Wiilo

Nomads
  • Content Count

    2,611
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Wiilo

  1. Gabar Soomaaliyeed oo laga qaatay Carruuteedii, argagax iyo naxdin u keentay Soomaalida degan Norway Hassan hassan@norsom.net Axad, January 02, 2005 (HOL) - Asbuucii hore ayaan soo tabinay gabar soomaaliyeed oo deganayd Norway in ilmaheedi xoog looga qaatay. Arintaan ayaa dad badan oo jooga dibadaha ku tilmaameen wax aan cuntami karin sidaa darted ayaa la ii diray bal inaan magaalada gabadha degan tahay(Trondheim) oo Oslo u jirta 8saacadood oo treen ah u safro oon soo baaro arinka. Waxaa maantay oo jimce ah aad iigu adkaaday inaan fariisto oon qoraal ka qoro arinkaan waayo waxa had iyo jeer I hor imaanaya wixii aan indhahayaga ku soo arkay – Hooyo aan haysan cid caawisa oo guri isku xirtay oo iska oynaysa- Ilmo Soomaaliyeed oo la qayaameeyay oo la yiri fasax ayaad aadaysiin – hooyo soomaaliyeed oo loo hanjabay oo la yiri hadaad dadka usheegto in ilmaha xoog lagaaga qaatay waligaa arkimaysid- Soomaalida degan magaalada Trondheim oo iyagana ka cabsanaya in ilmaha beri laga qaato. Waxaa intaa dheer inaan soo waraystay norwijiga dariska la ah gabadha oo iyagana naxay ka dib markii aan u sheegay in Umulkhair iyo Amiin xoog looga qaatay hooyadood oo loo dhoofiyay Holland. Dariska norwijiga ah hadalo kulkulul oo caro iyo amakaag ka muuqato ayay isla markii u isticmaaleen qolooyinka ilmaha afduubay. Waxaan ka duubnay inay cadeeyeen in hooyada soomaaliyeed ay tahay hooyada dariska ugu naxariis badan xaga ilmaha, ilmuhuna aad iyo aad u jecel yihiinn hooyada. Arinkaan aad ayaa la iskugu raacay. Waxaan kaloo la kulmay abuukaataha gabadha oon ka qaaday dokomentiyo cadaynayo in hooyada soomaaliyeed lilmaha laga xoogay. Waxaan kaloo soo duubay codad cadaynaya in ilmaha xoog looga qaatay hooyada soomaaliyeed. Dokumentiyadaas waxaa hada haya gudi soomaaliyeed oo degan Oslo oo falaqaynaya arinkaan. Gudigaan ayaa sitimaankii hore gabar soomaaliyeed oo waalidkeed laga qaatay soo celiyay. Waxaa na soo gaaraya in ilmaha soomaaliyeed hada aad loo qaato halka kuwa bakistaanka ah aysan sharci ahayn in la qaato waayo waxay bakistaanku usheegeen dawlada in ilmo waalidkood laga qaato aysan dhaqan u lahayn. Waxaa la soo warinayaa in arinkaan dawlada iyo bakistaanku isku waafaqeen. Yaa soomaali marka u maqan? In Ilmaha la qasbay oo Holland xoog loogu dhoofiyay ayaa waxaa cadeeyay joornaal ka soo baxa Norway oo la yiraahdo adresseavisen oo cinwaan uga dhigay “Ilmo lagu qasbay dibada†Ilmaha oo kala ah wiil(8sano) iyo gabar(10san) ayaa markoodii hore ku dhashay Holland halkaas oo iyaga iyo hooyaduba aysan ku haysan wax sharci ah. Waxay yimaadeen Norway oo ku heleen sharci deganaayeena 4 sano. Qoyska reer Holland oo ilmaha la siiyaay ayaa lagu soo waramayaa inay daris la ahaan jireen hooyada soomaaliyeed. Qoyska boobay ilmaha soomaaliyeed ayaa waxaa la kala yiraahdaa Jan Guido Meeusesen iyo Louisa Helena Mueeussen oo degan Margraten, Julianlaan 18, 6269 CN, Nederland. Waxaa la soo tabinayaa in qoyskaan cadaanka ah oo boobay ilmaha soomaaliyeed ay aad iyo aad u jeclaayeen Umulkhair, gabadha 10 jirka ah. Waxayna go’aansadeen sidii ay ula wareegi lahaayeen gabadha ay jeclaadeen. Hooyada soomaaliyeed ayaa noo sheegtay oo ay joornaalada Norwayna qoreen in qoyska hollandeeska ahi ka codsadeen gabadha soomaaliyeed inay Umulkhair uga gataan 2 milyan oo lacagta Hollandeeska ah. Hooyadii ayaa maya, maya tiri in badan. Qoyska ayaa sida la soo tabinaayo waxay gudo galeen sidii ay u hano lahaayeen Umulkhair. Waxay dacwo u qoreen qolooyin ciyaalka qaabilsan ee Holland(Raad vor der kinderbecherming Maastricht) Gabadhii soomaaliyeed ayaa argagax darted uga guurtay Holland laakiin ka dabashaqaynta qoyska reer Holland ma dhamaan. Samarkii la soo dhoofay ayaa qoyska boobka wata yimaadeen Norway oo hadiyado u keeneen gabadha soomaaliyeed. Waxa lagu soo waramaya in qoyskaan iyo qolooyinka qaabilsan ilmaha ee noorwijiga ahi ay xiriir lahaayeen waqti dheer, laakiin gabadha soomaaliyeed aysan ogayn. Waxaa la sameeyay qayaamooyin badan oo ilmaha la rabo in hooyada soomaaliyeed looga qaado. Qayaamooyinkaas waxaa ka mid ahaa in la yiri hooyada soomaaliyeed ma hayn karto ilmaha waayo qamri ayay cabtaa. Dacwadaas ayaa keentay in loo soo diro dakhtar ka qaada dhiig iyo saxaraba, kaassoo ku soo noqnoqonaayay mudo 3 bilood ah. Dhaqtarka oo ahaa nin norwiji ah ayaa gabadha ku qasbaayay in musqusha ay gasho oo xoog iskaga keento saxarada iyo kaadidaba isaga oo markaa dultaagnaa oo musqusha lagalayay(bahdilida soomaalida reer Norway). Waxaan gudiyada reer Oslo ugudbiyay jawaabihii laga bixiyay baaritaanka dhiiga iyo saxaradaba oo kuligood muujinayaan negative. 3 maalmood ayaan arinkaan dhan kasta ka baarayay warkana waxaan ku soo koobi lahaa in wax kasta oo lagu soo eedeenayay gabadhaan ay fashilmayeen. Waxaa lagu soo waramayaa in la qorsheeyay in hooyada soomaaliyeed la rabay in la duro oo ay fahantay qayaamada. Waxaa soomaalidu hadal hayaan haatan in markii ay fashilmeen waxkasta oo lagu soo eedeeyay gabadha soomaaliyeed ay ugu dambayntii Solrun Valen iyo Yngve Cappelen oo ah qolooyin norwifiga ah ee reer Trondheim isticmaaleen xoog.Ilmihiina ku wareejiyeen Louisa Helena oo laga bixiyay qarashka ay ku timid Norway iyo waliba kan hotelka. Waxaa ku cad dokumentiga ay Solrun iyo Yngve ku gaareen go’aanka inaysan wax sharci ah aysan tiigsan laakiin ay isticmaaleen qodob oranaaya “wixii aan rabno ayaan samaynaynaa†Way sameeyeen wixii ay rabeen, taa oo ah in Umulkhair iyo Amiin ku wareejiyeen Louis Helena oo ku ciidaysa maantay asxaanka wayn oo ay Solrun u samaysay. Sida dokumentiyada ku cad ayaa Hay’ada Norwigigu waxay qorsheesay in ilmaha waligood ay hayn doonaan qoyska cadaanka ah ee boobay ilmaha soomaaliyeed. Arinkaan ayaa abuukaatuhu haatan dacwad u diray qolooyinka ka sareeya hay’ada bixisay caruurta oo la yiraahdo “fylkesnemndaâ€. Laakiin shaki wayn ayaa laga qabaa in dacwadaan shaqayso in kasta oo ay aad u cad tahay in habka ilmaha loo bixiyay aysan ku fadhin wax sharci ah. Dhaqdhaqaaq wayn ayay hada n soomaalida reer Norway wadaa. Gabadha soomaaliyeed ayaa aaminsan hadii hal mar ay ilmaheeda arki lahayd ay ilmuhu ku ooyi lahaayeen jacaylka ay ay u hooyada u qabaan darted. Arinkaan ayaa waxaa ka marqaati kacay dariska norwijiga ah iyo soomaalida degan Trondheim. Laakiin sida qorshaysan waa in la kala qariyaa hooyada iyo ilmaha mudo sanooyin ah si ilmaha maskaxda looga badalo. Hooyada soomaaliyeed ayaa noo sheegtay in Solrum iyo Louisa ay iyada u heshiiyeen maadaama ay cadaan yihiin iyaduna tahay gabar madoow. Dhanka kale waxgarad soomaaliyeed oo nagalasoo xiriiray, Canada, USA, Holland iyo meelo kale ee qurbaha ah ayaa waxay ku taliyeen in lagu mudaharaado safaaradaha Norway ee ku yaal dibadaha. Waxay kaloo waxgaradku ku taliyeen in la isticmaalo mediyada sida kuwa Holland, BBCda IWM, arinkaan xaqdarada ahna aysan soomaalidu ka harin hadii kale Ilmaha soomaaliyeed waa daayeen hooyada soomaaliyeed. Waxaa dadweynaha deggen waddanka Norway laga codsanayaa in ay iska kaa shadaan sidii gabartaan carruurteeda loogu soo celin lahaa. Faahfaahin dheeraad, fallan kala xiriir: E-mailka ah: hassan@norsom.net
  2. Simply the Best wiilo macaanto saaxiibtinimadeena aniga iyo adiga waa 4-ever....laakiin kaftanadii b-family waan ka cara gidisanaa Gacaliso waa runtaa saaxiibtinimadeena waa mid dhab ah. J'baro sida uu hadda sheeganayo asigaba ma ahayn qofka #ka 123 watay soo mar labaad ka raali noqo, runtii aniga ma filayo inuu J'baro yahay waliil xun waxaan ku bartay wanaag iyo xushmad fara badan mana u malaynayo inuu is badalayo marka uu galo chatroomka. Waxay ahaaba macaanto raali ahow isna cafiya. Runtii hadii aad idinka kala xumaataan meesha marax bay noqonaysaa. Qayr iyo sharaf walaaltinimo baan idin rajaynayaa labadiina. Luv u y'all,,,,,
  3. Wiilo

    Caashaq

    J'baro walaakiis wow that was very good discribtion of Caashaq,,,,I dont think intaa ka badan in la qeexi lahaa,,,,,,,,,,,,,,,,
  4. Why do we really need to know where he is? He might be somewhere in Somalia counting his $$$ that he collected from his Arab freinds while he was "President" na wat i mean,,,,,,,
  5. Marka hore imisa arday baa iskuulada ku jirta? specially higher Educationka. Waa maxay xiriirka ka dhexeeya ardayda? Mise ardaydu wax xiriir ah kama dhexeeyaan oo arday kasta waa gooni usocod oo arday arday ka war hayaa ma jiro?
  6. Wind.talker sxb thanks I know Edward Said, I was taking Global Studies class last semester and we read his book and couple articles that he wrote. I don't know if u hear this book called "Orientalism" by Edward Said, and honestly I liked it so much that I have read it twice. check this site,,,,, http://www.progressive.org/0901/intv1101.html
  7. okey waan gartay insha Allaah waad yeela doontaan mar uun,,,,
  8. Wiilo

    Caashaq

    Glad to hear from u gal,,,, caashaq....waxaad ka heli karta quf ama shey...laakiin markaad quf caashaqdid usually waa jaceeylka bilaawgiisa Ajaajah adaaba dhameeyay Caashaq wuxuu ahaaba Haye J'baro adigana bal soo daa wixii aad u taqaanno Caashaq,,,,,,
  9. I would slapped crap out of him, No honestly I would talk to him and ask him why he is saying such things about the Prophet (SCW) and his reasons to what he is saying, then I would tell him the facts and explain to him about our Prophet (SCW),,,,, Bismillaah:..........
  10. I totally agree with you guys,,,,,
  11. Bal inagu celiya Medical/Health Issueskii,,,, Somalia's angels of mercy By Joseph Winter BBC News, Mogadishu An armed security guard sits at the entrance to the Hayat Hospital in the centre of Somalia's capital, Mogadishu, to ensure that no-one takes their weapons inside, turning a place of healing into a place of killing. Somalis were in desperate need of medical services And the doctors and nurses who work inside the hospital are only too well acquainted with the results of Somalia's 13 years of lawlessness. "Gunshots are one of our most serious problems," says Dr Mohammed Mahmut Hassan. But there is a sign of hope. He says that as the attempts to set up a new government have made progress, the number of gunshot victims has fallen. "We used to have 10 gunshot victims a day. Now, we see just four or five a month," he says. While Dr Mohammed is keenly waiting for the days when Somalia again has a government, the Hayat Hospital is also a sign of how well Somalis have coped without a central authority. He and other Somali doctors working abroad got together and in 1998 set up the hospital to try and fill the gap. "We had to help our people, even though we ourselves were safely living abroad," he said. Aids threat In order to meet its running costs, the hospital charges for every visit - nobody is paying any taxes which could be used to provide a free service - but Dr Mohammed says they try to keep charges as low as possible. We can offer counselling but we cannot distribute condoms Dr Mohammed Mahmut Hassan Every Friday, 200 people who cannot afford the $3 fee are treated free of charge and long queues form overnight. While Hayat, and Mogadishu's four other hospitals, are able to provide a basic medical service, the Aids pandemic highlights the need for a government to tackle the problem at the national level, for example by running public awareness campaigns. The most recent statistics show that about 1% of Somali adults are HIV positive - low by African standards - but Dr Mohammed believes the numbers are rising quickly. "We come across about five new positive cases every week," he says. One reason is the high number of Somalis living in refugee camps in the region, some of whom are now able to go home as fighting subsides. But Somalia remains a very traditional society, where Islam is strong and Dr Mohammed says that the hospital does not stock condoms - a key part of the fight against Aids - because the people do not accept them. "We can offer counselling but we cannot distribute condoms," he says. One hospital working alone will be unable to change such a deeply-entrenched mindset. Water lifeline In another sign of the entrepreneurial spirit and self-reliance shown by Somalis, those Mogadishu residents with some form of income are also able to go to school and university and get running water and electricity. We must think out of the box for Somalia Western diplomat These are services not enjoyed by all of those who live in African cities with functioning governments. Until 2000, Hawo Mohammed Khalid got her water delivered in a barrel carried on a donkey cart. Now, she just has to turn the tap. "I feel happy now because I have water 24 hours a day. Before I might need water in the middle of the night and I didn't have any," she says. Hawo, married to one of the few Somalis with a regular job, also enjoys regular electricity - and says there are rarely any power-cuts. Facts and figures about life in Somalia At-a-glance Her water and electricity are supplied by Abdoulkadir Hassan Issa, who runs the Isaf Water and Electricity Supply company in Bulo Hubey's south Mogadishu suburb. "We are doing this to provide a public service until the government comes," he says. "Then they can provide water and electricity or they might give us a contract and then we could continue. That's what we'd really like." Wire thieves Mr Abdoulkadir says they used to use an open well but some customers complained about their water quality, so they dug a bore hole and add chlorine to prevent infection. It may not taste like mineral water but Hawo is not complaining. Mr Abdoulkadir's generators serve 180 families Generators provide electricity along very precarious-looking wires and Isaf has even hooked up fluorescent lights as makeshift street lamps. Isaf provides running water to 800 families and electricity to another 180 across a large part of south Mogadishu, he says. The biggest problem Mr Abdoulkadir faces is that thieves take advantage of the absence of law and order to steal the wires and pipes he used to provide his services. "But at least the militia which controls this area doesn't ask us for protection money," he says. 'Wait and see' Nobody says that such services mean that a government is not needed but one western diplomat closely involved with the peace process says they mean "we must think out of the box for Somalia". When a new government is eventually installed in Mogadishu, it would make no sense for it to take over all these services which are already functioning. Some street lights are better than none - unless there is a short circuit "It would be a tragedy to fall into the trap of having a massive state sector, which would inevitably fuel corruption as we have seen elsewhere in Africa," he says. "Maybe the health ministry could set policies and targets for hospitals, which would remain in private hands, for example." But while arguments continue about how to bring the Kenya-based government back to Somalia, such questions remain academic. In the meantime, Dr Mohammed is not making any predictions about whether the fall in shootings will continue, or whether the latest attempt to set up a Somali government will fail, like the 13 which have gone before. "We're just waiting to see, like everyone else," he says.
  12. Marka anigaa ku waydiin su'aal Maleedihiin wax urur ardayd ah oo jira? Haddii aysa jiraan wax dhaq dhaqaaq ah oo aad qabataan ma jiraan? for the community,,,,, Go figure:................
  13. Wiilo

    Caashaq

    Tolow dictionarygaas ma kii la oran jiraa webster dictionary :confused: bal aanu aragno macnaha aad ku tilmaami doonto Caashaq wuxuu yahay,,,,,,,,,, Go figure:.............
  14. Wilo I'm rooting for the eagles too but i honestly don't think they can go anywhere without T.O. I have alot of confidence in the steelers. U might be right but hay lets hope for the best they might go all the way and win for the Superbowl There is no quiting in the NFL but hay when u r loosing and the situation is always like that u get frustrated and sometimes quite the damn game :mad: I wasn't surprised when Raddy walked a way 'cause I was expacting that will come one day,, Go figure:..................
  15. I'm here sxb xoogaa af-somaliga aad soo qortay baa igu kala tira batay xoogaa No seriously I didn't read ur posting yet but I will insha Allaah,,, Go figure:................
  16. Af-qalaad Aqoontu Miyaa? Part I: Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? W.Q A.C.M. Khayre iyo M.C.Cibaar Hordhac Qormadan aan ku magacownay af-qalaad aqoonta miyaa? Waxa kalifay in aan qorno, kadib markii aan aragnay xaaladda qatarta ah ee uu kusugan yahay afkeennii hooyo, kaasoo la dhihi karo waa xididka ugu muhiimsan ee maanta isku haya guud ahaan Soomaali weyn meel kasta oo ay joogto. Maadaama arimihii kale ee umadda isku hayey ay dhibaatooyin ka taagan yihiin; sida calankii,dhaqankii, dhulkii iyo wada dhalashadiiba. Soomaaliya waxa ay nasiib u yeelatay in ay kamid noqoto saddexda wadan ee qaaradda Afrika looga hadlo halka luqad, iyada oo labada kalana ay yihiin Swaziland iyo Lesotho oo ah wadamo aad u yar yar. Bal akhristow u fiirso nimcada Ilaahey nasiiyey ee aan laga faa’iidaysanayn. Wadanka aan dariska nahay ee Itoobiya, waxaa looga hadlaa in kabadan 70 luqadood oo leh 200 oo lahjadood. Hadaba qormadan haddii Alle idmo waxaan rabnaa in aan ku eegno su'aalo ay udub dhexaad u tahay: maxaa keenay dadka soomaaliyeed oo Ilaaheey nimcadaas ku galadaystay uuna siiyey hal af, in ay maanta kuwada xiriiraan luqado qalaad? Quursiga iyo ku qanacsanaan la'aanta Af- Soomaaliga Haddii aad u fiirsatid inta badan Soomaalida qurbe-joogta ah, mar mar waxaad isweydiinaysaa goorma ayay qasab noqotay in lagu wada xiriiro afaf qalaad ; sida kala qorashada telefoonada, cinwaanada iyo wixii lamid ah. Waxaa suurto gal ah in aan inteenna badan aragno laba qof oo soomaali ah oo ku xiiqsan ineey isku yeeriyaan lambar telefoon oo ka kooban toban lambar ama ka yar, maadaama labadooda midkood ay ku adagtahay luqadda wax leysugu yeerinayo, iyadoo lagaba yaabo in tobankaa lambar lagu kala sheego dhowr luqadood oo kala duwan sida ( oow, two, sei, acht …..iwm.).taasoo laga yaabo in waqti dheer uga dhumo,oo haddana waliba ay suurto gal tahay in wixii leysku yeerinayay qalad loo kala qorto. Hadaba walaalayaal miyeysan ahayn wax lays weydiiyo, maxaa na geliyay dhibaato aan alle nabadin? Oo keenay inaan quursanno kuna qanci weyno afkeenna qaaliga ah. Arinta kale oo aad layaabka u lehi waxa ay tahay, in qoraalada lagu soo bandhigayo bogagga ay Soomaalidu ku leeyihiin shabakadaha internetka badankoodu ay ku qoranyihiin luqadaha qalaad sida Ingiriisiga. Waa macquul in qoraaladda qaar loogu talo galay dad aan Soomaali ahayn. Waxase aan kahadlaynaa waa qoraallo aad arkaysid in loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ,isla markaana lagu qorayo af ajnabi. Qormooyinkaas qaarkood malaha wax nuxur ah, waxaana intaa usii dheer dhaliil luqadeed. Waxa kale oo jira in dhalinyarada ku kortay qurbaha ay inta badan iskula xiriiraan luqadaha wadamada ay joogaan iyaga oo aan danaynayn luqadoodii asalka ahayd. Waxaana wax laga naxo ah in waalidiinta qaar ayba arrintaas ku faraxsanyihiin oo ayba ku faanayaan in aan caruurtoodu af-Soomaaligaba fahmin, laakiin ay ku gabyaan luqadaha qalaad!!. Dadka luqadaha kale wax ku soo bartay ayaa iyagana ku tacadiya luqada Soomaaliga,waxaadna arkaysaa marar badan iyada oo aysan hadaladooda lasocon karin dad aan aqoon ulahayn luqadaha qalaad oo ay isticmaalayaan. Lama inkiri karo in ay jiraan erayo-cilmiyeed badan oo aan weli la Soomaaliyeyn, laakiin ma ahan in 'off course, allora, iyo Maca-daalika' laga dhamaan waayo. Waxaa kale oo in laxuso mudan shirar badan oo weliba lagu magacaabo shirarka aqoonyahannada, kuwaasoo aad arkayso in la dafirayo af-soomaaligii laguna daadihinayo luqado qalaad. Shir dadka jooga ay 99% Soomaali yihiin ayaa waxaa dhacda in luqadda shirku ku socdo ay noqoto mid qalaad. Waa la yaabe, ma 1% ka ajnabiga ah ayaa lagu qadarinayaa arintaas, mise ku hadalka afka qalaad ayaaba, ammaan, iyo ilbaxnimo loo haystaa? Heerka ay gaartay xaqiraadda uusan mudneyn ee la xaqirayo af-soomaaliga waxaad si dhab ah uga arki kartaa dhaqanka qaabka daran oo ay la yimaadeen siyaasiyiin isku sheegga maanta Soomaalida horkaca. Bal u fiirso qoraaladda ka waramaya qorshahooda waxqabad ee ay soo bandhigeen kuwa isku sharaxaya hogaanka wadanka dhammaantood, imisa ayaa ku qoran af-soomaali? Imisa ayaase ku qoran af ingiriis? Waxaa lays weydiin karaa qoraaladani ma barnaamij loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ineey aqristaan oo ay fahmaan si ay wax ugu qiimeeyaanbaa? Mise waa lifaaq lasocda arji ku socda qoom iyo qaarado kale?!!! Qaybta labaad qoraalka way soo socotaa,,,,,,
  17. J'baro walaalkiis adna meesha kama marnid ee soo daa ra'yigaada mar labaad,,,,,,,, Go figure:.............
  18. Wiilo

    Caashaq

    Seriously what is Caashaq? I want to know exactly what it is or what it means.
  19. Waraa J'baro maxaa ku dhahday sxbtay simply the Best? waraa iidaa sxbtay oo yaynan kaa soo dacwoon Simply the Best macaanto waxaan waa just chat-room marka iska ilow hana xanaaqin, aniga ma fiirsan karo sxbtay oo xanaaqsanne. Baashaal lee meesha oo yimaadaa marka iska baashaal annagoo dham waxaan nahay dad walaalo ah oo meeshaan isga baashaalo,,,,,, Mac mac baa ku iri Raali iyo Nusna naqo gacaliso,,,,,,,, Go figure:..............
  20. raula dear sorry to tell u but the Sooners lost the game tonight, so i guess u gonna start rooting for the Eagles for the superbowl over the Patriots huh :confused: P.S. honestly, i wouldh've do the same thing that Randy Moss did, and could careless if the team fine me or not 'cause every year is the same so the hell with it :mad: Go figure:..........
  21. Caaqil faataxa baan kuu soo aqriyay walaalkiis in Allaah xusuusta kuu hagaa jiyo Aamiin Aamiin... Wabillaah:..............
  22. Haye war xaguu marahaa waanba u jeedaa Sxbtay simply the best is asking where u (J'baro) from,,, iyaa bal aan iska aamuso waxaa layidhi af daboolan dahab Go figure:...............
  23. juba dear dont get wrong i was just pointing out that there might be some of us that dont understand the English langauge or prefer Somali language than the English language, eg. I myself prefer Somali than English u know what i mean. I agree with u we should stick to English and Somali since these two languages are main languages that most of us know/understand/speak well,,,,,,,,,,,,,,,, Go figure:............
  24. U guys are complaining about the Somali language that u don't understand but how about the ppl that don't understand the English language well enough to follow the topic? Wabillaah:.............