Abaadir

Nomads
  • Content Count

    193
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abaadir

  1. Ma gabdhahaan Diana Cream is wada mariyaa dab u dhawaan kara. mid kastaa waxay ku haysaa wax ma karin karo... walee waa idin sugaysaa
  2. Gobolkasta ma jaamacad baa laga furayaa? may is bitaalo ka furaan. Abaartaan iyo colaada meel kasta ka taagan yaa wax baran kara.
  3. Nur: Though I do not contribute this forum as much as I like yet I try to read most of your posts. You never cease to amaze me with your positive lively contributions to the posts on this forum. I admire your energy and colorful messages and wish there were more people like you around to inject positive vibes into everything they do. Thank you, keep it coming…
  4. Originally posted by Makalajabti or more like another article to show loopholes in Sharia laws. I wonder what Islam has done to you that you hated it so much. You always find an excuse to bad-mouth it
  5. I though Ilko-Jiir was a colonel in 1991. I knew the guy very well; I doubted though that he will go to Somalia for a meaningless clannish war. He is one of the many good people Somali military created. He now lives with his family in New York
  6. Inkastoo uusan topic ninweyn ahayn hadana...... anyone here think that FGM deter women having pre-marital affairs? …But I agree it is bad and primitive practice and has to be stopped. I would NOT allow anyone do this to my daughter.
  7. SomaliP… you can disagree with the decisions that our beloved president made while in office. But to say he was responsible for the defeat of the Somali forces in 1977 is false and ridiculous. If election is hold in Somalia today, Aabo Siyaad would win landslide.
  8. Makaljabti iyo Ibtisan: ma waxaas baad maanta la soo shirtagteen. sidaas ku wada. Mar baad qaladkiina garandoontaan.
  9. Abaadir

    Children

    My kids broke countless stuff, but I am not worried about it. What worries me more is my younger son grabs everything he can find (coins papers etc)…….and puts his mouth. Just to be save I have to vacuum the house everyday. Oh, I love them.
  10. Abaadir

    war

    Castro, What is it that bothering you about Sangub’s case? The chances Sangub convicted are remote. Latest news has it, that the Judge is weighting to throw the case out. The victim does not have enough evidence to support her case. Her character is also in question. Take it easy bro. We will get the end of the road. Caku wax fudud oo aan fardo ahayn
  11. Abaadir

    Who am I?

    LST. I think That proffessor is DHAKOLO
  12. Abaadir

    Camelot!

    Alla Ubaahne: here is the entire Gabay. As Kasharne said, you should give credit the source of the poem. In this case Galayax. Awel Maanso waataan gurshoo, gooyey waayadane In dhawayd ka gaban gaabsadoo, wayga garateene Anigoo an gabin baan nacee, kama gal gaaleene Lix iyo toban haloo wada gartaya, wawga gaabsadaye Gabaygu waa yaraa Muxumedoow, gaafihii hore Garka iyo sidaydaas nimaan, guudka ka caddaanin Ama aan shaarubada oo gotay iyo gucumo Aar yeelan Goloyaasha lama keeni jirin, gaafka loo tago e Maantana Gurbood iyo gabdhiyo, gaban yaroo wiila Iyo Oday guxuushaaya yaa, guusha loo simaye Gef inay amuurtaasi tahay wawga gaabsadaye Guubaabo iyo gooddi iyo, gabay ma daayeene Haddii aan garwaaqsaday intaan gu iyo Waa Joogay Nin gaboobay oo oday noqdiyo, guudcaddaan ahaye Gefkii iga dhacaa maanta waa, geeri oo kale e Inuu godob islaameed I bado, wawga gaabsadaye Cibaadada ninkii gaar ka mara , guul darraa heliye Gabbal dhiciyo waagii baryiyo, goor iyo ayaanba Marna kama gidaadeen fahmada, guulle ii qoraye Gabayada haddaan shubi lahaa, amase geeraarka Wuxuu iga galaafanahayaa, garasho diineede Gelin dhexe habaynkii wardibaan, guriyaa Laylkiiye Nin ilaah u go ay baan ahoo wa uga gaabsadaye Geddaan anigu soo maray haddaan, gun uga sheekeeyo Inkastoo barkood go ay naflaha, geeri bow imane Raggii Geedka ila joogi jiray, gabalki baa noole Galkaa Bari Garoowiyo Nugaal, Garacad meesheeda Gooddiga Hargaysa intii, Guban ka hoosaysa Gar loo gubay Galbeed iyo Jig-Jiga, Goobba dhinaceeda Garbahaaraleey iyo dhulkaa, Gedo ka baalleeya Intaasoon guriyo meelo iyo, gobollo soo sheegay Anigaa geyiga eebbahay, gabay u teednaaye Maantana rag badan baw gurmaday, gooha maansada e Inay wiilal wada guuxayaan, wawga gaabsadaye Nin gurbooda lama qayrsan karo, guun haddaad tahaye Midaan hooyadii gurininoo, guriga meeraaya Aan weli gosheediyo ka bixin, gurada Awrkooda Hadduu goob walbaba taagan yahay, gabayna tookhaayo Kolna inaanan garab joogsan karin, wawga gaabsadaye Gabay Hawle iyo Raage iyo, Gooni baa lumaye Cali iyo Gahayr iyo Qamaan, geeri baw timide Ismaaciilna mawd baa genbiyay, waana tuu go Afcad wuxuu Gallayr yeyn ogaa, geesigii dhimaye Galaaskayga nimankii ahaa, gululi weeyaane Anna goor dhow baan filahayaa, goof la ii qodo Inay guurtidii eber yihiin, wawga gaabsadaye Markaanse gaban ahaa iyo haddoon, gooman oday yeeshay Intii aniga geed iyo shir iyo, garan gar lay keenay Amaan meelo lagu guulay iyo, gogol ka sheekeeyey Haddii anan gabaro weyn ku helin, guuyo iyo xoolo Inaan faa'ido laga gaara hayn, wawga gaabsadaye Haddii anan gobaadoo dhashiyo, geri ku taabaynin Ama anan gamaankii fardaha gorey ka fuulaynin Ama anan garaaddiyo billado garabka saaraynin Waxba gooddiggiisiyo ma rabo, gole kasheeggiise Inaan galala diisu i anfacayn wawga gaabsadaye Aduunyaduba gaasiran ninkii gaan ahaan jiraye Ninkaan gacanta lala laaci jirin waa gabanayaaye Hayeeshee gadaal niman dhashiyo gaafiyaa kacaye Amba rag baa gabay igu qabsaday iina goodiyaye In aduunku gaafaysi yahay wowga gaabsadaye Nin ragihi wuxuu galay amuu, gudeyba loo diidye Haddaad geesi tahay meel walbaba, cadawga guulaaya Giiryaalihii kula dhashaa gaalo, kaa necebe Inaan xaasid gacal kuu ahayn, wawga gaabsadaye Shir la gooday waayeel gabraday, talo la goyn waayey Guddi ururtay niman gaan ahoo, gararka feeraaya Xaajada guyaal iyo guyaal gees, u dhici wayday Garaad iyo wax loo sooci jiray, guud-caddow odaye Haddana geedka wiilkii yar baa, gic isa soosiine Haddaanse guushey kani, waa adduun gees u foorare Inba aakhir sabankii la galay, wawga gaabsadaye Gooraan Fardood iyo Darmaan, Galow ka dheeraysa Sayid maxamed geel iyo lo iyo, godol wuxuu haystay Arlaa’iga wuxuu daar gin gimay, gulufna heenseeyey Gubnigii Daraawiish wuxuu, gaasas bixinaayey Gumaysiga wuxuu laayay oo, Gaal la diriraayay Gebo-gebo intuu dhigay wuxuu, libin ku geeraaray Waxuu naago goba guursadoo, aqallo gawriirshay Intaasoo gallada oo ilaah, ugu gar gaaraayay Gegi buu ka taaganaa cid la ah, maalintuu go aye Nimanakii godka u qoday ma cunin, gudurki duugeede Gadaal xumida dunidaan arkoo, wawga gaabsadaye Gabdhaheenna waxaa loo yiqiin, haybad gooniyahe Goshay xiran jireen maryaha loo garraarsado e Gobna waxay ahaayeen intay, guudka dabayeene Gayaankooda lama laacdamayn goor iyo ayaane Maantana gad baa lagu arkiyo, guul darriyo ceebe Adigoo gidaar uga horyimid, kaama gudayaane Garoob waalan iyo waxaa ka haray, goroyo food dheere Hiddiihiina waa garab mareen, gaar ahaan jiraye Timihiina gedef bay ka dhigeen madax ganbuur weyne Iyagoon ninama guursan bay, wada ganbaysteene Haweenkeenna dhaqankii geddiyay, wawga gabsadaye Garaad nimaan lahayn baan ogayn gaadistii Malage Gugaan manta joogiyo hadaan gadaha faalleeyo Gantaalaha wadkii haystay iyo gamaska mawdkayga Markuu ruuxa iga goyn lahaa waala soo galaye Inay taasna igu guullan tahay wawga gaabsadaye Inkastoon gu yaal badan cimriga, gelimo sii joogo Maraan go aba Mawdkii rabbaa,yaa ii gadaal imane Godna waa i sugayaa qabuur, guda ciriiryoone Gabnahaa agoontoobi iyo, gaaryahaan qabo e Intaanan ciidda hoosteeda galin, wawga gaabsadaye
  13. Maygaag, that is classic...Thanks for posting it. maahmaadii maxay ahayd. Ragna waa ragii hore, hadalna waa intuu yiri...
  14. Zafir In terms of looks its women that tend to age faster then their counterpart, and..Ummm..Oh yeah, above and beyond men are never too old for fun seeking women A woman is as old as she looks, while a man is as old as he feels. In a serious note though, for a relationship to last long, the man has to be the elder one
  15. Abraar sounds more masculine name. Ina abti, how do you like these names: Qalanjo, Suuban, Saxarla, Samawado, Saaqa or Siman hadii kale sida Soomalida galbeedka degta waxaad qaadataa laba magac…. Saaqaluula, AaminaCadar or FalxadoQuman Baashe, when was the last time your eye vision checked?. I know it is costly here in the States but … Heey It is free in Europe.
  16. Ma kaluun carfoon baa jira. Wax un baa ka soo shiira ama hada bada ha laga soo bixiyo ama waa hore hala qalee. Aniga iyo reer Bari maxaa na kala haysta.
  17. War waxaanu maxay ahaayeen.... Markii mid la soo celiyaba mid kalaa caroonaya.... Bal hada muxuu Geedi la carooday.
  18. Sheekh Abaadir Muuse wuxuu ahaa sheekh caan ah. I never knew in uu hargaysa ku aasan yahay. Burgeesoole maxaa sheekha loogu aasi wayay ama Bali Kibir. Ok hada saaxiib Waan sii socone... Quulaa Dabka ii saarane
  19. Abraar Touching lyrics! Hooyooy macaaney Nuurkii indhaheygaay Ruuxii qalbigeygaay Aayihii nafteydaay Hooyooy Macaaney Daaradadaa nasasho laga helaaye Dhabtaadaa raaxo laga helaaye Agjoogaagaa nimco lagu helaaye Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye Hoyoooy macaaney Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee Jaceylkaan kuu qabo Kalaam laguma koobi karee Saad iigu rooneyd Rabbi ha kuugu roonaado... Abraar, ina abti ma jacbur baa mise waa gabay horey u jirey...... Si buu iila deel qaaf badan yahay.
  20. Alamagan Da... Saaxiib waan ka xumahay. ma dhamayn karo gabayadaas. Laakiin waan soo raadin. Insha allaah
  21. Jacayl waa kacsi wadnaha gaaray. So true
  22. Hadaan waayay calan lay nashiro tan iyo nairobi Miyaan waayay naxariis jano iyo nabiga jaahiisa Wuxuu ku fakarayay ilaa iyo nairobi in uu calan ka taago.
  23. Waxase nasiib darro weyn ahayd in ku sheeganaya aqoonyahan suugaaneed uu shirka u adeegsaday dano qabiil isagoo rajiimkii dhintay ee kelitaliska ahaa ku ammaanay inuu horumar gaarsiiyey reerahaa la quudhsado. Haddii aynaan is-yeelyeeleynin, rejiimku reeraha wuxuu u adeegsan jiray keliya inuu ku laayo kuna tunto kuwa kasoo horjeeda ee iyaga wax la taaban karo uma qabanin. Waxase hubaala “aqoonyahankaaâ€, oo ahaa dadkii rejiimku magaca u yeelay oo muufadiisuna maraqa ku jirtay, inuuna manta qaxowti noqdeen haddii sida uu ku doodayo rejimku uu ahaa mid wax hagaajinaya oo horumar innoo hogaaminaya. Soomalida xaqiraadeedaan la yaabaa. Dawladii kacaanku waxa ay ka qabatey quursiga U malayn maayo in Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo wixii ka horeeyey ay ka ka qabteen. Xili waxaa jirey ay dawladii maxamed siyaad dadka la quursado ay ku lahaa yeen sadex wasiir. Waxaa ay ciidamada ku lahaayee 4 jeneral. Waxaa la aasay qabiil laakiin Soomalidaa soo faagtay. Waxay dawladii muujisay in aan nina la yasi karin. Mida kale oo aan la yaabay waxaa weeye, goormuu Maxamed Siyaad u adeegsadey dadka la yaso in ay qabiilo kale u laayaan. Dadkaas iga ayaa la ilaalin jirey. awood iyo tiro ay qabiilo kale ugu duulaan ma aysan lahayn. Idaajaa waxa uu meeshaas ka yiri waxay ahayd wax sax ah. Dadka la quursadaa waa og yihiin in sidii uu maxamed Siyaad u soo qaaday sharaftooda iyo sumcadooda aanu nin hada dhintay iyo mid asaga ka horeeyey uusan u soo qaaday.
  24. Jaylaani Have you ever wonder why this mullah was in Somaliland in the first place? Isn’t like he was from there nor was he representing or fighting for ALL Somalis in general. The question remains why Somaliland and the British? He could have done the same thing in Ethiopia (his own people) or Somalis under the Italian rule that were more oppressed if he was sincere. The mad Mullah was the first WAR LORD in the history of the Somalis. He killed a lot of innocent Somali people (read his poetry). He had a hidden agenda in promoting and spreading the dominance of one particular tripe and yes Somaliland citizens saw it and rejected his twisted political strategy. He was never embraced in Somali history books before Siyad Barre came to power…I wonder why? You are not making any sense at all
  25. I have been in London last summer. I almost got hit by incoming car. Traffic is moving wrong direction, plus the place is crowded. So many Asians, Those people will take over that city next 50 years. It is for sure the worst tourist destination.