Sharmakee

Nomads
  • Content Count

    82
  • Joined

  • Last visited

  1. i agree to rabshid but this is more than the khad because our country had no ban rule on this lucrative but wrong dealing . I would say this is the begining for both
  2. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in ay dhamaatay mudadii labada bil ahayd ee loo fasaxay ganacsatada dhuxusha dhoofisa,laga bilaabo 22-ka bishan aanu ku jirno la joojiyay dhoofinta dhuxusha. Golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ayaa wareegto ay soo saareen waxa ay ku mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, ugaarta iyo biraha duuga ah,inkastoo muddo 2 bil ah la siiyay ganacsatada dhuxusha si ay u dhoofsadaan dhuxul uga xayirantay dekadaha macmalka ah ee dalka. Madaxa waaxda warfaafinta golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed Sheekh C/raxiim Cali Muudey ayaa sheegay in shalay ay ku ekeyd mudadii loogu daray ganacsatada dhoofisa dhuxusha,isagoo xusay in haatan wixii ka danbeeya ay mamnuuc tahay in la dhoofiyo dhuxusha. Sheekh Muudeey ayaa sheegay in ciidamada amniga ay u xil saaran yihiin meel marinta xanibaada lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha mar la weydiiyay maraakiibta taagan dekadaha macmalka ah ee lagu rarayo dhuxusha. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay mamnuucista lagu soo rogay dhoofinta dhuxusha oo dhibaato dhinaca deegaanka ah ku haya dalka,ayadoo ganacsatada dhuxusha ay xaalufiyeen keynta,taasoo sababi karta musiibo dhinaca deegaanka ah.
  3. Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa maanta daboolka ka qaaday iney dhamaatay mudadii labada bilood aheyd ee ay u qabteen ganacsatada dhoofisa dhuxusha oo ay sheegeen iney ku ekeyd maalintii shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar. Madaxa warfaafinta iyo dacwada ee maxkamadaha Islaamka Sheekh C/raxiim Cali Muudey oo maanta shir jaraa'id oo uu arintaasi kaga hadlayey ku qabtay xarunta maxkamadaha ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray inaan la aqbali doonin dhuxul dambe oo laga dhoofiyo goobaha ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamka, isagoo xusay in ganacsadihii lagu qabto ay ciidamada maxkamaduhu talaabo sharci ah ka qaadi doonaan, isagoo tilmaamay in lagu wargeliyey mas'uuliyiinta dekedaha macmalka iyo kuwa kale maxaakiimtu ka taliyaan iney dhaqan geliyaan go'aankaas. Bishii Sebtembar 21-keedii ee sanadkan ayey aheyd markii maxkamadaha islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, hase ahaatee markii qaar ka tirsan ganacsatada dhuxusha dhoofisa ay ka codsadeen in la siiyo muddo ay ku bixiyaan dhuxul badan oo qarash lixaad leh uu ka galay ayaa maxkamadaha islaamiga ah ay siiyeen muddo labo bilood ah iney ku dhameystaan dhuxusha u taala oo wixii markaa ka dambeeyana ay mamnuuc tahay taasoo ku ekeyd shalay oo taariikhdu ku beegneyd 21-ka Novembar. Go'aankan lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha ayaa saameynaya dekedaha Ceel-macaan, Kismaayo iyo Baraawe oo ah goobaha ugu badan ee laga dhoofin jiray dhuxusha oo loo iib geyn jiray dalalka ka tirsan Khaliijka carabta.
  4. Madaxa Dacwada iyo warfaafinta maxaakiimta Islaamiga ah Sh. C/raxiim Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaatay xiligii loo qabtay ganacsatada dhuxusha dhoofisa. Sh. Muudeey ayaa sheegay in aanan la dhoofin karin wixii hada ka danbeeya dhuxusha iyo waliba ugaarta intaa sii raaciyay in dhamaan goobaha ay maxaakiimtu ka taliyaan ay ka dhaqan galayso wareegtadaan lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha. Waxay aheed kol hore markii Maxaakiimta islaamiga ah ay mamnuuceen dhoofinta dhuxusha iyadoo isla markiiba hadana shaaciyay in ay waqti siinayaan ganacsadata ka shaqeysata dhuxusha, waxaana haatan muuqanayso in xiligii loogu tala galay uu dhamaaday sida laga garan karo wareegtadan hada ka soo baxday xafiiska warfaafinta ee maxaakiimta taa oo lagu mamnuucayo in gabi ahaanba aan la dhoof geyn karin dhuxusha. Tani ayaa ku soo beegmaysa xili dad fara badan ay isweydiinayaan waxa u dhaxeeya dhuxusha iyo jaadka maadaama jaadkii la mamnuucay dhuxushiina ay wali socoto dhoofinteedii taasoo dhibaato ku ah deegaanka.
  5. the man expressed his view and why is it that you have many so-called somalilanders in hargeis but yet calaim buuuuuqland? just a question..
  6. nice article som-dijb not only is it dangerous to ones health but also the islamic courts banned it in the entire south including our capital Banaadir. The banning of this substance will create more healthier minded ppl with diin jeceeyl spirit also the baydhabo and iwm are just tigree stooges period good move by the shuura
  7. Yeman oo Qiratay in ay hub siisay Dowladda Soomaaliya Dowladda Yeman ayaa caddeysay in ay hub iyo qalab ciidan siisay Dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo, Warkan Wasiirka arimaha dibada Yeman abuubakar Al Qureybi ayaa caddeeyay in dalkiisu siiyay Dowladda Soomaaliya hub taasina ay tahay mid sharci ah oo waajib ah. Wasiirku waxa uu sheegay in kadib markii la soo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka Yamen u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane. “Waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Yeman. Dhawaan ayaa Guddi Madax bannaan oo ka socday Qaramada Midoobay ku eedeeyay Dowlado Yeman ay ka mid tahay in ay soomaaliya geliyeen hub taas oo dhabar jab ku ah xayiraaddii hubka ee saarnaa Soomaaliya.
  8. Yemen oo qiratay in hub ay siisay dowladda KMG ah ee Somalia Mogadishu 18, Nov.06 ( Sh.M.Network) – Wasiirka arimaha Dibadda Dowladda Yaman ayaa si cad u sheegay in yaman Hub iyo saanad milatari ay ugu deeqday Dowlada Kmg ,iyadoo yaman arintaasi ay ku tilmaamntay Mid sharci ah oo aan xad gudub ku ahayn xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya. Warkan Wasiirka arimaha dibada ee dalka yemen abuubakar Al Qureybi ayaa waxa uu ku tilmaamay in warbixintii dhowaantan ay soo saartey QM tahay mid aan sax aheyn isla makaana xaqiiqda ka fog Mr Qureybi ayaa ku tilmaamay warbixintaasi inay tahay hadal hore oo uu xilligiisu dhamaaday Waana hadal ka Da’weyn Golaha Maxaakimta islaamka oo xilli hore ayaa yaman lagu eedeeyay Isla Xilligaas ayaanan jawaab ka Bixnay buu yiri waziirku. Waziirka ayaa wax laga Xumaado ku tilmaamay in aanay wax cusub soo bandhigin warbixintan isla markaana ay tahay mid kusoo celcelineysa waxyaabo uu waqtigoodu dhamaaday oo horay looga hadlay lana xalliyay. Waziirku waxa uu sheegay in kadib markii lasoo dhisay Dowladda soomaaliya iyo baarlamanka soomaaliyeedba uu dalka yaman u arkay in ay yihiin jihada kaliya ee sharciga ah ee matali karta shacabka soomaaliyeed Taasoo aanay u suurto gali Karin inay gacanta ku wada dhigto dalka soomaaliya inay hesho ciidamo hubeysan oo dhameystiran mooyaane. Sidaa daraadeed waziirku waxa uu yiri waxaannu aqbalnay codsigii inooga yimid dowladda soomaaliya waxaanan u dirnay 3000 oo qori oo ah kuwa fudfudud oo gacanta Lagu qaato.si ay u adeegsadaan Xoogagga amaanka ee dowladda soomaaliyeed iyo dareeyska ay ciidamadu ku labistaan. Waxaa kaloo uu waziirku sheegay in dalkiisu uu joojiyay hubeynta dowladda soomaaliya kadib markii qaramada midoobay iyo Dhinacyo kale oo caalami ah ay u arkeen arrintaasi mid xad gudub ku ah xayiraaddii dhinaca hubka ee saarneyd soomaaliya iyagoo u arkay Hubka dowladda soomaaliya aannu siinay buu yiri Hubeyn dhinac kamid ah dhinacyada isku haya soomaaliya. Waziirka ayaa Ku eedeeyay qaramada Midoobay in ay tallaabo ka qaadato dalalka qaar marka ay ku jiraan xaalad gaar ah hase yeeshee waxa uu yiri Tallaabada ay qaramada midoobay qaadato waa mid aan la joojin marka ay dhamaato ama ay soo gabagabowdo xaaladdii sababtay in tallabadaasi ay qaadato qaramada midoobay ,waxa uu na intaasi raaciyay In haddii si wacan loo hubeyn lahaa ciidamada amaanka ee dowladda soomaaliya garabna lagu siin lahaa in ay tagto Magaalada Muqdisho xaalku uusan heerkan gaareen Ugu dambeyntii waxa uu waziirku sheegay In ay marti qaad u fidiyeen Golaha maxaakimta islaamka iyo Madaxda dowladda soomaaliya si ay wada hadal ugu qaataan dalka yaman Isagoo sheegay in ay ilaa iyo haatan diyaar u yahay dalka yaman inuu Marti galiyo wadaxaajoodka qeybaha soomaalida.
  9. The pro-sharia idea is great and caabudwaaq is in the right direction nabaad iyo barwaaqo to all cabuudwaq ppl .. horn maybe we will witness golaha shuurada in jubba perhaps it will include many repentent ex-alliance loool
  10. Well maybe the north region ppl need a little introduction of the shariica law-free from violation of laws and creates justice through courts that meet the demands of the ppl in generall the poor. Hows al-badbaado doing in putland ??
  11. what maps is this with the island.. i might think its no-mans island since there is no reported peeps how old is this map anyway??
  12. nice pics beautiful .ceergaba looks good more pics keep post