Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howl-gal duqeyn ah lagu burburiyay kolonyo gaadiid ah oo kooxda Al-Shabaab kusoo rartay qaraxyo. Howl-galkan oo ciidanka NISA iska kaashadeen saaxiibada caalamka ayaa waxa uu ka dhacay deegaannada Sigato iyo Lebi Aw-Xasan oo u dhexeeya degmooyinka Ruun-nirgood iyo Al-kowthar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howl-galka ayaa waxaa kooxda looga gubay dhamaan kolonyadii gaadiidka ahaa ee ay kasoo buuxiyeen qaraxyada, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu laayay dhammaan dagaal-yahaannadii la socotay baabuurta. NISA ayaa sheegtay in mid ka mid ah gaadiidka qarxay ee howl-galkaan lagu burburiyay oo ahaa nooca loo yaqaanno Layla Calaawi ay kooxda damacsaneyd inay ku weerarto Masaajidka degmada Al-kowther. “Horey ayey Khawaarijtu u beegsan jirtay goobaha cibaadada gaar ahaan Masaajidda, Ceel cali Axmed, Daaru-nima, Buula-burte, Baado iyo Qaaayib,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska NISA. Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijisay sida ay mar kasta uga go’an tahay in ay meel kasta ku beegsato cadawga argagixisada ah ee ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed. NISA ayaa maalmihii u dambeysay kordhisay howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo gacan ka helaysa saaxiibada caalamka, oo Soomaaliya ka taageera dhanka cirka. Howl-galladii u dambeeyay ee NISA fulisay ayaa waxaa lagu dilay 48 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo dagaal-yahaanno ka tirsan Shabaab ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
  2. Khartoum (Caasimada Online) – Afartan iyo lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad xamuul oo ay leeyihiin militariga Sudan ay ku burburtay xaafad ku taalla duleedka caasimadda Khartoum, sida uu sheegay maamulka gobolka Arbacada maanta. Diyaaradda nooca Antonov ayaa Talaadadii fiidkii ku dhacday agagaarka saldhigga milatari ee Wadi Seidna, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee militariga Sudan, kuna yaalla Omdurman, waqooyi-galbeed Khartoum. Militariga Sudan, oo dagaal kula jira xoogagga sida militariga u tababar ee Gurmadka Deg-degga ah, Rapid Support Forces (RSF) tan iyo bishii April 2023, ayaa sheegay in diyaaradda ay burburtay xilli ay duulimaad ku jirtay, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca askar iyo dad rayid ah. “Tirada shuhadada waxay gaartay 46, halka 10 kalena ay dhaawacmeen,” ayuu sheegay xafiiska warbaahinta ee maamulka Khartoum, kadib markii la dhammeystiray tirakoobka rasmiga ah. Wasaaradda caafimaadka ee la safan militariga Sudan ayaa horay u sheegtay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen shilka. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan, iyagoo intaa ku daray in shilka uu burburiyey guryo badan oo ku yaalla xaafadda. Waxaa kale oo la xaqiijiyay in shilku sababay koronto la’aan saameysay deegaannada ku dhow. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay dhaawacyada, oo ay ku jiraan carruur, u qaadeen isbitaal ku dhow goobta shilka. Sarkaal ciidan oo aan la shaacin magaciisa, maadaama uusan lahayn oggolaansho uu warbaahinta ula hadlo, ayaa u sheegay AFP in shilka uu ka dhashay cilad farsamo. Weerarada cusub ee ciidamada Shilka diyaaradda ayaa dhacay maalin kadib markii RSF ay sheegtay inay soo ridday diyaarad nooca Ilyushin oo laga leeyahay Ruushka, taasoo dulmareysay magaalada Nyala, xarunta gobolka Koonfurta ee Darfur. RSF ayaa sheegtay inay burburisay diyaaradda iyadoo ay saarnaayeen shaqaalihii diyaaraddu. Dagaalka sii xoogeysanaya ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ay guulo ka sheegteen dagaalka ay ka wadaan bartamaha Sudan iyo caasimadda Khartoum, iyagoo weerarro ka fulinaya jihooyin kala duwan oo ay kula dagaallamayaan RSF. Fiidkii Sabtida, RSF ayaa magaalada Nairobi, Kenya, ku saxiixday heshiis ay la galeen kooxo siyaasadeed iyo ururo hubeysan oo xulufo la ah, taasoo gogol-xaar u ah dhismaha maamul kale oo ka hawlgalaya deegaannada ay maamulaan fallaagada. Tan iyo April 2023, taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo ku xigeenkiisii hore, hoggaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Daglo, oo markii hore saaxiibo ahaa, ayaa ku muransanaa cidda hoggaanka u qabanaysa dalka. Dagaalka, oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, ayaa qarxay kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Burhan iyo Daglo oo isku khilaafay qaab-dhismeedka dowladnimada mustaqbalka. Qaramada Midoobay ayaa dagaalkan ku tilmaantay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimada ee ugu xun ee dunida ka dhaca xilligaan casriga ah. Dagaalku wuxuu burburiyey Khartoum iyo magaalooyin kale oo waaweyn, waxaana ku barakacay in ka badan 12 milyan oo qof. Dalka ayaa galay xaalad macaluul ah, halka adeegyadii dowladdu ay burbureen, taasoo uga dartay xaaladda bini’aadantinimo. AFP + VOA
  3. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQNnahG4S4X3dzjH2ygPjbe3i1EH9YMrIfzmOp7MsW63-_z4Rvt9TU8sflOJm9Ue0T48-0y4iONihNmLoaxreh7g.mp4 Qaran News
  4. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐥𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 Iyo Khudbadii uu ka jeediyay https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQOlF1SICszE6D2rD7o5DUnSoi6GuTmW4K9QmAmrIkr8qBBY0BAyzuQSmK47irkZAG5kp7SsE6VdZOmcnT6tUsfd.mp4 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa daah-furay Shirka Beeralayda Somaliland oo lagaga tashanayey kaalinta lama illaawaanka ah ee ay beeruhu kaga jiraan hormarka iyo dhaqaalaha. Shirkani wuxuu ahaa mid beeralayda lagu dhiirrigelinayey in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si looga maarmo ku-tiirsanaanta cuntada dibedda la inooga soo waarido. Shirkan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayuu Madaxweynuhu ka jeediyey khudbad qiimo badan oo salka ku haysa muhiimadda uu wax soo saarka guduhu u leeyahay horumarka dalkeena, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay dejinayso qorsheyaal Qaran oo kor loogu qaadayo wax soo saarka dalaga beeraha ee dalkeena, waxana uu yidhi: “Waxa Xukuumadu dejinaysaa qorshaha horumarinta beeraha iyo xoojinta wax-soo-saarkooda. Waxa Xukuumadda u qorsheysan in la sameeyo Dugsiyo Sare oo Cilmiga beeraha lagu barto iyo in beerlayada la siiyo tababarro kor loogu qaadayo aqoonta wax beerista casriga ah, la dagaalanka cayayaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka si wax soo saarkooda suuqyada gudaha u geyn karaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ugu baaqay in ay maalgashadaan beeraha, si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha, waxana uu yidhi: “Fursado waaweyn ayaa ka bannaan maalgashiga beeraha Somaliland, waxa aannu dhiirrigelinaynaa in ganacsatada ay maalgashato beeraha iyo warshadaha lagu farsameeyo dalagga beeraha. Sida oo kale waxa aannu soo dhaweynaynaa maalgashiga dibadda ee beeraha.“ Qaran News
  5. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerarka culus ku qaaday xubno ka tirsan Kooxda Alshabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Weerarka ayaa yimid kadib markii saraakiisha ciidanka ay ka war in dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab ay halkaas isku aruursanayeen, ka dibna ciidamada ayaa weerar kadis ah ku qaaday. Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in khasaare culus la gaarsiiyey xubnihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka lagu qaaday, waxayna dhacdadani qeyb ka tahay howlgallo iyo dagaallo saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka shabeellada dhexe. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si weyn uga faa’iideysatay hadal dhowaan kasoo yeeray xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka, kadib markii uu sheegay in kala bar dalka ay qabsadeen Al-Shabaab, xilli uu ka hadlayay dagaalladii ay kusoo qaadeen HirShabelle. “Dalkii daraad kala bar oo bar ay Shabaab ayaa soo qabsadeen, sidaad arkeyseen, meelaha qaarna illaa iyo hadda way joogaan,” ayuu horay u yiri Xildhibaan Jeesow. Fursad wayn ayay kooxdu ka dhex heshay hadalka xildhibaanka, waxayna codkiisa u adeegsatay muuqaal dacaayad ah oo ay ku faafisay baraha bulshada. Xildhibaan Jeesow oo mar kale maanta soo hadlay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay arrinta dhacday, isaga oo tilmaamay in Shabaab ay si khaldan uga faa’iideysteen hadalkiisa. Jeesow ayaa caddeeyay inuu kasoo horjeedo argagixisada iyo fikirkeeda, isla markaana uu la dagaalami doono, si looga xoreeyo dalka oo dhan. “Waxaa nasiib darro ah nimanka nabad-diidka ah ee Khawaarijta ah ee Ilaahey ka furtay dalkeenana kusoo duulay waa ka xunahay aad-baana uga xumahay waxaan arkaayay maalin dhaweyto jaanis aan tacsiyo dadka u tacsiyeynaayay oo ay ka faa’iideysteen oo kanaal ay iyaa leeyihiin ay soo geliyeen ayaan arkaayay,” ayuu yiri Jeesow. Waxaa kale oo uu intaas raaciyay “Aniga mar kasta waan kasoo horjeedaa nimanka Shabaabka ah ee Khawaarijta waxaan leeyahay waa idin la dagaalameynaa ee meesha ka imaateen u noqda”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan uu sii xoogeystay gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka.
  7. Shirkaan oo heer-Wasiir ahaa, islamarkaana lagu qabanayo Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa shir-gudoomiyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige waxaana ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Dowladdaha ay saameeyeen Isbaddalka Cimilada iyo Arrimaha Colaadaha. Kulanka Shabakadani oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii la aas-aasay kadib shir weynihii Isbadalka Cimilada COP29 ee lagu qabtay Dalka Azarbajan ayaa hadda looga arrinsanayaa sidii ay taageero gaar ah u heli lahaayeen dalalka nugul ee ay wali ka muuqdaan saameynya Colaadaha iyo Cimilada. Ka sukoow shir guddoominta Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa jeediyay khudbad nuxurkeedu ahaa saameynta Soomaaliya ee xiliyada kala duwan ee Abaaraha iyo Fatahaada oo salka ku haya isbadalka guud ee cimilada adduunka. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in madashani ay la timaado waxqabad wadareed si loo samatabixoyo dhammaan bulshooyinka ay saameeyeen isbadalka cimilada. Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo shir ay wadajir ugu kulmayaan dalalka carabta oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta ganacsiga oo isna bari lagu qaban doono magaalada Abu Dhabi ee dalka UAE. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland ayaa maanta mooshin culus u gudbiyay guddoonka sare ee Golaha Shacabka, kaas oo ku aadan xaaladda cusub ee kasoo korortyay xiisadda dhexeysa dowladda iyo Jubbaland. Mooshinkan ayaa daba socda xildhibaannadii shalay lagu xayiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo kusii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xubnaha saxiixay mooshinka. Xildhibaanka oo faah-faahiyay ujeedkooda ayaa sheegay inuu yahay la xisaabtanka madaxda dowladda, wuxuuna tilmaamay in dooda mooshinka la galayo Sabtida soo socota. “Annaga hadda waxaan gaynay mooshin ku saabsan xildhibaannadii saaxibadeena ahaa ee lagu xayiray garoonka Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed diyaaradaha laga xayiray ee xaquuqda aas aasiga ee uu muwaadinka leeyahay” ayuu yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kooramka maanta waa buuxsami waayey hase ahaatee mooshinka hadda waa la haayaa Insha allah Sabtiga ayaan doodiisa galeynaa”. Dhinaca kale xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay inay cunaqabateyn saareen Jubbaland iyo dadkeeda. “Garoonkii magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuu isku bedelay garoon magafayaal ay haystaan oo dadka lagu caburiyo, Madaxweynihii Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihii waxay noqdeen Magafayaal,” ayuu yiri xildhibaan Xasan Yare. Waxaa kale oo uu yiri “Waxaa garoonka laga furay qol lagu wareysto dadka Jubbaland u socda ama ka imaanaya, qolkaas oo su’aallo lagu waydiiyo xaggee u socotaa, xaggee ka imaatay maxaa ka qabataa Jubbaland la leeyahay?” Si kastaba, Shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Parliament failed to hold a session on Wednesday due to a lack of quorum, delaying key legislative proceedings and fueling speculation over a possible no-confidence motion against Prime Minister Hamza Abdi Barre’s government. Source: Hiiraan Online
  10. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — A former Minneapolis café owner testified Tuesday that Feeding Our Future founder Aimee Bock demanded a $1.5 million kickback in 2021 to approve a fraudulent invoice totalling $3.1 million—and terminated her contract when she refused. Source: Hiiraan Online
  11. Kulan lagu waday inuu maanta ka qabsoomo xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, kaddib markii ay soo xaadireen kaliya 137 xildhibaan, taasoo ka hoosaysa tirada sharciga ah ee loo baahan yahay si kulanka uu u furmo. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uu gacanta ku hayo mooshin muhiim ah, balse la qorsheynayo in Sabtida la hor keeno Golaha si loo guda galo dooddiisa iyo go’aaminta la xiriirta. Weli lama shaacin faahfaahinta rasmiga ah ee mooshinka, balse waxaa loo badinaya in uu ku saabsan yahay Xildhibaano loo diiday in ay Garoonka ka dhoofaan. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la isugu yimaado kulan kale oo ay xildhibaannadu uga doodaan qodobada miiska saaran, halka shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan xaaladda Golaha Shacabka iyo mooshinka la filayo in la hor keeno. Source: goobjoog.com
  12. Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saaka dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo indhowanahaan colaadoodu ay ka taagneyd magaaladaasi. Dagaalka ayaa mar kale dib uga bilowday bartamaha degmada, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo keentay xaalad cusub oo kacsanaan laga dareemo halkaasi. Maleeshiyaadka dagaalamay oo maalmihii lasoo dhaafay isku horfadhiyay degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaasi ay ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, waxayna ugu dambeyn ka dhex-qarxay dagaal toos ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, balse tiro ahaan lama xaqiijin, maadaama weli xiisaddu taagan tahay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi oo ku noq-noqday degmada Luuq. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo uu fashilmeen qodobadii kasoo baxay shir dib u heshisiin ah oo beelaha dagaalamaya ku dhex-maray magaalada Kismaayo, kaas oo u goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.
  13. A Twin Cities nonprofit serving Somali and Afghan women is expanding its services for victims of domestic and sexual abuse. Source: Hiiraan Online
  14. Sawirkani waa (Dhaadaar) Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland, oo saaka ka dhaqaaqay tuulada Dhaadaar ayaa sahamin iyo miino-baar kaddib si nabad ah ula wareegay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala, oo uu ku eg yahay wejiga labaad ee dagaalka Ciribtirka Argagixisada ISIS. Qaar kamid ah Saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaaminaya dagaalka oo hadda ku sugan Dhasaan ayaa sheegaya in aysan wax iska caabin ah kaga imaan mileeshaadkii Daacish oo mudda sannado ah ka talinayay degaanka, kaddib markii ay isaga carareen saacado ka hor intaan ciidanku gaarin. Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay sidoo kale sheegeen in uu weli baaritaan amni ka socdo gudaha degaanka Dhasaan, gaar ahaanna saldhigyadii ay ka carareen dagaallamayaasha Argagixisada ISIS, kuwaasi oo hubin kaddib la soo bandhigi doono wixii loogu tegey. Qabashada degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ayaa ka dhigan in uu dhammaystirmay wejiga labaad ee dagaalka cirib-tirka mileeshiyaadka Daacish, iyadoo loo gudbi doono wejiga saddexaad ee sifaynta firxadka iyo haraadika kooxda ee ka baxsaday gacanta ciidamada. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo si nabad ah ula wareegay degaanka Dhasaan ee degmada Qandala appeared first on Puntland Post.
  15. Itoobiya (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa saacadaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in maalinta berri ah uu Abiy Axmed soo gaari doono caasimada dalka, iyada oo haatan ay socoto qaban qaabo ku aadan soo dhaweyntiisa. Sidoo kale waxaa Muqdisho soo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa, kaas oo haatan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus. Abiy ayaa marka uu yimaado kulamo la yeelan doono madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiska ay dhowaan gaareen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya. Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM
  16. Deryanka Rasaas laba dhinac ah ayaa saaka laga maqlayaa buuraha degaanka Xabley ee gobolka Bari halkaasi oo ciidamo ka tirsan difaaca Puntland ka baadi-goobayaan firxadka dagaallamayaashii ISIS ee baxsadka ah. Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmahan hawlgal ay ku raadinayaan firxadka mileeshiyaadka ISIS ka wada degaanka Xabley ayaa sida wararku sheegayaan waxay saaka baacsanayaan xubno kamid ah kooxda oo buurahaasi u soo baxsaday kaddib jabkii kaga dhacay togga Jeceel. Dhinaca kale ciidamada Puntland oo shalay gaaray degaanka Dhaadhaar ee buuraha Calmiskaad ayaa saaka hawlgal miino-baar iyo sahamin ah ka sameeyay degaannada ku xeeran Dhaadaar waxaana sahanka ciidamadu u sii gudbay dhinaca Dhasaan oo ay maanta ku wajahan yihiin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo buuraha Xabley ku baacsanaya firxadkii mileeshiyaadka Daacish appeared first on Puntland Post.
  17. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa la soo taagay rag loo haysto falal la xariira tahriibin sharci-darro ah iyo ku luglahaanshaha dhaqdhaqaaqyo ka ganacsiga addoomada ah. Eedaysanayaasha maxkamadda ka soo hor muuqday oo ka koobnaa 7 xubnood ayaa wajahaya dacwado culus oo la xariira waxyeello ka dhalatay falal tahriibin ah oo ay faraha kula jireen sida Xeer-Ilaalintu sheegtay. Raggan qaarkood ayaa loo haystaa dad ay Soomaaliya ka tahriibiyeen, kuwaas oo ay u gacan geliyeen kooxo wax addoonsada oo ju sugan dalalka Kenya, Madagascar, iyo Jasiiradda Mayoota. Kooxaha dadka tahriibiya ayaa horseed u noqda dhibaato baaxad leh oo soo gaarta kumannaan dhallinyaro ah oo doonaya inay si sharci-darro ah u safraan, kuwaas oo qaar kamid ahi ay badaha iyo lama-degaannada ku dhintaan, halka kuwo kalena ay magafeyaal arxan-darran oo madaxooda ka ganacsada u gacan galaan. Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka cusub ee AUSSOM ee sanadkan ka billowday dalka, ayaa ka hadlay sababta keentay in haatan Itoobiya lagu soo daro howlgalka cusub oo ay ka qayb qaadan doonaan, xilli horay dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan uga qaadatay ciidamada Itoobiya. Howlgalka cusub ayaa waxaa hadda ka qayb-galaya 5 dal oo kala ah Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar, kuwaas kala hoggaamin doono shanta sector ee howlgalkan oo loogu magac daray AUSSOM, kaas oo beddalay howlgalkii hore ee ATMIS. Waxaa sidoo kale lagu koobay tirada askarta 11,195 askari oo ka kala socda shantaasi waddan. “Maanta waxaa lasoo gabagabeeyay howlihii harsanaa, 5 dal ayaa kala hoggaaminayo 5-ta Sector oo kal aha Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Masar shantaas dal ayaa lambarkii iyo goobahood lasoo dhammeystiray” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka. La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale si gaar ah uga hadlay arrinta Itoobiya, isaga oo sheegay in ciidamo cusub oo la keeno ay ka door bideen kuwa Itoobiya, maadaama ay hadda gacanta ku hayaan dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya waxaa usoo baxday maadaama dhul ballaaran ay joogaan ciidanka Itoobiya ay ka fududahay inay iyaga sii joogaan, iyada oo lagu dabraayo qaabkii ay u dhaqmi jireen iyo wixii ka horreeyay xilligan in ay isbedalaan oo noqoto inay ixtiraamaayaan gobonimada Soomaaliya oo DFS wax weliba uga dambeynaayaan” ayuu yiri la-taliyuhu. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday doodda ka taagan arrinta Masar iyo Itoobiya oo is haya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan waxba iska quseen waxa ka dhexeeya labada dal iyo howlgalka cusub, isla markaana dowladda Soomaaliya ay fiirineyso danaheeda. “Arrinta sanka la’isku galgalinaayo ee Masar iyo Itoobiya waxa quseeya ma’aha howlgalkan iyo dowladda Soomaaliya danaha ay ka leedahay” ayuu sii raaciyay.
  19. Ukraine ayaa ogolaatay qodobbo ku jira heshiisyada macdanta waaweyn ee ay Maraykanka la galayso , sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ku sugan magaala-madaxda Kyiv. “Runtii waxaan ku heshiinay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalkani, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah. Warbixinnno ay qorayso warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn (£395bn) ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, balse ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine oo dagaalladu ay aafeeyeen. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky oo ku sugan Washington inuu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag isku dhaafsadeen. Mareykanka ayaa taageeraha ugu weyn ee hubka iyo dhaqaalaha la garab taagnaa Ukraine seddaxdii sano ee ay dagaalka kula jirtay Ruushka, balse heshiiska uu macdanta dalka ku qaadanayo ayaa daboolka ka qaaday ujeedka ay Washington ka lahayd garab istaagga Kiev. Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) — The leader of SSC Khatumo, Abdiqadir Aw Ali Firdhiye, has called for a renewed offensive against Somaliland, urging supporters to escalate their struggle to reclaim contested territories in the Sool and Sanaag regions. Source: Hiiraan Online
  21. Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in duqeyn uu Imaaraadku ka fuliyay deegaanka Miraale oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad lagu dilay 25 xubnood oo Daacish ah. deegaanka Miraale ayaa ahaa Taliska weyn oo ay aaggaas ku lahayd kooxda Daacish, iyadoo la beegsaday xubno halkaas isku aruursanayay, sida lagu sheegay war ka soo baxay Puntland. Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa lagu dilay boqolaal ka tirsanaa dagaalameyaasha kooxdaas, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba. Source: goobjoog.com
  22. Waxaa soo baxay isbeddel weyn oo ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii dowladda Soomaaliya iyo Burundi ay ku guuldarreysteen inay heshiis ka gaaraan tirada ciidamada ka howlgalaya dalka. Arrintan ayaa keentay in ciidamada Burundi laga saaro Soomaaliya, halka dowladda Masar ay ciidamo u soo dirayso si ay qayb uga noqdaan AUSSOM. Sababta Ciidamada Burundi u Baxayaan Burundi waxay ka mid ahayd waddamada sida tooska ah uga qeyb qaadanayey sugidda amniga Soomaaliya, iyagoo qayb ka ahaa ciidamadii hore ee AMISOM iyo kuwa hadda ka howlgala AUSSOM. Balse wadahadaladii u socday Soomaaliya iyo Burundi ayaa burburay, kaddib markii ay isku mari waayeen tirada ciidamada Burundi ee la ogolaan lahaa inay sii joogaan dalka. Sidaa darteed, ciidamada Burundi ayaa lagu amray inay dalka isaga baxaan. Masar oo Lagu Soo Daray Howlgalka AUSSOM Si loo buuxiyo booska ka bannaanan doona ka bixitaanka Burundi, dowladda Masar ayaa loo qorsheeyay inay qayb ka noqoto howlgalka AUSSOM. Ciidamo gaaraya 1091 askari oo Masar ah ayaa lagu daray qorshaha, taasoo ka dhigeysa markii ugu horreysay ee Masar ay si rasmi ah uga qeyb qaadato sugidda amniga Soomaaliya. Tirada Ciidamada AUSSOM ee Hadda Jooga Soomaaliya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxa uu ka kooban yahay ciidamo ka kala socda dhowr dal oo Afrikaan ah. Tirada ciidamada dal walba ka jooga Soomaaliya waxay u kala qaybsan yihiin sidan: Uganda: 4500 askari Kenya: 1410 askari Ethiopia: 2500 askari Djibouti: 1520 askari Masar: 1091 askari Source: goobjoog.com
  23. Kismayo (HOL) — Heavy fighting broke out Wednesday morning in Luuq, a district in Somalia’s Gedo region, as rival clan militias engaged in a deadly confrontation, local sources reported. Source: Hiiraan Online
  24. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay, in dad ka badan 50 qof ay u dhinteen toddobaadyadii la soo dhaafay kiisas xanuuno aan la garaneeyn waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Laga soo bilaabo bishan Febraayo 16-keedii, waxaa jiray 431 xaaladood iyo 53 dhimasho ah oo ka dhashay laba cudur oo ka dillaacay tuulooyin fog-fog oo ku yaal gobolka Equateur, sida WHO ay ku sheegtay war-saxaafadeed. Waxay sheegtay in ay baareyso cudurradan. Afhayeenka WHO Tarik Jasarevic ayaa ku sheegay in cudurrada dillaacay oo la garaneeyn sababta, ay kiisaskoodu si xawli ah u kordhayaan maalmo gudahood, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka bulshada. WHO ayaa sheegtay in cudurradaasi lagu garanayo astaamha ay ka mid yihiin qandho, xanuun, mantag iyo shuban. Cudurradan ayaa imanaya xilli qeybo ka mid ah Congo ay ka jiraan colaado sokeeye oo uu dhig badani ku daatay. Colaadda ayaa xooggeeda ka jirta dhanka bari ee Congo. Source: goobjoog.com
  25. Ukraine ayaa ogolaatay qodobbada heshiisyada macdanta ee Maraykanka, sida uu BBC u sheegay sarkaal sare oo ku sugan Kyiv. “Runtii waxaan ku heshiinnay dhowr qodob oo wanaagsan, waxaana u aragnaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan bixin wax faahfaahin ah oo dheeri ah. Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Washington ay laashay dalabaadkii ugu horreeyay ee xaquuqda $500bn ee dakhliga suurtagalka ah ee ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, laakiin ma aysan siinin dammaanad amni oo adag Ukraine . Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky uu gaaro Washington si uu saxiixo heshiiska toddobaadkan, ka dib markii labada hoggaamiye ay ereyo adag is dhaafsadeen midba midka kale. Isaga oo aan xaqiijin in heshiis la gaaray, Trump ayaa Talaadadii sheegay in beddelka heshiiska Ukraine ay heli doonto “xaq ay ku dagaallanto”. “Aad bay geesiyaal u yihiin,” ayuu u sheegay warfidiyeenka, laakiin “la’aanteen Mareykanka iyo lacagihiisa iyo qalabkiisa milatari, dagaalkan wuxuu ku dhammaan lahaa waqti aad u yar”. Mar wax laga weydiiyey in saadka iyo hubka Mareykanka ee Ukraine uu sii socon doono iyo in kale, waxa uu yiri: “laga yaabee ilaa aan heshiis la galeyno Ruushka… Waxaan u baahanahay inaan heshiis la galno, haddii kale way sii socon doontaa.” Waxaa jiri doona baahi loo qabo “nooc nabad ilaalin” gudaha Ukraine ka dib heshiis kasta oo nabadeed, Trump ayaa intaaku daray, laakiin taasi waxay u baahan doontaa inay noqoto mid “qof kasta aqbali karo”. Toddobaadkii hore, Trump wuxuu ku tilmaamay Zelensky inuu yahay “kaligii taliye”, wuxuuna u muuqday inuu Ukraine ku eedeeyay inay bilowday dagaalka, ka dib markii hogaamiyaha Ukraine uu diiday dalabaadka Mareykanka ee $ 500bn ee hantida macdanta, wuxuuna soo jeediyay in madaxweynaha Mareykanka uu ku nool yahay “meel ay hareeyeen macluumaad khaldan” oo uu abuuray Ruushka. Trump ayaa u ololeynayay si u uu helo macdanta Ukraine si gargaar hor leh oo militari iyo kaalmo kale uu ugu sii wado Ukraine, taas oo Maraykanku siinayay tan markii Moscow ay billowday duullaan ballaaran oo saddex sano ka hor. Zelensky wuxuu ku dooday in aysan jirin caawimo Mareykan ah oo intaas la eg oo la siiyay, isagoo intaas ku daray: “Ma iibin karo dalkeyga.” Xigashada Sawirka,Getty Images Isniintii, Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu siiyay Ukraine lacag u dhexeysa $300bn iyo $350bn. “Waxaan rabnaa inaan dib u helno lacagtaas,” ayuu yiri. “Waxaan dalka ka caawineynaa dhibaato aad u weyn…laakin canshuur bixiyaha Mareykanka hadda wuxuu dib u helayaa lacagtooda oo dheeraad ah.” Sida laga soo xigtay ilo-wareedka Ukraine, Maraykanku wuxuu ku qasbanaaday inuu ka laabto qaar ka mid ah dalabaadkiisii cuslaa ee waddanka ay dagaalladu aafeeyeen, qaar badan oo ka mid ah faahfaahinta heshiiskan ayaa u baahan doona wada xaajood dheeraad ah. Shabakadda wararka ee Ukraine ee Ukrainska Pravda ayaa sheegtay in heshiiska macdanta lagu wado inay kala saxiixdaan wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Andrii Sybiha iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio. Ukraine waxa ay haysataa kayd badan oo ah walxo iyo macdan muhiim ah, oo ay ku jiraan lithium iyo titanium, iyo sidoo kale dhuxusha, gaaska, saliida iyo kaydadka uranium-ka oo la qiyaasi karo – sahay qiimaheedu dhan yahay balaayiin doolar. Waxaa sii kordhaya waalaca Ukriane iyo xulufaeeda Yurub ay ka qabaan xiriirka Ruushka iyo Maraykanka oo ay ku jirana wadahadalladii Sacuudiga ee todobaadkii hore. Maxay yihiin macdanaha ay leedahay Ukraine? Xigashada Sawirka,Getty Images Waxaa lagu qiyaasa in qiyaastii boqolkiiba shan ” waxyaabaha muhim ee cayriinka” ee adduunka ay ku jiraan dalka Ukriane kuwaas oo ay ka mid yihiin. Sagaal iyo tobban milyan oo macdan nooca graphine, taas oo loo isticmaalo in laga sameeyo bartiyada baaruurt ayaa ka mida macdanaha ay qaniga ku tahay Ukriane. Saddex meelood meel dhigaalka lithium Yurub, oo ah qaybta muhiimka ah ee baytariyada hadda jira ayey sidoo kale Ukriane qani ku tahay. Ka hor inta uusan bilaaban duulaanka buuxa ee Ruushka seddex sano ka hor, Ukraine waxay sidoo kale soo saaraysay boqoliiba 7 titanium-ka adduunka, oo loo isticmaalo dhismaha wax kasta oo laga bilaabo diyaaradaha ilaa xarumaha korontada. Dhulka Ukraine sidoo kale waxaa ku jira keyd muhiim ah oo macdanta dhifka ah, oo ka kooban 17 walxood oo loo isticmaalo in lagu soo saaro hubka, marwaxadaha dabaysha, elektiroonigga iyo agabka kale ee muhiimka u ah dunida casriga ah. Qaar ka mid ah keydka macdanta Ukriane ayuu ruushka qabsaday sida ay sheegtay Yulia Svyrydenko, wasiirka dhaqaalaha Ukraine, kheyraadka qiimihiisu yahay $350bn ayaa weli ku jira dhulalka ay Ruushku haystaan maanta. Bbcsomali Qaran News