Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Gran Sultan of Hargeisa calls for the end of secession in SL and to embrace Somali fedaralism

Recommended Posts

No why should he be arrested as long as he doesn't take part of conferences saying he is representing his clan or Somaliland he can say what he wants. But i am sure the news is not true or else every one would have mentioned it,suldaan maxammad is very close to me

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waranle_Warrior;927336 wrote:
Sidaa ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u warramay
mid ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa
caddadkiisii maanta oo Sabti ah soo baxay.

Sourced from a 'phantom' Hargeisa newspaper ;)

 

Pirate Technique: Pick a prominent Somalilander with past Somaliweyn leanings, create a fake news story around a call for 'union', and watch as the finger pointing starts within the internal group. Classic pirate strategy!

 

But the trick is getting a bit old these days....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mintid Farayar;927365 wrote:
Sourced from a 'phantom' Hargeisa newspaper
;)

 

Pirate Technique: Pick a prominent Somalilander with past Somaliweyn leanings, create a fake news story around a call for 'union', and watch as the finger pointing starts within the internal group. Classic pirate strategy!

 

But the trick is getting a bit old these days....

+1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Don't get you hopes high dear Koonfuriyaans. Somaliland's independence is based on a decisive national referendum so any sultan or politician who tries to impede our progress will just become one more guest of mandheera prison.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xx, it seems majority of the secessionist news portals are in bed with Siilaanyo and hiding the truth from you, here is another reputable website reporting it.

 

 

HARGAYSA: Suldaanka Guud ee Beelaha Soomaliland oo ku baaqay inay Soomaliland qaadato nidaamka Federalka ah.

March 16, 2013 3:06 pm GMT - Written by Mukhtar - Edited by Mukhtar

Print Print

 

Hargaysa: (pp)- Suldaanka Guud ee Beelaha Soomaliland ayaa ugu baaqay Shacabka iyo Maamulka Soomaliland in la qaato Hanaanka Federalka ah lalana midoobo inta kale ee Soomaaliya maadama aysan soo muuqan ictiraafkii ay raadinaayeen Shacabka reer Soomalialnd uuna caalamku gabi ahaanba indhaha ka *****shay baaqa reer Soomaliland ee ah inay helaan Dawlada ka madax banaan Soomaaliyada kale, Suldaanka ayaa waraysi siiyey Wargeys kasoo baxa Magaalada Hargaysa.

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland

 

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa iclaamiyey Shirweyne Guud oo ay iskugu yimaadaan Aqoonyahan,Culimada, Siyaasiyiin,Madaxda Dhaqan iyo Cid kasta oo ay ka go’do talada Soomaliland si loo go’aamiyo sharuud adag oo lala hortago midowga Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Lana ogolaado inay Reer Soomaliland qaataan hanaanka Federalka ah, Waxa uu sheegay inay socon wayday uuna caalamku dhagaha ka furaystay rabitaankii reer Soomaliland ee ahaa inay noqdaan Dawlada Madax banaan hase ahaate waa inaan qaadanaa ayuu yiri Hanaanka Federalka lana midownaa Soomaaliya inagoo Midowgaas ku xiraynaa sharuud adag si aysan usoo noqon wixii dhacay Sanadihii Sideetamaadkii.

 

Suldaanka ayaa soo jeediyey isku taga labada dhinac inay Goob joog ka noqdaan xubno kasocda Beesha caalamka si loo arko waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen ayna marqaati uga noqdaan, Waxa uu sheegay inaysan macaquul ahayn in la iska fadhiyo maadama uu socon waayey ictiraaf doonkii, waa inaan yeelaa ayuu yiri sidii ay nooga badin weydo, wuxuuna tilmaamay hanaanka Federalka ah inuu yahay mid si aada uga badelin nidaamyadii ay Dawladihii hore ee Soomaaliya ku dhaqmi jireen.

 

Hadalka kasoo yeeray Suldaanka Guud ee Beelaha Soomaliland ayaa u muuqda yididiilo hor leh oo muujinaaya midnimada umadda Soomaliyeed maadama ay Soomaliland kamid ahayd dhinacyada sida aadka ah u diidan Midowga Dalka Soomaaliya oo ay colaado ku habsadeen mud kabdan 20-sano.

 

puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another bugland source, there are websites in Somaliland who are critical to the SL government like waaheen qarannews tv Somaliland europe and non of them are even reporting it and reporting news like this is not just for the opposition websites its for every one. Even the opposition websites dislike those who oppose the Somaliland independence cause and not even Hadhwanaagnews.com is reporting it Its not true my friend believe me. But just wait the Sultaan will speak in the next 24 hours audio tape i will post it here.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Is this one from Puntland too? stop crying waryaa, Allcaasimada.com here below reported the story too.

 

Mid kamid ah Dadka Miisaaniyad iyo Magaca ku Dhex Leh Reer Somaliland oo ugu Baaqay in ay Federalnimada Qaatado

Taariikhda : March 16, 2013 - Waxaa Qorey : Ahmed Abdi Macow ( Basbaas ) -

 

Xukuumada Soomaaliland oo loogu Baaqay in ay Qaadado Federalnimada Xili uu Maamulka Somaliland Arinkaasi meel Fog ka Joogo oo ay Dooneyso in ay Gooni isku Taagto Tan iyo Markii ay ku Dhawaaqday in ay Soomaaliya inteeda kale ka Go’aday 18-kii May 1991.

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland ayaa ugu Hadlay Si aan loogu Baran in uu ugu Hadlo Muuqifka kaga aadan Xukuumada Federalka Soomaaliya wuxuuna Maantay ka Dhawaajiyey Hadal ay Dadka Reer Soomaaliland Isla Dhexmareen.

 

Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, ayaa Maamulka Somaliland ugu Baaqay in Xiligaan Wanaagsan tahay in ay qaadato faderaalnimada ee Soomaaliya.

 

Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, ayaa Sheegey in ay Soomaaliland mudo badan u Soo Halgameysay in ay ku Guuleysato Gooni isku Taaga 1991 ilaa Iminka Balse ay Maantay Taagan tahay Meeshii ugu Xumeed Maadaama ay Aqoonsi ka Weysay Caalamka intiisa kale.

 

Suldaanka ayaa Sheegey in Soomaaliland ay ku Guuleysan Weyday mudo 22 Sano ka badan in uu Caalamka Aqoonsi Siiyeyo, Maantana si Cad Loogu Sheegey in uu Caalamka Aqoonsi Siineynin misna uu u ogolaado Gooni Isku Taaga Maamulka Somaliland.

 

Suldaan Maxamed ayaa Dhamaan Beelaha Somaliland ugu Baaqay in ay Isku Waafaqaan in ay Qaataan Nidaamka Federalnimada oo ay Dhamaan Hal Muuqif Qaadaan beelahaasi Nidaamka Cusub ee Soomaaliya Isla Markaana ay Dhinac ka Raacaan Isbadalka Soomaaliya ka Dhacay.

 

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa Nabadoonada, Waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta iyo Suldaanada Beelaha Soomaaliland kula Taliyey in ay Go’aan mideysan arinkaasi ka Qaataan oo ay Fiiriyaan Halka uu ku Jiro Aayaha iyo Mustaqbalka Reer Somaliland oo ay Iska Iloobaan Gooni Isku Taaga.

 

“Aniga Waxay ila Tahay in Soomaaliland ay Maantay Fursad Heysato Mar Kaliyana u Hadhay Sidaa ay Tahayna waa in ya ka Faa’ideystaan Reer Somalinad Sida ay u Dhanyihiin Waxgarad, Siyaasi, Aqoonyahan, Culimaa’udiinka iyo Dhamaan Cidkasta oo Reer Soomaliland ah ha iskugu tageen Meel Kadibna ka Hadleen oo ha Isl Gorfeeyeen Go’aan Cad oo loo Dhanyahay misana lala Hortago Soomaaliya inteeda Kale Dhamaan Dadka Daneeyo Arimaha Soomaaliyana iyo Beesha Caalamka ay u arkaan hadafkeena iyo Go’aankeena , oo aynu caddaynu inaynu nahay laba dal oo markii hore isku biiray, haddana kala noqday.”

 

Sidoo kale Suldaanka Beelaha Soomaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir ayaa Sheegey in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay wax muuqdo Ku Heshiin Karaan oo uu Caalamka arkaayo isla markaana uu Xaadir ka yahay Maadaama ay Iminka Caalamka u Soo Jeesteen in ay wax u Qabtaan Soomaaliya.

 

Hadalka Suldaanka ayaa imaanaayo Kadib Markii Dhamaan Dalalka Caalamka ay u si isku Mid ah u Diideen in ay Aqoonsadaan Gooni Isku Taaga Soomaaliland kadib Markii ay in ka Badan 22 Sano ay u Soo Taagneed Gooni Isku Taaga Soomaliland,

 

 

Daawo Video Cajiib Ah oo ay Sameeyeen Raga Aduunka Ugu Caansan

 

 

 

 

 

Runta Lama Shakaalo Shakina Waa La Hubiyaa

Shabakada Allcaasimada.com

Nagala Soo Xariiri Email - Allcaasimada@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this