Wiilo

Nomads
  • Content Count

    2,611
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiilo

  1. SARAAKIIL ITOOBIYAAN AH OO XABSIGA LA DHIGAY KADIB MARKII AY DIIDEEN DAGAAL AY SOOMAALIYA KU QAADAAN Wararka ka imaanay magaalada Adis-ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegay in maamulka Zenawi uu xabsiga u tabaaxay saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ka dib markii ay diideen in ay ka qaybqaataan dagaal lagu qaado Soomaaliya. Warkan ayaa soo baxay kadib markii Zenawi uu kulan isugu yeeray saraakiisha sar sare ee ciidankaasi kuwaasoo uu doonayey inuu ka raarido in ay dagaal ku qaadaan Maxkmadaha Islaamiga ah Soomaaliya. Saraakiisha ayaa qaarkood su'aalo ka keekeen duulaanka iyagoo u sheegay Zenawi in ay san jirin sabab ay fahmi karaan iyo waxa laga helayo duulaan lagu qaado Soomaaliya. Saraakishan ayuu Zenawi amray in xabsiga loo taxaabo. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Adis-ababa ayaa sheegay in maamulka Zenawi uu taageero shacbi ah ka la'yahay dadwaynaha Itoobiya oo iyagu arrinkan u arka gardaro qaawaan oo aan faa'iido u lahayn wadanka Itoobiya, laakiin Zenawi ayaa lacag xoog leg siinaya saraakiisha sar sare ee ciidanka si ay hawsha u qabtaan. Maamulka Adis-aba ayaa u muuqda inuu ku takooran yahay ciidan Soomaaliya la geeyo in buunbuuninta in maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin amniga geeska Afrika. Maanta ayaa kulan waxaa ku yeeshay caasimada Eretereya ee Asmara sedexda madaxweyne ee Suudaan, Jabuuti iyo Eretereya oo iyagu haatan u muuqda in ay isku soo dhowaanayaan iyagoo kawada hadlay arrima dhowr ah oo gobolka quseeya ayna ka mi tahay arrinka Soomaaliya. Kulan ayaa u muuqda mid ciriir gelinaya kaalinta Zenaawi ee gobolka. http://www.goobjoog.net/print.php?a=3918
  2. GB ani maa i sharxoosaa dowladda, brother please. some warlords Ethiopia ay soo uruurisay iyo mid jaamacad ka soo qaatay veterinary digree, please, world support, who damn cares if the entire world supports them, if they aren't getting somalis support.....goosh.... nuune listen to this.... http://www.dayniile.com/Raadiyo/www.dayniile.com1.rm Go figure:.............
  3. It is all buuuullllshiiiiiidddddd....what government?.............. Go figure:............
  4. Ciidamada Maxkamadaha islaamiga Gobollada Jubooyinka oo si nabadgelyo ah hubka uga dhigay maleeshiyaad isku bahaystay deegaanka Beerxaano. Muqdisho, 12-October-06 ( Qaadisiya.com) Gudoomiye ku xigeenka maamulka islaamiga ee gobollada Jubbooyinka Sheekh C/fataax Maxamed Cali ayaa maanta sheegay in ciidamada maxkamadaha islaamiga si nabad gelyo ah ay ula wareegeen deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore kadib is afgarad dhex maray masuuliyiinta maxkamadaha islaamiga iyo odayaal dhaqameed ay isku heyb yihiin maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanadaasi oo maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanadaasi. Maleshiyaad ka tirsan haraadigii isbahaysigii bur buray ee dooxada Jubba ayaa maalmihii laga soo gudbay isku uruursanayay deegaanka Beerxaano, waxa ayna sheegeen in ay taageersan yihiin maamulkii laga saaray gobollada Jubooyinka. Sheekh C/fataax oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xaruntiisa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada maxkamadaha islaamiga si nabad gelyo ah ay ula wareegeen deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore kadib markii ay isa soo dhiibeen maleeshiyaadkii halkaasi joogay,ayadoo aaney wax dagaal ah dhicin. "Ciidamada maxkamadaha islaamiga waxaa u suura galay in ay la wareegaan deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore ayadoo aaney wax dhiig ah ku daadan waxaana taasi suura geliyay odayaasha dhaqanka ee deegaanadaasi oo ka dhaadhiciyay maleeshiyaadkii halkaasi joogay in hubkooda ay ku wareejiyaan ciidamada maxkamadaha islaamiga" ayuu yiri Sheekh C/fataax oo intaa raaciyay in maleeshiyaadkii ku sugnaa deegaanadaasi ay isu soo dhiibeen ciidamada maxkamadaha islaamiga. La wareegista deegaanada Beerxaano iyo Cabdalla Dhoore ayaa soo afjaraysa xiisado colaadeed oo indhawaalaba ka aloosnaa deegaanadaasi,ayadoo laga cabsi qabay maalmihii laga soo gudbay in dagaalo ay ku dhex maraan deegaanadaasi ciidamada maxkamadaha islaamiga iyo maleeshiyaad ka haran maamulkii bur buray ee isbahaysiga dooxada Jubba.
  5. 2 wiilo The Ethiopian regime will collapse sooner or later..... Go figure:..................
  6. GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOSHHHHHHHHHHHHHHHH
  7. I can't beleive y'all quoting IDIMAALE of all websites,,,Gosh,,,whoever maamulo ama wax ku qoro is SICK ....Waxay qabaan cudur QABIIL layiraahdo...... Go figure:......................
  8. Wiilo

    UIC Help Desk

    Is the threat only intended for compliants? How about if i have a comments for the UIC. Go figure:.................
  9. Exactly my question, do they wear a uniform in University? I like the color.... Go figure:................
  10. Waraa tuujiye waa laguu xiisay nooh. And yeah, about the bajaq lady, sorry man, i thought markii lagu waayay in lagu xaraystay nooh, i know inaad waxaa ka waynaatay nooh,, waraa ramadaan wanaagsan aan kuu rajeynayaa nooh.... Go figure:...............
  11. Waraa Tuujiye thanks man, i was getting sick on SOL with all Stubid qabiil hating, somali political shiid talking lately here, i just to visit SOL and not wanting to see all those political things going on all the time. Again thanks....... What is the God's name were you gone man?... Waxaan u malaynaa bajaqdoo aad ku xaraysatahay ramadaankan...... Go figure:....................
  12. Ilaahay ayaan ka magan galnay dhammaan.....
  13. Waxaa ayaan darro ah in some ppl ay ku raaxaysanayaan in Somalis islayso....Caja'ib.. Go figure:............
  14. SO YOU'RE SAYING THAT THIS IS HOW SOMALILAND GOV TREAT IT'S PPL? GO FIGURE:................
  15. SO YOU'RE SAYING THAT THIS IS HOW SOMALILAND GOV TREAT IT'S PPL? GO FIGURE:................
  16. WHERE IS THE JUSTICE????????????? Wararkii ugu danbeeyey Somaliweyn - Nairobi -Kenya 05/10/06 Xog hoose oo taabanaysa Xaalka Shiikh Maxamed oo kuxiran Xabsiga Magaalada Hargaysa iyo Shiikha oo larabo in Ethopia loo gacan galiyo Waxaa mudoo yinkii udanbeeyey Saxaafada Gudaha Somaaliya iyo Saxaafada Dibada ee aduunkaba is ka soo daba noqnoqonaayey Cajalad Video ah oo ku saab san Shiikh Somaaliyeed oo lagu magacaabo Sh.Maxamed Sh.Ismaaciil oo lagu jirdilaayo Xabsiga Magaalada Hargaysa si naxariista kafog isagoona Shiikha Allaha garabkiisa galee Koronta lagu dhajinaayo waa sida cajalka ka muuqataye. Sh.Maxamed Sh.Ismaaciil Ayaa waxa uu umuuqday markuu ka jawaabayey Su’aalo laweydiinayey nin ku kalsoon Alle weyne Hadalkiisana kusalaynaya Quraanka kariinka isagoona aayado soo daliilsanayey,Shiikha ayaa Waxaa markii sii hore lagu soo xiray Amar kasoo baxay dawlada Federaalka Ethopia maamulka Somaliland Sidii lagu yaqiinayba iyada oo fulinaysa Amarka Xukuumada Ethopia Xabsiga ayey utaxaabtay Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Wararka ka imanaya Somaliland Gaar ahaan caasimada Quruxda badan ee Hargaysa ayaa Sheegaya in guddi ka kooban culuma'udiin iyo masuuliyin ka tirsan wasaarada garsoorka ee Somaliland ay shalay gelinkii dame Abaarihii 10:45 ku soo booqdeen Sheekh Maxamed Ismacil xabsiga uu ku sugan yahay ee magaalada Hargeysa. Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in sheekh Maxamed uu diiday inuu ka jawaabo Su'aal guddigan waydiiday oo la xiriirtay in cajlada jirdilka ah ee lagu baahiyay qaar ka mid ah Internetyada Somalida ay xaqiiq tahay iyo inkale. waxaase Sheekhu ku adkaystay inuu ka jawaabayo su'aashas kadib marka uu la kulmo qareenkisa Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo loo diiday hada in uu la kulmo Shiikha ayaa haatan waxa lamodaa in uu udhaxeeyo Laba Digsi oo gubanaaya oo hadii uu cajalka Rumeeyana wax kasii darin waxii horay loogula kacay ayaa lagayabaa in lagula kaco ,hadii uu Beeniyana Waxaa adkaanaysa xaalkiisa xabsiga isagoona kusii nagaan doono. Warar Hosaad lagu kalsoon yahay oo kasoo baxaaya xarunta Somaliland ee Hargaysa ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu Qadka Teleefonka kula soo xariiray Masuul katirsan dawlada wadanka Ethopia gaar ahaan Qaybta Ladagaalanka waxa loogu Yeero Argagixisada Masuulkaas ayaa Madaxweyne Rayaale kacodsaday in uu kusoo wareejiyo Shiikha Maxamed arinkaas ayaa Madaxweyne Rayaale kabiya diiday Balse ugu danbayn tii yeelay Sida wararka qeexayaan. Wararka Hargaysa kasoo Baxaaya ayaa intaas waxa ay kusii darayaan in Madaxweyne Rayaale uu Sheegay in aan Si deg deg ah iyo si fudud toona aana lagu gudbin Karin Shiikha waayo Ayuu yiri Madaxweynuhu hadii ay arinkaan Shacabku Maqlaan Qatar weyn ayaa ka imaan karta, Balse Masuulkii katirsanaa dawlada Ethopia ayaa Madaxweynaha usheegay in loo baahan yahay in sida ugu Dhaw loo soo gudbiyo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Arinkaan ayaa lagayabaa in ay suura gal noqoto oo Shiikhaan Muslimka ah loo gacan galiyo Dawlada Ethopia ,Horay waxaa maamulka Somaliland ay u Gacan galiyeen dawlada Ethopia Rag Wadaado ah oo tiradoodu gaarayso 28 kuwaas oo aan ilaa iyo haatan meel lagu sheegin iyadoona la sheegayo in qaarkood ay Dhinteen kadib markii Koronto lagu qabtay halka qaarkalena ay Gubteen oo naftu dirqi uga baxday markii laami kar karsan lagu riday wadaadaas ayaa dhammaantood kasoo jeeday Gobolada Kilinka Shanaad ee Ethopia Gumaysato. Arinkaan Shiikha lagula kacay waxa uu cadeynayaa in Ay Hargaysa Tahay meesha lagu Jirdilo Culumada Muslimka ah iyadoo argagixiso lagu Tilmaamayo Sidoo kale Madaxda Usaraysa Somaliland ayaa waxa ay umuqdaan kuwo Raali Galinta Alle weyne kadoorbiday raali galinta Ethopia iyo Maraykan Madaxdu miyey hilmaameen Awoodi alle weyne (Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar) Guud ahaa Shacabka Somaliland Gaar ahaan Culumaa’udiinka ayaa waxaa lagudboon in sida ugu Dhaqso badan ay Xoriyadiisi Dib ugu Soo cesheen Shiikhaas sida xun loola dhaqmay iyo hadiiba ay jiraan Culumo kale oo ayana aan la ogayn Balse xabsiga Hargaysa lagu qalanaayo. Gabi ahaan Dadka Muslimiinta ah ee ku kala nool Dunida dacaladeeda ayaa waxa ay aad ula wadayaabeen in dawlad iyo dad Muslim ah oo Sooma Salaadana ay nin wadaad Si naxariista kafog ujirdilaan Korontana ku dhajiyaan iyagoo raali galinaaya Gaalo, Culumaa udiinka Muslimiinta ah ayaa waxa ay kacodsadeen Madaxda Somaliland in ay Allahood usoo laabtaan kana tawbadkenaan falalka noocaas ah kuwaas oo keeni karaaya in Masiibo ka dhacdo Gobolada Somaliland. Shacabka Somaliland yeysan isku qaldin Diinta iyo qadiyada Somaliland Diinta islaamku waa diin Muqadis ah hadaa raacdana waad ku libanaysaa,Qof kasto oo reer Somaliland yuu san eegin cadawga Somaliland sida uu ugu farxaayo Arinkaan ee ha eego Carada ka imaanka karta Dhanka Alle weyne, Qofkasta oo reer Somaliland ahow Dib udhigo arimihii qadiyadaada marakan isku hawl sidii loo sii dayn lahaa Shikhaas Muslimka ah ee Gaalada loo gacan galin rabo habayn kastana Sida uu san Alle raalida ka ahayn loola Dhaqmaayo. Jamaal maxamuud Axmed shuuriye Shuurye55@yahoo.com Kenya Nairobi
  17. Cadaaladii meeday????????????????? Wararkii ugu danbeeyey Somaliweyn - Nairobi -Kenya 05/10/06 Xog hoose oo taabanaysa Xaalka Shiikh Maxamed oo kuxiran Xabsiga Magaalada Hargaysa iyo Shiikha oo larabo in Ethopia loo gacan galiyo Waxaa mudoo yinkii udanbeeyey Saxaafada Gudaha Somaaliya iyo Saxaafada Dibada ee aduunkaba is ka soo daba noqnoqonaayey Cajalad Video ah oo ku saab san Shiikh Somaaliyeed oo lagu magacaabo Sh.Maxamed Sh.Ismaaciil oo lagu jirdilaayo Xabsiga Magaalada Hargaysa si naxariista kafog isagoona Shiikha Allaha garabkiisa galee Koronta lagu dhajinaayo waa sida cajalka ka muuqataye. Sh.Maxamed Sh.Ismaaciil Ayaa waxa uu umuuqday markuu ka jawaabayey Su’aalo laweydiinayey nin ku kalsoon Alle weyne Hadalkiisana kusalaynaya Quraanka kariinka isagoona aayado soo daliilsanayey,Shiikha ayaa Waxaa markii sii hore lagu soo xiray Amar kasoo baxay dawlada Federaalka Ethopia maamulka Somaliland Sidii lagu yaqiinayba iyada oo fulinaysa Amarka Xukuumada Ethopia Xabsiga ayey utaxaabtay Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Wararka ka imanaya Somaliland Gaar ahaan caasimada Quruxda badan ee Hargaysa ayaa Sheegaya in guddi ka kooban culuma'udiin iyo masuuliyin ka tirsan wasaarada garsoorka ee Somaliland ay shalay gelinkii dame Abaarihii 10:45 ku soo booqdeen Sheekh Maxamed Ismacil xabsiga uu ku sugan yahay ee magaalada Hargeysa. Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in sheekh Maxamed uu diiday inuu ka jawaabo Su'aal guddigan waydiiday oo la xiriirtay in cajlada jirdilka ah ee lagu baahiyay qaar ka mid ah Internetyada Somalida ay xaqiiq tahay iyo inkale. waxaase Sheekhu ku adkaystay inuu ka jawaabayo su'aashas kadib marka uu la kulmo qareenkisa Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo loo diiday hada in uu la kulmo Shiikha ayaa haatan waxa lamodaa in uu udhaxeeyo Laba Digsi oo gubanaaya oo hadii uu cajalka Rumeeyana wax kasii darin waxii horay loogula kacay ayaa lagayabaa in lagula kaco ,hadii uu Beeniyana Waxaa adkaanaysa xaalkiisa xabsiga isagoona kusii nagaan doono. Warar Hosaad lagu kalsoon yahay oo kasoo baxaaya xarunta Somaliland ee Hargaysa ayaa Sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu Qadka Teleefonka kula soo xariiray Masuul katirsan dawlada wadanka Ethopia gaar ahaan Qaybta Ladagaalanka waxa loogu Yeero Argagixisada Masuulkaas ayaa Madaxweyne Rayaale kacodsaday in uu kusoo wareejiyo Shiikha Maxamed arinkaas ayaa Madaxweyne Rayaale kabiya diiday Balse ugu danbayn tii yeelay Sida wararka qeexayaan. Wararka Hargaysa kasoo Baxaaya ayaa intaas waxa ay kusii darayaan in Madaxweyne Rayaale uu Sheegay in aan Si deg deg ah iyo si fudud toona aana lagu gudbin Karin Shiikha waayo Ayuu yiri Madaxweynuhu hadii ay arinkaan Shacabku Maqlaan Qatar weyn ayaa ka imaan karta, Balse Masuulkii katirsanaa dawlada Ethopia ayaa Madaxweynaha usheegay in loo baahan yahay in sida ugu Dhaw loo soo gudbiyo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Arinkaan ayaa lagayabaa in ay suura gal noqoto oo Shiikhaan Muslimka ah loo gacan galiyo Dawlada Ethopia ,Horay waxaa maamulka Somaliland ay u Gacan galiyeen dawlada Ethopia Rag Wadaado ah oo tiradoodu gaarayso 28 kuwaas oo aan ilaa iyo haatan meel lagu sheegin iyadoona la sheegayo in qaarkood ay Dhinteen kadib markii Koronto lagu qabtay halka qaarkalena ay Gubteen oo naftu dirqi uga baxday markii laami kar karsan lagu riday wadaadaas ayaa dhammaantood kasoo jeeday Gobolada Kilinka Shanaad ee Ethopia Gumaysato. Arinkaan Shiikha lagula kacay waxa uu cadeynayaa in Ay Hargaysa Tahay meesha lagu Jirdilo Culumada Muslimka ah iyadoo argagixiso lagu Tilmaamayo Sidoo kale Madaxda Usaraysa Somaliland ayaa waxa ay umuqdaan kuwo Raali Galinta Alle weyne kadoorbiday raali galinta Ethopia iyo Maraykan Madaxdu miyey hilmaameen Awoodi alle weyne (Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar) Guud ahaa Shacabka Somaliland Gaar ahaan Culumaa’udiinka ayaa waxaa lagudboon in sida ugu Dhaqso badan ay Xoriyadiisi Dib ugu Soo cesheen Shiikhaas sida xun loola dhaqmay iyo hadiiba ay jiraan Culumo kale oo ayana aan la ogayn Balse xabsiga Hargaysa lagu qalanaayo. Gabi ahaan Dadka Muslimiinta ah ee ku kala nool Dunida dacaladeeda ayaa waxa ay aad ula wadayaabeen in dawlad iyo dad Muslim ah oo Sooma Salaadana ay nin wadaad Si naxariista kafog ujirdilaan Korontana ku dhajiyaan iyagoo raali galinaaya Gaalo, Culumaa udiinka Muslimiinta ah ayaa waxa ay kacodsadeen Madaxda Somaliland in ay Allahood usoo laabtaan kana tawbadkenaan falalka noocaas ah kuwaas oo keeni karaaya in Masiibo ka dhacdo Gobolada Somaliland. Shacabka Somaliland yeysan isku qaldin Diinta iyo qadiyada Somaliland Diinta islaamku waa diin Muqadis ah hadaa raacdana waad ku libanaysaa,Qof kasto oo reer Somaliland yuu san eegin cadawga Somaliland sida uu ugu farxaayo Arinkaan ee ha eego Carada ka imaanka karta Dhanka Alle weyne, Qofkasta oo reer Somaliland ahow Dib udhigo arimihii qadiyadaada marakan isku hawl sidii loo sii dayn lahaa Shikhaas Muslimka ah ee Gaalada loo gacan galin rabo habayn kastana Sida uu san Alle raalida ka ahayn loola Dhaqmaayo. Jamaal maxamuud Axmed shuuriye Shuurye55@yahoo.com Kenya Nairobi
  18. Somalia: President Yusuf Too Divisive To Rule. “The most pathetic person in the world is someone who has sight, but has no visionâ€- Helen Keller- By Ali Osman October 3, 2006 President Abdullah Yusuf was elected by warlords in a chaotic campaign mired by secrecy, bribery and coercion and bankrolled by Ethiopia. Yusuf's government has been plagued by political infighting, chronic mismanagement and lack of local legitimacy. As President Yusuf's history shows, he has always deficient in vision and has been prone to failure when it comes to political dialog which is badly needed at this juncture. In fact, the tactics that Abdullahi Yusuf has sharpened for decades as a warlord and rebel leader shows he knows only two ways to solve problems by bribes and by military force which both are in short supply. Abdullahi Yusuf is a loathed by majority of Somalis and had no political capital or legitimacy to speak off. Therefore, it would be very difficult if not impossible for him to marshal the support needed to bring about a lasting peace in the horn of Africa. Most Somalis highly suspect his commitment to democratic principles which makes even the secularist worry of his government. PresidentYusuf’s credibility is further questioned by his refusal to recognize the former Arta government which was established in Djibouti after an exhaustive negotiation and many believe he and Ethiopian government were a major factor the failure of that government. President Yusuf is also known to side line the Arab League. The countries of the Arab League which Somalia is a member of do not trust him and his current prime minister. His staunch anti-Arab stance further alienates him from the Arab and Muslim world. Majority of Somalis believe the links and relations between Somalia and the Arab world is as important and their survival depends on it. In Somalia, business and education system is highly dependent on the Arab world. The business community is weary of any government that might antagonize the Arab countries because of the historic links between the Somali business men and the neighboring Arab countries such as the Emirates, Saudi Arabia and Egypt. President Yusuf is unabashed Ethiopia’s friend and proxy and most Somalis know President Yusuf would not last more than a week without the support of the Ethiopian dictator who enthroned him by bribing the Somali warlord parliamentarians. Yusuf’s historic association with Ethiopia and coming to power by their support and staying in power due to their direct military intervention sealed his faith and he would never succeed in ruling Somalia as a legitimate President or central figure. The world sees the quandary in standing behind such a leader but they would not dare to open the bandore box of re-negotiations and building a new government? But the reality on the ground shows there is a golden opportunity for such endeavor. The warlords who made negations impossible are outdone and replaced by a moderate Islamic Courts that showed, they can maintain the peace and can run government and are able to build a working society. The world should not stand behind a man rejected by his people, his nation and historically friendly countries of Somalia. President Yusuf is calling IGAD and Ethiopian military because he has no legitimacy and cannot draw upon the support of his Somali population. If President Yusuf had legitimacy Somalis would have volunteered and cities would have been falling under his leadership like the Islamic Courts have. The world should demand his resignation and the election of a uniting leader before it is too late. If United States with 20,000 UN soldiers were unable to coerce an unwilling Somali population to accept a puppet regime, then it would be even more difficult for IGAD and Ethiopia to do just that. President Yusuf is too divisive and polarizing figure to rule Somalia. It is time to consider for credible replacement. By: Ali Osman Email: ccusmaan@gmail.com
  19. Warqad Furan oo ku socota Hoggaanka Saree Golaha Maxaakiimta. Talobixin. Somaaliya maanta waxay mareysaa marxalad kala guur ah, waxaa laga gurrayaa: (mugdiga jahliga, cadaaladdarrada, cilmaaniyada, colaadda, qabyaaladda, dagaal sokeeye & dowlad la’aan, qaranjab & quursi iwm) waxaana la tiigsanayaa: (iftiinka aqoonta, cadaalad loo dhan yahay oo shareecada Islaamka waafaqsan, tubta nabadda, Somaalinimada & sinnaanta, sharaf & karaamo iwm). Sidaas awgeed, muwaadin kastoo Somaaliyeed waxaa waajib ku ah inuu qeyb libaax ka qaato hirgelinta himilada lagu higsanayo horumarinta dalka hooyo: (qof u hura naftiisa qaaliga ah, qof taakuleynta dhaqaalaha ka qeyb qaata, qof talo toosan bixiya iwm). Raqba waa ku raggeeda ! Haddaba anigoo ah waayeel waayo-arag ah, waxaan hoggaanka saree Golaha Maxaakiimta u gudbinayaa qoraalkan kooban oo ah talo bixin ku saabsan marxaladda kala guurka ah: (1) Difaaca Dalka: Marka uu dal ka curto isbedel siyaasadeed iyo maamul waxa ugu horreeya ee gacan adag lagu qabto waxa ugu mudan waa difaaca dalka hooyo iyo sugidda ammanka gudaha. Difaaca dalka oo ah waajibaadka 1aad ee muwaadin kasta xaq looga leeyahay inuu ka qayb qaato, ayaa billowga horeba looga baahan yahay in bulshada lagu guubaabiyo difaaca dalka, maxaa yeelay waa arrin aan looga maarmin jiritaanka dalka, dadka iyo diintaba. Waxa xeerarka caalamiga ah looga hadlay laguna caddeeyey in dal kasta xaq u leeyahay ayna qasab ku tahay ilaalinta qarannimadiisa haddii kale meesha ay ka baxeyso sharafka iyo karaamada (sovereignty) ummadaasi leedahay. Maanta waxaa muuqata in Gumeysiga Xabashidu dalkeenna si bareer ah ugu soo xadgudubtay meelo badanna kasoo gashay siiba deegaamada ku teedsan xaduudaha oo haddii aan si deg deg ah taas looga hor tegin ku soo fidi doonta ilaa gudaha dalka iyo caasimadda. Xabashida oo ah cadaw soo jireen ah ayaa neceb wax kastoo wanaag ah oo ka hirgala Somaaliya, waxayna mar walba ku hawlan tahay, iyadoo kaashanaysa imberaaliyadda caalamiga ah inay qaado tallaabooyin burburin ah iyo mid ay isku direyso dadka Somaaliyeed ee walaalaha oo ay hub isugu dhiibto. Haddaba, si halista maanta taagan looga gudbo, waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah loo hirgeliyo qorshahaan: (1) In guud ahaa dadweynaha la abaabulo, lana hormariyo wacyigelin iyo guubaabo waddaniyad ku dhisan. Marxaladda qalafsan ee maanta lagu jiro waa lagama maarmaan in dadweynaha si ballaaran loo abaabulo lana hirgeliyo halkudheg oranaya “Wixii dhiiglahaw kaca, qalabka warbaahintana laga joogteeyo suugaantii guubaabada ahayd (hees & gabay) ee Somaalida lagu qiiro-geliyey dagaalkii 77. (2) In meel kasta (magaalo, tuulo ilaa ceel) laga billaabo diiwaangelinta dadweynaha u darban difaaca dalka hooyo, lagana dhaadhiciyo xaqa ay qaranka ku leeyihiin iyo waajibaadka qaranku ku leeyahay iyaga (rights & duties). (3) In la yagleelo xeryo tababar (mucaskar) oo dadka loo kala saaro dhalinyaro loo carbiyo dagaalyahanno, dumar loo tababro gargaarka caafimaadka (first aid) iyo ganacsato loo tabaro taakuleynta saadka iyo dhaqaale uruurinta. Waa in si degdeg ah loo unkaa xarumo caafimaad oo dhiigga lagu keydiyo.. (4) Afar jeer oo taarikhda ku xusan ayaa dagaal dhexmaray Xabashida iyo Somaalida (Axmed Gurey, Daraawiishtii Sayid MCXasan, 1964 & 1977) afartii goorba Somaaliya ayaa dagaalka ku adkaatay, hase ahaatee Xabashida waxaa u soo hiilliyey walaalahood Kirishtaanka. Sidaas awgeed waa in annaguna aan walaalaheena muslimiinta ah hiil iyo iskaashi ka dalbanaa, walow shaqsiyan aan si niyad ah u aaminsanahay gabaygii xikmadda xambaarsanaa ee Sayid Mxamed ku yiri “Maandhow cayaayirka iga daa Carabi waa naageâ€. (5) Dhalinyaradii hanaqaaday sanadaha quursiga iyo qaranjabka een taarikhdii la soo maray waxba ka aqoon, waa in la xusuusiyaa dgaalladii dhexmaray Somaalida iyo Xabashida isla markaana si cad loo fahamsiiyaa taarikhiyan Somaalidu inay ka burji sarayso kana adag tahay Xabashida ama Amxaaro Injirley. (2) Sugidda Nabadgelyada iyo Sirdoonka: Alle mahaddi Maxaakiimtu ilaa hadda waxay ku guuleysteen inay jawi nabadgelyo ku soo dabbaalaan gobolladii ay gacanta ku dhigeen, waxaase lagama maarmaan ah in la sii adkeeyo nabadgelyadaas Alle keenay, lana hirgeliyo fekrada hoose: (A) In magaalada loo qeybiyo (Sectors) dhowr waaxood, waax kastana loo sii qeybiyo dhowr Laamood, laan kastana loo sii qeybiyo dhowr unug (Deris ka kooban ilaa 100 qoys, madaxa deriseyntu waa inuu si hoose ula socdaa dhaqdhaqaaqa deeggaanka boqolkia qoys). Waa in la helaa maamul iyo Maxkmad si dhab ah isugu xiran oo taxan Waax ilaa Unug. Maxaakiimta ku midoobay dar Alle iyo difaaca diinta, Somaali badan oo anigu aan ka mid ahay, waxaan u aragnaa tallaabadii Somaali uga gudbi lahayd qabyaaladda la degtay ee asaageed ka reebtay. Sidaas awgeed, Maxkamadihii waayadii hore loo dhisay habka beel beesha ah waa in lagu beddelaa Maxaakim Somaaliyeed loona gudbaa maamul heer Qaran ah… Tusaale Maxkamadda Ifka Xalan waa inay noqotaa isku-dhaf madax looga dhigay Sheekh Jareer ah.. Sidoo kale Maxkamadda Dayniile waa inay noqotaa isku-dhaf madax looga dhigay Sheekh Banaadiri ah.. Sidoo kale Maxkamadda Al-Furqaan waa inay noqotaa iskudhaf madax looga dhigay Sheekh Digil ah. Haddii beel kasta Maxkamad furato, waxaa qiime beelaya hadafka Maxaakiimta, taasina waxay noqonaysaa USC oo shaarkii loo beddelay iyo tafaraaruq cusub. (B) Sirdoonka gudaha waa in la kordhiyaa lana hawgeliyaa haweenka oo ku fiican hawlaha basaasidda, maadaama ay heli og yihiin warka xun iyo xanta. Shaydaan baa yiri maanta waxaan suuqa u iib geeyey Been iyo Xan, wuxuu yiri beentii waxaa iga iibsaday ganacsato, xantiina waxaa iga iibsaday haween. * Hawlaha Sirdoonka oo u baahan aqoon iyo waayo-aragnimo, waa lagama maarmaan in dib loo hawlgeliyo wixii ka nool NSStii iyo Boliiskii dowladihii hore ay u tababareen hawlaha Sirdoonka. Fadlan waa in la garwaaqsadaa hawlaha Sirdoonku inay u baahan yihiin dad midabyo badan oo shirqool kasta kashifi kara. * Jaajuusiinta & Kaadirka Itoobiya oo dalka si xoog leh uga hawlgala iyo NGOleyda xogta xasaasiga ah u tebiya shisheeyaha mushahaarka siiya ka sokow, waxaa kaloo dalka ku badan dad aan ku abtirsan sinjiga Somaalida oo ah soogalooti aan afsomaali ku hadlin, kuwaasoo u muuqda jaajuusiin dalka lagu firdhiyey. Sidaas awgeed waxaa habboon in dadka Soogalootiga ah dalka laga cayriyo ama si rasmi ah loo diiwaangeliyo oo lala socdo dhaq-dhaqaaqooda. Sababtoo ah 16 sano Somaaliya waxay ahayd dhul aan la kala xigin oo aan maamul dhexe lahayn (no mans land) (3) Maamulka Gobolka Banaadir: Waxaa ila habboon inaan lagu degdegin maamul u sameynta Gobolka Banaadir, waxaase ku talinayaa in loo sameeyo gole maamul oo ku meel gaar ah (Provisional Regional Administration) ilaa la xaqiijinayo laba arrimood oo muhiim ah: (A) Dib-u-heshiisiin Qaran oo dhamaystiran (B) Kacdoonka dadweynaha ee Maxaakiimtu hoggaamiyaan ilaa la wada gaarsiinayo 18ka gobol ee Somaaliya. Fiiro Gaar ah: Sanadihii fowdada waxaa soo ifbaxay (Tujaarul Xarbi Tekniko leh) oo dadweynaha si xun u cunaqabateeyey. Maamulka ilaha dhaqaalaha sida dekadda iyo Airport waa in laga fogeeyaa ganacsatada arxamka-darran ee ku milan Maamulka Maxaakiimta, waa haddii la doonayo in la kasbo taageerada iyo kalsoonida danyarta dulman.. Sababtoo ah horaa loo yiri “Tujaar tabargalay miskiin uma turo†Dhinaca kale, waxa shacabku weli ka sugayaan Golaha Maxaakiimta in ay sicirka badeecadaha raashinka kontoroolaan waxna ka qabtaan kuwaas oo shacabka danyarta ah si ba’an loogu cunaqabateeyey. Beryahaan waxaa magaalada ku soo kordhay sicirbarar xad-dhaaf, waxaana la moodaa ganacsato ka soo horjeeda maamulka Maxaakiimta inay doonayaan inay iska horkeennaan shacabka iyo Maxaakiimta. (4) Saxaafadda: Adduunka oo dhan dowlad kasta waxay ku taagan tahay laba tiir oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah Sirdoon iyo Saxaafad. Haddaba waxaa Maxaakiimta la gudboon inay si foojigan u kordhiyaan Saxaafadda iyo Sirdoonka (Mass media orientation & Intelligence Services) gudaha iyo dibeddaba. Xagga saxaafadda waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo dhaqangeliyo qodobadan: (A) In la sameeyo Website & Wargeys afkaarta Maxaakiimta lagu soo bandhigo. (B) In la helo aqoonyahan codkar ah oo noqda afhayeenka Maxaakiimta. Iyadoo la tixgelinaayo murtida oranaysa qof walba shaqada ku habboon haloo dhiibo (Right-man to right-job). Afhayeenku waa inuu la mid noqdaa Josef Geobbles oo ahaa wasiirkii warfaafinta Nazigii Jarmalka xilligii Adolfo Hitler. Geobbles wuxuu ahaa aftahamka awood u leh inuu beenta run u beddelo. Afhayeenka Maxaakiimta waa in kaligi lagala xiriiro war kastoo Maxaakiimtu u gudbinayaan saxaafadda gudaha iyo dibeddaba. Waa lagama maarmaan in laga gudbo isbarbaryaaca hadda socda. © In la abaabulo Suugaanleyda Eebbe ku manaystay hal-abuurka, loona xilsaaro hanuuninta dadweyanaha. Fadlan hala xusuusto Maxamed Siyaad Barre 21 sano inuu dalka ku haystay suugaantii laga joogteeyey Qalabka Warbaahinta Qaran iyo khudbadihii laga joogteeyey xarumihii hanuuninta dadweyanaha (Orientations) ee laga dhisay xaafad kasta. (D) Habka hadda loo tebiyo khudbadaha salaadda jimcaha waa in wax laga beddelo. Khudbadda Salaadda jimcaha Afka Carabiga horti waa in lagu aqriyaa Af-Somaali si dadku u fahmo macnaha iyo ujeedada. Khudbadda jimcuhu waa inay ka hadashaa guud ahaan marxaladaha qalafsan ee maanta addunka ka taagan, gaar ahaan mushkiladaha Somaaliya iyo sidii looga gudbi lahaa (wayicgelin & guubaabo xambaarsan Alle ka cabsi & waddaniyad). Waa lagama maarmaan in la tirtiro lana mamnuuco khudbahadaha hadda masjidyada laga aqriyo oo u eg kuwa la qoray xilligii Cabaasiyiinta. (E) Macnaha “Saxaafadda Xorta ah†Somaalidu si qaldan ayey u fahamtay oo ah “waxaad doonto sheegâ€. Saxaafadda gudaha (Idaacadaha, Wargeysyada, Shabakadaha Internetka “Websiteâ€) waa in lagu sameeyaa dib-u-habeyn xoog leh oo la saanqaadi karta waaga cusub. Marka la qiimeeyo sida ay hadda u shaqeeyaan, waxaa muuqata waqtigooda inta ugu badan inay geliyaan “Iidheh/Xayeesiin iyo warbaahin ku salaysan been-abuur iyo naar-afuufâ€. Waa lagama maarmaan in si degdeg ah loo soo saaro sharci ku saabsan qeexidda shaqada saxaafadda gudaha isla markaana lagu booriyaa inay waqtigooda u huraan “danta guud iyo wacyigelinta bulshada†si loogu tilmaamo berrinka barwaaqo iyo baraaraha mustaqbalka. Saxaafadda Xorta ah waa in la siiyaa Shati (License) ay ku shaqeeyaan kaasoo marka ay qalad galaan, laba digniin kadib lagala noqon karo Shatiga meheraddu ku shaqayso. (5)Dhaqaale Abuuris: Nabadgelyo ma jiri karto dhaqaale la’aan.. Dhaqaale ma jiri karo nabadgelyo la’aan. Si xigmadaas loo dhaqangeliyo waa in si degdeg ah loogu tallaabsadaa qodobadaan: A) Aqoonyahanno ku xeeldheer qiimeynta iyo canshuuraha ( Evaluation and Revenue Experts) waa in loo xilsaraa qaabeynta iyo xadeynta (tariffs). B) Canshuuraha waa in loo kala saaraa badeecadaha daruuriga ah iyo badeecadaha faakahaysiga ee laga maarmi karo (Essential commodities & Non-Essential goods) C) Waa in la abuuraa Santuuq loogu magacdaro “dib-u-dhiska kaabayaasha iyo daryeelka masaakiintaâ€. Santuuqaas oo ah qaaraan uruurin iyo tabarucaad ku dhisan qofba taagti ha tallaabsado, kuna salaysan sadaqo iyo seko bixin. Bulshada Soomaalida ee ku nool dalka gudahiisa iyo dibeddiisa waa in lagu booriyaa inay si niyadsami ah u taageeraan santuuqa dhaqaale uruurinta (Fund Raising). D) Waxaa habboon in si degdeg ah loo hawlgeliyo Hay’ad Hantidhowr (Auditing Office), Hay’adahaasoo hawsheedu tahay Xisaab Xilmaleh lagu diiwaangeliyo laguna kontoroolo daqliga iyo kharashka. E) Sanadihii dowlad la’aanta, ganacsato lagu tilmaami karo dhiigmiirato ayaa si fool-xun dalka u bililiqeystay, waxay ka faa’iidaysteen canshuur la’aan, waxayna la wareegeen kaabayaashii dhaqaalaha sida (deked, airport, khadkii isgaarsiinta iwm). Haddaba waa in lala xisaabtamaa oo dib looga soo celiya canshuurtii ku baaqatay iyo kiradii goobihii dowladda ee ay ku shaqaysteen, sida khadka isgaarsiinta 002521 oo daqli xoogleh laga helay. F) Sanadihii dowlad la’aanta, Iimaanlaawayaal ayaa dalku ku soo qarqiyey (raashin dhacay, daawo dhacday, daawo tayo xun iwm). Badeecaddi dhacday ee dalka la keenay waxaa ka dhashay cudurro halis sida (Kansar, Baras iwm). Hadda kadib waa in la dhisaa hay’ad u xilsaaran hubinta iyo baarista badeecooyinka dalka la keenayo (Quality control office). (6) Joojinta Daroogada iyo Anshax Xumada: Sanadihii dowlad la’aanta waxaa dalka ku baahay daroogo iyo anshax xumo xad-dhaaf ah. Markii sharci iyo kala dambeyn la waayey, waxaa hirgalay qof walba qumanihiisaa qoorta u surane sida la quman haw dhaqmo. Haddaba Qaadka iyo Sigaarka waa in si dadban loo mamnuucaa oo dalka looga joojiyaa. Joojinta daroogada waa in loo ambaqaadaan si cilmi ku dhisan oo ah: · Waa in lagu soo rogaa canshuur xad-dhaaf ah, macnihii Marduufkii Qaad ah waa in la dulsaaraa $10 oo canshuur ah, Baakadka Sigaarka ahna waa in la dulsaaraa $1 oo canshuur ah.. Haddii qiimaha Marduufka qaadka ah la gaarsiiyo Shs. 300.000 isla markaana qiimaha Baakadka Sigaarka ah la gaarsiiyo Shs. 30.000, waxaa yaraan doona dadka awoodda dhaqaale u leh isticmaalka daroogada. · Hadda kadib Qaadka iyo Sigaarka waa in lagu iibiyaa dukaan albaab iyo shati leh isla markaana si degdeg ah looga kiciyaa meelaha nadaafadda xun ee hadda lagu iibiyo. · Hadda kadib Qaadka iyo Sigaarka waa inaan lagu isticmaalin oo laga reebaa goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo gaadiidka dadweynaha (Public Places & Public Transport) sida: (maqaayadaha, baararka, buushashka, dukaamada, baabuurta rakaabku raacaan). Qaadka iyo Sigaarka waa in ciriiri laga dhiga oo aan si fudud loo hilin. Dadka ka ganacsada waa in lagu amraa in aysan Qaad & Sigaar ka iibin qof da’diisu ka yar tahay 20 sano, haddii ay ka iibiyaanna ay mutaysan doonaan ciqaab adag. · Maamulka Maxaakiimtu si uu ku helo dhaqaale lagu socodsiiyo hawlmaalmeedka, waxaa lagama maarmaan ah in meherad kastoo ganacsi la siiyo Shati lagu bixiyo canshuur sanadkiiba mar. Haddaba Shaneemooyinka iyo Footooyinka waa in loo aqoonsadaa meherado ganacsi oo aan la xirin, balse waa in laga mamnuucaa wixii anshax xumo ah oo bulshada fasahaad u keeni kara. Guud ahaan wax kastoo dalka soo galaya waa in lagu sameeyaa Faafreeb (Censorship) isla markaana la joojiyaa Aflaamta Jinsiga (pornographic films) iyo masawirrada qaawan, hase ahaatee waa in la ogolaadaa Isboortiga iyo Aflaamta aan anshaxa Islaamka waxba u dhimeyn. Maxaakiimta waxaa hortaal hawl baaxadweyn oo ah dib-u-dhiska dal dhan kasta ka buirburay, sidaas awgeed waa in laga gudbaa oo indhaha laga qarsadaa dembiyada yaryar een kabaa’irta ahayn. · Ayaandarro baddii sun baa lagu shubay, berrigiina xaaluf baa laga dhigay. Dhibaatadaas deegaanka loo geystay si loo joojiyo, gobollada Maxaakiimtu ka taliyaan waa in laga mamnuucaa dhoofinta dhuxusha, lana dhaqageliyaa sharcigii dowladihii hore u dejiyeen ka hortagga nabaadguurka iyo xaalufinta deegaanka. Waxaa kaloo habboon in Maxaakiimtu la xiriiraan maamulleyaasha dekadaha: Kismaayo, Bosaaso & Berbera, lagana codsado inay iyaguna joojiyaan dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dhadig. (FG: Qoraalkan waxaa la diyaariyey intii aan Maxaakiimtu soo saarin amarka lagu joojiyey dhoofinta dhuxusha) (7) Garsoorka: Cadaaladdu waa saldhigga nolosha, haddii aan cadaaladu jirin nolol ma jirto. Sanadihii fowdada waxaa loo dacwoon jiray odayaasha loo yaqaan Afarjeeble ee beelaha horbooda. Beryahaan waxaa loo dacwoodaa Maxaakiimta oo ilaa xad wax ka qabtay Garsoorka Dadweynaha, laakiin weli wax weyn baa dhiman oo Faanoole Fari Kama Qodna. Waa lagama mnaarmaan in la sameeyo Maxkamado derejo ahaan kala sareeya sida (Maxkamad degmo, Maxkamad Gobol, Maxkamad sare iyo Maxkamad racfaan). Hanaanka garsoorku waa inuu noqdaa Garsoore ay hareer fadhiyaan oo ay la shaqeynayaa Xeerbeegti (Jury) ka kooban tiro-is-dheer sida: 3 ama 5 ama 7 ama 9. Dembiyada dilka iyo kufsiga sida sharcigu qabo waa in lagu fuliyaa xadka Alle u qeexay, laakiin dembiyada tuugada waa inaan lagu degdegin gacan goynta oo loo qiil dayaa, sababtoo ah waxaa dalka ka jirta baahi bakeyle qalad ah. Inta baahi ay dalka ka jirto nabadgelyo ma jirto.. Faqrigu waa furaha fidnada iyo fisqiga. Xilliga Xajka dowladda Sucuudigu waxay askarteeda ka soo dhex saartaa rag lagu xulay (karti, dulqaad, dabeecad wanaag, dad la dhaqan iyo aqoon diimeed), sababta sidaas loo yeelay waxay tahay in loo turo lana raalligeliyo maalaayiinta qof ee daafaha dunida uga soo safartay gudashada waajibaadka Xajka. Haddaba waxaa habboon Garsooreyaasha iyo Xeerbeegtiga in lagu xulo sifooyin dadweynaha raalligelin kara. Fowdada hadda taagan ee nuxurkeedu yahay nin kastoo Cimaamad iyo Gardheer leh inuu FATWO RIDO waxay horseedi kartaa jowrfal iyo iska hor-imaad dadweynuhu uga niyadjabaan maamulka Maxaakiimta. Hawlaha Garsoorka iyo xiriirka dadweynaha waa in loo xilsaaraa rag loo tababaray sida dadka loola dhaqmo looguna turo. Dableyda dagaallada ku fiican waa inaan loo dirin maamulka dadweynaha. Waa in degdeg loo furaa xafiiska xiriirka dadweynaha (Public Relation Office) oo qofkii muraad ka leh Hoggaanka Saree Golaha Maxaakiimta (talobixin & wax tabasho) waa inuu helaa meel uu kala xiriiro. (8) Dib-u-dejinta 16kii sano ee dagaallada sokeeye, waxaa dalka ku baahay macaluul iyo gaajo, taasina waxay dhashay nidaam fowdo ah oo ku caanbaxay “ninba xeeladdii ha ku xoogsadoâ€. Dad baa geesaha waddooyinka ka dhistay dukaamo yaryar, dad baa ka dhistay buushash shaahiga lagu iibiyo. Dhulkii danta guud iyo xarumihii dowladda dad baa ka dhistay guryo ay ku noolaayeen 16kii sano ee la soo dhaafay. Haddaba arrintan oo ah mushkilad xasaasi ah, waxay u baahan tahay in si taxdar leh loo maareeyo. Waxaan ku talinayaa in lagu tallaabsado qodobadaan: A) Ilaa dib loo hawlgelinayo hay’adihii dowladda ee dadku ka shaqayn jiray isla markaana la abuurayo mashaariic daqli leh (Income generating Projects) waa inaan lagu deg-degin burburinta meel qoys Somaaliyeed masruuf ka helo ama hoyba u ah. B) Dadka guryaha Abosiibada ah ka dhistay xarumihii dowladda iyo dhulkii danta guud loo qeyday waa inaan lagu degdegin barakicintooda ilaa loo habeynayo dhul ku habboon degis oo loo dhamystiray adeegga bulshada sida (caafimaad, waxbarasho, biyo, koronto, suuq iwm). Haddii la barakiciyo iyadoo aan marka hore loo habeyn deegaan lagu noolaan karo, waxaa imaan doona qarax iyo iska-hor-imaad hubeysan ee taas ha laga taxadaro. C) Sharciga lambarkiisu yahay 67 ee soo baxay 01/11/1970kii qodobkiisa 3aad waxaa lagu mamnuucay sheegasho wax la yiraah GOOF. Ilaa hadda lama hayo sharci kale oo fasaxaya lahaanshaha GOOF. Beryahaan waxaa Maxaakiimta la jaanqaaday oo hoos carray dad ku andacoonaya “meel hebel waxay ahaan jirtay GOOFKII awoowgey oo Maxamed Siyaad Barre ayaa iga dhacay oo dan guud ka dhigayâ€. Dad baa sheeganaya oo ku dacwoonaya Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga, Xanaanada Xoolaha iyo Xeryihii Ciidamada Qalabka Sida inay shaqsi ahaan u leeyihiin dhulkaas, maadaama ay ahaan jireen Goofaf hore looga dhacay. Dacwooyin nuxurkoodu sidaas yahay ayaa maanta Maxkamadaha qaar ka furan, haddii dacwooyinka noocaas ah la ogolaado, berrito waxaa imaan doona nin sheeganaya dhulka Airport-ka iyo dekadda inay ahaan jireen Goof laga dhacay. Erayga GOOF macnahiisa in bulshada la fahamsiiyo oo si sharci ah loo qeexo waa lagama maarmaan. D) Waa in la dhisaa guddi iskudhaf ah oo loo xilsaaro “Hanti isu Celintaâ€. Hantida gaar ahaaneed (Private Property) ee xoogga lagu kala haysto marka si adag oo kama dambeys ah loo hubiyo waa in si degdeg ah loogu celiyaa dadkii iska lahaa. Cid kasta oo xoogg hanti ku haysatay waa in lagu xukumaa magdhaw ku salaysan sanadihii ay ku dhaqmayeen, haddii aan milkiiluhu iska cafin. E) Somaalidii ka qaxday Banaadir iyo Shabeellooyinka waa in loogu baaqaa inay dib ugu soo noqdaan rugihii ay ka salkaceen, lana damaanad qaadaa ammaankooda. Iyadoo laga shidaalqaadanayo Xadiiska oranaya “haddii qalbigu caafimaad qabo, jirkuna waa fayow-yahay†Xamar oo ah magaalo madaxdii Somaaliweyn haddii laga dhigo nabad iyo barwaaqo, waa hubaal magaalooyinka kalee Somaaliyeed inay hagaagayaan. Xamar oo hadda ah Tuulo ****** waa in loo beddelaa Caasimad Somaaliweyn ka dhexaysa (Cosmopolitan City) F) Hubinta Dokumkeentiga dhulalka Xamar oo ah mushkilad baaxadweyn waa in si taxadar leh looga fiirsadaa isla markaan baaris adag iyo xaqiijin qotadheer lagu sameeyaa nooc kastoo dokumeenti dhuleed ah, gaar ahaan dokumeentiyadii soo baxay waqtiyada kala ah: (1) 23/05/1986 wixii ka dambeeyey dokumeeti dhuleedkii la bixiyey. Sababtoo ah 23/05/1986 waa galabtii Maxamed Siyaad Barre shilka culus galay, wixii waqtigaas ka dambeeyey, awooddii iyo garashadii Maxamed Siyaad Barre oo hoos u dhacday darteed Xafiiska Madaxtooyada waxaa laga sameeyey warqado xambaarsan amar Madaxweyne oo been-buur kuwaasoo Dowladda Hoose lagu amray shaqsiyaad Maxamed Siyaad Barre ka agdhowaa inay u qeybiyaan dhulalkii loo reebay danta guud ee Qaranku lahaa. (2) Sanadihii maamul la’aanta ee fowdadu taagnayd, Xafiisyada Cabdalle Shideeye ee ku yaal Bakaaraha waxaa laga sameeyey dokumeenti tiro badan oo been-abuur ah, waxaana dokumeenti macmal ah (Forgery) loo sameeyey dhulalkii danta guud iyo dhulal dadkii lahaa ay Xamar ka maqan yihiin . (3) Wixii ka dambeeyey 2000, Maamulkii TNG ama dowladdii lagu soo dhisay Carta/Jabuuti, waxaa si xishood la’aan ah oo weliba xad-dhaaf ah loo sameeyey dokumeenti dhuleed lagu sharciyey goob kasta iyo Goofaf tiro-dhaafay. Fiiro Gaar ah: Kala saarista sharciyada dhulalka Xamar lagu leeyahay waa meermeerto iyo mool badeed qofkii lugaha la gala uusan si sahlan uga dabaallan karin ee mushkiladaas yaan lagu degdegin, hana loo xilsaaro dad lagu xulay aqoon iyo daacad. (9)Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha Dowladda: Marka laga shidaalqaato sharciyada adduunweynaha looga dhaqmo, nidaam ahaan waxaa isbeddela hoggaanka sare ee (xukuumadda), hase yeeshee Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaaluhu waa lafdhabarta difaaca dalka iyo socodsiinta hawlaha qaranka. Ciidamada Qalabka Sida iyo shaqaaluhu waa hawl-fuliyeyaal u adeega hadba maamulka markaas majaraha haya.. Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha dowladdii hore waa muwaadiniin dalka xaq ku leh, waa waayo-arag mudan in lala tashado oo aqoontooda laga faa’iidaysto. Beryahaan hadal-haynta magaalada iyo guuxa dadweynuhu waxay leeyihiin Maxaakiimtu uma baahna Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha, sababtoo ah waxay u badan yihiin Hawlgab (pension) iyo Garxiir aan la saanqaadi karin Kacdoonka Cusub. Ciidamada Qalabka Sida iyo Shaqaalaha haddii loola dhaqmo sidii awr garbabeelay oo beylah laga dhigo, waxaa hubaal ah in arrintaasi ay ka dhalan doonto Cuqubo iyo Ciqaab Eebbe. Ciidan iyo shaqaale looma baahna waxaa ku dumay maamulladii (Cali Mahdi, Cabdiqaasim & Cabdulaahi Yuusuf), jidkii hore loogu lumay waa inaan markale lagu amban. Sida muuqata Ciidamada Qalabka Sida & Shaqaaluhu waa agoon aabbehood Siyaad ka xijaabtay.. Maxaakiimtu haddiiba ay doonayaan inay wax uun maamul ah dalka ka dhisaan, waa inay talada wax ka siiyaan waayo-aragga aqoonta leh (Technocrat administrators) alma Ahlu Caqli wal xal. (10)Dembiyadii Qaranka Laga Galay: Waxaa jirta xikmad oraynaysa “Badeecad magaalo taal hadday wada xaaraan tahay, waxay isu beddeshaa xalaalâ€. Soo xigashada xikmadaan waxaan uga golleeyahay “Somaalidu waxay u badan tahay dembile, min Madaxweyne ilaa habarta caanaha iibisaâ€. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wadar jeer meel fagaare ah wuxuu kaga khudbeeyey “dagaalladii jabhadeynta ee Qaranka lagu dumiyey, aniga ayaa billaabayâ€. Wuxuu ahaa sarkaalkii Somaaliyeed ee cadowga Xabashida magangalay isla markaana meelmariyey muraadkii Itoobiya mudada dheer ku taameysay. Sidoo kale caanaha Xamar lagu iibiyo waa QISH laga sameeyey bur iyo leebito lagu kariyey magaad. Qowmkii reer Madyan ee Nabi Shucayb “cs†loo diray waxaa lagu halaagay qishka beegga. Qishka xad-dhaafka ah ee dalka ka socda waxaa ka dhashay qaranjabka Somaaliya la degay.. Marka dib loo jaleeco taarikhda, dowladdii la dhisay 1960kii ee lagu unkay Qaran Somaaliyeed, 123 mudane barlamaan waxay ka doodeen dastuurkii dalka lagu maamuli lahaa. Laba mudane waxay soo jeediyeen in dalka dastuur looga dhigo Shareecada Islaamka, balse ayaandarro tiradii badnayd waxay isku raaceen in dalka dastuur looga dhigo Dimoqoraadiyad ku dhisan Cilmaaniyad. Sidaas awgeed horaa loo yiri “Aayaddii Alif ka wareertaa Albaqra kama toostoâ€. Qalloocii galay billowgii dhismaha Qaranka waxaa ka dhashay qaranjab iyo qalalaase qoys-qoys loo kala qaxay. Haddaba mar haddii Somaalidu u badan tahay DEMBILE waxaa habboon in lays wada cafiyo, lana meelmariyo murtida oranaysa “Xusuustaa ma xiriirsho iyo Xalay dhalayâ€. Maxaakiimtu waa inay noqdaan waayo-arag ka shidaalqaata taarikhdii aadamigu soo maray, tusaale: (1) Furashadii Makka, Nabi Maxamed “NNKH†wuxuu cafis guud u fidiyey Kufaartii la dirirtay, taasina waxay noqotay tallaabo had iyo jeer la tixraaco oo lagu daydo. Nelson Mandele 1990kii markuu noqday madaxweynihii madoobaa ee ugu horreeyey maamulka Koofur Afrika, wuxuu magacaabay guddiga “Iscafinta iyo Iscamal weydiinta†waxaana madax looga dhigay Baadariga Desmond Tutu. Saraakiishii iyo Siyaasiyiintii u shaqeyn jirtay maamulladii Midabtakoorka, waxaa loogu baaqay inay guddiga hortiisa ka qirtaan dembiyadii ay galeen kana qoomameeyaan, shacabka reer Koofur Afrikana cafis weydiistaan. Markay sidaas yeeleen waa layska cafiyey, taasina waxay horseeday dib-u-heshiisiin qaran iyo barwaaqo lagu liibaaney. Hidde dhaqan ahaan Somaalidu maaha uur-mariid aan waxba illoobin oon waxba cafin, dadkii dembiyada galay hadday dunuubtoodii qirtaan oo Alle u toobadkeenaan, shacabkana cafis weydiistaan, waa hubaal in layska cafin doono.. Sidaas awgeed, waxaa habboon dadkii dembiyada ka galay qaranka in sida Koofur Afrika loo saaro guddi iskudhaf ah balse iyagu nadiif ka ah dembiyadii hore loo galay, maxaa yeelay “gacmo daahir ah ayaa wax daahiriya†. Ugu dambeystii, guud ahaan ummadda Somaaliyeed gaar ahaan Golaha Maxaakiimta iyo maamullada (Hargeysa, Garoowe, Baydhabo & Kismaayo) waxaan ku boorinayaa shaqsiyaadkii dembiyada ka galay dalka in la wada cafiyo, laakiin marnaba waa inaan la cafin xataa haddii ay geeriyoodaan waa in qabuurahooda iyo faracooda la maxkamadeeyo shan kooxood oo dembiyo halis ah galay, waxayna kala yihiin: ¨ Kooxdii Ciidamada Qalabka Sida (CQS) ku amartay inay jabhadaha isu dhiibaan oo hubkooda ku wareejiyaan. ¨ Kooxdii qandaraaska ku qaadatay in badda lagu shubo suntan warshadaha Nukleyeerika (Radio active). ¨ Kooxda dhuxusha dhoofisa ee keentay makiinadaha casriga ah ee dhirta lagu gumaado, xaalufintaasi waxay sababtay nabaadguur dhulka Somaaliya u beddeshay saxaro lama degaan ah. ¨ Kooxdii dalka keentay daawada & cuntada dhacday ee sababtay in cudurro halis ah sida (Kansar & Baras) ay dalka ku baahaan. ¨ Naaquudeyaasha tahriibeyaasha doonyaha kaga daadgureeya gobolka Woqooyi-Bari kadibna ku daadiya Badda-cas.. Wa-Billaahi Towfiiq WQ: Cabdulqaadir Aroma Shirwac55@hotmail.com.
  20. Documenti Sir Ah::: Fadlan Warbixintan Akhriso::: Jeelka Hargeisa Iyo Wadaada-da (Laascaanood}30.09-06Documentigan ayaa ka xogwaramaya xaalada jeelka hargaysa iyo dadkii lagu eedeeyey in ay argagixiso yihiin waa sida uu maamulka lamagac baxay Somaliland ku tilmaamay. Documentigan ayaa waxa ka muuqda wadaado ku xidhan jeelka hargaysa oo sixun loo garaacayo, jidhdil foolxun ayaa lagula kacayaa wadaadan, Qoorta iyo Macdanta ayaa koronto lagag hayaa sida filimkan ka muuqata . .................................................... Waxaa ka mid ah wadaadadan la jidh diloyo sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil oo ah wadaad hargaysa u dhashay . Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa . 1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda Muqdisho kuliyadda Xnaanada Xoolaha. Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka . Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo. Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan (saykoolajiyadda) . Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhi waxa uu ku caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun cilaaj oo balaadhan . Hadaba jidhdilid xoogan ayaa sheeka iyo asxaabtiisaba loogu gaystaa jeelka hargaysa . Muuqaaladan ku lifaaqan warkan waxay muujinayaa sida ay askartu u jidhdilayso wadaadka . Waxaa kamid ah culimada kaleeto ee jeelkaa ku xidhan ee ciqaabta loogu gaysto. Maxamed Maxamuud Nuur . Daa’uud Saalax Iidle Cilmi Jaamac Kuutiye E.G Axmed Cilmi Indhacadde - Oo isku dayey in uu jeelkaa ka baxsado, laakiin ay isuuroobi wayday- Muuse Cali Yuusuf oo isga naafo culisi ay gacmaha ka soo gaadhay cadibka lagu hayey awgood. Isku soo wada duub oo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil iyo ragiisa in la ciqaabo oo jidhdil loo gaysto waxaa Somaliland kaga danbaysa Itoobiya, hadaba toloow aayaha danbe ee ragani muxuu ku danbayn doonaa? Ma xabashi baa loo dhiibi doonaa, kadibna maraykan oo hoygoodu waxa uu noqon doonaa jeelka naxariista daran ee Gontanaaba bey? Mise Akhristooow, ragan ahlu diinka ah xukuumada Hargaysa wadadooday u banayn doonaan ? Shacabka reer waqooyiga iyagu ma raali bay ka yihiin waxyaabahan foosha xun ee lagula kacayo culimadooda ? mise shacabku way ka diirilahaayeen oo waa shacab muslin ah, ee maba dhaadana xaqiiqda dhabta ah ? Halkan Ka Daawo War Bixin Argagax Leh::::! I don't think if this link works...but check this out plx. http://www.widhwidh.com/html/modules.php?name=News&file=article&sid=5776 info@Widhwidh.com
  21. Why would there be a fear, haddii ilaahay u qoray Somalia in lagu xukumo shareecada islaamka waa lagu xukumaa. Wax shareecada Islamka ah oo ka fiican oo lagu xukumilahaa majiraan. Ilaahay ha inoo hagaajiyo dalkeena wixii xumaan la damacsan iyo gaalayn ilaahay ha inaga qabto. Go figure:..............
  22. He is right...courts should fight Xabasho and it's dabadhilifs any where in Somali soil..... Go figure:.......