-
Content Count
5,088 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
11
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Mooge
-
London (Harowo ) Toddoba aqoonyahan oo ka mid ah aqoonyahanada reer Awdal ee degan dalka UK ayaa sahan danbe ka ambo-bixi doona magaalada London iyaga oo u sii jeedda goobta uu joogo ama ku sugan yahay Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, ujeeddada socdaalkooda ayaa daaran taageerada ay u hayaan go’aanka uu qaatay Suldaan Wabar oo ah in gobolka Awdal ka baxay waxa loogu yeedho maamulka Somaliland. Aqoonyahanada sahan danbe baqooli doona ayaa waxa maalintaa magaalada Adis-abbaba ku sugi doona Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda dalweynaha Itoobiya kuwaas oo aqoonyahanada u gudbin doona xuduuda Itoobiya la wadaagto gobolka Awdal. Maalmihii aan ka soo gudubnay waxa ay aqoonyahanadan kulamo iyo shirar kala duwan Safaarada Itoobiya ee wadanka Ingiriiska kula qaateen madax iyo diblamaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka ee Itoobiya. Mutacaliimtan maanta ka baxay magaalada London oo dhawaan aad muuqaaladooda arki doontaan iyaga oo garab jooga Suldaan Abubakar Cilmi Wabar waxa magacyadooda ka mid ah. 1. Prof. Maxamad Cismaan Cabdi 2. Mustafe Miicaad Allaale 3. Cabdirashiid Xuseen Cali 4. Eng. Muuse Barkhad Nuur 5. Saleebaan Cawaale Good 6. Cumar Axmed Diiriye 7. Dr. Saciid Xasan Wacays. Aqoonyahanada iyo waxgaradka baxaya ee hilow u qaba in ay hiil iyo hooba la garab joogsadaan Suldaan Wabar isla markaana ay siiyaan wax kaste oo ku sahabsan talo iyo tusaale kuma koobna intan oo kaliya waxaa jira aqoonyahano kale oo dhawaan ka baxaya dalalka Waqooyiga Maraykanka kuwaas oo marka ay baqoolaan aan idiin soo gudbin doonno magacyadooda haddii Eebbe idmo. Si kastaba ha ahaatee waxa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogaysanaya taageerada ay qurba jooga reer ADAL u qabaan qadiyada Suldaan Wabar hormuudka ka yahay iyo waliba kacdoonka halgankiisu sida wanaagsan u bilowday ee ummadda reer Awdal rabaan in ay ka midho dhaliyaan rabitaankooda iyo masiirka dadweynaha reer Awdal oo ah in ay madax bannaani u helaan maamulka deegaankooda iyo khayraadka dhulkooda. Harowo Desk London.
-
Suldan Wabar has officially become shadow government. he is the defacto leader of Awdalites.
-
his visit plan met with harsh protest and people were screeming" dooni mayno". qaybdiid has played all his cards and is politically naked.
-
DoctorKenny was right. few ragtag terrorists rattle their soul and they turn against the only Somai spokesman. they don't trust any Somali. lol.
-
Kadib markii uu Warbaahinta ka sheegay Afhayeenkii AMISOM Korneyl Cali Xumad,weerarkii Xalane ka dhacay inay lug ku leeyihiin Xubno Damjadiid oo Dawladda Federaalka ka tirsan,ayaa sababtay Ciidamadda AMISOM inay shaqadda ka ceyriyaan Afhayeenkii AMISOM ee Dalka Jabuuti ka soo jeeda Amisom, ayaa waxay si cad u sheegtay inaanu Korneyl Cali Aadan Xaamud Afhayeen u ahayn Taliska Ciidamada Midowga Afrika, ee ka hawlgala Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Qoraalka, ayaa waxaa lagu yiri "Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya waxa uu jeclaan lahaa in uu cadeeyo, inaanu Korneyl Cali Aadan Xumad Afhayeen u ahayn Amisom.” Wixii warar iyo macluumaad ah ee ku aadan Amisom, ayaa waxaa qoraalka lagu sheegay in lagala xiriiri karo Eloi Yao, oo buuxinaaya booskii Korneyl Xumad. Hawlgalka Midowga Afrika ma kala cadayn baahida keentay in shaqada laga eryo Korneyl Xumad, laakiin waxaa la tuhunsan yahay in lagu heysto Wareysiyadii uu shalay ilaa maanta ka bixinaayay weerarka lagu qaaday Xarunta Amisom ee Xalane,isagoo farta ku goday kana sharqamiy Xubno Dawladda Federaalka ka tirsan oo Damjadiid ah inay fududeeyeen weerarka Xalane. Shacabkamedia-Beyra-Puntland Runta Kama-Xıshoono
-
haha@cursade. how the mighty has fallen. Somaliland defenders used to be hardknock good chaps who understood the art.
-
Adam ethiopian, control your hate niyoow. niyoow this time i can understand what you wrote. some other days you start writing gibberish nobody understands your amharic,english and somali mixture. lol. puntland is a prospering state. don't lose your sleep over it.
-
the guardhouse to keep criminals away during construction
-
Galbeedi, this is one cause for Awdalites to die for niyoow. i am fuming with anger wallaahi. I cann't never accept one clan pillaging and demolishing another clan's land niyoow. siilaanyo has no xishood. he appointed his cousin to be governor of Awdal. looool. niyoow couldn't he appoint a puppet from Awdal?
-
Awdal has accomplished in few weeks what other states in Somalia could not do. The community organized itself and rallied behind a common cause and said enough is enough niyoow. when biggest suldaans of your clan join a jihad and declare war, it is not a small decision niyoow. it is obvious people have been thinking about this for a long time. niyoow Awdal is not asking for much. they just want to govern their own affairs and have nothing to do with anyone else. it is very simple request and anyone who refuses that request is thirsty for innocent blood.
-
This business is attracting French perfume giants. Puntland is working hard to move this forward. I already created a topic about Puntland Frankincense. http://www.somaliaonline.com/community/topic/frankincense-industry-is-taking-off-in-puntland-best-luban-comes-from-puntland/
-
why does he have to advertise his drinking behavior and throw his religion under the bus niyoow? does he not know some of the worst terrorists are drug addicts and criminals? this boy and his family wrongly believe saying things like I drink and go to bars is going to save him. he should have just said he made a mistake and deal with his actions like a man.
-
Salute to warrior Yuulka. You have done every one of us proud niyoow. You destroyed corrupt and incompetent Qoslaye and his chances. See you in 2016 my friend.
-
Niyoow Qaybdiid tried to test the resolve of Puntland. Mudug Governor Hafidulah Tigey arrived Saaxo where the militia attacked on the orders of Qoslaye. They were chased away after suffering heavy casualties. Mudug Governor hoisting the Puntland flag proudly. Niyoow Qabdiid's militia have learned a historic lesson today. There is nothing better than peace. Puntland is doing great development there. Water wells are being digged and basic services created for the people of Saaxo. This city will be going through major changes in the coming years inshalah. Qabydiid accomplished nothing today. He murdered his own militia boys by taking to a war they could not win niyoow.
-
Itoobiya ayaa sheegtey in dalkeedu diyaar u yahay xoojinta ciidamada Soomaaliya, kadib bixitaankii ciidamada dalka Sierra Leone ee isaga baxay todobaadkan Soomaaliya, kadib markii laga cabsadey ciidamada beddeli lahaa in ay dalka keenaan cudurka dilaaga ah ee EBOLA oo dalalka uu la degey ay ka mid tahay Siiraliyoon. Ciidamada Siiraliyoon ayaa gaarayey 850 Askeri kuwaas oo ka hawlgalaayey gobolka Jubada Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen 22 000 oo askeri oo ka socda Midowga Afrika, waxaana ay dalka ku sugnaayeen ku dhawaad laba sano. AMISOM ayaa sheegtey in ciidanka Siiraliyoon aan la soo beddalayn, ilaa cudurka EBOLA laga cirib tiro galbeedka Afrika. Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in dalkiisu dyaar u yahay in ay diraan ciidamadii beddeli lahaa doorkaasna qaadan karaan. “Haddii codsi nooga yimaado Midowga Afrika, Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay diyaariso ciidamadii beddeli lahaa kuwa Siiraliyoon” sidaas waxaa warbaahinta u sheegey Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaana uu ku darey in ciidamada dalkiisu ay horey ugu sugnaayeen Soomaaliya isla amrkaana ka hawglanaan 60% dhulka Soomaaliya!. Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa dhanka kale wel-wel ka muujiyey khilaafka markasta soo noqda ee madaxda Dowladda Federaalka kaas oo raysalwasaaraha la cayriyo. Khilaafka waa in la wajaho oo xal loo helo Waxaan rajeyneynaa in khilaafku aanu soo noqon mar danbe, xoogana la saaro ciribtirka al-Shabaab. Ugu danbeyntii ayuu Mr Desalegn sheegey in al-Shabaab weli khatar ku tahay Itoobiya iyo danahooda, waxaana si dhaw ula soconeynaa mar kasta dhaq-dhaqaaqooda ayuu yiri. Dalka Itoobiya oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya ayaa ciidamo faro badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo mar danbe qaatey calanka AMISOM ee oggolaanshaha ka haysta Qaramada Midoobey, lama yaqaano titrada saxda ah ee ciidanka Itoobiya
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waraysi uu siiyey Raadiyaha Codka Maraykanka ee VOA kaga hadley heshiiskii dhawaan ku dhex-marey Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Ugu horeyntii si guud ayuu Madaxweyne Cabdiweli Gaas u soo dhaweeyey wada hadalka waana uu dhiiri geliyey, haddii muhimadda wa dahadalka iyo nxurku yihiin in la helo Soomaaliya oo mid ah ayuu yiri. Qodobada sida gaarka ah oo uu taabtey ayaa ka mid ah qodob hadda ka hor Dowladda federaalku kula heshiisey Somaliland kaas oo dhigaayey in Hawada Somaaliya maamulkeeda lagu wareejiyo Somaliland, Heshiiskii u danbeeyeyna lagu qeexey in la fuliyo heshiiskaas. “Haddii aan Puntland nahay qodobka hawada ee heshiiska ku jiro waxbaan ka qabnaa oo far baa nooga taagan, heshiiska hawada aniga (Madaxweyne Gaas) ayaa bilaabey sanadkii 2010 markii aan ahaa wasiirka Qorsheynta, waxa uu ahaa shir saddex geesood ah oo lagu sameeyey guddi farsamo, hadda in la yiraahdo hawada Soomaaliya maamulkeeda halagu wareejiyo Somaliland waa fikir khaldan, waxa keliya ee lagu heshiin karo waa Soomaaliya hal meel ayey lahaan jirtey oo laga maamulo hawadeeda waana Caasimadda Muqdisho, haddii laga raraayo Garowe hala keeno” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegey in heshiiskan ay ka muuqato qodobo ah in lagu dhiirado arrimaha masiirka ah ee taabanaya Soomaaliya. “Su’aasha taagan waxa weeyey arrimaha masiiriga ah waa wax Soomaaliya oo dhan kuseeya, Puntland meelo si gaar ah u taabanaya yaa jirta sida gobolada Sool, anaag iyo Cayn waa wax Puntland taabanaya iyo xuduudaheedi, dastuurkuna waxa u sheegaya in arrimaha masiiriga ah ee taabanaya dowlad goboleedyada laga qaybgeliyo, mana ahan wax ay go’aan ka gaari karaan Siilaanyo iyo Xasan oo keliya, halgu dhiirado wada hadalka laakiin halaga qaybgeliyo dadka ay khuseyso” ayuu yiri Gaas. Qodobka Madaxweyne Gaas soo qaatey wada xaajoodka iyo arrimaha taabanaya Dowlad Goboleedyada ayaa u dhigan sidaan: Qodobka 53. Faqradiisa 2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeya Dawladgoboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka. Maamulka hawada Soomaaliya oo muddo yaaley dalka Kenya ayaa si toos ah loogu wareejiyey Soomaaliya oo Qaramada Midobey ay ku wareejisey, waxaana dad badan is weydiinayaa sababta keeni karta in mar kale dib loo celiyo maadaama Somaliland ay ku adkeysanayso in ay a mid tahay Kenya oo kale dal madaxbanaan oo ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya Dhegayso Waraysiga oo dhamaystiran:
-
Maleeshiyaad ka socda maamulka Galmudug ayaa xalay iyo subaxnimadii Arbacada weerar ku qaaday degmada Saaxo ee gobalka Mudug. ADVERTISEMENTS Deegaanka Saaxo oo ay xukuumada Puntland horey u aqoonsatay degmo ayaa waxaa ansixiyey Baarlamaanka Puntland todobaadkan. Waxaana halkaasi ka socday mashaariic horumarinta biyaha. Maleeshiyaad ka socda Galmudug oo ka kala yimid Koonfurta Gaalkacyo iyo Gelinsoor ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen goob laga waday dhismo Ceel biyo oo loo sameenayey degmada Saaxo. Dagaalkii xalay iyo Saaka ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka oo ay wataan ciidamo ka amar qaata hogaamiyaha Galmudug Col.Cabdi Qeybdiid. Xiisadan ayaa kusoo beegmaysa xili uu Col.Cabdi Qeybdiid Madaxweynaha Galmudug ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha maamulka Gobala Dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna xiligan Cabdi Qeybdiid uu safaro ku marayaa goobo kamid ah koonfurta Mudug. Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin 20 ruux oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah oo kamid ahaa shacabkii Saaxo oo ay rasaasta waaweyn gaartay. Deegaanka Saaxo ayaa horey waxaa dagaalo ugu dhexmaray maleeshiyaad kasoo jeeda koonfurta Mudug iyo dadka deegaanka ku dhaqan oo u badan beesha Mareexaan Sade Daarood. Xukuumada Puntland ayaa weli war kasoo saarin dagaalka ka socda Saaxo oo noqonaya dagaalkii ugu xooga badnaa oo ka dhaca degmada ugu da’ada yar degmooyinka Puntland. Wixii war ah oo arrintan kusoo kordha gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo. Abdirisak Shino Horseed Media
-
Saaxo is the new Puntland district populated by people of Gedo from Siyad Bare's clan. It used to be Galgaduud region but this clan decided to join Puntland and Puntland expansion reached all the way Galgaduud. Galmudug will be completely overun if they don't behave. They are not allowed to attach Saaxo now. Saaxo is part of Puntland. Any other time, this would have been seen as clan dispute, but this time it is an attach against Puntland.
-
DEG DEG: Dagaal qaraar oo goor dhaw ka dhex qarxay Puntland iyo Gal-mudug kad… December 24, 2014 WAAJIDPRESS- 24 Dec 2014: Wararka Laga Helayo Deegaanaka Saaxo ee gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu Goordhow ka Billawday dagaal u Dhaxeeya Ciidamo ka kala tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntland , kaa oo Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira. Dagaalkaan ayaa ka Socda deegaanka Saaxo oo ka mid ah Deegaanada Hoostaga Gobalka Mudug, waxaana la sheegayaa in Labada dhinac ay Rasaas Xoogan isku Adeegsanayaan. Inta la Xaqiijiyay waxaa Halkaasi ku dhinay 3 qof, oo Dadkii Dagaallamay ah, Waxaana ku Dhaawacmay Laba kale sida ay inoo Sheegeen dad ku dhaw Halkaasi. Sababta Dagaalka ayaa la sheegayaa in ay Daba socoto sida loo Maamulayo Deegaanka Saaxo oo Horay ay u Joogtay Galmudug, Balse Dhowaan ay sheegatay Maamulkiisa Puntland.
-
PRIME MINISTER'S SPEECH Assalaamu Calaykum Warraxmatullahi Wabarakaatu Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hortiinna imaado si aan u helo codka kalsoonida Golaha Shacabka, oo aad ku ansixinaysaan magacaabista uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ii magacaabay, xilka Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii ay taariikhdu ahayd 17ka Bishaan Deseembar ee sanadka 2014ka. Waxaan u mahad-naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, magacaabista uu ii magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaarenimo iyo kalsoonida uu ii siiyey. Waxaan kaloo u mahad-celinayaa, Golaha Shacabka oo runtii muujiyey dhabar-adayg iyo bisayl siyaasadeed mudadii adkayd ee lasoo maray. Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo dhammaan Golaha Wasiirada, oo runtii qabtay hawlo muhiim ah oo uu sugayey Shacabka Soomaaliyeed in muddo ah. Waxaan si gaar ah Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Ciidamada Amniga iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Guulaha isdaba jooga ah oo ay soo hooyiyeen. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Ururada Rayidka, Ganacsatada, Odayaasha, Haweenka, iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed, oo Ilaahay ka sokoow qeybta ugu horeysa ka qaatay, badbaadada Shacabka Soomaaliyeed waqtigii adkaa ee colaadda sokeeye iyo abaaraha. Haddana, kaalinta koowaad kaga jira dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliyeed. Waxaan u Mahad-celinayaa Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan, sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin Dawladda Soomaaliyeed. Ugu dambayntii, waxaan sidoo kale u Mahad-celinayaa, Wadamada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee gacanta siiya Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa naga caawiya sugidda iyo xoojinta Amniga oo ay AMISOM qeyb ka tahay. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh: karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Sida aad la socotaan Marxaladda aan maanta ku sugannahay, ma’ahan mid sahlan. Inkasta oo sanadihii ugu dambeeyey Qaranku uu soo kabsanayey, hadana weli lama gaarin Himiladii aan Hiigsaneynay. Sida aad la socotaan, weli waxaa jira marxalado adag oo ina horyaala oo ay ka mid yihiin: Dhulka kooban ee weli ku haray Gacanta Argagixisada; Cadaaladda iyo Garsoorka oo aan gaarin, heerkii laga rabay; Barnaamijkii Dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka, oo aan weli si buuxda u hirgelin; Adeegga Bulshada oo bilaw ah, welina aan gaarin Gobolada Dalka oo dhan; Dawlad Wanaagii iyo Tayadii Hay’adaha Dowladda oo hooseeya; Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Sida aad la socotaan, waxaa ina horyaal Hawlo Baaxad weyn leh, si looga gudbo Marxaladda aan horay u xusay, Xildhibaanada Sharafta leh waxaan ka codsanayaa, in ay i siiyaan codkooda kalsoonida, si hawlahaas aan u dardar gelino mudada yar ee ka hartay wakhtigii loo cayimay ee ku xusan Hiigsiga 2016ka Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Markaad i siisaan kalsoonida, waxaan sida ugu dhaqsiyada badan u soo dhisidoonaa Xukuumada, una soo gudbindoonaa Golaha Shacabka Xuukuumadda iyo Barnaamijkii ay ku shaqeyn laheyd. Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono wuxuu noqondoonaa mid ku salaysan Nidaamka Dawlad Wanaagga, isla xisaabtan,hufnaan iyo Dhowrista ku Dhaqanka Sharciga. Wax-qabadka ugu horeeya ee aan mudnaanta siin doono waxaa ka mid ah: Xasiloonida Siyaasadda Dhameystirka dib-u-heshiisiinta Fulinta Hiigsiga 2016ka Adkeynta Aminga Horumarinta Caddaaladda Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dakhliga Dawlaada Maamul Wanaagga Maaliyadda La-dagaalanka musuqmaasuqa Kordhinta adeegga bulshada Dadar-galinta Dawlad Wanaagga Iyo, dib-u-dhisidda iyo dib-u-habeynta Hay’adaha Dawladda Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, anigoo kaashanaya Madaxweynaha, Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed. Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed. Xasilooni la’anta Siyaasaddu, waxay halis gelin kartaa, horumarkii Dowladnimo ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay. Sidaa awgeed, waxaan dhiiragelin doonaa, wadatashi iyo wadashaqayn joogta ah, ee dhexmarta Madaxda dalka heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, iyadoo markasta la eegayo Danta Guud ee Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxay Xukuumaddu dhamaystiraysaa dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, si dhab ahna u gaarsiineysaa Dalka oo dhan. Inkastoo Horumar weyn laga gaaray dib-u-heshiisiinta, hadana wali lama gaarin in si buuxda ay shacabka Soomaaliyeed isku aaminaan iskuna cafiyaan. Sida awgeed, waxaan soo jeedin doonaa Siyaasadda lagu dhameystirayo Dibuheshiisiinta iyo wadada loo marayo fulinta Siyaasaddaas, iyadoo lala tashanayo lalana shaqeynayo Golaha Shacabka, Maamul-goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Waxaan dhisidoonaa Guddi khubaro ah oo talo-bixin ka sameeya Siyaasadda lagu dhameystirayo dib-u-heshiisiinta iyo habka iyo wadada ugu haboon oo loo fulin karo Siyaasaddaas. Xukuumaddaydu waxay sidoo kale dardar-gelin doontaa, hawlaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-heshiisiinta, sida ku xusan Dastuurka. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxaan dardar-galindoonaa fulinta Hiigsiga 2016ka, si loo gaaro Demoqaraadiyad buuxda wakhtiga uharsan Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Inkastoo laga gaaray horumar lataaban karo qaybo ka mid ah Hiigsiga 2016ka, hadana waxaa harsan Ansixinta iyo hirgelinta sharciyo iyo Guddiyo muhiim u ah fulinta Hiigsiga 2016ka Xukuumadda, waxay sii wadi doontaa, dardar-gelin doontaana, wadatashiyada iyo dhamaystirka dhismaha Dowlad-goboleedyada KMG ah. Waxay Xukuumaddaydu u soo gudbin doontaa Golaha Shacabka, Sharciyada iyo Guddiyada Madaxabanaan ee dhimman ee Dustuuriga ah. Ugu dambayntii, waxaan halkaan ka cadeynayaa in Hiigsiga 2016ka iyo fulinta Hawlaha Baaxada leh ee ina horyaal, ku hirgeli karaan oo kaliya, wada shaqayn iyo wada tashi dhexmara Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Diyaarinta, asnixinta iyo Meel-marinta Shuruucda iyo Siyaasadda Xukuumadda, iyo wakhtiga kooban ee aynu haysano, ayaa muqaddas ka dhigaya, Xiriir joogta ah oo u dhaxeeya Hoggaanka Dalka iyo Golaha Shacabka. Anna waxaan hubin doonaa, markaad Codka kalsoonida i siisaan, in xiriirku noqdo mid sare,oo joogta ah, si loo gaaro himilada aynu hiigsanayno. Gudoonka Golaha Shacabka, Xildhibaanada Sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin. Waxaan si Xushmad ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad i siisaan kalsoonidiina, si aan u soo dhiso Xukuumadda una soo bandhigo barnaamijkeeda oo dhamays-tiran, muddo kooban gudaheedana idinku horkeeno. Waad mahadsantihiin, WABILLAHI TOWFIIQ
-
Mogadishu 2and commando battalion complete ten month training
Mooge replied to malistar2012's topic in Politics
<cite> @DoctorKenney said:</cite> Well since the Somaliland Army secures the Waqooyi section of Somalia. And since the Puntland Army secures the Northeastern portion of Somalia. Then I think it's appropriate that the Koonfur sections of Somalia be secured by Somalis from the Koonfur regions. Each region of Somalia is secured by soldiers FROM that region itself After all, it's the South that's undergoing the most stress and violence. Once the situation is stabilized then maybe they'll integrate Puntland's Army with the National Army and so forth the problem Doctor is that qoslaye is getting a lot of money under our name for training and salaries and he is using it for his own clan militia. that is where the problem exists. it is not national army as they like to call it. the title is misleading. -
ETHIOPIA: PILOT HIJACKED OUR MILITARY HELICOPTER TO ERITREA
Mooge replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Issias is still playing games with the Ethiopian regime. lol. these people are the same family anyways so it is just a Habesha family fued. -
Turmoil in Somaliland violent uprise in the west & east
Mooge replied to malistar2012's topic in Politics
xaaji, my friend this is not looking good for the family. their grip on power is coming to an end. Awdal Awakening is going to be felt throughout the region. niyoow the Awdalites have a lot of resources and intellectual fire power. this is the wrong group to mess with wallee. bismilah yasiin. bismilah yasiin xaajiyow. hawshu ma fududa niyoow. -
this is amazing niyoow. wa carur kudaysho mudan. puntlanders are rebuilding their homeland piece by piece niyoow. thanks to Barkhadle family. Bursaalah is a growing city and one of the newest metros popping our between galkacyo and burtinle.