Wiilo

Nomads
  • Content Count

    2,611
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiilo

  1. I agree with you olol sxiib, and look at these names, they all represent all qabiils.... Go figure:........
  2. Duufaan sxiib waxay ilatahay inaad u qaldan tahay hadalkaaga ah "He deserves" maxaa yeelay Idaawaqaca waa nin joornaalista ah isla markaana shaqadiidu tahay in uu soo wariyo wixii news ah ee markaas jira. Besides, haddii A/lahi yusuf warkiisii uu shalay jeediyay ee adduunka oo dhan laga dhagaystay ay idaacadaha oo dhan cover-garayeeyn, maxaa diiday in kan sheikh shariif sheikh adan loo cover-garayn karin? Explain that? Go figure:.........
  3. Wariye Idaawaqaca oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii war uu sii daayay maanta oo xariigiisa sababay Wararkii ugu danbeeyey Somaliweyn -Baydhabo-Somalia 15/07/06 Wariye Axmed Muuse Cabdulle "Idaawaqaca" ayaa maanta xabsiga loo taxaabay ka dib markii maanta war aan sugneen uu siiyey BBC-da islamarkaana laga siidaayey idaacada ay sababtay in xabsiga magaalada Baydhabo loo taxaabo oo uu amar ku bixiyey wasiirka Warfaafinta XFKMG ee Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Warka ay BBC-da sii deeysay ayaa ahayd in golaha baarlamaanka ay ansixiyeen in dalka Suudaan shirka ka dhici doona la aado taasoo keentay in masuuliyiinta dowlada federaalka ay ka caroodeen ka dib markii maanta baarlamaanka uu gudoomiyaha soo jeediyey in la aado balse lagu diiday oo aan cod loo qaadin iyadoo kooramka kasoo qayb galay uu ahaa 168 xildhibaan balse gudoomiyaha uu ku dooday in la aado. Codka gudoomiyaha Baarlamaanka oo caro ka muuqatay oo laga sii daayey idaacada BBC-da qeybteeda afsomaaliga ayaa ahayd Ra'yi uu usoo bandhigay Mudanayaasha Baarlamaanka oo aysan ahayn go'aan ay gaareen golaha baarlamaanka in la aado dalka Suudaan taasoo buuq iyo qeylo badan dhalisay markii cod haloo qaado la yirina ay tiro yar ogolaadeen markii danbena sababtay in gudoomiyaha uu go'aan ku gaaray in laga gudbo oo loo sii gudbo hawshii u tiilay ee gobolada oo iyada la ansixiyey. Hadaba Wariye Idaawaqaca ayaa xabsiga wali kusugan oo aan lasii dayn mana cada in lasii dayn doono iyo inkale iyadoo laga yaabo in arintiisa lagalo oo wax laga qabto. Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)siidmohamed@hotmail.com Somaliweyn Media Center
  4. Hubkii Bashir Raage iyo C/qaadir Beebe oo caawa si rasmi ah loogu wareejiyay Maxaakiimta: Xalay Fiidnimadii ayaa iska hor imaad waxa uu ka dhacay Deegaanka Shibis, kaasoo u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Maleeshiyooyin taageersan Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe. Iska hor-imaadkaas oo dhowr daqiiqo socday ayaa markii dambe warar kala duwan ka soo baxayaan sababihii uu ku bilowday, warar ayaa waxay sheegayaan in Midowga Maxaakiimta lagu wargeliyay in lagu wareejinayo hubkii Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe, hase yeeshee kooxo diidan ayaa Maxkamadihii halkaasi tagay is rasaaseyn dhex martay. Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku wargeliyeen Maleeshiyada Bashiir Raage, Muuse Suudi iyo C/qaadir Beebe in ay si dhaqsi leh ku soo wareejiyaan hubka, balse arrintaasi way ku madax adeegeen, waxaana dhacday is rasaaseyn, iyadoo la sheegay in ay soo dhex galeen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mudullood. Warar hada na soo gaaray waxay sheegayaan in hubkii bashiir raage iyo c/qadir beebe caawa si rasmi ah loogu wareejiyay golaha maxaakiimta islaamiga, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyeen ka tirsan golaha maxaakiimta oo u mahad celiyay intii ka soo shaqeysay in si nabad galyo ah hubkaas loogu soo wareejiyo maxkaamiimta. Sheekh Shariif oo digniin u jeediyay kooxihii ka haray isbahaysiga: Maalintii shalay ahay ayaa hubkii Cabdi Qaybdiid oo gaaraya 43 Tikiniko ah waxaa lagu wareejiyay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay Deegaanka Ex. Control ilaa iyo Saybiyaano. Hubkaan oo lagu soo bandhigay Ex. Filo Baydhabo ayaa waxaa ka qaybgalay madaxdii Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ugu horeeyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna isagoo ka hadlaya arrintaasi yiri “Waa Ilaah mahaddii maanta waxaa noo sugnaaday mid ka mid ah rabitaankii Shacabka Soomaaliyeedcâ€, waxa uuna intaasi raaciyay “Cabdi Qaybdiid mudo fog ayaan ka codsaneynay in uu dagaal baajiyo, basle Cabdi waa uu ka madax adeegayâ€, waxa uuna sheegay Sheekh Shariif in xitaa ay u direen Odoyaal iyo Waxgarad hase yeeshee uu ku gacansayray. Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimtu ay aad uga xumaadeen dhibkii uu keenay dagaalkaasi, isagoo uga tacsiyeeyay Bulshada Soomaaliyeed dhibaatadaasi. Sheekh Shariif waxa uu u soo jeediyay Kooxaha weli ku sugan Muqdisho kana haray Isbahaysigii Shaydaanka in ay hubkooda soo wareejiyaan, waxaana Magaalada Muqdisho weli hubkoodii aan wareejin Bashiir Raage, Muuse Suudi iyo C/qaadir Beebe (Waa ka hor intii aanu soo bixin warkii caawa ee ahaa in ay hubkii wareejiyeen). Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Itoobiya ay soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya, isla markaana ay dhibaato ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna Beesha caalamka ka codsaday in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ka wadaan gudaha wadanka Soomaaliya. Ugu dambeyniita waxa uu Sheekh shariif sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan shirka todobaadka soo socda ka furmi doona Magaalada Khartuum ayna isugu imaan doonaan Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka. Culuma’u-diinka Baydhabo oo u hanjabay Max’ed Dheere: Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in markii uu Magaalada Baydhabo soo galay Max’ed Dheere ay isla markiiba qoraal soo saareen Culuma’u-diinka ku nool Magaalada Baydhabo, waxayna qoraalkooda ku sheegeen in aysan marnaba ogolaan doonin in deegaankooda lagu martigeliyo xubno ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxayna sheegeen in ay dagaal la gali doonaan cid kasta oo martigelisa raggaasi, waxayna ku tilmaameen xubnihii Isbahaysiga ee laga adkaaday kuwo dalkooda iyo Diintooda dambi weyn ka galay. Xildhibaanada Baarla-maanka ayaa dowladda horey ugu eedeeyay in ay ka gaabisay in ay wax ka qaban weyday Wasiiradii hubeysnaa ee gumaadka ka waday Magaalada Muqdisho, aaqiritaankii waxay keentay in markii uu batay cadaadiskii Baarlamaanka uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu xilkii ka qaaday Wasiiradii Hubeysnaa ee Muqdisho. 43-Gaari oo Tikniko ah oo Golaha Maxaakiimtu kala wareegeen Cabdi Qaybdiid: Hubkii lagala wareegey C/Qaybdiid | Sawirka: Jiisow (Sawiro badan hoos ka eeg) Shalay subaxnimadii ayaa Golaha Maxaakiimtu waxa ay kala wareegeen 43 Gaari oo Tikniko ah oo uu lahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) kadib markii si weyn loogu jabiyay dagaalkii ka dhacay deegaanka Cakaaro. Gaaridaan Tiknikada ah oo isugu jira kuwo waa weyn iyo kuwo yar yar ayaa waxaa ka qaybgalay wareejintooda Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta iyo Dadweyne aad u fara badan oo daawanayay markii la wareejinayay hubkaasi. Cabdi Qaybdiid waa hogaamiye kooxeedkii ugu dambeeyay ee ka tirsanaa Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, waxayna Wargeysyada ka soo baxa shalay dhamaantood hal ku dhigyo uga dhigeen ("Qabqable Calmaani ah oo Maxaakiimta isugu dhiibayâ€). Hub ay Dowladdu u soo waday Cabdi Qaydiid oo gacanta lagu dhigay. Intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta Isalaamiga ah iyo Maleeshiyadii Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa la sheegay in Gaari Xamuul ah oo siday rasaas iyo hub kale lagu qabtay meel ku dhow Deegaanka Leego. Gaarigaasi oo si xamuul ah loo soo raray ayaa waxa uu doonayay in uu soo maro deegaanka Dayniile, kadibna jid u dhexeeyay Jaamacadda iyo Dayniile in uu ka soo galo, hase yeeshee taasi ma dhicin. Dowladda Federaalka waxay si weyn u cambaareysay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaantay in Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ay ku xadgudbeen heshiiskii Khartuum, isla markaana aysan wax wada hadal ah la gali doonin. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro Somalitalk.com
  5. Hal mid ayaa u hartay taas oo ah villa Somalia, waa inay ka saaraan dhammaan maleeshiyooyinka ku jira.... Go figure:......
  6. Haddii ay tani rumowdo ee la xaqiijiyo in M.dhere and Qaybdiid ay baydhabo joogaan, maxaa la dhihikaraa dowlada or dowlad isku sheega? "Xisbiga Muhaajiriinta Qabqablayaasha ee Baydhabo" waad la heshay... Go figure:...........
  7. IRIN) - The Islamic courts in Somalia may have taken control of the capital, Mogadishu, but they face immediate challenges of whether to set up an administration in the city or hold talks with the Baidoa-based transitional government, analysts said. "They are not immune from Somali politics," said Suliman Baldo, Africa programme director for the International Crisis Group (ICG). "In the past, they have been hardline. It is doubtful that they have become more moderate. For them, the hard part is just beginning." With most of Mogadishu under the control of the courts, the city's residents were cautiously optimistic on Tuesday that the days when "warlords" held sway over the strife-torn Horn of Africa country were, at last, coming to an end. One such warlord, Mohammed Qanyare Afrah - a key member of the Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism, which was ousted from Mogadishu on Sunday - declined to discuss the alliance's loss of the Somali capital when reached by IRIN via telephone. Qanyare said he was in the town of Jowhar, 90km north of Mogadishu. He was one of four powerful Mogadishu-based faction leaders serving as ministers in Somalia's transitional government who was sacked on Sunday by Prime Minister Ali Mohammed Gedi. The sackings came as alliance forces were being beaten back from Mogadishu. Militias loyal to the Islamic courts have been fighting against the secular faction leaders since February. More than 300 people are believed to have died in the violence, some 1,500 others have been wounded and many thousands displaced. The end of the fighting has brought respite to Mogadishu residents. "Everybody is happy. If the business community, the Islamic courts and the civil society come to a consensus on how to restore and maintain law and order, then there will be no return to warlordism," said Abdulahi Shirwa, the head the Somali Peace Line, a local advocacy group. Shirwa cautioned, however, that "security in Mogadishu is still fragile. If the the Islamic leaders go around claiming that they are the victorious group, then we could see the return of the warlords." Baldo, however, said the development did not necessarily mark the end of warlordism, partly because some of the Islamic court leaders have their own agendas. "Even the [faction leaders] who have been defeated still have forces and command clan loyalty," he said. "Therefore, it is not excluded that they may try to organise a comeback. Only when we have a broad-based effective government throughout Somalia [the end of warlordism] can happen." The power of the Islamic Courts is not absolute in Mogadishu, however, with members of the Abgal sub-clan of the larger ****** group holding a rally in north Mogadishu on Tuesday, during which they declared that their community would not accept the authority of the courts. The protestors, numbering several hundred, chanted, "We will defend northern Mogadishu from any attack," and "We want our own Islamic courts," sources said. Defeated faction leaders Musa Sudi Yalahow and Bashir Raghe Shirar also insisted the anti-terrorism alliance was still strong. The sources said hundreds of heavily militiamen allied to the Islamic courts had taken up defensive positions in the event that gunmen loyal to the faction leader who controls Jowhar, Mohamad Dheere, decided to launch a counter-attack on the capital. "Things appear to be taking a clannish dimension again," commented a member of a civil society organisation, who requested anonymity for security reasons. "The Abgal are complaining that they have lost land [to the Islamic court supporters of the Habr Gedir clan]," he told IRIN by telephone from Mogadishu. "They want to establish their own Islamic court independent of the other courts," he added, warning that the court leaders could fail if they chose to resolve this through force. Baldo, however, said this was unlikely. "Much will depend on how they will go about this, if they try. But they are a very heterogenous group and have so far said this is not what they want to do." Somalia's Transitional Federal Government (TFG) has called for talks with the Islamic court leaders to chart a way forward, but observers say this could prove difficult because President Abdullahi Yusuf Ahmed is perceived as having an anti-Islamist agenda. "The TFG had very little to say during the fighting," Baldo said. "It played safe and only congratulated the winner. By calling for talks, they have taken a wise decision, but it may be difficult to actually hold talks until both sides overcome mutual suspicion." In the United States, a State Department spokesman told reporters, "We do not want to see Somalia turn into a safe haven for foreign terrorists." African Union chairman, Denis Sassou Nguesso of Congo, discussed the situation on Monday with President George W Bush. United Nations Secretary-General Kofi Annan urged those concerned to resolve their differences through talks in accordance with the country's Transitional Federal Charter. The Islamic courts are trying to promote Islamic law rather than clan allegiance, which has divided Somalis since the fall of the government of Siyad Barre 15 years ago, observers say. "The courts moved quickly because they wanted to assert control before the alliance could consolidate itself," Baldo said. "They will probably want to consolidate authority outside Mogadishu, unless they talk with the TFG."
  8. Qeybdiid oo la dhaawacay iyo maleeshiyaadkisa oo hubka iska dhigaya. 10-07-2006 MarkaCadey.Net Warar dhawaan aan ka helnay jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegaya in Col.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku dhaawacmay dagaalkii galabta,isla markaana uu haatan ku sugan yahay sarta saay Biyaan,halkaasi oo maleeshiyaadkiisu wali ay ka dagaalamayaan. Warkaan oo aan kasoo xiganay masuul kamid ah Maxaakiimta ayaa sheegaya in C/Qeybdiid uu yahay dhaawiciisyu mid fudud,inkastoo aan la shaacin halkaa uu dhaawaca kasoo gaaray. Col.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa dagaalkii maanta qeyb libaax leh ka qaatay,iyadoo warar ay sheegayaan in uu gaanbdhari ka ahaa mid kamid ah gawaarida dagaalka ee Zuuga loo yaqaano. Waxaa caawa la isla dhex marayaa in Qeybdid uu sheegay in uu isku dhiibayo Maxaakiimta,hayeeshee loo baahan yahay in taasi ay kalaaajoodaan Maxakamadda al furqaan oo beeshiisu ay maamusho,isla markaana hoos tagta Midowga Maxaakiimta. Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara arrimhaasi,hayeeshee guddomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta o qudbad ugu jeedinayay ciidanka Maxaakiimta xarunta Midowga maxaakiimta ayaa shaaca ka qaaday in qaar katirsan maleeshiyaadka Qeybdid ay isi soo dhiibeen,isagoo xusay in dagaalka ay dhawaan soo afjarayaan. Dagaal aad u qaraar ayaa caawa maqribtii dhacay,iyadoo haatan xaaladdu ay degan tahay,mana jiraan wax rasaas ah oo laga maqlayo goobihii dagaalka. Dhanka kale maleeshiyaadka Qeybdid ayaa la sheegay in haatan ay bilaabeen in ay iska soo wareejiyaan hubkooda,iyagoo ku wareejinaya maxkamadda Al Furqaan. Sarkaal sare oo katirsan Maxaakiimta ayaa noo xaqiijiyay in maxaakiimtu ay guddi u magacwoday in hubka Qebdiid uu kasoo wareejiyo,isla markaana maleeshiyaadka ay si xur ah isaga hayaamaan. Guddigaasi ayaa waxaa kamid ah Sh.Daahi nin lagu magacaabo iyo Sh.Cabdi Nuiur oo ah masuuliyiin katirsan Maxaakiimta. Wararkaasi inkastoo aan la xaqiijin karin ayaa hadane waxaa kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Maxaakiimta. Jibriil Nuur Alghamidi Xafiiska MarkaCadey & Hamarey ee Muqidisho - Somalia news@markacadey.net gabriyale@yahoo.com
  9. Ciidamadii Cabdi qeybdiid oo maxaakiimta isu dhiibtay caawa Posted to the Web Jul 10, 23:15 ciidamadii u dagaalamayey cabdiqeybdiid ayaa caawa isu dhiibatay midowga maxaakiimta islaamiga kadib markii galabta goobihii ay fadhin jireen xoog looga soo qabsada Dagaal kharaar oo maanta gelinkii danbe maxaakiimtu ku qaadeen goobihii ay fadhiyeen cabdiqeybdiid ciidamadiisa, waxaa maxaakiimta u suurta gashay inay qabsadaay dhamaan dhulkii ay haysteen maleeshiyada ka amar qaadata cabdiqeybdiid oo kamid ahaa isbahaysigaii laga awooda roonaaday ee ladagalanka argagixisada Warar aanu ka helayno goobihii uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in dhamaan tiknikadii iyo hubkii maleeshiyada cabdiqeybdiid lagu soo xareeyey garaashkii cusmaan caato, ee ku yaalay agagaarka isbitaalka digfeer Weli wax war ah lagama hayo halkuu ku danbeeyay cabdiqeybdiid, oo asagu mas,uul ka ahaa dagaalkaas.wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawacan yahay yaalana isbitaalka, halka wararka kalana ay sheegayaan inuu isaga iyo koox yari ay diideen inay is dhiibaan, laguna hareereysan yahay guriga ay ku jiraan Soomaalinews.com-Muqdisho
  10. Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Muqdisho. Cabdi Qaybdiid oo gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo goobihii uu ka talin jiray Maalintii labaad ayaa dagaal waxa uu ka dhacay deegaanada ay ka mid yihiin Jaamacaddii Ummadda, Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Sildhiga Mareykanka iyo Soona-key, gaar ahaan dhabarka dambe ee Isbitaalka Dikfeer, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana la sheegay in Maxaakiimta ay si aad ah ugu siqayaan goobihii uu ka dagaalamayay Cabdi Qaybdiid. Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dagaalkaasi oo ahaa kii ugu xumaa oo mudooyinkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho, qaar waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyadiisii ay gebi ahaanba joojiyeen dagaalkii, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Odoyaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Cabdi Qaybdii ay dhex dhexaadin ka wadaan dagaalka saameynta ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,. Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50 qof ayna ku dhaawacmeen 80 qof, kuwaas oo intooda badan la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Warar hadda na soo gaaray waxay sheegayaan in maleeshiaydii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid ay gebi ahaan la sheegay in ay isku dhiibeen golaha Maxaakiimta, waxaana tan iyo xalay socday sidii loo dhameystiri lahaa dagalkaasi oo labo maalmood si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku dambeeyay Korneel Cabdi Qaybdiid, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayan in uu baxsaday, warar kalana waxay sheegayaan in uu ku jiro gurigiisa oo ay waan waan socoto, kadib markii Midowga Maxaakiimta intii badneyd goobihii uu ka talin jiray Cabdi Qaybdiid gacanta ku dhigeen. (Cinwaanada warbaahinta caalamku ay ka qoreen muqdisho maanta ayaa ahaa: "Abdi Hassan Awale Qeydiid, qabqablihii 'secular warlord' ee ugu dambeeyey Soomaaliya oo isu dhiibay maleysiyada Maxaakiimta). [Kelmedda Secular qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)] (Waa warkii habeenidii Isniinta July 10, 2006 - xilliga Muqdisho). W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Geedi inuu waalan yahay kaliya ma'ahan ee waa xayanaa mana mudna in uu R/wasaare noqdo, ma ninka Usama bin ladin dadka u tilmaaya, asiga ayay ku fiican tahay in madaxa laga jaro wallahi. This so-called Government should be thankful to the UIC for what they did in Muqdisho. No one could do it what they did in couple of Months. Geedi and his government is trying to start another problem by called ururada bulshada and Al-islaax or whatever they were saying they will have a talk with, well, they are understimating on the UIC and what they are caple of, and if they refuse to participate on the Khartuum peace process then it will be their lost. Go figure:........
  12. Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Muqdisho. Cabdi Qaybdiid oo gebi ahaanba lagala wareegay hubkii iyo goobihii uu ka talin jiray Maalintii labaad ayaa dagaal waxa uu ka dhacay deegaanada ay ka mid yihiin Jaamacaddii Ummadda, Agagaarka Isbitaalka Banaadir, Sildhiga Mareykanka iyo Soona-key, gaar ahaan dhabarka dambe ee Isbitaalka Dikfeer, waxaana dagaalkaan la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana la sheegay in Maxaakiimta ay si aad ah ugu siqayaan goobihii uu ka dagaalamayay Cabdi Qaybdiid. Warar kala duwan ayaa ka soo baxay dagaalkaasi oo ahaa kii ugu xumaa oo mudooyinkaan ka dhaca Magaalada Muqdisho, qaar waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid iyo Maleeshiyadiisii ay gebi ahaanba joojiyeen dagaalkii, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Odoyaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Cabdi Qaybdii ay dhex dhexaadin ka wadaan dagaalka saameynta ku yeeshay dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho,. Dagaalkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 50 qof ayna ku dhaawacmeen 80 qof, kuwaas oo intooda badan la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho. Warar hadda na soo gaaray waxay sheegayaan in maleeshiaydii iyo hubkii Cabdi Qaybdiid ay gebi ahaan la sheegay in ay isku dhiibeen golaha Maxaakiimta, waxaana tan iyo xalay socday sidii loo dhameystiri lahaa dagalkaasi oo labo maalmood si xowli ah uga socday magaalada Muqdisho, ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku dambeeyay Korneel Cabdi Qaybdiid, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayan in uu baxsaday, warar kalana waxay sheegayaan in uu ku jiro gurigiisa oo ay waan waan socoto, kadib markii Midowga Maxaakiimta intii badneyd goobihii uu ka talin jiray Cabdi Qaybdiid gacanta ku dhigeen. (Cinwaanada warbaahinta caalamku ay ka qoreen muqdisho maanta ayaa ahaa: "Abdi Hassan Awale Qeydiid, qabqablihii 'secular warlord' ee ugu dambeeyey Soomaaliya oo isu dhiibay maleysiyada Maxaakiimta). [Kelmedda Secular qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)] (Waa warkii habeenidii Isniinta July 10, 2006 - xilliga Muqdisho). W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
  13. Labadoodaba waa laba bastariin waxayna mudan yihiin in madaxa laga wada jaro period. 15 iyo toban sano ayuu cunayay xoola uu ka dhacay ummad masaakiin xoola ay shaqayteen, hadda ayuu kuleeyahay 15 iyo toban sano ayaan heysaynay goobaha ay inaga qabsadayn, isla markaana isku sheegaa inuu yahay wariis, sheemo waaxid.. Go figure:........
  14. We know A/Qaydiid's days are numbered. The UIC tried several days to negociate with him without a war, but he refused, and tried to minipilate the negotiation process into Qabiil trying to take over another Qabiil's weapons, obviously it did not work for him.I'm deaply sadden and sorry for those who dead and their loved ones. The UIC tried everything they could to aviod this war, but Qaybdid's refusal coused this war. There is another guy that should be elimineated, and that guy is Caydiid, waa in laga qaadaa lagana ciribtitaa Madaxtooyada uu haysto. Go figure:.............
  15. His days are numbered, he is trying to make the tention betweet two Qabiils instead of him and Maxaakiinta, but i see him killed or captured soon. Go figure:..............
  16. MINYARO ma jecli Go figure:..........
  17. This is first time that Arab states talked about what is happening in Gaza, and what happen. Arab states want U.N. to press Israel to leave Gaza: Thu Jul 6, 2006 6:40pm ET International News UNITED NATIONS (Reuters) - Arab states asked the U.N. Security Council on Thursday to demand that Israeli forces immediately withdraw from Gaza, but France and the United States criticized their proposed resolution as unbalanced. The Arab draft resolution, introduced in the 15-nation Security Council by Qatar, condemned Israel's arrest and detention of dozens of elected Palestinian officials and the "large-scale military assault" in Gaza launched after Palestinian militants seized one of its soldiers. The draft demanded that Israel "immediately cease its aggression" against Palestinian civilians, pull its forces out of Gaza and release the detained Palestinian officials. It also expressed the council's appreciation, without elaboration, for efforts aimed at "finding a diplomatic solution for the issue of the release of prisoners including the Israeli soldier." "It is not balanced enough, and we will propose amendments, and we think it requires a lot of work," French Ambassador Jean-Marc de la Sabliere told reporters after the council's initial closed-door talks on the draft. "From a first look at this, we think it is far from anything that could be brought to a vote," added John Bolton, the U.S. Ambassador to the United Nations. But Palestinian U.N. Observer Riyad Mansour said the text's supporters would show "all the necessary flexibilities to make the draft resolution as balanced as possible." The Palestinians wanted the council to "send the appropriate signal to Israel, and maybe to both parties," that talks rather than military action were the best option for resolving the conflict, he said. "For the purpose of saving the life of one, you are killing so many. It doesn't make sense." Israel sent tanks and troops into Gaza and detained dozens of Palestinian officials last week after Palestinian militants seized Israeli soldier Gilad Shalit. The situation has steadily worsened since then, with 26 Palestinians -- civilians as well as militants -- killed since the offensive began, including 17 on Thursday alone. Go figure:..............
  18. Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka oo sheegay in ay Safiirka Itoobiya u diideen in uu ka mid noqdo wafdigii Muqdisho tegay Khamiis, July 06, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo saxafiyiinta u waramayay kadib kulan ay maanta Muqdisho kula yeesheen wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socday AU, EU, IGAD iyo Jaamacadda Carabta ayaa si cad u sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen in uusan Muqdisho imaanin Safiirka Itoobiya iyo xubnaha la socdo, isagoo carrabka ku dhuftay in ay arrintaas ku wargeliyeen hoggaanka Wafdiga Xaqiiqo raadinta oo Baydhabo kala soo xiriiray, kaasi oo ay u caddeeyeen in aysan la kulmi doonin haddii ay wafdiga la socdaan xubno Itoobiyaan ah. “Waxaad ogsoon tihiin hubkii ugu badnaa ee dalkan ugu baabi'iyay iyadaa soo dhiibtay, haatan ciidamadeeda ayaa gudaha dalka soo galay, sidaas darteed suurtagal ma ahan in dad ka socda Itoobiya aan dalka ku soo dhaweyno, annaga ayaana u diidnay in uu Safiirka Itoobiya Muqdisho yimaadoâ€ayuu yiri Shiikh Shariif oo carrabka ku dhuftay in Itoobiya haddii ay diyaar u tahay ay la furanayaan bog cusub. Xubno ka mid aha wafdiga oo wax laga weydiiyay sababta uu u soo raaci waayay Safiirka Itoobiya ayaan wax faah faahin ah bixin, iyagoo ku gaabsaday in ay la haboon tahay in arrintaas wax laga weydiinayo Dowladda Itoobiya. Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay wafdigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay la kulmeen ay u caddeeyeen in aaney Soomaaliya xiligan u baahneyn ciidamo shisheeye, "baahida keenista ciidamada shisheeye waxay ahayd mid loo baahnaa xiligii ay hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho dadka jujuubka ku heysteen, hayeeshee haatan baahidaas waa dhamaatay, mana doonayaan dadka Soomaaliyeed ciidamo shisheeye"ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in waxa ay Maxkamadaha Islaamka raadinayaan ay yihiin xal iyo in ay umadda Soomaaliyeed hesho midnimo, nabad iyo dowladnimo, sidaasi darteedna ay mudan yihiin in dadaalkoodaas garab lagu siiyo. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  19. Maxaakimta oo qoraal caddeynaya mowqifkooda u gudbiyay wafdigii xaqiiqo raadinta Julu 6, 2006 Markacadeey. Golaha maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed ee hormuudka ka ahaa kacdoonkii shacbi ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u gudbiyay wafdigii xaqiiqo raadinta ee saakay soo gaaray magaalada Muqdisho warmurtiyeed ku qoran luqada English-ka, kaasi oo ka tarjumaya mowqifka maxaakimta islaamiga, kaasi oo ku wajahan wafuudii ka socotay midowga Africa, urur goboleedka IGAD, jaamacada carabta, midowga Yurub, iyo beesha caalamka. Warmurtiyeedkaasi oo ka kooban laba bog ayaa lagu caddeeyay mowqifka maxaakimta islaamiga oo ayagu ah awood cusub oo ku soo biiray siyaasada Soomaaliya. 1) In maxaakimta islaamiga ay aaminsan yihiin xalka Soomaaliya in uu ku jiro wada xaajood, waxaana qoraalkaasi lagu sheegay in maxaakimta islaamiga ay sii wadayaan wada xaajoodka ay la bilaabeen dawladda, kaasi oo wareegiisa 2aad uu ka furmi doono magaalada Khurtum bartamaha bisha soo socota, ayada oo beesha caalamka looga digay in ay ku dhaqaqaan tallaabo kasto oo xagal daacin karta shirkaasi. 2) In dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo maxaakimta islaamiga ay ka siman yihiin diidmada ciidamo shisheeye ah in loo soo diro dalka Soomaaliya, dhibaatada Soomaaliya ka jirtana in ay tahay mid siyaasadeed oo aanan lagu xalin Karin awood milatari, ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya waxa ay mijo xaabinayaan isbadalka wax ku oollka ah ee haatan ka jira dalka Soomaaliya. 3) In Ciidamada Ethiopia ay si deg deg ah uga baxaan dhulka Soomaaliya isla markaana ay joojiyaan xadgudubka ka dhanka ah sharafta, karaamada iyo qaranimada umadda Soomaaliyeed, falalka Ethiopian-ka uu ku kacayo waxa uu dhaawacaya dhex dhexaadnimada urur goboleedka IGAD. 4) In beesha caalamka ay sii wado la socoshada dhex dhexaadinta dawlada iyo maxaakimta islaamiga. 5) In wax laga xumaado ay ahayd go’aankii dawladad fedaraalka ay ku ansixisay keenista ciidmo shisheeye ah taasi oo xadgudub ku ah heshiiskii Khurtuum ku dhex maray dawladda iyo maxaakimta islaamiga, waxa ayna maxaakimta ku taliyeen in shirka Khurtuum looga hadlo arrinta ku saabsan ciidamo shisheeye ah in la keeno dalka Soomaaliya. 6) Waxaa naga go’an in nabadeynta Muqdisho, waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay taageeraan isla markaana ay xoojiyaan nabada iyo ammaanka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho. 7) In maxaakimta islaamiga aysan wax xiriir ah la lahayn ururada argagixisada, waxa ayna eedeymaha ceynkaasi ay ka dhigan yihiin meel ka dhac loo gaysanayo sumcada maxaakitma, waxa ayna maxaakimta islaamiga ku casuumayaan beesha caalamka in ay u soo dirsadaan magaalada Muqdisho guddi xaqiiqo raadin ah si uu kulamo uga la yeesho maxaakimta. Ugu danbeyntii warmurtiyeedkaasi oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha golaha fulinta maxaakimta islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in qorshaha maxaakimta uu ku dhisan yahay nabad iyo wada noolaasho dhex marta Soomaaliya iyo wadamada dariska la ah iyo kuwa caalamkaba sida uu dhigayo kitaabka Qur’aanka, kama na soo horjeedo danaha koox gaar ah ama dal gaar ah, waxaana ku boorinaynaa beesha caalamka in ay iska xooraan hadalada qaldan iyo shakiyada ay ka qabaan dalka Soomaaliya. Maxamed Carab Xafiiska Markcadeey ee Muqdisho
  20. I don't beleive this, it is just like Iraq has WMD, and what happen? No where to be found the WMD, therefore, it is just like that propoganda y'all. I bet someone who is really the enamy of Somaliya made that type, but the trueth will come, and people will realize that this was just a propoganda type to undermine the peace process... Go figure:.......
  21. This is exactly what the U.S tried to do with the warlords, and we all know wat happen to the warlords, Xabasho is trying to recuite the Ex-warlords, we will see what happen to them... Go figure:...........
  22. There is a old Somalian saying, that says "Tiisa hagaagsadaa tukalena kudara"....sxiib....marka hore aan dalkeena wax u tarno, then we can talk about another country... Go figure:.......
  23. Uthman, look, no one is denying the support of those Palestinians,ok, I swear to Allah, everytime i see the news or heard on the redio, i got so upset, i feel their pain, but honestly, what can i do to help, when my (somalis) people is dying everyday. Ethopian aa inyar oo dabadhilif u ah u sheegayso inay sida ay ayaga (Ethopian) rabaan u maamulaan, kuwaa ka soo horjeeda, laga yaabo in taa ay dhaliso dagaal sokeega again, there is no way i could think about Palestine, i always support them emotionally, but nothing else sxiib... Go figure:...........