Sign in to follow this  
Tallaabo

The Mayor of Hargeisa passed away

Recommended Posts

Tallaabo   

Maayarkii Hargeysa oo ku Geeriyooday Isbitaal ku Yaalla Imaaraadka Carabta iyo Siilaanyo oo Guddi u Magacaabay Aaskiisa

 

 

Axad, Abriil 07, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii golaha deegaanka Hargeysa, isla markaana ahaa Maayarkii Hargeysa Eng:Yusuf Warsame Siciid ayaa saaka ku geeriyooday wadanka imaaraadka Carabta oo uu muddo ku xanuunsanayay.

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi u diray, Golaha Degaanka Hargeysa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Maayarkii Caasimada Hargeysa MARXUUM, ENG. YUUSUF WARSAME SICIID oo ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal Imaaraadka Carabta Saaka Subaximadii hore.

 

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay muwaadin jecel dalkiisa iyo horumarka ummaddiisa, mudo dheerna u soo shaqaynaayey sidii uu ugu tari lahaa dadkiisa iyo dalkiisaba.

 

ALLE ha u naxariistee Doorashadii Golaha deegaanka ka dib waxaa loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa si uu aqoontiisa iyo kartidiisa ugu horumariyo caasimada Hargeysa, inkastoo intii loo doortay Maayarka Caasimada ka dib uu la soo dersay Xanuunkan uu haatan u geeriyooday Marxuumku.

 

“Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumkaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Golihii Degaanka Hargeysa ee uu maayarka u ahaa, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/MG/083-1696/042013 ku magacaabay Gudi qaban-qaabo oo u xilsaaran Aaska Marxuumkaasi, Gudidaas oo ka kooban 15 Xubnood.

 

Waxaana guddidaasi gudoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigga iyo Khayraadka Badda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaarrada Warfaafinta, Dh. Iyo Wacyigelinta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Maayar Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Xoghayaha D/Hoose ee Caasimadda Hargeysa, Guddoomiyaha Xafiiska Xildhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyadda, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Xildhibaan Maxamuud Axmed Oobsiiye, Mudane, Maxamed Baarjeex, Mudane, Cali Cumar Xasan Guuleed, Marwo, Aamina Yusuf Aar.

 

Alla ha u naxariisto Maayarkii magaaladda Hargeysa Marxum Yuusuf Warsame Siciid oo muddo dhawr bilood ah hayey xilkaasi, waxaanu ahaa khabiir aqoon badan u leh qurxinta iyo qaabeynta magaalooyinka, waxaanu ka soo shaqeeyey Soomaaliya, Jabuuti iyo dalal reer Yurub ah.

 

Maayarka ayaa ka soo baxay xisbiga taladda haya ee KULMIYE, waxanay aad u taageereen soo bixitaankiisa, isla markaana ku guulaystay maayarnimada, haseyeeshee isagoon aan wali shaqadii si rasmi ah u bilaabin ayaa xanuunkan uu u geeriyooday ku dhacay, waxaanu muddo ku jiray cisbitaal ku yaala magaaladda Dubia ee imaaraadka Carabta.

 

Gudoomiyaha xisbiga Wadani, gudomiyaha xisbiga UCID iyo goleyaasha deegaanada magaalooyinka Somaliland, ayaa tacsi u diray marxumka , iyagoo ilaahay u baryey inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

AfricaOwn;935376 wrote:
I heard this morning - Illaahay ha u naxaristo

you guys and the arabs have a majority (13) and yet the sacsac are predicated to win? there's 5 sacsac running against each other. they are their own achelis heels, ma istidhi? mise the two pistol waving little deputy sand-dweller will win the mayor-ship? interesting times in HAG this evening.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alpha Blondy;935381 wrote:
you guys and the arabs have a majority (13) and yet the sacsac are predicated to win? there's 5 sacsac running against each other. they are their own achelis heels, ma istidhi? mise the two pistol waving little deputy sand-dweller will win the mayor-ship? interesting times in HAG this evening.

Saxib, isla yab...Offer your condolences and leave the thread.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Inalilah wainailahi rajicuun..May Allah forgive him and have mercy on him..cleanse him as white cloth is cleansed..as for you Alpha nacaas foqol nacaas.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

STOIC and Africa,

 

y'all G-lords are a tad-bit overplaying this, ma istidhi?

 

inaars, i'm merely reporting the mood, here in the nations capital. anyways, we'll soon find out the favourite to succeed the maxruum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alpha the man is not even buried its not really important who is his successor or what the muqayaalins in hargeisa qaadku ugu baxo, its a tacsi thread , we should just pray for the deceased Mayor so that allah can grant him jannah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;935429 wrote:
Alpha the man is not even buried its not really important who is his successor or what the muqayaalins in hargeisa qaadku ugu baxo, its a tacsi thread , we should just pray for the deceased Mayor so that allah can grant him jannah.

yes, of course. i agree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AUN

 

May be he was lucky oo ALLE ayaa dhaafinayay inaanu ku wasakhoobin oo aanu aakhiradiisa ku seegin, that dirty political game in H-tony. I'm really sorry for Hargeisa he was the best choose in their council.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   

Xaaji Xunjuf;935429 wrote:
Alpha the man is not even buried its not really important who is his successor or what the muqayaalins in hargeisa qaadku ugu baxo, its a tacsi thread , we should just pray for the deceased Mayor so that allah can grant him jannah.

Well said, Illahay ha u naxariisto to the marxuum.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this