-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaan bogaadinayaa go’aanka geesinimada leh ee Ka soo baxay shirkii golaha wasiirada ee xakuumada Somaliland ee hagayo ruug cadaaga siyaasiga iyo diblomaasiga qunyar socodka ah ee madaxweyne Ciro. Go’aanka joojinta wada hadalkii ma dhalayska ahaa ee u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland Kaas uu inagu furay xisbigii kulmiye 2012. Wada hadalkaas oo aan Ku luminay saaxiibo badan oo Somaliland lahayd Laguna kari waayay xisbigii kulmiye waar waxan inaga xidha Wada hadalkaas oo hagardaamo weyni Ka soo gaadhay Somaliland Ragii hagardaamadaas qaybta Ka ahaana weli cod iyo madaxnimo Ka quudayaan shacabka Somaliland. Madaxweyne Ciro waxa Ka muuqata inuu la dareen yahay shacabka Somaliland ee 34 Ka sano samraayay ee dhawrayay inay mar uun helaan hogaamiye la dareen ah, hadaba waxaan shacabka Somaliland Kula talinayaa xakuumada waa dhaliili kartaan lkn qabyaalada iyo aflagaadada anshaxa Ka baxsan ISKA daaya. Madaxweynahana waxaan leeyahay madaxweyne waa Ku garab taaganahay lkn golaha wasiirada kuwa aan siyaasadaada la Jaan qaadayn ha eega ee cid kale u igmo shaqada qaranka si aad oga midho dhaliso yoolkaaga siyaasadeed. Somaliland ha waarto Ibrahim Duale Sulaiman (Talaabo) Qaran News
-
Somaliland detainees are being transferred from Laascaanood to Mogadishu, where the Federal Government of Somalia, in coordination with the ICRC, will arrange for their return to Hargeisa. Garowe (PP News Desk) — The Somaliland Administration has come under criticism for rejecting a detainee exchange initiative facilitated by the Federal Government of Somalia. Somaliland’s Information Minister yesterday said that only the direct parties to the conflict — the Somaliland Administration and the SSCK (Sool, Sanaag, Cayn and Khatumo) administration — have the legitimacy “to arrange such exchanges”. The SSC administration recently handed over 25 Somaliland detainees to the Federal Government of Somalia in a goodwill gesture, aiming to initiate a formal exchange of detainees captured during the 2023 Laascaanood conflict. Critics argue that Somaliland’s position is politically untenable. Historical precedent shows that third-party-facilitated exchanges are not unprecedented — in 2005, a successful exchange between Puntland and Somaliland was arranged by civil society groups. Somaliland detainees, some of whom hold Somali Region of Ethiopia identification or claim to hail from cross-border communities such as Awaare, Dawa’aley and Awbarre, complicate the situation. Their political identity raises questions about legal jurisdiction, which reinforce the Somali Federal Government’s role as a more neutral and capable authority in such matters. © Puntland Post, 2025 The post Somaliland Administration Under Fire for Rejecting Detainee Exchange Brokered by Somali Federal Government appeared first on Puntland Post.
-
Capital Hill is banking on four grants from the United Kingdom-based Global Health Partnership (GHP) to help tackle persistent challenges in the country’s health sector. The grants, amounting to over £700,000, are expected to strengthen Malawi’s health systems, address workforce shortages, and improve service delivery across urban and remote areas. The Ministry of Health said the new funding from the Global Health Partnership is a major boost towards equitable and quality healthcare delivery in Malawi. Secretary for Health, Samson Ndolo, said the grants will play a pivotal role in addressing some of the system’s most pressing challenges, including critical shortages of skilled personnel, uneven workforce distribution, and leadership gaps. “If you look at the impact of capacity building, if you have trainers, in theory, yes, but you can never say everybody. We should build enough capacity even after this program is done. We need to continue the capacity-building efforts, which we cannot do in one year, but over time we should be able,” Ndolo explained. The Deputy Development Director at the British High Commission, Dan Pine, stressed the importance of investing in health workers. He said: “It’s clear that health workers are the backbone of the health system here and there are quite a lot of gaps when we look at how the health system is working here across the various districts of Malawi.” “Trying to find ways of supporting health workers in a sustainable way here is what we’re really trying to do and these partnerships between organizations in the UK and partnerships across Africa as well, so you interview the lady from Kenya, are a great way of trying to build that capacity sustainably,” Pine said. The program is expected to run from April 2025 to January 2026, The initiative will focus on Malawi, Ethiopia, and Somaliland, with Malawi receiving four targeted grants for key health institutions. GHP country representative, Dickens Binali, noted that the motivation and well-being of healthcare professionals is central to the quality of care they provide: “There has to be initiative, there have to be modules that has been set up for these healthcare workers to continuously learn and develop themselves and be able to stand out in their field. As you know, the medical field is one of the fields that is quite involved. So the new disease is coming in, so there have to be those initiatives where you are giving that platform for them to continuously learn,” Binali narrated. The grants include just over £130,000 from Cambridge Global Health Partnership to Kamuzu University of Health Sciences and just under £200,000 from Florence Nightingale Foundation for the Nurses and Midwives Council. Others are £199,773 from Amref Health Africa UK and Malawi for the Medical Council, and £199,115 from the International Centre for Eye Health, also for KUHeS. About The Author Avatar photo Matiffi Ngwira Matiffi Ngwira is a professional journalist based in Malawi with over six years of experience in the media industry. His work focuses on reporting and storytelling that highlights key social, political, and economic issues, among others. Passionate about transparency and development, he has covered major stories shaping Malawi. Capitalradiomalawi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, guulaha ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo si gaar ah uga hadlay howlgalkii Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ay saakay ku dileen ku dhawaad 40 Shabaab ah iyo Horjooge Ajanebi ah. Howlgalkaas ayaa ka dhacay Tuulada Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay, wasiirka ayaa maalmo ka hor xilkaan la wareegay, howlgalkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo uu ka hadlay. “Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga Khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sheegay in qorshaha lagu laayey cadowga uu ka marqaati kacayo diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada deegaanka, isagoo sheegay in la gaaray dhamaadka kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka cusub ee gaashaandhigga ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaliyeed in si hagar la’aan ah ay u garab istaagaan Ciidamada naftooda u huraya in dalkeena ay ka xoreeyaan cadowga Khawaarijta ah. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta dhiiri-gelin ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha dagaalka. Ciidamada ayaa saakay fuliyey howlgal guuleysay oo lagu dilay in ka badan 35 dhagarqabe oo Khawaarij ah, kuwaas oo horjooge ajanebi ah uu ku jiray, iyadoo Khawaarijta laga dhaawacay in ka badan 60 maleeshiyaad ah. Meydadka Shabaabkii la laayey ayaa maanta la geeyey magaalada Baydhabo, halkaas oo shacabku ay ku dabaaldegayeen, iyadoo lagu dabaxiray gaadiid oo la jiiday, taasi oo muujineysa cadaawadda shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan kooxaha argagixisada ah.
-
Mogadishu (HOL) — The Somaliland government is calling on Somalia to immediately transfer 25 detainees taken from Las Anod to the International Committee of the Red Cross (ICRC), accusing federal authorities of violating international humanitarian law and exploiting the prisoners for political purposes. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somali government forces and regional Darwish units from South West State killed more than 35 Al-Shabaab fighters in a coordinated military operation near Baidoa, military officials said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha la-dagaalanka Khawaarijta oo maalmahaan magaalada Muqdisho ka socday ayaa maanta la soo gaba-gabeeyay. Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 700 oo ergay kuwaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda, ayaa waxaa maanta laga soo saaray baaq xoojinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Ujeedka shirkan ayaa wuxuu ahaa in si weyn looga qayb-galo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii dalka looga xorayn lahaa loona garab istaagi lahaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Shirkan ayaa waxa loogu baaqay bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada kala duwan ee dalka in ay si weyn uga qayb qaataan sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha argagixisada. Soo xiritaanka shirkan ayaa waxa ka qayb galay oo khudbado kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuummadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa yiri: “Waxa la dhibaateynaayo, oo la beegsanayo waa dadkii aad matasheen, baraarugaan iyo in loo midoobo dagaalka khawaarijta waan idinkaga mahadcelinayaa.” Sidoo kale shirkan waxaa khudbad ka jeediyey wasiirka caafimaadka, isagoo tilmaamay muhiimada dagaalka socda, “Khawaarij meel walba ayey ka soo qaxeen, waxaana ay isugu yimaadeen deegaanadeena, aan u midowno ciribtirka iyo soo afjarkooda.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah. Xaruntan casriga ah ee la dhagax dhigay ayaa waxaa yeelan doonta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata dhaqaalaha. Sidoo kale waxa uu bogaadiyey dhismaha xaruntan oo ah mid casri ah oo fududeyn doonta adeegga ay wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xusay in saameynta isbeddelka cimilada adduunka ay yaraysay wax soo saarkii dalaga beeraha ee dunida, sidaas awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka gudaha. Dhismaha xaruntan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay xukuumadda Dan-Qaran ku casriyeynayso adeegyada wasaaradda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo xitaa la gaarsiiyay heer maamul goboleed.
-
Somaliland detainees being transported from Laascaanood to Mogadishu, where the Federal Government of Somalia, in conjunction with the ICRC, will facilitate their return to Hargeisa. Garowe (PP Editorial) — The Information Minister of the Somaliland Administration stated yesterday that “the Somaliland Administration would not agree to an exchange of detainees with the Federal Government of Somalia.” His justification for this position was that only the parties to the conflict — namely, the Somaliland Administration and the Sool, Sanaag, Cayn Khatumo (SSC) administration — can legitimately arrange such exchanges. The SSC administration has transferred 25 Somaliland detainees to the Federal Government of Somalia, as a prelude to a formal exchange of detainees captured during the Laascaanood conflict in 2023. Several factors make the Somaliland Administration’s argument politically implausible. In 2005, a detainee exchange between the Somaliland Administration and Puntland was facilitated by the Puntland Development Research Center and the Hargeisa-based Academy for Peace and Development. The exchange took place in Adhicaddeeye, the site of clashes between Puntland State and Somaliland forces in 2004. What makes detainee exchange more complicated in 2025 is both the nature of the conflict and the identity of the detainees. The conflict is rooted in the secession claim of Somaliland administration. In 2023 the Somaliland Administration defied UN Security Council calls to withdraw its troops from the outskirts of Laascaanood. Subsequently, it called for a two-state solution as a precondition for halting the shelling of Laascaanood. The identity of some of the Somaliland detainees strengthens the Federal Government of Somalia’s claim to be the appropriate authority to facilitate detainee exchanges. Some detainees hold IDs issued in the Somali Region of Ethiopia. Others claimed to originate from areas in the Somalia region of Ethiopia: Awaare (Garhajis sub-clan of the Isaaq), Dawa’aley (Arap sub-clan of the Isaaq), and Awbarre (Awdal Clan clan). Based on these claims, should the detainees be considered Ethiopian citizens or Somali citizens? Several detainees from the Awdal Clan clan claimed that they had joined the secessionist forces after former Somaliland Vice President Abdirahman Sayli’i was sent to Borama to recruit volunteers for the conflict. In 2005, Somalia had a transitional federal government that was less than a year old. Somalia has a permanent federal government, established 12 years ago in 2012. It is now the only institutionally capable authority for facilitating detainee exchanges stemming from a complex conflict in Northern Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Why Somaliland Administration Is Wrong to Refuse a Detainee Exchange Facilitated by the Somali Federal Government appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre (bidix); Kabtan Ayuub (midig). Stuttgard (Faallo) — Koox dallinyararo oo taageera kala goynta Soomaaliya oo ku sugan Jarmalka ayaa si been ah ugu soo eedeeyay Kabtan Ayuub, oo caan ka ah baraha bulshada, inuu booqdday Goojacadde oo ay ku tilmaameen meel argaggixisada Al-shabaab ay ku sugan tahay. Booqashada Ra’iisal Wasaare Xamse ku tagay Laascaanood ayaa si cad u beenisay in argaggisixo ay ku sugan tahay Sool. Maamulkii Muuse Biixi, madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku guuldarreystay inuu fidiyo beenta in “Khawaarij ku sugan tahay Laascaanood.” Dhallinyarada ka been-sheegtay Kabtan Ayuub beentii Muuse Biixi uun bay fidinayeen. Baaritaan kaddib hay’adaha amniga ee Jarmalku waaxay ogaadeen in Kabtan Ayuub uusan booqanin meel argaggixiso haysato. Maxaa dhici kara haddii Maxamuud Xaashi, Xirsi Xaaji iyo Cabdiraxamaan Cirro lagu eedeeyo inay colaad isir naceyb ku salaysan hurinayaan iyada oo loo marayo xilalka ay hayaan, siyaasadaha ay taageeraan iyo dhalashada labaad ay haystaan? Shalay Faysal Cali Waraabe wuxuu taageerayay Al-shabaab. Maanta qof kasta oo siyaasad ahaan u taageeray duqeyntii Laascaanood waa laga dacweyn karaa hay’adaha sharciga ee dalalka kale. Dad badan way og yihiin in hadalladii Adna Aadan Ismcaaiil ee ku saabsanaa taageeradeedii duqeynta Laascaanood ay sababeen in la joojyay dhammaan martiqaadyadii hay’aduhu u fidin jireen si loo weyneeyo hawlihii ay ka qabatay caafimaadka haweenka iyo dhallaanka. Jaalliyadaha Puntland waa inay tallaabo cad ka qaadaan beenta taageerayaasha goosasho doonku ka sheegeen Kabtab Ayuub oo ah nin caan ku ah la dagaallanka argaggixisada. W.Q. Cabdiraxmaan H. C. Madar The post Booqashada Ra’iisal Wasaare Xamse ku tagay Laascaanood oo wax tartay Kabtan Ayuub appeared first on Puntland Post.
-
The President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi (Cirro), held a meeting on Tuesday at the Somaliland Presidential Palace with senior officials from the Pharo Foundation, a UK-based organization focused on human development, especially in education, health, agriculture, water, and the environment. The meeting, attended by President Cirro and members of the Somaliland government, aimed to explore ways to collaborate with Pharo Foundation on investing in and developing the agricultural sector and improving food security in Somaliland. According to a statement from the Somaliland presidency, the purpose of the meeting was to strengthen cooperation between Somaliland and the Pharo Foundation in financing and implementing agricultural development projects. President Cirro welcomed the meeting and affirmed his administration’s commitment to attracting and working with genuine investors in agriculture, livestock, mining, and other key sectors of Somaliland’s natural resources. “The President told the Pharo Foundation officials that Somaliland is committed to working transparently with investors to achieve national goals of sustainable development and food security,” the statement said. The statement also noted that Pharo Foundation officials visited Hargeisa specifically to discuss a large-scale agricultural project that the foundation plans to implement in Somaliland, which is expected to greatly support the country’s economic growth. The Pharo Foundation is an independent charitable organization based in the United Kingdom, founded in 2011. It focuses on education, water, and agricultural productivity, and operates in Somaliland, Ethiopia, Kenya, and Rwanda, providing programs that support community development and economic resilience. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta duqeyn ku burburiyay doomo sidday hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab. Howlgalkaan oo ka dhacay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan oo kooxda loogu tala galay, kuwaas oo lagu qalabeyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab. Doomahan ayaa la sheegay in aysan wadan wax calan ah oo lagu aqoonsan karo dalka laga leeyahay. “Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay biyaha gudaha ee Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hubka la burburiyay oo loogu tala galay kooxda Al-Shabaab ayaa khatar ku ahaa amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ee taageeraya dadaallada nabad-dhiska. Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada dooni, iyadoo aan wax khasaare ah soo gaarin shacabka. Inkasta oo aan la shaacin halka ay doomahan ka yimaadeen, haddana waxaa loo badinayaa inay kasoo shiraacdeen dhanka Yemen, oo xarun u ah kooxda Xuutiyiinta — kuwaas oo dhawaan heshiis hoose uu dhexmaray iyaga iyo kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa Somaliland u aqoonsaday magac cusub, kadib booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegay Laascaanood, kaasi oo ah “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed”. Magacan ayaa la iskugu raacay in loo aqoonsado Somaliland, kadib shirkii Golaha Wasiirrada SSC-Khaatumo oo ka dhacay magaalada Laascaanood oo haatan ah xarunta maamulka SSC. Shirkan oo uu guddoomiyay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa lagu bogaadiyay safarkii taariikhiga ahaa ee Xamza ku tegay halkaasi, kaasi oo ay SSC-Khaatumo ugu aqoonsadeen dawlad goboleed buuxa. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyey go’aankaas iyo safarkaas taariikhiga ah ee wefdıgaas ballaadhani ku yimaaddeen deegaanka. Dhanka kale Shirka ayaa diirradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca, midnimada iyo siyaasadda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay maamulka SSC-Khaatumo. Ugu dambayn, Golaha ayaa go’aamiyey in Somaliland oo haatan ka talisa Gobolka Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya loo aqoonsado “Kooxda Gooni-goosadka Waqooyi Galbeed (KGWG).” Tan iyo markii ay lumisay Somaliland deegaanada ay haatan SSC ku hayso gacanta, loona aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah, waxay labada dhinac hawada isku marinayeen hadallo kulul, iyadoo laga cabsi qabo in dhinacyada uu markale dagaal dhexmaro. Si kastaba, Safarka Xamza ee Laascaanood ayaa muujiyay taageerada dowladda federaalka Soomaaliya ee maamulkan, oo haatan loo aqoonsaday maamul goboleed buuxa, kana qeyb-galaya miiska lagu gaarayo arrimaha masiiriga ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in liiska argagixisada la geliyo siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo shalay si aan gabasho lahayn u taageeray Shabaab, sheegayna inay dhawaan qabsan doonaan caasimadda dalka. Fiqi oo ka fal-celiyay qoraalka uu shalay soo saaray Waraabe, kaasoo uu ku sheegay in kooxdaasi ay magaalada Muqdisho qabsan doonto bisha May illaa June 2025, ayaa tan u cuskaday fashil dowladeed oo uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirku wuxuu garaad xumo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Waraabe, wuxuuna ku eedeeyay inuu si toos ah ugu biiray kooxda Al-Shabaab, oo haatan dagaal adag kula jirta geesiyaasha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka. “Waa garaad xumo hadalka uu ku hadaaqay. Horay ayuu carruurtiisii ugu biiriyay ISIS (Daacish), haddana isagii ayaa kooxda argagixisada Al-Shabaab si toos ah ugu biiray, sida kuwii ka horreeyay ay ugu biireen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi oo u jawaabay Faysal Cali Waraabe. Wuxuu intaas ku daray: “Waraabe waa in la geliyaa liiska argagixisada lana soo taagaa maxkamad.” Arrimahan ayaa imanaya xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka kooxda Al-Shabaab, isla markaana maalmihii dambe la arkayay deegaano laga xoreeyay kooxda oo haddana ay weerarro rogaal celis ah kula wareegeen. Inkasta oo dowladda federaalka Soomaaliya ay muujisay ka go’naanshaheeda gulufka socda, haddana waxaa jira gaabis iyo habacsanaan ay tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, si guul wax ku ool ah looga gaaro dagaalka Shabaab, oo ay nooga baxeen halyeeyo naftooda u huray xoreynta dalkeenna.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kalena ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan howl-galladii ugu dambeeyay ee dhacay iyo sidoo kale qabsashadii degmada Aadan Yabaal. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka fal-celiyay arrinta Aadan Yabaal oo saddex sano kadib gashay gacanta argagixisada ayaa wax laga naxo ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ay ku farxaan guusha Khawaarijta ee dagaallada ka socda dalka. Siyaasigan ayaa xusay “in dad leh aragti gaaban” ay siyaabo kala duwan oo dhiirogelineyso Shabaab ay uga fal-celiyeen guushooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waa wax laga naxo sida Soomaali badan kaga falceliyeen goob ku guulaysiga dagaal ee AS, waxaa ka muuqata aragti gaabni iyo aqoon la’aan ku aadan argagexisada,” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Argagexisadu waa cadow aan arxan iyo naxariis lahayn, waa kuwii maalin qura kun qof oo shacab Soomaaliyeed ah xasuuqay, dhallinyaro qalinjebinaysa, macalimiintoodi, waalidoontood iyo masuuliyiin soo maamuusay isku goob ku gumaaday, laayey arday deeq waxbarasho saf ugu jira, waa kuwii hoteellada, meheradaha ganacsiga iyo xeebaha dadka ku xasuuqayey. Madax jebinta, xasuuqa iyo gumaadka argagexisada hayb iyo deegaan uma kala soocaan.” Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab iyo ajaaniibta ku dhex jirta oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin dalka. “Waa in aan dhinac iska dhignaa Ajandayaasha la isku khilaafsan yahay ee aan ku hawlgalnaa kuwa lagu midaysan yahay oo dagaalka cadawga ugu horeeyo, dhankeenna waa diyaar,” ayuu mar kale ku yiri qoraal uu soo saaray xildhibaan Warsame. Dhanka kale, wuxuu farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ugu baaqay inuu la yimaado qorshe cad oo ku aadan dagaalka socda, iyada oo meel la’iska dhigayo arrimaha siyaasadda ee la’isku hayo iyo khilaafaadka maamul ee ka jira dalka. “Madaxweynaha ayaa lagaa rabaa in uu xaalada adag ku wajaho go’aan qaadasho geesinimo leh oo ku mideeyo dareenka shacabka, ku tixgeliyo talada indheergaradka, kulana heshiiyo mucaaradkiisa,” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dalka uu ku jiro xaalad adag oo ka dhalaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna kooxda oo dib isku soo abaabushay ay culeys xoogleh soo soo saartay labada Shabelle iyo deegaanno u dhow Muqdisho.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dagaal culus oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Daynuunaay iyo Baydhaba, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda, xilli ay isku uruursaneeyeen Burjeed oo qiyaastii 15 kiilo mitir u jira magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay in ka badan 35 xubnood oo uu ku jiray horjooge sare oo ajnabi ahaa, sidoo kale la dhaawacay 60 kale. “Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Khawaarijta oo oo isku diyaarinayay inay weerar qaadaan. Dhimashadu waa in ka badan 35 xubnood, oo uu ku jiro horjooge ajnabi ah dhaawacana waa in ka badan 60 kale” ayaa lagu yiri qoraaka. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen illaa 18 maydad kale, intii kale iyo dhaawacyadana ay la carareen Al-Shabaab. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in weli ay sii socdaan howlgallada, isla markaana ujeedka uu yahay in laga hortego falalka gurracan ee kooxaha argagixisada. Dhanka kale, Maydadka xubnaha kooxda Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaaraha afar irdoodka ee magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah. Madaxweyne Laftagareen iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Koonfur Galbeed ayaa dhankooda boggaadiyay guusha laga soo hooyay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Baydhaba Xaaladda kacsanaan ah ayaa haatan kasoo cusboonaaday gobollada Baay iyo Bakool oo ay weli ku xooggan yihiin maleeshiyaadka Khawaarijta oo deegaanno badan ka haysta gobolladaasi. Dagaalka maanta dhacay, wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo todobadkaan ay kooxda Al-Shabaab qaaday cunaqabateyn ay mudoo dheer ku haysay degmooyinka gobolladaasi, waxaana markii ugu horreysay 10 sano kadib gaaray gaadiid siday badeeco kala duwan.
-
Warar hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidanka amniga badda ee Soomaaliya ay burburiyeen doomo hub sida oo la sheegay inay u socdeen kooxda ee Al-Shabaab. Sida ay ilo-wareedyo rasmi ah xaqiijiyeen, howlgalka ayaa ka dhacay xeebaha koonfureed ee dalka, halkaas oo ciidamadu ay ku beegsadeen doonyahaasi xilli ay damacsanaayeen inay si qarsoodi ah ku soo degaan. Doonyaha ayaa lagu tuhunsanaa inay sideen hub culus, rasaas, iyo agabyo kale oo ciidan, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay in lagu xoojiyo weerarada kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaybo ka mid ah dalka. Wixii kusoo kordha waan ku soo gudbin doonaa. Source: goobjoog.com
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi oo ay shalay la wareegaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Dagaalka haddda socda ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay saddex jiho ka weerareen degmada, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa lagu soo warramayaa inuu hoggaaminayo dagaalka haatan socdo, isaga oo tan iyo shalay abaabul xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaal xoogleh uu socdo, kaas oo u dhexeeyo labada dhinac, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Ujeedka ugu wayn ee Milatariga Soomaaliya iyo Macawiisleyda ayaa ah inay Al-Shabaab ka saaraan, Aadan Yabaal, ayna dib ugu laabtaan fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana si dhammeystiran loo heli karin xog rasmi ah oo ku aadan dagaalka, maadaama uu adag yaay khadka isgaarsiinta ee Aadan Yabaal. Waxaa weerarkan ka horreeyay duqeyn culus oo xalay ka dhacday halkaasi, taas oo ay si wadajir u fuliyeen dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka. Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi. Aadan Yabaal ayaa ah degmo qadiimi ah oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen December 2022, xilligaas oo uu socday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Soomaaliya. Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
-
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo saaka warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay wararka ku saabsan in xubno ka tirsan PEC ay xogtii doorashada Puntland u gacan-galiyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal. Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayay ku caddeeyeen in aysan sir ahayn oo horay loo baahiyay lagana heli karo nareegta guddiga doorashada dhammaan xogta la faafiyay in ay u gacan-geliyeen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka heer Federaal. Guddiga PEC waxay sheegeen mareegtooda internet-ka laga heli karo dhammaan xogaha ku saabsan tirada goobaha diiwaangelinta, tirada dadka is diiwaangeliyay, tirada cod-bixiyaasha, magacyada goobaha codbixinta, dhammaan xeerarka iyo habraacada doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Puntland, taasina aysan xog sira ahayn. “Waxaan cadaynaynaa in Dhammaan Xogaha uu sheegay in cidkale loo gacangeliyey sida; 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙚𝙡𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙘𝙤𝙙𝙗𝙞𝙭𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙈𝙖𝙜𝙖𝙘𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖, 𝘾𝙤𝙙𝙚-𝙣𝙪𝙢𝙗𝙚𝙧𝙠𝙖 𝙂𝙤𝙤𝙗𝙖𝙝𝙖, 𝙈𝙚𝙚𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙖𝙮 𝙜𝙤𝙤𝙗𝙪𝙝𝙪 𝙠𝙪 𝙮𝙖𝙖𝙡𝙡𝙞𝙞𝙣, 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙙𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙞𝙨-𝙙𝙞𝙞𝙬𝙖𝙖𝙣𝙜𝙚𝙡𝙞𝙮𝙚𝙮, 𝙏𝙞𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙘𝙤𝙙𝙗𝙞𝙭𝙞𝙮𝙖𝙮𝙖𝙖𝙨𝙝𝙖, 𝘿𝙝𝙖𝙢𝙢𝙖𝙖𝙣 𝙓𝙚𝙚𝙧𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙃𝙖𝙗𝙧𝙖𝙖𝙘𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙙𝙤𝙤𝙧𝙖𝙨𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙡𝙖𝙜𝙪 𝙢𝙖𝙖𝙢𝙪𝙡𝙤 ay yihiin xogo hore loo baahiyey oo aan sir ahayn lagana heli karo Mareegta Guddiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka guddiga PEC. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Guddiga PEC oo beeniyay in ay xogtii doorashada Puntland u gacan-geliyeen dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The Governor of the Gedo region, Mohamed Hussein Al-Qaadi, has warned the country's National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) against conducting any voter registration or election-related activities in the region, stating that doing so without coordination with the Jubbaland administration would be considered illegitimate and met with resistance. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu haatan sii kordhayo walaaca ka dhashay culeyska ay Al-Shabaab soo saartay gobollada Shabeellooyinka ayaa haddane waxaa la kashifay qorshe yaableh oo ay kooxdu rabtay inay kusoo gasho magaalada Muqdisho. Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur oo warbaahinta kula hadlay gudaha caasimada ayaa banaanka keenay qorshe xasaasi ah oo ay damacsaneyd Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay rabeen inay dilaan Madaxweynaha oo dhowaan ka bad-baaday qarax loo dhigay kolonyo uu la socday xilli kasoo baxay Madaxtooyada, kuna sii jeeday furimaha hore ee dagaalka. “Isku daygii ugu foosha xumaa maalin hore ayay ku dhaqaaqeen iyaga oo raba inay dil ku sameeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Ilaaheyna uu ka bad-baadiyay” ayuu yiri. Cabdulqaadir Macallin Nuur ayaa xusay in ujeed wayn ay kooxda ka lahayd weerarkaasi, isla markaana ay rabeen in marka uu dhaco kadib uu yimaado isku dhex yaac ay ka dhex faa’iideystaan, kuna soo geli karaan Muqdisho, iyaga oo adeegsanayo mootooyin. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maleeshiyaadkooda ay diyaar ku ahaayeen bannaanka Muqdisho, balse aanu u suurogelin shirqoolkii ay maleegeen, sida uu hadalka u dhigay. “Warbixinta aan hayno waxay ahayd xittaa haddii uu habayaraatee baabuurka uu ku jiro ay wax gaari lahaayeen bannaanka ayay taagnaayeen ayaa la yiri kun mooto oo socoto ayaa soo geli lahayd magaalada Muqdisho. Mas madaxa ayaa laga dilaa hee Madaxweynihii wax ma gaareen haa ummaddii waa isku yaacdayee aan galno ay ugu talagaleen” ayuu mar kale Khaliif Cabdulqaadir Macallin Nuur. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa og yihiin Shabaab in aysan qabsan karin Xamar ee borobagaandada iyo dacaayadda ay faafiyeenna ma ah mid u hirgeleysa”. Hadalkan wuxuu sii xoojinayaa walaaca laga muujinayo Al-Shabaab oo culeys soo saaray deegaannada u dhow Muqdisho, waxaana taas ay keentay in su’aallo laga keeno amniga caasimada. Waxaa kale oo jirta in siyaasiga caanka ah ee reer Somaliland, Faysal Cali Waraabe uu marar badan ku cel-celiyay suurta-galnimo ay kooxdaku qabsan karto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Faysal oo shalay ka fal-celiyay weerarkii ay degmada Aadan Yabaal ku qabsadeen maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa sheegay in sarreyso suurta-galnimada ay kooxdu geli karto Muqdisho. Sida uu sheegay, kooxda ayaa magaalada caasimadda ah qabsan doonta bisha May illaa June 2025, isagoo tan u cuskaday fashil maamul uu ku eedeeyay dowladda federaalka. “Waxaynu eegnaaba waa Xarakada Al Shabaab oo la wareegta Soomaaliya dhawaan. Sidii aan hore u sheegay, bisha May ama ugu dambayn bisha June 2025,” ayuu Waraabe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter), kaas oo dhaliyay caro xooggan.
-
Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku sugan saldhiga Burjeedka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa saaka iska caabiyay weerar gaadmo ah, oo ay ku soo qaadeen mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab. Argagixisada oo isku dayay in ay qabsadaan saldhiga Burjeedka, islamarkaana saddex jiho ka weeraray ciidamada Koonfur Galbeed ayaa la kulmay iska caabin xooggan, waxaana halkaasi looga dilay qaar kamid ah mileeshiyaadkooda, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay meydadka mileeshiyaadka argagixisada ah ee lagu dilay dagaalkii saaka, oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah, taasi oo muujinaysa in argagixisada Al-shabaab ay weli yihiin khatar caalami ah, sida ay aaminsan yihiin falanqeeyaasha ammaanka. Sidoo kale, boqollaal dadweyne ah oo taageersan guusha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka gaareen kooxda Al-shabaab ayaa saaka dul tegey meydadka mileeshiyaadkii lagu dilay saldhiga Burjeedka ee nawaaxiga Daynuunaay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed oo dilay mileeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo soo weeraray Daynuunaay appeared first on Puntland Post.