Sign in to follow this  
Saalax

Somaliland requests the remains of the 47 Somalilanders killed in 1989,Mogadishu to be handed over

Recommended Posts

Saalax   

Somaliland Oo Caalamka Ka Dalbatay In Lagu Soo Wareejiyo Lafaha Muwaaddiniin Lagu Xasuuqay Muqdisho

(SLT.- Hargeysa )- Guddida Baadhista Xasuuqa Taliskii Siyaad Barre kula kacay ummadda reer Somaliland, ayaa ku hawlan sidii dalka Somaliland loo keeni lahaa, isla markaana aas qaran oo shareecadda waafaqsan loogu samayn lahaa qalfoofka 47 muwaaddin oo 17kii July 1989 lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Guddida Baadhista Xasuuqa Khadar Axmed Like, ayaa hay’adda caalamiga ah ee Bisha Cas u diray 18 March 2013 qoraal uu kaga codsaday in dawladda Soomaaliya la weydiiyo sidii qolfoolka 47 qof reer Somaliland ah oo lagu xasuuqay xeebta Jasiira loogu soo wareejin lahaa dhinaca Hargeysa, si lafaha dadkaas loogu sameeyo aas waafaqsan shareecadda diinta Islaamka.

Qoraalka hay’adda Bisha Cas loo diray oo nuqul ka mid ah waxa uu u qornaa sidan:-

 

“Sida Ummadda Soomaaliyeed iyo adduun-weynuhuba ka markhaati kacayaan waxa la wada ogyahay dhacdadii xasuuqa ee habeennimo 47 nin lagala baxay guryahooda ee lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho, 17 July 1989.

Iyadoo raggan loo xasuuqay ‘Maxaad woqooyi (Somaliland) ugu dhalateen?’ Isla markaana si xushmad-darro ah loo xabaalay.

Haddaba, waxa waajib ina saaran ah in aadamiga dhimasho dabadeed loo aaso siduu xaqa u leeyahay ee uu inoo tilmaamay Nebigeennii suubbanaa (SCW).

 

Sidaa darteed, waxaannu hay’adihiina iyo cidda kale ee aad la kaashan karaysaanba (ICRC) idinka codsanaynaa inaad gacan bani’aadanimo naga siisaan sidii aad qalfoofkaas (47 qof ee la xasuuqay) noogu weydiin lahaydeen dawladda Soomaaliya si aannu ugu aasno, isla markaana aaskooda u waafajinno shareecadda islaamka,” ayuu Khadar Axmed Like ku yidhi qoraalkiisa.

Waa markii u horreysay ee dawladda Somaliland ka dalbato beesha caalamka in loo keeno qalfoofka muwaaddiniin sannadkii 1989kii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Saalax;930621 wrote:
Their remains will get a national burial in line with Islamic burial.

I didn't realize the remains were buried in unislamic burial.

 

Playing the victim card and politicizing the remains of victims. Looking for sympathy where there is none.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NNoow, you little las anodian donkey,

 

this is NOT the first and will probably NOT be the last time, you'll make pathetic statement about the dead. as far back as 2009, you were making snide comments about this same group. keep shut and find better things to discussed, inaar. you petty fool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this