonaa xadka Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan iyo Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo beddelaya askar joogta ah oo hoggaamin weerar hor leh oo ku wajahan Qasa, sida uu wargayskaasi sheegay. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca millateriga, balse wakaaladda wararka ee France Press ayaa sheegtay in ehellada warfidyeenkeedu ay ka mid ahaayeen dadka la siiyay amarrada abaabulka Sida laga soo xigtay maamulka warbaahinta Israa’iil, golaha amniga Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay kulmaan maanta si ay u ansixiyaan duullaanka millitari oo intii hore ka ballaadhan. Xafiiska Raysal wasaaraha Israa’iil ayaa hore u shaaciyay in Benjamin Netanyahu uu dib u dhigi doono booqashadiisa Azerbaijan, oo la qorsheeyay 7-11-ka bishan May, isaga oo ku sababeeyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Gaza iyo Suuriya. Xafiiskiisa ayaa sidoo kale laga soo xigtay “Jadwal diblomaasiyadeed iyo mid amni” oo aan la shaacin wakhtigooda rasmiga ah laakiin la filayo in ay la xidhiidhaan kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne Ilham Aliyev. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay Jimcihii in golaheeda amnigu ay ansixiyeen qorshayaasha hawlgal ballaadhan oo laga fulinayo marinka Qasa. Maxaan ka ognahay xaalka lahaystayaasha? Xigashada Sawirka,ABIR SULTAN/EPA-EFE/REX/Shutterstock Mid ka mid ah lahaystayaasha oo haysta dhalashada Ruushka iyo Israa’iil oo dhaawacmay ayaa dhaawaciisa ku sababeeyay duqaymaha cirka ee Israa’iil, sida laga arkay muuqaal cusub oo ay soo saareen guutada Izzad-Din al-Qassam, oo ah garabka millateri ee Xamaas. Muuqaalkan oo la sii daayay Sabtidii, ayaa waxa ka muuqday nin jiifa oo dhaawacan, oo faashado dhiig ahi kaga xidhan yihiin madaxa iyo gacanta bidix. Kaddibna waxa la arkay muuqaal kale oo ay ku jiraan rag Xamaas ka tirsan oo qodaya burburka si ay u soo badbaadiyaan, ka hor inta aanu muuqaalka ka soo bixin lahayste kale oo lagu magacaabo “Bar.” La haystaha dhaawaca ah ayaa ku hadlay luqadda Cibriga oo ay ka muuqato lahjad Ruush ah, isagoo sheegtay in uu yahay “Maxbuus lanbar. 24.” Waxa uu sharraxay duqaymaha Israa’iil ay halkaasi ka gaysanayso iyo sida ay u saameeyeen. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in la haystahaasi uu yahay Maxim Herkin, oo 37 jirsaday dhammaadka bishan. Qoyskiisa ayaa soo saaray bayaan ay ka ga codsanayaan warbaahinta aanay baahin muuqaalka Xamaas. Dilka siddeed qof oo isku qoys ah Xigashada Sawirka,Reuters Afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza, Maxamuud Basal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in 11 falastiiniyiin ah lagu dilay Sabtidii duqaymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen guriga qoyska al-Bayram oo ku yaalla deegaanka al-Hawouz ee badhtamaha Khan Yuunis ee koonfurta marinka Qasa. Waxa uu xusay in siddeeda qof ee dhintay oo dhammaantood hal qoys ka soo jeeday ay ku jireen gabar iyo wiil hal sano jir ah iyo sidoo kale ilmo hal bil jir ah. Sida laga soo xigtay muuqaal uu baahiyay Difaaca Madaniga ah, samata-bixiyayaal iyo dad rayid ah adeegsanaya toosh si ay uga baadhaan dadka laga yaabo in ay ku hoos jiraan burburka ayaa soo bixiyay ilmo carruur ah. Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay duqeynta, iyagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen waxa ay ugu yeedheen “argagixisada Xamaas ah”, bal se ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah. Difaaca madaniga ah ayaa intaa ku daray in shaqaalahoodu ay meydad iyo dhaawac ka soo saareen bartilmaameedka guriga qoyska Zarab ee ku yaala deegaanka Batn al-Sameen, ee koonfurta Khan Yuunis. Qaran News
  2. Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo muujiyay in Puntland ay ka xun tahay xiriirka dhow ee u dhexeeya SSC-Khaatumo iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Maamulka SSC ayaa si cad u sheegay in mowqifkooda siyaasadeed uusan ku xirnayn ra’yiga Puntland. Wasiirka Warfaafinta ee SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame, ayaa carabka ku dhuftay in maamulka SSC aanu u baahnayn in uu Puntland kala tashado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe. Waxa uu xusay in labada dhinacba ay si madax-bannaan ula macaamili karaan dowladda Federaalka, taas oo aan waxba ka beddelayn sharcinimada iyo madax-bannaanida go’aannadooda. Najiib Barkhadle ayaa si adag u dhaliilay Puntland isagoo xusay in aysan wax wadatashi ah la samayn SSC markii ay xiriir la sameysay maamul gooni u goosad ah, oo ula jeedo Somaliland. Sidoo kale wuxuu su’aal geliyay sababta SSC looga filan karo inay Puntland kala tashato xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka, iyadoo Puntland lafteedu tallaabooyin aan lala oggolayn qaaday. Wasiirku waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in maamulka SSC-Khaatumo uu marar badan isku dayay inuu wada-hadal iyo xiriir la yeesho Puntland, hase yeeshee aysan wax jawaab ah ka helin dhanka maamulkaas, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland. Isagoo arrinta sii faah-faahinaya, Wasiir Najiib ayaa sheegay in SSC aysan cidna uga baahnayn oggolaansho marka ay tahay difaaca danahooda siyaasadeed. Waxa uu xusay in SSC si cad u fahamsan tahay in taladooda u taallo iyaga, ayna tahay mid aan lala sugin go’aamada maamul kale. Sidoo kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in SSC ay dantooda siyaasadeed iyo tan dadkooda ku arkeen in ay xiriir toos ah la yeeshaan dowladda federaalka. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada SSC ee ay ku doonayaan in codkooda laga maqlo heerka qaranka, lagana qayb-geliyo arrimaha siyaasadda dalka. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina adkeeyay in SSC ay ku howlan tahay sidii kuraasta deegaanadooda loogu soo dooran lahaa gudaha maamulaan, halkii laga geysan lahaa gobollo kale. Tallaabadan ayaa ah mid ay maamulka SSC ku doonayaan in ay xaqiijiyaan matalaad dhab ah oo salka ku haysa rabitaanka shacabka deegaanka.
  3. Caasimadda Israa’iil ayaa wajahday weerar culus kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku tuureen gantaallo iyo madaafiic la beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv. Warar cusub ayaa sheegaya in qeybo kamid ah madaafiicdaasi si toos ah ugu dhaceen garoonka, taas oo sababtay waxyeello iyo hakad ku yimid dhammaan duullimaadyadii garoonka. Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga Xuutiyiinta ayaa si cad u sheegay in ay mas’uul ka yihiin weerarka, isagoo yiri: “Waxaan fulinay howlgal milatari oo aan ku beegsanay madaarka Ben Gurion. Waxaan uga digeynaa dhammaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in ay isku dayaan in ay isticmaalaan garoonkaas, waayo hadda waa meel aan aamin ahayn.” Qalabka difaaca cirka ee Israa’iil, gaar ahaan nidaamka Iron Dome, ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay inuu qabto dhammaan gantaallada, taasoo sababtay cabsi weyn iyo kala carar ka dhashay gudaha magaalada. Ilo caafimaad ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad rayid ah oo ku dhaawacmay weerarka, inkasta oo tirada saxda ah aan wali si rasmi ah loo shaacin. Maamulka garoonka Ben Gurion ayaa si degdeg ah u xiray garoonka, iyadoo dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah la joojiyay illaa amar dambe. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — The SSC-Khaatumo administration has dismissed recent criticism from Puntland, saying it is under no obligation to consult the Puntland regional government about its relationship with Somalia’s Federal Government. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) — Somali government forces, in collaboration with local community fighters, killed at least 50 Al-Shabaab militants in heavy fighting on Saturday along the border between the Hiiraan and Middle Shabelle regions, according to the Ministry of Defense. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) — The leader of the SSC-Khatumo Regional State, Abdulqadir Ahmed Aw Ali Firdhiye, arrived in Mogadishu on Saturday ahead of the upcoming National Consultative Council (NCC) meeting set to open on Monday. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Defense Minister Ahmed Moallim Fiqi said Saturday that the federal government’s recent decision to ban Taiwan-issued passports was triggered by a planned visit of senior Taiwanese officials to Somaliland, which he described as a violation of Somalia’s sovereignty. Source: Hiiraan Online
  8. Somalia’s Minister of Petroleum and Mineral Resources, Dahir Shire Mohamed, has hailed the country’s new hydrocarbon partnership with Türkiye as a “timely boost” to unlock its vast but underdeveloped natural resources. Source: Hiiraan Online
  9. More than 45,000 people have been affected by flash floods in Somalia since mid-April, the United Nations said, with at least four people killed in the rapidly rising waters. Source: Hiiraan Online
  10. Arsenal paid the price for looking ahead to next week's Champions League semifinal return leg away to Paris Saint Germain on Saturday when Mikel Arteta's side was stunned by a 2-1 defeat at home to Bournemouth. Source: Hiiraan Online
  11. The recent killing of five Special Operations Group (SOG) members and injuries suffered by eight officers have renewed fears over the resurgence of terror attacks in the country. Source: Hiiraan Online
  12. Sudan’s paramilitary Rapid Support Forces (RSF) carried out a drone attack on a military air base and other facilities in the vicinity of Port Sudan Airport, a Sudanese army spokesperson said on Sunday, in the first RSF attack to reach the eastern port city. Source: Hiiraan Online
  13. FC Barcelona survived a difficult night away to bottom of the table and already relegated Valladolid to open a seven-point lead over Real Madrid at the top of La Liga ahead of Madrid's game at home to Celta Vigo on Sunday. Source: Hiiraan Online
  14. Dabley hubaysan oo aan weli la aqoonsan ayaa xalay abbaare 2:00am ee gelinkii danbe laba nin ku dilay bannaaanka hore ee hotel Baashe ee bartamaha Garoowe. Labada marxuum oo midkood waardiye ahaa ayaa u geeriyooday rasaas ay ku fureen dabley hubaysan oo goobta isaga baxsaday, kaddib markii ay dilka geysteen, islamarkaana baaritaan ayaa ku socda dhacdadaasi, siday sheegayaan saraakiisha Booliska gobolka Nugaal. Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Nugaal ayaa noo sheegay in dilkaasi oo dhacay abbaare 2:00am ee gelinkii danbe ee xalay ay baaritaan ku wadaan, balse aysan wakhti xaadirkan bixin karin faahfaahin intaasi ka baxsan ilaa laga dhammaystiro baaritaanka. Marka laga soo tago saraakiisha aan sida gaarka ah xiriirka ula samaynay ma jirto warbixin ku saabsan dilkaasi oo si rasmi ah uga ka soo baxday laamaha Ammaanka Puntland gaar ahaanna ciidanka Booliska oo baaritaan ku wada dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo xalay laba nin ku dilay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  15. Dabley hubeysan ayaa habeenimadii xalay laba nin ku dilay gudaha hotel ku yaalla bartamaha magaalada Garoowe, caasimadda Puntland. Falkan naxdinta leh ayaa dhacay xilli fiid ah, iyadoo wararka hordhaca ah sheegayaan in mid ka mid ah ragga la dilay uu ahaa waardiye ka howlgalayay hotelka. Ciidanka ammaanka ee Garoowe ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, waxayna sheegeen in ay bilaabeen baaritaanno lagu daba joogo kooxdii weerarka fulisay. Sida ay sheegeen saraakiisha booliiska, dableydu waxay ka baxsadeen goobta markii ay geysteen dilka, iyagoo aan weli la aqoonsan. Dilka ayaa cabsi hor leh ku abuuray dadka deegaanka, iyadoo shacabka qaar ay muujiyeen walaac ballaaran oo la xiriira ammaanka magaalada, gaar ahaan bartamaha Garoowe oo ah goob muhiim ah oo ay ku yaallaan xarumo ganacsi iyo hoteello badan. Source: goobjoog.com
  16. Xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhexaysa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa militariga Pakistan wuxuu Tijaabiyay gantaal Casri ah oo masaafo fog gaari kara. Milateriga Pakistan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in gantaalkan oo gaaraya 450 kilomitir (279 miles) loo ganay si loo xaqiijiyo diyaargarowga howlgallada ciidamada Daahfurka gantaalkan ayaa timid kadib markii Pakistan ay sameysay dhoolatusyo militari oo xariir taniyo markii ay dib u qaraxday xiisadda kala dhexaysa dalka deriska ah ee Hindiya. War saxaafadeedka uu soo saaray militariga Pakistan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Pakistan, Ra’iisul Wasaaraha iyo taliyayaasha ciidamadu ay ugu hambalyeeyeen ciidanka sida wanaagsan ee loo soo bandhigay tijaabada gantaalkan casriga ah. Pakistan ayaa horay u sameysatay dhawr gantaal oo casri ah, kuwaas oo ay ugu caansanyihiin gantaalka Shaheen oo gaari kara masaafo dhan 2,750 kilometer, lana soo bandhigay sanadkii 2015-kii, iyo gantaalka ridada gaaban ee Nasr, kaas oo tijaabadiisu guulaysatay 2011-kii, islamarkaana gaari gara 70 kilometer. Source: goobjoog.com
  17. The Somali government is battling a decades-long independence movement in Somaliland, a breakaway territory in the country’s north that in recent years has deepened its ties with Taiwan, causing outrage in both Somalia and China. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 after the collapse of the central government in Mogadishu, but it is not recognized by any government. In a memo, a copy of which was obtained by The New York Times, Somali authorities cited compliance with United Nations Resolution 2758, a measure passed in 1971 recognizing the People’s Republic of China as the only global Chinese authority. The resolution does not mention Taiwan’s sovereignty status, but Beijing has long said the resolution gives it full control over the island. The memo, dated April 22, also called the “unauthorized establishment” of Taiwan’s representative office in Hargeisa, the capital of Somaliland, a “clear violation of Somalia’s sovereignty.” The decision to ban Taiwanese passport holders came five days before Taiwan’s foreign minister was scheduled to visit the territory, said a senior Somaliland official speaking on the condition of anonymity to discuss sensitive matters. Last week, Taiwan’s foreign minister, Lin Chia-lung, visited Eswatini, the tiny southern African kingdom that is the only country on the continent that formally recognizes the island. Taiwan’s foreign ministry called on Somalia to reverse the travel ban “immediately” and urged its nationals not to travel to Somalia or Somaliland until it had. Somaliland’s foreign minister, Abdirahman Dahir Adam, called the ban “unfortunate” and “alarming.” “Air-traffic control should not be politicized in any way,” he said in a phone interview with The Times. China welcomed Somalia’s decision. It was a “legitimate measure” to safeguard the country’s “sovereignty and territorial integrity,” Guo Jiakun, a spokesman for China’s Foreign Ministry, said at a news conference on Wednesday. Mr. Guo added that Taiwan was an “inalienable” part of China. Somalia’s civil aviation authority did not immediately respond to a request for comment. The announcement on Wednesday was not the first time Somalia had imposed similar travel restrictions. Last year, the authorities in Mogadishu refused entry to a plane carrying Ethiopian officials amid tensions over a port deal between Somaliland and Ethiopia. Beijing continues to expand its influence in Africa and isolate Taiwan in the process. Across the continent, China has leveraged its political and economic power to push governments to sever ties with Taipei. Somaliland has recently moved to court the Trump administration after years of developing ties with Republican lawmakers and conservative think tanks. Advertisement SKIP ADVERTISEMENT In 2020, Taiwan opened an office in Hargeisa and appointed an ambassador. Somaliland also sent a representative to Taiwan. A worker at a Taiwanese-funded agricultural program near Hargeisa. Taiwan has provided economic and military support to Somaliland in recent years.Credit…Joao Silva/The New York Times Taiwan subsequently backed Somaliland’s push for recognition, trained its military, provided scholarships to students, supplied medical equipment and funded roads. Senior Taiwanese officials have also visited Somaliland, including the deputy foreign minister, who attended the presidential inauguration in December. “Our histories and our aspirations have tied us hand in hand,” Ambassador Allen C. Lou of Taiwan said in an interview with The Times in Hargeisa last month. Somalia views the growing relationship between Taiwan and Somaliland as a challenge to its territorial integrity. This month, Somalia’s prime minister made a landmark visit to Las Anod, a city in a disputed region in southeastern Somaliland. Since 2023, Somaliland has been fighting local armed militias for control of the city, leading to widespread displacement and hundreds of deaths and injuries, according to rights groups, aid workers and doctors. Amnesty International has accused Somaliland’s security forces of indiscriminately shelling, killing and injuring civilians in Las Anod. The government has denied deliberately harming civilians. China has provided aid to the disputed region through Somalia, a decision that Taiwanese officials and some experts say is aimed at unsettling Somaliland and weakening its political standing. Beijing has also ratcheted up its messaging against Hargeisa; its ambassador in Mogadishu has met regularly with senior Somali officials. Experts said that Somalia’s decision to block Taiwanese passport holders signals more trouble ahead. “The ban gives one of the Horn of Africa’s most complicated and unresolved issues, that of Somalia and Somaliland, a global geopolitical element,” said Moustafa Ahmad, a researcher on China and Taiwan relations with countries in the Horn of Africa region. Amy Chang Chien contributed reporting from Taipei, Taiwan. Abdi Latif Dahir is the East Africa correspondent for The Times, based in Nairobi, Kenya. He covers a broad range of issues including geopolitics, business, society and arts. A version of this article appears in print on May 1, 2025, Section A, Page 6 of the New York edition with the headline: Somalia Bars Entry for Any With Passport From Taiwan. Order Reprints | Today’s Paper | Subscribe Qaran News
  18. President Hassan Sheikh Mohamud and President Xi Jinping in Beijing last year. Mogadishu (PP News Desk) — The decision by the Federal Government of Somalia to bar holders of Taiwanese passports from entering Somalia has come into effect. Several years ago, Taiwan established an office in Hargeisa, the capital of Somaliland — a self-declared secessionist administration that claims to have unilaterally separated from Somalia in 1991. Under the new policy, airlines flying to Somalia have been instructed not to allow Taiwanese passport holders to board planes bound for Somalia, citing Taiwan’s support for separatist movements within Somalia. Somalia subscribes to the One China Policy and regards Taiwan as an integral part of the People’s Republic of China (PRC). “By rejecting Taiwanese travel documents, Somalia’s government bows to China’s unreasonable demands and claims sovereignty over Somaliland,” misleadingly tweeted Senator Jim Risch, Chairman of the U.S. Senate Foreign Relations Committee. He shared a link to a New York Times report on the new policy concerning Taiwanese passport holders attempting to travel to the Federal Republic of Somalia. The United States of America recognises the political unity and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Somalia Bars Taiwanese Passport Holders, Citing One China Policy appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul wasaaraha dawladda caalamka aqoonsanyahay ee Yemen , Axmed Cawad Bin Mubaarak ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilkaa iska casilay, isagoo is casilaadiisa ku sababeeyay inuu ka wajahay maamulka inuusan awoodin isticmaalka awoodiisa dastuuriga ah oo uu ku gaari karo go’aamo uu dib u habeyn ku sameeyo maamulka oo ay ugu horreyso isku shaandheynta hay’adaha dawladda, iyadoo hadda is casilaadan iyo khilaafka uu soo baxay xilli Mareykanka iyo xulafada Carabta ee taageerta maamulkan ay isku dayayeen inay ballaariyaan awoodda maamulkan si ay u qaadaan weerarro ay dib ugu qabsanayaan dhulka ay Xuutiyiinta maamullaan ee Yemen. Source
  20. Saraakiisha sare ee Iran , ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, inay la socdaan qorshaha Israa’iil ay ku doonayso inay ku weerarto Iran, haddii xataa heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka ay gaaran Mareykanka iyo Iran. Source
  21. Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa dhowr gantaal ku weerarray bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla gudaha Israa’iil, iyadoo ciidanka Israa’iil ay ku andacoonayaan in dhammaan laga hortagay gantaallada Xuutiga. Source
  22. Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Hamad Al Busaidi ayaa shaaca ka qaaday inuu baaqday wareegga saddexaad ee wadahadallada Iran iyo Mareykanka oo lagu ballansanaa in la qabto 3 bishan May, isagoo sheegay inaysan wali dhinacyado isla qaadan qabsoomida waqtiga uu dhacayo wada-hadallada ay Cumaan dhex dhexaadinayso. Labadii wareeg ee hore ma jirin, wax natiijo ah oo lagu gaaray, wuxuu Mareykanku ku adkaysanayaa burburinta xarumaha nukliyeerka, halka ay Iran doonaysa kaliya inay hoos u dhigto horumarinta nukliyeerka! Burbur kasta oo ku yimaada wada-hadalkan waxaa sugaya Netanyahu oo horey Trump uga heysta ballanqaad la xiriira haddii waddada diblomaasiyadeed ay burburto inay si wadajir ah u weerarri doonaan xarumaha nukliyeerka Iran. Source
  23. MUSTAQBALKA SIYAASIYIINTII IYO GARAADDADII Sool clan EE LAASCAANOOD DAGAALKA KA RIDAY. Laascaanood oo nabad ah dhismaysa oo uu ka jiro nidaam dhamaystirani ayay shir ku qabsadeen laascaanood oo ay u soo daayeen maamulkii dawladdu iyagoo filayay shirka intaas leeg inay nabadi ka soo baxayso nasiib darro waxa ka soo baxday GALA DAGAALKA iyo laascaanood oo uu dhiig badani ku daatay qormadan waxaan ku soo qaadanayaa mustaqbalka madoaw ee INA KHALIIF kaas oo ah mid if iyo aakhiroba seegay, C/khaliif waa dadkan la yidhaahdo AMUUMAHA aqoon badan ma laha maanta wuu godobaysanayay maaha nin ku noolaankaraya s/Land oo waxa ku xeeran dunuubtii uu geystay sidaas awgeed isagiyo intii laascaanood gubtay waxa dul taal xisaabtii ilaahay oo dhamaystiran ifka murugo aakhirona xisaab, garaaddada dhulbahte iyo siyaasiyiintan xasan shiikh miiciin biday waa nin qaawani biyo iskama dhawro, waa halka keliya ee ay is leeyihiin waad ku noolaan kartaan XAMAR Waayo waxay galeen jariimad weyn iyo guul darro taariikhiya oo ay ku baabi’iyeden dhulkoodii. S/land itaalkeeda dadka reer laascaanood waxba ka hagranmaysi nasiibdarrose waxay tahay meeye waxgaradkii Sool clan reerku miyaanuu cid kale lahayn MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  24. AQOnp-Xsq-oyDHFSLVPiVljV49kY6hz4iJJ_gAypw-V1Ypf77vIlZSV1CiLEx0sDQ2x5CcB3L35LdGGmqZEAKhxU Qaran News
  25. Xafiiska ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa maanta soo saaray warqad rasmi ah oo dib loogu fasaxayo qaar kamid ah xildhibaanada golaha ee dhowaan laga hakiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha. Warqadda ayaa lagu cadeeyay in xildhibaanadaasi hadda dib uga qeybgali karaan fadhiyada golaha, kaddib markii la tixgeliyay duruufaha jira iyo dib u eegis lagu sameeyay go’aankii hore ee hakinta. Golaha shacabka ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxaysa xildhibaano ka tirsan golaha iyo guddoomiye Aadan Madoobe, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada golaha, waxayna sababtay in uu maanta oo sabti ahayd uu baaqdo kulan ay la haayeen golaha. Kulankii u dambeeyay ee golaha shacabka oo dhacay arbacadii la soo dhaafay ayaa buuq iyo fowdo ku dhammaaday, waxaana kaddib xigtay in qaar kamid ah xildhibaannada laga joojiyay fadhiyada baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Aadan Madoobe. Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa khamiistii u baxay dalka Aljeeriya, halkaas oo uu maanta uga qaybgalay shirka guddoomiyeyaasha baarlamaannada Carabta oo ka furmay magaalada caasimada Algiers. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Go’aan ka soo baxay ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka appeared first on Puntland Post.