Barwaaqo

Nomad
  • Content Count

    778
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    18

Everything posted by Barwaaqo

  1. Burcaawi Asali ah baan ahay oo hadalku wuxuu noogu soo dhacaa si hawl yar. Waa kalgacal-cun iyo dhiiri-galin; cabashana kama madhna Dee.
  2. Hadii ceel Wal-waaleed ku dhacaan wadaamuhu Waan-waani dhacantoo wadnaha ayaan far ku hayaa! Rabbi yasir.
  3. Allow noo adkee nabadaa Culimaddu noo xidhay. Amiin.
  4. Somaliyi haday doonayso in aan taariikhda la jaahwareerin waa in kuwa taariikhda qaloocinaya layska qabtaa si taariikhda dhabta ah wax looga barto oo aan dib loogu gelin khaladkii dhacay , xitaa haday Mur ka khadhaadhahay! Maxaa Jilalka yaryar been loogu canqarinaya? Kan hadlayaa waa Beenaale taariikhdda ku gefey! Siyaad Bare oo Villa Somalia ku dhex jira oo dagaalamaya ayaa ciidamadii qabiil u kala Jabeen. Ma jirin ciidan meel Amar ka qaata Koonfurta nin waliba qabiilkiisii buu raacay. Goboladii Waqooyina ciidankii joogay iyagu awalba go’doonka bay ahaayeen oo SNM baa dagaal khadhaadh kula jirtay, marka laga reebo Berbera iyo Airport Hargeisa dhamaan magaalooyinka waaweyn SNM baa ka talinaysay. Waxaan kula talinayaa in dhalinyaradda xaqiiqdda ogaato oo doonaan dhacdooyinkii dhabta ahaa. Dadkii joogay baa wali nool ayaan taariikh been ah laydiin qorin , dalku 1991 mar kaliya iskama dumin wakhti dheer oo laga soo billabo 1978 ayaa burbur soo socday , hadalkii Cumar Cartana saamayn muu yeelan. Mar dadkii qori wada qaatay oo talo faro ka haaday oo koox waliba inay iyagu taliyaan oo nidaamkii burburay ayaa dawladii dhacday. Qaranimadda wariyahani sheegayo ma daaraha iyo xafiisyadda aan dumin buu moodayaa , dalkuba qori iyo dagaal buu xukunkii dumay ka dhaxlay’e.
  5. Cidina ma reportgarayn jirin ee awalba tacadigu wuu ku dhici jiray dumarka Somaliyeed. Ma Gudhuu qurayshtii Africa oo dayacan heshay baa daynaysa. Ninka dalkaaga haystaa siduu doono ayuu ka yeeli., yaa ka celinaya tacadiga uu dumarka u gaysanayo?
  6. Sharcigeenna meela kagama taalo yaan Walaweyn la salaamin. Faysal waa Xariif Wuxuu ogtahay In magaca Walaweyn aan xasaasiyad laga qabin salaantoodda.
  7. Haa Somalia waan u duceeyaa oo Waxaan ugu duceeyaa Allow xaqa tus oo kuwa awrkoodda ku kacsanaya ee kaare Ethopian iyo Kukuuyo ku qabsanaya ka qabo, dhamaantoodna danahoodda iyo dalkoodda ku hanuuni. Allow shanta madaxweyne ee is barbar orda ka qabo oo u samee Madaxweyne keliya.
  8. https://somalilandchronicle.com/2018/07/22/week-in-review-president-bihi-clarifies-somalilands-position-on-brussels-conference/
  9. Xaajiyoow ma inaan “intii dux leh duxaansato” loox dheer wax ugu qoro baad doonaysaa? Oon ka bilaabo naacawdaa aad ku naaloonayso ee xagga barigga kaaga timaadda.
  10. Shigudoonka shirka oo la magacaabay
  11. Minoo la yaabo ‘Yaasiinka’
  12. ^^^^^^ Oo ma Awal bay caano noo lisayeen/u lisayeen Professor-ka.
  13. Baroortu orgigga way ka wayn tahay! Samatar inuu qadiyadda iyo xuduudaha Somaliland difaaco dharaar cad ayuu fagaare uu Faras saaran yahay Boorame gudaheedda kaga dhawaaqay oo madmadow kuma jiro’e; Baroortu waa muxuu Ina Samatar aduunka u tusay in Somaliland xuduudeedii inay 70 km uga hadhsan tahay Tukaraqinna xasilon tahay.